Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia's government is seeking to slow the withdrawal of African peacekeepers and warning of a potential security vacuum, documents seen by Reuters show, with neighbouring countries fretting that resurgent al Shabaab militants could seize power. Source: Hiiraan Online
  2. Hoggaamiyaha ururka Xisbullah ee Lubnaan Xasan Nasrallah ayaa sheegay inay diyaar u yihiin duulaan kasta oo uga yimaada Israel, isagoo sidoo kale digniin u diray dowlada Jasiiradda Qubrus (Cyprus) oo uu sheegay inay gacan siinayaan Israa’iiliyiinta. Digniinta kasoo baxday hogaamiyaha Xisbullah ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii ururkaasi uu soo bandhigay Muuqaal 10 daqiiqo ah oo ay diyaaradahooda sirdoonka ee Drone-ka ay kasoo qaadeen saldhigyada militariga Israel iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaal gudaha magaalada xeebta saaran Xayfah, taasi oo muujineysa in difaaca cirka Israel uusan awood u lahayn inuu xakameeyo dhaq dhaqaaqa diyaaradaha dronka ee Xisbullah. Nasrallah ayaa sheegay in hadii Israel kusoo duusho Lubnaan ay bilaabi doonaan dagaal aan wax xad ah lahayn isagoo sheegay inay heegan ugu jiraan ciidamo ka badan 100 kun oo askari, wuxuu intaasi ku daray in ay heystaan hub ku filan oo ay qaarkood gacantooda ku sameysteen. Wuxuu hogaamiyaha Xisbullah ku eedeeyey jasiirada Qubrus inay saldhigyadooda cirka iyo badda ay u fasaxeen militariga Israel, taasi oo ka dhigan in maamulka Qubrus uu qeyb ka noqon doono dagaalka ayna jawaab ka bixin doonaan hadii uu bilowdo dagaalkan laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo Israel iyo Xisbullah. Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo bishii Oktoober ee sanadkii hore is dhaafsanayey duqeynmo ay ku dhinteen in ka badan 400 qof, xisbullah ayaa sheegtay inay wadi doonto duqeymaha Israel inta uu socdo duulaanka iyo xasuuqa ay ku wado Gaza. Maamulka Israel ayaa shalay shaaca ka qaaday inay hada qorsheenayaan duulaan ay ku qaadaan dalka Lubnaan, arrintaasi oo soo dadajisay jawaabta kasoo baxday Xisbullah. Xiisadan sii xoogeysaneysa ayaa kusoo beegantay xili Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Lubnaan uu safaro ku tagay Lubnaan iyo Israel si loo qaboojiyo xiisada, safarkaasi oo u muuqda mid lagu fashilay. Source
  3. Taangiyada Israa’iil oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aanan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drones-ka, ayaa kusii siqay gunta dhinaca galbed ee degmada Rafax ee koofurta Marinka Gaza. Saraakiisha caafmaadka iyo dad goob joog ah ayaa sheegay in ciidamada Isra’il ay Arbacadi shalay Rafax ku dileen ugu yaraan siddeed qof, kuwaas oo intooda badani ku dhintay madaafiicda cirka iyo kuwa taangiyada ee ay labeegsadeen xaafadda Al-Mawasi. Al Mawasi oo u dhaw dhinaca xeebta Gaz ayaa waxaa u qaxay boqollaal kun oo qoys oo ka cararay Rafax, kaddib weerarki ay ciidanka Isra’il ku qaadeen Rafax. Dadka xaafadda Al-Mawasi ayaa sheegay in ciidanka Isra’il ay gubeen dhowr guri oo ku yaalla galbeedka Rafax, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan kala bar dadka rayidka ah ee u qaxay Rafax. Duqeymo kale oo ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameedsadeen koofurta Gaza Arbacadi shalay, ayay ku dileen ilaa 12 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay wakaaladda wararaka ee Reuters u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka. Dadka lagu dilay duqeyntaasi ayaa la sheegay in ay sugayeen kolonyo gaadiid ah oo raashin gargaar ah u waday Gaza, kuwaas oo laga soo gudbiyay marinka Karem Shalom ee jidka Salaaxuddiin ee waqooyibari ee Rafax. Dagaalka ay Israa’iil ku qaadday Gaza oo soo billowday bishii October, kaddib weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Israa’iil, ayaanan u muuqan mid dhawaan soo gaba gaboobayo, kaddib marki ay fashilmeen dhowr isku day oo lagu rabay in xabbad-joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas. Source
  4. Sanadkaan dadka ka tagay Soomaaliya ee gudanaayay xajka waxay ahaayeen 11,500 sida uu sheegay agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim oo BBC-da u warramay, aduunyadana 1.83 milyan oo ruux wax ka badan ayaa tagay xajka. Balse kulaylka darran ee sanadkaan ka dhacay Sacuudiga ayaa sababay dhimashada xujeey gaaraya 550 ruux, waxaana la sheegay in Soomaali ay ka mid tahay dadka dhintay. Dadyoow badan oo kale ayaana sidoo kale la’a eheladooda oo aaday xajka. Heer kulka cimilada ee Sacuudiga oo gaadhay meelsare ayaana sababay dhimashada faraha badan ee dadkaan. Wasaaradda diinta iyo awqaafka Soomaaliya ayaa BBC da waxa ay la wadaagtay inta ay la egtahay tirada dadka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday kulayka sanadkaan, inkasta oo ay sheegtay wasaaraddu in mid kami dihi ku dhintay shil dhacay. ‘‘Xujeyda Soomaaliyeed waa badqabaan way fiicanyahiin, lix xaaji baa dhimatay, inta hadda la xaqiijiyay waa lix qof sabaha dhimashada hal qof unbaa shil ahaa” Ayuu yidhi agaasimaha Wasaaradda diinta iyo awqaafta Maxamed Xaaji Ibraahim oo ka war bixinaya xaaladda xujeyda Soomaaliya ee sanadkaan. “Dadka cimilada kulaylaha ka yimid oo dalkoodu yara kulaylaha iska ahaa, adkaysigoodu waa badnaa,” ayuu dhahay Maxamed Xaaji Ibraahim oo aaminsan dadka Soomaalida ah ee sanadkaan xajka ku dhintay in ayna keliya kulayle bas ah u dhiman. In ka badan 550 qof ayaa ku dhimatay sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP, illaa iyo hadda dadka lama shaacin wadamada ay sida tooska ah ugasoo kala jeedaan balse diblumaasiyiin Carab ah oo wakaalada wararka ee AFP u warramay ayaa sheegay in dadkaas 323 qof oo kamid ah ay kasoo jeedaan wadanka Masar 60 kalena ay u dhasheen dalka Jordan. Wadamada Induneesiya, Iraan, Sinigaal, Tuniisiya iyo gobolka isxkuma ee Kurdistaan ayaana sidoo kale sheegay in ay jirto geeri dadyoowgii halkaas kasoo xajiyay ah. Waloow tirada rasmiga ah ee halkaas kaga dhimatay xajka ayna qeexin. Diblumaasi Aasiyaan ah ayaa AFP u sheegay in ay jiraan dad ku dhow 68 qof oo kasoo jeeda Hindiya oo dhinatay kuwo kalena illaa haddeer la la’ yahay. Dowladdu Sacuudigu mayna bixin xogo ku saabsan dhimashada laakiin waxay werisay in ay jiraan in ka badan 2,700 oo dhacdo oo dad kulayl soo ritay ah. Sanadkii lasoo dhaafay tirada xujayda ku dhimatay gudashada xajka ayaa kor u dhaaftay 200 oo qof, kuwaas oo badidood ay ka imaadeen dalka Indoneesiya. Sanadkii lasoo dhaafay sida uu warsaxaafadeed ku sheegay wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Soomaaliya Mukhtaar Rooboow, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay xajka ugu yaraana 60 kalena waa ay ku xanuunsadeen kulaylkii jiray.. Xilligaas wuxuu ku tilmaamay dhimashadaas mid aan badnayn marka loo eego tirada guud. Wadamada caalamka ee Islaamka ayaa sanadkaan waxaa isaga kala yimid 1,833,164 qof oo doonayay in ay sanadkaan gutaan rugniga xajka .221,854 qof oo dalka Sacuudiga gudahiisa ka yimid ayaana ka mid ah xujayda sanadkaan. Halka 1,611,310 oo kale ay ka kala yimaadeen dunida kale ee Soomaaliya ku jirto. Dadkaas sanadkaan gudanaaya xajka 958,137 oo ka mid ah waa rag halka 875,027 ee kalena ay yahiin dumar, sida ay baahisay dawladda Sacuudi Carabiya. Tiro ay dawladda sacuudigu ku sheegtay 4,714 oo kamid ah dadkaas xujeyda ah ayaa ku yimid dalka Sacuudiga gaadiidka badda, 60,251 qofna waxay kasoo galeen jidadka dalalka kale kasoo gala, halka 1,546,435 oo dadkaas ka mid ahina ay kasoo galeen Sacuudiga garoomada diyaaradaha. 63.3% kamid ah dadkaasi waxay ka yimaadeen wadamada dhaca qaaradda Aasiya ee aan kamid ahayn carabta, 11.3% waxay ka yimaadeen wadama qaaradda Afrika e aan ka tirsanayn jaamacadda Carabta, halka 3.2% dadkaasi ay ka yimaadeen Yurub, koonfurta iyo Waqooyiga Ameerika iyo Australia. Xilliga gudashada acmaasha xajka ee sanadlaha ah ayaa aalaaba la soo tabiyaa geeri ku timaada xujeyda qaar inkasta oo sababuhu kala duwanaadaan marar badan. Source
  5. Garowe (HOL) - Puntland regional state of Somalia refuted reports indicating that the Islamic State poses a growing threat in Puntland following a recent U.S. airstrike targeting the group's leader in Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Filibiin ayaa ku eedaysay Ilaalada Xeebaha Shiinaha inay u dhaqmaan sidii burcad-badeed, iyadoo sheegtay in ciidan ku hubaysan mindiyo iyo warmo ay qalqal geliyeen maraakiibtooda iska horimaadkii ugu dambeeyay ee badda lagu muransan yahay ee Koonfurta Shiinaha. Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida General Romeo Brawner ayaa sheegay in falkani uu dhacay 17-kii Juunyo, iyadoo askarta Filibiin ay isku dayayeen in ay dib u soo celiyaan badmaaxiin ku sugan badda Sierra Madre, oo Manila ay maamulaysay tan iyo sanadkii 1999-kii. “Ilaalada Xeebaha Shiinaha waxay ciidankeena kula dagaalameen gacmo qaawan,” ayuu ku Taliyaha Ciidanka Filibiin ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Wuxuu intaa ku daray”Annaga ayaga ayaa naga tiro badnaa, hubkooduna wuxuu ahaa lama filaan, balse ciidankeenu waxay ku dagaalameen wax kasta oo ay haystaan.” Filibiin ayaa sheegay in mid ka mid ah badmaaxayaashooda uu si xun ugu dhaawacmay, doomahana ay waxyeelo soo gaartay. Taliyaha ciidanka ayaa tilmaamay in ilaalada xeebaha shiinuhu ay u dhaqmeen sidii burcad badeed, isagoo tibaaxay in cidda keliya ee burburinta maraakiibta, dhibaataynta badmaaxyada, iyo waxyeelaynta qalabkoodu ay tahay burcad badeed. Soohdin biyeedkan lagu muransanyahay oo la yiraahdo badda koofurta shiina ayaa waxaa isku haysta dalalka shiinaha, taywaan, Filibiin, Maleesiya, Vietnam iyo Bru Source: goobjoog.com
  7. Warbixin kasoo baxday Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in duqeymaha Israel ay ka waddo Gaza “laga yaabo in ay si isdaba joog ah u jebiyeen mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciyada dagaalka.” Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in baaritaan lagu sameeyay ilaa lix duqeyn oo cirka ahaa oo ay ciidamada Isra’il ka fuliyeen Gaza inti u dhaxeyay bilihii October iyo December ee 2023-ki, lagu xaqiijiyay dilka in ka badan 200 oo ruux. Duqeymahaas ayay warbixintu sheegtay in lala beegsaday dhismooyin ay shacab daganaayeen, iskuulli, suuqyo iyo xerooyin qaxooti oo dhammaantood ku yaalla Gaza. Madaxa xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM Volker Türk ayaa sheegay in ay u muuqatay in Israa’iil aysan samayn isku day ah in ay si wax ku ool ah u kala soocado rayidka Falastiiniyiinta iyo dagaalyahanada Xamaas. “Nolosha rayidka iyo kaabayaasha waa la ilaaliyaa” marka loo eego sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, ayuu yiri Turk. “Sharcigani waxa uu si cad u qeexayaa waajibaadka cad ee dhinacyada iskahorimaadyada hubeysan ka saaran in ay mudaanta siiyaan dhowrista rayidka.” Source: goobjoog.com
  8. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa sheegay inuu dib u habeyn ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda, islamarkaana wax badan laga badeli doono. Wasiir fiqi ayaa faray dhammaan danjireyaasha muddo howleedkooda safaaraduhu idlaadeen in xarunta Wasaaradda loogu soo celiyay, laguna kala meeleeyo waaxyaha, machadka iyo xafiisyada maamul ee Wasaaradda. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay Danjireyaal isugu jira safiirro, qunsulllo, iyo ergooyin joogto ah, kuwaas oo muddo howleedkoodii safaaraduhu ay soo dhammaadeen oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay ku dhawaad 10 sanadood Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalalka caalamka qaarkood u fadhiyeen. Wasiir Axmed Fiqi ayaa tilmaamay in la dardargelin doono shaqada safaaradaha, loogana baahanyahay inay hore u socod sameeyaan, isagoo caddeeyay in safaaradaha iyo qunsuliyadaha guud ay yihiin xarumo dowladeed oo u adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, lagana dhowrayo sare u qaadidda howl-gudashada. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay xeeldheereyaasha iyo aqoonyahannadu dowladda ugu baaqeen inay danjireyaal tayo leh u dirsato golahaas iyo guud ahaan dunida si ay uga Faa’iidaysato xubinnimadeeda, islamarkaana ay u xoojiso saameynteeda diblumaasiyadeed. Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kulanka oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Kulankooda ayey diiradda ku saareen xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha, xilligaan oo Soomaaliya soo kabasho ay ku jirto. Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika, waxaana uu kamid yahay madaxda ugu xukunka dheer. Source: goobjoog.com
  10. London, UK (HOL) — An employment tribunal has ruled that used car seller Stellantis & You discriminated against two sales advisers, who were subjected to racial slurs, including being called a "Somali pirate" and a "Black bastard." Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — Bilan, Somalia's only all-women news team, has won the 2024 One World Media Press Freedom Award, marking the first time a Somali media team has received this prestigious honor. The award recognizes Bilan's courageous and groundbreaking reporting over the past two years. Source: Hiiraan Online
  12. Djibouti (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on Wednesday to meet with his counterpart, Ismail Omar Guelleh. Source: Hiiraan Online
  13. Afhayeenka ciidanka Israa’iil, Daniel Hagari ayaa xalay si layaab leh u qirtay in aysan suragal ahayn Israa’iil inay burburiso oo meesha ka saarto Xamaas. Wuxuuna ku sheegay waraysi uu siiyay telefishinka Israa’iil ee Channel 13 ; “Xamaas waa fikrad, mana dhimato fikrada, waxayna ku jiraan quluubta Falastiiniyiinta… wayna nagu adagtahay in aan meesha ka saarno.” Wuxuu intaa ku daray “Marna ma soo celin karno dhammaan dadka la afduubay annagoo adeegsanayna qaab ciidan … Qiimaha aan ku bixinay dagaalkan waa mid aad u sarreeya…marna ma aamusi karno.” Hadalkaasi wuxuu gilgilay Israa’iil, iyadoo oo uu soo baxay Netanyahu oo sheegaya ; “Burburinta Xamaas waa hadafka dagaalka…ciidamada Israa’iilna waxaa ka go’an inay gaaraan hadafkan.” Wargeysyada iyo telefishinnada Israa’iil ayaa hadda ka dhigtay ciwaannada kore ee wararkooda , soo shaac bixista khilaaf u dhaxeeya militariga iyo Netanyahu. Tan ayaa sare u qaadaysa doodda Israa’iiliyiinta , gaar ahaan qoysaska maxaabiista oo sheegaya in Netanyahu uu dagaalkan u dheereynayo si indho la’aan ah, sababo u gaar ah oo uu ku doonayo inuu kursiga ku sii joogo. PUNTLAND POST The post Afhayeenka ciidanka Israa’iil oo sheegay in aysan ka adkaan karin Xamaas appeared first on Puntland Post.
  14. Italian coast guard officials and U.N. agencies said eleven people died and more than 60 were missing following two migrant shipwrecks off Italy's southern shores. Source: Hiiraan Online
  15. The UN World Food Programme (WFP) said Wednesday that it received a substantial donation of $37 million from the US for crucial food and nutrition assistance to refugees in Kenya. Source: Hiiraan Online
  16. Germany beat Hungry 2-0 to top Group A in Euro 2024 while Albania held Croatia to a 2-2 draw through Klaus Gjasula's equalizer in injury time. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay arrimaha Xajka ee Sanadkan oo Soomaaliya ay ka tageen 11,500 oo Xaaji, waxayna shaacisay tirada rasmiga ee ka geeriyootay Xujeyda Soomaaliyeed. Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo diinta xukuumadda Soomaaliya Khadar Daahir oo shir jaraa’id qabtay ayaa xaqiijiyay dhimashada illaa lix Xaaji oo isugu jiro rag iyo dumar, kuwaas oo laba kamid ah aygeeriyoodeen intii lagu guda jiray Xaja, labada kalena ay dhinteen kahor. Khadar Daahir ayaa tilmaamay in Xujeyda geeriyooday ay qaarkood ahaayeen dad da’ah, sidoo kalena ay xanuunsanaayeen, wuxuuna tacsi u diray ehelladooda. “Tirada dhimatay oo Xujeyda Soomaalida sanadkan ka geeriyootay waa lix Xaaji saddex rag ah iyo saddex dumar ah waxaa ku jiray dad da’ah oo xanuuno qabay” ayuu yiri Khadar Daahir oo ah madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo Diinta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuy intaasi sii raaciyay “Xujeydaasi laba kamid ah Xajka inta aan la galinin ayay geeriyoodeen, afarta kalena inta Xajka lagu guda jiray ayay geeriyoodeen” Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in marka la eego dhimashada guud ee sanadkan ka dhacday Xajka ay aad u badnayd, sababo la xiriirka kulaylka daran ee ka jira dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, balse ay ka nabad qabeen Xujeyda Soomaaliyeed. “Dhimashada xoogga badan ee aadka u fara badan ee la sheegayo ay sabab u tahay qorraxda maalintii ah arrintaa Xujeydeyno aadbey uga nabad qabeen” ayuu mar kale yiri Khadar Daahir. Xajka waxaa sanadkan tirada dhimashada ay gaartay 550 Xaaji, waxaana sababta lagu sheegay kulaylka daran ee ka jira Sacuudiga oo heerkulkiisu gaarayay 51.8 Eegrees Celsius. The post DF Soomaaliya oo shaacisay tirada Xujeyda sanadkan ku geeriyootay XAJKA appeared first on Caasimada Online.
  18. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelel Cali Guudlaawa ayaa lagala wareegay mashruuc muhiim ah oo hay’adaha Qaramada Midoobe ay ka fulinayaan gobolka Shabeellaha Dhexe kadib faro-gelin ka timid xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Mashruuca Jowhar offstream Storage Programme (JOSP), oo loogu talo-galay in biyo xireeno iyo kanaalo looga sameeyo webiga Shabeelle ee mara gobolka ayaa waxaa wejigiisa koowaad ku kacaya $165 milyan, isagoo guud ahaan ay ku bixi doonto $250 Milyan. Waxaa mashruuca maal-gelinaya USAID iyo UKAID, waxaana fulinaya shan hay’ad oo kal ah FAO, IOM, UNIDO, UN Habitat, UNEP. Mashruucan ayaa waxaa ka wada shaqeeyey diyaarintiisa maamulka HirShabeelle iyo hay’adaha maal-gelinaya, waxaana si buuxda gacanta ugu hayey xafiiska madaxweyne Guudlaawe, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Hase yeeshee, xilli la filayey in Guudlaawe uu magacaabo mas’uulka maareyn lahaa mashruuca, ayaa waxaa soo faro-geliyey shaqsiyaad ka tirsan xafiiska Xamza, gaar ahaan Axmed Nuur Uleex oo ay qaraabo yihiin ra’iisul wasaaraha. Ahmed Nuur Uleex wuxuu hore ugu fashilmay in ninka la magacaabay uu geeyo mashruuca, waxaa taas ka diiday wasiirkii hore ee Beeraha iyo Daaqa Hon. Axmed Madoobe Nuunow, isagoo markii dambe xilkiisa ku waayey. Kadib, ayaa waxaa wasiirka Beeraha iyo Daaqa loo soo Magacaabay Maareeye oo xariir fiican uu kala dhaxeeyo Axmed Nuur Uleex oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Xasan Cali Kheyre. Maareeye ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu ka dhaadhiciyey hay’adaha fulinaya mashruuca in wasaaradda beeraha federaalka la hoos keeno mashruuca, loogana soo wareejiyo HirShabeelle, taasi oo lagu guuleystay. Arrintaas waxaa Maareeye iyo Uleex kala shaqeeyey saaxiibkood Yaxye Cali Hareeri oo ay ka wada tirsanaayeen team Xasan Cali Kheyre. Yaxye oo la taliye ugu magacaaban Madaxtooyada HirShabelle ayaa qeyb weyn ka qaatay in mashruucan la hoos geeyo federaalka. Axmed Nuur Uleex (bidix) iyo Yaxye Uleex ayaa kadib wasiirka beeraha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) u gudbiyey nin ay isku beel yihiin oo lagu magacaabo Mohamed Salah Abdi oo ka soo jeeda waqooyi bari Kenya, si loogu magacaabo agaasimaha mashruuca, sida ku cad warqadda magaaabista oo ay heshay Caasimada Online. Arrintan ayaa ka careysiisay maamulka xafiiska madaxtooyada HirShabeelle oo sanado badan ka soo shaqeynayey diyaarinta mashruuca. Waxaa sidoo kale la-yaab ku noqotay in nin aan deegaanka ka soo jeedin oo aan aqoon u laheyn hab qabiil loogu gacan geliyo mashruuc u baahan wada-shaqeynta iyo isku xirka bulshada deegaanka. Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo lagu yaqaan inuu yahay nin dabacsan oo aan go’aan adkeyn ayaan illaa hadda wax tallaabo ah qaadin, si uu isaga caabiyo faro-gelinta ka timid xafiiska ra’iisul wasaare Xamza. Siyaasiyiin iyo dad kale oo deegaanka ah oo marar badan kula taliyey inuu arrintan ku gacan sayro ayaa laga soo xigtay inuu u sheegay inuu la-tashi ka sameynayo, balse sida muuqata ay noqon doonto xilli dambe marka uu go’aan qaato, haddiiba ay dhacdo. Xafiiska Xamza ayaa faro-gelin xooggan ku haya maamul goboleedyada qaarkood iyo inta badan wasaaradaha dowladda, ayada oo mashruucyo badan sidan oo kale looga soo wareejiyey. The post Xog: Xafiiska R/W Xamza oo mashruuc muhiim ah ka afgambiyey Cali Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
  19. Dowladda Canada ayaa liiska argagixisada ku dartay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), sida uu ku dhawaaqay wasiirka Amniga Dadweynaha Canada, Dominic LeBlanc. Ku dhawaaqistan ayaa ka dhigan in ay xiri doonaan laamaha sirdoonka Canada , dadka ku sugan gudaha dalkooda ee lagu helo inay taageeraan IRGC, si la mid ah waxay xayiri doonaan hantida ciidankan. Ilaalada Kacaanka Iran , waa ciidanka ugu sarreeya Iran, tan oo ka dhigan inay Canada u aqoonsanayso argagixiso ciidamada ugu awoodda badan ee uu dal leeyahay. Tallaabadaasi ayaa sare u qaadaysa xiisadda reer galbeedka iyo Iran. Si cad Iran ayaa qaadi doonto tallaabooyin tan la mid ah oo liiskeeda argagixisada ay ugu dari karto militariga Canada. PUNTLAND POST The post Dowladda Canada oo liiska argagixisada ku dartay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran appeared first on Puntland Post.
  20. The Ethiopian government has announced its intention to implement the agreement previously signed by the President of Somaliland and the Prime Minister of Ethiopia, which involved Ethiopia recognizing Somaliland and it providing it with a port and naval base. The Minister of Foreign Affairs of the Federal Government of Ethiopia, Tarekegn Bululta, stated that Ethiopia would become the first country to officially recognize the self-declared republic of Somaliland. In a statement released by the minister, he expressed confidence that his country would soon recognize Somaliland, indicating their readiness to fulfill the terms of the MoU agreement reached by both sides. Minister Tarekegn Bululta also said that the Ethiopian government’s allies in the economic and military fields will agree with the decision of Ethiopia to recognize Somaliland The Somali government strongly opposes Ethiopia’s desire to acquire a Somali-owned maritime territory, and the former government has taken diplomatic measures against the Ethiopia-Somaliland agreement SD Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 9 eedeysane oo loo heysto falal isugu jira dil, dhaawac iyo dhac ay u geysteen dadweynaha ku nool caasimadda Muqdisho. “Eedeysanayaashaan waxaan ku jira shabakado abaabulan, waxaa ku socota baaris, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Ragga lasoo bandhigay qaarkood waa odayaal, sidoo kale intooda badan waxay ku hubeysan yihiin tuutaha ciidamada dowladda iyo qoryo AK 47 ah. Ragga qaar waxaa loo heystaa dilal, balse lama shaacin cidda ay dileen iyo sababta ay u dileen, si gaar ah ninka ugu weyn iyo kan ugu yar ayaa loo heystaa dilalka. Sidoo kale ragga qaar waxaa lagu shaaciyey qoraalkaan inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda, gaar ahaan militeriga. Sawirrada 9-kaan eedeysane oo magacyadooda iyo dunuubta loo heysto lagu soo dul qoray ayuu baahiyey booliska Soomaaliya oo gacanta ku haya ragaas. Muddooyinkii dambe booliska Soomaaliya ayaa go’aansaday in la fadeexeeyo oo bulshada loo soo bandhigo qofkii qalad gala ee muteysta xarig, waxaana lagu sawiraa astaanta booliska isagoo maxbuus ah, waxaana bulshada lala wadaagaa dembiga loo heysto. Hoos ka eeg sawirrada ragga lagu soo qabtay dhaca dadweynaha Muqdisho. The post Sawirro: Askar Muqdisho ka gaystay dil, dhaawacyo iyo dhac oo la soo bandhigay appeared first on Caasimada Online.
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalanad Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis. Axmed Madoobe oo wareegto soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay Baardheere, isaga oo xilal kii ka qaaday mas’uuliyiintii hore ee degmadaasi. Aadan Muxumed Axmed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Baardheere, halka ku xigeenna loo magacaabay Mudane Saleebaan Cabdi Badal, sida lagu sheegay wareegtada. “Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay” ayaa lagu yiri wareegtada soo kasoo baxday xafiiska Axmed Madoobe. Hoose ka akhriso:- MADAXWEYNAHA JUBALAND OO MAGACAABAY GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE. UJEEDDO: MAGACAABIS GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE. Tix-raac: XM/DGJS/066/2024 Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad, Qodobka 72 aad, Farqada (5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida Golaha Fulinta. Markuu latashaday Madaxweyne Ku-xigeenada Dowladda Jubaland. Wuxuu u magacaabay Mudane Adan Muxumed Axmed Gudoomiyaha Degmada Baardheere. Waxaa kale oo Madaxweynahu u Magacaabay Mudane Saleeban Cabdi Badal Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baardheere. Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay. DHAMMAAAAD. The post Axmed Madoobe oo maanta qaaday tallaabo cusub kadib… appeared first on Caasimada Online.
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil Maraykanka ah, waxaa sii kordhaya khatarta ay leeyihiin Daacishta Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in ay hoy u noqoneyso hugaamiyaasha caalamiga ah ee ururkan argagixisada ah. Warkaan ayaa ku soo aadaya xilli dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay duqaymo ka fuliyeen buuraha ay ku sugan yihiin kooxdaas, ee ku yaalla bariga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ay sheegeen dhawaan, in ay mid ka mid ah weeraradii dhinaca cirka ahaa ee lagu qaaday kooxda lagu bartilmaameedsaday ninka ugu sareeya kooxda garabkooda Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin. Balse ilaa iyo haatan ayaan jirin cid si madax banaan u xaqiijin karta nolosha ama geerida hugaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka qaybtooda Soomaaliya. Sarkaal sirdoon oo xog badan bixiyey Sarkaal horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland, oo naga codsaday in aynaan magaciisa baahin ayaa sheegay in awoodda kooxda Daacish ay isi soo tareysay tani iyo sanadkii 2018 kii, ayna saldhigteen buuraha Cal-bari, halkaas oo ay dagaalo adag kula galeen ururka al Shabaab ee xulufada la ah al Qaacida. Tan iyo sanadkii 2023 dii ayaa waxa uu sheegay in ay socdeen dagaaladaas, kadibna ay xaqiijiyeen in ay heli karaan aag amni ah oo ay si nabdoon ku joogi karaan madaxda ururka ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay sarkaalkaan in khatarta ugu wayn ee Daacishta Soomaaliya ay ahayd dagaallo uga imaan kara dhanka Shabaabka oo ay ka awood roonaadeen, sidaas daraadeedna ay haatan ku jiraan xaalad xasiloon oo u suuragalin karta in madaxdoodu ay si amni ah ku joogi karaan buuraha. Axmed Kaboole oo isna ka faalooda amniga Soomaaliya ayaa waxa uu qabaa in buuraha Puntland ay haatan yihiin halka ugu adag ay heli karaan kooxdu, ayna mar walba iyaga oo ka soo talaabaya dhinaca badda ay madaxdooda Bariga dhexe ku soo jabay ay imaan karaan Soomaaliya. “Saldhig waxay u yihiin bariga Afrika maadaama ay ku soo jabeen Siiriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Kaboole. Dhanka kale sarkaalkaan horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland ayaa sheegay in xogaha sirdoon ee uu hayo ay sheegayaan in tirada ugu badan ee xubnaha kooxda ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin ajanabi. “Nimankaan Daacish…boqolkiiba in ka badan ama ku dhaw lixdan waa ajaanib, ma aha Soomaali”, ayuu yiri sarkaal oo ka hadlayay Daacishta ku sugan aagga Puntland. Marar badan ayuu dawlad goboleedka Puntland aad isugu dayay in ay ka sifeeyaan buuraha ay uga sugan yihiin deeganadooda sida uu sheegay sarkaalku balse uma aysan suuragalin. “Dagaalo badan bay xitaa la galeen ciidamada [Puntland], ilaa saddex dagaal baa la galay xilligaan Deni,” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlayay BBC da. Kooxda ayaa sidoo kale waxay dhaqdhaqaaqyo ka sameysaa Koonfurta Soomaaliya, iyada oo marar badan sheegatay qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ururka ayaa sidoo kale weeraro uu ka gaystay deegaanada gobolka Bari gaar ahaan caasimadiisa Boosaaso waxa uu ku dilay ganacsato badan, sarkaalka ayaa sheegay in weeradaas kadib ay dhaqaalo ka aruuriyeen deegaanka, kuwaas oo ay u adeegsadeen maalgalinta weeraro kale oo ay ka geysteen Soomaaliya. The post Sarkaal horey uga tirsanaa sirdoonka Puntland oo xog xasaasi ah shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta la hor keenay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo dilay Nabadoon caan aha aiyo askari ka tirsanaa booliska Soomaaliya, dilalkaas ayaa ka dhacay Muqdisho, waxaana maqan 3 nin oo kale oo dilalkaas wax ka geystay. Cabdi Cabdulqaadir Maxamed ayaa lagu magacaabaa dilaaga maanta la maxkamadeeyey, waxaana yaab leh sida ay dilalkaas u geysteen, maadaama ay isticmaaleen aalado casri ah, si ay u raadsadaan dadka ay dilayaan. Google Map, waa aalada ay adeegsadeen ragga uu ku jiray ninkaan maanta la maxkamadeeyey iyo ragga maqan, in la qabto Cabdi waxaa fududeeyey dhaawac soo gaaray markii ay dilka geysanayeen. “Nabadoon iyo askari istaaf u ahaa ayuu dilay ninkaan, sidoo kale askari kale ayuu Ex control ku dilay, 3 qof dilkood ayuu qirtay ninkaan, Nabadoonka waxay ku dileen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho,” ayuu yiri Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada oo ninkaas dacwadda ku soo oogay. Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Nabadoonka xiliga la dilay uu gargaar u qeybinayey qoysas danyar ah oo ku nool duleedka Muqdisho, “wuxuu ahaa nin darajo iyo maamuus leh, halkaas wuxuu u tegay caawinta bulshada, wanigaa dilay nin dhahaya ayaa maanta na horfadhiya, arxan daradaas ayuu cadeystay Cabdi,” ayuu yiri. Sidoo kale waxaa la soo qabtay oo maxkamadda la hor keenay ninkii Mooto Bajaaj-ta ku qaaday Cabdi oo dhaawac uu u geystay askarigii la socday nabadoonka la dilay, kaas oo isna dhintay, waxaana la qabtay Mootada uu sii dhaafeysa Ceelsha Biyaha, si ninka Nabadoonka dilay loo fakiyo. Ninka waday Mooto Bajaaj-ta waxaa ku cadaatay in markiisii hore uu ka yimid Al-Shabaab oo waalidkiis ay u gadeen Mooto Bajaaj uu Muqdisho uga shaqeysto, balse si hoose ayuu ugu laabtay kooxdii, siu u ula shaqeeyo, wuxuuna deg deg ugu gurmaday ninkaan loo heysto dilkii nabadoonka oo dhaawac culus uu u geystay askari la socday nabadoonka oo isna halkaas ku dhintay. Hoos ka daawo The post Daawo: Fashilka dilalkii ay Shabaab u adeegsadeen Google Map iyo rag loo soo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  25. Mogadishu (HOL) — The extreme heat in Saudi Arabia during this year's Hajj has led to the deaths of 550 pilgrims, including six Somali nationals, according to the Ministry of Religion and Endowments of Somalia. Source: Hiiraan Online