Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A new public artwork at Samatar Crossing in Cedar-Riverside is dedicated to the first Somali-American elected to public office in Minnesota, Hussein Samatar. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) —A violent clash between two clan militias erupted on Wednesday in the Qoryooley district of the Lower Shabelle region, causing significant damage and disrupting daily life. The intense battle involved the Garre and Jiide communities, who have a history of conflict in the area. Source: Hiiraan Online
  3. Kismayo (HOL) — Dr. Abdullahi Ali, a Somali American from Portland, Maine, has announced his candidacy for the presidency of the Jubaland administration for the 2024-2028 term. He emphasizes his commitment to significant and early changes for the region. Source: Hiiraan Online
  4. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaray xarig iyo xukunno dhawaan lagu riday mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa lagu sheegay in aan sifo sharci ah loo marin xarigga lagu riday mas’uuliyiintaasi ka tirsanaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sidoo kale mid aan sharciga waafaqsanayn ku tilmaamay xukunka lagu riday garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobollada Sool iyo Nugaal ee dhawaan la xukumay. Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland ayaa si weyn walaac uga muujiyay hannaanka aan sharciga waafaqsanayn ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland u xukuntay mas’uuliyiintaasi waxaana uu ku tilmaamay mif ku-takri-fal awoodeed ah oo ka baxsan sharciga iyo dastuurka. Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland oo sharci-darro ku tilmaamay xukun xarig ah oo lagu riday mas’uuliyiin ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyey in lasoo qabtay Taliyihii burcad-badeeda Soomaalida ee qabsatay markabkii weynaa ee MV Abdullah, kaas oo lagu sii daayey madax-furasho malaayiin doolar ah. Booliska Puntland ayaa shalay xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen ninkii hogaamiyaha u ahaa kooxdii burcad badeeda aheyd ee afduubatay markabka. Ninkaas waxaa lagu qabtay howlgal ay boolisku ka fuliyeen qaybo ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida uu Idaacadda VOA u sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali Jifo. “Ninkaasi wuxuu ahaa taliyihii burcadii qabsatay markabkii MV Abdullah, wuxuuna ka mid ahaa maal-geliyeyaasha burcadda, waxaan ku qabanay magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland. Bartamihi bishii April ee sanadkan ayaa koox hubeysan oo burcad badeed Soomaali ah ayaa madax furasho shan milyan oo dollar gaareysay ka qaateen Markab nooca xamuulka qaada ah oo lagu magaaco MV Abdullah. Guddoomiyaha ayaa sheegay inay hayaan dhammaan xogta dadkii ku lugyeeshay afduubka markabkaas, isla markaana ay Puntland mid mid u soo qaba doonto, sida uu hadalka u dhigay. “Anagu waxaan nahay dowlad, dadkuna waa is yaqaan, burcadii markabkaas qabsatay oo dhan liiskooda waan heynaa, ninkaan waa 38 jir waxaa la yiraa Abshir Cabdi Kheyre, ina Maryan Xasan, waxaana ku qabanay dabagal ay sameeyeen ciidamada sirdoonka,” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkaas ay daba-socdeen saacado badan xili u uku sugnaa xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo, si looga taxadaro in uusan dagaalamin, ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in ciidamadu ay heleen fursad ay ku qabtaan. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan hal nin oo kale ay ka qabteen burcada, taasi ii ka dhigan in hadda la hayo Taliyihii iyo xubin kale raggii burcadda ahaa ee afduubtay, madax-furashadana ka qaatay markabkii MV Abdullah eel aga lahaa wadanka Bangaaladheesh. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/06/01000000-0aff-0242-72e1-08dc9065843c_16k.mp3The post Puntland oo qabatay taliyaha burcadii $5-ta milyan ka qaadatay Markabkii MV Abdullah (Wareysi) appeared first on Caasimada Online.
  6. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayna isku raaceen in la xoojiyo dadaallada wadajirka ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha”. “Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay xoojinta Nabadda iyo Xasiloonida Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  7. Jabuuti (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jabuuti gelinkii dambe ee maanta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweynaha waxaa dalkaas kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo saaxiib dhow la ah Xasan Sheekh. Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan weyn oo arrimo badan ay uga wadahadleen, kuwaas oo quseeya labada dal. Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in qodobada ay dul istaageen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ay ugu muhiimaanaayeen xiisadda gobolka ka taagan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxay waxay Xasan iyo Geelle ka wadahadleen dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab, bixitaanka ATMIS, qorshaha difaaca badda Soomaaliya iyo fursadaha lagu sii xooji karo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti. “Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas. Booqashada Jabuuti ayaa ah lugtii ugu dambeysay ee safar dheer oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagey dalalka Norway, Switzerland iyo Turkey. Madaxweynaha ayaa intii uu maqnaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay dalka Turkiga, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Hakan Fidan uu kula kulmay. Madaxweynaha ayaa dowladda Turkiga kala hadlay sii ay garab uga sii laheyd dagaalka Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay heshiis ay Turkigu si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti – Muxuu kala hadlay Geelle? appeared first on Caasimada Online.
  8. Wasiir Ciise Kayd ayaa xisbiga Kulmiye u sheegay inaanay jirin wax taageero ah oo ay ku leeyihiin deegaanada beesha uu ka soo jeedo. Taas oo sababtay in masuuliyiinta Kulmiye dib u dhigaan safar ay maanta ku tagi lahaayeen gobolka Hawd. Warku waxa uu xaqiijiyey in shir ka dhacay xarunta xisbiga Kulmiye ay isku af dhaafeen wasiir Ciiise Kayd iyo Cabdicasiis Samaale ka dib markii uu wasiirku u sheegay gudoomiye ku xigeenka Kulmiye inaanu suuragal ahayn socdaal ay wefti Kulmiye ahi qorsheeyeen inay ku tagaan xarunta gobolka Hawd ee Balli-gubadle. Wasiir Ciise Kayd waxa uu xisbiga Kulmiye u la socodsiiyey in dhamaan beelaha Arab ay ka mid noqdeen mucaaridka isla markaana aanay jirin wax taageero ah oo ay u hayaan xisbiga Kulmiye, balse Cabdicasiis Samaale oo ku adkaysanaya socdaal ay ku tagaan gobolka Hawd ayaa soo jeediyey inay safarkooda dib ugu dhigeen maalinta sabtida ah inta ka horaysana la abaabulo dad basas lagu qaado oo la geeyo xarunta gobolka Hawd. Cabdicasiis Samaale waxa uu soo jeediyey in dad laga guro xaafada state House-ka ee magaalada Hargeysa la geeyo xarunta gobolka Hawd si ay u soo dhaweeyaan weftiga xisbiga Kulmiye. Kharashka ku baxaya oo lagu sheegay $15000 (Shanyo Toban Kun oo Doollar) ayaa laysla gartay in maanta laga doono Muuse Biixi. Dhinaca kale waxa fashil ku dhamaaday shirkii xisbiga Kulmiye doonayey in loo qabto beelaha Arab, suldaankii ay ka dalbadeen inuu abaabulo oo lagula shiray xarunta xisbiga Kulmiye ayaa quus ka muujiyey in shirkaasi qabsoomo. Suldaan Xuseen Cabdi Cabdilaahi oo xisbiga Kulmiye kula shiray xarunta xisbigaas ayaa lay xaqiijiyey in la siiyey lacag $500(shan boqol oo dollar) si uu u sii wado kala qaybinta beelaha Arab iyo abaabulka shirka Kulmiyeysan. Beelaha Arab iyo Kulmiye oo quus kala jooga, ninkii danaystay oo isagana laga danaystay. Abdirizak Goud Qaran News
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448594613_1184140492598234_8174148944583178726_n.mp4 Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii la aqbalay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto dalalka ku midoobay Bulshada Bariga Afrika bishii Marso ee sanadkan, waxaa jiray shirar xiriir ah oo dhex-maray Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka’ah, kuwaas oo ku aaddanaa sidii Soomaaliya u dhammaystiri lahayd shuruudihii looga baahnaa. Soomaaliya ayaana weli ku howlan dhameystirka waxyaabaha uga dhiman buuxinta shuruudaha iyada oo ay kamid tahay waxyaabaha la xiriira baasaboorka. Baasaboorka Soomaaliga ah ayaa lagu wadaa in uu kamid noqdo waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga shaqeynayo si uu u noqdo mid kamida basaboorrada dalalka Bariga Afrika. Ilaa labaatan mas’uuliyiin Soomaali ah isla markaana uu horkacayo Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo ah ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan bulshada Bariga Afrika ayaa ka qayb galay kulamo socon doona ilaa jimcaha kuwaas oo looga arrinsanayo sidii Soomaaliya ay u dhameystiri lahayd howlahan. Waaxda socdaalka ee Soomaaliya ayaa haatan ku howlan habeynta iyo isku duba ridka baasaboorka Soomaaliga ah. “Baasaboorka Soomaaliga sidiisa ayuu ahaan doonaa oo waxba lagama bedeli doono kaliya waxaa lagu qori doonaa astaan muujineysa in uu yahay baasaboor laga leyahay mid kamida dalalka Bulshada Bariga Afrika,” ayuu yiri Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tagaan dalalka Bariga Afrika iyaga oo aan u baahneyn wax dalku gal ah. Mahad Cabdi oo ah la-taliye sare oo ka howlgala hay’adda socdaalka iyo jinsadaha Soomaaliya oo BBC-da uga warramay ayaa yiri, “Waxa aan hadda ku jirnaa shaqada howl gelinta baasaboorka Bulshada Bariga Afrika ee Soomaaliya hadda shirar ayaa noo socda waana rajeyneynaa in aan ku guuleysanno.” Waxa uu sheegay in ay qaadan karto muddo sanad ilaa labo sano ah balse haatan uu si habsami leh u socda howlaha dar-dar gelinta ah. “Ma jiro wax kabadal lagu sameynayo baasaboorka guud ee Soomaaliga ah, balse waxa aan ka bedeli doonnaa daboolka ama qolofka sare waxaa lagu qori doonaa magaca ‘Bulshada Bariga Afrika’ midabkana waa laga bedeli doonaa sida uu qorshuhu yahay laakiin beddel gudaha ah ma jiri doono,” ayuu sii raaciyay Mahad Cabdi. Dhinaca kale waxa uu sheegay in aysan waxba iska bedeli doonin baasaboorrada seerfiska ee shaqaalaha dowladda iyo kan kale ee dibloosiga ah balse kaliya qaybta sare laga bedeli doono kan caadiga ah ee dadweynaha. Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo ah ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan bulshada Bariga Afrika ayaa isna ka warbixiyay waxyaabaha kale ee Soomaaliya ay ku howlan tahay si ay shuruudaha u buuxiso. “Waxyaabaha aan ka shaqeyneyno waxaa kamid ah sidii sistamyada la’isugu xiri lahaa guud ahaan dalalka bariga Afrika, iyo in laga shaqeeyo howlaha Kastamka, si ay suura gasho in deked walba wax lagalasoo degi karo,” ayuu yiri Hadliye oo BBC-da la hadlay. Waxaa kale oo uu sheegay in qaababka qaadista lacagta laga shaqeynayo iyo aakhirka sidii loo sameyn lahaa lacag isku mid ah taas oo uu sheegay in ay qaadan karto muddo sanado ah. Soomaaliya si ay uga mid noqoto Bulshada Bariga Afrika waxa ay soo dooran doontaa ilaa sagaal xubnood oo ku meteli doona golaha baarlamanka ee Bulshada Bariga Afrika iyada oo haatanba uu qorshuhu socdo. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaana wuxuu ka dhawaajiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loosoo dooran doono xubnahan iyada oo lagu wado inta aan la gaarin Bisha siddeedaad ee sanadkan. Kadib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Soomaaliya ururka Bariga Afrika ayaa waxaa tirada baarlamaanka Bariga Afrika ay noqon doontaa 82 xildhibaan. Ilaa 72 ka mid ah xubnahani ayaa ah xildhibaanno la soo doortay, halka siddeed ay wasiirro yihiin, xoghayaha guud ee ururka iyo xubin ah la taliyahay dhanka sharciga. Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bulshada Bariga Afrika. Isha: BBC The post Isbeddelka baasaboor Soomaaliga iyo dalalka dal ku-gal la’aanta lagu tagi karo appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay ku tagay Kuuriyada Waqooyi muddo 24 sano ah, isagoo wacad ku maray inuu sii xoojin doono xiriirka ganacsi iyo amni ee uu la leeyahay dowladda aan hubaysneyn ee hubka Nukliyeerka ah, isla markaana uu ka taageeri doono ka dhanka ah Mareykanka. Labada hogaamiye ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa kulankooda siweyn looga hadlay xiriirka labada dal iyo xoojinta waxybaaha ay wadaagaan, waxaana uu Putin uu cadeeyay inuu maraan rabo inuu garab istaago Waqooyiga oo ka hortimid danaha Mareykanka ee gacanka Kuuriya, Mareykan ayaa Koonfurta siweyn u taageera. Puntin oo u muuday sida uu ula dhacsanaa kulankiisa Kim ayaa yiri “Nidaamka xaddidan ee aan dhammaadka lahayn ee ay dhiirigeliyeen Maraykanka iyo xulafadiisa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay” ee ku wajahan Kuuriyada Waqooyi in ” dib loo eego” Ruushka ayaa wada markaan saameyntiisa gacanka Kuuriya. Dunida ayaa siweyn isku weydiinaysa Illaa hadda waxa heshiiskani yahay iyo waxa uu ka kooban yahay oo aan la xadeynin. Balse warbaahinta ayaa wada baadigoobka xogaha dheeraadka ah eek u aadan heshiiska labadaan hoggaamiye ee lagu tilmaamo kuwa siweyn hadda dunida uga gadaya fashilka siyaasadda Mareykanka ee caalamka. Madaxweynaha Ruushka ayaa booqanaya gacanka Kuuriya tan iyo 2000 markaas oo aheyd xilligii ugu dambeysay, madaxweyne Putin ayaa hadda wada qorshe dunida uu kaga gadayo siyaasadda guran ee Mareykanka, eek u aadan gacankaan lagu murmay. Source: goobjoog.com
  12. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448633643_472473605303073_7223554811395825637_n.mp4 Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saddex shaqo oo isku xigta isku maray dalalka Norway, Switzerland iyo Turkiga oo uu hadda joogo, waxaana jira warar sheegaya inuu shaqooyin kale ku tagi dalal Afrikaan ah maalmaha soo socda. Madaxweynaha wuxuu isku qabtaa shaqadii madaxweynaha, tii ra’iisul wasaaraha iyo middii qaar kamid ah golihiisa wasiirada. Ma sahlana in madaxweyne 70 jir ku dhow inuu weli tabartaas leeyahay oo uu hal asbuuc saddex shaqo ugu safri karo saddex waddan oo masaafo isku jira, welina ka keeni karo natiijo fiican. Dadka qaar waxay ku dhaliilan madaxweyne Xasan Sheekh inuu aado safaro aan munaasab u aheyn shaqsiyan. Laakiin weli ma isweydiisay waxa madaxweyne Xasan ku qasbaaya inuu noqdo safar u joog. Dib u fiiri ra’iisul wasaarihiisa iyo xukuumaddii uu dhisay August 2022. Wasiirro aad u tayo liita, kuwa aaminsan inay madaxweynaha leeyihiin, kuwo u mooda in olole lagu jiro iyo qaar fahamka dowladnimada kala weyn tahay xalinta baahida qabiilkooda ayaa ku fadhiya kuraastii lagu metali lahaa dalka, laguna hormarin lahaa hay’addaha dowladda. Inuu Xasan Sheekh yahay safar u joog sooma bandhigeyso inuu madaxweynaha safar jaceyl qabo ee waa arrin ku fahamsiineysa tayo xumada dadka uu shaqooyinkii muhiimka ahaa u dhiibtay, si gaar ah tani waxay ku siinaysa fashilka xukuumadda. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muddo xileedkiisa labaad ka isticmaalay labo sano iyo hal bil. Waxay ka dhigan tahay inuu dalku galay marxaladdii u diyaar-garowga doorashada 2026, sidaas darteed waxaa muhiim ah in la helo xukuumad xaqiijin karta amniga, keeni karta hanaan doorasho oo heshiis lagu yahay, ku filan inay jiheyso maamul goboleedyada, raadin karta dhaqaalihii doorashada lagu geli lahaa, beesha caalamka la jaanqaadi karta oo madaxweynaha ka dhimi karta culeysyada saaran ee keenay safarada badan. Xukuumadda hadda Xasan Sheekh u joogta waxaa la isku raacsan yahay in aysan arrimahaas itaal iyo faham midna u haynin. Si madaxweynaha uga nasto safarada badan iyo inuu taagnaado madal walba, loona helo inta aan kor ku sheegnay ee la xiriirta doorashada, amniga iyo isku haynta dalka. Dadka waxay durba bilaabeen inay ka doodaan Xasan Sheekh ma iska beddeli doona xukuumaddan oo ma heli doona xukuumad hoggaankeedu hal abuur iyo karti leeyahay, wasiiradeeduna ay qaadi karaan qarankan ay daruufaha badan hareeyeen. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u furmaaya bisha soo aadan ee July. Xildhibaannada waxay bilaabeen dooddo gaar gaar ah oo ku saabsan baahida loo qabo in isbeddel lagu sameeyo xukuumadda oo la raadiyo xukuumad culeyska la qeybsan karta madaxweynaha, laakiin weli ma bisla warka Xildhibaannada oo waxaa ku jira qaar ay dhinac u ridi karaan dhaqaale yar ama xil wasaaradeed. The post SABABTA ka dambeysa safarrada tirada badan ee madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  14. Musharraxa madaxweyne kuxigeenka xisbiga WADDANI Ambassador Maxamed Cali Aw-Cabdi ayaa kulan la qaatay Naasir Cabdoo Cumar oo ka mid ahaa xubnaha Golaha dhexe ee gobolka Awdal ka soo gala xisbiga kulmiye oo shalay xilkii iyo xubinimadii xisbigaas iska casilay. Kulanka waxa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI Md Cabdirashiid Cabdi Jaamac iyo gudoomiyaha gobolka Awdal ee xisbiga Md Rooble Muuse Xoosh. Qaran News
  15. Mogadishu (HOL) - Somali Minister of Foreign Affairs Ahmed Moalim Fiqi criticized the recent propaganda video released by al-Shabab, showcasing the training of militants in Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Professor Samatar’s words offered precise feedback and should be regarded as complimentary advice, but his manner of delivery was overly dramatic. Despite his evident patriotism and love for Somaliland, his speeches often take on a teacher-student dynamic. He lacks an understanding of the local culture and how people receive criticism and feedback. While he tends to categorize people he meets, putting them into different boxes and assuming some are beneath him, above all, he is a genuine person who loves his country. However, he needs to refine his perception of others. As a nation, we should embrace criticism as constructive feedback. His remarks about the condition of Hargeisa’s roads were accurate, considering the budget constraints of the local government. Mayor Mogeh has done a brilliant job, but there is room for improvement. Regarding international recognition for Somaliland, despite the government’s efforts over the past 30 years, we have missed numerous opportunities that could have led to recognition. The Somaliland Ministry of Foreign Affairs lacks senior diplomats and advisors who could elevate the ministry and provide training for the next generation of diplomats. We need to be a nation that views criticism as feedback and is open to accepting recommendations and advice. Hussain Alishaqi Qaran News
  17. With temperatures crossing the half-century mark on Monday, Egypt’s foreign ministry confirmed collaboration with Saudi authorities in searching for missing Egyptians but did not specify the number of casualties. Saudi authorities told news agencies that they have treated over 2,000 pilgrims for heat stress, though there have been no updates on the death toll since Sunday. Last year, various nations reported at least 240 deaths among pilgrims, predominantly Indonesians. AFP journalists reported pilgrims dousing themselves with water while volunteers distributed cold beverages and ice cream to combat the heat. Saudi officials recommended that pilgrims use umbrellas, stay hydrated, and avoid peak sun exposure, though many rituals necessitate prolonged outdoor activities. Risks for unregistered pilgrims Unregistered pilgrims, lacking access to air-conditioned facilities, face heightened risks. An Egyptian diplomat reportedly noted that these pilgrims significantly contributed to Egypt’s death toll, citing service breakdowns in camps. This year, approximately 1.8 million pilgrims participated in the Hajj, including 1.6 million from abroad. The pilgrimage’s rituals often require extended outdoor stays, increasing exposure to intense heat. Earlier this month, Saudi officials removed hundreds of thousands of unregistered pilgrims from Mecca. Countries such as Indonesia, Iran, and Senegal also reported deaths among pilgrims, with many not specifying if they were heat-related. Meanwhile, Saudi Health Minister Fahd bin Abdul Rahman Al-Jalajel reported successful health measures during the Hajj, including over 5,800 virtual consultations for heat-related issues, according to the Saudi Press Agency. Despite advisories for pilgrims to use umbrellas, stay hydrated, and avoid sun exposure during peak hours, the extreme heat has posed significant challenges. Climate change is intensifying the heat challenges during the Hajj, with May 2024 being the hottest May on record globally. Experts warn that rising temperatures and changing weather patterns will continue to pose significant risks for future pilgrimages Business standard Qaran News
  18. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240619-WA0000.mp4 Qaran News
  19. Ra’iisul Wasaaraha dalka Netherlands Mark Rutte, oo ka mid ah xulafada aadka ugu dhaw Ukraine, isla markaana si adag u daleeceeya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa lagu wadaa in uu noqdo madaxa Xulafada NATO. Rutte oo baddali doona hogaamiyaha NATO ee xilligaan Jens Stoltenberg ayaa taageeradi ugu danbeysay ka helay dowladaha Hungary iyo Slovakia. Isaga oo ka barbar hadlayay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken oo uu kula kulmay Washington D.C, ayuu Stoltenberg ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama inkiro warkan. Xoghayaha guud ee NATO ee soo socda ayaa wajihi doona caqabado ay ka mid yihiin joogtaynta taageerada xulafada Ukraine ee dagaalka uu kusoo qaaday Ruushka, iyadoo la iska ilaalinayo xiisad kasta oo keeni karta in xulafada militariga ay si toos ah dagaal ula galaan Moscow. Muddo xileed 10 sano qaatay oo uu jagada NATO hayay Stoltenberg ayaa ku eg 1-da bisha October. Wuxuu xafiiska qabtay sannadki 2014-ki, bilo yar kaddib marki uu Ruushka qabsaday gobolka Crimea. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Netherland oo lagu wado in uu noqdo Madaxa NATO appeared first on Puntland Post.
  20. Qoryooley (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo mar kale dib uga qarxay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi. Dagaalka ayaa salka ku haya colaad ka dhex taagan beelaha Garre iyo Jiide oo horay isugu gaystay dilal salka ku haya aanooyin qabiil. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu kusii fiday xaafad horleh oo ka tirsan magaalada, waxaana jira khasaare leh dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkan uu daba socdo afar qof oo dhowaan lagu dhex dilay magaalada, wuxuuna sheegay in weli dagaalka uu socdo. “Dadka is dagaalayo Garre iyo Jiide waayay, darraad ayaa magaalada dagaal ka dhacay afar qof oo Garre ah ayaa lagu dilay weli xabadda way socotaa” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkan uu saameyn ku yeeshay degmada Qoryooley, waxaana hakad galay goobaha ganacsiga iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqa degmada., “Xaaladda magaalada waa qasan tahay ganacsiga waa la xiray, mana jiro wax ciidan ah oo kala dhex-galay labada dhinac” ayuu sii raaciyay qofka kamid ah dadka deegaanka. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka gobolka oo ku aadan dagaalka kasoo cusboonaada halkaasi. Shabeelaha Hoose ayaa waxaa kusoo laa laab laabtay dagaal beeleedyada, waxaana xiisaddan mid lamid ah ay ka taagan tahay degmada Wanlawayn ee gobolkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay DAGAAL cusub oo dib uga qarxay degmada Qoryooley appeared first on Caasimada Online.
  21. Duqa caasimadda Garowe, Geedi Axmed Tuurre ayaa sheegay inuu maanta la kulmay madaxda qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee Puntland, ayna ka wada hadaleen sida dalkoodii loogu celin lahaa dadka Itoobiyaanka ah ee ku soo qulqulaya Puntland. “Waxaan maanta qaabilnay Qunsuliyadda Dowladda Ethiopia ee Puntland, anagoo ka wada hadalnay sida ugu wanaagsan ee dalkoodii loogu celin lahaa dadka Itoobiyaanka ah ee kusoo qulqulaya Puntland kuwaasi oo u badan tahriibeyaal, iyadoo lala kaashanayo Hay’addaha Caalamiga ah ee ay khuseyso sida IOM” ayuu yiri duqa Garoowe. Guddoomiye Geedi ayaa maalmo ka hor amar ku soo rogay dadka u dhashay Itoobiya ee sharci la’aanta ku jooga Garoowe, isagoo faray in ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan magaalada. PUNTLAND POST The post Duqa Garoowe oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta Qunsuliyada Itoobiya ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  22. Balcad (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulan sanadeed lagu qabtay gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Xaadoole ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday xaaladda ka taagan duleedka degmada Balcad, isaga oo sheegay inay soo buux dhaafiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Xildhibaanka ayaa xusay in Al-Shabaab ay joogaan deegaanada u dhow Balcad, isla markanaara ay halkaas ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo weeraro beegsi ah. “Waa kan isgoyska Gololey, Xawaadley, Shanlow iyo Dhagaxow ayay joogaan Al-Shabaab, waana Balcad afkeeda, meesha la yiraahdo kulanka haddii aad dhaafto igaarta waa lagu dilayaa” ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole oo ka hadlay shira ka dhacay Shabeelah Dhexe. Cismaan Xaadoole ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay hubka qaataan, isla markaana ay iska dhiciyaan Al-Shabaab, si looga hortago abaabulka ay ka waddo halkaasi. “Shalay waxaa laga soo raacdeeyay ninka la yiraahdo Muriidi Xasan Gurey ee Cadowgaas ma dheer yahay? yaanan ugu simin diyaarad iyo milatari ee aan aniga ku shahaadno aana iska celinayo” ayuu sii raaciyay xildhibaanku. Waxaa kale oo uu ballan qaaday in dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle ay ku garab istaagi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab. “Beesha aan baarlamaanka ku metelo dhul kama heystaan kooxaha Khawaarijta ah, hadana waxaan diyaar u nahay in dowladda aan ku garab istaagno xoreynta deegaanada kale ee dalka.” ayuu mar kale yiri Cismaan Xaadoole oo horay u ahaa sarkaal ciidan. Si kastaba, HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii 1-aad ee dagaalka, balse mar kale ayay u muuqataa in kooxda ay kusoo rogaal celisay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. The post Daawo: XAADOOLE oo war culus kasoo saaray Shabaab-ka soo buux dhaafiyay Balcad appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil Mareykan ah ayaa shaaca ka qaaday in ay meesha ka baxeen dhammaan guulihii ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen Al-Shabaab markii dagaalka lagu qaaday kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in lixdi bil ee la soo dhaafay ay Al-Shabaab dhinaca kale ugu rogeen guulihi ay ciidanka Milatariga Soomaaliya ka gaareen howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab. Arrintan ayaa ka dhigan in dagaalka cusub ee dowladda ay qorsheyneyso inay ku qaado kooxda uu ka dhigan yahay mid cusub oo hadda iyo kow ah. Saraakiisha difaaca Mareykanka waxay kale oo sheegeen, in tirada maleeshiyaada Al-Shabaab ay hadda dib ugu soo laabatay tiro u dhaxeyso 12,000 ilaa 13,000 oo dagaalyahan. Kororkaasi ayay sheegeen inuu dhacay kadib marki ay Al-Shabaab xoojisay isku daygeeda dhallinyarada ay qorato iyo dhaqaalaha soo galo kooxda, iyaga oo si gaar ah uga faa’iideystay is-afgaradki horraanti sannadkaan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo marki danbe keenay inuu xumaado xiriirka diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Mareykanka ayaa horey uga digay in Al-Shabaab ay is-afgaradkaas u adeegsan karto in ay ku qoroto dhallinyaro cusub, waxaana hadda muuqata in ay sidaas dhacday ayaga oo ka dhaadhicinaya dhallinyarada in ay dalkooda ka difaacan cadowga soo jireenka ah. Dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku haysay Al-Shabaab ayaa hadda hakad ku jira muddo sanad ku dhow, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mashquulay arrimo kale oo aan sidaas muhiim u aheyn. Xogta qaar ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay wajahday dhaqaale xumo, ayna awoodi waysay lacag ay ku maal-geliso dagaalka, taasi oo keentay hakadka ku yimid. The post Mareykanka oo shaaciyey xog niyad jab ku ah dowlada Soomaaliya – Maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.
  24. Bariire (Caasimada Online) – Taliska howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa saldhigga deegaanka Bariire ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah qorshaha ku aadan bixitaanka ciidamadan oo hadda ku socdo si tartiib ah. Munaasabad ka dhacday Bariire ayaa waxaa si rasmi ah saldhigga loogu wareejiyay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay mas’uuliyadda amniga. Si gaar ah waxaa ATMIS saldhigga ugala wareegay sarkaal lagu magacabao Muxudiin Axmed, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo munaasabadda uga mahadceliyay taliska ciidanka Midowga Afrika ee muddada joogay halkaasi. ATMIS ayaa saldhiggan oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoos gacanta ku haysay tan iyo sanadkii 2019, waxaana ay sheegtay inuu leeyahay muhiimad istiraatijiyad ah, maaddaama uu yahay goob difaac ah oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan Muqdisho Taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in mudaddii ay joogeen halkan wax badan ka qabteen Bariire, isaga oo u rajeeyay ciidamada dowladda inay gaaraan guullo kale oo waa wayn. “Wareejinta saldhiga ciidamada Bariire kaliya ma ahan wareejinta hantida maguurtada ah, balse waxay astaan u tahay horumarka aan si wadajir ah uga sameynay howlgalka aan wadaagno,” ayuu taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii garab istaagi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, si uu amniga dalka ugu guuleysto mustaqbal dhow, maadaama ay ka baxayaan dalka. “Waxaan si wadajir ah uga shaqeyn doonaa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd mustaqbal ifaya, kaasoo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam, iyo hadafka guud ee ah in la helo nabad waarta,” ayuu yiri Mbuusi oo si rasmi ah u wareegjiyay saldhigga deegaanka Bariire ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka. The post Ciidanka xoogga oo si rasmi ah ATMIS ugala wareegay saldhig istiraatiji oo ku yaala… appeared first on Caasimada Online.