Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Habeenkii uu curanayay sanadkii 1987 waxa hargaysa tiyaatar laggu qabtay xaflad googoosa oo loogu dabaal degeyay dhalashada sanadka cusub ,xafladaas oo loogu magac daray sanadka cusub iyo sadexda axmed . Sadexda axmed ee la sheegayeyna waxay ahaayeen ,axmed gacayte ,axmed mooge iyo axmed Cali cigaal ,iyo xasan aadan samatar, kuwaasoo mid waliba soo bandhigay dhawr Ka mida heesaha uu horre u qaadi jirey iyo kuwo cusuba . Habeenkaa axmed mooge ,heesaha uu qaadayay waxaa Ka mid ahayd heesta tidhaahda , ” Dad hadaa is qabataan , Ilayn waad la doodaa ? Duufaanka xoogle Waa lagga ducaystaa Shay kastoo nafta u daran Waxbaa laggula daalaa , Ogoow waxaa u digo kulul Dabci xume jacayl baa Daandaansi badanàa, Ninkuu maalintàa dago Ama uu la Helo dabar Ayaad diifta weligii Dusha aad Ka garataa . Axmed gacayte na heesaha uu habeenkaa qàadayay waxaa Ka mid ahaa, heesta ay Ku jirto , Hamigeeda adunyo Hir Ka muuqda dushayda Haab haabtaayoon Huri waayay , Ma halmaamo Haybadeedaa I hor joogta Maxaa iga haysta Ku habsaamay Intii aan u heesaayay . Halka xasan aadan Ka qàadayay, Ma hayoo Mana sugaayo Iimana maqnee Maareeyoo Sidebuu cishqigu Maskaxdiyo qalbiga Uga miirmayaa Uga miirmayaa . Hadaba waa sidaase ,. Waxaad moodaa in saaxadda siyaadda Somaliland Ku bilaabanayso sanadka cusub googoosa u eeg kaa ay soo bandhigeen fanaaniintaas isku magaca ihi ,kaasoo ay jilayaaan ,sadexda siyasi ee kasoo jeeda sadexda jufo ee ilmaadeerka ah iskuna magaca ihi , kuwaasoo Kala ah axmed cabdi dheere , cabdiraxmaan cirro iyo faysal Cali waraabe . Hadaba siyaasi waliba waxaad moodaa in siyaasadiisu u eeg tahay hees Ka mid ,heesaha fanaaniintu habeenkaa soo bandhigayeen ,sidaase isugu beeg beegsaysaan idinkaan idiin daayay . W/Q: Axmed Nuur Guruje Source
  2. Soomaalidu waxay u baahan tahay Hoggaamiye la mida Abraham Lincoln oo runtii aan ahayn falciye balse ahaa fal curiye. Abraham Lincoln sida uu u xalliyey dhibaatooyinkii la soo darsay xilligiisii waxay ku tusaysaa inuu ahaa Hoggaamiye dhalad ah ee aanu ahayn afmiishaar erayo bowsaday sida ragga qaar. Abraham Lincoln wuxuu xal ka ka gaadhay dagaalladii Koonfurta iyo Woqooyiga Maraykanka. Wuxuu meesha ka saaray in la addoonsado dadka madaw. Wuxuu ku guulaystay Midnnimada Maraykanka isagoo meesha ka saaray 13-kii gobol ee Confederate Stateska la baxay kuwaas oo rabay inay ka go’aan Maraykanka intiisa kale. Waxaanu dib u dhisay Maraykanka weyn ee macnaha kuleh adduunyada maanta. Waayo Soomaalida u baahan Abraham Lincoln? Innaga… Innagee.. Qaddiyada ugu weyn ee Soomaalida hortaallaa waa qaddiyada Soomaalilaan, qaddiyada labaadna waata deegaanka Soomaalida Itoobiya oo murankeedu aanu marnaba dami doonin inta aan xal kama danbays ah laga gaadhin. Jilayaasha siyaasadda Soomaalidu waa laba nooc midi waa midnnimo doon, siday sheegaan, midina waa goonni goosad. Kuwa goonni goosadka ahi doodahooda waxaa kamida XASUUQ. Haddaba markaad fiiriso dacwaddan iyo dooddan ma tahay mid midnnimo doonku ka garaabay, amase diidey oo beeniyey? Aniga aragtidayda lagama garaabin waxayna u badan tahay inay been u haystaan. Africa waxa ugu dhibaato xumayd Rwanda oo xasuuqii ugu xumaa ka dhacay. Laakiin Rwanda laba si ayaa looga gudbay dhibaatadaas. 1. Paul Kagame sida uu marar badan sheegay wuxuu ahaa madaxweyne xigeen ahna Wasiirka difaaca isagoo ka soo jeeda dadkii sida bahalnnimada ah loo xasuuqay ee Tutsiga. Wuxuu kaloo ahaa 1994- illaa 2000 Hoggaamiyihii ugu saamaynta badnaa ee Rwanda. Sida uu sheegayna isagaa sabab u ahaa cafiska iyo midnnimada Rwanda. Laakiin yaa la cafiyey? Lama cafiyin kuwii danbiga geystay waxa is cafiyey shacabkii dhibaatadu dhex martay. Markaana? Maxkamada Caalamiga ee danbiyada Rwanda ayaa ku xukuntay taliyihii hore ee ciidamada Rwanda Augustin Bizimungu sodon sono oo xadhig ah isagoo lagu eedeeyey qaybtii uu ku lahaa xasuuqii Rwanda ee 1994kii. Wixii danbiyada galay reero may noqonine waa la eedeeyey kadibna waa la xidhxidhay. Innagana tollaayeey…! Laakiin dacwadda Hargeysa taallaa iyo midda Rwanda way kala duwan yihiin. Hargeysa beeli may xasuuqin beel kale sida Rwanda Hutu iyo Tutsi isu xasuuqeen oo kale maaha. Xukuumad baa na laysay weeye dacwaddu. Adiga ma xukuumaddii ayaad tahay? Maya, adiga miyaa lagu haystaa? Maya, laakiin een.. een.. ninkaas la dacweynayo isku reer baannu nahay.! Ila qabo oo Maxkamad ila gee ha is difaaco eedeysnuhuye, een…een. maya looma dhawaan karo ninkaas. Haye maxaynu yeelnaa oo xal ah? Ayunu midowno oo walaalowno macal isaga ninkan ku xasuuqay laftarkiisa aynu is wada jeclaanno. Oo is cafinno. Ma ila socotaa? Bosnia raggii ku eedeysnaa Maxmamadda adduunka horteeda ayaa la soo taagey, kadibna sun bay ku hor liqeen Maxmamadda horteeda markay arkeen inaanay badbaadayn waxaa kamid ahaa. Slobodan Praljak, a commander of Croat forces during the 1990s war in Bosnia. Ceeb maaha in qof la soo eedeeyo oo Maxkmad la geeyo, oo uu isdifaaco ama lagu helo ama lagu waayo laakiin waxa ceeb ah in eedeysane reer noqdo oo loo arko in reer loo jeedo. Midnnimo doonku maxay la yimaaddeen? Ugu yaraan markaad xal raadis tahay waa inaad la timaaddo Qiraal aad qirto wixii laguu sheegto ama lagugu haysto ee markhaatiga leh. Garawshiiyo ayaa ah albaab kasta oo mudduci iyo madaacali isku hor fadhiisan karaan. Aragtida Xamar taallaa waa Soomaali waa islaysay, laakiin waayo Soomaalida islaysay? 1991-kii ma Mogadishu Clan ayaa Daarood Muqdisho ku ugaadhsanayeybaa laga wadaa? Mise dagaalkii afar biloodka ahaa ee Abgaal iyo Habargidir ayaa loola jeedaa? Mise Hoggaamiye kooxeedyadii xaafadaha Muqdisho ka talin jiray baa laga wadaa? Waayo Soomaalida islaysay? Hargeysa labada aragtiyood ee midi tahay dawladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa na xasuuqday waan ku taageersanahay inaan laga hadhin ee lagu xisaabtamo, ceeb maaha, cuqdad maaha, cay maanha ciil-qabna maah, laakiin waa isla xisaabtan adduunyadana hore uga jiray kana jiri doona. Dadka midnnimada raadinaya diyaar uma aha illaa iyo hadda run aynu xisaabtanno. Hargeysi diyaaradihii duqeeyey beeli may wadanin, beelana laguma haysto. 47-kii qof ee Xeebta Jaziira lagu laayey beeli may dilin beelana laguma haysto. 42-kii qof ee Burco lagu dilay reer ma laynin, reerna laguma haysto. Maxaa keenaya in la oggolaan waayo in la sheego wixii dhacay? Maxaa loo ceebsanayaa haddii la xuso oo laga sheekeeyo. Maxaa loo waayey qof qudha oo aqoonyahan ah oo xataa hadduu dood ka qabo si caafimaad qabta uga hadla. Ugu danbeyn waxaan taageerayaa in la dhiso astaan kasta oo muujinaysa dagaal iyo dhib Soomaalida ku soo dhacday si loo xasuusto oo caruurteenna ay Mustaqbalkooda danbe uga feejignaadaan. Civil War Museum meel kasta adduunyada uu ka jiraa laakiin waa inuu ahaa run caddeynna wato. Anigu xalka waxaan u arkaa oo Soomaalinnimaduna ku jirtaa. Inaynu eedeysnayaasha Soomaalida meel kasta oo ay joogaan oggolaanno in la maxkamadeeyo. In la abuuro isfaham dhaw oo ISAAQ iyo Daarood ah maadaama muranka siyaasiga ahi uu salka ku hayo xatiiltan hoose oo u dhexeeya beelahan. Haddii aynu eedeysnayaasha Soomaalida maxkamadeyno reerna gun noqon maayo, reerna gob noqon maayo. W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi Bulay571@gmail.com Source
  3. Waqtigii Xukuumada kulmiye ay xukunka dalka haleeshay waxaa Miisaaniyada qaranku aheyd $ 50 million oo dollar oo barakeysan. Sanadihii 2012 iyo 2013 way sadex laabeen oo waxay ka dhigeen $170 million dollar oo male awaal ah, sanadkii 2014 waxay ku odoroseen $ 212 Million dollar oo cilmi feleg ah. sanadkii 2015 way sii shaasheeyeen oo waxay ku sii bishileen $ 251 Million dollar. Boowe ! Waxaa soo aduun la sedex laabay , la afar laabay oo Caasimada Hargeysi ay weli ka biyo la’dahay wax macne leh oo maadi ah may sameyn, waxaa keliya ee laga hayaa ama ka muuqda dalka oo dhan waa deyrar yar yar oo la wareejiyey iyo daaraha laba Wasaaradood oo keliya waayo inta kale dhismeyaasha wasaaradaha waxaa in oo dhisay hayadaha caalamiga ah. Sanadkii 2016 ayaa isna xukuumadii X-kulmiye ku hadaaqday in boqolkiiba 13% ay kordhiyeen miisaaniyadii dalka iyaga oo ku odorosay miisaaniyada sanadkaas lacag dhan: $298 Million Dollar, hada waa Xukuumadii ku caanka baxday ” maal urursiga, cadaalada leexatay iyo cashuur la lunsaday”. Sanadkii 2017 Waxay miisaaniyada ku qiyaaseen hadana lacag dhan $362 million dollar. Sanadkan sii dhamaanaya ee 2018 ayey Xukuumada MBA miisaaniyada ku falkiyeen lacag dhan: 168,7000.000.00 SL / shilling. Maantana waxaynu markhaati ka noqonay Sanadkan cusub ee soo socda ee 2019 in ay miisaaniyada qaranka ku soo biyo dhiijiyeen lacag dhan : 2,234.320.463.251 SL / Shilling. kuye ! Waxay miisaaniyadani ka badan tahay tii kal hore 8% iyada oo aan la arag lana maqal goob xisaab xidhkii miisaaniyada sanadka 2018 lagu soo badhigay….Yaab !! Iyada oo lawada ogyahay in aanu qarankan Somalilaan laheyn ” Gunti Giijis Dhaqaale” iyadoo aanu dalku laheyn xog, xaqiiq iyo xiliyo isku sar go’an, iyada lawada ogyahay in qorshaha ansixinta miisaaniyadu yahay qorshe wadareed mug leh oo waqti badan u baahan ayaa Xukuumadu caadaysatay in duuduub mar kasta loogu ansixiyo Miisaaniyad aan laga doodin oo aan ku iman maskax tuujin iyo macne cokan, iyada oo weliba ah miisaaniyad cilmi feleg ah oo aan muud iyo miisaan isku sar go’an laheyn, markaad eegto sida wasaaradaha iyo hayadaha dawlada loogu qaybiyey, bal u fiirso sida mashaariicda gobolada loo kala fadilay. Waxaa ummadda fajaciso iyo yaab ku noqotay Wasaaraddii Waxbarashada ee ugu baaxada weyneyd uguna shaqaalaha badneyd dalka oo shaqaalaheedu qaadhaayo 37.8 % marka lagu sar gooyo shaqaalaha JSL oo ku soo aruray tiro koobkii ka dib 14,057 qof, ayaa Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 71 Bilyan oo SL/Shilling ah halka Wasaaradda Maaliyada oo shaqaalaheedu yahay 9.6 % , miisaaniyada loogu daray lacag dhan 242 Bilyan Sl/Shilling . Waxaa iyana fajaciso iyo yaab shacabka ku noqotay markii wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka oo shaqaalaheedu uu yahay 3.9% oo keliya Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 44 Bilyan Sl/shillings taas oo ka badan labada wasaaradood ee nolosha shacabka wax ka bedeli lahaa sida Wasaaradda Beeraha oo miisaamiyada loogu daray 17 Bilyan Sl/shilling iyo Wasaaradda kaluumaysiga iyo xanaanada xoolaha oo miisaaniyada iyana loogu daray lacag dhan 28 Bilyan Sl/Shilling . Waxaynu wada og nahay in qarankan yar ee raad qaadka ah ee raranka maanta saarani aanu laheyn Turuq ama (Jump start) ama gun-dhig uu isku taago si aanu u-liicin, ululmin oo aanu uga-lumin tubtii toosneyd ee loogu talo galey, Hadaba Jugtii lagu istaadhi lahaa dhaqaalaha yar ee Somalilaan ayaan ku jirin Miisaaniyadan male awaalka ah ee 2019, Waayo Waxaa ka maqan miisaaniyadan lacagahan hoose oo aan ummadda weli loo cadeyn asbaabaha looga reebay miisaaniyada lacagahan tirada badan sida : 1-Kirada Madaarka Berbera oo saldhig ciidan ay ka dhigatay dawlada imaaraatiga laguna kireeyey lacag dhan $300 million doollar 2- Kirada Dekeda Berbera oo lagu qiyaasay lacag ka badan $6 Million dollar iyo weliba faa’idada laga helay Dekeda sanadkiiba mar oo noqonaysa 10 % . 3- Lacagta ka soo xaroota Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, maadaama dawladu la wareegtay, lacagtaas oo lagu qiyaasay $24 million dollar sanadkiiba 4- Lacagaha u qoondeysan in ay xukumadu soo daabacato sanadka 2019, maadaama kulmiye lagu yaqaan lacag daabacashada sicir bararka inoo keenay. 5- Lacagaha kor loogu soo qaadayo Baanka Dhexe ee JSL oo imaaraatigu uu balan qaaday inuu bixin doono maadaama sanadkan dhamaaday ee 2018 uu bixiyey. Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay shacabka JSL u soo bandhigto xisaab xidhka miisaaniyada sandankan dhamaaday ee 2018, kaa soo laga filaayo in uu ahaado xisaab xidh ku saleysan Qorsheyaashii Horumarineed ee Qaranka Somalilaan lagu horumarinaayey ee loo bixiyey qorshaha horumarinta higsiga qaranka ee ( NDP 2) . Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
  4. Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si adag uga digay ol’ole uu sheegay in dowladda Federaalku [...] Source
  5. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya goordhow waxaa ka dhacay qarax qasaare geeystay. Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Waabari ee Muqdisho. qaraxa ayaa gaarigiisa waxaa loogu xiray Cismaan Dheere oo kamid ah Agaasimaayasha Xafiiska Ra’isilwasaaraha Soomaaliya. Agaasimaha ayaa dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi gaarigiisa loogu xiray. Ciidamad amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo baaritaano ka wada halka qaraxa uu ka dhacay. Faah Faahinta dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Qarax gaari lagu xiray ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay xaafadda 1-da Maajo ee degmada Waaberi, ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey sarkaal dowladda ka tirsan ayaa ku dhaawacmay, waxaana burburay qeybo ka mid ah gaariga qarxay. Wararkan oo dhameystiran kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Garowe (Puntlandi) Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada maaliyadda dowladda Puntland, Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa maanta ku dhawaaqaya inuu yahay musharax u taagan xilka [...] Source
  8. Wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ahna xildhiaaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa villa Hargeysa kula kulmay guddiga maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya oo qilaafad dheer kadib dib u habeeyn lagu sameeyay. Guddigaan ayaa shalay doortay gudoon cusub oo hogaamin doono guddigaasi. Wasiirka ayaa kala hadlay qaabka ay u wada shaqeeyn lahaayeen guddigaaasi iyo wasaarada Maaliyada. ” Waxaan la kulanay guddiga maaliyada Waxaan kala hadalnay sidii aan u wada shaqeeyn lahaa kulankeenana guul ayuu ku soo dhamaaday” ayuu yiri wasiirka. Waxaa la xaliyay qilaaf ka dhashay kala diristii lagu sameeyay guddiga maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya qilaafkaasi oo u dhaxeeyay Madaxda sare ee dalka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Beeyle oo la kulmay guddiga Cusub ee maaliyada Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  9. The president of Jubbaland state of Somalia, Ahmed Madobe has announced a new offensive to flush out Al-Shabaab from its remaining strongholds. Speaking to the reporters in Kismayo city on Wednesday, Madobe underlined that new operation will be the final push to bring an end to the presence of Al Shabab in Jubbaland. The president further said the state troops will begin their mission with the liberation of Bu’alle town, which is currently under Al-Shabaab control. The town is the official capital of Jubbaland. Jubbaland state leader has, on the other hand, accused Somali Federal government and African Union mission [AMISOM] of dragging their feet on the war on Al Shabaab. The post Jubbaland announces new offensive against Al-Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Taariikh Hore: Cumar Samatar & Taariikhda Marka La Khaldo. Dagaaladii Boqortooyadii Majeerteenka iyo Hawiyaha dhax maray. Cumar Samatar ma waxa uu ahaa Gumeysi la dirir mise Gumeysi kalkaal? Cumar Samatar Rooble waxa uu ku dhashay magaaladda Caluula,waxaa uu ahaa taliyaha ciidankii Ali Yusuf. Boqorkii Majeerteen ee ka talinayay deegaanka Hobyo ayaa kula heshiiyay Talyaaniga in uu dagaal la’aan ku soo fido Dhulka Majeerteenka,ayaa wakiilkii Talyaanigu “Mr Trivulzio” waxa uu ka shakiyay dhaqdhaqaaq ciidan oo ku soo jeeda koofurta iyo Ciidamadii Talyaaniga ee “the Corpo Zaptie”. Dhaqdhaqaaqaa oo Xabashidu gadaal ka riixeeysay uuna hor socdo Taliyihii ciidanka Boqor Cali yusuf oo ahaa: Cumar Samatar, oo ka soo horjeestay heshiiskii Boqortooyadii Majeerteenka iyo Talyaaniga, waxa uuna gacan ka helay dadkii Hawiyaha ee diidanaa Boqortooyasa Majeerteenka, waxa uuna weeraray Magaalada Ceelbuur 9 November 1925. Dagaal jid gal ahaa ayaa lagu dilay Taliyihii howlgalka Talyaaniga Gaashaanle dhexe : Splendorelli, asaga oo ka soo dhaqaaqay Buula burte kuna dhawaa Budbud , waxaa lagu galay deegaanka Bood.Talyaaniga waxaa shaki sii galiyay Goobta lagu dilay sarkaalka maba eyna joogin ciidamadii Cumar Samatar, waxa halkaa joogay ciidamo deegaan oo aan la jirin labada dhinac ee colaadu ka dhexeysay. kadibna Kaligii taliyihii Talyaaniga xakumayay “Musliini” ayaa amray in Hobyo iyo dhulka majeerteenka oo dhan la qabto awood kastana loo isticmaalo. Dagaalada Cumar iyo Talyaanigu muddo dheer maba socon , muddo bil ka yar December 26, 1925, ayuu Talyaanigu horay u sii socday Cumar Samatarna wuxuu u baxsady dhinaca xukunka Ethiopia. Boqor xeyle salaase ayaa u magacaaabay 1947 la taliyihiisa arrimaha Somalia, iyo gacantiisa midig, wixii ka dambeeyayna waxaa loo aqoonsaday nin muwaadin ah oo daacad u ah itobiya illaa uu itobiya ku geeriyooday 1961, waxa uuna aad uga soo hor jeeday fikirka somaliweyn iyo Dhaqdhaqaayada gobanimo doonka ahaa ee Somali galbeed.Cumar samatar waxaa loogu magacdaray dugsiga sare ee magaalada Gaalkacyo, waxaa kale oo loogu magacdaray dugsiyo ku yaala dalkaasi Itobiya , waxaa kale oo loogu magacdaray Jaamacad ku taalaa magaalada Adis ababa. waxaa kale oo Cumar Samatar loogu magacdaray waddada wayn ee isku xirta magaalooyinka Hawaash iyo Adis ababa .waxaa kale oo jirta maalin taariikhi ka ah dalka ethopia oo loo yaqaan (three festival freedom)oo lagu xuso Cumar Samatar iyo boqor Xeyla Salaase. Waxa uu noqday taliye ciidamo gaar ah oo la dagaalama Somalida gobanimo doonka aheyd, waxaana loo magacaabay maamule deegaanadda Somali Galbeed. Talyaaniga waxaa fursad u noqday, Qabiiladii Hawiyaha oo is bar bar dhigay Itobiya iyo Talyaaniga door bidayna talyaaniga, waxaa arrintaa Qabiilada Hawiyaha ku khasbay markii la arkay sida Boqortooyada Majeerteenku ula dhaqantay dhulkii Hawiyaha oo ey qabsatay, ee Bariga deegaanka Habar gidir iyo Murusadaha. Kadibna waxaa Cumar Samatar dagaal kala horyimid Qabiilada Abgaal, xawaadle iyo baadi cade saddaxdaan Qabiil deegaankooda marna ma Qabsan Boqortooyadii Majeerteenku. Markii uu Cumar Samatar uu isku dayay in uu soo weeraro “Bud bud” oo ah cirifka deegaanka Weceyslaha, Si looga difaaco Boqortooyadii Majeerteenka ee soo fideeysay iyo Ciidamada Cumar Samatar ee Amxaaradu howl galineysay , ayaa dhulka Weceyslaha waxaa laga diyaariyay 4 xerro, oo Ciidamo Deegaan lagu tababaro, waxaana xeryahaa Maddax ka ahaa: Mohamed Afrax Garuun, waxaana Taliye ka ahaa: Fiidoow Qoorey. Xerada ugu weyn waxa ey aheyd “ Siibadii Ceel Cowl” oo hore u ahaan jirtay xarun ciidamadii Ujuuraanka, xeradaa oo markii dambe loo soo raray magaalada Bud bud, ciidamadaa oo ka koobnaa qabiilada Weceysle, Daauuud iyo Ciise Harti, ayaa jabiyay duulaankii Cumar Samatar. Jabkii Boqortooyadii Majeerteenka, Hogaamiye Kooxeedyo iyo rag kale oo deegaanada Gacan adag ku maamuli jiray , markii laga guuleysatay ee colaadii dhamaatay, ayaa Dadkii isku soo baxeen, waxaana soo baxday Suugaantii ciyaaraha ku caanka noqotay ee ( Goda Gode Godoow galay, Caalin Madax Colaa dilay, Fara cade Finaa dilay, Cumar Samatar waa Go’ay, Cawada Daahiro la soo sheeg oo Dad nin waliba soo qooq). Hala yaabin in aan isticmaalay magacyada qabiilada, somalidu berriga Qabiilo ayey aheyd, qoraalada Taariikhduna sidaa ayey ugu qoran yihiin. Waan hubaa in qormadaan ey dood badani ka dhalan doonto, Sababta oo ah Taariikhda oo markii hore si khalad ah loo qoray iyo Dadka badankiisa oo aanan Akhrin Taariikhda. Qore: Yahya Amir baruda2006@gmail.com Qaran News
  11. Kooxaha kubbadda cagta L.L.P Jeenyo iyo Som United ayaa wada dheelay kulan ciyaareed saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho waxaana ciyaartan kasoo qeyb galay xidigihii hore kubbadda cagta iyo Kolayga ee Jeenyo. Qeybta kowaad waxaa lagu kala maray barbaro 1-1,xili labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaar ku dheehan farsamo oo si weyn usoo jiidatay taageerayaashii ku sugnaa tarabuunka garoonka Banaadir ee degmada Cabdi Casiis. “Waan u qalanay guusha xidigahayga waxa ay soo bandhigeyn ciyaar ku dheehan weerar iyo farsamo,balse Natiijada ayaa kusoo idlaatay waa in aan sii wadnaa shaqooyinka caadiga iyo isku diyaarinta tartmada inagu soo wajahan”waxaa Goobjoog sidaas u sheegay Axmed Tahliil Cali oo layliyahay kooxda kubbadda cgata L.L.P Jeenyo. Qeybta labaad kooxda Jeenyo ayaa la wareegtay hogaanka waxayna ciyaarta isku badashay 2-1,balse dhamaadkii kulanka wiilasha Som United ayaa helay goolkii barbaraha wuxuuna kulanka kusoo idlaaday 2-2 ay ku kala baxeyn Som United iyo L.L.P Jeenyo. “Kulankii ugu adkaa aan ku ciyaarno Muqdisho waxaa la yeelanay dhigeena Jeenyo waxa ay soo bandhigeyn kubbadda cajiib ah labada dhinac waxa ay kala faa’ideyn wax badan oo horomar u ah horomarinta kubbadda cagta dalka”Maxamed Cabdiqaadir oo layliyaha Som United ayaa sidaas ugu waramay Goobjoog Sports. Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) iyo Cabdiqani Cabdullahi Hilolwe (Cabdiqani Jeenyo) oo ka mid ahaa laacibintii usoo dheelay kubbadda cagta iyo kolayga ayaa xaadir ku ahaa garoonka,iyagoo dhiiri gelin u sameeyay xidigaha ku dheelaya magaca taariikh ah ee L.L.P waxayna ciyaarta ka dib inoo sheegeyn in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashooda horormarinta naadiga Wasaaradda howlaha guud iyo guryeenta ee Jeenyo. “Anaga wuxuu ii ahaa kulan tariikh ah maadaam dhalinyarada aan ka keenay qurbaha iyo kuwa gudaha ay wada dheelaan kulan muhiim ah sidoo kale waxaan ku farax sanahay qaab ciyeed wanaagsan ay soo bandhigeyn kooxda Jeenyo oo aan aniga ka mid ahaa dadkii kusoo caan baxay dibna usoo aas aasay waxaan diyaar u ah garab istaagida magaca Qiimaha ugu leh ee Jeenyo” waxaa kulanka ka dib wariyaha ciyaaraha Goobjoog sidaas ugu waramay Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ah madaxa wafdiga kooxda Som United. Kaliya iminka waxaa u haray kooxda Som United hal kulan oo qura waxayna ciyaartaas la dheelidoonaan naadiga Muqdisho City Club oo ku ciyaaray magaca caasimada ama Gobolka Banaadir horayna kooxda waxaa la oran jiray Banaadir SC Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Jeenyo Iyo Som United W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Jalalaqsi ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof oo boqolaal ka tirsan shacabka degmadaasi kula hadlayay goob fagaaro ah ayaa faray in ay ka shaqeeyaan Nadaafadda iyo bilic soo celinta Magaaladaasi Jalalaqsi. Mudane Maxamed Nuur Cagajoof ayaa tilmaamay in degmada Jalalaqsi ay ka hartay degmooyinka kale taasina ay ugu wacantahay wada shaqeyn la’aanta maamulka iyo shacabka degmadaasi. Sidoo kale Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ku nuuxnuuxsaday in Hooyooyinka iyo Caruurta degmadaasi ay u dhimanayaan Caafimaad darro sababo la xiriira Nadaafadda darrada ka jirta degmada Jalalaqsi. Sidaas daraadeed ayuu cod dheer ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto Nadaafadda degmadaasi Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. The post Maamulka degmada Jalalaqsi oo Awaamiir dul dhigay Shacabka degmadaasi. appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Kismaayo (Caasimada Online)- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, oo shalay ka hadlay howlgalka ciidamada Jubbaland ku qaadayaan Jubbada Dhexe ayaa shaaciyay in Afar sano ka hor ay sameynayeen balanqaadka ah inay xoreyn doonaan gobolka Jubbada DHexe. Madaxweynaha ayaa shaaciyay in balanqaadyadii la sameeyay afar sano ka hor aysan wali waxba ka dhaqan gelin, isaga oo sheegay in doorkii dowladda Soomaaliya iyo caalamka uu meesha ka maqan yahay. Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo cusub oo la doonayo inay Al Shabaab ka xoreeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Dhexe, islamarkaana shacabka Jubbaland ay isku tashadeen. Madaxweynaha Jubbaland ayaa yiri “Waxaa in badan ka sugeynay dowladda, AMISOM iyo Beesha Caalamka in dagaalkan aanu sii daba dheeraan, afar sano ayaa la lahaa Jubadda Dhexe ayaa la xoreynayaa, illaa iyo hadana waxay noqotay hadal la sheego oo aan sal iyo raad toona laheyn”. Axmed Madoobe ayaa sheegay in marka hore howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ay iyaga bilaabi doonaan islamarkaana kadib dowladda iyo AMISOM ay raaci doonaan, marka dadka deegaanka ay isku tashadaan, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa muuqata in wali ay adag tahay in ciidamada Jubbaland la wareegaan deegaanada Jubbada Dhexe oo Al Shabaab ku xoogan yihiin, maadaama ay u baahan yihiin dhaqaalo dhaqaale, Mid hub iyo mid caafimaad. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  14. (SLT-Boosaaso)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka Puntland lagu dilay xalay, iyadoo kooxo hubeysan ay ka dambeeyeen dilkiisa. Askariga ayaa la sheegay in lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso, kooxda dilka geysatay oo ahaa bastooladley ka baxsadeen goobta. Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa howlgalo lagu baadigoobayo kooxdii dilka geysatay ka wada xaafadaha Boosaaso, inkastoo aysan weli suuragelin in gacanta lagu soo dhigo. Magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay dilal kala duwan, waxaa dilka ugu badan loo geysanayay ganacsato. Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya C/weli Gaas ayaa lagu dhaliilay in aysan waxba ka qaban amniga magaalada Boosaaso oo ah halka kaliya ee magaalooyinka Puntland dilalka ugu badan ay ka dhacayeen. Source
  15. Boosaaso ( Sh.M.Network):-Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa saaka howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dileen magaaladaasi Boosaaso Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulkaas. Falal Amniga liddi ku ah ayaa muddooyinkii dambe ku sii kordhayay Magaalada Boosaaso xilli maamulka Puntland had iyo goor ku celceliyo in uu soo afjarayo dhibaatooyinkaasi. Buuraleyda Galgala ayaa waxaa ku xoogan dagaalamayaal ka kala tirsan Ururada Al Shabaab iyo Daacish kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyaan falalka dilalka ah ee ka dhaca Magaalada Boosaaso. The post Howlgallo ballaaran oo saaka laga sameeyay Magaalada Boosaaso. appeared first on Shabelle. View the full article
  16. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan Garoowe kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland. Gaas oo la aaminsan yahay inuu ku hungoobay inuu Puntland gaadhsiiyo meel sare shantii sano ee uu xafiiska joogay, ayaa hada doonaya inuu kursiga kusoo laabto si uu ula dagaalamo dowlada Farmaajo. Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa kadib wuxuu u duulay wadanka Imaarate-ka Carabta ,si uu uweydiisto lacago uu doorashada ku galo. Dad xogogaal ah ayaa sheegay in Gaas uu diyaar u yahay inuu fuliyo qorshooyinka Emirate-ka ee Soomaaliya, hadii ay ka caawiyaan inuu markale kusoo laabto xafiiska. Cumar Cabdirashiid ayaa dhex dhexaadiye ka ah labada dhinac, isagoo doonaya inuu damiinto Gaas, hadii ay Carabtu ogolaato iney lacag bixiso. Waxaa laga cabsi qabaa iney usoo deyriyaan madaama dhowaan ay Dubai ka balan qaaday Dowlada dhexe ee Soomaaliya iney joojin doonto faragalinta qaawan, oo ay ku heyso gudaha Soomaaliya. Hadii uu Gaas wax dhaqaale ah kasoo waayo Emirate-ka waxaa la aaminsan yahay inuusan wax natiijo ah ka keenin doono doorashada ka dhici doonta Puntland 8da bisha Koowaad Source
  17. Maxaas ( Sh.M.Network):-Nabadoon Cismaan Cumar Jimcaale oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda mid ka mid ah beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaanno hoostaga degmada Maxaas ayaa sheegay in Ciidamo kuwa maamulka Hirshabelle ka tirsan ay ka qeyb qaateen dagaalkaasi. Mar aan wax ka weydiinay Nabadoon Jimcaale waxa uu ku cadeynayo eedeymihiisa ka dhanka ah maamulka Hirshabelle ayuu hoosta ka xariiqay in ay indhahooda ku arkeen Meydadka Ciidamo kuwa maamulka Hirshabelle ka tirsan oo qeyb ka ahaa dagaalka halkaas ka dhacay. Waxaa indhawaanahaan xiisad beeleed dad badan ay ku dhinteen ka aloosneed deegaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle gaar ahaan Nawaaxiga degmada Maxaas. Dagaalkaan ayaa salka ku haya is qab qabsi la xiriira dhul daaqsin ku yaalla deegaanno hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. The post Waxgarad ku eedeeyay Maamulka Hirshabelle in ay ku lug leeyihiin Colaad Beeleedka ka aloosan Degmada Maxaas. appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Jaamac Maxamed Aadan waa 12 sano jir, Labadiisa waalid horay ayey u geeriyoodeen, Nolasha caruurta la dhalatay oo Lix ka kooban ayuu shaqadaan ka biili jiray. Hada isaguna waa dhaawac, waxa uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhowaan ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho. Waxaa qoyskii uu gacanta ku hayey soo wajahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah sida cunto la’aan, iyaga oo la waxa ay Hal waqti xitaa quutaan. Dhaawaca Jaamac waxa uu walaac ku abuuray carruurta la dhalatay oo usoo jiray nolol maalmeedkooda, reerkuna ma hayaan cid kale oo u shaqeysa. Halkaan hoose ka daawo: Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Maamul gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Maodobe) ayaa sheegay in dhowr mar oo uu si kulul uga hadlay in lasoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo sida uu sheegay daba-dheeraaday. Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in waxbadan dowladda Federaalka, AMISOM iyo Beesha Caalamka ay mudo Afar Sano ka badan ka sugayeen in Jubbooyinka la xureeyo, hayeeshee taasi ay dhicin. Isaga oo la hadlayay Ciidamo lagu diyaariyay deegaanka Cabdalla Biroole ayuu sheegay in dowladda Federaalka iyo AMISOM aysan daacad ka heyn dagaalka,hayeeshee Maamulka Jubbaland uu isku tashanayo si uu u qaado dagaal deegaanada Shabaab ay ka joogana Jubbooyinka ay uga saarayaan. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhowr mar oo hore sidaan silamid ah waxa uu ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab,hayeeshee taasi ay weli meesheeda taagan tahay,isla markaana uusan jirin howlgal la qaaday. Source
  20. Kismaayo ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islam ( Axmed Madoobe) oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi Jubbaland. Mudane Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkooda ay gacanta ugu soo dhigi doonaan goobaha ay ka arrimiyaan Al Shabaab ee deegaanada Maamulka Jubbaland. Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in deeganaada ay Bartilmaameedka uga dhigan doonaan Howlgalkooda ay ugu horreyso Caasimadda maamulkaasi ee degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe. Al Shabaab ayaa ku sugan degmooyin dhowr ah oo hoostaga maamulka Jubbaland , waxaana maamulkaasi ku celceliyaa in ay qaadi doonaan howlgallo ay ku soo ceshanayaan degmooyinkaasi. The post Axmed Madoobe oo wacad ku maray in ay qaadayaan Howlgal ay ku dabar jarayaan Al Shabaab. appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Beello walaalo ah oo ku dhaqan gobolka Gedo ayaa waxay ka heshiiyeen khilaaf muddo soo jiitamayey kaasi oo salka ku hayey qodista ceel biyood riig ah. Khilaafka u dhaxeeyay Beelahan oo soo jiitamayey ilaa Afar bil ayaa waxa uu salka ku hayey lahaanshaha Ceel biyood riig oo laga qodayey Dhul oomane ah oo ku yaalla nawaaxiga tuulada Kurtun oo u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya dhinaca Gobolka Gedo iyo dhul daaqsimeed. Aden Nuur oo ka mid ah Odoyaasha tuulada Kurtun ee laga qodayo Ceelka ayaa Goobjoog waxaa uu u sheegay in ceelkan Riigga ah in ahmiyad ballaaran uu u leeyahay Nolosha dadka iyo duunyada,. Dadka degan tuuladaasi oo u badan xoolo dhaqato ayuu sheegay in ay gaarayaan ilaa 300 oo qoys,kuwaasi oo aanan haysanin Biyo ku filan oo nadiif ah. Ceelkan ayaa waxaa ka faa’idyesan doona dhammaan dadka ku dhaqan Tuuladan iyo sidoo kale tuulooyinka kale ee ku dhow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Australia)-Kumannaan gini ayaa tabruc ahaan loogu aruuriyay qoysaska ay kasoo kala jeedaan lamaane u dhashay dlaka Ingiriiska oo dalka Australia ku dhintay, iyagoo dhimashadoodana ay u dhaxeeyeen saacado kooban. Jason Francis, oo 29 jir ah, oo horay ugu ciyaari jiray koox kubadda cagta ah oo ka dhisan magaalada Market Drayton ayaa geeriyooday ka dib markii uu gaari ku jiiray meel u dhow hoygiisa uu la wadaagayay haweeney ay isjeclaayeen oo lagu magacaabo Alice Robinson. Ms Robinson, oo la sheegay iney “aad ugu qalbi jabtay” geerida lamaaneheeda ayaa goor dambe la helay iyadoo meyd ah. Lacag kor u dhaafeysa 31,000 oo doolarka Australia ah una dhiganta £17,259 oo gini ayaa qoysaska lamaanahan loogu aruuriyay maalmo yar gudahood. Mr Francis ayaa habeenimadii Sabtida ahayd saaxiibadiis la aaday garoon lagu dheelo ciyaarta loo yaqaanno Rugby-ga, ka hor inta uusan markii dambe Taxi u soo qaadanin gurigiisa. Booliska ka howl gala galbeedka Australia ayaa sheegay in gaari uu kaxeynayay nin 18 jir ah uu jiiray qof waddada lugeynayay. Saraakiisha ayaa xaqiijiyay iney sidoo kale wadaan baaritaanno la xiriira dhimashada qof dumar ah, ayna dhawaan soo saari doonaan natiijada. Sam Diamond, oo ah madaxweynaha kooxda dheesha kubadda rugby-ga oo uu mar dhow ku biiray Mr Francis ayaa sheegay in lamaanahaasi ay ahaayeen dad aad u dhaqan wanaagsan. “Waxay wanaagooda ku soo jiiteen quluubta kooxdeenna oo idil”, ayuu yidhi. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxda Macaawiisleey oo ah koox isku abaabushay dagaal ka dhan ah Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay shacabka Soomaaliyeed codsi usoo diray. Kooxdaan oo ka carootay hab dhaqanka Al Shabaab ayaa ka bilaabay Shabeelaha Dhexe dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxaana ay marar badan ku wada dagaalameen deegaano hoostaga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sarkaal u hadlay kooxdaan oo ku sugan deegaanka BuurDacar ee degmada Aadanyabaal ayaa sheegay inay bilaabayaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana uu shacabka ka dalbaday inay dagaalkaasi dhinac ka noqdaan. Sidoo kale Waxaa Maamul gobaleedyada, dowlada dhexe iyo beesha caalamka ka dalbaday in ay caawiyaan dadka shacabka ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, isagoona sheegay in deegaano hor leh ay ka saari doonaan. Xubnaha Macaawiisleey hogaaminaya ayaa sheegay inay dagaalkooda bilaabeen kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka AL Shabaab ay u geystaan dadka shacabka ah. Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inay taageero siin doonaan kooxda Macaawiisleey maadaama ay la dagaalamayaan Al Shabaab, balse Al Shabaab ayaa dhawaan gaadmo ku dilay hogaamiyii Kooxda isku keenay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga ee baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in weli maamulka Galmudug aysan ka wada fariisan sidii loo dhammeyn lahaa dagaallada ka socda xadka goballada Hiiraan iyo Galgaduud Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame, Gudomiyaha guddigan ayaa sheegay in muddo Shan maalin ah ay ku sugnaayeen degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan si dhiggooda Galmudug ay kala hadlaan joojinta colaadahaas balse uma aysan suuragalin. Waxa uu sheegay in mas’uuliyiin Galmudug ah oo ay qadka taleefanka kula xiriireen ay ugu dambeyn Taleefannada ka dansadeen. Waxa uu sheegay in beesha dhanka Hiiraan degta ay ogoshahay waan waanta, hase ahaatee beesha kasoo jeedda Galmudug ayuu tilmaamay inaanay jirin maamul ama mas’uul matala, gaar ahaan garabka Dhuusamareeb ee Galmudug. Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Galmudug iney kaalin ka qaataan nabadda islamarkaana ay yimaadaan degmada Maxaas si xal loo gaaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-271218.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article