-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo kulamo wadatashi ah ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal. Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in booqashadan ay ka tarjumayso dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu wajahayo Gobolka Geeska Afrika. Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah. Madaxweyne Isaias ayaa bogaadiyey, soona dhaweyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguna tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan. Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa warbaahinta u akhriyay war-murtiyeedkaa wadajirka ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Ereteriya. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Nuur.mp3 The post War-murtiyeed kasoo baxay kulankii MD Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki, waxay kulamo wadatashi oo labo maalmood socday (13-kii ilaa 14-kii bisha Diseembar, 2018) ku yeesheen magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay wadahadallo ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyada oo si dhaw la isaga kaashanayo dhammaan dhinacyada danta u ah labada dal sida ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab. Madaxweyneyaashu waxay ka dhawaajiyeen sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo iskaashiga Geeska Afrika iyada oo xoogga la saarayo iskaashiga heer gobol ee dhinacyada horumarka, horusocodka iyo barwaaqada. Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan. Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka. Labada Madaxweyne waxay isla qireen inay jiraan caqabado badan oo ay tahay inay si wadajir ah xal ugu raadiyaan. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ay mideeyaan taageeradooda iyo dadaalkooda wadajirka ah si loo xalliyo caqabadaha ay labada waddan si gaar ah iyo guudba u waajahayaan. Madaxdu waxay isla garteen in iskaashi heer gobol oo waxtar leh uu muhiim u yahay ka gudubka dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagaxisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee gobolku wajahayo. Labada Madaxweyne waxay garwaaqsan yihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan. Isku day kasta oo lagu carqaladaynayo dardarta ka socota gobolka waxay shaki la’aan curyaaminaysaa horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinaca nabadda iyo dib-u-heshiinta. Madaxdu waxay ka midaysan yihiin ka hortagga faafinta xog kasta oo halis ah, raad aan lahayn, siyaasadina dabada ka riixayso, waxayna dhammaan ugu baaqayaan in ay ka qayb-qaataan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
-
Daahir Dabadii Meeshii aan dadaal xoogle iyo dahab ka eegaayey ayuun-baa sidii buul duqeed daaha loo rogay,Ninoow-na Doorashaa dhici ha u dabaal degin,mudadii ay Golahan Wakiiladu fadhiyeen Somaliya waxa is-bedelay Afar Gole Baarlamaan. Nidaamka ay Somaliland ku dhaqantaa,Ma Dimuqoraadiyad-baa mise waa Boqortooyo?,iyadoo ay mudadii Golahan Baarlamaanku fadhiyeen Somaliya oo aysan Xasilooni ka jirin ay is-bedeleen Afar Gole Baarlamaan. Aad iyo aad ayey u kala duwan tahay,Somaliland waxay ku faanto oo ah, inay dimuqoraadiyadi ka jirto iyo hab dhaqanka rasmiga ah,ee Somaliland ku dhaqanto oo dibadda ka ah,dimuqoraadiyada.tusaale-na waxa kugu filan baarlamaanka Somaliland ee hadda fadhiya,ee la doortay 28/09/2005-tii.ayaa hadda waxa loo sameynayaa mudo kordhintii 5-aad caalamka oo dhan iyo dhulka ay dawladuhu ka jiraan,haddii aynu eegno,dawladaasi ha ahaato mid aqoonsi haysata amma ha ahaato mid aan la aqoonsaneyn e’ lama helayo oo ma dhici karto in la arko,gole baarlamaan oo markii uu mudo xileedkisii dhameystay shan jeer (5)mudo kordhin loo sameeyo,doorashooyinku waa xuquuq aasaasi ah,caalamka oo dhan-oo qof kasta oo muwaadin ahi uu xaq u leeyahay,in la doorto ama uu cid kale doorto. Haddaba,masuuliyadda doorashadda waxa masuul ka ah,hadba Madaxweynaha xilka haya,marka la eego nidaamka (system)-ka ay ku dhaqmaan dalalka ay dimuqoraadiyadu ka jirto,wax kale iska daaye,xataa doorashooyinka marka wakhtigoodda la gaadho,ma joojiyaan ama hakiyaan hadii uu wadankaasi uu dagaal ku jiro,iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dastuuriga ah,ee muwaadiniinta,tusaale ahaan 1964-kii waxa uu dagaal ba’ani xadka tog-wajaale ku dhex-marayey dawladii boqortooyadii guunka ahayd ee Itoobiya ee uu boqorka ka ahaa Boqor Xayle Salaase iyo Jamhuuriyaddii Somaliya ee xilligaasi ee uu Madaxweynaha ka ahaa Adan Cabdulle Cusmaan (Adan Cadde),Ra’iisal Wasaarahana uu ka ahaa C/rashiid Cali Sharma’arke,isla xilligaasi ay labada dawladood ku dagaalamayeen,xadka Tog-wajaale waxay ku beegneyd xilligii ay qabsoomi lahayd doorashadii baarlamaankii Somaliya ee 1964-kii waxana dhacday isla xilligaasi C/rashiid Cali Sharma’arke oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii Jamhuuriyadii Somaliya ay waraysi ka qaadey Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du,su’aalihii uu weriyuhu weydiiyey Ra’iisal Wasaarahana waxa ugu muhiimsaneynd Waxaad tihiin dawlad curdin ah,waxaana dagaal ba’ani uu xadka Tog-wajaale idinku dhex-marayaa Boqortooyo guun ah,waxana taagan xilligii doorashadda baarlamaankiina Somaliya,markaa sidee ayeydun doorasho baarlamaan u qaban kartaan dagaalka baaxadaa leh,waxaanu Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya C/rashiid Cali Sharma’arke uu weriyihii siiyey Jawaab kooban oo ahayd,“Dagaalku naga joojin maayo doorashadda baarlamaanka,oo waa xuquuq uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed,labbadda gacmood ee uu ilahay na siiyey midigta qoriga ayaanu ku ridaynaa oo waanu ku dagaalamaynaa annagoo dalkayaga difaacana,bidixdana waanu ku codeynanaa oo warqada codbixinta ayaanu ku ridayna sanduuqa cod-bixinta”. Akhriste waxa hore loo yidhi nin wuu dhintaa,eraygii –se ma dhinto, jawaabta uu C/rashiid Cali Sharma’arke bixiyey 1964-kii waxay ahayd tii u fududeysay ama u sahashay in uu doorashadii Madaxweyne-nimo kaga adkaado ama kaga guulaysto Madaxweynihii xilka hayey ee Allaha u naxariistee Adan Cabdulle Cusmaan(Aden Cadde) 05/07/1967-kii,iyadoo uu qodobka kaliya ee ay xildhibaanadii baarlamaankii Somaliya ay ku doorteen Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma’arke uu ahaa in uu ilaalinayo dastuurka iyo xuquuqda ay muwaadiniintu ay xaqqa u leeyihiin in ay wax dooran karaan lana dooran karo. Akhriste waxa laga yaaba inaad is-weydiiso waa kuwee afarta (4)gole baarlamaan ee Somaliya iska bedelay mudadii ay golahan baarlamaanka ee ay Somaliland fadhiyeen,taa jawaabteedu way fududahay,waxayna kala ahaayeen. 1: Baarlaamankii soo doortay Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Shariif Xasan Sheek Adan,mudo xileedkiisuna uu ku eeka dabayaaqadii October 2008-dii. 2: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Sheekh Aadan Madoobe. 3: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee uu gudoomiyaha u ahaa Maxamed Cusmaan (Jawaari) 4: Baarlamaanka Soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo) ee hadda jooga,ee uu gudoomiyaha u yahay Maxamed Mursal. Haddaba,akhriste ogoow mudo kordhinta hadda loo wado baarlamaanka Somaliland oo ah mudo kordhintii shanaad(5-aad),in waxaasi oo mudo kordhin ahi ay dhaceen mudadii uu xisbiga KULMIYE taladda hayey,marka uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu ay ka hadlayaan arrimaha doorashadda baarlamaanka-na waxay umadda u sheegaan hadal lagu macneyn karo run ha sheegin,been ha sheegin,waxaad sheegtana ha waayin. Qallinklii:C/risaaq Suudi Nuur Tel:063-4425243 Email:suudi786@gmail.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada ay Gudaha u galeen Ciidan Itoobiyaan oo wadda gaadiidka dagaalka, kuwaasoo kasoo dhaqaaqay garoonka Magaalada Baydhabo. Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in ciidanka ay labo dhinac kasoo galeen Magaalada, xilli ay ka socdaan Banaanbaxyo looga horjeedo ciidanka Itoobiya oo shalay xarunta Madaxtooyadda kasoo qabtay Musharax Rooboow oo ka mid ahaa Musharaxiinta Koonfur Galbeed. Boqolaal Shacab ah ayaa ku sugan gudaha Magaalada, kuwaasoo wadda Banaanbaxyo, waxaana sidoo kale Xaafaddo ka mid ah Magaalada ku sugan Ciidamo taageersan Musharax Roobow oo hadda ku xiran Muqdisho. Ciidanka Booliska Baydhabo ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan Banaanbaxyadda , waxaana maanta Magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay warqad been abuur ah oo baraha Bulshada la soo dhigay, taas oo lagu sheegay in xubnaha Guddiga iscasileen. Guddiga ayaa sheegay doorashada waqtigii loo qabtay inay ku dhaceyso oo ah 19-ka Bishaan, islamarkaana aysan jirin wax arrintaas iska beddelay. Guddiga doorashadda ayaa waxaa saaran Caddaadis xoogan oo ka imaanaya Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo waliba waxgaradka oo Codsanaya in doorashadda dib loo dhigo.
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Ku simaha Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa si kulul uga hadlay dibad-baxyada iyo xaaladda guud ee magaaladda Baydhabo. Maye, oo sidoo kale ah, Afhayeenka Baarlamaanka maamul goboleedkaan ayaa fariin culus u diray dad uu ku tilmaamay inay gedaal ka riixayaan qalalaasaha ka taagan xarun goboleedka Bay. Shacabka, oo uu carabka ku dhuftay in yihiin kuwa wanaaga jecel, ayuu cod dheer ugu sheegay in loo baahan yahay inay is-dejiyaan, wuxuuna ku baaqay in dhibaatooyinka jira xal waara laga gaaro. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Maye.mp3 The post Ku Simaha Madaxwaynaha KG oo ka hadlay xaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Afhayeenka Aqalka Sarre ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa u amabaabxay wadanka Turkiga. Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ay wehliyaan Senator-o Gollaha ka tirsan ayaa waxaa ay ka qaybgali doonan shirka Baarlamaanadda caaalamka oo maalmaha soo socda ka qabsoomaya halkaasi. Wafdiga ayaa lagu wadaa in mudada inay ku sugan yihiin Turkiga in ay kulamo layeeshaan dhigooda dalkaasi. Kulamadda ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa lagu xoojin doonaa xiriirka udhaxeeya Baarlamaanadda labadda dowladood. The post Gudoomiyaha Aqalka Sare oo u ambabaxay Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Siyaasiyiintaan iyo Mudanayashaan hore oo ka qaybgalayay Barnaamijka Maxaa ka run ah wixii la sheegay ee idaacadda Shabelle ayaa ku kala aragti duwaanaday Mooshinka. Ugu horeyntii, waxay tilmaameen in Xilldhibaanadda ay xaq u leeyihiin inay Hindisa xilka qaadis ay ka gudbiyaan Madaxwaynaha. Balse, waxay carabka ku dhufteen in loo baahan in la marsiiyo habraaca saxda ah, xili ay tibaaxeen in Mooshinada ay kamid yihiin waxyaabaha dib udhaca ku keenay horumarka uu wadanka ku talaabsanayo. Hoos ka dhegeyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Mahd.mp3 The post Siyaasiyiin iyo Xilldhibaano horey oo ka hadlay Mooshinka MD Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
-
SCM socdaalkaygii Somaliland aan ku tegay 27 November 2018 iyo waxyaalihii dalkayga hooyo iiga baxay, xamdi mahad dadka iyo dalku waxay ku naaloodaan nabad iyo caano . shacabku waxay la herdamayaan nolosha maalinlaha iyo siday u maarayenlahaayeen baahida maalinlaha ee Aadamaha.bulashad SOMALILAND waxay ka simanyihiin xanaanayenta iyo xoojinta amnigooda oo u ah halbaawlaha noloshooda. GANACSADUHU waxay dalka u suurageliyeen ka hagabtirka iyo helida adeega bulshada noocwal oo ay tahahay iyo heerwal oo loo baahdo sida cuntada dharka cabida is gaadhsiinta tecnologiyada gaadiidka iyo guryeynta taas oo ku qotonta heer hoose ilaa heer sare nin iyo awoodii iyo karaankii. bilic fiican dhismayaal indhaha soo jiita iyo hudheelo raaxo oo lagu nasankaro oo ay ka baleen dhamaan caasimadaha SOMALILAND. GAABISKA DAWLADAHA HOOSE IYO HEYADAHA DAWLIGA IYO KUWA AAN DAWLIGA AHEYEN EE SOMALILAND KA HAWLGALA. waxa huubaal ah in dawladaha hoose ee gobaladu ay maqaamkooga wax qabasho aad u liito sida bilcda magaalooyinka sida dariigyada habayentooda oo ay magaalo walba isku dhex daadatay oo dariiqyada halbowlaha u ah caasimadaha S/LAND ay cooshado, bacadlaha wareegaa, jiingad cafeshtaa, baalashlaha, dhaqayasha baabuurta ee aboogu la wareegeen, nidaam habayen bacadlayaal , balaadhin wado, gaadiid iyo dayactir wado, Meesha ka baxday, tii oo nadaafad daro iyo siigo aanad dhex mari Karin, gaadiidkii, tigtii iyo tukhaankii dariiqyadii xidheen , cidhiidhi ku habsaday isku socodka magaalooyinka gudahooda. heyada jooga dalka oo tiradooda la soo koobi Karin 40 kor u dhaafay wax allaale iyo wax la taaban karo oo ay Kaaba yaasha dhaqaale ee bulshada u qabteen aanay jirin, caasimadeeni HARGEISA manta dameero, kaariyoone iyo booyadaa loogu dhaamiyaa waa nasiibdaro dadkeenii haysata. SUAASHU WAA????????????????????????/ Cashuuraha xad dhaafka ah ee ka soo xerooda dekedaha, hawada iyo dhulka iyo caawimooyinka beesha caalamka ee dawlada leh iyo heyadaha dawliga ,wadaniga iyo kuwa aan dawliga aheyen meeday aduunka lagu soo qaado magaca bulshada daranyeysan ee Somaliland?????????????????/ tusaale gaaban reer AWDAL oo ay ku habsatay duufaankii xeebuhu illaa manta waxay is weydiiyaan caawimooyinka lagu xusay miidhiyaha ama war baahiyaha ee ahaa ilaa 10 million oo dollar ee ay heyadaha kaalmeeya masiibooyinka dabeeciga ee ku dhaca dunida aan ku nolahay uGu deeqeen DUUFAANKII GOBOLKA AWDAL IYO XEEBAHEEDA LUGHAYA ILAA SAYLAC LAMA HAYO. . waxay ku balweeyaan REER AWDAL midho ay ka midyihiin. LEEFOO HA LIQINBAA LURKA II HORSEEDEE NAFTAYDANEEY LULULKA IIGA DAA. MA HAYOO MANA SUGAAYOO IIMANA MAQNEE MAAREEYOO SIDIIBUU DULMIGU SHACABKIYO DALKABA UGU MIIRMAYAA UGU MIIRMAYAA. SOMALILAND GUUL IYO GOBANIMO. MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI. Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-14122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
At least 11 people were killed in Somalia’s city of Baidoa in clashes between security forces and supporters of a former al Shabaab leader who is seeking election as a regional president, a military officer and an elder said on Friday. Authorities arrested Mukhtar Robow on Thursday, accusing him of bringing Islamist militants and weapons back to Baidoa, the capital of South West region where he is running for president. Robow supporters angered by his arrest clashed with police backed by Ethiopian peacekeeping forces in Baidoa, said Hussein Aden, a military officer in the city. Baidoa elder Saleh Isak accused the authorities of seeking to install its own candidate as president of South West, the first of Somalia’s seven semi-autonomous regions to hold presidential elections in the coming months. “Yesterday, 10 people died and today they killed a lawmaker,” Isak told Reuters by telephone. The elections are a critical juncture in a growing power struggle between the U.S.-backed central government and regions where al Shabaab militants retain a presence following a long civil war. Aden gave a lower death toll of at least six killed, among them lawmaker Abdishakur Bule. “He died in cross fire between armed protesters and police this morning. Tension is high and we do not know what to do,” Aden told Reuters. Robow was a prominent al Shabaab leader and group spokesman before he publicly renounced violence and recognized federal authority in August 2017. His spokesman said he was beaten by Ethiopian troops, part of an African Union peacekeeping force in Somalia, in the course of his arrest. Officials in the Ethiopian capital Addis Ababa were not immediately reachable for comment. The post Clashes between police and protesters in Baidoa city leave 11 dead appeared first on Shabelle. View the full article
-
Doha (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dawladdiisu bilaabayso mashruuca dhismaha dekadda Hobyo ee gobalka Mudug. Wasiirka ayaa qorshaha billaabidda mashruucaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay wada qaateen ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar. Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in wasiirka dekaduhu uu ra’iisul wasaare Khayre ka ballan qaaday in sida uga dhaqsaha badan ay u bilaabmayso dhismaha dekadda si ay uga faa’iisaystaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayaa bishii Jannaayo ee sannadkaan ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha dekadda Hobyo, waxaana horraantii bishii July qiimayn ku tegay wadfi ay hoggaaminayo wasiirka dekadaha XFS, Maryan Aways, oo ay qayb ka ahaayeen khuburo ka socoto dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Prime Minister and Interior Minister H E Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani and Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, Hassan Ali Khairi, witnessed the signing of a number of agreements and memoranda of understanding (MoUs) between the governments of the two countries at the Amiri Diwan yesterday. They witnessed the signing of an agreement of avoidance of double taxation and prevention of fiscal evasion, an agreement on encouraging and protecting mutual investments, agreement on maritime transport and an agreement on economic, trade and technical cooperation. The two sides also signed an MoU on cooperation in the field of ports, MoU on cooperation between the Diplomatic Institute in the Qatar’s Foreign Ministry and the Diplomatic Institute in the Somalia’s Foreign Ministry, MoU on the establishment of a joint supreme committee and an MoU on political cooperation and consultation between the Qatar’s Ministry of Foreign Affairs and Somalia’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation. The ceremonies were attended by a number of Their Excellencies Ministers, and on the Somali side by members of the official delegation accompanying the Prime Minister. The post Qatar and Somalia sign cooperation agreements appeared first on Shabelle. View the full article
-
Eritrea’s Isaias Afwerki visits Somalia to cement renewed ties Mogadishu trip caps a stunning year of peacemaking among Horn of Africa nations Eritrea’s Isaias Afwerki visits Somalia to cement renewed ties Mogadishu trip caps a stunning year of peacemaking among Horn of Africa nations Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, left, and Eritrean President Isaias Afwerki at Mogadishu’s airport on December 13, 2018. AFP Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, left, and Eritrean President Isaias Afwerki at Mogadishu’s airport on December 13, 2018. AFP Eritrean President Isaias Afwerki landed in Somalia for the first time on Thursday, completing a stunning year of rapprochement in the battle-scarred Horn of Africa. Mr Isaias, who has ruled the tiny reclusive nation with an iron fist for 25 years, embraced Somalia’s president, Mohamed Abdullahi Mohamed, on the runway before heading to the president’s office for talks. Somalia and Eritrea have endured years of sour relations, exacerbated by the latter’s 20-year conflict with neighbouring Ethiopia, which saw the two take opposing sides in war-torn Somalia. Mogadishu accused Asmara of supplying weapons and backing to Islamist groups. When Ethiopian soldiers entered Somalia to tackle the insurgents in 2007, Eritrea stormed out of IGAD, the Horn of Africa’s answer to the GCC, in protest. But in July, following the appointment of Ethiopia’s dynamic young prime minister, Abiy Ahmed, Ethiopia and Eritrea announced an end to their two-decade war, facilitating an unprecedented peace process that saw embassies and borders reopened, telephone and travel links re-established and trade resumed. Hundreds of families, kept apart for years, were reunited. The rapprochement between two of Africa’s pre-eminent foes triggered a domino effect, as the Horn’s four constituent countries — Ethiopia, Eritrea, Djibouti and Somalia — set about mending fences. In July, Mr Mohamed travelled to Asmara, where he and Mr Isaias agreed to establish diplomatic relations, exchange ambassadors and promote bilateral trade. In September, Eritrea and Djibouti ended a decade-long border dispute over the contentious Dumeira mountain and Dumeira island in the Red Sea. The following day, Addis Ababa played host to South Sudan’s President Salva Kiir and rebel leader Riek Machar, who signed a peace agreement. Their personal feud created a five-year civil war that killed an estimated 383,000 people. And in November, the United Nations Security Council lifted sanctions on Eritrea, first imposed in 2009. Onlookers hope the country — nicknamed the North Korea of Africa — will take steps to shed its pariah status. In that respect, the visit of Mr Isaias to Somalia, a troubled but hugely significant regional player, is encouraging. “President Isaias’s historic visit [to Somalia] is part and parcel of the consultative Tripartite Summits of the Heads of State and Government of Eritrea, Ethiopia and Somalia,” Eritrea’s information minister, Yemane Meskel, wrote on Twitteromalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, left, and Eritrean President Isaias Afwerki at Mogadishu’s airport on December 13, 2018. AFP Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, left, and Eritrean President Isaias Afwerki at Mogadishu’s airport on December 13, 2018. AFP Eritrean President Isaias Afwerki landed in Somalia for the first time on Thursday, completing a stunning year of rapprochement in the battle-scarred Horn of Africa. Mr Isaias, who has ruled the tiny reclusive nation with an iron fist for 25 years, embraced Somalia’s president, Mohamed Abdullahi Mohamed, on the runway before heading to the president’s office for talks. Somalia and Eritrea have endured years of sour relations, exacerbated by the latter’s 20-year conflict with neighbouring Ethiopia, which saw the two take opposing sides in war-torn Somalia. Mogadishu accused Asmara of supplying weapons and backing to Islamist groups. When Ethiopian soldiers entered Somalia to tackle the insurgents in 2007, Eritrea stormed out of IGAD, the Horn of Africa’s answer to the GCC, in protest. But in July, following the appointment of Ethiopia’s dynamic young prime minister, Abiy Ahmed, Ethiopia and Eritrea announced an end to their two-decade war, facilitating an unprecedented peace process that saw embassies and borders reopened, telephone and travel links re-established and trade resumed. Hundreds of families, kept apart for years, were reunited. The rapprochement between two of Africa’s pre-eminent foes triggered a domino effect, as the Horn’s four constituent countries — Ethiopia, Eritrea, Djibouti and Somalia — set about mending fences. In July, Mr Mohamed travelled to Asmara, where he and Mr Isaias agreed to establish diplomatic relations, exchange ambassadors and promote bilateral trade. In September, Eritrea and Djibouti ended a decade-long border dispute over the contentious Dumeira mountain and Dumeira island in the Red Sea. The following day, Addis Ababa played host to South Sudan’s President Salva Kiir and rebel leader Riek Machar, who signed a peace agreement. Their personal feud created a five-year civil war that killed an estimated 383,000 people. And in November, the United Nations Security Council lifted sanctions on Eritrea, first imposed in 2009. Onlookers hope the country — nicknamed the North Korea of Africa — will take steps to shed its pariah status. In that respect, the visit of Mr Isaias to Somalia, a troubled but hugely significant regional player, is encouraging. “President Isaias’s historic visit [to Somalia] is part and parcel of the consultative Tripartite Summits of the Heads of State and Government of Eritrea, Ethiopia and Somalia,” Eritrea’s information minister, Yemane Meskel, wrote on Twitter Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Sii-hayaha Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo goor dhow ayaa ku baaqay in la joojiyo Banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo. Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa dhaliilay Shacabka Magaalada Baydhabo Banaanbaxyadda ka wadda ee kasoo horjeedda xiritaanka Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu sheegay in ay yihiin kuwo yar. Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ilaaliyo Ammaanka Magaalada Baydhabo, islamarkaana la joojiyo Banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo oo uu sheegay in ay waddaan kuwo kasoo horjeedda Ammaanka. Banaanbaxyadda ka socda Baydhabo ayaa lagu toogtay Saakay Xildhibaan Cabdishakuur Ibraahim Yacquub. Wali xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya magalada Baydhabo waxaana qeyba ka mid ah magalada laga maqlaya rasaas Goos Goos ah. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Shirka-jaraid-ee-Gumooyaha-barlamaanka-KGS-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Byahdabo Caasimada@live.com
-
Waddanka adduunka ugu muruqa weyn jeebkiisuna ugu gun dheer yahay waxaa hadda ka socda baaritaan laga doonayo in uu ka jawaabo in Madaxweynaha iyo kooxdiisu ay si sharci darro ah ku heleen kursiga iyo in kale. Qareenkii Madaxweynahana xabsiga ayaa loo taxaabay. Markaa ma qabo, marnabana kuma talinayo in Madaxweyne ama mas’uul kale uu isku dayo in uu ka sare maro sharciga dalka u yaalla. Aniga oo afeeftaas hor marsaday ayaan jecelahay in ra’yi shakhsi ah aan ka dhiibto mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaheenna. Waxaan inta badan maqlaa Siyaasiyiin xukuumad kasta oo ay ka maqan yihiin, muddada ay ka maqan yihiin, si ba’an u mucaarada sidii oo ay tahay middii ugu xumeyd ee abid na soo marta, haddii aan la ridinna uu dalku dib u noqon doono. Waxaa kuwaas u jawaaba qaar xukuumad kasta oo ay ka tirsan yihiin, muddada ay ku jiraan, afka ugu ekeysiiya middii la sugayay ee dalka ka saari lahayd dhibka. Labada dhinacba waxaan ku arkaa mas’uuliyiin aan qaarkood uga haya sababo ku xeeran oo ka yeersiinaya waxa ay ku hadlayaan. Uma gelayo waxa ku qoran mooshinka oo ma baarin, cid kale oo aan ku qanco oo baartayna ma arko. Sidoo kale uma gelayo sharciyadda ama la’aanteed uu ku saleysan yahay mooshinku. Uma gelayo qiimeynta waxqabadka Dowladda oo aan dhaliil la’ayn laakiin tallaaboyin horumar ah oo la taaban karo ku tallaabsatay. Umana gelayo in hanjabaadda la meelmar karo iyo in kale. Waxaan rabaa hal dhinac oo yara xasaasi iigu muuqda in aan iftiimiyo si talada loogu darsado. Xilalka siyaasadda ee dalka marka laga reebo Aqalka Sare, waxaa lagu qeybsaday hab qabiil ayada oo Soomaalida loo kala saarayo shan qabiil. Shanta qabiil midkiis aad ayaa loo duudsiyay oo xataa lama qeyb aha afarta kale. Taas waxaa lagu saleyay mala’awaal ah in ay inta kale mid mid uga tiro yar yihiin. Caddaalad darrada koowaad uguna weyni, malahayga, waa middaas. Dhanka kale afarta qabiil waxaa jira xeer aan u qorneyn ase ay ku dhaqmaan. Inkasta oo aan hibo iyo xataa qabiil la isu siin, laga soo billaabo maalintii aan xornimada qaadannay, laba qabiil oo keliya ayaa Madaxweyne ka noqday dalka. Marka ay doorasho joogto iyo xataa halkii mar ee ay afgembi militeri ahayd waxaa shabaqa u dhigtay siyaasiyiin labadaa reer ah. Tan militerigu inkasta oo ay hal mar ahayd, haddana waa ay daba dheeraatay oo waa middii ugu wakhtiga dheereyd. Labadaas qabiil oo siman ayaad haddana mooddaa in ay sii kala mudan yihiin. Labada qabiil midkood, Madaxweyne kasta oo la doortay waxaa uu fursad u helay in marka uu xilligiisu dhammaado sidii ballanku ahaa uu kursiga dib ugu tartamo, marka uu waayana uu xilka si nabad ah ku wareejiyo. Madaxweynayaasha ka soo baxay qabiilka kale, midkoodna weligii fursad looma siin in uu xilligiisa dhammaysto, oo uu doorasho galo, xilkana nabad ku wareejiyo maaddaama aan Soomaaliya weli mas’uul Madaxweyne soo noqday aan mar labaad la dooran. Waxa keliya oo taa weydaaran waa Madaxweynihii Militeriga ahaa oo wakhtigiisu aad u dheeraaday aakhirkiina dagaallo jabhadeed oo lagu hoobtay iyo kacdoon shacab oo is kaashaday ay meesha ka saareen. Maanta oo Madaxweynaha xilka haya muddadii loo doortay aanay kala bar gaarin ilama qummana isku dayga ah in Madaxweynaha maanta lagu daro liiska Madaxweynayaasha aan rabitaankooda uga tegin xafiiska. Dooddeydu ma ahan in ay dhan walba ka eegtay dacwadda oo ay soo gunaanadday, ama ay tahay fikirka keliya ee laga qabi karo. Ma aha wax qurxoon oo dood lagu saleeyo, laakiin xaqiiqada aan qorneyn ee siyaasadda Soomaaliya ee 2018 ayaa sidan qoreysa. Waanan ogahaya aragti dooddeyda lid ku ah in la keeni karo, oo sannadkan nuskiisii hore nin aan arrinkaan ka sheekeysannay wuxuu igu yiri, ‘kala daa waa Madaxweyne iyo waa loo turayaa’. Laakiin muhiim ayay iila muuqataa in taariikhdan lagu darsado sawirka guud. Xagga sharciyaddana marka hore ayaan ka afeeftay sababta oo ah ma haysto awood aan uga daba tago eedeymaha duulaya ee weerarka iyo rogaal celiska ah guntoodu waxa ay tahay. Yuusuf Garaad Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-14122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa Ka Run Ah Wixii La Sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa mudane ka tirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay. Xilldhibaanka oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, kaasi oo ahaa Gudoomiyaha Guddiga Amniga Gollaha Wakiilada maamulkaan ayaa ku geeryooday Is-rasaasayn ka dhacday meel ku dhow hoygiisa. Xaaladda magaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana lasoo sheegayaan inay socdaan dibad-baxyo waawayn oo looga soo horjeeda xariga Mukhtaar Roobow, kaas oo ku jira gacanta dowladda. Ma jiro wax war ah oo madaxda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay kasoo saareen dilka Sharci-dejiyaha oo aanan la ogayn cidda ka dambeysay, kaasi oo imaanaya xili xaaladda cakiran ay ka jiro caasimada KMG maamulkaan. Wixii warar ah ee kusoo kordha, kula soco wararkeena dambe The post Fahfaahino laga helayo Xilldhibaan lagu dilay Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Koofur Galbeed ahna ku simaha madaxweynaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay rabshadaha ka taagan magaalada. Guddoomiye Maye, ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo Banaanbaxyada ka socdo magaalada Baydhabo oo sababay dhimashada xubno ka mid ahaa maamulka Koofur Galbeed iyo dad shacab ah. Wuxuu tilmaamay inuu dhaliilsan yahay dad yar oo uu sheegay inay dhibaato ka wadaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo ka careysan xariga loo geystay Mukhtaar Roobow Mansuur. Dadka wada banaanbaxyada ayuu sheegay inay kasoo horjeedaan amaanka magaalada Baydhabo, wuxuuna muhiim ku tilmaamay in la wada ilaaliyo amaanka magaalada islamarkaana banaanbaxyada la joojiyo. Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa wali kacsan, waxaana banaanbaxyadii saaka ku dhintay xildhibaan C/Shakuur Ibraahim Yacquub oo ahaa guddoomiyihii guddiga amniga baarlamaanka. Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha baarlamaanka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Shirka-jaraid-ee-Gumooyaha-barlamaanka-KGS.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubnaha Guddiga qaban-qaabadda doorashadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay is-casileen. War qoraal ah oo ay soo saareen, taasi oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Guddiga Shaacir Cumar Bayle ayay ku fahfaahiyeen sababta. Guddiga ayaa sababta is-casilaadooda waxay ku tilmaameen inay salka ku hayso xariga ay dowladdu ugeysatay Mukhtaar Roobow Cali iyo faragelin iyo hadaad ay tibaaxeen inay kala kulmeen dowladda dhexe. Hoos ka akhriso qoraalka The post DEG DEG: Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo is-casilay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka magaalada Baydhabo loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koofur Galbeed islamarkaana ahaa guddoomiyihii guddiga amniga Koofur Galbeed. Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya cidda rasmi ahaan kaga dambeysay dilka xildhibaanka oo lagu magacaabayay C/Shakuur Yacquub Ibraahim oo ahaa guddoomiya Amniga ee Baarlamaanka Koofur Galbeed. Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu kamid ahaa xubno u istaagay saaka sidii xiisadda loo qaboojin lahaa, balse rasaas kaga dhacday oogada sare ee jirkiisa ayuu u dhintay, sida goobjoogayaal ay xaqiijiyeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanka ay toogteen ciidamada booliska Koofur Galbeed ee ka hortagayay rabshadaha ka socdo magaalada, halka wararka kale ay sheegayaan in ciidamada ilaalada u ahaa Mukhtaar Roobow ay toogteen. Dilka Xildhibaanka, ayaa ka dhacay Nawaaxiga Saldhiga Boooliska baydhabo, kaasoo ku dhow Madaxtooyada Koofur Galbeed, waana ta keentay shakiga ugu badan ee ah in ciidamada booliska ay toogteen. Xaalada magaalada ayaa wali kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ka dhaceysa xaafadda Horseed iyo agagaarka Garaash ku dhow guriga uu deganaa Mukhtaar Roobow. Ma jiro wax war ah oo wali dowladda Soomaaliya ay kasoo saartay qalalaasaha kasoo kordhay magaalada Baydhabo oo galay maalintii Labaad. Haddii Xasaradahan ay sii socdaan waxaa halis ku jirta doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed oo shan maalin kadib la filaayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo sida guddiga doorashada ay sheegeen. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Federal Republic of Somalia Federal Ministry of Internal Security Office of the Minister REF: WAG/XW/632/18 Date: 13th December 2018 The Federal Ministry of Internal Security refers to its previously released press statements issued on October 4th 2018 and December 12 2018, which had asserted that the citizen, Mukhtar Robow (Abu Mansur) was yet to meet requirements of agreements with the government in order to remove all the restrictions on him. The requirements included: • That Mukhtar Robow abandons his extremist beliefs, explicitly and unambiguously denounces the extremist ideology, and expresses support for the Federal government • That he should not engage in any activity that can harm the governance system and undermine the Federal Government and the Federal Member States. Executing its constitutional duties, the Security Ministry has undertaken enermous efforts to convince Robow to reconsider his actions that acted as violations against all the arrangements reached with him with regards to stability, rule of law and the governance system. Regrettably, Robow started to smuggle arms and fighters into Baidoa and assembled militias with the intent to undermine and threaten the national security, especially stability in Baidoa. That has attested that Mukhtar Robow has never renounced his extremist ideology and is willing to terrorize the Somali people once again. Consequently, the Security Ministry, which earlier issued warnings against Robow’s criminal engagements, has today, December 13, 2018, detained citizen, Mukhtar Robow. End
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Xiisadda ayaa ka dhalatay markii ay dowladdu soo xirtay Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasi oo lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobo uu kula heshiiyay xukuumadda markii uu isku soo dhiibay sanadkii hore. Gudoomiye Mursal oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka digay inay sii socoto shaqaaqadda oo khasaaro naf iyo maal geysatay. “Waxaan ka digeynaa inuu sii socdaan dagaaladda….Dadka aad ayay utabar-daran yihiin, waxaana haystay dagaalo iyo go’doon..Marka waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo wixii sii socon lahaa,” ayuu hadalkiisa udhigay. Sikastaba, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ahna xarun goboledka Bay, ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan tahay mid degan. Hoos ka dhegeyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod.mp3 The post Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo ka digay xiisada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article