Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Israeli security forces recently arrested a resident of the country’s north on suspicion of preparing to join ISIS in Somalia, the Israel Police revealed on Monday. Source: Hiiraan Online
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Duqa magaalada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa soo saaray amar ka dhan ah Itoobiyaanka ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Duqa ayaa wuxuu ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe inay si deg-deg ah uga baxaan magaalada, haddii kale loo adeegsan doono awood dowladeed. “Waxaa la jooga waqtigii magaalada Garoowe laga saari lahaa Itoobiya sharci darrada ku jooga,” ayuu yiri Duqa Garoowe oo ku hanjabay in ciddii aan amarkan u hoggaansamin ay magaalada ka saari doonaan iyagoo xir-xiran. Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “In badan waxaan ku dadaalnay in dadkaas la soo dhoweeyo, laakiin hadda waqtigeedii bey gaartay. Waxaan rabnaa inaan dadkaas u sheegno, cidda aan sharciga ku haysan magaalada inay isaga baxaay.” Go’aankan ayaa imanaya xilli ay Itoobiyaanka si aad ah ugu soo qul-qulayaab magaalada Garoowe, islamarkaana laga muujiyay cabasho xooggan, maadaama ay magaalada soo buux dhaafiyeen, walaacna laga muujiyay hab dhaqankooda. Itoobiyaanka ayaa sidoo la sheega inay la wareegeen shaqooyinkii ay ku tiirsanaayeen dadka muwaadiniinta ah qaarkood, kuwaasi oo si gaar ah ugu sii tiirsanaayeen qoysaska danyarta ah, oo ay kamid tahay caseeyaha ama baalashka. Ma ahan markii ugu horreysay ee magaalo ka tirsan maamulka Puntland laga saaro dadka Itoobiyaanka, ayada oo la xasuusto inuu horey maamulka degmada Gaalkacyo uga mamnuucay magaaladaasi. The post PUNTLAND oo amar deg-deg ah dul dhigtay Itoobiyaanka ku sugan Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  3. Inta lagu jiro maalmaha farxadda iyo rayn raynta leh ee ciidda kasokow damaashaadka, dabbaaldegga iyo dalxiiska waxaa jirta suugaan laysku madadaaliyo dharaarahaas, oo inta badan bulshadu ay dhageystaan. Waxaa kamid ah heesta ay mireheedu ku sar go’aan “Alla maanta ayaanta iyo ciidda wanaagsan, illaahii ina siiyay asagaa ku abaal leh”, oo uu qaadi jirey hoobalkii codka dahabiga ah lahaa ee maxamed suleymaan tubeec rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee. Fannaanad weyn ee Maryann mursal ciise ayaa ayana luuqdeeda naaxiyadda ku miisan ee layaabka leh ku qaaday heesta caanka ah ee ay dhextaalka u tahay “waa ciide ciida haloo cayaaro maanta. “Maanta cadar iyo aanu maaweel isku marinnoo mushmushaaxnee maalintaa weyn yaan la moogaan” ayaa kooro ama sargo’ u ah heestan kale ee quluudda leh, islamarkaana uu qaaday hoobolkii Xasan Diiriye Faarax Allaha u naxariistee. Boqoraddii codka xaliimo khaliif magool iyo hoobalkii maxamed Yuusuf rabbi ha u wada naxariistee ayaa jeer si wadajir ah qaaday heestan ka billaabmaysa “ku wada ciida caafimaad san”. “Damaashaadka daawada ciidda u dabaaldegga” waa erayadii Allaha u naxariistee Abwaankii sida dayaxa ugu dhex muuqday bahda fanka Soomaaliyeed Abwaan Xasan Sheekh Muumin, waxaana qaaday fannaanadii codka dareen taabadka ah lahayd ee khadiijo maxamed qalanjo. Allaha u naxariistee Hoobaalkii codka baxsanaa ee Axmed naaji Sacad ayaa asna qaaday heesta ay dadka suugaanta daneeyaahi aad u jecelyihiin ee “waa ciida ciida umdaha islaamkow samaan Ku ciida”. Si kastaba ha ahaatee xilliyada ciidaha waxay Soomaalidu caan ku yihiin hadiyadaha iyo is booqashooyinka qoysaska xigtada ah, balse suugaanta qudheedu waxay kaalin ku leedahay qarxinta jawiga farxadda leh. Source: goobjoog.com
  4. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray golihii wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa inuu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel. Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xiriira niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israel u maareeyay dagaalka. Talaabada uu maanta qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu u maareeyay dagaalka. Maqnaanshaha Gantz ayaa ka dhigtay Netanyahu inuu ku tiirsanaado xulafadiisa xagjirka ah, siu u xukunka usii wado, waxaana kala dirida Golaha Wasiirada ee dagaalka ay hoosta ka xariiqaysaa in isbedel uu socdo iyadoo Israel ay sii wado dagaalka sideedda bilood ka badan socda ee Gaza. Saraakiishan, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira in aan loo ogolayn in ay warbaahinta kala hadlaan isbadalka dhacay, ayaa sheegay in hadda kadib Netanyahu uu madal kooban oo ka mid ah xubnaha dowladdiisa kala hadli doono arrimaha xasaasiga ah ee ku hareereysan dagaalka Gaza. Waxaa kuwaas ka mid ah golaha amniga, halkaasi oo xulufadiisa midigta fog ee ka soo horjeeda heshiis xabad-joojoin, islamarkaana taageersan in dib loo qabsado Gaza, ay xubno ka yihiin. Golaha Wasiirada ee dagaalka ayaa la dhisay maalmo kadib bilowgii dagaalka Gaza, markii Gantz oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee siyaasadda dhexe uu ku biiray xulufada, si loo muujiyo midnimo kadib weerarkii ay Xamas ku qaaday Israel 7-dii October. Gantz ayaa dalbaday gole kooban oo yar in ay hagaan dagaalka, isaga oo isku dayaya inuu dhinac u riixo xubnaha midigta-fog ee dowladda Netanyahu. Waxa ay ka koobnaayeen saddex xubnood oo kala ah Gantz, Netanyahu iyo wasiirka difaaa Yoav Gallant, waxayna si wadajir ah u qaadan jireen go’aanada intii uu socdal dagaalka. Is-casilaadda Gantz, ayaa in kasta oo aysan halis ah toos ah ku hayn xukunka Netanyahu, waxay haddana ruxday siyaasadda Israel xilli xasaasi ah. Madaxii hore ee militariga Israel ayaa loo arkay mas’uul xoojiyey muuqaalka Israel ee saaxiibada caalamka, xilli Israel ay ku jirto xilligeedii loogu go’doominta badnaa. Dowladda Netanyahu ayaa ah tii ugu diin ay garab midigsaneyd abid. Hanaanka baarlamanka Israel ee kala qeybsanaanta badan, ayaa Netanyahu ku qasbay in uu caawimaad ka raadiyo xisbiyada yar yar ee midigta. Islamarkaana ayada oo aysan jirin taageerada xisbiga Gantz, Netanyahu ayaa waxaa qasab ku noqon kara in uu usii durqo dhanka xulufadiisa midigta, kuwaas oo marar badan ballan-qaaday inay ridi doonaan dowladda haddii aan la fulin dalabyadooda. Dadka dhaliila ayaa sheegaya in go’aanada Netanyahu ee dagaalka ay si weyn u saameeyeen xagjiriinta ku jira dowladdiisa. Netayahu ayaa beeniyey eedeymahaas, wuxuuna sheegay inuu maanka ku hayo waxa ugu wanaagsan dalka. VOA The post Netanyahu oo maanta qaaday tallaabo muujineysa sida uu Israel xaalka ugu xun yahay appeared first on Caasimada Online.
  5. Waxa sadexdii cisho ee ugu danbeeyay bariga Hargeisa ka socday dhaq dhaqaaq ay wadaan xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisu taas oo ay doonayeen in ay ugu jawaabaan xafladdii ay beesha Cabdalle Isaxaaq ay ku taageertay xisbiga Waddani 13kii bishaani kulankaasi oo ka dhacay Hotel Kaah ee bariga Hargeisa waxa uu ahaa mid xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye u diiday joog iyo jiif. Hadaba sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaalahi waxa ay sheegayaan in xubnaha beesha Cabdalle Isaxaaq kaga jira xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ay wadaan abaabul ay u waayeen dad baaxadleh oo u dhigma kuwii u soo baxay xisbiga Waddani taas beselkeedana waxa ay wadaan dad ay soo kiraystaan oo aan u dhalan beesha Cabdalle Isaxaaq, waxana ay wararku intaas ku darayaan in ay soo kiraysan doonaan dadka masaakiinta ah ee ku nool xaafadaha barokaca iyo dadka Oromadda ah ee ku noolnmagaalada oo ay dilaaliini u soo guraysoniyaga oo loo soo dhiibi doono boodhadh iyo calanka xisbiga Kulmiye. Waxana laga codsday in ay sacabka xoojiyaan markasta oo ay hadlaan qaban qaabiuayaash shirku iyo madaxda lagu casuumi doono. Xisbiga Kulmiye gaar ahaan kuwa xafladani wata ayaa qiray in xisbiga Waddani uu la wareegay dhamaan dhalinyaradii deegaankooda isla markaasina ay doonayaanin ay xooga saaraan dadka waaweyn iyo odayaasha sidaasi a ay ku arinsadeen. Beesha Cabdalle Isaxaaq ayaa todobaadkani xisbiga Waddani u samaysay xafladii u balaadhnayd ee abid xisbigaasi loogu sameeyo bariga Hargeysa iyada oo dad 6kun oo qof ahi ay isugu soo baxeen xafladii Axadii ina dhaaftay loo qabtay xisbiga Waddani oo ay ka soo qayb galeen madaxda xisbigaasi oo ay hor kacayeen musharaxa iyo gudoomiyaha xisbigaasi Hoos ka daawo xafladii Waddani markii uu musharax Cirro goobta soo galay wixii dhacay https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448410711_1660777791419910_6434890587693456059_n.mp4 Qaran News
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah, kaas oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Howl-galka oo lagu beegsaday Al-Shabaab ayaa waxay dowladda shaacisay in lagu dilay ku dhowaad 30 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda, wuxuuna ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud. Howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan. Xilliga la weeraray Al-Shabaab waxa ay qalanayeen Geel ay ugu talagaleen ciida Carafo, balse waxaa mar qura duqeyn la helay diyaaradaha dagaalka ee hawada ka taageera ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. “Markii la weeraray Khawaarijta waxay qalanayeen Geel ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo lagu faah-faahiyay howl-galkan. Xubnaha lala beegsaday howl-galka ayey dowladda sheegtay in si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ee lagu bartilmaameedsaday, kadibna ay ciidanka dowladda ogaadeen dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadkan, sidaasna lagu duqeeyay. “Meydadkii Khawaarijta ayaa maanta daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dowladda. Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa xilligan ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana hawada ka taageera diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah. The post Xogta howl-gal culus oo Al-Shabaab looga burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan appeared first on Caasimada Online.
  7. Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen shakhsi ku eedaysan in uu kamid ah burcad-badeedii af-duubtay markabkii MV Abdalla. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Suufi Rasaas oo loo haysto falkaasi burcadnimada ah. “Ciidanka booliska G.Nugaal ayaa gacanta ku dhigay mid kamida afduubayaashii markabkii MV room iyo markabkii MV abdalla”. “Maxamed Suufi rasaas oo kamida burcad badeedii Markabkii MV Abdalla,kana mid ahaa ragii lacagta madaxfurashada ka qaatay ayaa ciidanka booliska G.Nugaal ku guulaysteen iney gacanta ku dhigaan” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. “Ciidanka booliska G.Nugaal oo lasocday xogta maxamed suufi rasaas ayaa ku qabtay magalada Garawe halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayey saacadihii lasoodhaafay”. ” Waxa uuna kamid ahaa afduumashaayshii markabkii MV room isaga oo markii Danbe usowareegay markabkii MV abdalle oo uu kamid ahaa burcadii lagacta madax furashada ka qaadatay markabkaas” ayuu sii raaciyay qoraalka. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay qabatay mid kamid ah burcad-badeeddii af-duubay markabkii MV Abdalla appeared first on Puntland Post.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray Golihii Wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa in uu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel. Talaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xiriira niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israel u maareeyay dagaalka. Talaabada uu qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu u maareeyay dagaalka. Maqnaanshaha Gantz ayaa ka dhigtay Netanyahu inuu ku tiirsanaado xulafadiisa xagjirka ah, siu u xukunka usii wado, waxaana kala dirida Golaha Wasiirada ee dagaalka ay hoosta ka xariiqaysaa in isbedel uu socdo iyadoo Israel ay sii wado dagaalka sideedda bilood ka badan socda ee Gaza. Saraakiishan, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira in aan loo ogolayn in ay warbaahinta kala hadlaan isbadalka dhacay, ayaa sheegay in hadda kadib Netanyahu uu madal kooban oo ka mid ah xubnaha dowladdiisa kala hadli doono arrimaha xasaasiga ah ee ku hareereysan dagaalka Gaza. PUNTLAND POST The post Benjamin Netanyahu oo kala diray Golihii Wasiirada dagaalka ee Israel appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, sidoo kalena guddoomiyaha ururka Hilaac ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland, isaga oo dhaliil xoogan hoggaanka maamulkaasi. Samatar oo hadalkan ka sheegay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in laga gaabiyay ictiraafka Somaliland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la sameyn dadaalkii loo baahnaa, maddo hadda laga joogo 33 sano. Sababta waxa uu ku sheegay in aysan jirin doodo cilmiyaysan oo qoran oo la diyaariyay si adduunka loogu qanciyo wax ay tahay Somaliland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciyaar ciyaar uun ay ahaayeen wixii lasoo qabtay 33 sano ee lasoo dhaafay, isaga oo caddeeyay in qaddiyada Somaliland aan la gayn fagaaarihii caalamka ee loo baahnaa. “Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma jiro, sabab? Waayo maynaan kasban dee, hawsheedii maynaan galin, waa ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33kii sannadood, car soo sheeg meel Somaliland qadiyadeedu ku qorantahay oo ay cilmiyaysan tahay, waxaynu nahay” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.Prof. Samatar ayaa horay u sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo doodo cilmiyaysan oo ka turjumaysa rabitaanka Somaliland, si loogu qanciyo adduunka Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Somaliland muddooyinkii u dambeeyay ay dadaal gelineysay arrinta ictiraafka, waxaana aqoonsi ay hesho darteed ay heshiis badeed la gashay dowladda Itooboya. Heshiiska kadib Itoobiya ayaa sheegtay inay aqoonsaneyso Somaliland, sida uu shaaciyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter). “Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya. The post Prof Samatar: Aqoonsi usoo socda Somaliland ma jiro hal sabab darteed appeared first on Caasimada Online.
  10. Dowladaha Sweden iyo Iran ayaa sameeyay maxaabiis is dhaafsi, sida ay sheegeen saraakiishu, iyadoo Sweden ay sii deysay sarkaal hore oo Iran u dhashay oo lagu helay inuu ku lug lahaa dil wadareed sannadihii 1980-meeyadii halka Iran ay sii deysay laba Swedish ah oo halkaas ku xidhnaa. Isdhaafsiga maxaabiista ayaa waxaa dhexdhexaadineysay dowladda Cumaan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. “Dadaallada Cumaan ayaa keenay in labada dhinac ay ku heshiiyaan sii deynta wadajirka ah, maadaama kuwa la sii daayay laga soo kala wareejiyay Tehran iyo Stockholm,” ayaa lagu yidhi. Dalka Sweden ayaa sii daayay mas’uul hore oo u dhashay dalka Iran Hamid Noury, kaas oo lagu helay dambi ah inuu qayb ka ahaa dil wadareed oo lagu fuliyay maxaabiista siyaasadda ee Iran sannadkii 1988. Wakaalada wararka ee Iran ayaa baahisay muuqaalka Noury ​​oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Mehrabad ee Tehran halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qoyskiisa roog cas. Dhinaca kale, Muwaadiniinta Swedishka ah ee Johan Floderus iyo Saeed Azizi, oo ku xirnaa Iran, ayaa la sii daayay, waxaana dib loogu celiyay Sweden oo ay soo gaadheen galinkii dambe ee Sabtidii. Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in labadan qof ay xaaladdoodu wanaagsan tahay marka loo eego duruufaha jira ayna dib ula midoobeen qoysaskooda. “Iran waxay labadoodaba u adeegsatay ciyaar gorgortan foolxun oo ay ujeedadu ahayd in muwaadin Iranian ah oo lagu magacaabo Hamid Noury ​​laga sii daayo xabsiga Sweden. Waxa lagu helay danbiyo halis ah oo uu ka galay Iran 1980-meeyadii” ayuu Kristersson ku yidhi hadal uu soo saaray. “Ra’iisul wasaare ahaan waxaa mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay badqabka muwaadiniinta Sweden, sidaas darteed dowladdu si weyn ayay uga shaqeysay arrintan, iyadoo la kaashanaysa laamaha ammaanka ee Sweden oo wada hadal la yeeshay Iran.” Source
  11. Warbixin uu qoray Brian Bloom oo lagu daabacay wargeyska ka soo baxa Israel ee “The Jerusalem Post” ayaa cinwanaan looga dhigay “Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga”. Qoraalka waxaa uu ku bilowday guul buuxda oo Israel ka gaadho Gaza waa wax aan sahal lagu gaadhi karin Qoraaga waxa uu sheegay Israel waa in ay sameysaa wax ay “Wajiga ku ilaalsan karto”. Dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee socday 8-da bilood laga soo bilaabo Oktoobar 7, waxaa la dhihi karaa Israel kuma guuleysan maadama guutooyinka Xamaas ah ay weli dhulka joogaan, ayna awood u leeyihiin in ay Tel Aviv duqeeyaan iyo sidoo kale in dadka la haysto ay ku jiraan xaalad bani’aadannimada ka baxsan. Ra’yi ururin uu sameeyay Machadka Dimuqraadiyadda Israel ka hor howlgalkii sideedii June ee Nuseirat, waxay muujineysaa in 34 boqolkiiba dadkii ka qeybqaatay ay rajo fiican ka qabaan mustaqbalka ammaanka qaranka Bishii May, 38 boqolkiiba dadweynaha Israel waxay sheegeen in ay kalsooni weyn u qabaan suurgalnimada in ay guuleystaan halka tiro badan oo 41 boqolkiiba ay sheegeen in ay kalsooni yar ku qabanaan in Israel guuleysaneyso. Qoraaga waxa uu isweydiiyay isbeddelka hadii aan la guuleysan ama hadii dadweynaha kalsoonidooda lumiyaan. Bloom waxa uu aaminsan yahay in si weyn looga fakaro arrinta. Waxa uu sheegay in jawaabta ay hortaalo Sacuudiga iyo Imaaraatka. Qoraaga waxa uu sheegay in Sacuudiga uu si weyn u doonayo in uu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay Israel taasna waxaa daliil u ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo soo bandhigay xabad joojin saddex heer ah iyo siideynta la haystayaasha iyadoo la eeegayo rabitaanka Netanyahu ee ah in aanu ogolaan maamul Falastiin oo halkaa jooga. Sacuudiga iyo Imaaraatka way sameyn karaan qorshahaas. Sacuudiga waxyaabo waa weyn ayuu ka doonayaa Israel oo ay ku jiraan jid laysku haleyn karo oo lagu dhiso dowladda Falastiin ah taas ah oo wax ay Israeliyiin badan iyo maamulka hadda jira ay ka horjeedaan. Hadii Israa’iil ay ku guuleysan weyso dagaalka ay kula jirto Xamaas waa in hab kale la maraa. Qoraaga waxa uu rumeysan yahay hadii Netanyahu uu caadi ka dhigo xiriirka Sacuudiga waxay taasi bedelysaa gobolka oo dhan. Israel waxay gobolka ka helysaa boos ay isbahaysi kula noqoto Carabta Sunniyiinta ee ka horjeeda Iran iyo xulufadeeda. Sidoo kale waxay taasi hogaajineysaa wajiga xumaaday ee Netanyahu. Dhabtii taasi ma dhawa, isbahaysigiisa ma sii jirayo. Marka la gaaro heshiis in badan waxay noqon doonaan howlgab, waana wax aysan marna qiyaasin Carabtii hore. Qoraaga waxa uu qabaa hadii heshiis lala galo Sacuudiga oo dagaalka Gaza la soo afjaro in taasi ay fududeynso culeyska Maxkamadda dambiyada Caalamiga ee ku hayaan Israel iyo hoggaamiyayaasheeda. Dagaalka labada dhinac ee Netanyahu Qoraal uu ku qoray Peter Beaumont wargeyska ka soo baxa UK “The Guardian” ayaa cinwaan uga dhigay “Netanyahu labo dagaal ayuu ku jiraa” mana muuqata in midkoodna uu dhamaanayo. Qoraaga waxa uu muujiyay in dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas iyo kan Xisbullah ee Lubanaan ay yihiin dagaallo iska soconayo oo aan la ogeyn xilliga ay dhammaanayaan. Israel labo dhinac ayey dagaal ugu jirtaa. Si kasta oo ay ugu adeegsato awood iyo hub culus Gaza, hadana in la gaaro guul weyn ma cadda, waana khiyaali. Aragtida hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar ee ah waxyeelada rayidka Gaza in ay tahay huris lagama maarmaan ah waa mid ay Xamaas u aragto horumarka dagaalka si ka duwan Israa’iil. Qoraaga waa sheegay in hoggaanka siyaasadeed iyo kan militeri ee Israel ay sanado aaminsanaayeen in ay awood u leeyihiin xakameynta dagaalka Xamas ama kan Xisbullah ee Waqooyiga. Waxay iska indho-tireen qodobka siyaasadeed ee hurin kara dagaalka. Falastiin waxay dooneysa dal iyo aayo-katalin Xamaas iyo Xisbuulah waxay doonayaan qorshe fog. Xamaas waxay u aragta in aysan jid kale haysan oo aan ka aheyn in ay dagaalka sii wadaan. Qoraaga waxa uu rumeysan yahay in arintu aheyn oo kaliya dagaalka Gaza. Dagaalka Xisbullah ayaa qeyb ka ah colaadda. Fakarka Israel ee ah in dagaalka ay xakameyn karto ayaa la fahmay. Xadka Lubnaan dagaalka ka socda waxa uu noqday mid weyn. Waxyaabaha laga tagay ee dhibaatada keenaya Wargeyska ka soo baxa Lubanaan ee ““Asharq Al-Awsat” maqaal uu ku qoray Maxamed Al-rumayhi kaas oo cinwana uu uga dhigay “Faraqa u dhexeysa carrada iyo fakarka” ayuu kaga hadlay go’aanka Golaha Ammaanka ee ah in dagaalka la joojiyo. Jidka waa dheeryahay maadama aan waxyaabo badan xisaabta lagu darin. Qoraaga waa uu aaminsan yahay in labada dhinaca Israel iyo Falastiin ay haystaan midba rayi’ u gaar ah. Falastiin waxay u aragtaa dhulkooda oo laga qaatay halka Israel-na ay aaminsan yihiin in ay iyaga leeyihiin. Dhibatada waxay bilaabatay marka labada dhinac loo sheegay in ay hal dhul ku heshiiyaan. Labo dal ama hal dal ay wada leeyihiin. Qoraaga waxa uu aaminsan yahay Gaza oo dib loo qabsado in ay tahay in lagu soo laabtay halkii hore loo joogay. Xamaas oo maamulka Gaza ku soo laabatana waxay ka la mid tahay in halkii hore lagu soo laabtay. Bulshada caalamka labada dhinac waxay ugu baaqeen xalka Labo dal ah. Taasi waxay u baahan tahay in si wadajir ah loo aqoonsado dowladda Falastiin. Xamas waxay furtay albaab taariikhi ah. Qoraaga waxa uu ku soo afjaray maqaalkiisa isagoo tilmaamay in bulshada caalamka aysan fulin halku-dhigyadooda xamaasadeysan maadama uu Mareykanku yahay awoodda ugu firfircoon. In kuwa qaar la aflagaadeeyana ma soo dedejineyso calka Isha: BBC Source
  12. Raysal wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa Isniinta maanta ah ay booqasho uga billaabatay dalka Australia, booqashadaas oo noqotay tii ugu horreysay oo uu ra’isul wasaare Shiinees ah ku tago Australia muddo 7 sanno ah. Li Qiang wuxuu isla maanta la kulmay ra’isulwasaaraha Ausrtalia Anthony Albanese, iyaga oo wada hadlay xidhiidhka ganacsi, ammaanka gobolka iyo qoraa u dhashay Australia oo ku xidhan Shiinaha. Li, oo ah shakhsiga labaad ee ugu sarreeya Shiinaha marka laga yimaado madaxweyne Xi Jinping, ayaa booqashadiisa Australia loo arkaa mid calaamad u ah xasilinta xidhiidhka labada dhinac, kaddib mad-madow dib-lamaasiyadeed oo labada dhinac soo kala dhex galay, kaas oo ku qotomay xannibaad ay Beijing saartay badeecad lagu qiyaasay ilaa $20 bilyan oo dollar oo ay Australia u dirto Shiinaha iyo sidoo kale khilaaf ku saleysnaa arrimaha difaaca. Ra’isul wasaaraha Australia ayaa wariyaasha u sheegay in ay “ay soo dhaweynayaan xasilinta iyo horumarinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee sii socda. Wadahadalkan ayuu ku sheegay mid u ogolaaday inay dhinacyada dhisaan wacyigelin qoto dheer oo ku saabsan danahooda,” Source
  13. Badmaaxiin ayaa ayaa si xun ugu dhaawacmay ka dib markii markabka xamuul oo marayey gacanka Cadmeed ay xuutiyiinta Yemen ku dhufteen laba gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise, sida ay sheegeen militariga Maraykanka. Badmaaxiinta dhaawaca ah ayaa loo duuliyay markab kale si loogu dabiibo, sida ay sheegeen Taliska Dhexe ee Mareykanka (CentCom). Waxa ay intaa ku dareen in shaqaalaha markabka ay la halgamayeen dab ka kacay markabka MV Verbena – markab uu ka babanaayey calanka Palauan, lagana lahaa dalka Ukraine, oo laga maamulo dalka Poland. Taliska Dhexe ee Mareykanka (CentCom) ayaa markii dambe sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay burburiyeen labo doonyood oo ay wateen Xuutiyiinta, hal markab oo aan cidina wadin iyo hal diyaarad oo ah nooca aan duuliye lahayn kuwaas oo marayay Badda Cas. Source
  14. Garowe (HOL) - Somali security forces in Puntland State have apprehended one of the Somali pirates who attacked and hijacked the MV Abdullah, a Bangladeshi-flagged cargo ship, along with its 23-member crew in March this year. Source: Hiiraan Online
  15. Guddoomiyaha Ururka Hillaac Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Somaliland anay dadaalkii loo baahnaa galin aqoonsi raadinta. Samatar oo hadal u jeediyay ardayda Jaamacada New Generation ee Hargaysa, ayaa sheegay in anay jirin doodo cilmiyaysan oo qoran si adduunka loogu qanciyo waxa ay Somaliland tahay. “Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma jiro, sabab? Waayo maynaan kasban dee, hawsheedii maynaan galin, waa ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33kii sannadood, car soo sheeg meel Somaliland qadiyadeedu ku qorantahay oo ay cilmiyaysantahay, waxaynu nahay” ayuu yidhi Samatar. Samatar ayaa in badan fagaarayaal kala duwan ka sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo dood cilmiyaysan oo ka turjumaysa waxa ay Somaliland tahay iyo wixii ay ahayd xiligii xoriyada iyo ka hor. Hore waxa uu u sheegay in xuska 26 Juun uu ka muhiimsanyhay 18 May, isaga oo sheegay in 26 Juun ay ka turjumayso dowladnimada Somaliland ee dhabta ah, halkan hoose ka daawo Source
  16. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hadal kasoo yeeray Itoobiya oo shaacisay go’aan la xiriira aqoonsiga Somaliland oo ay horay ula gashay heshiis la xiriira badda, kaas oo ay ka carootay Soomaaliya. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland. “Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya. Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo isna qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna riyo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Itoobiya. Jaamac ayaa sheegay in Itoobiya aysan qaadan karin taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed, isla markaana la yaqaano halka ay ku dhamaan doono damaceeda gurracan. “Ethopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah in aysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jiray, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan!” ayuu sii raaciyay wasiirku. Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan. “Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen. Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi. Diyaar ayaan u nahay.” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xillobiabada dhinac ay weli diyaarinayaan heshiiska rasmiga ah iyo dhaqangalkiisa, ayada oo Soomaaliya ay weli halkeeda tahay diidmadeeda ku aadan damaca Itoobiya. The post DF oo jawaab ka bixisay tallaabo ay qaaday Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) - Somali Minister of Defense Abdukhadir Mohamed Noor has reaffirmed that Ethiopia cannot take an inch of Somali territory, describing Addis Ababa's MoU with the Somaliland region as a daydream. Source: Hiiraan Online
  18. Duqayn uu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii May ayaa la beegsaday hoggaamiyaha ugu sarreeya Kooxda Daacish ee Soomaaliya, balse ma cadda in hoggaamiyahaasi lagu dilay duqayntaas, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah. Cabdulqaadir Muumin ayay Mareykanku u aqoonsadeen inuu yahay madaxa kooxda Daacish ee Soomaaliya, oo xiriir la leh kooxda argagixisada ah ee Daacish. Bayaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu shaaciyay in 31-kii May ay duqeyn cirka ka fuliyeen gobolka Bari duqeyntaasi oo lagu dilay Saddex Maleeshiyaad ah oo gacan saar la leh Kooxda Daacish. War saxaafadeedka laguma sheegin xog dhab ah oo ku saabsan cidda sida gaarka ah loogu bartilmaameedsaday duqeynta. Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa ABC News u xaqiijiyey in bartilmaameedka duqaynta uu ahaa hoggaamiyaha ugu sareya kooxda Daacish ee Soomaaliya oo ay xarunta qaran ee la dagaalanka argagixisada (NCTC) ku sheegtay Muumin. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in aysan kala cadeyn in Muumin lagu dilay duqeynta. Sarkaal kale oo mareykan ah ayaa xaqiijiyay in u badan tahay in howlgalka uu guul kusoo dhamaaday. Sida ay sheegeen Saraakiisha Mareykanka wali waxaa socda xaqiijinta warka ku saabsan waxyeelada soo gaartay hoggaamiyaha Daacish. NBC News ayaa markii ugu horeysay sheegtay in Muumin uu ahaa bartilmaameedka duqeynta 31-kii May, isla markaana uu noqday hogaamiyaha caalamiga ah ee Daacish. Source: goobjoog.com
  19. Ciiddu waxay guud ahaan Muslimiinta meel walboo ay joogaan ugu suntantahay amin farxadeed, oo ay damaashaad iyo niyaayar ku qaataan, balse waxaa jira caadooyin la yaab leh ama waxyaabo cajiib ah oo dharaarahan sameeyaan bulshooyinka islaamka ee dalalka kala duwan ku nooli. Masar daqiiqaha ugu horreeya ee subaxda ciidda dadku waxay aadaan xabaalaha ama qabuuraha, ayagoo u soo duceeya dadka ku aasan, ka dibna waxay oogaan salaadda iyo gowraca xoolaha udxiyada ah, ayadoo gobollada qaar dhiigga neefka. La qalay darbiga guriga la mariyo, si loo muujiyo in qoysku xoola udxiyo ah gowracay. Liibiya neefka udxiyada ah ama maalmaha ciidda la qalayo dharaaro ka hor ayaa la sii qurxiyaa oo indha kuul ayaa loo sameeyaa, ayadoo maadadka ama sunniyaha loo marinayo Cillaan madow, taas oo ka qeyb ka ah u diyaar garowga ciidda. Aljeeriya waxaa subaxda ciidda intaan salaadda la oogin dadweynuhu waxay u daawasho tagaan cayaar hardin ah oo dhex marta laba wan oo xog leh. Bakistaan bil ka hor ciidda ayaa la sii diyaariyaaa neefka udxiyada oo inta badan geel ah, waxaana dhogortiisa lagu mariimaa ama lagu xardhaa naqshado qurux badan. Yamen waxaa maalmaha ciidda jidadka iyo fagaareyaasha waaweyn lagu qabtaa cayaar qoob ka cayaar leh oo kooxda dheelaysaahi ay midiyo kor u baacinayaan. Baxrayn maalmaha ciidda dadku waxay aadaan xeebta, halkaas oo ay ku dabaashaan, sidoo kalena lagu soo bandhigo nashiidooyin kala duwan. Kuwait dharaarta ciidda markii salaada la soo dukado, raggu waxay ku aruuraan guryo waaweyn, halkaas oo ay ku wada cunaan hilibka xoolaha udxiyada, farxaddana ku wadaagaan. Sucuudiga dhammaan xigtadu waxay iskugu tagaan guriga odayga ugu weyn qaraabada, halkaas ayayna waqtigooda ku qaataan maalmaha ciidda oo dhan. Soomaaliya dadku maalmaha ciidda waxay badiyaan booqashooyinka qaraabada iyo hadiyadaha, sidoo kale waxay aadaan oo ay ku soo indha doogsadaan goobaha dalxiiska. Source: goobjoog.com
  20. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka soo horjeeda qorshayaasha uu ku dhawaaqay militariga oo ah in maalin kasta la joojiyo dagaalka xeeladaysan ee lagu dagaallamayo waddooyinka muhiimka ah ee soo gala marinka Gaza ee iyo duqeymaha si ay u fududaato in gargaar la gaarsiiyo halkaas. Milateriga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay hakad maalinle ah oo saacado kamid ah dharaar walba la joojinayo dagaalka tooska ah iyo duqeymaha si fursad loo siiyo gargaarka bini’aadantinimo ee la geynayo marinka Qaza. Netanyahu ayaa go’aankan ka soo baxay hoggaanka ciidanka ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, asagoo doonaya in ciidamadu ay sii wadaan weerarka aan kala joogsiga lahayn ee marinka Qasa. “Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu markuu uu maqlay hakad bani’aadanimo oo 11-saacadood ah, wuxuu xoghayihiisa milateriga u caddeeyay in tani ay tahay mid aan la aqbali karin” ayuu yiri sarkaal Israa’iil ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Milatariga ayaa caddeeyay in howlgallada caadiga ah ay ka sii socon doonaan magaalada Rafah, oo ah bartilmaameedka ugu weyn ee weerarrada ay ka wadaan koonfurta Qaza, halkaasoo Sabtidii looga dilay sideed askari. Dadka ku sugan Marinka Qaza oo dhibbane u ah dagaalka iyo duqeymaha aan joogsiga lahayn ee 9-ka bilood oo xariirka ku socda ayaa ku jira xaalad bini’aadantinimo tii ugu xumayd, madaxduna indhaha ayay ku daawanayaan xasuuq maalinlaha ah ee ku socda. Source: goobjoog.com
  21. Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Soomaalida in ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee dalka aysan u horseedi doonin qalqal amni, xilli lagu wado sanadkaan dabayaaqadiisa ay ka baxayaan. Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uusan ka tagi doonin Soomaaliya, iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu isku diyaarinayo inuu la baxo 4,000 oo askari oo dheeraad ah dhammaadka bisha June. “Xitaa iyadoo ciidamada ATMIS-ka ay sii yaraanayaan, waxaan xaqiijin doonnaa in aysan jirin wax ammaan-darro ah,” ayuu yiri Souef ka dib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay magaalada Jowhar. Wuxuu sheegay in kala guurka ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka (FMS), dowladda Soomaaliya, iyo saaxiibada caalamka. Souef ayaa intii uu booqashada ku guda jiray ku ammaanay ciidamada Burundi dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo hoos u dhigidda Al-shabaab, isagoo kula dar-daarmay inay feejignaadaan oo ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo bulshada deegaanka. Booqashadan ayaa qayb ka ah socdaalka uu ergayga Midowga Afrika ku marayo maamul goboleedyadda si uu u qiimeeyo diyaargarowga howlgallada, daryeelka iyo niyadda ciidamada iyadoo ururka Afrika uu diyaarinayo howlgal dabagal ah kaddib bixitaanka ATMIS. “Waxaanu u nimid in aanu qiimayno shaqada ay hayaan ciidankayaga, cid kasta oo aanu la kulanayna aad bay uga hadashay ciidamadayada oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha, wakiilada bulshada rayidka ah, odayaasha iyo masuuliyiinta dawladda hoose, waxaanay xuseen dedaalka, khibradda iyo rabitaanka ciidankayaga. in la taageero oo laga caawiyo dhinaca iskaashiga rayidka iyo militariga iyo amniga,” ayuu yiri Souef. Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2710 (2023), ATMIS waxaa loo igmaday in 4,000 oo askari ay kala baxdo wejiga saddexaad ee ka bixitaanka ciidamada, laguna beddelo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay doorashadii dhawaan Soomaaliya ka dhacday ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oggolaanshaha ay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, iyo qaadista cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya oo sheegay in ay calaamad wanaagsan u tahay mustaqbalka dalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. ATMIS ayaa Soomaaliya kala baxday 5,000 oo askari, waxaana ay 17 saldhig oo ciidan ku wareejisay hay’adaha amniga Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii 1-aad iyo 2-aad ee dhimista ciidamada ee sanadkii 2023-ka. Marius Ngendabanka oo ah Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS u qaabilsan dhanka howlgalada iyo qorshayaasha ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay howlgalka Midowga Afrika ee lagu xoojinayo dadaallada nabadeed ee ka socda gobolka iyo kala shaqeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo sugo ammaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle. “Waxaan halkan u joognaa inaan Soomaaliya ka caawinno soo celinta nabadda iyo xasilloonida, waxaana sii wadi doonnaa ka shaqeynta gaarista yoolkan wanaagsan,” ayuu yiri Ngendabanka. Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu wadaa in dalka ay isaga baxaan marka la gaaro December 2024, waxaana lagu wadaa in ay bedelaan ciidamo kale, dowladda Soomaaliya ayaa la wareegi doonto ammaanka guud ee dalka. Source: goobjoog.com
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howlgal ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa maanta gacanta kusoo dhigay xubin kamid ah burcad badeedda Soomaalida oo horay uga qayb qaatay afduubyo ka dhacay xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. Qoraal kasoo baxay taliska booliska Puntland ayaa lagu faah-faahiyay qaabka uu u dhacay howlgalka iyo sida lagu soo qabtay ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Suufi Rasaas. Ninkan ayaa lagu soo qabtay howlgal saacado badan qaatay oo uu hoggaamiyay taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Nugaal, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. “Maxamed Suufi Rasaas oo kamid ah burcad badeedii Markabkii MV Abdalla,kana mid ahaa ragii lagacta madaxfurashada ka qaatay ayaa manta ciidanka booliska G.Nugaal ku guulaysteen iney gacanta ku dhigaan kadib howlgal qaatay saacado oo uu hogaaminaayey Taliyaha Qaybta Booliska G.Nugaal G/Sare Maxamed Ali Axmed(Marduuf)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliska Puntland. Sidoo kale booliska ayaa sheegay in Maxamed Suufi uu ku dhuumaaleysanayay gudaha Garoowe, balse ay hayeen xogtiisa, kadibna ay gacanta kusoo dhigeen. Waxaa kale oo ninkan lagu eedeeyay inuu ka qayb-qaatay afduubka Markabka MV Room, balse uu mar dambe usoo wareegay Markabkii MV Abdalla oo malaayiin dollar ka qaateen kooxaha burcad badeedda Soomaalida. “Waxa uu kamid ahaa afduubashaayshii markabkii MV Room isaga oo markii dambe usoo wareegay markabkii MV Abdalle oo uu kamid ahaa burcadii lagacta madax furashada ka qaadatay markabkaas” ayaa lasii raaciyay. Puntland ayaa sidoo kale digniin adag u dirtay kooxaha kale burcad badeedda, waxayna ugu baaqday inay isa soo dhiibaan, haddii kale ay soo qab qaban doonaan. Ciidamada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedda ah, kuwaas oo dhibaato ku hay maraakiibta shishiiye ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. The post Mid kamid ah raggii 5 milyan ka qaatay Markabka MV Abdalla oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  23. Millatariga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan iyo duqaymo lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-shabaab. Idaacadda ku hadasha afka ciidamada millatariga Soomaaliya ee SNA Radio ayaa ku warrantay in hawlgalkaasi ay fuliyeen Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibadooda Caalamiga ah. SNA Radio ayaa sheegtay in duqaynta laga fuliyay hawdka kala qeybiya gobollada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud gaar ahaanna tuulooyinka Xuseen Cagay Hilowla Gaab oo ka tirsan degmada Ruun-nirgood. Idaacadda ayaa intaasi ku dartay in hawlgalkaasi lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab islamarkaan ay dib ka faahfaahin doonto. PUNTLAND POST The post Millatariga Soomaaliya oo sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad Shabaab ah appeared first on Puntland Post.
  24. Garowe (HOL) - The mayor of Garowe, Abdikhadir Mohamed Mohamud Geddi, has ordered all illegal Ethiopian residents to leave the town immediately, threatening deportation if they do not comply. Source: Hiiraan Online