Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Raychelle Omamo iyo taliyaha ciidamada Kenya General Samson Mwathethe oo booqasho kedis ah ku tegey qaar ka mid ah saldhigyada ay ciidamada Kenya ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay ciidamadaas inay yihiin gaashaan adag oo ilaalinaya shacabka Kenya. Omamo iyo Gen Mwathethe ayaa booqday illaa saldhig Milatari oo ku yaal deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland maalin kahor ayaa waxa ay ku amaaneen ugana mahadceliyeen ciidamada Kenya sida ay uga go’an tahay inuu noqdo ammaan dalka Kenya. “Waxaan idinkaga mahadcelineynaa geesinimadiina,waxaan idiin sheegayaa in in dhammaan shacabka Kenya ay idinku hanweyn yihiin oo ay idinku faanayaan. Waxaad si adag aad u horistaagteen oo aad la dagaalanteen oo aad ka difaacdaan halista dhulkeena hooyo,”ayay tiri CS Omamo said. Sidoo kale taliyaha ciidamada Kenya Gen Mwathethe ayaa salaan kadib ciidamada Kenya ee ay saldhigyadooda ku booqdeen u sheegay ugaga mahadceliyay askarta inay xaqiijiyeen ammaanka shacabkooda si ay nolol maalmeedkooda u qabsadaan. Ciidamo ka socda dalka Kenya ayaa ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM hase yeeshee ujeedada ay u joogaan dalka Soomaaliya ayaa ah mid ay ku doonayaan inay ugaga hortagaan weerarada ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ka geysanayeen gudaha dalka Kenya. Source
  2. (SLT-Ciraaq)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo haweeneyda koobaad Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq. Waxa ay halkaas u safrene “xilli dambe habeenkii loo dabaaldegaayay Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahadceliyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, Aqalka Cad ayaa sidaasi sheegay. Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn inuu isaga baxo waddanka Ciraaq. Safarkan ayaa yimid maalma un kaddib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis kaas oo xilkiisa ka tegay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka. Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto haraadiga ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la baajiyay kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Mr Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska Mr Mahdi ayaa sheegay in arrintaasi ay timid kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo. Kulanka badelkiisana waxa ay labada hogaamiye kuwada hadleen khadka taleefanka, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay. Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabanayayna waxa uu ku yara hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah. Maxaa dhacay intii ay socotay booqashada Trump? Mr Trump, xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton ayaa tegay saldhigga cirka ee Al-Asad ee galbeedka magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad, si ay halkaas ugula kulmaan ciidammada Mareykanka ee jooga. Waxa ay aheyd booqashadii ugu horraysay ee uu Trump gobolka ku tego. Inta ay booqashada socotay waxaa Trump si wanaagsan u soo dhaweeyay ciidammada oo u istaagay markii uu soo galay hoolka lagu cunteeyo, Trump-na waxa uu gacan qaaday askarta, oo qaarkood ayuuba sawirro la galay. Trump muxuu sheegay? Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in sababta uu saldhiggiisa u booqday ay aheyd inuu askarta Mareykanka uga mahadceliyo sida ay gacanta uga gaysteen in laga adkaado ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, waxa uuna intaasi ku daray: “Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen. “Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa.” Mr Trump waxa uu sheegay in Mareykanka uu Ciraaq u adeegsan karo saldhig wax laga weerari karo haddii “aannu doonayno inaannu wax ka sameyno gudaha Suuriya”, waxaa sidaasi ku warramayso wakaallada wararka ee Reuters. Inta ay socotay booqashada waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciidammada Mareykanka uga saarayo waddanka Suuriya isagoo yiri: “Bilowgiiba waan qeexay in howlgalkayaga gudaha Suuriya uu ahaa inaannu burburino goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish. “Sideed sanadood ka hor, waxaannu halkaa u tegnay inaannu joogno saddex bilood mana aynaan ka soo bixin. Haatan, sida saxda ah ayaannu sameynay wanaan soo gebagabaynaynaa arrintaasi.” Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa muddo seddex maalin ah u qabtay guddiga maaliyadda Baarlamaanka oo maalin ka hor isbadal lagu sameeyay. Mahad Cawad, ayaa guddiga maaliyadda shaaciyay in laga doonayo in muddo seddex maalin ah ay kusoo diyaariyaan miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2019, iyaga oo laga doonayo inay baarlamaanka ku horgeeyaan muddadaasi kooban. Guddigan oo maalin ka hor isbadal lagu sameeyay ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ay doorteen guddoomiye iyo ku xigeen, maadaama horey looga reebay seddex xildhibaan oo guddiga xilal ka hayay. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegaya in muddadaasi ay ku yar tahay guddiga maaliyadda maadaama laga doonayo inay diyaariyaan miisaaniyad qaran oo sanad dhan lagu shaqeyn doono. Muddada loo qabtay guddiga maaliyadda ayaa ku eg maalinta Axadda soo socoto oo taariiqda ay ku beegan tahay 30 December. Xildhibaan C/risaaq Jindi oo ka mid ah baarlamaanka ayaa sheegaya in dowladda ay macquul tahay inay ku shaqeyso miisaaniyadda sanadkii 2018, sidii dhacday sanadkii lasoo dhaafay, maadaama guddiga aysan heysan waqti dheer oo shaqo badan ay ku qaban karaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan Garoowe kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland. Gaas oo la aaminsan yahay inuu ku hungoobay inuu Puntland gaarsiiyo meel sare shantii sano ee uu xafiiska joogay, ayaa hada doonaya inuu kursiga kusoo laabto si uu ula dagaalamo dowlada Farmaajo. Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa kadib wuxuu u duulay wadanka Imaarate-ka Carabta ,si uu uweydiisto lacago uu doorashada ku galo. Dad xogogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in Gaas uu diyaar u yahay inuu fuliyo qorshooyinka Emirate-ka ee Soomaaliya, hadii ay ka caawiyaan inuu markale kusoo laabto xafiiska. Cumar Cabdirashiid ayaa dhex dhexaadiye ka ah labada dhinac, isagoo doonaya inuu damiinto Gaas, hadii ay Carabtu ogolaato iney lacag bixiso. Waxaa laga cabsi qabaa iney usoo deyriyaan madaama dhowaan ay Dubai ka balan qaaday Dowlada dhexe ee Soomaaliya iney joojin doonto faragalinta qaawan, oo ay ku heyso gudaha Soomaaliya. Hadii uu Gaas wax dhaqaale ah kasoo waayo Emirate-ka waxaa la aaminsan yahay inuusan wax natiijo ah ka keenin doono doorashada ka dhici doonta Puntland 8da bisha Janaayo. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online)-Somaliland ayaa sheegtay in madaxweynaha Puntland uu abaabulayo maleeshiyaad weeraro iyo ismiidaamin ka geysta deegaanada Somalilad, sida uu shaaciyay wasiirka Difaaca Somaliland. Wasiirka Difaaca Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada Puntland maalmihii ugu dambeeyay ay sameynayeen falal ay doonayaan inay ku carqaladeeyaan amaanka deegaanada Somaliland. Wasiirka, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas inuu abaabulay maleeshiyaad loogu talo galay inay wax u dhimaan amaanka ka jira deegaanada Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool. Waxaa ugu baaqay waxgaradka kunool degaanada maamulka Puntland in ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatada ay Puntland ka waddo gobolka Sool, hadii kale ay qaadi doonaan tilaabada ku haboon. Marka laga yimaado eedeynta Wasiirka difaaca Somaliland, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo looga hadlayo eedeymaha cusub ee ka yimid Somaliland. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Somaliland.mp3Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  6. SOMALILAND MA KA RUN SHEEGTAY NIDAAMKA SIYAASADEED EE AY QAADATAY EE AXSAABTA/URURADA BADAN EE SIYAASADDA IYO DOORASHOOYINKA AH EE AYNU KU FAANO. !!! Qalinkii: Muhamed Dhimbiil ================================= ( Axsaabta Siyaasadda Somaliland ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani ayaa xataa Handaraaban ) !!!. Dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu jiraa ilaa intii aynu dib ula noqonay madax banaanida qaranimada Somaliland 27 sanadood oo ah 1991 ilaa 2018. 11 sanadood oo ka mid ah 27 kaa sanadood waxa aynu ku soo qaadanay kacaa kuf badan, dagaalo, nabadeyn iyo dhisme qaran oo dastuur iyo shuruuc, kaladambayn leh sidii loo heli lahaa 1991 ilaa 2002. Mudadaa gudaheeda waxa aynu kaga soo gudubnay nidaamkii beelaha iyo axdiqarameedkii, ka dib markii aynu dhamaystirnay tiirarkii dawladnimada, oo aynu ku guulaysanay in aynu samaysano nabadgalyo, kala dambayn, calankii, dastuurkii, lacagtii iyo haykalkii dawladnimo. 16 sanadood ee hadhay oo ka mid ah 27 sanadood 2002 ilaa 2018, waxa aynu u guurnay nidaamka isdoorashada iyo axsaabta badan, waxaana inoo qabsoomay lix doorasho oo dadweynuhu codkooda dhiibteen marka laga reebo cod bixintii dastuurka 31 may 2001 oo ku noqoneysatodoba. Waxa inoo qabsoomay laba doorasho gole deegaan, sadex doorasho Madaxweyne iyo hal doorashada golaha wakiilada ah, halka aanay wali inoo suurto galin in aynu qabano doorashada golaha guurtida Jamhuuriyada Somaliland. Doorashooyinka aynu qabsanay midina wakhtigii loo cayimay in ay dhacdo kumay qabsoomin oo duruufo dad samee ah ayaa marwalba dib u riixayey oo marwalba dirqi iyo ha lagu kala badbaado marka ay soo gaadho ayaa la qabanayey. 16 sanadood ee aynu ku jirnay nidaamka axsaabta iyo is doorashada xisbiyadii siyaasadeed ee dalka soo maray UDUB, UCID,KULMIYE iyo WADANI, midna gudahiisa si xor ah loogama tartamin, meel meel yar oo hoose mooyaane sida Gudoomiye kuxigeen/Murashax Madaxweyne ku xigeen iyo Xoghaye Guud oo xisbi oo iyaduna yarba mooyaane. Waxa halkaa ka cad in aanay dhisnayn xisbiyadu oo ay iska noqdeen wax in kooban u afduuban, dushana aynu uga eeg nahay nidaam dimuqaradiya oo xisbiyada iyo dad si xor ah isku doorta ah, laakiin gudahooda hanka, himilada iyo rayiga muwaadiniinta ku jirtaa aanu ka shaqeyn. Waxa aan tusaale u soo qaadanayaa Somaliland waxa aynu galnay sadex doorasho Madaxweyne oo ay ku soo baxeen sadex Madaxweyne oo qaranka soo hogaamiyey ilaa madaxweynaha maanta jooga, haddaba sadexduba markii ay xisbiga ka dhex sharaxnaayeen midna doorasho xorah kuma soo bixin, oo waa loo afduubay xisbiga iyo dadkii ku jirey. Laba ka mid ah xisbi xaakim ay ka sharaxnaayeen awgii baa awood xukuumadeed iyo dhaqaale xukuumadeed loogu xidhay in ay kaligood Murashax yihiin, halka loogu qaatay Madaxweyne dhexe oo ka sharaxnaa xisbi mucarid ah laakiin isaga laftiisa aan cidi kula tartamin. Waxa la mid ah gudoomiyayaasha axsaabta oo aan iyagana cidi kula tartamin murashaxa xisbiga, marka arinkeenu noocaa yahay miyeynu ka run sheegnay waxii aynu xisbiyada u samaysanay? Waxa tusaale nool inoo ahayd in aan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye cidi kula tartamin oo kaligii loo xidhay Madaxweynaha Maanta ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi wakhtigii shirweynihii lagu dooranayey gudoomiyaha xisbiga ee sanadkii 2014 kii . Axsaabta Siyaasadda dadkaa leh waxa ay noqon lahaayeen meelihii gudahooga dadku afkaarta iyo doodaha ku soo shiili lahaayeen si xor ah oo xalaal ah looga dhex tartami lahaa, waxa axsaabta gudahooga ka jira ayuun baa muuqaalka siyaasada Somaliland yeelanayaa. Waxa tusaale wanaagsan oo kale inoo ah in axsaabta gudahooga aanu tartan ka dhex jirin , wakhtigii madaxweynaha Somaliland ee maanta Mudane Muuse Biixi ayaa waxa uu ku dhawaaqay in murashax Madaxwayne u taagan yahay bishii Oct 2015 wakhtigaa oo maalmo ka hor loo doortay gudoomiyihii xisbiga kulmiye. Muuse Biixi waxa uu sheegay in uu la tartami doono Madaxwayne Siilaanyo oo dalku dimuqaraadi yahay , waxa lagu qaaday weerar gaadhay meel halis ah oo rabshado ka abuuray magaalada Hargeisa oo xataa sawirkiisa ayaa la mamnuucay in baabuurta lagu dhajiyo. Waxyaabahan dadka iyo dalkaba jaah wareeriyey ee marba xisbi loogu yaacayaa ama mid looga baxayaa wax aan jirin wax ay ku kala duwan yihiin aan aheyn kaabado in koobani dhigatay si ay kursiga ugu fuulaan, dadkuna layaab malaha oo waxa ay dhadhansan laayihiin macnihii xisbiyada loo aasaasay iyo noocan ay yihiin. Xildhibaanada goleyaasha qaranka ee kala duwan ee marba mooshinka la keeno kolb dhinac u yaacayaa hadii ay axsaab dhisan oo mabaa dii iyo siyaasad waxkasta ka leh ka soo baxeen noocaa maynu ahaaneen ee horumar badan iyo hore socod fikriya iyo mid dhismaha dadka iyo dalka ah ayeynu gaadhi lahayn. Markaa hadii aynaan been isku sheegayn kamaynaan run sheegin nidaamka aynu qaadanay, maynaan dhisin axsaabta siyaasada dalka, inta aynu qaabkan nahay way adag tahay in uu inoo soo baxo qofkii ugu haboonaa ee dalkan iyo dadkan hogaamin lahaa. Markaa axsaabta siyaasada laftoodaa handaraaban, oo u handaraaban gudoomiyeyaasha axsaabta oo marka ay doorshadu soo dhawaato uun dadka laga furaa si ay ugu codeeyaan horjoogayaashan aynu caqli iyo cilmi aynu iskaga kaxayno garan laanahay ee dadkiina kolba nooc u habeysanaya. Mar nidaam reereed ayaa la inoo habeynayaa si aynu wax ula doono, mar mid axsaab baa la inoo sheegaa, mar goboleysi iyo degmooyin hadba halkii dantoodu ku jirto. Nidaamkan isdoorashada ee wakhtiga loo sameeyo (mandate) waxa loo samaystay in qofba meel umada gaadhsiiyo oo la tijaabiyo hadba ka ugu barnaamij aqoon iyo garasho wanaagsan ee loo arko in uu qaranka hogaamin karo. Waxa aad moodaa in aynu waxwalba u aqbalno cabsi inaga oo is leh dawladnimada aad samaysateen ayaa idinka dumi doonta, laakiin hadii waxa aynu qaadanay aynu ku run sheegi wayno oo min kor ilaa hoos wax xalaal loogu tartamo, rayiga la isweydiiyo laga doodo laga rogrogaa jiri waayaan, oo dad badan oo han iyo himilaba leh maalinba qaybi niyad jabto, taasaa ina duminaysa oo maaha umadu in ay moral ahaan dunto. Markaa inta aynu sidan nahay ee waliba is mahadinayno wax badan korodhsan mayno, waxaaba xataa suuragal ah in doorashada dambe ee madaxweynaha hadii Alle ina gaadhsiiyo ay ku tartamaan sadexdii Murashax ee doorashadii dhaweyd tartamayey oo isla wadadaa aan sheegay uun soo mari doona inaguna aynaan haysan doorasho kale oo aynu isaga qasbanaan doono. Aragtideyda Muhamed Dhimbiil Image Get Outlook for Android Qaran News
  7. Somaliland: Aadankii Hawada ee baabiiyey mashruucii Faleedyaale oo la siiyey kuwii Taleex iyo Wasiir Koore oo… Qaadwale hore Aadan Cali Ducaale (Aadanka Hawada) oo ka mid ahaa qaadwaleyaashii Dalka Ingiriiska ee markii laga joojiyey ka soo qaxay ayaa la xaqiijiyey in la siiyey Mashaariic horumarinta Biyaha oo loo qorsheeyey in laga fuliyo Degmada Taleex. Aadan ayaa Wasiiradii hore ee Biyaha si galaangal ah uga dhameystay Mashruuc hore oo loogu talo galay War laga qodayo degaanka Faleedyaale oo 100 000 dollar Maraykanka ku kacaysay, kaas oo aan waxba laga qaban dhaqaalihiisa la lunsaday. Waxaa layaab kale noqotay in Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore isaga oo og rikoodhkii iyo xogtii hore ee Aadan iyo mashruucii Faleedyaale uu mar kale qalqaaliyo in Aadan gacanta loo geliyo 190 000 doolar oo canshuurtii shacabka Somaliland laga soo ururiyey ah. Taas waxaa dheer oo fajac iyo niyad jab ku riday hayadaha Samafalada iyo ururada Maxaliga ah ee ka hawl gala Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn in Wasiir Saleebaan Koore uu subaxii la jarmaado Aadan oo Wasaaradaha iyo Hayadaha ka codsado in wixii Mashaariic ah ee Degaamadaas laga qabanayo la siiyo, isagoo bixinaya damaanad qaad buuxa. Tan iyo bilowgii bishan Wasiirada Xukuumada Somaliland ayaa waxay ka baqsanaayeen isbedel la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu Golihiisa ku sameynayo, taasoo bedeshay qaabkii Wasiiradu u shaqayn jireen, iyagoo badankoodu ku jira xamaam urursi. Qaran News
  8. Yaa Ka Dambeeya Siyaasadda Burburinta Baarlamaanka, Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada Somalia? Waxaa la wada ogsoonyahay in xiligii Madaxweyne Moxamed Cabdullaahi Farmaajo ku jiray tartanka doorashada madaxweynenimada dalka uu si cad u weerarijiray una cambaaraynjiray Itoobiya iyo Kenya isaga oo sheegijiray in labadaas dal yihiin cadowga kowaad ee Somalida, ciidamadooda Somalia joogana aanay marnaba ka talinayn maslaxadda Somalia balse ay u arkaan Somalia cadowgooda oo loobahanyahay inaanu marnaba madaxa la soo kicin. Markii Farmaajo loo doortay madaxweynaha Somalia waxaa uu booqasho xidhiidha oo saaxiibtinimo ku kala bixiyay Itoobiya waxaanu la galay heshiisyo qarsoodi ah oo lidi ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somalia. Waxaa muuqata inuu dalka u fasaxay inay qabsadaan Itoobiya iyo Eratariya si uu xukun qabiil u dhiso looguna ilaaliyo si uu ugu kaco aargoosi qabiil iyo baabi’in taas oo isaga kala muhiimsan ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Somalia iyo sharafta dadka Somaliyeed. Waxaa suurtogal ah in ciidamada uu ka codsaday Itoobiya iyo Eratariya uu bedelkeeda ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku caadiyay Madaxweyne Farmaajo inuu burburiyo maamul goboleedyada Somalia kuna bedelo kuwo daba-dhilif u ah Farmaajo iyo Khare taas oo Itoobiya iyo Eratariya u suurtogelinaysa inay dalka Somalia si fudud u qabsadaan oo aan la iska caabbin iyo in la wiiqo difaaca iyo xoraynta dalka. Fool-xumadii ka dhacday doorashadii Koonfur Galbeed ee la qabtay Dec. 19, 2018 ayaa markhaati ka ah shirqoolada lala maaganyahay Somalia. Waxaa kale oo suurtogal ah in isla siyaasadaas loo adeegsanayo burburinta xubnaha mucaaradka ah ee Baarlamaanka Somalia, axsaabta mucaaradka ah iyo xurriyatul-qawlka si looga takhaluso dadka leh damiirka wadaninimada. Ibrahim Hassan Ibrahim Mohammed ibrahim_hg@yahoo.com Qaran News
  9. Paris (Caasimada Online) – Wargeyska The Indian Ocean Newsletter, ee hoos taga shirkadda warbixinada sirta ah ee Africa Intelligence ayaa qoray in ciidamo ka socda dalalka Eritrea iyo Ethiopia ay beddeli doonaan marka ay ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya sanadda 2021. Ayada oo ciidamad adowladda Soomaaliya aysan weli awoodi inay si buuxda ula wareegaan ammaanka dalka, ayaa wargeyska waxa uu qoray in hogaamiyayaasha Ethiopia iyo Eritrea Abiy Ahmed Ali and Issayas Afeworki ay diyaar u yihiin in ciidamadooda ay buuxiyaan booska AMISOM. Wargeyska The Indian Ocean Newsletter ayaa qoray in Eritrea ay druba 5,000 oo askari u diri doonto Soomaaliya marka ay ciidamada Amisom billaabaan bixitaankooda. “Ciidamada Eritrea waxay tagi doonaan Muqdisho, ayaga oo sugi doonaa ammaanka xarumaha dowladda, garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho” ayaa lagu yiri warbixinta The Indian Ocean Newsletter. Ciidamada Ethiopia ayaa iyagana la wareegi doona ammaanka qeybaha kale ee guud ahaan dalka Soomaaliya, oo hadda meelo badan oo ka mid ah ay joogaan ayaga oo qeyb ka ah ciidamada Amisom. Xiriir ay Caasimada Online la sameysay dowladda Soomaaliya ayey ku sheegtay in qorshaha dowladda Soomaaliya uu yahay in ciidamada Soomaalida ay la wareegaan ammaanka dalkooda, oo aysan ka war-hayn go’aan lagu gaaray ciidamo kale oo dalka yimaada. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  10. Waxaa shalay isku arkay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud oo hadda ah hogaamiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdiqaadir Cosole oo kala hoggaamiyaha Xisbiyada Wadajir iyo Ileys. Falcelinno kala duwan ayaa laga bixiyey is aragga saddexda siyaasi xilli aysan soo bandhigin waxa uu kulankooda daarnaa marka laga yimaado in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu bartiisa Facebook xoogaa biriirif ah uga sheegay, sida in ay u midoobi doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, nidaamka xisbiyada iyo joogteynta kulamadooda. Wey adag tahay in la suureysto qodobada dhabta ah ee ay ka wada hadleen iyo waxyaabaha la’isla meel dhigay. Hase ahaatee, waxaa la fili karaa in ajendeyaashooda ay ku jireen labada qodob ee hoos ku xusan. 1 – In maamulka hadda jira cadaadiska lagu xoojiyo si aysan ugu suurtagalin ku guuleysiga faragalinta maamullada dalka 2 – In la mideeyo siyaasadda mucaaradka oo aan hal Xisbi ama siyaasi lagu dagaal galo doorashada 2021. Qodobka Kowaad: Ma aha wax daahsoon ama shaku ku jiro in uu dagaal siyaasadeed oo aad u culus ay ku jiraan xillagan maamulka talada haya iyo kooxaha mucaaradka iyada oo uu garoonku yahay maamul gobolleedyada. Waxaa lagu dagaalamay HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, dagaal dheer kaddib waxaa ku adkaaday Nabad iyo Nolol, balse waxaa hadda socda midka Puntland oo kaddib u sii gudbi doona Galmudug iyo Jubbaland. Ujeedka dagaalka siyaasadeed waa doorashada soo socota iyo in qolo walba ay iyadu samaeyso maamulada si ay ugu fududaato soo xulista baarlamaanka 11-aad. Haddii Xisbiyada Mucaaradka looga adkaado dhinacaas wey ku adkaan doontaa sidii ay kula loolami lahaayeen mamaulka hadda jira oo doonaya in ay soo laabtaan. Siyaasiyiinta shalay kulmay waxaa dhici karta in ay khatar isla soo qaadeen oo laga yaabo in ay si mideysaan ula loolamaan dowladda. Qodobka Labaad: Ma aha wax la dhayal an karo in ay kulmaan saddex siyaasi oo saameyn ku leh dalka oo waliba kala hoggaamiya Xisbiyo. Yeelkeede, waxaan shaki ku jirin in ay isla soo qaadi karaan sidii loo mideyn lahaa mucaaradidda dowladda oo ay hadaba siyaabo kale duwan u sameeyaan. Bulshada inta badan waxa ay arkaan ama la socdaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si toos ah u weerara dhaqdhaqaaqa dowladda haddii ay ahaan lahayd farriimo baraha bulshada ah ama saxaafadda kale. Taas kama dhigna in uu kali ku yahay. Waxaa jira xubno wadajira oo isaga ka saameyn badan sida Xildhibaanada ku jira Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo badankood ah haraadigii Dhaamujadiid iyo Daljir, Cumar Cabdirashiid oo gooni ah ahna mudane Aqalka Sare ka tirsan. Hayeeshee, si dowladda culeyska loogu badiyo, waxaa suurtagal ah in si mideysan loo dhaliilo dowladda oo aan bulshada qaarna iska qarin kuwa kalena soo taagnaan. Doorashadii uu kasoo baxay Farmaajo, waxay madaxweyne Xasan Sheekh cashar ku saabsan awoodda midnimada, kadib markii dhammaan xubnihii isaga la tartamay ay codkooda ugu wada shubeen Farmaajo, sidaasna uu kursiga ku lumiyey. Waxaa hadda cad in Xasan uu doonayo cayaartaas oo kale. Si kastaba, kulanka saddexda siyaasi waxaa xaqiiqo ah in waxyaabihii lagu gorfeeyey aysan ahaayeen is maraxabeyn, booqasho iyo shah la soo wada cabbay. W/Q: Axmed Cabdullaahi Cusubow Balcad, Sh/Dhexe, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in dowladda Dhexe ee ay ugu dambeyn qarameysay ciidamada Booliska iyo Daraawiishta maamulka Puntland. Tallaabadan ee ay dowladda qaaday ayaa ah mid aad loo soo dhaweeyey maadama ay bud dhig u noqon doonto dowlad dhisidda Soomaaliya oo si buuxda loo hanto. Ciidamada kala madaxa bannaan ee aan hoos tagin dowladda dhexe waxa ay caqabad ku ahaayeen dowladniada dalka iyada oo horseed ka ahayd awood yarida dowladda dhexe. Dowladda Soomaaliya ee gacanta ku dhigtay ciidamada kala duwan ee Puntland waxa ay horseed u noqon doontaa saddexdan qodob ee hoos ku xusan. 1 – Maamulada oo toos u hoos yimaada dowladda dhexe sida dastuurku qabo Mar haddii ay dowladda la wareegtay labadii ciidan ee ugu awoodda badnaa ee Puntland waxaa xigi doona in ay wada shaqeyn buuxda dhex-marto maamulka iyo dowladda dhexe. Markii hore, Puntland oo ugu fac weyn maamulada dalka ka jira waxa ay tusaale u ahayd kuwa kale, haddii ay hadda ugu dambeyn ku wareejiyeen ciidamadoodii dowladda dhexe waxaa xigi doona oo aan dhib laga mari doonin kuwa kale. Waxa ugu weyn ee Puntland qasbay, sida aan rumeysanahay, ayaa ah dhaqaale la’aan maadaama Gaas bixin waayey mushaarkii ciidankiisa marar badanna ay ka gadoodeen. Waana taas waxa sidoo kale qasbi doonna maamullada kale. 2 – Waxaa hagaagi doona amniga dalka guud ahaan Kala qeybsanaantii awoodda ciidan ee dalka waxa ay keeni jirtay in amniga dalka la’isku halleeyo oo uusan xiriir dhexmarin laamaha amniga ee guud ahaan dalka. Booliska dalka oo hal gacan hoos taga waxa ay keeni doontaa in iska warqabka iyo xogta si sahlan la’isugu gudubno oo ay ciidamo ku sugaan amniga hal qaab (Uniform). 3 – Canshuuraha dalka oo la mideeyo Dowladda waxa ay culeys weyn ku haysay magaalada Muqdisho oo ay si xad ka bax ah ugu tiirsaneyd dhaqaalaha ka soo baxo. Dhaqaalaha Muqdisho ma ahayn mid ku filan dhaqdhaaqa dowladda, hase ahaatee, haddii laga heshiiyey oo ay dowladda maamulada kala wareegto ciidamada, waxaa fududaan doonta in sidoo kale la mideeyo dhaqaalaha dalka sida canshuuraha. Taas, waxa ay sahli doontaa in dowladda maamul gobolleed walba canshuurta ka soo xeroota lagu dabaro ciidamadiisa gaarka ah ee sugaya amniga. W/Q: Maxamed Xuseen Mataan Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda ayaa shaacisay xogo dheeraad ah oo la xiriira halka ay ku dambeysay haweeneydii Al Shabaab looga shakisan yahay inay ka afduubatay gudaha dalkaasi. Haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa bil ka hor laga Afduubtay gobolka Lamu ee dalka Kenya, waxaana la shaaciyay in iminka lagu hayo gudaha dalka Kenya, sida warbixin cusub oo la shaaciyay lagu sheegay. Saraakiisha ciidamada amaanka ayaa sheegay inay heleen macluumaad macquul ah oo la xiriira in haweeneyda ay nooshahay wali, islamarkaana lagu hayo gudaha dalka Kenya. Waxaa muuqata inay been noqoneysa wararka marka hore saraakiisha amaanka ay soo saareen oo ahaa in haweeneyda lala aaday Gaarisa kadibna la geeyay gudaha dalka Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa afduubta haweeneydaan u xirtay 100 ruux, waxaana shan kamid ah laga helay macluumaad dheeri ah oo la xiriira in haweeneyda nooshahay walina lagu hayo gudaha dalka kenya. Dadka loo xiray haweeneydaan afduubkeeda ayaa waxaa kamid ah Soomaali, waxaana la sheegay inay baaritaano amaan ku socdaan. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  13. Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyn is-bedel weyn ku sameeyey gudigii maaliyadda ee baarlamaanka. Tallaabada uu qaaday Mursal ayaa daba socotay khilaafkii xooganaa ee ka dhashay warbixn ay ka soo saareen xukuumadda, oo musuq-maasuq xooggan shaaca ka qaaday. Guddiga wuu kala qeybsamay, waxaana kala diray Muudey, waxaa dib u soo celiyey Mursal, kaddibna waxaa dhacay dagaalkii kharaaraa ee labada toddobaad curyaamiyey hawlihii dowladda. Dagaalka siyaasadeed ee uu gudiga hooyada u ahaa waxa ay gaartay heer uu Mursal ka guuro gurigiisii Villa Somalia, hase ahaatee, muddo kaddib waxaa laga gaaray khilaafkaas xal oo lagu sheegay in la’isu tanaasulay. Hadaba, maxaan ka baran karnaa wajiga dhabta ah ee Mursal? Caadiyan qofkii si fog qiimeyn ugu sameeya sidii ay wax u dheceen iyo halka ay ku dambeeysay waxaa ku soo baxaya labadan qodob ee hoose – 1 – Mursal mooshinkii uu qabtay ujeedkiisa ugu weyn waxa uu ahaa is-difaacid Guddoomiyaha waxa uu si halhaleel u qabtay mooshin ka dhan ahaa Madaxweynaha, tallaabo qas iyo qalalaaso galisay dalka. Su’aalo badan ayaa la’iska weydiiyey sababta uu heerkaas u gaaray khilaafka iyo waxa ku qasbay ama ku riixay Mursal in uu qabto mooshin uu ogaa falcelinta dal iyo dibadba yeelano. Khuburada siyaasadda ayaa qaar qabay in Mursal la dulleystay oo aan laga soo qaadan mas’uul saami ku leh siyaasadda dalka, taasna ay ku abuurtay caro iyo cuqdad. Kuwo kale ayaa qabay in ay daacad ka ahayd oo uu doonayey in uu kala miiro goleyaasha kala madaxa bannaan ee dowladda ee uu mid isagu kaabe ka yahy. Hase ahaatee, taas waxaa buriyey go’aankii uu xubno ka mid ahaa gudigii uu markii hore ku doodayey in loo gacan dhaafay, si sharciga waafaqsanna aan loo kala dirin, uu uga saaro isla isagii guddiga. Ragga uu saaray waxaa ku jira shaqsiyaadkii soo diyaariyey warbixintii gudiga, tallaabada uu uga saaray waxa ay muujisay in uu awalba wax badan kaga aragti duwaneyn labadiisa ku xigeen oo hiifsanaa, soo sheekadu noqon meyso, Mursal isagaa kursigiisa difaacanayey ee sharci dhawris ma wadin!? Mursal cabsida ugu weyn ee uu qabay waxa ay ahayd in Mooshin laga keeno oo uu maro dhabbihii Jawaari. 2 – Wali kama hoos bixin nabad iyo nolol, hadduuba ugu daran yahay! Odayga waxaa lagu xaman jiray in uu ‘Yes Man’ u yahay Xukumadda oo uusan ka madax bannaaneyn, hase ahaatee, dagaal xooggan kaddib, in si tartiib ah loo soo celiyo, wax badan uu uga tanaasulo, kala diro gudigii awalka uu isagu fidnada ka bilaabay, walina uusan la kulmin Madaxweynaha kaddib khilaafkii xoogannaa! Dhammaan qodobadaas waxa ay cadeynayaan in uu hadda si xun ugu jabay Xukumadda oo uu maantaba ka daran yahay sidii uu awal ahaa! Qodobkaas, waxaa kuu cadeynaya in uu meesha ka saaray xubnihii ay dagaaka Nabad iyo Nolol kula jireen, sida xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur! Mursal haddii markiu ay gacanta u haysay xukuumadda, hadda wuu ka baxay, wuxuu galay jeebkii xukuumadda. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Maxmed Axmed Cabdi Oongooye waxa uu ahaa nin bartay cilmiga Diiniga ah iyo kan maadiga, isagoo dadaal badan ku bixinayay faafinta Diinta Islaamka iyo baridda shacabka Soomaaliyeed cilmiga maadiga ah si ay ula tartamaan bulshooyinka kale ee caalamka ka hor inta aysan dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab dilin 24kii bishan December ee 2018-ka. Xiliga la dilayay Marxuumka waxa uu muddo afar sano ah ku noolaa Degmada Deyniile halkaasi oo uu ka soo shaqo tegi jiray, waxaana uu ka soo baxay gurigiisa isaga oo ku sii jeeday guri uu ku xareysan jiray gaari uu laaha, markii uu albaabka tegay oo uu gar garaacay gabar yar ayaa ku dhahday yaa waaye, kolkaasi ayuu dhahay Maxamed waaye ee iga fur, sug ayay tiri furaha ayaan soo qaadayaa, markii ay furaha u doontay si ay albaabka uga furto, ayaa labo arxan laawayaal oo hubeysan waxa ay ka soo baxeen luuq meesha ka dhawaa, dubarbadiiba madaxa ayay kaga dhufteen dhowr xabadood. Oongooye waxa uu ahaa 30 jir ku dhashay deegaanka Buula-mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose sanadku markuu ahaa 1988-kii. Xasan Cabdiraxmaan Xuseen oo ay qaraabo dhaw ahaayeen Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa inoo sheegay in marxuumka isaga oo lix jir ah ay qosykiisa ula soo guureen magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Xamar Jadiid oo uu ka bilaabay barashada Cilmiga Diiniga. Burburkii dalka kadib Maxamed iyo Qoyskiisa waxa ay ka mid noqdeen dadkii Soomaaliyeed ee maciin baday Xeryaha Qaxootiga Dalka Kenya ee Dhadhaab, gaar ahaan xerada Xagar Dheer, halkaasi oo uu marxuumka ka bilaabay Waxbarashada maadiga ah, isaga oo ku qaatay Dusiga Hoose, Dhexe iyo Sare. Maxamed waxa uu ka mid noqday ardaydii ka qalin jebisay dugsiga sare ee Xarada Qaxootiga Xagar dheer ee kaalimaha hore ka galay waxbarashada, intaas kadib waxa uu deeq waxbarasho ka helay dowladda Kenya, taasi oo uu ku muteystay dadaalkiisa waxbarasho ee dugsiga oo uu ka mid ahaa ardaydii ugu horeysay ee kaalimaha hore ka galay. Allaha u naxariistee Maxamed Jaamacadda Jome Kenyatta ayuu ka bartay kuliyadda horumarinta Cilmiga bulshada oo uu ka qaatay heerka koowaad ee Jaamacadda, waxaana uu noloshiisa waxbarasho ku soo qaatay dalka Kenya. Sanadkii 2014-ka ayuu Maxamed dalka dib ugu soo laabtay isaga oo muddo ka maqnaa, waxaana uu ku biiray Jaamacadda Horn of Africa oo uu ka bartay Kuliyadda Maamulka iyo Maareynta, intii uu ku guda jiray waxbarashada, maamulka Jaamacadda oo arkay kartida iyo dadaalkiisa dheeriga ah Maxamed waxa ay u shaqaaleysiiyeen in uu noqdo isku xiraha Barnaamijka Jaamacadda Horn of Africa iyo Jaamacadda UNICAF ee faraceeda weyn oo ku taalo Jaziiradda Cyprus. Oongooye waxa uu macalin ka ahaa Jaamacadaha kale ee magaalada Muqdisho ku yaalo iyo weliba Jaamacaddii uu wax ka bartay ee Horn of Africa, isaga oo ka mid ahaa macalimiinta loogu jecelyahay Jaamacadda. Maxamed Allaha u naxariiste sanadkii 2015-kii bishii 12 tobnaad waxa uu ka mid noqday shaqaalaha Rayidka ee dowladda, Madaxda Wasaaradda Awqaafta ayaa Maxamed u mgacabaay in uu noqdo Agaasimaha Xiriirka iyo Kormeerka Hay’adaha Islaamka ee Wasaaradda. Marxuumka xiliga la shaqaaleysiiyay ilaa iyo hadda waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Soomaaliya, waxaana bishii todobaad ee sanadkan loo badalay Agaasimaha Waaxda Cilmi Baarista iyo Tirikoobka. Maxamed waxa uu ahaa shaqi ku wanaagsanaa Diinta, waxaana uu ahaa Daaci Diinta faafiya, oo aad looga yaqaan bulsada, waayo waxa uu ahaa mutacalim xagga Diinta iyo mutacalim maadiga si fiican u yaqaan. Xasan Cabdiraxmaan Xuseen mar uu ka hadlayay shaqsiyada Marxuumka iyo sifooyinka uu leeyahay, waxa uu tilmaamay in Maxamed uu ahaa nin Ahlu Diin ah oo Alle aaminsan, ogna in uu dhimanayo waqtigiisa oo aan saacad loogu dareynin, waxaana uu ahaa nin aftahan ah, dadkana si fudud wax ku fahamsiiya, nin diinta Islaamka faafiya, nin ku wanaagsan jiheynta bulshada, nin hodan ku ah qancinta shacabka, waxa uuna ahaa shaqsi lafdhabar u ah bulshada uu ka baxay. Waxa uu ahaa nin ka baxay bulshada oo aan la iloobi karin taariikhdiisa iyo doorka uu ku lahaa barbaarinta dhallinta. Allaha u naxariista marxuumka waxaa ku jirtay in uu bulshada si wnaagsan u samata bixiyo, isagoo dadka si mutudawacnimo ah u bari jiray cilmiga Diiniga iyo kan maadiga, isla markaana xoogiisa iyo aqoontiisa ku sadaqeysa shacabkiisa. Marxuum Maxmed Axmed Cabdi Oongooye waxa uu ifka kaga tegay hal xaas iyo saddex carruur ah. W/D: Maxamed Macalin Xasan
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ah in gaadiidka aan buuxinin sharciga Gaadiidka dhulka marnaba ka shaqeyn doonin magaalada Muqdisho. Wasaaradda gaadiidka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay mashruuc cusub oo loogu gogol xaarayo Tijaabada badqabka gaadiidka, waxaana la sheegay in la doonayo ku dhaqanka xeerka Sharciga gadiidka dhulka. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in gaadiid walbaa uu mari doono tijaabada Mashruucaan, waxaana gaadiidka dadka wada laga dalbaday inay sharciga u hogaansamaan. “Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka. Wasiirka Gaadiidka ayaa sheegay in tababaro loo qaban doono shaqaalaha Guddiga Gaadiidleyda iyo Ciidamada Nabad gelyada Wadooyinka, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay kor u qaadidda aqoontooda si ay u ilaaliyaan nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed.
  16. Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 6’aad Shaqo abuurka iyo shaqo la’aantu marna waa fursad marna waa caqabad dalka dhib ku ah, Maalmihii u dambeeyay waxaan aad u qaadaa dhigayay in dhallinyaraddu shaqo helaan ama shaqo abuuraan, dalkeenna marka laga hadlayo waxa buuxa fursaddo badan oo shaqo lagu abuuri karo iyo fursado badan oo aynaan wali dareemin se loo baahan yahay. Haddii la doonnayo in dhallintu shaqo hesho waa in qorshe balaadhan oo dhinacwalba ah laga yeesho, xukuumadda uu hoggaaminayo Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku dhex jira dheemantii dhallinta iyo aqoonyahanka u hiiliyay, waanna Masuulka kaliya ee maanta hankii iyo higsigii dhallinyaradda Soo nooleeyay wax aan u aqoonsadday Sharmaarke Geelle inuu yahay masuulkii Kartida iyo caddaaladda xukuumadda Maanta , inbadan waxaan maqlayay Shaqooyinka dawladda waa la qaybsadaa, in badan waxaan maqlayay cid gaara ayaa kooto ku haysata haddaba ilaa maalintii uu sharmaarke Geelle la wareegay hay’adda shaqaalaha waxa isbeddelay hankii loo qabay in imtixaan iyo aqoon lagu hello shaqo tusaale 09.12.2018 waxay ahayd maalin ka mida maalmihii Hay’adda shaqaaluhu tartan galisay 50 kaalmood oo goboladda dalka imtixaan loo gallayay, anigu waxaan ku sugnaa Berbera, waxaanan maqlay in imtixaankaas la galayo oo codsiyaddii la furay ayaa waxa codisgaas xaraystay aniga iyo Xaaskayga Fahiima , anagoo doonnayna in aanu caddaaladda hay’adda shaqaalaha markhaati ka noqono, waxa imtixaanka u tartamayay 264 qof, 10.12.2018, waxa kale oo ay noqotay mucjiso kale oo gobolka saaxil dheeraa goboladda in lamaane is qabaa ku soo baxaan imtixaankii hay’ada shaqaalaha , taas waxaan uga socdaa marka in Hay’ada shaqaalaha soomaaliland ay tahay hay’adda caddaaladda iyo qalinka u hagar baxday. Sidoo kale taasi waxay ku tusaysaa in fursaddo badan oo aad heli lahaydeen aad fikir kale ka qaadateen oo aad wax kale is aamin siiseen, muhiimaddaan uga socdaa waa in aad kalsooni u yeelataan waxkasta oo aad rabtaan in aad ku guulleysataan. Shaqo kasta oo aad aragtaana aad soo taabataan gunta iyo xaqiiqda, xattaa haddii aad caddaalad dareemi waydid toos u waydii masuulka meesha haysta si aad xaqiiqda u ogaatid. Dalka fursaddo badan ayaa yaalla haddii aad diyaar u tihiin waxaan idinla wadaagayaa hal fursad shaqo oo aad abuuran kartaan haddii aad iskaashataan idinkoo kooxo ah iyo idinkoo midh midh ah:- Barnaamijka Adeeg Fikir shaqo abuur oo aan u hayo dhallinyaradda diyaarka u ah inay shaqo abuurtaan. magaca barnaamijku waa : “Adeeg” Barnaamijka ADEEG waxaan hayaa isagoo dhammaystiran oo ilaa fulintiisii wata se iimay suuro galin inaan fuliyo, se waxaan u hibbaynayaa cidkasta oo diyaar u ah innay ka faa’ideysato. Barnaamijka Adeeg waa barnaamij loogu adeegyo gurikasta iyo cidkasta oo u baahan in suuqa wax looga soo iibiyo gaar ahaan Saddexda wakhti ee cuntadda, waa adeeg laga soo adeegayo Sariibadda iyo suuqyadda waaweyn ee magaalooyinka subaxkasta iyadoo loo adeegayo guryaha u baahan si halkay degan yihiin loogu geeyo adeegyadda saribadeed ee joogtadda ah. haddii aad tahay hooyo aan awoodin innay gurigeeda ka baxdo ama ay suuqa aado adeegan ayaa ku caawinaya. adeegani wuxuu daboolayaa baahida suuqa ee subaxkasta loo dhaadhacayo taas oo la sammaynayo kooxo “Teamam” subaxkasta suuqa kaaga soo iibiya alaabta aad ubaahan tahay oo leh tayada aad rabtid iyo wakhtiga aad doonnaysid kaliya waxa lagaa qaadayaa Xoogaa yar oo adeeg ah. Subaxkasta waxa xaafadaha magaaladda u kala gooshaya tagaasi yar-yar oo sida adeegyadda Guryaha ee loo baahnaa hadday adeeg qaddo ah tahay, hadday adeeg cunto ama raashin tahay intaba iyaga ayaa kuu qabanaya kaliya waxa kaa xiga innaad dalbatid. Adeeg waa shirkad yeelanaysa xafiis iyo shaqaale Hablo u badan oo subixii ka soo adeegaya suuqa, iyagoo sita dalabkii macmiilka. tani waxay bad-baadinaysaa wakhtigii suuqa kaaga bixi lahaa, qiimihii oo noqonaya mid fadhiya, cidhiidhigii suuqa, tagsigii ku hambsaaminayay oo aad mid gaara kuu adeegayo, lugtii iyo qayladdi suuqa intaba waad kaga maarmaysaa, sidoo kale kalahaadii iyo haddii aad shaqaale tahay werwerkii kaa haystay Adeega guriga intaba waad ka nasan doontaa. barnaamijkan oo leh Business Plankii llagu fulinayay waa layga helayaa, kaliya dhallinyaradda Hablaha ah ee shaqo abuurka u baahan ayaan ugu tallo galay si ay shaqo iyo camal uga dhigtaan. waanna baahi taagan oo subaxkasta loo baahan yahay, xafiiskuna waa xafiis furan wakhtikasta oo loo baahdo. Waxa jira fikiro fara badan oo aynu haysano kuwaas oo aynaan awood ama wakhti midna u haynin waxaan, soo jeedin lahaa in dhallinyaradda loogu deeqo si ay uga faa’ideystaan. Ciddii si gaara fikir ugu baahan waan ka caawinayaa insha Allah. La soco qaybta 7’aad Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) farxaanmxd@gmail.com Facebook: Rakad Mxd Sultan Article: 330 Tell: – 063-4400319 Berbera. Qaran News
  17. Did Gaas win Puntland Election 2019/ Madaxweyne Gaas ma guulaysan ayaa Doorashada 2019 Yes/Haa No/Maya Other Please Specify: Puntlandi Surveys Source
  18. Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxaan u soo jeedinayaa Saddex qodob oo horumar u ah Maamul-wanaagga iyo wada-shaqaynta Hay’adaha Dawladda, waxayna kala yihiin:- Isbeddelka Xukuumadda aad hoggaamiyaha ka tahay kuma koobna Xubnaha aad Magacowdo ee kala ah, Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud, balse Isbeddelku wuxuu ka bilaabmaa Shaqaalaha, Madax-qaybeedyada oo la siiyo Tababbarro iyo wacyi-gelin ah ku dhaqanka Shuruucda Hay’adaha Dawliga ah, haddaba Mudane Madaxweyne wixii ka dambeeyay markii aad Magacowday Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Agaasimayaasha guud, waxa soo ka soo if baxay isla-markiiba is qabqabsi iyo wada-shaqayn la’aan ka dhex jirtay Xukuumadihii horeba, taana waxa sabab ah masuulka ugu sarreeya Wasaaraddu iyo ku-xigeenkiisuba ma samayn karaan isbeddel, balse waxa keena Isbeddelka ku dhaqanka Sharciga Wasaaraddaas ama Hay’addaas iyo la xisaabtanka Agaasime-waaxeedyada iyo shaqaalaha, sidaasi awgeed waxaan soo jeedinayaa in isbeddelka aad hormoodka ka tahay inuu noqdo ku dhaqanka Sharciga iyo la xisaabtanka Masuuliyiinta aad Magacowday ee Hay’addaasi. Haddaba, iyadoo hadal-haynta Dadku u badan tahay in Handaraab dhaqaale ka jiro Dalka sanadkii aad hoggaamiyaha Qaranka ahayd, balse Handaraabka lagu hal-qabsadaa maaha mid ka yimid Kaantaroolidda kharashaadka iyo dakhliga Dawladda ee waa mid ku kooban Xafiiskaaga iyo Af ku xoogleyaasha siyaasadda oo meesha ka baxay, sidaasi darteed waxaan kuu soo jeedinayaa, inaad hawl-geliso Hanti-dhowrka Qaranka oo Hay’adda u xil-saaran Kaantaroolidda kharashka iyo dakhliga, taasi oo horumar iyo sharaf u ah Xukuumadda aad hoggaamiso, iyadoo Hay’adda Hanti-dhowrka Qaranka lafteedu u baahan tahay Masuul Aqoon iyo khibrad u leh Waajibaadka Hanti-dhowrka. Mudane Madaxweyne, waxa jira Hay’ado muhiim ah oo ay lagama maarmaan tahay inaad dib u eegis ku samayso xilka ay Qaranka u hayaan iyo khibradda Masuuliyiinta ku Magacaaban, sida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Baanka dhexe ee Qaranka iyo Xeer ilaalinta guud ee Qaranka. Saddexdaa Hay’adood waxay Qaranka uga masuul yihiin tiirarka ugu muhiimsan Dawladnimada, balse wakhtigan waxa ka muuqda hoggaan la’aan. Mudane Madaxweyne, Miisaaniyadda Qaranka maaha mid Odoros iyo Qiyaas uun ku xidhan, balse waa inay ahaataa mid wasaarad walba lagula xisaabtamo Bajadkeedii inay ku fulisay wixii loo qorsheeyay. Sidaasi awgeed waxaan kuu soo jeedinayaa inaad magacowdo guddi Madax-banaan oo shaqadoodu tahay daba-galka sida Wasaaraduhu u isticmaaleen Lacagtii loo dhiibay, taasi oo kaabi doonta shaqada Hanti-dhowrka Guud iyo Xisbiyaha guud ee Dawladda. Mudane Madaxweyne, Anigoo aad kuugu hambalyeynaya muddadii aad xilka haysay tix-gelinta aad siiso ka jawaabidda tabashada Shacabka Somaliland iyo Talo soo jeedinta Muwaadiniinta, waxaan rajeynayaa inaad ka midho-dhaliso qodobbadan wixii mudnaan leh ee Danta Qaranku ku jirto. Wa billaahi Towfiiq Mowliid Aadan Cumar Hargeysa/Somaliland Source
  19. (SLT-Hargaysa)Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Md.Maxamed Shukri Jaamac ayaa maanso kaga dareen celiyey dayaca iyo daranyada laga soo tebiyey Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, oo dhawaan walalkii Hure Walanwal Warbaahinta kusoo banydhigay xaaladiisa caafimaad. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo arintaas ka hadlaaya ayaa waxa uu kaga dareen celiyey qoraalkan kooban iyo maansada la socota oo uu kaga waramay arimo badan oo xaalada Abwaanka iyo dhaxalka uu ummadda Af-soomaaliga ku hadasha uga tagay waxaanu yidhi sidan:- HADRAAWI !!! Waxaa dhawaan warbaahinta kasoo muuqday Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) walaalkii Abwaan Hurre oo reer Somaliland ogeysiinaya in Abwaan Hadraawi xaaladiisii caafimaad kasii dareyso, wax ka qabashadeeduna dhaaftay awoodii qoyska. Waxaan isweydiiyey sidey daw ku noqon kartaa in Abwaan Hadraawi xaaladiisu gaadho warbaahinta? Miyaaney dhaliil weyn ahayn? Maansadan soo socota waxay umada afka Soomaaliga ku hadasha xasuusineysaa, waxa Abwaan Hadraawi u taagan yahay iyo iney weji gabax ku tahay in culeyskiisu saaran yahay qoyskiisa. MADHAX BUU KA TAGAY RUNA!!!!! Hadii maanso iyo gabay Maamuus ku xidhan yahay, Hadii mawqif raganimo Milge iyo xus leeyahay, Hadii miiganaan iyo Mayal adagi door yahay, Hadii meeris iyo dood Madal lagala sarakaco, Keligii ismahadshiyo Maroor uu ka diig yahay, Musxul iyo gabood li’i Mildhaw iyo cabsi la’aan Lagu muujo dawgiyo Sida marinku uu yahay Manno beeninteediyo Is magaabshe lagu duro, Allaylehe mugbuu yidhi Mug la mahadsbeybuu yidhi, Mahadhooyin kala daran Masalooyin dhaxal gala Madhaxbuu ka tegey runa Inta magaca soomaal Jiro loo masalo tago. Maskax caabuq galay iyo Maan hinaase dhego tirey, Mabda’ kale nin haystiyo Masuug waa halkoodee, Mahwi laysu soo baxay Meegaar cidhiidhyoon Mudaniyo marwiyo doob Madaw iyo cadaan iyo Muslin iyo wasani iyo Mastar kiristan joogtaan, In markhaati loo furey Inuu Maxamed gudashada Maareynta hawlaha Malko looga baahnaa Miciin uu ka tari karo Maalmii qadhaadhaa Masalooyinkii dhacay Meelcad uu ka taagnaa. Hadii Maydal dheelmado Mawlihiisu oofsado Anigoon macbuudkay Midhka uu sireystiyo Maamulkiisa la ogeyn Waxa loo maleeyaa Maasha’e ferdawsiyo Meel aaney eegmiyo Milicsiga il bogatiyo Maqal aanu sugahayn Mush-mushaaxi doonoo Maali doono naxariis. Hadal waa magawgiyo Mudka iyo amaankiyo Midh horaadka qaadoo Iska meeri dhiilkee, Balse mudanayaashoow Madaxyahay xujeysani Waayahay nin magac iyo Maal lagu majeertoow, Hadhaw maalintuu baxo Dunidaba ka madax gado Miciinkiinu hadur iyo Micno li’i kusoo dhaco, Meyd u ooyidiisiyo Muuqaal lasoo tubo Meeshay tacsidu taal, I arkaay maqlaay iyo Iska maararow iyo Adna madaxa soo geli, Murugo aan qalbiga jirin War munaafaq weeyoo Macno keenimeysee, Maahir waxa u dheregsi ah Maankiisu jecel yahay Masalaha dushiisiyo Maqaamkuu ku talaxgabay Asagoo mabsuudoon Milgo-xumo tirsanahayn Mawdka uu ku sugilaa, In la maalo dhaxalkuu Mudo dheer ku foognaa Ku muteystey maag iyo Middi loo afeystiyo Mahurtada agteediyo Minankiisoo laga hiro, Mood iyo dhaqmaad iyo Mulki kaleba soo gelin, Ku dhameystey maalmii Muhashadu agtiisiyo Maqalkiisa jamatee, Anna aan mar fiirsado Miridh aan agjoogsado Midigtiisa kaabsado Mashquul lagu ahaayee Magaciisu sudhan yahay. Maxamed Shukri Jaamac Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Source
  20. Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayaa qabatay kulan looga arrinsanyey sidii dawladda Puntland loogu samayn lahaa nidaam guud oo lagu kaydiyo xogta shaqaalaha dalwadda. Nidaamkan ayaa waxa uu ka caawinaya shaqaalaha dawladda in uu xuquuqdiisa iyo mushaarkiisaba ku qaadan karo hab Electronic ah isagoo adeegsanaya kaarkiisa ama aqoonsigiisa shaqada, sidoo kale waxa uu meesha ka saarayaa in qofka shaqaalaha ahi uu labo xarumood oo dawli ah uu mushaar kawada qaato. Sidoo kale hannaankan ayaa dawladda ka caawin ilaalinta xogta shaqaalaha waxaana uu fududayn doonaa in waxbixin sax ah marwalba laga heli karo shaqaalaha, waxaaana dawladda ka caawinaya hirgelinta barnaamijkan mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP The post Dawladda Puntland oo casriyaynaysa hannaankeeda kaydinta ama diinwaan gelinta shaqaalaha appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-261218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Waqtigii Xukuumada kulmiye ay xukunka dalka haleeshay waxaa Miisaaniyada qaranku aheyd $ 50 million oo dollar oo barakeysan. Sanadihii 2012 iyo 2013 way sadex laabeen oo waxay ka dhigeen $170 million dollar oo male awaal ah, sanadkii 2014 waxay ku odoroseen $ 212 Million dollar oo cilmi feleg ah. sanadkii 2015 way sii shaasheeyeen oo waxay ku sii bishileen $ 251 Million dollar. Boowe ! Waxaa soo aduun la sedex laabay , la afar laabay oo Caasimada Hargeysi ay weli ka biyo la’dahay wax macne leh oo maadi ah may sameyn, waxaa keliya ee laga hayaa ama ka muuqda dalka oo dhan waa deyrar yar yar oo la wareejiyey iyo daaraha laba Wasaaradood oo keliya waayo inta kale dhismeyaasha wasaaradaha waxaa in oo dhisay hayadaha caalamiga ah. Sanadkii 2016 ayaa isna xukuumadii X-kulmiye ku hadaaqday in boqolkiiba13% ay kordhiyeen miisaaniyadii dalka iyaga oo ku odorosay miisaaniyada sanadkaas lacag dhan: $298 Million Dollar, hada waa Xukuumadii ku caanka baxday ” maal urursiga, cadaalada leexatay iyo cashuur la lunsaday”. Sanadkii 2017 Waxay miisaaniyada ku qiyaaseen hadana lacag dhan $362 million dollar. Sanadkan sii dhamaanaya ee 2018 ayey Xukuumada MBA miisaaniyada ku falkiyeen lacag dhan:168,7000.000.00 SL / shilling. Maantana waxaynu markhaati ka noqonay Sanadkan cusub ee soo socda ee 2019 in ay miisaaniyada qaranka ku soo biyo dhiijiyeen lacag dhan : 2,234.320.463.251 SL / Shilling. kuye ! Waxay miisaaniyadani ka badan tahay tii kal hore 8% iyada oo aan la arag lana maqal goob xisaab xidhkii miisaaniyada sanadka 2018 lagu soo badhigay….Yaab !! Iyada oo lawada ogyahay in aanu qarankan Somalilaan laheyn “Gunti Giijis Dhaqaale” iyadoo aanu dalku laheyn xog, xaqiiq iyo xiliyo isku sar go’an, iyada lawada ogyahay in qorshaha ansixinta miisaaniyadu yahay qorshe wadareed mug leh oo waqti badan u baahan ayaa Xukuumadu caadaysatay in duuduub mar kasta loogu ansixiyo Miisaaniyad aan laga doodin oo aan ku iman maskax tuujin iyo macne cokan, iyada oo weliba ah miisaaniyad cilmi feleg ah oo aan muud iyo miisaan isku sar go’an laheyn, markaad eegto sida wasaaradaha iyo hayadaha dawlada loogu qaybiyey, bal u fiirso sida mashaariicda gobolada loo kala fadilay. Waxaa ummadda fajaciso iyo yaab ku noqotay Wasaaraddii Waxbarashada ee ugu baaxada weyneyd uguna shaqaalaha badneyd dalka oo shaqaalaheedu qaadhaayo 37.8 % marka lagu sar gooyo shaqaalaha JSL oo ku soo aruray tiro koobkii ka dib 14,057 qof, ayaa Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 71 Bilyan oo SL/Shilling ah halka Wasaaradda Maaliyada oo shaqaalaheedu yahay 9.6 % , miisaaniyada loogu daray lacag dhan 242 Bilyan Sl/Shilling. Waxaa iyana fajaciso iyo yaab shacabka ku noqotay markii wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka oo shaqaalaheedu uu yahay 3.9% oo keliya Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 44 Bilyan Sl/shillings taas oo ka badan labada wasaaradood ee nolosha shacabka wax ka bedeli lahaa sida Wasaaradda Beeraha oo miisaamiyada loogu daray 17 Bilyan Sl/shilling iyo Wasaaradda kaluumaysiga iyo xanaanada xoolaha oo miisaaniyada iyana loogu daray lacag dhan 28 Bilyan Sl/Shilling . Waxaynu wada og nahay in qarankan yar ee raad qaadka ah ee raranka maanta saarani aanu laheyn Turuq ama (Jump start) ama gun-dhig uu isku taago si aanu u-liicin, ululmin oo aanu uga-lumin tubtii toosneyd ee loogu talo galey, Hadaba Jugtii lagu istaadhi lahaa dhaqaalaha yar ee Somalilaan ayaan ku jirin Miisaaniyadan male awaalka ah ee 2019, Waayo Waxaa ka maqan miisaaniyadan lacagahan hoose oo aan ummadda weli loo cadeyn asbaabaha looga reebay miisaaniyada lacagahan tirada badan sida : 1-Kirada Madaarka Berbera oo saldhig ciidan ay ka dhigatay dawlada imaaraatiga laguna kireeyey lacag dhan $300 million doollar 2- Kirada Dekeda Berbera oo lagu qiyaasay lacag ka badan $6 Million dollar iyo weliba faa’idada laga helay Dekeda sanadkiiba mar oo noqonaysa 10 % . 3- Lacagta ka soo xaroota Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, maadaama dawladu la wareegtay, lacagtaas oo lagu qiyaasay $24 million dollar sanadkiiba 4- Lacagaha u qoondeysan in ay xukumadu soo daabacato sanadka 2019, maadaama kulmiye lagu yaqaan lacag daabacashada sicir bararka inoo keenay. 5- Lacagaha kor loogu soo qaadayo Baanka Dhexe ee JSL oo imaaraatigu uu balan qaaday inuu bixin doono maadaama sanadkan dhamaaday ee 2018 uu bixiyey. Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay shacabka JSL u soo bandhigto xisaab xidhka miisaaniyada sandankan dhamaaday ee 2018, kaa soo laga filaayo in uu ahaado xisaab xidh ku saleysan Qorsheyaashii Horumarineed ee Qaranka Somalilaan lagu horumarinaayey ee loo bixiyey qorshaha horumarinta higsiga qaranka ee ( NDP 2) . Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  23. Toddobada bilood ka hor markii guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari lagu qasbay inuu is-casilo, laguna beddelay Maxamed Mursal, waxaan moodnay in baarlamanka uu u gacan galay xukuumadda. Waxaan moodnay inaysan jiri doonin hay’ad la xisaabtanta xukuumadda, oo labada hay’adood ee sharci-dejinta iyo sharci-fulinta laga maamuli doono hal xafiis. Waxaan moodnay in baarlamanka uu hoggaanka u qabtay guddoomiye aan maskax ahaan madax banaaneeyn oo ah magac u yaal lagu adeegto, wixii dan ahna lagu fushado. Waxaan moodnay in Maxamed Mursal yahay nin aan marnaba qaadan karin go’aan ka dhan ah xukuumadda, islamarkaana mar walba uu ku shaqeyn doono rabitaankeeda. Annaga oo sidaas moodnay ayaa waxaa guddiga maaliyadda ee baarlamanka kala diray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka, oo isna ah qof aan maskax ahaan madax baaneyn, kadib markii guddiga ay soo saareen warbixin banaanka keentay musuq maasuqa xukuumadda. Kadib, Mursal oo safar uu ku maqnaa kasoo laabtay, ayaa ku dhiiraday inuu guddiga dib usoo celiyo, maalmo kadibna aqbalay mooshin ka dhan ahaa madaxweyne Farmaajo. Mar qura ayaan moodnay inaan qaldannay oo Mursal usan ahayn ninkii aan moodnay inuu yahay. Waxaa na gashay rajo ah inuu xoriyaddiisa maskaxeed dib usoo helay, ciddii doontaba ha usoo celisee. Waxaan moodnay in mar kale dalka uu helay hay’ado kala duwan oo isla shaqeeya balse isla xisaabtama, islamarkaana ilaaliya nidaamka dowladeed ee saxda ah. Dhammaan shacabkii ayaa Mursal u sacabo tumay, xildhibaannada mucaaradka ayaa u riyaaqay, wuxuu noqday geesi awooda in wixii qalad ah uu diido, oo uu ka shaqeeya danta dalka. Nasiib darro farxaddaas ma raagin, waxayna kusoo idlaatay oo kaliya laba toddobaad. Mursal wuxuu dib dhiibay xoriyaddiisa maskaxeed. Wuxuu gatay sumcaddiisa, isaga mar kale ku laabtay marxaladdii uu kasoo baxsaday. Ka laabashadii mooshinka madaxweynaha, oo aan aniga ku taageeray inuu ku saxnaa, maadaama uu ahaa mooshin sharci darro ah, waxaa xigay go’aan aan la qaadan karin oo xalay kasoo baxay. Wuxuu mar kale u hoggaansamay rabitaankii xukuumadda, wuxuuna guddigii maaliyadda ee uu horey usoo celiyey ka saaray xubnhii xukuumadda u aragtay inay la xisaabtami karaan, isaga oo ku beddelay xubno wada taageersan xukuumadda, oo sidiisa oo kale aan madax banaaneyn. Waxa uu madax banaanidiisii qofeed iyo tii baarlamanka hoos geeyey xafiiska ra’iisul wasaaraha. Wuxuuna hay’addii sharci-dejinta dalka ka dhigay qeyb ka mid ah hay’adda fulinta. Dhammaan wixii aan moodnay inaan ku qaldeneyn inaan aaminno ayuu Mursal noqday. Mursal waxa uu noqday ninkii aan moodnay inuu yahay. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid