Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Musharax madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ololihiisa doorashada ku’guda jira, ayaa booqasho salaan ah ugu tagay qaar kamid ah Isimada [...] Source
  2. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay askarta u dhalatay Ethiopia oo lagu qabtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Kaxandhaale. Wasiirka arimaha gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale lagu qabtay askar Ethiopian ah kuwo kalana lagu dilay dagaalada. Wuxii sheegay inay Xiriiro ay la sameeyeen taliska ciidanka Ethiopia ee ku sugan Hiiraan iyo mamulka Kililka, isaga oo sheegay inay kala hadleen ciidamada lagu qabtay dagaalka iyo kuwa lagu dilay. “Maleeshiyada gacantooda ayay ku jireen ragga ajaaniibta ah, waan kasoo wareejinay, Meydna wuu jiraa oo Ethiopia ah, Waxaan la xiriirnay safaaradaha Ethiopia, waxaan la xiriirnay Sector 4 oo ah ciidamada Ethiopia ee Hiiraan Jooga, waxaan la xiriirnay maamulka Jigjiga, waana ku wargelinay inaan heyno xitaa meydadkooda”ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay dowladda Ethiopia ku wareejiyaan askarta nolosha lagu qabtay iyo hubka, isaga oo sheegay in hadda askartaasi ay ku jiraan gacanta Galmudug. “Wey Nool yihiin askarta, weyna caafimad qabaan, waan kasoo wareejinay maleeshiyaadka oo ciidamada ayaa hadda gacanta ku haya, way nala soo xiriireen waxay naga dalbadeen meydadka, waxaana u sheegnay in xitaa qalabkooda aan heyno”ayuu yiri wasiirka. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  3. (SLT-Australia)-Neil Prakash oo ah Jihaad doonka aad loogu raadka joogay dalka Australia ayaa laga noqday jinsiyadda dalkaasi. Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Australia Peter Dutton ayaa Prakash ku tilmaamay in uu yahay “shakhsi aad halis u ah”. Saraakiisha sirdoonka ee dalka Australia ayaa sheegay in Prakash oo ku dhashay magaalada Melbourne uu ahaa tababare ka tirsan ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka sidoo kalana uu qaban-qaabin jiray weerarrada ka dhaca dalka Australia. Haatan waxa uu ku xiran yahay dalka Turkiga halkaasi oo uu ku qaadanayo xukun xabsi oo la xiriira argagixisonimo. Bishii july, maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa gaashaanka u daruurtay codsi ahaa in Praskash uu ciqaabta dambiyada uu geesytay ku maro dalkiisa hooyo. War saxaafadeed ayuu Mr Dutton ku sheegay in Prakash uu daacish u ahaa xubin muhiim ah oo u qaabilsan Bariga Dhexe. “Haddii Mr Prakash la siin lahaa fursad waxa uu dhibaatayn lahaa amaba dili lahaa dadka reer Australia,” ayuu yiri Mr Dutton. Sanadkii 2017-kii mar uu ka soo muuqday mxkamad ku taalla Turkiga ayuu ka hor qirtay in uu ku lug lahaa weeraradii argagixiso ee ka dhacay Australia balse uusan boqolkiiba boqol mas’uul ka ahayn. Waxa uu sheegay in lagu khasbayay sameeynta muuqaallada ururka Daacsih ee been abuurka ahaa, uuna sidaa uga soo baxsaday kooxda kadib marklii uu arkay wajigooda dhabta ah. Prakash oo 27 sano jir ah ayaa waxa uu Australia ka soo tagay sanadkii 2013-kii ka hor inta uusan imaan dalka Suuriya waxaana loo bixiyay Abu Khaled al-Cambodi. Sandakii 2015-kii ayaa waxaa si khalad loo soo tabiyay in duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay magaalada Mosul ee dalka Ciraaq. Prakash waxa uu haystay laba jinsiyadood oo kala ah Fijian iyo Australian. Sharciga Australiana waxaa uu dhigayaa in qofka haysta laba jinsiyad lagala noqon karo haddii uu qofkaasi uu galo amaba looga shakiyo dambiyo la xiriira xagjirnimo. Prakash ayaa noqonaya shakhsigii 12-naad oo haysta laba jinsiyadood oo ay dawladda Australia kala noqoto jinsiyadda. Source
  4. (SLT-Addis Ababa)-Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Abeba ayaa qoray inay xiisadi ka dhex aloosan tahay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta, kuwaasi oo isku haysta milkiyadda Deegaan lagu magacaabo Endefo ama Kebele yareey oo ku taalla xuduudka ay wadaagaan Maamul-gobaleedyadda Soomaalida iyo Cafarta. Wargeyska The Reporter waxa uu ogaaday in dagaal bishan December 25-dii ka dhacay Deegaankaasi, kaasi oo u dhexeeyey Boliska Gaarka ee Maamul-gobaleedka Cafarta iyo kooxo hubeysan oo dibadbax ka dhigayey Deegaanka Endefo ama Kebele yareey. Iska horimaadkaasi waxaa kaloo si xun loogu dhaawacay 13-qof. Deegaanka uu dagaalku ka dhacay waxa la sheegay inuu hoos tago Maamul-gobaleedka Cafarta,, balse waxaa deggan Qowmiyadda Ciisaha ee Soomaalida iyo dad kale oo laga tiro badan yahay. Goobjooge la hadlay Wargeyska The Reporter ayaa sheegay inuu iska horimaadku bilowday, kadib, markii ay koox bilowday inay Calanka Maamulka Cfaarta dejiyaan, kuna bedelaan Calanka Maamulka Soomaalida ee Ethiopia. Dibadbaxyaasha waxay jid-gooyo ku sameeyeen Jidka dheer ee Deegaanka Kebele Yareey ku xira Maamul-gobaleedka Tigreega. Jidkaasi oo muddo 4 saacadood xirnaa waxa kale oo uu isku xiraa dalka Jabuuti iyo Goballadda kale ee Ethiopia. Ku-xigeenka Madaxa Guddiga Beeraha ee Deegaanka Endefo, Cabsdi Buux oo la hadlay Wargeyska The Reporter ayaa sheegay in maalintii 2-aad ay dib gaadiidka ugu fureen Jidka ay Dibadbaxayaaasha ku jareen dhagxaanta. Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Difaaca iyo kuwa Boliska ee Federalka Ethiopia ayaa la geeyey Deegaankaasi, inkastoo ay weli xiisadi ka jirto. Source
  5. (SLT-Cape Town)-Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay mid ka mid ah xeebaha ugu wanaagsan ee magaalada Cape Town kaddib markii ilaalada shirkad gaar loo leeyahay oo ammaanka ka shaqeysa lagu eedeeyay inay dadka madowga ah amreen inay goobta isaga tagaan. Ilaalada oo ay soo kiraysteen dad halkaa deggan ayaa la sheegay inay dalxiisayaasha galinkii dambe ee Axaddii la soo dhaafay ka kaxeeyeen xeebta Clifton 4th. Dibadbaxayaasha ayaa sheegaya in dadka madowga ah ee xeebta tagayay loo beegsaday si aan cadaalad ahayn, hasayeeshee shirkadda ayaa diiday inay xeebta xirtay waxaana ay sheegtay in ay dambiga ka ilaaliso dadka deegaankaasi. Xeebaha iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan ayaa dadka u kala soocnaa xilligii midab kala sooca. Maayirka magaalada Cape Town Dan Plato ayaa sheegay in shirkadda ammaanka ka shaqeysa “aanay awood u lahayn inay dadka ku amarto inay isaga tagaan xeebta Clifton”. “Ma aynu u ogolaan doonno shirkadaha gaarka loo leeyahay inay xaddidaan galaangalnka goobaha ay dadku isugu yimaadaan,” waxa uu sidaasi ku sheegay bayaan uu soo saaray. Kuxigeenka wasiirka booliska Bongani Mkongi ayaa waxa uu wacad ku maray “inay tallaabo adag ka qaadi doonaan shirkaddaas ammaanka ka shaqeysa”. “Xeebtu waa hantida qaranka, waa hantida dadka sidaas daraadeedna uma baahnin in halkaas ay joogaa shirkado ammaanka ka shaqeeya,” ayuu yiri. Maayir Plato ayaa sheegay in ilaaladu “ay dadka oo dhan ka dalbadeen inay meesha isaga tagaan” oo si gaar ah uma aanay bartilmaameedsan dadka madowga ah. Dibadbaxayaasha oo galabkii Jimcaha isugu soo baxay xeebta ayaa muran ka keenay hadalka ka soo yeeray shirkadda ammaanka ka shaqeysa. “Shirkadahan gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya ammaanka… ayaa dhab ahaantii loo sheegay in aanay xeebta u ogolaan dadka madowga ah ee u muuqda inay darafka magaalada ka yimaadeen,” Chumani Maxwele oo ah qof aaggaas deggan oo xuquuqda u ololeeya ayaa sidaasi u sheegay barta internetka ee News 24. Mr Maxwele, kaas oo bilaabay cabasho baraha bulshada ay ku wada xiriirto oo hal ku dheg looga dhigay #ReclaimClifton, ayaa goobjoog ka ahaa neef ido ah oo meesha lagu gowracay arrintaas oo ay dibadbaxayaasha ku sheegeen inay ku doonayaan inay xeebta uga nadiifiyaan midab kala sooca. Koox aan badnayn oo u doodda xuquuqda xoolaha ayaa arrintaasi ka hor timid. Alwyn Landman, oo ah agaasimaha guud ee shirkadda ammaanka ka shaqeysa ee PPA, kaas oo sheegay in shaqadoodu ay tahay inay dadka aaggaasi ka ilaaliyaan falal dambiyeedka, ayaa diiday in shirkaddu ay xeebta xirtay. Waxa uu u sheegay News 24 in boolisku uu aaggaasi banneeyay kaddib markii dambi halkaas lagu galay. “Qalalaase ayaa goobta ka dhacay booliskuna shaqo wanaagsan oo uu ku xakamaynayo xaaladda ayuu qabtay,” ayuu yiri. Si kastaba xaalku ha ahaadee, booliska ayaa sheegay in aanay helin wax war ah oo tilmaamaya in falal dambi ay galabkii Axadda ka dhaceen xeebtaasi. Source
  6. Musharrax Axmed Karaash ayaa booqashadiisa ka bilaabay Islaan Ciise Islaan Maxamed, isagoo la qaatay kulan isugu jiray is xog-wareysi iyo duco, mana jirin wax arrimo siyaasadeed oo uu kala hadlay Islaanka. Musharaxa waxaa kale oo uu booqday Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, isagoo halkaas ugu tagay salaan sharaf. Beeldaajaha ayaa si diiran usoo dhoweeyay musharaxa, isagoo uga mahad celiyay booqashadiisa uguna duceeyay inuu ilaaheey ku guuleeyo hamigiisa siyaasadeed. Musharaxa ayaa sidoo kale, hoygiisa ku booqday Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, iyagoo wada qaatay kulan muddo kooban socday oo daarnaa iska xog wareysi bulsho iyo salaan. Musharuxu wuxuu sidoo kale halkaas kula kulmay Isimo kale uu kamid ahaa Suldaan Bashiir Muuse Koonte. Axmed Karaash ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland, waana mid kamid ah murashixiinta kamid ahaa labadii xukuumadeed ee ugu dambeeyay. PUNTLAND POST The post Musharrax Axmed Karaash oo booqasho ugu tegay isimada Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. In ka badan ilaa Boqol qoys ayaa ka barakacay dagaallo ka dhacay Tuulada Bohol Bashiir oo ka tirsan degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kuwaasi oo lasoo sheegayo in ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Dagaalka ayaa yimid ,kadib markii Kolonyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo marayey wadadaasi kuna sii jeeda dhinaca magaalada Baydhabo ay jidka u galeen Al-shabaab, islamarkaana weerar culus ku qaadey. Aadan Ismaaciil oo ah Guddoomiyaha Xeryaha Barakacayaasha ayaa Goobjoog u sheegay in dadka rayidka ah ee dagaalkaas ka barakacay ay tiro ahaan gaarayaan 170 qoys, balse Luuq ay soo gaareen ilaa Lixdan Qoys. Waxa uu sheegay Aadan in dadkan u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah, maadaama aanay haysan cunto iyo meel ay ku hoydaan. Sidoo kale, guddoomiyahan ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq iney soo caawiyaan qoysaskan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho ( Sh. M. Netwpork )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta oo ah Axad Taariikhduna tahay 30/12/2018, kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka. Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka. Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada. Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa. The post G/ Shacabka Oo Cod u qaadayo Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sida kaliya ee loo heli karo xalka arrimaha amniga guud ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay xildhibaanka in dhallinyarada Soomaaliyeed oo shaqo abuur loo sameeyo ay tahay waxa kaliya ee lagu heli karo amni sugan uu guud ahaan dalka ah. Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay fadhiyaan dhallinyaro waxbaratay misane aan shaqo haysan. “Amni Darada dalka xalka loo haayo kaliya waxa uu yahay shaqaaleysiinta dhallinyarada, wadadan Makka Al-mukarrama kaligeed haddii aad marto waxa dhallinyaro fadhiya oo meelaha shaaha lagu cabo oo shaqo la’aan ah waxyaabo aad iyo aad u xanuun badan waayey, waa wax aad noo dhibay, waa xalka kaliya dalkaan amnigiisa lagu sugi karo oo ah dhallinyaradan in la jiheeyo oo shaqo abuur loo sameeyo” ayuu yiri xildhibaanka. Sanad walbo waxaa jaamacahada ku yaalla dalka kasoo qalin bedasha Kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah, misane aan helin wax shaqo ah. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaaka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhawaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho koobka dalalka bariga Africa. Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in qorshahani ay ka war qabaan madaxda dalka, horaanta sanadka cusubna, Soomaaliya ay isku diyaarin doonto qabashada Tartankaasi. Sidoo kale wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa tilmaamtay in tallaabadani ay tahay guul u soo hoyatay bahweynta Isboortiga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-mutawakil.mp3 The post Soomaaliya Oo marti galineyso Koobka dalalka Bariga Africa appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Cadale ( Sh. M. Network )-Xiisad beeleed xoogan ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Xiisada oo u dhexeyo Beelo walaalo ah ayaa waxaa la sheegay in ay ka aloosan tahay deegaano u dhow degmada Cadale ee gobolkaasi. Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdulle oo ah taliyaha guutada afaraad ee aaga degmada Cadale ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in ay jiraan xiisado halkaasi ka taagan, islamarkaana ay dhici karaan dagaallo, haddii aan laga hortagin. Cali Xaashi Cabdulle Gaashaanle Sare ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle in loo istaago wax ka qabashada colaadaasi. Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ay dagan tahay xaaladda deegaanadii lagu diriray, iyadoo ay dadaallo lagu xalinayo xiisada labada Beelood ay ka socdaan degmadaasi. Xildhibaan Cismaan C/laahi Dhoore oo ka mid ah Baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay isaga oo ku sugan degmada Maxaas in ay jiraan dad uu ku tilmaamay qas wadayaal hurinaya colaada ka taagan deegaanadaasi. Maalmihii ugu dambeeyay gobollada Sh/ Dhexe, Hiiraan, iyo Galgaduud waxaa ka taagnaa dagaal Beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. The post Xiisad beeleed xoogan Oo ka taagan duleedka Cadale appeared first on Shabelle. View the full article
  12. War-murtiyeed ka soo baxey shirweynihii Beesha Ciise Muse ee ka dhacay Galbeedka Caasimada London – Sabtidii 29/12/2018 Shirweynahan waxaa u dhamaa bahweynta qurbe-joogta Ciise Muse ee degan magaalooyinka kala duwan ee wadanka ingiriiska. . Shirka waxaa lagu furey Aayadaha quraanka kariimka ah. Shirku wuxuu ku saleysnaa doorka ay horena uga qaateen hadana uga qaadan karaan qurbe-joogta beeshu Horumarinta Degaanada ay degaan Beeshu gaar ahaan Taakuleynta Arimaha Bulshada.Waxaa shirkaa warbixino togan oo mugleh soo jeediyey dhamaan Ergooyinkii ka kala socdey,Magaalooyinka kala duwan ee UK, sida Birmingham, Manchester iyo Sheffield. Waxaa iyana goobta shirkaa ka hadley garabyada kala duwan ee haweenka Beesha Ciise Muse ee UK. Shirka waxaa si qoto dheer loo qaa daa-dhigay oo looga hadley qodobadan hoos ku xardhan: 1- Sidii dar dar xoogan loo gelin lahaa Horumarinta Arimaha Bulshada ee degaanka balaadhan ee ay beeshu degto,gaar ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka. 2- Waxaa wax garadka iyo aqoonyhanka beeshu ay isla qaateen in iyada oo taxadar iyo mudnaanba la siinaayo Nabadgelyada ay Somaliland maanta ku fadhido in fiiro gaar ah loo yeesho dhulka ay beeshu degto ee Degaameynta bilaa sharciga ah laga bilaabay beryahan danbe. . 3-.Waxaa Qurbe-joogta Beeshu soo dhaweeyeen Degmada cusub ee Masalaha Gorod ama ( Qabri Gorod ) ee dhawaan la dhagax dhigay xafiisyadeeda . 4- Waxaa Beeshu carabka ku adkeysay in aanay Degmadaa cusub ka xigsan kana laheyn Beelaha kale ee walaalaha ah ee Degmada alleh ku abuuray. 5- Waxaa Beeshu isku waafaqday In midnimada iyo Jiritaanka Somaliland ay tahay mar kasta iyo goob kasta biyo kama dhib caan Lama taab taan muqadas ah. 6- Waxaa shirkaas lagu Doortay Gudoomiye cusub oo uu noqday Mudane Ali Ibrahim Mohamed iyo Gudoomiye ku xigeen cusub oo ah Mudane Mohamed Ahmed Haji Adan , Guntii iyo Gebagebadii wuxuu shirku ku soo dhamaadey Jawi aad u-farxad badan iyo heshiis wadareed mug leh oo af garad ah oo la isku wada waafaqey qodobadii shirka ka soo baxay oo dhan. Waa Bilaahi Towfiiq Gudida Qaban Qaabada Shirka London UK . Qaran News
  13. Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan degmada Cadaado ayaa la filayaa in maanta uu gaaro deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Wasiir Sabriye ayaa ka sheegay Cadaado in Saddex cisho ku sugnaan doonaan deegananada Galmudug, kana shaqeenayaan arrimaha dib u heshiisiinta beelahan dagaallamay. Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa xoogga dalka ayaa la sheegay in shalay ay tageen deegaanka Kaxandhaale si ay u kala dhexgalaan beelahan dagaallamaya. Dagaallada ka dhacay Kaxandhaale ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Jilib ( Sh. M. Network )-Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Howlgalka ayaa la sheegay in laga fuliyay Xarun tababar oo Al Shabaab ay ku lahaayeen gudaha magaaladaasi. Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay warbaahinta sheegay in Ciidamada Danab oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen xarun tababar oo Al Shabaab ay ku lahaayeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay khasaaro dhimasho iyo dhaawac Al Shabaab lagu gaarsiiyay weerarkasi. Ku dhawaad 30 xubnood iyo 4 hoggaamiye oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa lagu dilay weerarkan, sida uu hadalka u dhigay Taliye Bogmadow General Bogmadow ayaa Tilmaamay in xubnaha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo hoggaamiye oo Ajaanib ah Magacyada xubnaha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka iyo dalalaka ay ka soo jeedaan ayaa kala ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya , Hassan AlQayaadi (Abu Yaxya) ayaa heesta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa ragga ugu sareeya Al Shabaab Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro xubnaha fuliya isqarxinta waa sida lagu yiri warkan. Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in saldhigga la duqeeyay uu ka mid ahaa goob Al Shabaab ay ka soo abaabulaan weerarada qaraxyada ah Majiro wax war ah oo ka soo baxay Al Shabab oo la xariira weerarkan laga fuliyay dagmada jilib gobolka Jubbada Dhexe ee K/ Soomaaliya. The post Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay degmada Jilib appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Axmed Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug oo shir jaraa’id qabtay sabtidii ayaa sheegay inuu ka xunyahay dagaalka ka socda agagaarka Maxaas, isaga oo soo-jeediyey in xabad $1 joogta aanu dhimman wiil 20 jir ah, lana joojiyo dirirta ay ku dhimmanayaan dadka walaalaha ah. Dhinaca kale, Xaaf waxaa uu ku eedeeyey dowladda federaalka ah faro-gelin“Waxaan rabaa in aan intaas ku daro, Galmudug 19-kii bilood ee ay jirtay waxaa la dagaalamayey dowladda federaalka ah, wixii aan qabanana feer iyo haraati baan ku qabaneynay, xoog iyo innaga oo lugaha iyo gacmaha nala heysto, innaga canshuurtii waa nalaka joojiyey, tii adduunka waa nalaka joojiyey, waxaa nooga sii daran maalin walba waxaa la soo diraa guddi fitno wado”. Madaxweyne Xaaf waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay wyfuud ay dowladda u direyso maamulkiisa iyada oo aan lagala tashan, wuxuuna xusay in aanay waxbo soo kordhin karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-301218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Kismaayo (Caasimada Online)-Ciidamada kumaandooska ee Dowladda iyo ciidamada dowladda Mareykanka ayaa weerar qorsheysan oo ay ku dileen xubno ka tirsan Al Shabaab waxay ka fuliyeen gobolka JUbbada Dhexe. Weerarka qorsheysan ayaa ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana saraakiil u hadashay dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab. Taliyaha guutada 43 ee ciidamada xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud “Bogmadow” ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in ciidamada DANAB oo taageero ka helaya ciidamada Mareykanka ay howlgalkaasi fuliyeen. Xarun tababar oo ku taala degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayuu sheegay in weerarka lala eegtay, waxaana uu sheegay inay ku dileen ku dhawaad 30 dagaalame oo Al Shabaab ka tirsan. Dadka weerarka lagu dilay ayuu General Bogmadow sheegay inay ku jiraan Afar sargaal oo labo kamid ah ay u dhasheen dalalka Libya iyo Syria, sida uu hadalka u dhigay. Labada ruux ee ajaaniibta ah ayuu ku sheegay in lagu kala magacaabo Aweys Abuu Xamsa oo heysta dhalashada dalka SYRIA iyo Xasan Abuu Yahya oo heysta dhalashada dalka LIBYA. Ma jiro wax war ah oo dhanka Al Shabaab ilaa iyo hadda kasoo baxay. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  18. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta oo ah axad ah Taariikhduna tahay 30/12/2018, cod gelin-doona miisaaniyadda sanadka. Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka, sida uu sabtidii sheegay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada. Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay warar aad looga hadal hayay baraha Bulshada oo la xiriira in xilka laga qaaday madaxa xukuumadda Galmudug. Qoraal kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inay been abuur tahay in xilka laga qaaday madaxa Xukuumadda Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa u qornaa sidan. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa beeniyay warar been abuur ah oo ay Facebook la wareejinayaan qolyaha diidan jiritaanka iyo hormarka Galmudug kaas oo ah in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu xilkii ka qaaday Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir. Waxa uu xafiiska Madaxweynaha Galmudug u xaqiijinaya shacabka reer Galmudug in ay waraaqda la wareejinayo Facebook been abuur tahay Dacaayadaas raqiiska ah ee qolyaha naf la caariga ahi wareejinayaana ay ku diidanyihiin Hormarka Galmudug Ma jiraan wax xil ka qaadis ah waana been abuur waxa jira qolyo isku dayaya in ay qalqal galiyaan Galmudug balse waan la xisaabtami doona dadka doonaya in ay fidnada iyo qalqalka ka dhax abuuran Galmudug mana aqbali doona in sidaa daciifka ah looga faa’iideysto in qalqal la galiyo jiritaanka iyo masiirka Reer Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  20. Akhri Oo Ka Bogo Gabaygii Loogu Hadal Haynta Badnaa Todobaadkan Ee Loo Tiriyay Madaxweyne Muuse Biixi Waxaanu Halkan Akhristayaashayada ugu soo gudbinaynaa Gabay Qoraal ah uu todobaadkii hore u tiriyay Madaxweyne Muuse Biixi Masuul Xisbiga Kulmiye ka tirsanaa oo aad ugu soo ololeeyay Wakhtigii Doorashada Madaxtooyadda ee dalka ka dhacday Dabayaaqadii sanadkii hore ee 2017-Kii, Waxa uu masuulkani Madaxweynaha kula garnaqsaday Gabaygan isagoo kusoo qaatay waayihii iyo dhacdooyinkii uu kala soo kifaaxay Wakhtigii Doorashada. Cismaan Axmed Maxamed ayaa sida aanu warbixin ku helnay inmuddo ahba saluugsanaa Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo si xor ah warbaahinta uga tabiyay ku qanacsanaan la’aanta ka haysata hanaanka uu Madaxweyne Muuse Dalka ku hogaamiyo, waxaanay taasi keentay in isaga iyo laba masuul oo kale laga eryo Xisbiga Kulmiye. Waxa uu markii ay soo baxday Warqadda Lagaga caydhiyay Xisbiga uu tiriyay gabay si weyn u soo jiitay Bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana uu noqday gabaydii todobaadkii hore illaa hadda loogu hadal haynta badan yahay ee loogu daawashada badan yahay, islamarkaana si weyn loogu qaadaa dhigay Baraha Bulshada. Gabaygani waxa uu ku bilaabmayaa sidan: “Tan iyo xiitaa markii uu ahaa Gaban yar oo Xuur ah, Xadhiguu maroorsho iyo nin uu Xiribo mooyaane. Isagaan Xarrago dir u lahayn Xeerna laga tuugin Oo aan awoowgii Xukumin xayn yar oo Gibil ah Ninkii aan Xariirta u goglay ee Xumaha ii quudhay Hadaan Muuse Xayraan aqaan Xil uma dhiibteen eh Xaashe ah waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Waday. Xafiiskii Kulmiye maalintii la isku Xayndaabay Nin waliba Xigaalkii Markuu Xarunta Soo dhoobay Isagoo Xigaal iyo Tol iyo Xididba soo waayay Oo uu raggii Cid ugu xigay Muuse ka Xanaaqay Anigaan Xisaabtamin Ninkaan Xerada Soo gooyay Ee aan Xoolahayga iyo Nafta Ee Aan Xoogba ugu deeqay Xadigaad ogaydeen Ninkaan Foodka u xambaarshay Ee aan Xaafadayda iyo Tolkay uga xuluuleeyay Haddaan Muuse Xayraan aqaan, Wax uma dhiibteen eh Xaasha eh waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Waday Xadka Durugsan, Xeebtii Sanaag, xarunta laascaanood Xiis illaa Maydh ninkaan Orod u xiimaayay Xirsi iyo Samaaleba ninkaan Xawda uga gooyay Ee aan Xaasidkii Yoonis iyo Xulufadii u laayay Ninkii aan u xarimay Faysal iyo Odaygii Xiirnaaba Xisbiyadda iyo Reeraha ninkaan kala xabaal seegnay Hadaan Muuse Xayraan aqaan, Xil Uma Dhiibteen eh Xaasha eh waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Wadaye. Sidii Baarqab Xer u dhalan ah oo Xiite lagu quudshay Oo Geelaha Xaaskiyo Nirgaha kala xaraasaaya Ama farax Xaraan ah oo inbadan xawli u ordaayay Xayaysiiska Qaylada markaan xarakadaynaayay Sidii Aar xabaabsaday ninkaan abbur ka xooraayay Hadaan Muuse Xayraan aqaan xil uma dhiibteen eh Xaasha eh waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Waday. Isaga iyo Xigaalkii markuu Xukunka doonaayay Wuxuu Xeerkii noo yiil ahaa inaan Xujaynaaye Xarfo adag intay kaga qoreen Xaashidiyo Buugga Waa tay Xisbiga Maalintii nagu xumeeyeen eh Xaq waxaan u leeyahay Ninkaan uga xishoonaayay Markii aan xisaabtamay Hadduu ii cuskaday Xeerka Xisbi furanayaa iyo WADDANI kaga xeroonaaba Xalku wuxuu uyaala maanta waa Habar xabuusheed eh Xinjir bururtay Nimanbaa ka baqa dhiigga xawda leh Xabad iyo Markay Qori tagto eey xaaladu adkaato Ee ay talo xadhaadhaato yaan Xiniinyo yeeshaaye Waxan ahay Xadiid aanu Karin Xanan la qiijaaye Xaqna waxaan u leeyahay majiro nin iga xoogaaye Waligoodba xadhig laguma dayin Xaafaddaan ahaye Xamil waran Muusaw rag waa is Xiniinyo taabtaaye”. Qaran News
  21. Amb.Axmed Safiina: Masuul Dhallinyaro Ah Oo Tusaale Ugu Filan Jiilka Cusub Ee Muwaadiniinta Ah Xoghayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Waddamada Islaamka Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo hore u ahaan jiray Wakiilka Arrimaha Xajka ee Somaliland u fadhiya waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxa uu ka mid yahay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee reer Somaliland ee firfircoon inta badan isku hawla arrimaha khuseeya Qaranka. Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) mudadii xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin talada dalka haysay waxa loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Xajka oo uu wax badan ka soo qabtay isaga oo lagu xasuusto wax-qabadkiisii la xidhiidhay Arrimaha Xajka iyo sida uu uga hawl galay wax badana ugu qabtay Xujaajta reer Somaliland ee soo gudata acmaasha xajka halkaasi oo lagu bartay sidii cajiibka ahayd ee uu uga soo hawl galay waddanka Sucuudiga. ku koobnayn muddodaasi dhinaca Arrimaha Xajka ee wax badan ka qabtay xidhiidhka Somaliland iyo boqortooyada Sucuudiga. Markii uu xilkaasi iskii uga tagay isaga oo ka mid ahaa xubno badan oo xukuumaddaasi ka tirsanaa oo saluug ay ka muujiyeen qaabkii wakhtigaasi loo maareeeyey doorashadii xisbiga KULMIYE waxa uu Axmed Aadan Dagaal (axmed Safiina) markii dambe si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Mucaaridka Somaliland ugu weyn ee WADDANI waxaanu Guddoomiyaha xisbigaasi Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) u magacaabay Xoghayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Waddamada Islaamka isaga oo dardar galiyey arrimihii uu awalba ka shaqaynayay ee la xidhiidhay dalalka Carabta gaar ahaan waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) kuma koobnayn wax ka qabashada xisbiga WADDANI ee uu ka tirsan yahay balse waxa uu mar walba ka shaqeeyaa sidii uu dalkiisa wax ugu qaban lahaa isaga oo axsaab mucaarad iyo xukuumadba mar walba ku garab joogsada wax kasta oo uu ka qaban karayo arrimaha horumarinta dalkiisa Somaliland waxaanu inta badan meel kasta kaga hawl galaa isaga oo ah aqoonyahan firfircoon oo qaddiyadaha dalkiisa wax badan tara. Kulamada is daba joogga ah ee uu la yeesho madaxda carabta, gaar ahaan shirarka iyo kulamada uu ka qayb galo waxa uu mar kasta ka keenaa fursado dalka waxtar ugu filan waxaanu fursad kasta oo uu soo jiido la xidhiidhaa cidda ay khusayso isaga oo aan ku koobnayn xisbigiisa WADDANI balse xukuumadda iyo muwaadiniintaba kala shaqeeya. Toddobaadadii ugu dambeeyey Ambassador waxa uu magaalada Jeddah kaga qayb galay kulan ballaadhan oo xadhiga lagaga jarayay Carwo dhinaca buugaagta ah oo uu ka mid ahaa dadkii sida rasmiga ah loogu marti qaaday. Mudadii uu kulankaasi ballaadhan iyo carwadaasi buugaagta ee lagu qabtay Magaalada Jiddah uu halkaasi kula kulmay masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Amiirka Gobalka Makkah AL Mukarama ahna Lataliyaha gaarka ah ee Boqorka Sacuudi Carabiya Amiir Khaalid Al Faysal Bin Cabdi Casiis Ala-Sacuud kaasi oo isagu rasmi ahaan xadhiga uga jaray INTERNATIONAL BOOK FIAR JEDDEH. Kulankaasi waxa kasoo qayb galay koox wasiiro ah, waxana lagu soo casuumay 40 dawladood oo dunida ah iyo marti sharaf sare oo Axmed safiina kamid yahay. Sidoo kale Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) waxa uu dhawaan xukuumadda Somaliland iyo Xisbigiisa WADDANI-ba ku wareejiyey Diiwaanka Barnaamijka Al Xawkama Al Bankiya. Axmed waa nin dhallinyaro ah oo aqoon badan lehna saqaafad sarraysa kana mid ah dadka fara ku tiriska ah ee ay u kala caddahay qaranimada iyo danta gaarka ahi isaga oo wakhtiga intiisa ugu badan ku qaata sidii uu qarankiisa ugu adeegi lahaa Qaran News
  22. Xasaasi:Sababaha Maxamed Bin Salmaan ku jeclaadey Israel Dhaxal Sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan waxa uu aaminsan yahay in Israel ay meteleyso dal aan Carab ahayn oo muhiim u ah sida aragtidiisa ah in gobolka is dhexgalo, waxaa qortay jariidadda Jerusalem Post. Bin Salmaan waxa ay isaga u tahay, isaga oo dareensan xiisadda taariikh ahaan kacsan ee gobolka, in Israel muujisay iyada oo adeegsaneysa awoodeeda iyo go’aamadeeda ka dhanka ah cadawgeeda, in ay tahay saaxiib la’isku haleyn karo marka uu la tacaalayo cadawgiisa. In dalka sidaas u yar badbaado isaga oo ku dhex jira dagaal heerka xagjirnimadiisa aad u sarreeyo ee uu kala kulmo quwadaha dariska la ah waxa ay horseeday in ay Carabtu marna jeclaadaan, marna naceyb u qaadaan Israel. Bin Salmaan, oo ah mid waaqici ah, waxa uu jeclaaday ruuxiyadda dowladda Yuhuudda, waxa uuna raadinayaa qaabab uu isugu xiro awoodaas oo uu uga faa’ideysto siyaasaddiisa ku salaysan naceybka, iyo aragtida siyaasadeed ee Islamka ee gobolka. Taas waxaa dheer, in uu jiro dareen lagu jeclaaday Yuhuuda, sida uu aaminsan yahay Bin Salmaan, oo ah in dowladooda ay tahay midda kaliya ee Bariga Dhexe ee haysata rikoor ay uga guuleysato cadawgeeda xataa haddii ay ahaan lahayd adeegsiga weerarro iyo cudud Militari iyada oo aan dhag u dhigin cambaareynta caalamka. Duqeymihii ay dhawaan ka gaysatay xarumaha Iran ee dalka Suuriya iyo dagaalkii lixda cisho ayaa tusaalooyin muuqda u ah. Sida ay leedahay Jerusalem Post, aragti kale ayaa ah in xiriirka saaxiibtinimo ee Sucuudiga iyo Israel ku koray in uu sabab u yahay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu. Netanyahu waxa uu ku guuleystay in uu bedelo sumcad xumadii uu ku lahaa caasimadaha Carabta ee uu abuurtay sagaashameeyadii, halkaas oo looga arki jiray mid aan la’isku halayn karin, khalkhal badan, kana tirsan midigta fog ee xagjirada ah, waxa uu noqday hoggaamiye la’aamini karo. Jerusalem Post aya atiri “Waxaa xaqiiqo ah in Netanyahu kasbaday xushmad weyn oo uu ka helay hoggaamiyeyaasha Carabta oo uusan helin Ra’isul Wasaare kale oo Israel ah 70-kii sano ee u dambeeyey” Go’aanada adag ee uu Netanyahu ka istaagay Sunniyiinta iyo Shiicada iyo sidii uu diyaarka ugu ahaa in uu iska caabbiyo cadaadiskii Mareykanka xilligii Obama ayuu ku helay xushamadda Bin Salmaan. Dhaxal Sugaha waxa uu sidoo kale u riyaaqay is bedelka aan ku imaan Netanyahu, oo taageero u muujiyey Bin Salmaan, xilli uu qudhiisa wajahayo cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo beesha caalamka kaddib dilkii Khashoggi. Kalgaceylka uu Maxamed Bin Salmaan u qaaday Israel iyo Ra’iisul Wasaareheeda, waa dareen xooggan oo uu kaga aargoosanayo Turkiga iyo Siyaasaddiisa Islam-ka ku wajahan xilli uu doonayo in uu qaboojiyo cabsida ay Iran ku hayso Sucuudiga, taas waxa ay u muuqataa mid Bin Salmaan ku dhiirigalineysa in uu hore u sii wado oo uu sii raadiyo qaabab uu ku dhiso xiriir Qaran News
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland taliskiisa waqtigu ka dhammaaday ayaa shalay soo saaray digreeto ay xubnaha dowladda Federaal-ka ah uga mamnuuceen in ay yimaadaan Garowe iyo magaalooyinka kale ee maamulkaas inta ay ka dhaceyso doorashada bisha Janaayo la qaban doono. Tallaabadan oo ahayd mid hore loo sii saadaalin karay ayey Puntland ku tirisay xubnaha aan soo gali karin maamulkeeda oo kala ah; Wasiirada, shaqaalaha rayidka ah iyo shaqaalaha Villa Somalia. Hayeeshee, waxaa wali la ogeyn in xubnaha golaha shacabka iyo Aqalka Sare oo aan digreetada lagu xusin ku jiraan liiska la mamnuucay. Sida ay Ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimadda Online, sirdoonka dowladda Imaaraadka ayaa ka dambeeyey in Cabdiweli Cali Gaas go’aankaas qaato. Imaaraadka ayaa la sheegay in ay si weyn uga hawgalayaan Puntland oo ay sirdoonkooda toddobaadyadii tagay yimaadaan. Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Imaaraadka si toos ah uga qeyb qaadanayaan doorashada iyaga oo doonaya in ay xaqiijiyeen in Cabdiweli Gaas soo laabto (Qorshahooda kowaad) ama xubanaha kale ee iyaga ku matalaya dowladda oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Siciid Deni (Qorshaha labaad). Dowladda Imaaraadka oo dagaal ba’an kula jirta dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dooneysa in ay difaacato Dekedda Boosaso oo haddii musharax ka madax bannaan soo boxo ay u badan tahay in uu kala laabto qandaraaska muddada dheer ee lagu siiyey. Sirdoonka Imaaraadka ayaa ku wargaliyey Gaas in dowladda dhexe ay dhaqdhaqaaq xooggan ka waddo Puntland si ay u soo saaraan musharax gacan saar leh. Arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa xili Nabad iyo Nolol lala xiriirnayo musharixinta kale ah Saadaq Eenow, Cali Xaaji Warsame, Faarax Cali Shire iyo Dr. Cali Ciise Cabdi oo la filayo inuu shaaciyo musharaxnimadiisa. Lama oga tallaabada ay dowladda dhexe qaadi doonto iyada oo ay jirto qodob dastuuri ah oo sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Gudaha u xilsaaran tahay doorashooyinka ka dhacaya maamul gobolleedyada. Sidoo kale, waxaan la ogeyn, in haddii ay tagaan Garowe xubanaha Golaha Wasiiradda Puntland ku metala sida; Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Cabdillahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xassan, Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil iyo Wasiirka Beeraha Siciid Ciid in laga soo celin doono garoonka iyo in kale. Waxaa xusid mudan, in Gaas ku fashilmay isku daygiisii ahaa in uu is hortaago shirkii Golaha Wasiiradda Xukumadda Federal-ka ah ku qabsatay Garowe xilligaas oo uu dagaal arrintaas ku saabsan kala kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulan muhiim u ah shaqaalo badan oo dowladda ka tirsan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kadib markii shalay la hor geeyay miisaaniyadda lagu shaqeyn doono sanadka 2019. Inkastoo Qorsheyaal badan ay horyaalaan xildhibaanada baarlamaanka haddana qodobka ugu muhiimsan ayaa ah inay maanta cod gacantaag ah ku ansixiyaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019, waxaana sanadkaan ku jirta mushaaraadka shaqaalo badan oo dowladda ka tirsan. Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada. Maalintii shalay xildhibaanada baarlamaanka ayaa dood ka yeeshay miisaaniyadda sanadka 2019, waxaana xildhibaano badan ay soo jeediyeen in dhaqaalaha lagu daro shaqaaleysiinta sanadka 2019. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda joojisay inay shaqaalo cusub qaadato, waxaana sida xogaha aan ku heleyno la qaatay go’aan ah in mushaari laga dhigo dhamaan shaqaalaha dowladda ee hadda aan mushaaraadka qaadan. La soco go’aanka xildhibaanada ka qaataan Miisaaniyadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Qararka Maxkamadda G/Maroodi-Jeex eey Dugsiyada Nuraddin kaga mamnuucay inay Daabacaan Kutubta Manhajka waynu ixtraamaynaa Sida muuqatta, Dugsiyada Nuuradin waxa lagu haystaa waxaydin ku xad-gudubteen Xuquuqda Baahinta (copy Right) ee cidda kutubta daabacadaa gaarka u leedahay. Suaal: Maxay maxkamaddu u sheegi wayday cidda lagu xadgudbay. · Ta labaaad, Maxkamaddu may sheegin cidda mudiciga ku ah Nuuradddin ee kiiska xaraysay . Ma Wasaaradda waxbarashadaa mise waa qoloda qandraaska ku haysatta daabacaadda Kutubtta manhajka, mise waa cid kale oo sadexaad. · Haddi aanay sharikadda qandraaska ku haysata daabacaadda Kutubta manhajku iyadu ahayn Mudiciga kiiskan, wasaaradda waxbarashadu ma noqon karto muduci. Sababtuna waa cadaan: Nuuraddinn markay daabaceen kutubta wax dhibaato ah (damage) imma khasaare ah ( loss) umay gaysan wasaaradda waxbarashada. Xaq wasaaradda ka maqan oy ku dacwidaa Meesha ma yaallo. · Maxkamadda Maroodi-jeex inoomay sheegin cidda loo ogolyahay inay daabacaan kutubta manhajka Somaliland (mar hadii Nuudadiin laga mamcuucay yaa kale loo ogolyahay). Ma wasaaraddaa daabacaysa, ma dibaddaa laga keenayaa mise cid loo qoondayay ( loo la magac *****) ayaa xaq u leh daabacadda kutubta. · Maxkammadda Maroodi-Jeex waxa kale oo ay il-duuftay inay caddayso in daabadaadda kutubta manhajku cid aan wasaaradda ogolaanso ka haysan ay ka mamnuuc tahay . · Qoraalka Maxkamaddu uu ka baxsanyahay habkii lagu yiqiin qaraarka maxkamadaha. waxaad moodaa inay makamaddu wareegto (memorandum) qaybiyinayso. Xasasn Cabi Yuusuf Riyadh Saudi Arabia hassan_ayousuf@hotmail.com Qaran News