-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo lala eegtay Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka waday deegaanka Goofgaduud ee duleedka Baydhabo, Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa Saraakiishan. 1- Taliye Mad Dheere Taliyihii Guutada 8aad, 2- Taliye Afcadeey, 3- Taliye Ciise Kusow oo la sheegay inuu dhaawac culus qabo. 4- Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor Abdisalan Xaaji. ku dhawaad 10 Askari ayaa sidoo kale ku dhaawacmay Qaraxa miino. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Maad Dheere) oo ahaa Taliyaha Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Iyo saraakiisha kale. Guddoomiyaha ayaa Gaashaanle Maad Dheere iyo sariikiishii kale ee qaraxaasi ku Shahiidey Alle uga baryay Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, dhamaan qoysaska Iyo ehelada ay kabaxeena uu samir Iyo iimaan ka siiyo, sidoo kale intii ku dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah siiyo. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ehelka, qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Tacsiyadeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashanle Maxamed Dheere, Guddoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor Abdisalaan Xaaji Siidow iyo askartii kale ee la socotay. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Taliyihii guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXD iyo saraakiil kale oo shahiiday iyagoo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horreysay ka hadlay qeyla-dhaanta ka soo yeeraysa dadka Muqdisho ee ku aaddan qabuurihii dowladda Federaalku ku dhawaaqday in la banneeyo si looga dhigo xero ciidanka badda lagu tababaro. “Iyadoo aan ognahay in aanay baahi dhuleed loo qabin in qabuuro la faago, dhulka Soomaaliya, 70% waa bannaan yahay, meel kasta iyo goob kasta ayaa haddii loo baahdo laga fulin karaa arrimo ku saabsan baahiyaha dowladda”. “Waxaa sidoo kale ognahay in xarumihii iyo xeryihii dowladda in la yiri waa laga maarmay oo la iibinayo, haddana la leeyahay qabuuro laga maarmi waayay waa la faagayaa, waa arrimo aan is qaban karin” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Mudane Siciid Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu u naxariisto shacabka dhibaataysan islamarkaana joojiyo faagista qubuuraha. PUNTLAND POST The post Siciid Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqay in uu joojiyo faagista qubuuraha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax miino uu Maanta ka dhacay duleedka Magaalada. Qaraxa miino waxaa ku geeriyoodey Taliyahii Guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXDS G/le Maxamed Nuur Mad-Dheere iyo ciidamo kale la socday. Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Qaraxa ayaa haleelay gaari ciidan oo uu saarnaa taliyaha. Sarkaalka dhintay ayaa ka mid ahaa Saraakiisha ugu firfircoon qeybta 60 ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed. Dhaawaca askarta ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo soo qaaday magaalada Baydhabo Source: goobjoog.com
-
Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku soo xadgudubtay hawada dalka Sweden, waxaana ka hortagay diyaarad dagaal oo laga leeyahay Sweden oo lagu magacaabo Gripen. Xaaladdan ayaa dhacday Jimcihii shalay , sida maanta lagu sheegay warbixin ay baahiyeen ciidanka Sweden. Afhayeen u hadlay ciidamada Sweden ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada Sweden ay isku dayeen in ay la xiriiraan diyaarada Ruushka balse aysan wax jawaab ah ka helin. Arrintan waxay ku aadaysa xilli dhowaan ay Sweden ku biirtay NATO, taa oo ka dhigtay waddankii 32 -aad ee isbahaysiga ka mid noqda. Sida uu dhigayo Axdiga NATO, xubnaha isbahaysiga milaterigu waxay isku raaceen in haddii mid iyaga ka mid ah la weerarro, ay tahay in dalalka kale ay gacan ka geystaan sidii loo difaaci lahaa. PUNTLAND POST The post Diyaarad laga leeyahay Ruushka oo ku xad-gudubtay hawada dalka Sweden appeared first on Puntland Post.
-
Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa si rasmi ah u furmay Maanta oo Sabti ah kuna beegan 15 bisha Juun 2024. Kal-fadhiga waxa furay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Mudane, Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise. Sidoo kale waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Guddiga Doorashada Puntland (PEC), Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada Metelaadda, Xeer-dejinta, Korjoogtaynta hay’adaha Dawladda iyo kobcinta Awoodda Xafiis ee Golaha Wakiillada. Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Denni oo Kalfadhiga furay ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada, isagoona si rasmi ah u furay Kalfadhiga sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. PUNTLAND POST The post Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta Furmay appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Maxamed Nuur oo loo yaqiinay (Mad Dheere) iyo ciidamo kale oo la socdey. Marxuumka ayaa hadda ahaa taliyahii guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka, waxaana xilliga la dilayay uu kasoo laabtay howlgal ka dhacay halkaasi. Allaha u naxariistee Mahad Dheere ayaa hoggaaminayay howlgallo waddo furis ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka wadaan halkaasi, kuwaas oo uu ujeedkoodu yahay in la’isugu furo gobollada Baay, Balool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxa lagu dilay taliye Mahad Dheere. Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliya gobolladaas oo haatan ay howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo QARAX ku dishay taliye Mahad Dheere appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Xarardheere waxay 500 oo KM fogaan ahaan u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxeyna kaalimaha hore kaga jirtaa magaalooyinka caanka ku ah xadaaradda oo ay ku noolyihiin bulsho ilbax ah, xaafadaha ay magaaladu ka kooban tahay waxaa ugu waa wayn sida sooyaalkeeda ku qoran xaafadda Howlwadaag iyo Wadajir. Xarardheere waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waa wayn goabalka Galmudug, ka dib magaalada Hobyo. Bulshada deggan magaalada qaddiimiga ah ee Xarardheere waxay u badan yihiin dad ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool, beeraha iyo kalluumeysiga. Xarardheere waa degmo dhacda deexda gobolka Mudug, waxay xigta dhanka xeebta iyo dhinaca qorrax ka soo bax bari ee gobolka Mudug. Waa degmo barwaaqaysan kana heli kartid waxyaabaha ay naftu jamato, waxaana u sii dheer in ay tahay degmo dalxiiseed qaboow, xagga nulosha waxay ka mid tahay degmooyinka maanta ugu qaalisan marka ay noqoto dhinaca nolosha degmooyinka Soomaaliya, maaddaama ay xeeb dhacdo, dhul bannaan oo hawo iyo neecaaw qabow lehna ay ku taallo. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Shacabka ee xaq u diriarka ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay kalana wareegay kooxaha Araggaxsiida 16-kii Jannaayo 2023. Kooxaha argaxisada waxey gacantooda ku jirtay in ka badan 14 sano, waxeyna la wareegayn sannadkii 2010, ka horna waxaa gacanta ku hayay kooxihii burcad badeedka ee xeebaha Soomaaliya iyo badweynta ka fogba maraakiibta ka afduuban jiray. Duruufahaas ay magaaladu muddo la dhaalaa-dhacaysay ee isugu jira gummaadka argaggixisada, kooxihii burcadda ahaa ee ka horreeyay, horumar la’aanta magaalada ku habsatay iyo in ay inta badan ka soo hayaameen dadkii deegaan ahaan ka soo jeeday waxay sababeen in magaaladu ay kobac iyo horumar ahaan ka harto magaalooyinka kale ee asaaggeeda ah. Bulshada magaaladaa qadiimiga ah waxey wehal u ahaayeen aragtiyada qaldan iyo dhaqamada aan sal iyo raad ku laahayn diinteenna suubban iyo dhaqankeena wanaagsan, waxayna ku cadaadiyeen bulshooyinkii udub dhaxaadka u ahaa magaalada si xoog ah ayay ugu qasbeen afkaartooda qarriban, sida waxbarashada carruurta qofka diidana ay dhibaato u geystaan taasi ayaana horseedday in dadku ay ka cararaan magaaladii oo ay isku baddasho meel lama degaan ah. Maxaa ka muuqda dhinacyada kala duwan ee bulshada Waxaayabaha la taaban-karo ee magaaladaasi ku soo kordhay waxaa ka mid ah;- sida dowladda iyo shacabkii oo si wadajir ah ugu sugan, nolosha oo si caadi ah ku soo laabanaysa mar-ba marka ka dambeysa, horumarrada kale bulshada oo soo kabanaya, sida; Waxbarahada dowliga ah, tan gaargaarka, ganacsiga oo furmay, xarumaha caafimaadka, iyo nidmaaka dowliga oo laga hirgaliyay Sidoo kale, adeegyada bulshada aas-aasiga u ah gargaarka bani’aadinnimada, Maxkamadaha iyo saldhiggii Police-ka ayaa dib loo howlgeliyay, kaas oo ah astaanta ilaalinta nidaamka iyo kalsooni dhiska nabadda magaalada iyo Amnigeeda si loo dar-dargeliyo, dhan kale waxaa socdaalo kala duwan ku tegay qaar ka mid ah madaxda sare dalka sida; Madaxweynaha JFS Soomaaliya Mudane Dr. Xasan sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmuud Mudane Axmed Cabdir Kaariye Qoor Qoor iyo xubna ka tirsan golayaasha dowladda heer fedraal iyo mid maamul. Caqabadaha jira maxaey yahiin? Tan iyo markii magaalada laga wareegay kooxaha nabad-diidka, waxaa mararka qaar ka dhaco isku da’ayaan dagaal ay kusoo qaadaan Khawaariijta, si ay gacanta ugu dhigaan balse taasi ay gaashaanka ku dhuftaan Ciidamada Dowladda iyo shacabka xaq-u-dirarka deegganka. Sidoo kale caqadaha kale ee jira adeega dowladda oo heerkii loogu talagalay oo aan gaarin sida barnaamijka xasilinta oo laf-dhabar u ah nolasha caadiga deegganka. Wacyiga bulshadaa oo wali aan la qabsan nidaamka dowliga ah, waxaa kale ka xusi karaa magaalada oo qaadi ladahay barkaca ugu yimid tuulloyinka hoos yimaada magaalada oo kasoo barkacay kooxaha nabbadiidka iyo hanaanka Dib-u- heshiisiinta bulshooyinka deggan magaalada Xarardheere. 14-kii sanno ee ganacta ugu jireen magalaadan kooxahaasi waxaa ka muuqado raadad fara badan oo aan ka xusi karno bilicada magaalada, sida Wadooyinka la, aan, bururu xooggan xarumaha dowladda iyo kuwa bulshooyinka degganaa ka cararay dulmiga kooxahaasi. Maxay tahay rejada ka bidhimaayso Xarardheere? Waa magaalo u diyaarsan horumar qeyb walbo sida dhameyntirka heykalka dowladnimada sida dhismaha Golayaasha deeggaanka, daadajinta adeegyada dowladda, maalgashiga Soomaalida qurbajoogta iyo mid caalami ah intaba, haddii si buuxda loo xaqiijiyo inta yer ee ka hartay, sidoo kale mabaadii’da adkeynaya jiritaanka dowladnimada iyo tiirar kale oo udub dhaxaadka u ah rejada soo noolaynta Xaradheere. Si kastaba waxayaabaha saldhiga u ah nabad iyo horumarka la gaari karo waxaa kow u ah wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha Amniga oo si buuxda ugu wada shaqeeyo nabaddooda, bulshada oo dhinac walbo uga soo horjeesato wax walbo oo dhaawac u keeni kara nabadgalyadooda iyo hagaajinta nidaamka wadajirka ah. Abdirashid Nur Ibrahim. Senior Journalist, Communication and Media Expert. Email: Cabdirashiid88@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal beeleedka lagu hoobtay ee kasoo cusboonaaday waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.. Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay is laayaan dad walaalo ah oo haddana muslimiin ah, ayna iska dilaan dad badan oo aan waxba galabsan. “War Maxaa la’isku leynayaa maxaa dadka loo dilayaa maxaa dhibaatadaas loo gaysanayaa hadda wax aan cid ka xanuunsaneyo la arag ugu yaraana dhowr boqol oo qof ay ku dhimanayaan waa dhibaato xaqiiqi ah” ayuu yiri Macallin Maxamuud Sheekh Xasan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in culimada Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen doorkii ay ka qaadan lahaayeen colaadaasi, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan xalka. “Dhibaatada jirto ayaa waxa ay tahay doorkii culimada ayaa meesha laga waayay, waxaana leeyahay culimada doorkoodii hasoo celiyaan” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu yiri “Waxaan leeyahay qaddiyooyinka noocaas oo kala ah waxaan waydiisaneynaa mar dambe in aysan ka dhicin dadka muslimiinta ah waa dad aan meel kala aadeyn”. Hoggaamiyaha Ahlu-sunna ayaa ugu dambeyntii baaq culus u diray beelaha dagaalamaya, wuxuuna ka dalbaday inay ka waantoobaan dagaalka ay isku laynayaan. “Waxaan soo jeedineynaa oo magaca Ahlu-sunna Waljamaaca kusoo jeedineynaa ummaddu inay ka waantowdo waxaan oo kale, dib dambana aysan uga dhicin” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay socdaan dadaallada lagu heshiisiinayo beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamayaa agga deegaanka Laadheer oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga gobolka Galgaduud. The post Daawo: Hoggaamiyaha Ahlu-sunna oo war culus kasoo saaray dagaalka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (HOL) — The Ethiopian Human Rights Commission (EHRC) has called for an immediate ceasefire in response to renewed armed clashes, civilian casualties, and displacement in the Afar and Somali regions. Despite a ceasefire agreement reached in April, tensions have escalated since June 6, 2024, leading to sporadic clashes confirmed by regional authorities. Source: Hiiraan Online
-
Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galayay shir ka dhacay dalka Norway oo uu booqasho ku tegay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan kooxda Al-Shabaab. Xasan Sheekh oo wax laga waydiiyay in dowladdiisa ay wada-hadal la fureyso Al-Shabaab ayaa ku jawaabay inay diyaar u yihiin, si wax kasta loogu dhameeo miiska wada-hadalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa. “Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalkaas uu waqti dheer qaadan karo, balse ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa wada xaajoodkaas, kadibna looga miro dhaliyo. “Waxaan rajeyneynaa inay arrintaasi diyaar u noqdaan, marka ay diyaar noqdaan waan wada-hadli doonaa, wada xaajoodkaas wuxuu qaadan karaa waqti, laakiin ugu yaraan waxaan abuuri doonaa waddo cusub” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda dhexe ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda. Dagaalkan ayaa sii xoogeystay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee sanadkii 2022-kii, waxaana Al-Shabaab lagu qaaday dagaal saddex jiho ah. Si kastaba, dagaalka ayaa hadda yare istaagay marka loo eego dardarkii uu billowday, waxaase weli socda qorshaha wajiga labaad oo ay kusoo biiri doonaan ciidamo cusub. The post Daawo: Xasan oo ogolaaday arrin uu muddo diidanaa oo la xiriirta Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
It was a lively Friday afternoon as students, parents and teachers gathered together in the gymnasium for the last quarterly awards ceremony at East African Magnet School in St. Paul. East African Magnet School, located on the corner of Edmund Ave. and Arundel St. in Frogtown, is the nation’s first school dedicated to educating children of East African origin. Source: Hiiraan Online
-
KIGALI (Xinhua) -- Rwanda said it received 113 asylum seekers evacuated from Libya late Thursday, the government announced. Source: Hiiraan Online
-
US says Houthis seek allies in bid to upend global shipping
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
US officials believe that the Houthi rebels in Yemen are pursuing international partnerships with other militant groups as part of their campaign to disrupt global shipping and protest the Israel-Hamas war. Source: Hiiraan Online -
Soomaaliya ayaa dhowaan loo doortay mid kamida xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayadoo ka qeyb ka noqan doonta 3 dal oo labada sanoo soo socata golahaas ku matali doona qaaradda Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa ku biiris golahan ku Dadaalaysay 5-tii sanoo la soo dhaafay, ayadoo musharax kursigaas gudbisay sanadkii 2018-kii, ugu dambey’se way ku guuleysatay. kamida noqashada golaha ammaanka ayaa ah guulihii ugu waaweyn ee ay Soomaaliya gaartay tan iyo sanadkii 1991-kii, waxayna dadweynuhu naawilayaan in magac xumada, nabad-galyo darrada, iyo faragelinta shisheeyeba hadda ka dib xal loo heli doono, maadaama ay fadhiso miiska siyaasadda iyo amniga dunida laga hago. Haddaba sidee bay Soomaaliya uga faa’iidaysan kartaa xubinnimada golahan kamid ah hay’adaha ugu awoodda badan ururka Qaramada Midoobay, sidoo kalena go’aamada ugu dambeeya ka gaara xaaladaha dunida, gaar ahaan kuwa nabad-galyada iyo siyaasadda la xariira?. Si weydiintaas iyo qaar kaloo ku lammaanba warcelin loogu helo, warbaahinta goobjoog waxay qabatay dood ay ka qeyb-galeen aqoonyahanno iyo xeeldheereyaal, kuwaas oo aragtiyo aqoon iyo waaya-aragnimo ku dhisan soo bandhigay. Professor xuseen Iimaan oo ah xildhibaan hore iyo bare sare oo wax ka dhiga qaar kamida jaamacadaha dalka ayaa sheegay in in helidda kursigaasi ay qeymaha Soomaaliya kor u qaadayso haddii si dhab ah looga Faa’iidaysato oo ay dowladdu danjirayaal tayo leh ku darsato galaha. Dowladda waxaa la gudboon inay la timaaddo siyaasad arrimo dibedeed iyo qorshe qaran oo la xariira xubinnimada golaha ammaanka, sida uu qabo baafo. Professor Cabdullaahi Salaamulaahi ayaa sheegay in Xubinnimada golaha ammaanku ay kaalin wax ku ool ah ka qaadanayso difaaca ah iyo qaranimada dalka, xilli uu jiro damaca Itoobiya ee ku wajahan badda Soomaaliya. Xeeldheereyaasha ayaa soo jeediyay in dowladda Soomaaliya ay mowqif sugan iyo qorshe qaran ka yeelato xubinnimada golahan, islamarkaana ay diblumaasiyiin xil Kas ah geysato. Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay golahan ka mid noqatay sanadkii 1971-dii xilligaas oo ay kamid ahayd dalalka ugu awoodda iyo xasilloonida badan Afrika, balse jeerkan oo ay colaado sokeeye ka soo baxday daruufo nabad-galyo iyo kuwo siyaasadeedna ay haystaan ayaa la eegayaa sida ay xubinnimadeeda uga faa’iidaysato. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Wajiis ayaa jawaab kulul ka bixiyay qoraal weerar ah oo uga yimid Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaasoo ku saabsan dhulka Qabuuraha Iskuul Polizia iyo war uu Sheekha ka sheegay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Yariisow. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri “Hadda Sheekh Cali Wajiis markii uu dadkii noolaa kula dhici waayey ayuu Allaha u naxariiste saaxiibkeey Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow u saariyey isku day eed qabuuro faagis ah.” Sheekh Cali Wajiis ayaa qoraalkiisa jawaabta ah ku difaacay Marxuum Yariisow, wuxuuna Cabdiraxmaan Cabdshakuur ku eedeeyay inuu saaxiib la yahay dhinacyo ka horjeeda dowlad dhiska Soomaaliya oo aanu magacaabin. HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHEEKHA Ma rabo inaan la tirsado Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhowr sababood dartood: 1- Guddoomiye Cabdiraxmaan Yariisow AUN, Annagu ka culuma ahaan waxaan ku amaaneynaa inow culumadii la tashaday qaatayna Taladoodii waana sharaf iyo amaan. 2- Guddoomiye Yariisow AUN annaga asagaa na soo weydiiyay su’aasha laakin dabcan dowlad ayuu xubin ka ahaay ee wax shakhsiya ma uusan sameyneyn. 3- Mr. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame markow badda Soomaaliya saxiixayay wexey ehayd inow culumada la tashado si loogu sheego in aysan banaaneyn laakiin waa ka il duufyay mudanuhu, waxaasa ka dabategay dowladdii ka danbeysay oo madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminaayay oo Maxkamada caalamigaa geysay malafkii. 4- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaan ugu cudurdaareynaa inuu saaxiiba la yahay sida muuqata dhinacyo badan oo mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya iyo heshiiska taariikhigaa ee Soomaaliya iyo Turkiga dhibsanaya. 5- Ugu danbeyn waxaan mudanaha kula talinaayaa inow markaan beddelo siyaasaddii uu ku cireystay ee madhaleeska ehayd oo ah “dowlad kastaba dagaal ula taagnaaw ama u turjimneed: Cadkaanoow walee ama ku cunay ama ku ciideeyay Mudanaha salaan qaaliya heyga gudoomo. The post Sheekh Cali Wajiis oo jawaab cajiib ah siiyey CC Shakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta oo sabti in kabadan 2 Million oo Xujey Muslimiin ah ayaa taagan Buurta Carafo oo kamid Tiirarka ugu weyn gudashada Xajka, Xujeyda ayaa halkaan taga maalinta 9-ka bisha Carafo, waxaana maalinta bari ah ay ku began tahay maalinta koowaad ee Cuudul Axda. Muslimiinta sanadkaan ayaa waxaa ku jiro kumannaan Soomaali ah oo ka kala tagay Soomaaliya, Jabuti, Kenya, Itoobiya, iyo dhammaan qaaradaha caalamka, si ay u gutaan waajibaadka Xajka, sanadkaan ayaa tiridii ugu badneyd ee Soomaali ah ay gaareen magalada Maka. Umadda Muslim ah ee aan haleelin gudashada waajibaadka Xajka ama istaagga manta Buurta Carafo, ayaa intooda badan ah kuwa Sooman, waxaana caalamka oo dhan ka socda diyaar garowga maalinta ciidul Adxa oo ku beegan oo maalinta barri oo Axad ah 16-ka May 2024. Sanadkaan ruuxii ugu da’da weynaa ee kasoo qeybgala gudashada Xajka ayaa aheyd haweeney kasoo jeeda dalka Algeria, waxaana lagu magacaabaa Sarahouda Stiti, waxaana da’deeda lagu sheegay 130 sanadood, waxaana ay sheegtay in ay dunida nabad ugu duceynayso. Isbedelka cimillada iyo daran oo ka jira Maka ayaa sababay geerida tiro dad ah, kuwaas oo kamid ahaa xujeyda sanadkaan, waxaana ilaa iyo hadda dowladdu shaacisay ku dhowaad 20 ruux, heerka kulka ayaa ku dhowaaday 50 Digree, taas oo keentay naqaska inuu dadka ku xirmo. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Ehelka Qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Tacsiyadeyey geerida ku timid Alle Haunaxaristee Taliyihii Guutada 8-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Maxamed Dheere iyo Gudoomiyihii hore Degmada Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Siidow iyo Askartii La socotay. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Rajicuun Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXD iyo Saraakiil oo shahiiday iyagoo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah Gaashanle Maxamed Dheere waxa uu ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka Dalka gaar ahaan Deeganada Koonfur Galbeed iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoona lagu Xasuusto Howlgaladii lagu jabiyey Khawaarijta ee uu Hogaamiyey Waxaan Alle uga baryayaa Sarkaal Maxamed Dheere iyo Gudoomiyihii hore Degmada Diinsoor Abdisalaan Haaji Siidow Saraakiisha iyo Askartii la Shahiiday in uu hoygooda uu ka yeelo Jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka tirsanaayen”. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lafta Gareen oo ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240615-WA0000.mp4 Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - The Supreme Traditional Clan Sultan of SSC Khaatumo, Garad Jama Garad Ali, has warned Somaliland against launching an attack on Las Anod. Source: Hiiraan Online
-
WATCH: Germany vs Scotland 5-1: UEFA Euro 2024 Source: Hiiraan Online