-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bishii sagaalaad 2012 ayuu soo baxay buuga SOOYAAL, wakhtigaas usoo baxay waxaan ka mid ahaa dad tiro yar oo gorfeeyay una arkayay dhigane taariikheed horeba loogu baahnaa, walina waxaan aaminsanahay inuu yahay dhigane taariikh mug wayni ku duugan tahay oo dheeli tiray taariikhdii halka dhinac ahayd ee umada Soomaaliyeed lagu qulaamiyay. Buuga oo guud ahaan ku aroora Sayid M. Cabdalla Hasan iyo kooxdiisii daraawiisheed wakhtigaas uu soo baxay waxaa aad uga xumaaday qolooyin u dhashay Beesha Daarood oo naqdin dhaliilo ah kusoo qori jiray dagalka www.wardheernews.com sobobaha ugu badan ee ay buuga u dhaliilayeen waxay ahayd iyagoo difaacayay taariikhdii la majaro habaabiyay halka dhinacna ahayd ee laguna shubay Soomaali meel ay joogtaba wakhtigii Siyaad Bare. Sayid M Cabdale Hassan wuxu ahaa hogaamiye umadeed waxaanu lahaa dhaliilo iyo wanaag , labadiisii sifo wax waa laga qori karaa, Tognaantiisii in badan ayay qorayo Somaliyed ku talax tageen oo buunbuuiyeen, xataa ay gaadhsiin gaadheen Nabinimo. waxayse ka isko indho tireen sifiihiisii qaldanaa ee dad badan ku diidanaayeen, marka laga yimaado qoraayadii shisheeye. Buuga SOOYAAL wuxu dheelitir u noqday taariikhdii halka dhinac ahayd, waxa uu garnaqsi u noqday maatadii Sayidka iyo kooxdiisii daraawiish ay sida axmaqnimada ah u gumaaday, waxa uu garnaqsi u noqday dadkii xoolahadii inta la dhacay la xalaashaday, waxa uu garnaqsi u yahay dumarka uu sida xun ula dhaqmi jiray Sayidka iyo kooxdiisa Daraawiish, waxa uu garnaqsi u yahay bulshooyinkii Sheekh iyo shaariif lagu sheegay Gaalo-raac, dhiganuhu waxa uu soo bandhigay bulshadii Sayidka kasoo horjeeday inay jirtay sobobo ay uga soo horjeedsadeen oo ay ugu waynayd inay ka arki waayeen dhaqaan Islaam iyo mid Soomaali labadaba. ‘Muslimnimo nimaan kugu dhaqayn muuminimo khaas ah Gaal maxasta kuu dhawryadood magansataa dhaama’ Ahun Cali J. Haabiil. Taariikhdu asalkaba laba kooxood uunbay saamaysaa koox soo dhawaysa iyo koox ay la qadhaadhaato, inta badan ma dhacdo in taariikh laba dhinac wada raali galisaa, muhiimna maaha in iyadoo dhinac la tixgaliyo indhaha laga qarsado dhacdooyin run ah, waxaase muhiim ah in taariikhda jiritaankeeda la tix galiyo miisaanka qiimaynta, naqdinta, dhaliilasha ama soo dhawanaynta cabirka laga duulayaana uu ku arooro, Maxaa run ah maxaa been ah, maxaa caqliga ka fog oo male-awaala! Yaasiin Cisman Kenadiid waxaa uu buugiisa la yidhaa ”Ina Cabdille Xasan ela sue attivita lettetaria” Boga 245 aad ku qoray Gabay aad cay foolxun ah oo Sayid M. Cabdalle Hassan u tiriyay Caasha Kenadiid oo la dhalatay boqor Cismaan Kenadiid isla markana Sayidka u dhaxday; gabaygaasi waxa uu dhignaa sidan; ”Nimanyohow si daran buu qalbigu ii saddimayaaye Sirqadii uu dhalay keenadiid sawdka laga keenay Iyo silica ay tahay dhilladu waa si kala dheere Saadada intay caayi iyo subacyadii diinta Intay nimanka saalixiyada sare u keeneyso Sibiisheeda ay kala wadhwadhi sacabka may saar to Suyuceeda uri baa wadnuhu nala sureeraaye Sunnaadheeda waa lagu bakhtiyi madax sanbiilleeye Sanka waxa iga galay dooraday nagu sammuutaynne Siilkeedu saaxaha ka weyn sina qabaalleeye Waxay ugu saftaan sidii horweyn kaalin loo simaye Soddon dowlis baa lagu shubaa saacad iyo leyle Ilko suruqa bay leedihiyo foolal saawirahe Sanbab weeye ceedhin afkii suuliga ahaaye Sullankeed la naar waa waxay sabuhu dhuuqaane Waxa saarta soomaalidii saaruqa ahayde Sarkaalkiyo subeydaarradiyo sowjarkaa kuda e Maxaan siil qadhmuun kala hadlaa waaba saaniyade” Yaasiin Cismaan Kenadiid kama uu xishoon, indhana kama qarsan inuu kusoo daabaco buuugisa ”Ina Cabdille Xasan ela sue attivita lettetaria” tuduca kor ku xusan, Iyadoo gabadha gabayga lagu caayay ehelkiisa dhaw ahayd gaar ahaan edadii aabihii la dhalatay, sobobtu waxa weeyi waa taariikh dhab ah oo meel laga maraa aanay jirin, waa gabay run ah oo caqliga caadiga ah inama siinayo inuu qofka Edadii ka been sheego. Yaasin Cisman Kenadiid edadii Casha Kenadiid waxay ahayd dhibane uu Caayay wadaad mahdi sheegtay. Qof dhibane ah dhibkii loo gaystay in la qariyo iyadoo cid kale la raali galinayaa ama laga xishoodaa waa cadaalad indho xidhan, waxaanay dhiirigalin, garab iyo gashaan u noqonaysaa dulmi falaha! Buuga SOOYAAL waxa uu ka kooban yahay 224 bog, qoraagu waxa uu ku dadaalay hubinta taariikh walba jiritaankeeda, isagoo adeegsanaya tixraacyo, tixraacyada uu qoraagu kusoo xusay buuga gudihiisu waa 120 tixraac (Referene) oo kala duwan. ”Maan rag waa muducyo afkood” Ficil kasta oo qof sameeyo dadku waxa ku lagala kulmaan dhaliil ama bogaadin, Inta badan Buug kasta oo la qorona naqdin ayaa ka daba timaad, naqdintaasi waxay ukala baxdaa mid laga garaabo iyo mid la difaaco,Buuga SOOYAAL oo ka kooban 224 waxa uu kala siman yahay buugaagta kale, naqdintiisuna way banan tahay, waxaase ceeb ah buug ka kooban 224 bog in hal bog ama laba bog oo kusoo baxay nuqulkii koowaad loo gubo waxaa ka wanaagsan in halkaas bog iyo wixii kale ee naqdintooda laga garaabi karo la saxo daabacaada danbe. ka waran iyadoo cid la raali galinayo hadii la yidhaa Taariikhdii Siyaad Bare wanaagiisa uun hala qoro hana la iska indho tiro wixii jariimad ka dhacday Somalia gaar ahaan Gobolada Somaliland? Ka waran hadii la yidhaa wixii taban ee laga qoray Siyaad Bare hala gubo? Ka waran hadii la yidhaa Al shabaab iyo wixii jariimad ay gaysteen halaga gaabsado wixii buunbuunin ahna waa laga qori karaa? Guri Barwaaqo waxa uu buuga boga 94aad ku sheegay in X. Guuleed dhoolayare uu ku xilo furay in uu tirayay gabayga lagu caayay gabdhaha Ciidagale, balse hadana xukun ku dhacay, halka ay sartu ka qudhuntayna waa halkaas in X. Guuleed Dhoolayare uu dafiray gabaygaas qoraaga laftisuna xusay! waxaa seegtay qoraaga inuu ka dhawrsado gabayga kol hadii uu diiday qofkii tiriyay madmadawna galay, Lakin dhacdo kasta run ah ka gaabsigeedu waxay fursad u tahay kuwa dulmi falaayaasha ah, sidaas darteed in taariikh ama ficil kasta oo dhacay xumaan iyo wanaag toosh lagu ifiyaa waa mahuraan. Qoraagu waxa uu buuga cutubkiisa 8aad kusoo qaatay aflagaado rag, dumar iyo reeraba ay abwaano u tiriyeen, qoraagu Gabayadaas uma soo qaadan isagoo bogaadinaya in la caayo dumar, rag,reero toona! taa badalkeeda aad buu ugu dhiidhiyay isagoo axaadiis iyo aayado soo daliishaday, waxaanu soo bandhigay xukunkii bahdilaadii ay mutaysteen Abwaanadaasi, halka Sayidku dumar caygii ku mutaystay amaaan. Sidaas darteedna marka ujeedada qoraaga laga raaco caqli fayawna lagu eego waxaaba la odhan karaa qoraagu waxa uu difaacayay dumarka, raga iyo reeraha oo lagu caayo gabayo , waxaase majaro habaabiyay dad leh dano shaqsi. Lix Sano kadib soo bixitaankii buuga naqdintan soo laba kacsalaysay waxay la kawsatay Wasiirnimada Guri barwaaqo waxaana laga dhadhansan karaa dano shaqsi, in badan oo kamid ah dadka naqdinayaana buuga ma ay akhriyin, In badan oo ka mid ah waxay akhriyeen hal bog ama laba bog oo lasoo sawiray laguna baabhiyay baraha bulshada, In badan oo ka mid ah dhaliishoodu xilka iyo shaqada wasiirnimo ee qoraaga ayay ku lamaan tahay, In badan oo ka mid ahi waxay ugu soo gabanayaan dhaliisha xukuumada. Guntii iyo gagabadii go’aanka guurtida ee amraya in la gubo buuga SOOYAAL, waxay xadidaysaa xoriyada qoraalka iyo fikirka, sidaas darteed qoraagu isagoo aan xil qaran ahayn waa inuu difaaco buugiisa iyo karamadiisaba, intase uu xilka hayo way ku adkaan doontaa inuu difaaco, waxaanu ka noqon doonaa daawade gubitaanka Buuga SOOYAAL. Mase haboona in qoraagu daawado ka noqdo dhigahana qiimaha leh ee tacabka iyo fikirku ka galay in la gubo, isaguna markhati ka noqdo sidaas darteed si uu u difaaco waxaa haboon inu iska casilo xilka wasiirnimo isagoo shaqsi ahna difaaco buuga SOOYAAL iyo sharaftiisa qoraanimoba, Xilka wasiirnimo waxaa ka wayn, kana mudan Buuga maktabad taariikh umadeed ah qarniyona jirin doona ‘ Wixii la qoraa quruumo hadhee muxu hadal qiimo leeyahay Abwaan Hadraawi’ Fu’aad Abdillahi www.qalimaal.blogspot.com Source
-
Cadaalad Xumadda Isaaqu Waa Kuwii Ka Caban Jirey Dawladihii Hore laakiin waxaad moodaa in aaney iyaga u muuqanin ama aaney arkin cadaalad xumadooda aan gabashada laheyn,waxaa tusaale ugu filan dadka dega gobolka salal oo ilaa maalintii ilaa maanta la yaaban qabyaalada iyo foolxumada Cadaalad xumada ah ee ay halkan la yimaadeen, waxaan la yaabaa markaan idaacahadooda ka maqlo badhasabka gobolka salal waa inan yar oo uu adeer u yahey oo aan masuuliyad iyo maamul midna qaadi karin,oo isaga uuni is daawanaya waxaabay ka dartey xukuumadii siilaanyo,ee iyaduna gobolka salel usoo dirtey nin siilaanyo adeer u yahey oo maamule kastam inta lagu soo qorey hadana maamulkii gobolka ahaa oo wuxuu doono sameeyay. waxaan qoraalkan usoo qorey markaan ka adkeysan waayey,sida aan dadka deegaankan waxba la isaga tirin,ee loo hor keenay inan yar mar mar baan idhaahdaa waa halkii Xildhibaan Aareeye,e waar raggu maamulka kuma fiicna ee ganacsiga ayay ku ficnaayeene,tolow ma islaamihii la lahaa iyagaa siyaasada u haya dumarkoodaa u haya ma islaanta muuse ayaa yarkan keentey ilayn ninkaa weyni inooma keeneen oo waa maamul yidhaahdeen waa todoba iyo labaatan jir aan sodon gaadhin oo waliba aad moodayso in layidfhi inoo soo shaqee oo lacag raadinya oo aan qarsaneyn hada gobolka dadbaa ku dhibaateysan oo taag daran oo kulanka iyo giriyaadka wadhan isaguna habenkiina jabuuti ayuu tagayaa aroortiina jabuuti ayuu kasoo baxayaa waa yaab oo hadana mayari. Waxaan kaloon la yaabanahi waar kii horaan ogeyne kana ma jabuuti iyo in uu eryado dadka ciisaha ah ee Qoxootiga ah ayaa loo soo direy maalinba qolo ayuu soo hor cararayaa hala gubo tuulo heblaayo,nabsi biirey ma raago oo ma beydhi yaqaano,e ninkaa jabuuti jooga ee masaakiinta ku taagsanaya iyo qoladan Isaaq ee hor cararaya ee Maalinba Inan yar noo soo diraya midna ka raagi maayo ninka futadiisu u muuqan weyday faruurtiisa ma arko habeen iyo maalin cadaalad daro ayay ka hadlayaan tooda mooyee ta ay dadka ku hayaani uma muuqato Cawaale Cali Dharaar Geerisa Somaliland Email:dharaar2@hotmail.com Source
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta si rasmiga xilka ula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goob joog ahaa mas’uul kala duwan, sida Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa K/ Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xilka kala wareegay guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, ahaan ku simaha Madaxeynaha C/qaadir Shariif Sheekuna Maye. 19 bishan ayey aheyd markii C/asiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) lagu doortay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kadib doorasho ka dhacday magaaladaasi. The post Madaxweynaha cusub Ee K/ Galbed Oo xilka la wareegay appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Germany) Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye Laantiisa Jarmalka Abdirahman Hassan Ali hayste ayaa sheegay inuu iska casilay xisbiga kulmiye masuuliyadii uu uga hayay dalka jarmalka,waxaana uu tilmaamay sababta uu isku casilay ay tahay markii uu madaxwaynaha somaliland Fulin Waayay Qodobadii uu ololaha doorashadda ku soo galay. Guddoomiyaha oo warsaxaafadeed uu soo saaray oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay. Shabakada wararka ee Somalilandtoday ayaa u dhignaa Sidan. Iscasilaad, KU:GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE Iscasilaad. mudane gudoomiye xisbiguu waxa uu soo maray halgan dheer oo muruq iyo maalba ah, Mudane gudoomiye xisbigu waxa uu lahaa qorshe u qoran oo la galiyaay wakhti aad u badan, mudane gudoomiye xisbigu waxu uu balan-qaaday horumar, sinaan,caddalaad, Intaas iyo inkasii badanbaa been ayuu xisbigu ka sheegay balan qaadkiisina waxa uu isku badalay been iyo waxba kama jiraan, Mudane gudoomiye markaan arkaay siyaasadii arimaha dibada ee aan ku dooranay oo soo xidhantaay, markaan arkaay dhacii iyo boobkii iyo xadhigii oo sii xoogaystaay, markaan arkaay xisbigii oo noqdaay maqaxii nin kaligii u furaan oo qofkii is yidhaahda wax sax daqaada laga tuuraayo, Waxaan go,aansaday inaan iska casilo xilkii gudoomiyaha xisbiga kulmiye laantiisa jermalka iyo xubinamadii xisbigaasba, Mudane Abdirahman Hassan Ali hayste, Gudoomiyaha xisbiga kulmiye laantiisa jermalka, Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad siday Sarkaal ka tirsan NISA oo loo Magacaabay hoggaaminta Ciidanka NISA ee Shabeellaaha dhexe in laga soo celiyay Jowhar. Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Sarkaal waxaa magacaabay Ku simaha Taliyaha Nabad Suggida Soomaaliya ahna Taliye Ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin. Diyaaraddii siday taliyaha cusub ayaa markii ay ka degtay Jowhar, waxaa taliyaha cusub inuu u gudbo magaalada u diiday Ciidan Militari ah oo ku hayb ah Sarkaalka haysta Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe. Dadaalo kala duwan oo la isku dayay in Sarkaalkaasi uu u gudbo Magaalada gudaheeda ayaa ugu dambeyn suurageli wayday, waxayna taasi keentay in dib uu ugu soo laabto Magaalada Muqdisho Sarkaalkii dowladda u magacowday Ciidamada NISA ee Gobolka Shabellaha dhexe. Madaxweynaha Hirshabelle ayaa labo bil ka hor wuxuu magacaabay Taliyaha NISA ee Shabellaha dhexe, kadib markii xilkii laga qaaday Taliyihii hore oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdulaahi Xaayow, waxaana xilkaasi loo magacaabay Sarkaal lagu magacaabo Macalin Aadan. Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Hirshabelle aysan ku qanacsaneyn in loo soo magacaabo Taliyaha Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe, xilli uu joogo Sarkaal Madaxweynaha Hirshabelle uu magacaabay, balse labadii bilood ee la soo dhaafay Saad & taageero uu ka waayay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa xalay wareegto dad badan ka yaabisay is-beddel ugu sameeyey guddiga maaliyadda baralamanka ee muranka uu ka dhashay. Guddiga ayaa waxaa laga saaray xubnihii ugu miisaanka cuslaa ee la xisaabtamay xukuumadda Kheyre, kuna eedeeyey musuq-maasuqa, ayada oo lagu beddelay xubno cusub oo xukuumadda taageersan. Xubnaha miisaanka culus ee guddiga laga saaray ayaa kala ah; Guddoomiyihii Guddiga Cali Cabdi Cusmaan oo loo yaqaan Cali Caliyow, gudoomiye ku xigeenka Maxamed Cali (Maxamed Soomaali) iyo xoghayaha C/llaahi Maxamed Nuur. Is-beddelka uu Mursal ku sameeyey Guddiga ayaa ka dambeysay cadaadis Xukuumadda waday oo ugu horeyn ku guuleysatay inay kala qeybiso xubnaha Guddiga, iyadoo dadaal badan ku bixisay in dhammaan Guddiga la kala diro. Inkasta oo qaar ka mid xubnaha guddiga ee xukuumadda diidanaa aan la beddelin, haddana ka saaritaanka guddiga ee saddexdii mas’uul ee ugu sarreeyey ayaa muujineysa in guddiga uu u gacan galay xukuumadda. Tallaabada Mursal ayaa ka dhiggan inuu baarlamanka, oo shaqadiisa ahayd sharci-dejin iyo la xisaabtanka xukuumadda, uu hadda hoos tago xukuumadda, islamarkaana aan la fileyn in xukuumadda uu la xisaabtamo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusomarbeeb ( Sh. M. Network )-Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxay dagaal Beeleed xoogan oo saaka ka qarxay deegaanka Kaxandhaale ee G/ Galgaduud. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Ku dhwaad 6 saacadood xiriir ah ayaa lagu soo warramayaa in uu socday dagaalka, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Intaa la xaqiijiyay illaa 5 Qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona goobihii lagu dagaalamay ay isku hor fadhiyaan Maleeshiyaadka labada dhinac. The post Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Dr Cabdiweli Cabdiweli Maxamed(Gaas) ayaa maalinta berri ah ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland,sida ay xaqiijiyeen ilo’wareedyo ku sugan Nairobi. Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay safar ku joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas oo uu tegay arrimo la xiriira ol’olihiisa doorashada,balse faahfaahin intaa ka badan lagama hayo. Mudane Gaas ayaa 18-kii bishan ku dhawaaqay in uu mar kale u tartamayo xilka madaxweynaha Puntland,waxaana uu bilaabay ol’ole siyaasadeed oo ku jihaysan in dib loo doorto. Dhinaca kale 24 kamid ah murashixiinta u taagan doorashada Puntland ee 2019, oo shalay shir ku yeeshay Garoowe ayaa sheegay, in ay ka midaysan yihiin,isbeddel in ay Puntland ka dhaliyan doorashada soo socota. Doorashada Puntland oo ay ka harsan yihiin maalmo kooban ayaa waxaa ku loollamayaa murashixiin gaaraya ilaa 29 murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya,mudane Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo soo geba-gabeeyay safarkiisi Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
At least four Kenya police officers have been injured in Mandera town after unknown assailants hurled a grenade at a security checkpoint. The attack took place at 3 pm Tuesday afternoon, according to Mandera County Commissioner Kutswa Olaka. “We have so far confirmed injuries of four officers after the attackers threw a grenade at a security checkpoint,” he said. The assailant reportedly fled from the scene shortly after the attack. Kutswa said the officers are now recuperating at Mandera County referral hospital. The commissioner confirmed that investigations are currently underway said the four border patrol police officers were manning border point 4 when the attackers hurled a grenade at them. The post Four Kenyan police officers injured in a grenade attack in Mandera appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-261218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed uu ka bilowday deegaan gobolka ka tirsan. Dagaalka ayaa ka bilowday deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud halkaasi oo marar badan maleeshiyaadka ay ku dagaalameen, waxaana la ogeyn khasaaraha ilaa iyo hadda. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii mid kamid ah maleeshiyaadka dagaalamaya la sheegay inay weerareen dad xoolo dhaqato ah oo deegaanka ku sugan, taasi oo dhalisay in dagaala uu xoogeysto. Barqadii maanta ayaa la sheegay in dagaalka uu xoogeystay, waxaana ilaa iyo hadda uu ka socdaa deegaanka, sida masuuliyiin ka tirsan maamulka Galgaduud ay sheegeen. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dashay dhimasho iyo dhaawac, waxaase adag in khasaaraha la ogaado maadaama dagaalka wali ka socdo deegaanka. Maamulka Galmudug ayaa marar badan dadaalo ku bixiyay sidii maleeshiyaadkaasi dagaalkooda loo kala dhex gali lahaa, balse waxaa muuqata in markastaa dagaalka uu dib kaga bilaabanayo deegaanka. La soco waxii kasoo kordhaa Dagaalka Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
-
The President of Hirshabelle state of Somalia, Mohamed Abdi Warre has called on an immediate and unconditional end of renewed clan clashes in Hiran region on Wednesday. President Ware said his administration is ready to do all it can to stop the fighting that has already resulted in the death and destruction of properties in the state. “I call upon the political and tribal leaders from the state to stand up to end these clashes,” he said. The leader also warned that the persistence of the tribal clashes that started in some parts of Hiran region would only benefit the agenda of the armed group al Shabaab if not stopped immediately. “I want to inform our brothers fighting in Hiran that the battle will only strengthen the cause of the armed group al Shabaab militants in the region,” President Ware warned. He urged the rival clans to solve their differences through dialogue than resorting to fighting. The sentiments of president Ware comes a day after Hiran governor Yusuf Hagar Ahmed who is in Mahas said his administration has been undertaking peace initiatives to iron out tensions between two clans. The governor said he is committed to ending recurrent clan clashes in the region. “We have been undertaking initiatives to stabilize the region. The first phase of our plan will be implemented in Mahas town where we want to start peace negotiations,” he said. The post HirShabelle president calls for an end to inter-clan clashes appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa) Taliye Gamaal Baaxad, oo ka soo goostay Jabhadda uu hoggaamiye Kornayl Caarre, ee fadhigeedu yahay Puntland ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Taliska millateriga Somaliland ee Hargeysa. Taliye Baaxad, oo hadlay ayaa sheegay in uu dib u soo laabtay kadib markii Xukuumadda madaxweyne Biixi, saxday khaladaad deegaamada uu ka soo jeedo ay ku samaysay Xukumuuaddii madaxweyne Siilaanyo. Source
-
A court in Malta released Somali national from jail on bail
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Two men, of foreign nationality, were arraigned separately in the Gozo Courts on Christmas morning, the police said. The two were involved in a fight in Xlendi on 30 December. A 24-year-old Nigerian resident in Zebbug, Gozo, was charged with causing a grievous injury to a 30-year-old man, breaching the peace and creating public disorder, and breaching conditions imposed by a previous court ruling. He pleaded not guilty but was refused bail. A 30-year-old man of Somalia, resident in Munxar, was charged with public disorder and breaching the peace, as well as breaching conditions imposed by a previous court ruling. He was granted bail. The prosecution was led by Inspector Bernard Charles Spiteri. The police did not give the names of the accused. The post A court in Malta released Somali national from jail on bail appeared first on Shabelle. View the full article -
Every political move needs a plan whirling through the mainframe. The most captivating within our current political theatre is surely the battle that Kulmiye party has begun with its most senior executive members. On surface level, the battle is not much more than a claim for primacy between two war veterans-turned politicians who inherited Kulmiye party, as a birthright, and insiders who learnt lessons of how energized persons could become part of constitutive members of a political party from the mainstream. But no story-within-a-story is worth the price of admission if it is limited to the obvious. All of them, the war veterans and the insiders learnt politics in teashops. Non of them really went to college to study political literature and their idea of social responsibility is nothing more than a he-she-says ambivalence. The thing is, in all walks of life, serendipity sometimes plays the role. Imagine what positions would the two Colonels hold in Somaliland if Mujahid Lixle were alive today. Colonel Muse Biixi would not hold any position. He would be among those who always rant and raive after Mujahid Lixle. Colonel Mohamed Kahin would be those who play marbles under the trees. If distrust is about contemporary politics then democracy is about temporary delusion. Kulmiye is not a national political party. The party is really far off from being that. Kulmiye is a two-clan-led party. Besides the structural power, its own vision and mission tell its own tale. The battle has just left one remarkable point. The attention of the party is focused on the aliens. The hunt has already started. Jama Shebeel, the then Kulmiye Secretary was the first alien who kissed the dust. He was sacked and silenced by a sword hanging on his head. Abdillahi Geeljire, a former minister of fisheries and sea resources in Siilaanyo administration, became Kulmiye’s second kill. The litmus test is well done. There is no compelling evidence other than the allegation that the exclusionists had publicly violated Kulmiye’s internal discipline by expressing political weak points of the current administration through press releases. The decision to expell these senior members from the party has just come from the two Colonels who now co-rule this country. No one else has the power to force anyone out of the party. The questions that need convincing answers are: Why official warning has not been given to these chaps? When the right to express personal opinions has become a crime? There were occasions in which party leaders violated the party’s internal discipline and ruling policies during Siilaanyo’s reign, and no one was expelled. One good example is when Abdulaziz Samaale publicly slandered Siilaanyo after being dischared from the minister of finance. The party did not take any action against him. Muse Biixi also violated the party’s discipline as he accused Siilaaanyo and his administration of failing to monitor the terrorist activities in Somaliland in 2014. No disciplinary action was taken against him. Doesn’t this mean that Kulmiye’s internal discipline is only applicable to some certain people? The expulsion is nothing more than the reality that the two Colonels are afraid of anything that might result in people seeing through their charades. To kill knowledge and know-hows is their own construct reality. We can never be sure what transpires within the recesses of the mind, let alone the heart. But one wonders if Colonel Muse Biixi and Colonel Mohamed Kahin are signalling to their young jibes and jabs to their own party and intending to clean the party from the old generation. This version would have been a good guess if the opposite is not true. Leaving all pontificating aside, faults are visible on the Colonels’ sides. Where there are human beings there are blunders and problems. Where there are problems, there can be solutions. That is why nations employ corps of advisory bodies. An advisory body knows that civilized solutions can only be found through dialogue; so the first and abiding requirement of civil behaviour is common sense. But instead of finding a calm way out of a pinprick problem, some ignorant within the Colonel’s establishment decided that the time has come to “teach” aliens, a “lesson”. The expelled aliens belong now to “renegade” nation. The veneration might possibly go to the only remaining alien who is surrounded by a gang of four whose job is to monitor every action that the laughing cow will take. By: Jama Falaag Hargeisa, Somaliland. jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay Sacuudiga ayaa kulamo la qaatay wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin iyo wasiirka ku xigeenka wasaaradda Xajka & Cumrada Dr. Cabdilfataax Mashaad. Mudane Sheekh Nuur waxaa uu mas’uuliyiinta Sacuudiga hordhigay sida ay ahaayeen xaaladda xujeyda Soomaalida ee sanadkii hore, waxyaabaha ka dhinnaa iyo faa’iidooyinka lagaaray. Gabagabadii kulanka, dowladaha Soomaaliya iyo boqortooyada Sacuudiga ayaa ku heshiiyay qodobo badan oo dhamaantood khuseeya arriimaha xajka, waxaa ka mid ahaa in la kordhiyo tirada dadka Soomaaliyeed ee sanadka socoda gudan-doona waajibaadka Xajka. Tirada dadka Soomaaliyeed ee sanadka soosocda xajin doona waxaa lagu daray ilaa 2,200 qof taas oo ka dhigan in tirada xujaajta Soomaalida sanadkan noqonayaan 11,500 halka sanadkii hore 9,300 oo qof oo Soomaali ah ay xajiyeen . Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya XildhibaanSheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa sidoo kale sheegay in Xujaayda Soomaaliyeed loo ogolaado in Mina la giliyo iyada oo la isla gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo Soomaalida, haddey ahaan lahayd deegaannada, gaadiidka iyo cunnada Wasiirka waxaa kaloo uu shegay in lagu ballamay in la dadajiyo soo saarista viisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan intii uu Sacuudiga joogay waxaa uu la kulmay hey’ado badan oo qaabilsan arrimaha xajka sida Mu’asasada carabta oo qaabilsan adeegyada xujayda soomaalida, Hay’adda gawaarida oo qaabilsan gaadiidka xujaajta Soomaalida iyo qaar kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer Cabdi Guray ayaa waxa la sheegay in uu jiidhay gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaano dhukhaanka (Vits). Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay wararku sheegayaan in markii uu shilkani dhacay ay wateen carruur uu dhalay mas’uulkani. Wararku waxa ay intaas ku darayaan inay saddex qof ku dhaawacmeen gaadhagan uu jiidhay gaadhiga isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer. Gaadhigan ayaa waxaa lahaan jirtay Wasaaradda beeraha Somaliland waxaana hore lagu wareejiyay Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer Cabdi Guray. Source
-
Ra’iisul wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan is barasho iyo xog wareesi la yeeshay wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaara horyaalka heerka afaraad ee Sweden oo wadanka u yimid is-dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo. Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ah madaxa wafdiga kooxda Som United ayaa u mahad celiyay dowlada yo shacabka Gobolka Banaadir sida wanaagsan ay ugu soo dhaweeyeen dalka markii ay ku laabtan Sweden ay bulshada la wadaagidoonaan sawirka dhabta ah ee ka jira wadanka. Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye ayaa u mahad celiyay raysal wasaare Khayre sida wanaagsan uu marwalbo ugu soo qeyb gal madasho ceeynka oo kale u jeedaada ciyaartooyda qurbaha ka imaanaysa ay tahay in aan kaalin ka qaataan u ciyaarista xulka qaranka. Qaar ka mid ah wafdiga iyo xidigaha kooxda Som United ayaa inooga waramay dareenkooda ku aadan kulankii ay la qaateyn raysalwasaare Khayre,iyagoo sheegay in markii ay ku laabtaan halkee ay ka yimaadeyn ay bulshada iyo dhalinyarada kale la wadaagi doonaan sawrika dhabta ah ee Soomaaliya ka jira. Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa xiriika kubbadda cagta wasaarada ciyaaraha dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa keentay guulaha isdaba jooga ee xulka qaranka gaaray sanadka 2018 iminka ay xooga saareyn in gudaha ay soo booqdaan dhalinyarada qurbajoogta si loo arko xirfadooda ciyaareed. Isku soo wada duub wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada qorsha ah in caasimada ay marti gelisyo tartanka Som Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta waxayna arinta xiiso u yeelaysaa is dhaxgalka labada dhinac. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa tilmaamay inaanu la dhacsanayn isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay inaanu weli u muuqan heshiis dhex maray madaxda gobalka qaarkood oo saamayn ku yeelanaya dhaqaalaha. Madaxweyne Geele, oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, wuxuu ka hadlay isku furanka dhaqaale ee laga yaabo inuu gobalka ku soo kordho iyo sida ay Djibouti ula jaanqaadi karto. Ugu horayn isagoo ka hadlaya xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya, wuxuu yidhi “Waxaanu ahayn dadka kaliyaata ee ilaa 2008-dii labada dawladood ee jaarka ah, labada dawladood ee isku jiray ee kala baxay labada dawladood ee islaayay ee Itoobiya iyo Eratariya la yidhaahdo labadaba xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo ah oo wada shaqayn ah la lahaa anaga weeye, 2008-dii ayay wax na dhex mareen anaga iyo Eratariya inkasta oo wax na dhex mareen waxaanu u fadhinay mar walba in si nabad ah aanu ku wada hadalno waxii na dhex yaala aan ka doodi karno, wax alle qadaray weeye oo waa ay suurtoobi la’ayd ilaa imika anagu jawigaas nabadeed diyaar ayaanu u nahay waanu sheegnay oo waxaanu idhi aan arinkayaga dhamaysano way dhawdahay ayaan u malaynayaa waanu sugaynaa, taasina kama dhigna in aanu ka xunahay ama ka horjeedno ama aanu diidanahay midna maaha, salaad walba xiligeeda ayaa la tukadaaye in aan arinkanina ku dhex milmin nabad jacaylkaas iyo jawigaas wanaagsan oo aan qadiyadayadii meeshaas ku halaabin. Isku furanka dhaqaalaha iyo heshiisyadaas ma laga yaabaa inaad ku soo biirtaan? Heshiis aan ognahay oo dhaqaalaha badalaaya ama si kale u rogaaya inuu jiro anaga nalama aha, haddii aad leedahay marsooyinka sidee loogu camal falayaa anaga kaayagu waxa uu abuurmay 1926-dii ilaa maantana ama Itoobiya ha ku camal fasho ama ha ku camal fali waydee waa uu socday uun horena waa uu u scoday uun, sidii ayaanu aaminsanahay haddii ka Eratariya lagu camal falaayana ma diidno,haddii Berbera lagu camal falaayo ma diidno, haddii Kismaayo lagu camal falaayana ma diidno maxaa yeelay waa tartan iyo ganacsi shaqo wanaag iyo kalsooni uunbaa ayuunbaa lagu shaqaynayaa. Idinka iyo Eratariya wada hadal ma idiin bilaabmay? Haa waaniga ku leh, ragii farsamada ahaa wasaaradii arimaha dibada, anaga labadayada madax waanu is aragnay oo Jidda ayaan isku aragnay, wasiiradii ayaa noo hadhay inay kulmaan ( Jabuuti) ama halkan ama Asmara. Itoobiya waxa idinka dhaxeeyay xidhiidh ganacsi oo dhaw haddii heshiisyadan aad gaar ka ahaataan ma laga yaabaa in saamayn ay ku yeelato xidhiidhkiina? Waa uu iska jiraa kaasi anaga iyo Itoobiya waxaanu leenahay xidhiidh kale oo dhaqaale oo weyn iyo is dhex gal, khudbadaydiina waan ku idhi oo xadiid tareen ayaa noo dhaxeeya oo wadooyin iyo Telefoon iyo Viber Optic ayaa noo dhaxeeya,wax alle iyo waxii dhoofaya ee Itoobiya halkanbuu soo maraa, waxii ay la dagayaana halkan ayay maraan waxaanu ku heshiin weynay oo aanu ku kala tagnayna ma jirto wax cusayb u baahana ma jirto, waxay ku xidhan tahay labada shirkadood ee wada shaqaynaaya haday dhanka ascaarta isku diidaan ama meel ka roon ay helaan way iska tagayaan anaguna ma diidayno taas. Waxaad marti galiseen saldhigyo kala duwan, dhawaana Maraykanku waxa uu sheegay in uu badalaayo siyaasadii arimaha dibada si looga hortago wax ay ugu yeedheen dhaqamada dooxatada ah ee Ruushka iyo Shiinaha, saamayn intee leeg ayay idinku yeelanaysaa arintaas? Isbadal anagu siyaasada Maraykanka kama aragno oo dharaar dhawyadna waxa nala joogay kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Afrika qaabilsanaa, siyaasadooda waxii anaga nagu saabsan waa sidoodii oo si ka fiican ayay noqonaysaa ninkaas aad sheegtayse rayigiisa shaqsiga ah ayuu sheegay jawaabteedana waa uu heli doonaa, dawladaha dano ayaa dhex yaala Shiinaha iyo Maraykanka xidhiidhkeena ka fiican way yeelan karaan wayna leeyihiin way isku dhex jiraan si ay u kala baxayaana ma jirto, is riix riixoodana anaga nama quseeyo anagun waxaanu u ogolaanay midna in hawlihiisa iyo maraakiibtiisa oo 85% xoolaha badacas iyo bada Hindiya mara waa Shiine,inay waxooda sheedaas ka ilaashadaana anagu waanu u ogolaanay isdhex galka dhaqaale iyo is kaashiga dhaqaale ka sokow inaan u ogolaano inay nala joogaan kuwan kale ee Maraykankuna horeba way u sii joogeen oo 2003 way yimaadeen. Waxaad sheegtay inay si gaar ah arimhooda u kala maaraysan karaan,laakiin waxa laga yaabaa inay arimuhu is kor maraan Maraykanu waxa uu yidhaahdaa in diyaarado uu leeyahay Shiinahu uu wax la beegsado? Waa ay yidhaahdaan waanuna eegnaa oo waanu baadhnaa kuwan kalena sidaas si leeg ayay yidhaahdaan oo khaatiyaanbaanu joognaa oo waa nala dul maraa, waxaasi waa wax ay labada ciidan uun ka heshiinayaan. Xidhiidh wanaagsan ayaad leedihiin Shiinaha, labadoodiina ka dhaxeeya loolan ma laga yaabaa inaad kala doorataan oo aad dhinac isugu baydhaan? Ma kala dooranayno oo waanu la tacaali karnaa labadaba waanan la shaqayn karnaa,waxuna waa gancsi oo arimo kale oo siyaasadeed kuma jiraan iyagu markay laba boqol iyo saddex boqol oo bilyan is dhaafsanayaan waxan yar halkan yaala wax macno leh maaha. Waxa kale oo ka jira gobalka hirdan kale oo Carabta ah haba u badnaadeen Qatar iyo Turkiga oo meel ah iyo Sucuudiga iyo Imaaraadka oo meel ah wal wal intee leeg ayuu idinku hayaa Jabuuti ahaan? Umada Carabtu markay is dhibaataysaba anaguna dhibaatadaas waanu la qabaynaa, oo markaad Camp David ka soo bilowdaba kol kolbuu gariirku imanayaa oo madaxa laysku dhufanayaa hadana waa laga heshiinayaa, xataa haddii samadaas xuduudii kale kolkaasba aad galayso halka lagu kala tagaayo anigu ma garanaayo, wax tagay yaynaan ka hadlin ee waxa socda aynu ka hadalno. Mucaaradka Jabuuti ee dalka inay ku soo noqdaan? Way iska yimaadaan oo way noqdaan oo way yimaadaan oo way laabtaan,cid u diidaa ma jirto ku ay maxkamadi haysato mooyaane. Saxaafada Jabuuti waa mid qudha oo dawladu ay leedahay? Dee midaa wanaagsan. Waxa jirta fikrad ah in aanay mucaaradku xor u ahayn inay fikirkooda ku cabiraan dalka gudahiisa cadaadisna ay ka cabanayaan? Dee haydin tusaan idinka meesha loogu diidayo inay jariirad qoraan oo ay idaacad ka hadlaan oo waxay doonaana ay ka hadlaan, wax aanu angu u diidnayna ma jiraan sharcina uma diidayo laakiin waxaan doonayo maahan sidaan u doonayo maahan si kale ma jirto isaga ayaan dimuqraadi ahayn. Waxaad ka qaybqaadatay halkankii gobanimo doonka Jabuuti, dalka mudo labaatan sano ku dhawbaad madaxweyne ka ahayd saddex doorashana waad ku guulaysatay, doorashadan miyaad soconaysaa? Wakhtigeeda ayaan ka jawaabi doonaa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa markii ugu horeysay baaq nabadeed kasoo saaray dagaalada maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degmada Maxaas inay joojiyaan dagaalada islamarkaana laga fakaraa qorshe kale oo horumar lagu gaari karo. Xildhibaan Mahad oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan ku baqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan tuulooyinka hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan”. Xildhibaanka ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabeelle inay dadaalka ugu badan ku bixiyaan sidii dagaalada loo dhameyn lahaa. “Sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxda maamulka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Ugaasyada labada belood iyo Cuqaasha Dhaqanka in si deg deg ah uga howl galaan sidii colaadaas loo joojin lahaa”. Ugu dambeyntii, waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad ka hadlay xummaanka colaadda isaga oo yiri “Colaadna wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta ee fadlan fursad hala siiyo nabadda iyo joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya”. Dagaalada ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sababay dhimashada 15 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu joojiyo xiisadda dagaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com