-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, haatana ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Senator Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa dhawaajiyay in Madaxweyne Gaas 5-tii Sano oo uu xilka hayay uu dib u dhigay horumarka Puntland. Sidoo kalena maamulka uu hoggaamiyo uu ku kacay Musuq-maasuq xoogan, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu jaray xiriirkii Puntland kala dhexeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoos eka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Jaamac-1-.mp3 The post Senator Faroole Oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Gaas appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa isu’ diyaarinaya in ay saacadaha soo socda ku dhawaaqan lix iyo lixdanka xubnood ee Baarlamanka cusub. Guddiga oo in mudda ah ku hawllanaa xallinta kuraasta la isku’ haysto ee xubnaha doonaya Golaha wakiilada ayaa sida wararku sheegayaan soo geba-gabeeyay hawshaasi,waxaana xilligan u harsan oo keliyah in ay shaaciyaan liiska xildhibaannada cusub. Mudda todobaad ah ayaa ka harsan doorashada madaxtinimada Puntland ee ku muddaysan 8-da Jennaayo 2019,waxaana isha lagu wada-hayaa ku dhawaaqista xildhibaannada cusub ee wax dooranaya. PUNTLAND POST The post Puntland: Liiska Golaha wakiilada cusub oo lagu dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgal ballaaran ka wadaan guud ahaan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Wariyaheena Muuse Cabaas ayaa soo sheegaya in ciidamada ay baarayaan guryaha ku yaalla xaafadaha degmadaasi, sidoo kalena lagu soo qabtay dhallinyaro badan. Ciidamadan ayaa saakay mar qura kusoo faafay xaafadaha Afgooye, waxaana saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ay sheegeen iney raadinayaan dad looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab. Ma jirto faah faahin kale oo saraakiisha ammaanka ka bixiyeen tirada dadka ay kusoo qabteen howlgalkaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in la shaaciyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay lagu soo dooranayay deegaanada maamulkaasi. Xildhibaanada ayaa waxaa soo xulayay odayaasha deegaanka ay matalayaan, waxaana walaac laga muujiyay hanaanka lagu soo xulay kuraasta xildhibaano badan oo golaha wakiilada kamid ah. Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 xildhibaan, waxaana maanta marka la shaaciyo xildhibaanada kadib ay gali doonaan isku diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland. Doorashada Guddoomiyaha kadib waxaa la filayaa inay isku diyaariyaan soo xulista guddiga doorashada madaxweynaha, iyadoo kama dambeys 8 Janaayo doorashada madaxweynaha ay ka dhici doonto magaalada Garowe. Inka badan 25 Musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha Puntland, waxaana dhamaantood ay doonayaan in midkood uu qabtaa xilka madaxweynaha, waxaa musharixiinta kamid ah C/Welli Gaas oo horey u shaaciyay inuusan isa sharaxi doonin. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Afmadow ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen agagaarka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Dhexe. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyay deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmadaasi. Ujeedka howlgalkan ayaa lagu sheegay mid ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo ku xoogan gobolka Jubbada Dhexe ee K/ Soomaaliya. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo ka soo baxay dhanka Saraakiisha maamulka Jubbaland oo ku aadan howlgalkaasi. Shalay ayey aheyd markii howlgal cusub uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo wacad ku maray in Al Shabaab laga saarayo gobolkaasi. The post Howlgal ka dhan ah Al Shabaab Oo laga sameeyay Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey dil shalay loo geystay guddoomiye ku xigeenkii maamulka degmada Matabaan ee gobolkaasi. Gudoomiye ku xigeenka amniga gobalka Hiiraan C/raxiin Taakooy ayaa Goobjoog u sheegay in sidoo kale weerarkaas lagu dilay Labo ka mid ah ilaaladiisa, iyadoo raggii dilka geystay ay halkaa isaga baxsadeen. Waxa uu tilmaamay in dilkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan, waxaana gaari ay ku saarnaayeen Afar qof, iyadoo uu badbaaday oo kaliya Hal qof. Taakooy ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka uu ahaa nin shaqo, islamarkaana ay ka xun yihiin waxa dhacay, isaga oo tilmaamay inuu ku wajahnaa magaalada B/weyne. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/GUDOOMIYE-XIGEEN-AMAANKA-GOBALKA-HIIRAAN-CABDRAXIN-TAAKKOOY-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-311218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo axaddii yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay sannadka 2018, ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dalka. Kulanka golaha oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaarha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray isla xisaabtanka iyo qiimaaynta waxyabahii sannadka dhammaadka ah u qabsoomay afarta tubood ee ay ku salaysan tahay shaqo maalmeedka Dowladda Soomaaliya. “Waxa aan maanta fursad u helaynaa in aan is qiimayno xukuumad ahaan ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis ahaan. Isla xisaabtankaan waxa uu naga caawi doonaa in wixii naga hallaabay aan hagaajinno sannadka soo socda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.. Barnaamijka xukuumadda ee horraantii 2017 ay ansixiyeen golaha shacabka ayaa loo qaybiyay afar tubood oo kala ah siyaasadda loo dhanyahay, arrimaha bulshada, horumarinta dhaqalaha iyo amniga iyo cadaalladda kuwaas oo yeesha shirar joogta ah oo ku salaysan isla xisaabtan ku dhisan hufnaan iyo daah-furnaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Al Shabaab ayaa muddo todobaad ah kadib shaaciyay magaca ruuxii isku qarxiyay afaafka hore ee tiyaatarka qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen. Al Shabaab ayaa sidoo kale baahiyay qabiilka uu kasoo jeedo ruuxii isku qarxiyay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Jamaal Jeylaani Nuur Cadow, kaasi oo muddo badan kamid ahaa Al Shabaab. Baraha Al Shabaab ee lagu faafiyo wararkooda ayaa lagu sheegay in Jamaal Jeylaani uu kasoo jeeda Beesha Murusade uuna kasii yahay jufada Habar Ceyne, waxaana da’diisa lagu sheegay 23 sano jir. 22-dii Bishaan sii dhamaaneyso ee December ayuu qaraxaasi ka dhacay Tiyaatarka qaranka, waxaana ku dhintay inka badan 20 ruux oo uu ku jiray wariye Cawil Daahir Salaad iyo shaqaale kale oo ka tirsan TV-Universal. Jaylaani ayaa 2008 ku biiray Al Shabaab, waxaana la sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaalo badan oo Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolada dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriira halka gaariga uu ka yimid iyo sida ay ugu suurogashay inuu yimaado halka uu ku qarxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa si weyn isha loogu hayaa doorashada ka dhaceysa Puntland, 8-da bisha Janaayo 2019. Waxaa ku loollamaya musharixiin gaaraya 30, haddii aysan ka badneyd, balse wali ma cadda murashaxa ugu cad cad xilka belidda Cabdiweli Cali Gaas. Hase ahaatee, 48-dii saacadood ee la soo dhaafay waxaa gebi’ahaanba la wareegay ol’olaha ka socda Puntland murashax Dr. Cali Ciise Cabdi. Maxaa sabab u ah? Waa su’aal is weydiin mudan waxa 72 saacaood oo uu joogo Garoowe oo ay uga soo horreeyeen musharixiin ku sugnaa xarunta Puntland dhawr bilood in uu sidaas oo dhan u qariyo ama uga saameyn bato. Waa sax, waxaa jiri kara in dadka qaar ay ku xaman karaan ama ay jirto in Nabad iyo Nolol kaalin ku leedahay, laakiin taas ma aha MARMARSIIYO, waayo, waxaa la ogyahay oo jira kuwo kale oo ay dowladda dhexe wadato sida lagu tuhmayo, waxaana ka mid ah; Cali Xaaji Warsame, Jabiye, Faarax Cali Shire, Moorgan iyo Saadaq Eenow! Hadaba, maxaa ku gaar ah Dr. Cali Ciise Cabdi? Waa jawaab sahlan! Dr. Cali Ciise Cabdi waa Sool clan, kaas oo noqon doonaya siyaasigii ugu tunka weynaa ama ugu saameynta badnaa oo Sool clan ah oo isu soo sharaxaya xilka Madaxweyne. Ma aha in uu yahay musharixii ugu horreeyey oo reer Sool ah oo xilkaa u hanqal taaga, waayo? Hadda waxaa barbar socda laba musharax oo kale oo sidiisa oo kale doonaya xilkaas, laakiin maxay tahay baaruudda uu dheer yahay? Dr. Cali Ciise Cabdi waxaa ku gaar ah in uu yahay siyaasiga qura ee haysta kalsoonida beesha uu ka soo jeedo oo uu ku kasbaday dhisiddii Khaatumo State iyo waliba go’aankii dambe ee uu Cali Khaliif Galaydh ugu khilaafay in lagu biro Somaliland oo uu ugu dambayn Galaydh ka dhabeeyey! Sidoo kale, Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu halgan dheer u galay sidii uu gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ugu sameyn lahaa maamul ka madax bannaan Somaliland iyo Puntland, walow uu mar walba Garoowe u arkayey meel ay Sool clan wax ka dhisteen oo haddii xorreynta Sool la xaqiijiyo laga wada hadli karo masiirka Khaatumo iyo Puntland. Taas oo ay jirto, is sharaxaadiisa kaddib, Sool clan oo dhan si weyn ayey isu garab taageen oo waxaa ka go’an in uu xilkaas qabto. Sool clan oo xoqonaya kaarkii ugu dambeeyey ee Hartism? Ma dhicin inta taariikhda la xusuusto Sool clan isku raacay hal siyaasi, is sharaxaadda Cali Ciise Cabdi waxa ay si xooggan u mideysay Sool clan oo doonaya ugu dambeyn in ay Laascaanood dib ugu soo celiyaan gacantooda iyo Puntland. Hore waxa ay tabasho ka qabeyn beesha Maxamuud Saleebaan ama Majeerteen oo ay ka dareemeen in aysan daacad ka ahayn xorreynta gobolka Sool. Taas oo jirta, Sool clan waxaa la hubaa in hadda 90% ay la socdaan ama ugu yaraan ay garowsiyo u hayaan Somaliland, haddii ay Puntland dooran weyso siyaasigoodii ugu weynaa oo ku soo dhiiraday in ay 10% hartayna si rasmi ah uga siiban doonaan Puntland. Waxaa xaqiiqo ah, in Dr. Cali Ciise Cabdi yahay kaarkii ugu dambeeyey ee Sool clan ay Puntland ka xoqdaan! W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garoowe (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id oo uu shalay Garoowe ku qabtay ayuu Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole uga hadlay qodobo muhiim ah. Waxyaabaha uu Faroole ka hadlay waxaa ka mid ahaa doorshada Puntland ka dhaceysa 8-da Janaayo 2019, oo ku beegan labada toddobaad ee soo socda, xulista xubnaha baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka. Hase ahaatee, Faroole qeybaha dhexe ee shirkiisii jaraa’id waxa uu ku tuntay Cabdiweli Cali Gaas oo uu qiimeyn qodobeysan ku sameeyey waxyaabihii uu qabtay shanti sano ee uu talada Puntland hayey. Faroole waxa uu warbaahinta u soo bandhigay lana wadaagay maashiircdii uu ku wareejiyey Gaas markii uu kaga adkaaday doorashadii 2014. Mashaariicdaas oo dhammaatood heshiisyadooda la saxiixay waxaa ka mid ahaa madaarka Boosaaso, Garowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan. Sida uu Faroole xaqiijiyey ma jirto mashruuc kale oo weyn oo uu Gaas intii uu talada hayey meelmariyey, waxaa intaa u dheer in uu ku eedeeyey inuu musuq maasuqay dhaqaalaha kuwii hore loo saxiixay sida garoonka diyaaradaha ee Garowe. Muxuu Gaas qabtay oo uu Faroole u qiray? Faroole oo qoslaya ayaa sheegay in uu Idaacadaha ka maqlo Gaas oo ku faanaya in uu hirgaliyey barnaamijka goleyaasha deegaanka (City councils) ee lagu dhisayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee loo yaqaan GPLG, hase ahaatee, Faroole waxa uu caddeeyey in iska daa Gaas uu mashruucaas jiray markii uu isagu Cadde Muuse (UAN) uu xilka kala wareegay. Waxaa qosol badnaa markii uu Faroole sheegay in uu Gaas fuliyey ama qabtay oo loo qirsan yahay dhisidda Suuliyo/musquliyo tuulooyinka laga dhisay! Faroole oo dhoolla caddeeynaya ayaa sheegay in shaqadaas ay islaamaha xataa ku filan yihiin! Hoos ka daawo Faroole Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Sirdoonka UK oo war kasoo saaray Carmaladda Cad oo lagu ogaa Sirdoonka Dalka UK ee loo yaqaan M16 ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalkaas hase yeeshee ku biirtay Al Qaacidda ee Samantha Lewthwaite, ama Carmaladda Cad, ay hadda ku nooshahay dalka Yemen. Qof ka mid ah Sirdoonka UK oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa shaqaaleysiistay qof ay isu dhawyihiin Samantha Lewthwaite¸waxaana uu xaqiijiyay in Haweeneydaas ka baxsatay Soomaaliya kuna sugantahay dhulka Koofurta Yemen ee ay caasimadda u tahay Magaalasa Cadan. Sirdoonka UK ayaa sheegay in koofurta Yemen ay Samantha Lewthwaite, ku ilaalinayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugan. Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in AL-shabaab ay dhallinyaro badan ka qorteen Dalka Yemen,kuwaas oo ay suuragal tahay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan. Samantha Lewthwaite¸ayey Sirdoonka Ingiriiska ee M16 sheegeen in ay mar booqatay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa ay walaac ka muujiyeen in Haweeneydan oo lafteeda Haween is qarxiya ka qoratay Yemen ay weerarro ka geysato meelo ay ka midyihiin Bariga dhexeama Yurub. Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegaya in Haweenka Yemen ee is qarxinaya ay ku shaqaaleysiiso lacag dhan €300 Euro oo lacagta Yurub ah, sidoo kalena ay horay u shaqaaleysiisay Dhallinyaro rag ah oo qaarkood is qarxiyay kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 15 jirro. Xubinta ka tirsan Sirdoonka UK ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa sheegay in soo qabashada Haweeneyda lagu naaneyso Carmaladda Cad ay wax yar u jiraan kaddib markii ay ogaadeen halka ay ku nooshahay iyo sida ay u shaqeyso. Laakiin MI6 waxaa ay sheegtay in ilaalo xoog leh oo ka tirsan AL-shabaab ku hayaan meelo ka mid ah Koofurta Yemen iyaga oo fursad fiican u heysta in ay isaga kala gudbaan Yemen iyo Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya Dekadda Mukallah. Haweeneydan ayaa ku eedeysan weerarro ay ku dhinteen 400 Qof oo ka dhaca gudaha Soomaaliya oo ay geysteen Al-shabab, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015kii oo ay ku dhinteen 149 Qof. Odaygeeda ayaa ka dambeeyay weerarro 7dii July 2007dii ka dhacay UK kuwaas oo lala beegsaday Tareennada dhulka hoostiisa mara ee Magaalada London. Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa tan iyo 2013kii ku daba jira Haweeneydan,waxaana ay nambarka 1aad uga jirtaa dadka u dhashay Dalka Uk ee ay dowladda Ingiriiska baadi goobeyso. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa ergey gaar ah u magacowday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo hadda ku jira hakad. Sidaas waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay ilo diblomaasiyadeed oo xogogaal ah. Danjire Dr. Olgan Bekar, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya oo ay bishan ka dhammaatay mudadiisii xil hayneed, ayaa markii uu ku noqday dalka Turkiga waxa loo magacaabay ergayga cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Turkiga Danjire Jaamac A. Maxamed, ayaa danjire Dr. Olgan Bekar ku bogaadiyay xilka loo magacaabay, waxaana farriin uu diblomaasigan Soomaaliga ahi ku qoray bartiisa twitterka ku sheegay in dawladda Soomaaliya ay danjire Dr. Olgan Bekar ka taageeri doonto hawsha cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee loo magacaabay. “Farxad ayay ii ahayd inaan danjire Olgan Bekar ku qaabilo Ankara.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyay intaas, “Wuxuu qiimo u lahaa xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaanan u balan qaaday taageeradayada xilkiisa ah ergayga cusub ee Turkiga ee wada hadalada Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland.” Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadal magaacaabista ergaygan Turkiga. Waxase la isweydiinayaa doorka Turkigu wakhtigan ku leeyahay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo istaagay, iyadoo ay Somaliland hore u sheegtay inaanay la dhacsanayn dhexnimada Turkiga ee wada hadalada labada dhinac. Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa horaantii sannadkan intii aanay wada hadaladu burburin waxay isla garteen inay Djibouti ku yeeshaan kulan daah-furis loogu samaynayo dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Biixi iyo Farmaajo, ayaa sidoo kale iyadoo ay diblomaasiyiin shisheeye u kala dab qaadayeen waxay isla garteen in Switzerland martigeliso wada hadalada oo laga soo wareejiyo Turkiga. Turkiga, ayaa la sheegay inaanu jeclaysan talaabadaas lagaga wareejiyay wada hadalada, waxaanu xidhiidho la sameeyay Somaliland iyo Soomaaliya. Lamase oga in Turkigu hadda go’aansaday inuu soo ceshado doorkii uu ku lahaa wada hadaladaas iyo inuu doorkiisii fududaynta madasha wada hadalada u bedelayo door dhexdhexaadiye. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay heshiiska ay Dawladda federaalka Soomaaliya la gashay Shirkadaha Shiinaha laga leeyahay ee ku bahoobay COFA, kaas oo ay Soomaaliya ugu saxeexday inay ka kalluumaystaan badda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa yidhi “Waanu ka war haynaa, oo waanu maqalnay inay Dawladda Soomaaliya heshiis la gashay Shirkado kaalluumaysi, laakiin heshiisyadaasi inaga inama khuseeyaan, Dawladda Soomaaliyana waa u nacasnimo inay Shirkado heshiis kula gasho Bad iyo Xeebo aanay ka talin” Waxa uu hadalkiisa ku dara “Baddeena iyo Xeebaheena inaga ayaa ALLE sokadii ka taliya, oo maamulna, dal iyo cid kale oo ku soo xad gudubtana raali kama nihin, mana yeelayno, waxaana xaqiiqo ah inaynu nahay dal jira oo ilaashanaya xadka baddiisa, waxaana inoo jooga Ciidankeena Badda, oo cadaw kasta iyo cid kasta oo xad gudub inagu soo sameeysa ka difaacaya”. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay halka uu ku dambeeyey maamulkii Hawada Soomaaliya oo ay si buuxda ula wareegtay dowladda iyo Xukuumad ahaan waxaa uga qorsheysan. Faratoon ayaa yidhi “Horta ALLE sukadii inaga ayaa iska leh Hawadeena, Baddeena, iyo Dhulkeena, inaga ayaa ilaashanayna, maamulka Hawadeena in Soomaaliya laga maamulana waxaynu raali ka nahay, oo aynu ogol nahay maaha, maxaa yeelay Soomaaliya inooma taliso, isku dalna ma nihin, ee laba dal oo jaara ayeynu nahay, laakiin caqabadaha caalamiga ah ee dalkeena Somaliland haysta ayaa keenay in maamulka hawadeena Soomaaliya lagu wareejiyo, laakiin waxaynu raali ka nahay maaha, dibna weynu u soo ceshan doonaa’ “Waxaa jira heshiiskii ahaa in laba dalba wada maamulan hawada, laakiin heshiiskaasi si cad bay Somaliya u jabisay, Xukuumad ahaan iyo Dawlad ahaanba waxaynu ku dadaalaynaa inaynu dib u soo ceshano maamulkii hawadeena, Dawladda Somaliya xaasidnimo iyo xiqdi kasta oo ay inala daba socoto waxba inagu yeeli mayso”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Sirdoonka Dalka UK ee loo yaqaan M16 ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalkaas hase yeeshee ku biirtay Al Qaacidda ee Samantha Lewthwaite, ama Carmaladda Cad, ay hadda ku nooshahay dalka Yemen. Qof ka mid ah Sirdoonka UK oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa shaqaaleysiistay qof ay isu dhawyihiin Samantha Lewthwaite¸waxaana uu xaqiijiyay in Haweeneydaas ka baxsatay Soomaaliya kuna sugantahay dhulka Koofurta Yemen ee ay caasimadda u tahay Magaalasa Cadan. Sirdoonka UK ayaa sheegay in koofurta Yemen ay Samantha Lewthwaite, ku ilaalinayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugan. Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in AL-shabaab ay dhallinyaro badan ka qorteen Dalka Yemen,kuwaas oo ay suuragal tahay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan. Samantha Lewthwaite¸ayey Sirdoonka Ingiriiska ee M16 sheegeen in ay mar booqatay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa ay walaac ka muujiyeen in Haweeneydan oo lafteeda Haween is qarxiya ka qoratay Yemen ay weerarro ka geysato meelo ay ka midyihiin Bariga dhexeama Yurub. Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegaya in Haweenka Yemen ee is qarxinaya ay ku shaqaaleysiiso lacag dhan €300 Euro oo lacagta Yurub ah, sidoo kalena ay horay u shaqaaleysiisay Dhallinyaro rag ah oo qaarkood is qarxiyay kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 15 jirro. Xubinta ka tirsan Sirdoonka UK ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa sheegay in soo qabashada Haweeneyda lagu naaneyso Carmaladda Cad ay wax yar u jiraan kaddib markii ay ogaadeen halka ay ku nooshahay iyo sida ay u shaqeyso. Laakiin MI6 waxaa ay sheegtay in ilaalo xoog leh oo ka tirsan AL-shabaab ku hayaan meelo ka mid ah Koofurta Yemen iyaga oo fursad fiican u heysta in ay isaga kala gudbaan Yemen iyo Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya Dekadda Mukallah. Haweeneydan ayaa ku eedeysan weerarro ay ku dhinteen 400 Qof oo ka dhaca gudaha Soomaaliya oo ay geysteen Al-shabab, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015kii oo ay ku dhinteen 149 Qof. Odaygeeda ayaa ka dambeeyay weerarro 7dii July 2007dii ka dhacay UK kuwaas oo lala beegsaday Tareennada dhulka hoostiisa mara ee Magaalada London. Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa tan iyo 2013kii ku daba jira Haweeneydan,waxaana ay nambarka 1aad uga jirtaa dadka u dhashay Dalka Uk ee ay dowladda Ingiriiska baadi goobeyso. Source: Belfastlive.co.uk
-
Hoos ayaan ku falanqayn doonaa doorashada Puntland ee 2019-ka iyo qofka ku habboon in la doorto laakiin marka hore sheeko yar. Buur baa waa’ foolatay Waxa la yiri Buur baa waa’ foolatay. Saa waxay dhashay Jiir ama Doolli, qofba siduu u yaqaan. Dadkii way yaabeen waxayna dhaheen suuragal ma aha in adiga oo sidaa u wayn oo uurka wayn lahaa muddada shanta sano ah, annaguna aan hanka wayn kuu qabnay, aad dhasho jiir yar. Sheekadaan waa sheeko dheer oo xiiso badan, insha Allah mar kale ayaan dhamaystiri doona, laakiin sida buurtu hanka uga jabisay dadkii degaankeeda ayaa hadda dadka reer Puntland waxay aad uga wel-welsan yihiin in doorashadaanina sidii tii 2014-ka ay hanka uga jabin doonto. Xaalka Puntland hadda ku sugan tahay Waxaan ognahay sida loogu khasaaray wixii ka dhashay doorashadii 2014-ka. Puntland maanta waxay fadhidaa gebi cidla’ ah. Dhaqaalaheedii waa bur-buray, ammaankii faruhuu ka baxay, waxbarashadeedu tayo fiican ma leh, qabiil walba maduxuu iskula jiraa oo waxay isku haystaan xildhibaanadii beeshooda u fariisan lahaa baarlamanka Puntland, degaannada qaarkoodna waxa ka jira colaad ka dhex taagan qabaa’ilka wada dega. Dhanka kale, waxaa maamulka Cabdiwali Gaas hareeyay musuq-maasuq xad dhaaf ah, naas nuujis xigaalo, maamul xumo, isla xisaabtan la’aan, iyo khayraadkii badda iyo dhulka Puntland oo uu si sharci darro ah gacanta ugu galiyay dawlado shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqaysta yaal ah oo Madaxwayne Cabdiwali Gaas uu isagu dullaal ka yahay, laakiin dadka deer Puntland aysan waxba ka intifaacsan. Halkan ka akhri faah-faahin ku saabsan musuq-maasuqa hareeyay xukuumadda Cabdiwali Gaas (runaway corruption, nepotism, and inefficiency) by Dr. Abdullahi Y. Muse, (Abdiwali Gaas a shameless incorrigible betrayer of his nation), (Gaas-and-the-floundered-presidency) sida ay ku qoreen website-ka Wardheernews, Osman Hassan, iyo Faisal Rooble. Ballanqaadyadii uu Madaxwayne Gaas fulin waayay Madaxwayne Cabdiwali Gaas wuxuu buriyay ballamihii uu galay dhammaadkii 2013-ka markii uu u tartamayay madaxwaynanimada. Tusaale ahaan wuxuu ballan qaaday inuu xorayn doono goballada (Sool, Sanaag, iyo Cayn) oo Somaliland ka haysato Puntland, inuu mashaariic horumarineed oo dhaqaalaha gobolka kor u qaada hirgalin doono, inuu tayada waxbarashada kor u qaadi doono, inuu ammaanka sugi doono. Laakiin ballanqaadka ugu wayn ee uu ku fashilmay Madaxwayne Gaas waxuu ahaa kan uu yiri dib isuma soo sharrixi doono doorashada 2019-ka. Waraysiyo laga qaaday Madaxwaynaha sanadihii 2014 ilaa 2017-kii wuxuu isagoo kalsooni muujinaya si cad u sheegi jiray inuusan dib dambe isu so sharrixi doonin marka waqtigiisu dhamaado. Wuxuu dhihi jiray aniga ujeeddadaydu ma aha jago, ama lacag ee waxa keliya ee aan rabaa waxa weeye inaan hormariyo dhaqaalaha, waxbarashada, iyo amaanka Puntland, iyo inaan dhallin yarada shaqo u abuuro, musuqana la diriro, horumariyo nidaamka dawlad wanaagga, iyo sarraynta iyo ka dambaynta sharciga. Madxwaynuhu wuxu yiri, wax kaleba yeelkoode haddii aan fulin waayo ballanta ah hal-qof-hal-cod, inaan noqon doono qof xukunkiisu fashilmay. Halkan ka dhagayso Ballamihii uu galay Madaxwayne Gaas 2014-kii laakiin uu ku fashilmay. Markii la gaaray 2018-kii ayuu bilaabay inu dhaho markii la gaaro xilliga doorasada ayaan sheegi doonaa inaan mar kale tartami doono iyo in kale. Hadda oo la gaaray xilligii doorashada, wuxuuna Madaxwayne Gaas ku dhawaaqay 18-kii December 2018 inuu dib isu soo sharraxay (Gaas oo ku dhawaaqay inuu mar kale isa sharraxayo ) iyadoo aysan jirin wax mashaariic ah oo uu sameeyay oo sababi kara in dib loo soo doorto, isla markaana aan u aaba yeelin ballamihii uu hore u qaaday oo uu fulin waayay. Waxaa is waydiin leh ma la rumaysan doonaa wax dambe oo uu sheego Madaxwayne Gaas iyo ballan dambe ee uu qaado maadaama uu ka baxay ballamihii hore oo dhan, kuwaasoo uu isagu afkiisa isku xukumay inu noqonanyo qof fashilmay haddii uu fulin waayo!!! Dambiyo waa-wayn oo Madaxwayne Gaas ka galay Puntland/Soomaaliya Boobka Khayraadka Puntland Puntland waxaa ka buuxa khayraad tiro badan oo aan wali la soo saarin kuwaasoo ay ka mid yihiin kalluun, shidaal, iyo macaadin kala duwan oo kulligood ah gancsi gal. Sidaasoo ay tahay dhaqaalaha Puntland aad ayuu u hooseeyaa, dhallinyaradii waxaa haysta shaqo la’aan baahsan, tayada nolosha dadkuna aad bay u liidataa. Sababtuna waxay tahay khayraadka Puntland waxaa si sharci darri ah u qaata dawlado shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqaysta yaal ah. Wa ayaan darro in masuuliyiinta ay ku qanacdo inay qaataan lacag yar oo markay ugu badato gaaraysa dhowr malyan oo dollar halka waddamada iyo shirkadaha shisheeyuhu ay ka la baxaan Puntland khayraad gaaraya balaayiin dollar. Maxaa laga qabtay dekaddii Boosaaso? Waxaa kale oo is waydiin leh maxaa laga faa’iday dekeddii Boosaaso ee uu ku wareejiyay Imaaraatka. Waxay ahayd in shaqada lagu bilaabo sannad gudihiis. Labo sano ku dhowaad ka dib, wax horumarin ama dhisma ah lagama qaban dekadda Boosaaso. Halka ganacsatada lagu kordhiyay canshuurihii laga qaadi jiray badeecooyinka ka soo dega dekedda. Waxaa la dhihi karaa cidda keliya oo ka faa’idday waa shirkadda la wareegtay maamulka dekadda. Lunsasho hanti guud Cabdiwali Gaas aad baa loogu han waynaa markii la doortay 2014-kii waxaaana la filayay inuu noqdo hoggaamiye horumariya Puntland isagoo adeegsanaya qoonta iyo khibradda uu sheegtay inuu u leeyahay maamul wanaagga (good governance), kobcinta dhaqaalaha, uruurinta canshuuraha, iwm. Hase yeeshee, shantii sano ee uu xukunka hayay waxaa lagu eedeeyay inuu si gaar ah u lunsaday hanti badan oo dalal dibadda ah (sida Kenya, Zambia, Ethiopia, iyo UAE) uu gaystay. Gaas wuxuu soo gatay warshad lagu sameeyo lacagta Shilling Soomaaliga. Cabdiwali Gaas wuxuu Puntland iyo Soomaaliyaba ka galay hal dambi oo aad u wayn, kaas oo curyaamiyay dhaqaalihii Puntland, sababayna in ganacsatadii reer Puntland ay isaga cararto Puntland maadaama ayasan la tartami karin ganacsatada isticmaasha dekadaha Berbera iyo Muqdisho. Samaynta lacag sharci darro ah waxay keentay in sicir barar xad dhaaf ah ku yimaado badeecooyinkii yaallay suuqa, isla markaana uu qiimo jabo wayn ku yimaado Shilling Soomaaligii. Waxaa is waydiin leh sidee u dhici kartaa inuu lacag sharci darro ah daabacdo nin ku faanaya inuu ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha. Dawladda ugu awood ciidan iyo dhaqaale wayn dunida maanta aan ku nool nahay wa tan Maraykanka iyadana Madaxwaynaheedu awood uma leh inuu soo gato warshad lacagta lagu sameeyo oo markii uu rabo ku daabacdo wixii lacagoo uu u baahdo. Cabdiwali Gaas wuxuu mudan yahay in maxkamad sharci la hor keeno oo uu xabsi u galo lacagta uu sida sharci darrada u samaystay iyo bur-burka dhaqaale eeka dhashay arrintaas. Since Mr. Gaas is a Somali native and a naturalized U.S. citizen, he is subject to criminal justice laws in both countries. Printing fake money is a serious crime anywhere in the world. Therefore, both the U.S. government and the Somali government are under legal obligation to bring Mr. Gaas to a court of law for printing counterfeit Somali Shilling notes. Ma aha in Cabdiwali Gaas lagu abaal mariyo in mar kale la soo doorto si uu u sii lunsado hanti kale, dhaqaalaha Puntland u baabi’iyo. Yaa faa’iida ku qaba in Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto? Dadka keliya ee faa’idada ku qabi kara in dib loo soo doorto Cabdiwali Gaas waa dadka hadda u shaqeeya xukuumaddiisa. Waxayse san ogayn in haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto aan wax badan iska baddali doonin dhismaha dawladdiisa. Isla waziirada, ku xigeenada, agaasimayaasha, shaqaalaha madaxtooyada, iyo madaxda ciidamada ee hadda la shaqeeya xukuumaddiisa ayay u badan tahay inay soo noqdaan. Waxa laga yaaba inuu dhowr waziir midba mid kale ku baddalo, umana badna inuu wajiyo badan oo cusub ku soo kordhin doono dhismaha dawladdiisa. Sidaa awgeed dadka u hanqal taagaya inay jago ka helaan dawladdiisa haddii dib loo soo doorto way ku hungoobi doonaan. Dhanka kale, haddii Madaxwayne cusub la soo doorto, wuxuu soo dhisi doonaa dawlad hor leh oo ay hoggaaminayaan wajiyo cusub oo ka kala imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. Sidaa awgeed, qofkii rajo ka qaba inuu ka mid noqdo maamulka shanta sano ee soo socota waxaa u fursad wanaagsan inuu tageero murashax cusub. Yaa badbaadin kara Puntland Puntland waxa badbaadin kara qof ay ku wayntahay: Waddani aamninsan midnimada iyo horumarka Soomaaliya ka han iyo himilo wayn dan gaar ah aan rabin inuu boobo hantida guud , laaluushna qaadan khibrad u leh maamul wanaag , lehna ammaano iyo hufnaan iskala sarreeya ku dhaqanka qabyaaladda aan xigaalo iyo xidid si sharci darro ah u naas nuujin leh shakhsiyad wanaagsan, dhaqan wanaagsan, aqoon sare, iyo cadaalad. Markii aan aad u daraaseeyay murashixiinta hadda tar-tamaya oo dhan waxaan si kalsooni buuxda ku jirto u oran karaa, qofka keliya ee leh sifooyinkaas kor xusan oo dhan iyo kuwa kale oo badan oo iyaguna wanaagsan, inuu Cali Xaaji Warsame yahay nin si buuxda ugu qalma inuu hoggaamiyo Puntland iyo waliba Soomaaliyaba. Maxay u tar-tamayaan murashixiin badan oo og inaysan guulaysanayn? Qaar badan oo murashixiinta ka mid ah way og yihiin inaysan soo baxayn laakiin waxay rabaan inay qalqaalsadaan oo ay ka helaan dawaladda cusub jagooyin: sida waziir, ku xigeen waziir, agaasime, ama wax la mid ah. Qaar kalena waxaa tar-tanka soo geliyay Cabdiwali Gaas si uu ugu kala jabiyo awoodda qaar ka mid ah murashixiinta leh furasad fiican inay guulaystaan. Taageero ku salaysan mabda’ Badanaa taageerada dadkeenu waxay ku salaysan tahay saaxiibtinimo, qabiil, ama dan gaar ah. Laakiin anigoon la qabiil ahayn, dan gaar ahna ka lahayn taageeriddiisa, ayaan haddana waxaan ku taageerayaa murashax Cali Xaaji Warsame, fikir, ama qadiyad aan aamminsahay inaan wadaagno darteed. Qaddiyaddaas oo ah ilaalinta midnimada iyo wada jirka dalka iyo dadka Soomaaliya, dhisidda xukuumad loo dhan yahay oo aan ku salaysnayn qabiil iyo qof jeclaysi, iyo danta guud oo laga hormariyo tan gaarka ah. waxaan aamminsanahay in murashaxiinta hadda tar-tamaya uusan ku jirin mid ka daacadsan, ka waddanisan, ka ethics wanaagsan, ka khibrad shaqo wanaagsan, ka aqoon maamul wanaagsan, kana ammaano wanaagsan murashax Cali Xaaji Warsame. Cali Xaaji Warsame wuxuu waxbarashadiisa ilaa heerka kowaad ee jaamacadda (Bachelor) ka dhigtay machadkii SIDAM, ka dibna MBA ayuu ka qaatay American University in London, UK. Wuxuu maamule ka noqday dekadda Boosaaso, ka dibna wuxuu CEO ka noqday shirkadda is gaarsiinta ee Golis. Ka dib wuxuu wasiirka waxbarashada ka noqday Puntland. Dadkii la shaqeeyay waxay isku raceen inuu yahay nin leh ammaano, karti, aqoon, iyo dhaqan wanaagsan. Xiriirka Puntland iyo dawladda dhexe Dadka reer Puntland waxay rabnaa in Puntland uu madaxwayne ka noqdo qof xiriir wanaagsan la yeelan kara dawladda dhexe ee Soomaaliya waayo haddii Soomaaliya bur-burto, Puntland ma dhisnaan karto. Waxaa dadka Soomaaliyeed dhibay madaxwayne maamul goboleed oo hadba ku hanjabaya inuu xiriirk u jarayo dawladda dhexe. Asal ahaan yaa masuul ka ah doorashada madaxada xun Eedda doorashada madaxda xun waxa marka koowaad leh xildhibaanada laaluushka ku soo baxa dabadeedna doorta murashaxii lacagta ugu badan siiya, waxaa kale oo eedda qayb lixaad leh ka ah oday dhaqameedyada soo ansixiya xildhibaanadaas. Haddii xildhibaanadu ahaan lahaayeen waddaniyiin ka damqanaya bur-bur iyo dib u dhaca soo gaara Soomaaliya, codkooda laaluush kuma gateen. Waxay marag ma doonta ah in inta badan xildhibaanada Puntland ah jeebkooda waxa gala uga muhiimsan tahay horumarka waddankooda, diintooda, iyo dadkooda. Taasina waa ayaan darro ku habsatay Soomaaliya oo dhan gaar ahaan Puntland. Xalku waa in la gaaro qof-iyo-cod si laaluush ku soo bixiddu meesha uga baxdo. Gaba-gabo Gaba-gabadi waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inaysan nagu soo celin Cabdiwali Gaas iyadoo ay jiraan murashixiin kale oo aad uga waddanisan, uga daacadsan, uga turid badan Soomaaliya, kanana ammaano wanaagsan is ilaalin wanaagsan. Haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto sii jiritaanka Puntland shaki wayn baa ku jira waayo dhinac dhulkeedii waxaa ku soo fiday oo xoog ku qabsaday Somaliland, dhanka kalena bur-bur dhaqaale, isku dhac beeleed, iyo musq-maasuq baa ku habsaday Puntland. Waxaan leenahay u hiiliya carruurtiina iyo carruuraha ay dhali doonaan. Allaha wayn waxaan waydiisanaynaa inuu Puntland madaxwayne uga dhigo kii danta dalka iyo dadka ku jirto. W/Q: Axmed Bashir Email: bashir1631@gmail.com Twitter: @bashir1631 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
2019 forecast: Somalia – small improvements, big challenges
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia has a significant year ahead, with subnational elections looming and security and economic woes likely to continue. President of the Puntland region Abdiweli Mohamed Ali Gaas recently announced that he would seek reelection when voters go to polls on January 8. Many note his failures to fulfill his 2014 election promises and reports have surfaced accusing him of attempting to fix elections by sending presidential employees to constituencies and pressuring or blocking elders’ choice of representatives. The ongoing border disputes with neighboring de facto state Somaliland hit new heightsof violence in 2018, with twenty clashes reported since January. Both sides claim sovereignty over disputed regions and efforts at mediation between leaders petered outover the past year. Given the apparent reluctance on both sides to address this issue, as well as parliamentary elections in Somaliland in April, it is unlikely that 2019 will see the end of this conflict. Entrenched insurgencies by the likes of Al-Shabaab and Islamic State in Somalia will continue to spread instability. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has had limited success in reducing the presence of the terrorist organisations, particularly Al-Shabaab, which maintains its southern stronghold of Jilib and holds more territory than any point since 2010. AMISOM’s recently unveiled Concept of Operations offensivefor 2019 will be a decisive test in Somalia’s battle with its protracted insurgency and its results will lay bare AMISOM’s logistical proficiency, which has been dogged by criticisms. Mogadishu, a terminus for those fleeing the countryside, is buckling from the strain of housing the internally displaced. Malnutrition arising from a lack of food, water, shelter, and sanitation is major concern for those contemplating the city’s future. Unaddressedcorruption riddles Somalia’s public institutions, with bribes, business based on patronage, and tight monopolies appearing set to continue undermining Somalia’s economy and nurturing discontent in 2019. Source: Foreignbrief.com -
Doha: Qatar Charity (QC) joined the Somalia NGO Consortium and took part in the recent meeting of the consortium held in Mogadishu. The Consortium has currently 98 local and international humanitarian organisations as members. The event was attended by Somali Minister of Humanitarian Affairs and Disaster Management, Hamza Saeed Hamza, and the Somali Minister of Labour and Social Affairs, Saleh Ahmed Jameh. Peter de Clercq, UN Humanitarian Coordinator for Somalia, and many directors of the offices of global humanitarian agencies also attended the meeting. QC’s joining the consortium came as part of its strategic orientation to enhance its presence within the international humanitarian system and emphasize its keenness to coordinate international assistance efforts around the world in cooperation with NGOs Established in 1999. It is an effective network of non-governmental organisations, which works together to improve the coordination of international assistance. The consortium runs its local affairs in Somalia through its offices in Hargeisa, Garowe, Mogadishu and Nairobi. The consortium also works closely with the International NGO Safety Organization (INSO), as well as it is a member of important international organisations including the International Council of Voluntary Agencies (ICVA), a network of non-governmental organisations, which was founded in Geneva in 1962. Qatar Charity’s joining the Somalia NGO Consortium will provide opportunities for it to join other humanitarian alliances and to collaborate with major international organisations. This kind of coordination platform provides a more secure framework in terms of laws and operations and enhances Qatar Charity’s image within the humanitarian system. Abdul Fattah Al Moallem, programme director at QC’s office in Somalia, has participated in the recent meeting of the consortium, which was an opportunity to review the achievements of the consortium during 2018. Qatar Charity is expected to present a summary of reports on its achievements and experiences at future periodic meetings. QC’s office in Somalia participates in a number of coordination meetings of humanitarian organisations in Somalia, such as the monthly meetings of the Organization of Islamic Cooperation (OIC), coordination meetings of the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA), and coordination meetings organised by Somali government agencies. Qatar Charity started its work in the Republic of Somalia in 1991, in cooperation with local partners. QC’s field office was officially registered in 2007. In November 2010, the office was inaugurated to fully supervise all activities, programmes and projects implemented by Qatar Charity in Somalia. By the end of 2017, the number of beneficiaries of its projects reached 3.8 million persons. Qatar Charity joined Start Network in February 2016 as observers, and in November 2017, it was granted full membership by the Start Network Board of Directors on the basis that all membership conditions are met. The Start Network is made up of 42 aid agencies across five continents, ranging from large international organisations to national NGOs. It provides quick and effective assistance to those affected by humanitarian crisis. Source: The Peninsula
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-30122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si lama filaan ah caawa uga baxay xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee uu hogaamiyo madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu xildhibaanka ku yiri “Waxaan Maanta oo ay Taariikhdu tahay 30/12/2018 halkaan ku cadaynayaa in aan ka tanaasulay Xubinimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD)” Xildhibaanka ayaa sheegay inuu xisbiga uga baxay sababo isaga u gaar ah oo uusan shaaca ka qaadin waxa ay yihiin. “Waxaan u mahad celinayaa dhamaan Madaxda, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga oo aan si wanaagsan usoo wada shaqaynay ahna Saaxiibo igu qaali ah. Waxaana u rajaynayaa Xisbiga Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar Wacan” ayuu yiri xildhibaanka. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ah xildhibaanada ugu saamaynta badan baarlamanka Soomaaliya, waxaana ka bixitaankiisa xisbiga ay dhaawac xooggan ku tahay xisbigan, inkasta oo xubno kale oo saameyn leh ay weli ku jiraan. Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hore wasiiru dowlaha maaliyadda uga soo noqday dowladdii Xasan Sheekh ayaa dhowaan laga saaray guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya oo uu ahaa xoghayaha guddiga, kadib markii ay soo saareen warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre. Waa mid ka mid ah xildhibaanada sida adag uga soo horjeeda xukuumadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maanta ayuu si rasmi ah xaflad ka dhacday Garowe ugu shaaciyey Dr. Cali Ciise Cabdi in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweyne ee Puntland. Toddobaad kahor uun ayey soo shaac baxday hanka Dr. Cali Ciise, waxa ayna noqotay lama filaan halka ay walbahaar ku abuurtay musharixiinta 30 kor u dhaafaya ee loolanka markii hore ka dhexeeyey. Sida xogta lagu helayo, guriga uu Dr. Cali Ciise ka dagay Garowe waa mid saxmad iyo mashquul badan iyada oo ay bulshada reer Puntand dhammaan isla qireen in uu yahay shaqsiga maanta ugu habboon ee hore u sii wadi kara maamulka 21 sano jirsaday. Walow aan la saadaalin karin in Dr.Cali Ciise sanadkan ku guuleysan doono xilka Madaxweyne ee Puntland, waxaa hubaal ah in laga dhaxli doono laba qodob natiijada ka soo baxda hoolka doorasha maalinta ay taariikhdu ku suntan tahay 8-da Janaayo 2019. Haddii uu guuleysto, waxay guusha Dr. Cali Ciise Cabdi noqon doontaa waayo cusub oo u beryey Puntland, xiisaha ggaarka ah ee uu leeyahay waa mid is weydiin mudan? Ma musharixii ugu horreeyey oo xilkaas u tartama oo a soo jeeda Dhulbahantaa? Ma markii ugu horreeysaybaa in Sool clan hoggaamiyo Puntland? Jawaabaha su’aalahaas waa MAYA! Maanta oo la joogo Sool clan waxaa xilkaas ugu tartamaya saddex oo uu Dr. Cali Ciise ku jiro, su’aasha labaad – Sool clan hore Puntland xilka Madaxweyne waa uga soo qabteen – Maxamed Cabdi Xaashi ayaa muddo dhawr bilood ah xilkaas hayey xilli looga adkaaday doorashadii xigtay tiro ka yar 6 cod. Taas marka la fahmo, aan u daadago labadii qodob ee aan sheegay ee laga dhaxali doono waxa hoolka doorashada ka dhaca – Qodobka Kowaad Ka soo qaad, guusha waxa ay maalintaas raacday Dr. Cali Ciise Cabdi – waa madaxweynihii shanaad ee Puntland, maxaa xiga? Waxaa xigi doono in ay si toos ah laba shey oo hadda laga xishoodo dib u soo shaac baxayaan; Hartism iyo Puntland la wada leeyahay. Puntland waa maamul ku dhisan HARTIS ama beelaha Harti ee kooban qaabilo dhawr ah oo laga xusi karo; Majeerteen (Maxamed Harti), Sool clan (Siciid Harti), East Sanaag Clan (Maxamuud Harti) iyo Dishiishe (Axmed Harti). Hartism waxa ay meesha ka baxday 2007 wixii ka dambeeyey xilligaas oo ay Somaliland la wareegtay gacan ku haynta gobolka Sool iyo qeybo ka mid ah Sanaag. Isku dayo badan ayaa la sameeyey oo dib loogu xorreenayo Sool base waxa ay ka suuragali weysay madaxdii Majeerteen gaar ahaan Maxamuud Saleebaan ee hoggaanka isu bed bedelayey. Waxaa ka dhashay in meesha gebi’ahaanba ay meesha ka baxdo HARTISM-kii oo ay Sool clan u qaataan siyaasadda Majeerteen mid ku daneysi aan dhaafsiisneyn maadama in xilka Madaxweyne ay banneeyaan rabin, dhulkii maqnaana noqdo sheeko xariiro lala soo shirtago maalmaha ol’oleyaasha doorasho! Waxaa Iyana quustay oo la waayey sheekadii ahayd Puntland la wada leeyey. Caadiyan Puntland waxaa wada dhistay beelaha Harti ee aan meesha ku xusay iyo qyebo ka mid ah Daarood Weyne sida Leelkase, Awrtable iyo Jambeel. Xukunkii oo soo dhaafi waayey Maxamuud Saleebaan oo ah jifi ka mid ah Majeerteen waxa ay keentay iska daa Puntland ay wada leeyihiin beelaha kor ku xusan ee wada dhistay, xataa waxaa isku nacay Majeerteen dhexdiisa. Haddii Cali Ciise soo boxo, waxaa dib u istaagi doona labaddii tiir ee lagu aslay Puntland markii 1998 dhidhibada loo aasay –HARTISM iyo Puntland la wada leeyahay. Qodobka Labaad Sool clan oo midooba, taas waxa ay Iyana u gogol xaari doontaa gobolka Sool oo si sahlan oo aan dagaalba ka dhicin dib ula midooba Puntland inteeda kale. Gobolka Sool oo ah xuduntii Sool clan aadna ahmiyad ugu leh Puntand ilaa iyo 2007 waxaa gacanta ku haya Maleeshiyo beeleed ka gadooday siyaasadda HAGBADDA ah ee Puntland iyo Somaliland oo gacan saar la leh. Haddii Dr. Cali Ciise oo ah maanta shaqsiga ugu sumcadda badan beesha Sool clan noqdo Madaxweynaha Puntland waxa ay soo de dejin doonta midowga reer SSC iyo Laascaanood oo dib loo xorreeyo. W/Q: Xuseen Muuse Guuleed Nairobi, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uusoo saaray kaga hadlay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle. Ugu horeyntii, waxa uu ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) oo maanta ugu geeriyooday Magaaladda Muqdisho xanuun dhinaca Wadnaha ah. Sidda laga soo xigtay qoraalka, Gudoomiye Mursal ayaa Alle uga baryay inuu siiyo naxriistiisa, ehelkiisa, golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo. “Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun Anigoo ku hadlaya magaceyga, kan Guddoonka Golaha Shacabka iyo kan Guud ahaan Xildhibaanada waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelka, xildhibaanka uu ka geeriyooday,Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Allaha ha u naxriisto ,Kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo Xildhibaanka waxa uu ahaa qof wadani ah oo jecel horumarka dowladnimada Dalka,waxa uu ahaa shaqsiyadiisa qof af gaaban oo Mar walba cibaadada Alle ku dadaala,naxriis badan Alle ka cabsigana dadka ku waaniya Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo Anagana gadaashiisa nama fidneeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka ,sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya. The post Gudoomiye Mursal oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Ruush appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo maanta yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay sannadka 2018, ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dalka. Kulanka golaha oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaarha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray isla xisaabtanka iyo qiimaaynta waxyabahii sannadka dhammaadka ah u qabsoomay afarta tubood ee ay ku salaysan tahay shaqo maalmeedka Dowladda Soomaaliya. “Waxa aan maanta fursad u helaynaa in aan is qiimayno xukuumad ahaan ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis ahaan. Isla xisaabtankaan waxa uu naga caawi doonaa in wixii naga hallaabay aan hagaajinno sannadka soo socda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.. Barnaamijka xukuumadda ee horraantii 2017 ay ansixiyeen golaha shacabka ayaa loo qaybiyay afar tubood oo kala ah siyaasadda loo dhanyahay, arrimaha bulshada, horumarinta dhaqalaha iyo amniga iyo cadaalladda kuwaas oo yeesha shirar joogta ah oo ku salaysan isla xisaabtan ku dhisan hufnaan iyo daah-furnaan. The post Gollaha Wasiirada XFS oo ansixiyay sharci muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News