Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniya ayaa lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran, sida ay Xamaas ku sheegtay warsaxaafadeed rasmi ah. Xamaas ayaa sheegtay in Haniyeh lagu dilay weerar ka dhacay dhismaha uu ka degganaa Tehran. Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijiyay in Haniyeh lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Iran. Haniyeh ayaa shalay la kulmay hoggaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei iyo madaxweynaha Masoud Pezeshkian,halkaa oo uu uga qeybgalay caleema-saarka Pezeshkian. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya oo lagu dilay dalka Iran appeared first on Puntland Post.
  2. Kismayo (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre on Wednesday visited Jubbaland State to congratulate Somali National Army troops for a decisive victory over al-Shabab militants, which resulted in the deaths of over 80 insurgents. Source: Hiiraan Online
  3. Ismaaciil Cabdisalaan Axmed Haniyah wyxuu 29 bishii January sanadkii 1962-dii ku dhashay xerada barakacayaasha Al-shati ee marinka Qasa, wuxuuna ku barbaaray, waxna ku bartay Qasa, asagoo ka baxay jaamacadda islaamig university of Gaza sanadkii 1987-dii, wuxuuna bartay Cilmiga suugaanta. Sanadkii 1997 ayaa loo magacaabay xubin sare oo ka tirsan hoggaanka ururka xamaas, sanadkii 2006-diina waxa uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Falastiin, balse madaxweyne Maxamuud Cabbaas ayaa xilka ka qaaday 2007-dii, tillaabadaas oo ay si weyn u diideen golaha sharci dejintu ayaana keentay inuu xilka sii hayo, maadaama kooxaha Falastiiniyiinta ee Fatax iyo Xamaas ay xilligaa isku dhacsanaayeen. Inuu Ra’iisul Wasaaraha dowladda midnimada Falastiin ku magownaa ka sokow wuxuu sanadkii 2006-dii noqday hoggaamiya Xamaas ee Marinka Qasa, wuxuuna xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2017-kii, xilligaas oo lagu bedalay Yaxye Sinwaar oo illaa hadda haya jagadaas. Isla sanadkaas 2017 waxaa loo doortay guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas oo illaa dhimashadiisa uu madax ka ahaa, wuxuuna sanadihii la soo dhaafay ku noolaa dalka Qatar, waana Aabaha 13 carruur oo intooda badan ay Israa’iil khaarajisay. Bishii Oktoobar sanadkii 2023, 14 xubnood oo qoyskiisa ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla marinka Gaza, waxaana ku jirey walaalihiis iyo adeerkiis iyo qaar ilma adeer la ah, bishii Noofambar ee Isla sanadkaas 2023, gabar uu awoowe u ahaa ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Qasa. Todobaadyo Ka dib wiil uu awoowe u ahaa ayaa asna lagu dilay weerar ay Israa’iil fulisay, halka Saddex ka mid ah wiilashiisa iyo kuwo uu awoowe u ahaa 10-kii bishii Apriil ee sanadkan 2024 lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Marinka Qasa, 25-kii bishii juun ee isla sanadkan 10 xubnood oo qoyskiisa ah, ayna ku jirto walaashiis oo 80 jir ah ayaa lagu dilay Xerada qaxootiga al-Shati ee marinka Qasa. maanta oo ah 31-ka bisha July-na asaga iyo qaar kamida ilaaladiisa ayaa lagu khaarajiyay magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan, halkaas oo la sheegay inuu u tagey ka qeyb-galka caleemasaarka madaxweynaha Cusub ee dalkaas. Source: goobjoog.com
  4. Wararka ka imaanaya magaala madaxda dalka Iiraan ee Tehran ayaa sheegaya in madixii xaafiiska siyaasadda ururka xamaas Ismaaciil haniyah iyo qaar kamida ilaaladiisu ay dhinteen ka dib markii lagu wareeray guri ay magaaladaas ka deganaayeen, balse lama shaacin cidda dilkooda ka dambeysay ama lagu tuhmayo. TV-ga rasmiga ah ee dowladda Iiraan ayaa xaqiijiyay geerida Haniyah, sidoo ururka xanaas ayaa sheegay in la shirqoolay hoggaamiyahoodii xaafiiska siyaasadda, waxaana hadda socda baaritaan la xariira dilkan lama filaan ah ee loo geystay mid kamida hormuudkii kooxaha reer Falastiin ee dagaalka kula jira maamulka Israa’iil. Ismaaciil haniyah wuxuu sanadkii 1962-dii ku dhashay xerada barakacayaasha Al-shati ee marinka Qasa, wuxuuna ku barbaaray, waxna ku bartay Qasa, asagoo ka baxay jaamacadda islaamig university of Gaza. bilo ka hor waxaa dagaalka Qasa lagu diley seddax kamid ah carruurtiisa, balse xilligaa wuxuu sheegay inay shahiideen oo aanu ka murugoonayn geeridooda, haatanna asagii ayaa ku naf waayay difaaca dadkiisa dhibaatada joogtada ah la daalaadhacaya. Source: goobjoog.com
  5. Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan uu ka dhacay duleedka degmada Ceeldheer oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ah. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Gawaan oo hoostaga degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmeen mid kale, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka. Qofka dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ahaa oo caan ka ahaan degmada Ceeldheer, waxaana lagu magacaabi jiray Aways Cali Guure (Butugeey), waxaana wararka intaasu ku daray qaraxa uu haleelay gaari ay la socdeen dadkaasi shacabka ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamada deegaanka oo soo qaaday maydka wiilka dhalinyarada ah iyo qofka dhaawac ah oo haatan lagu dabiibayo degmada Ceeldheer. Macawiisleyda ayaa sidoo kale howlgallo culus ka bilaabay aagga degmadaasi, si ay uga hortagaan weeraro kale oo ay soo abaabulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee horay looga qabsaday Ceeldheer iyo deegaano kale oo dhacay gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada ay wadaan dadaallo lau xaqiijinayo amniga, maadaama marar qaar waddooyinka ay ka dhacaan qaraxyo miino. Al-Shabaab ayaa inta badan soo abaabusho weerarada noocaan oo kale ah, waxayna ku beegsataa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed & kuwa deegaanka ee Macawiisleyda. The post Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Ceeldheer + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  6. A former head of Kenya's main state-owned trading company was charged in court on Tuesday with abuse of office and other offences over a 2022 scheme to import edible oil that local media said cost more than $120 million. Source: Hiiraan Online
  7. A man has been jailed for his role in smuggling a woman into Ireland in what a court heard was a “sophisticated operation”. Source: Hiiraan Online
  8. Detention of reporters for covering sensitive news is having a ‘chilling’ effect on free media in Somalia, say rights groups. Source: Hiiraan Online
  9. Hamas leader Ismail Haniyeh was assassinated in Iran after attending the inauguration of the country’s new president, Iran and the militant group said early Wednesday. Source: Hiiraan Online
  10. Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniya ayaa lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran, sida ay Xamaas ku sheegtay warsaxaafadeed rasmi ah. Xamaas ayaa sheegtay in Haniyeh lagu dilay weerar ka dhacay dhismaha uu ka degganaa Tehran. Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijiyay in Haniyeh lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Iran. Haniyeh ayaa shalay la kulmay hoggaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei iyo madaxweynaha Masoud Pezeshkian,halkaa oo uu kaga qeybgalay caleema-saarka Pezeshkian. Kumuu ahaa Ismail Haniyeh? May 6, 2017, Xamaas oo ah dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee Falastiiniyiinta ee ka taliya marinka Qasa, ayaa Ismail Abdulsalam Ahmed Haniyeh u doortay madaxa xafiisa siyaasadda, isagoo bedelay Khaled Meshaal. Haniyeh waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga Shaati ee Qasa, waxaana dhalay waalidiin kasoo qaxay magaalada Casqalan kadib markii la aasaasay dawlada Israa’iil sannadkii 1948-kii, waxa uu wax ku bartay machadka al-Azhar ee Qasa, kadibna waxa uu wax ka bartay jaamacada Islaamiga ah ee Qasa. Intii uu jaamacadda dhiganayay 1983kii, waxa uu ku biiray ururka ardayda Islaamka, oo horudhac u ahaa dhismaha Xamaas. Waxa uu koray Xamaas dhexdeeda isaga oo gacan-yaraha u ahaa aasaasihii Xamaas, Marxuum Sheekh Axmed Yaasiin. Haniyeh ayaa marar badan xabsiga loo taxaabay, wuxuu ka baxay marinka Qasa ka dib markii uu la kulmay musaafurin iyo isku day dil. Horraantii sannadkan, weerar ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qasa, waxay ku dishay saddex ka mid ah wiilashiisa. Alle ha ugu deeqo naxariistiisa Janno. Xafiiska Netanyahu, ayaa u diray wasiirrada iyo saraakiisha maamulkiisa inaysan wax faallo ah ka bixin dilka hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniya, taa oo la macno ah inaysan Israa’iil sheegan doonin dilkan. Waa dabeecada Israa’iil ma sheegtaan dilalka halista ah. Source
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan socdaal ku marayo deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaasi. Cali Guudlaawe oo gaaray degmada Jalalaqsi aya kaga dhawaaqay inay HirShabelle ka qabanayaan doorashooyin qof iyo cod ah oo shacabka ay ka qayb-galayaan. Sidoo kale wuxuu shacabka degmadaas ku amaanay sida ay u xaqiijiyeen amniga, taasi beddalkeeda waxa uu sheegay inay gaarsiin doonaan doorashooyin qof iyo cod ah. Waxaa kale oo uu ballan qaada in bulshada ay u sameyn doonaan mashaariic hormarineed oo waxtar u leh dadka iyo deegaankaba. Dhinaca kale madaxweynaha HirShabelle ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka kasoo horjeeda, wuxuuna tilmaamay in kaliya ay wax kusoo Facebook, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii aad sidaan amniga u xaqiijiseen ballan waxaa ah inaan annaguna mashaariic fara badan oo ay Ummadda ku faraxdo inaan keeno dadka Facebook-ga wax ku qoraayo waxaan leenahay waxaan arkeena waxa aad keentaan, annagana waxaan qabano ayaa la arki doonaa, bulshada qof iyo cod ayay tagee” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle. Waxaa kale oo uu bulshada HirShabelle uga mahadceliyay sida ay ugu soo dhaweeyeen deegaanadii uu booqday oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, wuxuuna intaasi kusii daray in dadaalladiisa horumarineed uu kasii wadi doono halkaasi. “Guud ahaan Ummadda ku nool HirShabelle waa u mahadcelinayaa, gaar ahaan degmada aan ku suganahay ee Jalalaqsi, waana ku mahadsan tihiin sida aad noo soo dhaweyseen” ayuu mar kale yiri madaxwyene Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalado adag ay ka jiraan HirShabelle, sida arrimaha ammaanka oo sidii la rabay aan ahayn, khilaafaad dhanka maamulka ah, waxaana la is weydiinayaa sida uu go’aankiisa uga dhabeyn karo Cali Guudlaawe. The post Cali Guudlaawe oo shaaca ka qaaday inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah appeared first on Caasimada Online.
  12. Tehran (Caasimada Online) – War uu goor dhaw uu baahiyaya telafishanka qaranka Iran oo ay soo xigteen wakaaladaha wararka ee AP iyo Rueters ayaa sheegaya, in hogaamiyaha ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya lagu dilay Tehran, aroornimadi hore ee Arbacada maanta. Bayaan isna kasoo baxay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu khaarijiyay caasimadda Iran. Xamaas ayaa sidoo kale ka tacsiyeeysay dilka hogaamiyahooda, iyaga oo bayaankooda ku sheegay in Haniyah lagu dilay weerar ay ku sheegeen in Sahyuuniyadda ay ku qaadday gurigi uu ka deganaa Tehran. Haniyah ayaa Talaadadi shalay ka qeybgalay munaasabaddi dhaarinta madaxweynaha cusub ee Iran. Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda mas’uuliyadda dilka Ismaaciil Haniyah, hase yeeshee horay ayay Isra’il wacad ugu martay in ay dili doonto madaxda ururka Xamaas. Ismaaciil Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar. The post Hogaamiyihii Xamaas oo lagu dilay dalka IRAN appeared first on Caasimada Online.
  13. Garyaqaan Cwahaab Shardi oo ka mid ahaa aasaasayasahi SPP ururka ee shacabka ahna Afhayeenka ururka ayaa dhowaan ku soo biiri doona Xisbiga waddani isago iyo xubno kale oo ka tirsaana ururka Shacabka. Ahna haldoorkii iyo miiddi ururka Shaccabkac. Kulankii kowaad waxa saaka ku wehelinayay Robleh Ali Musharaxa Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku qaabiley qasrigu ka degan yahey Caasimadda JSL. Dhamaan dhalinyaradda dalka ayaa u guntan sidii dalkeena isbedel khayr qabaa ugu dhici lahaa. Dhamaan dadka reer Somaliland Haldoorka dhalinyaraddu waa isbedel Doon. Waxana jira ururo badan oo Dhalinyaraddii wax ka aasaasey ey Ku soo qulqulayaan Xisbiga waddani Waan ku hambalyeyna dhalinyaradda waxbaratey. Iney fahamsan yihiin. Waaqaca dalkeeena yaala. Loona baahan in hogaanka dalka ee xukumadda kulmiye lagu bedelo inagoo isku duuban shacab ahaan. Isbedelku Ha guuleyso Somaliland Ha Guuleysto Xisbiga Waddani Ha Guuleysto Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  14. Mogadishu (HOL) — FIFA President Gianni Infantino praised Somalia's effective use of FIFA Forward funds during a meeting with Somali Football Federation (SFF) President Ali Abdi Mohamed in Paris. The funds have facilitated major development projects, including constructing a new SFF headquarters to improve football infrastructure in Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Weriye Cabdulqaadir Ciise oo Warbaahinta Qaranka u qaabilsan soo tebinta wararka maxkamadda ciidamada ayaa qoraal cusub ka soo saaray khilaafkii uu baraha bulshada horay ugu faafiyey ee kala dhexeeyey madaxda wasaaradda warfaafinta, gaar ahaan Wasiir Al-Cadaala. Weriye Cabdulqaadir ayaa soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay “Cudur-Daar” oo madaxda wasaaradda warfaafinta uu ku raali geliyey, isagoo codsaday in laga gudbo wixii dhex maray isaga iyo saaxiibadiisa shaqada. Cabdulqaadir Ciise ayaa horay u baahiyey muuqaalo iyo qoraalo uu ku weeraray masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka warfaafinta Al-Cadaala, waxaana xusid mudan in wixii ka dambeeyey markii khilaafkaasi uu soo if-baxay aan warbaahinta dowladda laga sii deyn warbixinadiisa oo shaqo joojin lagu sameeyey. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdulqaadir Ciise oo dhameystiran: Cudur-Daar. Shaqa kastaahi ee la qabto waxa ay leedahay Dul-duleel iyo cabasho, kala duwanaashahana waa sunna kowni ah, sidaas darteed ayaa nala faray hadii Khilaaf jiro inaan ula laabano kitaabka iyo sunnada. Sidaas oo kale hadii xeendaabka dowladnimo uu farqi ka Jiro waxaan leenahay heshiisya qoran oo nakala xadeeyo iyo hogaan aan u daba fadhino, waxaan aqbalsanahay toosinta madaxdeyda. Wax kasto ee na kala gaaray saaxiibadeyda shaqada iyo madaxda wasaaradeyda warfaafinta waan ka garaabayaa, waxaana leeyahay nin wayn oo haftay aan ahee yaan la ii qaban. Ugu dambayn waxaan ballan-qaadayaa in howlaheyga tabinta ee fariimaha dowladnimada aan Baaqi kusii ahaan doono. #WarbaahinQaran The post Weriye C/qaadir Ciise oo war cusub kasoo saaray khilaafkii kala dhexeeyey Wasiir Al-Cadaala appeared first on Caasimada Online.
  16. MOGADISHU (Xinhua) -- At least 145 people have died from cholera in Somalia since January, with 11 people dying of the illness in the past two weeks alone, the Ministry of Health and the World Health Organization (WHO) said in a report released Monday. Source: Hiiraan Online
  17. Las Anod ( PP News Desk) — The Administration of Sool, Sanaag, Ceyn and Khaatumo has introduced a 5% value-added tax on sales. The nascent administration is based in Las Anod, a city that is recovering from six months of indiscriminate shelling and siege by forces loyal to the Somaliland administration, a secessionist entity which claims to have unilaterally seceded from the Federal Republic of Somalia. A 5% value-added tax on sales introduced by SSCK Interim Administration is expected to contribute to funding delivery of services by the administration. The SSCK Finance Ministry is exploring ways to charge VAT on sales by retailers without cash registers. The VAT, along with income tax levied on salaries, companies and private educational institutions, is expected to boost the revenues of the administration. The SSCK Finance Ministry has undertaken a successful awareness campaign about taxes to fund health, education and social services throughout the districts and villages under the interim SSCK administration. © Puntland Post, 2024 The post SSCK Introduces VAT in Las Anod City, Somalia appeared first on Puntland Post.
  18. An Israeli air strike targeted a senior Hezbollah commander in Beirut's southern suburbs late on Tuesday, in what the Israeli military said was retaliation for a cross-border rocket attack three days before that killed 12 children. Source: Hiiraan Online
  19. Guddoomiyaha Maxmakadda Saree ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa Xarunta Ururka Bariga Afrika ee Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania kulan kula qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Caddaaladda ee Ururka Bariga, Mudane, Garsoore Nestor Kayobera. Kulanka waxaa goob joog ahaa garsoorayaal maxkamadda ka tirsan iyo wakiillo ka socday hay’adaha Ururka Bariga Bariga Afrika. Soojeedinno ku saabsan shuruucda, qaab-dhismeedka iyo shaqada Hay’adaha Ururka Bariga Afrika ka bacdi. Sidoo kale kulanka ayaa si qoto-dheer loogu gorfeeyey sida Garsoorka Soomaaliya oo ay Maxkamadda Sare hoggaaminayso ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen Maxkamadda Caddaaladda Ururka Bariga Afrika, iyo sidii xirfadda hawlwadeennada Garsoorka Soomaaliya loo kordhin lahaa aqoontooda ku wajahan xeerarka iyo qaabka shaqada Maxkamadda Caddaaladda Ururka Bariga Afrika. Gabogabadii labada Guddoomiye ayaa isku af-garteen in wadashaqaynta labada Garsoor la xoojiyo, islamarkaana la joogteeyo kulamada aqoon-iswaydaarsiga ah ee labada dhinac. Caruusha,30, July, 2024. Source: goobjoog.com
  20. Minneapolis (HOL) — During a campaign speech on Saturday, Republican candidate Donald Trump mistakenly conflated Democratic Congresswomen Ilhan Omar of Minnesota and Rashida Tlaib of Michigan. Both women are members of the "Squad," an informal group of progressive lawmakers. Source: Hiiraan Online
  21. Buuloxaaji (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XFS Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa safar ku tegay deegaano dhowaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ugu tegay Ciidamada Qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhawaan jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta. Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka la hadlay ayaa bogaadiyey sida nafhurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed ay argagixisada uga xoreynayaan dalka. Xamsa Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay siinayso abaalmarin lacageed oo la guddoonsiinayo ciidamada Birjeex ee ku jabiyey Khawaarijtii ku dhuumaaleysa jirtay deegaannada Jubaland. “Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubaneheenu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Khawaarijtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen,” ayuu yiri. Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in khawaarijta dalka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay muhiimadda ay leedahay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ciidamada, dowladduna ay deegaannada la xorreeyey geyn doonto adeegyada asaasiga ahaa. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa in gurmad iyo gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyo Khawaarijta, ayaa waxa ay hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA gaarsiisay raashin 900 oo qoys oo ku nool deegaanka Buullo-Xaaji, taas oo qayb ka ah qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa kamid ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaanno, taliyeyaasha ciidanka X.D.S, Boliiska iyo haween matalayey ololaha Hooyo u hiili Qaranka oo gaarsiiyey ciidanka sahay dhan 5,340 oo isugu jira buskut, timir iyo kalluun. Hoos ka eeg sawirrada The post Sawirro: Xamsa oo gaaray furimaha dagaalka lacagna siinaya ciidankii laayey Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.