Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay ka maamulaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in maamulkooda ka go’an tahay sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegananada ay hadda ku sugan yihiin. Waxa uu Madoobe u sheegay ciidamada Jubbaland in howlgalkaan ay kaligood ku yihiin oo aanay jiri doonin ciidamo AMISOM ah oo xilligan u diyaar ah iney howlgalladan ka qeybgalaan. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in diyaar u yihiin iney dhaqaaqaan ayna soo dhoweyn doonaan cid walbo oo caawisa sida AMISOM iyo sidoo kale dowladda federaalka ah. Jubbaland ayaa bartilmaameedkeeda ugu horreeya wuxuu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Bu’aale ee caasimadda maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Diiwaan-gelinta murashixiinta doorashada madaxtinimada Puntland ayaa ka socota xarunta Golaha waliikada ee magaalada Garoowe. Diiwaan-gelinta oo soo bilaabatay duhurnimadii shalay oo Sabti ahayd ayaa ku eg gelinka dambe ee maanta oo Axad ah,sida ku xusan habraaca guddiga doorashada Puntland. Guddiga ayaa ilaa iyo haatan diiwaan-geliyay murashixiin ay kamid yihiin; Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere), Siciid Cabdullaahi Deni, Cali Xaaji Warsame iyo Asad Cismaan Cabdullaahi(Diyaano). Tan iyo shalay markii lagu dhawaaqay shuruudaha iyo habraaca doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray 8 murashax oo sheegay in ay u tanaasuleen murashixiin kale. Doorashada waxaa ka harsan mudda laba maalmood ah,waxaana Isniinta berri ah bilaabanaya khudbad jeedinta murashixiinta,iyadoo qofkiiba la siin doono 15 daqiiqo oo keliyah,sida ku cad habraaca doorashada ee shalay la soo saaray. Maalinta talaadada ee ku beegan 08/01/2019 ayaa doorashadu dhacaysaa,iyadoo wareega kuwaad ay ka soo gudbayaan saddexda murashax ee ugu codka badan,halka wareega saddexaad uu noqon doono cod dheeri,sida ay guddigu sheegeen. PUNTLAND POST The post Ilaa iyo haatan murashixiin la diiwaan-geliyay appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidamada maamulka K/galbeed ayaa maanta waxa ay howlgallo ka wadaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Howlgalkan ayeey ciidanku ku raadinayaan rag la sheegay in ay xalay Bam ku weerareen hoyga ay magaaladaasi ka deggan tahay guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay, Muraayo Ibraahim Madeer. Waxaa howlgalkan si gaar ah u wada ciidamada Booliiska Magaalada Baydhabo, welina lama sheegin cid lagu soo qabtay. Baydhabo waxaa kusoo kordhay dilalka qorsheysan iyo sidoo kale Bambooyinka lagu tuuro guryaha ay deggan yihiin mas’uuliyiinta. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Ciidamada dowla goboleedka Puntland ayaa si aad ah u adkeeyey amniga guud ee magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Ciidamo badan oo maamulkaasi ah ayaa lagu soo daabulay gudaha magaalada Garoowe si ay amniga u adkeeyaan maalmaha doorashada. Sideedda bishan ayaa lagu wadaa in Garoowe ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee Puntland oo ay u taagan yihiin musharraxiin aad u badan. Dhanka kale, Garoowe waxaa ku sugan ciidamo badan oo ay kala wataan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay howlgallo ballaaran ka wadaan xaafado ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Howlgalladan ayaa ah kuwo qorsheysan oo ciidamada waxaa la sheegay in xaafadaha qaar ay diideen isku socodka dadweynaha. Wariyaheenna Muuse Cabaas ayaa soo sheegaya in ciidanka howlgalka wada ay yihiin kuwii dhowaan ay dowladda federaalka ka dirtey magaalada Muqdisho. Ammaanka degmada Afgooye ayaa ahaa mid maalmihii dambe faraha kasii baxay, hase ahaatee howlgalladan ayaa la doonayaa in dib loogu soo celiyo amnigii iyo kala dambeyntii degmadaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Garowe (Caasimada Online)-Magaalada Garowe waxaa ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo maalin kadib ka dhici doonto magaalada Garowe. Doorashadaasi waxaa u taagnaa inka badan 25 Musharax, kuwaasi oo horey u doonayay inay qabtaan xilka madaxweynaha maamulka Puntland, balse waxaa hadda bilowday inay musharixiinta qaar ka tanaasulaan hamigoodii. Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in seddex arin ay sababtay in musharixiin badan ay ka haraan doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo hadda u muuqata in musharixiin kooban ay soo harayaan. Arinta ugu horeyso ayaa ah inay bateen Musharixiinta isku reerka ah ee u tartamayay madaxweynaha maamulka Puntland, taasi oo keentay in musharixiin badan ku tashadaan inay midka ugu magacweyn u tanaasulaan. Arinta Labaad ayaa ah inuu qabtay mid kamid ah qodobadii shalay ay soo saareen guddiga doorashooyinka ee Puntland, kaasi oo ahaa in musharaxa labadii sano ee ugu dambeysay uu ku sugnaa deegaanada Puntland, waxaana xusid mudan in musharixiinta ugu badan ay ka maqnaayeen deegaanada maamulkaasi. Qodobka seddexaad ayaa lagu sheegay inuu yahay dhaqaalaha tirada badan ee laga doonayo musharixiinta xilkaasi u tartamaysa, taasi oo keentay in isbaheysi ay sameeyaan halkaasi iyaga dhan laga qaadi lahaa 20,000 kun oo doolar. Amaanka deegaanada Puntland ayaa aad loo adkeeyay waxaana doorashada maalin kadib ay ka dhaceysa magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  7. Buug la magac baxay DHAXAL ABWAAN oo laga qoray xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin oo Ku magac dheer (DHEEG) ayaa lagu soo bandhigay magaalada Hargaysa gaar ahaan hoolka xafladaha ee AMBASSADOR, habeenimadii sabtida oo ay taariikhdu ahayd 5/01/2019. Buuggan oo lagu soo ururiyey suugaantii uu tiriyey xildhibaan Dheeg waxa ku qoran gabayo cay ah oo uu tiriyey isagu , gabayadaas oo uu si xun ugu aflagaadeeyey qabiillo iyo shakhsiyaad magac weyn leh oo ka mid ah bulshada reer Somaliland. Buuggaas oo loo bixiyey DHAXAL ABWAAN oo laga qoray xildhibaan DHEEG laga bilaabo bogga 130 aad ilaa bogga 138 aad ee buuggiisa wax Ku qoran cutub hal-ku-dheggiisu yahay SILSILADDII GUUYOOBE IYO BAHO-DUKHSI, cutubkaas hoos marka aad ugu daadegto isla markaba waxa ay indhahaagu qabanayaan labo gabay oo uu tiriyey xildhibaan DHEEG oo uu si fool xun ugu caayey beelo ka mid ah bulshada reer Somaliland, beelahaas oo waliba ka soo jeeda deegaanka uu wakiilka ugu yahay jagada xildhibaanimada ee goloha guurtida Somaliland. Gabayadaasi may ahayn silsilad dhex martay labada ardaa ee walaalaha ah ee GUUYOOBE iyo BAHA-DUKHSI mana jirto horrayso iyo dambayso wax colaad ah oo dhex Martay labadaa beelood, markaas waa gef iyo isku dir in la yidhaahdo SILSILADDA GUUYOOBE IYO BAHO-DUKHSI. Sideedaba haddii aad maqsho gabayo Silsilad ah macnaheedu waa gabayo xaraf isku mid ah ku socda sida: xarafka ‘S’ iyo ‘Sh’ arrintaasina ma jirto oo waxay ahaayeen gabayo ay isu tiriyeen niman biyo hoostood iska arkaayey oo mid waliba xaraf gooniya gabay ka soo tiriyey, mana aha gabayo tisqaaday oo ay bulshadu raali ka ahayd in la faafiyo. Haddaba xildhibaan Dheeg oo ka mid ah xildhibaanada goloha guurtidda Somaliland buugiisu wuxuu aabuurayaa colaad iyo isku dhac bulsho, lagumana kalsoonaan karo xilka culus ee uu qaranka u hayo. Sababta oo ah waxa uu dib u soo nooleeyey naxligii qabyaaladda ee laga soo gudbay, waxaanu da’yarta dib ugu xusuusinyaa boqolaal sannadood ka hor xilligii qabyaaladdu ay ahayd waxa keliya ee lagu faano. Xildhibaan Dheeg waxa buuggiisa ku qoran ereyo nasab cay ah iyo aflagaaddo qaawan oo in la faafiyo in iyo in buug lagu qoro aanay faa’iido ahi ugu jirin qaranka jamhuuriyadda Somaliland. Gabayadan reeraha lagu caayey ma aha gabayo murti iyo nuxur leh ama hal muceed leh oo goleyaasha laga odhan karo, mana jirto wax baahiya oo loo qabaa gabyadii la isku caayey in bulshada buugaag loogu qoraa. Gabayadaasi waxa keliya ee ay faafinyaan waa naxli iyo xumaan, taas oo dhaxalkeedu yahay in ay isku caayaan jiilasha dambe iyo kuwa hadda nooliba. Buuggan la magac baxay DHAXAL ABWAAN waxa kale oo ku qoran bogga 246 ilaa bogga 256 gabayo uu tiriyey xildhibaan Dheeg oo uu Ku caayeyey kuna aflagaadeeyey Suldaaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir iyo Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-yare). Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waa Suldaanka guud ee Somaliland ilaa xilliganna waxa uu hayaa xil iyo xasaanad ummadeed in caydiisa buug lagu daabacaana waxa ay laf jab weyn ku tahay ummadda duubka u xidhay ee uu suldaanka u yahay, sidaa awgeed buuggani waxa uu meeqaan jab weyn ku yahay gaar ahaan qabiilka uu ka soo jeedo suldaanku, guud ahaanna qaranka jamhuuriyadda Somaliland (Bogga 246 ilaa bogga 250). Waxaynu ognahay golaha guurtida jamhuuriyadda Somaliland in ay u dhaarteeni in ay dhex u yihiin buulshada reer Somaliland, kana hortagayaan wax kasta oo wax u dhimaya qarannimada jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo aynu ognahay in ay dhawaan soo saareen go’aan ay ku sheegeen in aan buugaagta lagu qori karin gabayadii qabyaaladda ahaa ee la isu tiriyey xilliggii jahliga lagu noolaa. Sidaa darteed xildhibaan Dheeg waxa uu ku kacay qabyaalad iyo beelaysi qaawan oo keenaya cadaawad iyo colaad hor leh, waxaanu bulshada soo dhex dhigay buugga waxaasi ku qoran yihiin, isaga oo ummadda u haya xilka miisaanka weyn leh. Sidaa awgeed waa in laga xayuubiyaa xilka uu qaranka u hayo. Haddii kale geela duqdiisu durdurisay aarankiisana maxaad u malayn. Gebogedii buuggaas ay ku qoran yihiin qabyaladaas iyo qudhunkaasi, haddana hordhaciisa waxa ku qoran aayado Quraan ah iyo hal xadiis oo rasuulka laga weriyey N.N.K.H. oo macnihiisu yahay: Naga mid ma aha qofkii ku baaqa tollaayeey, naga mid ma aha qofkii u dagaalama tollaayey, naga mid ma aha qofkii u dhinta tollaayeey. W/Q: Dr. Yuusuf Jaamac Source
  8. Cabdusalaan Salwo Siyaasi reer Mudug ah oo lagu magacaabo Cabdusalaan Salwe ayaa la sheegayaa, in uu maanta Garoowe kaga dhawaaqayo murashax madaxweyne ku xigeenka Puntland. Mudane Salwo ayaa suxufyiinta Garoowe ku wargeliyay, in uu saacadaha soo socda shaacin doono murashaxnimadiisa xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ee doorashada 8-da Jannaayo oo mudda laba maalmood ah ka harsan yihiin. Salwo ayaa la garab ah murashaxa madaxtinimada Puntland, Dr Cali Ciise Cabdi oo ah ninka keliyah ee ka sharraxan gobolka ay Puntland iyo Somaliland ku muransan yihiin ee Sool. Saadiq Eenow oo shalay ku dhawaaqay murashax madaxweyne ku xigeen iyo Cabdusalan Salwo oo maanta shaacinaya ayaa ka soo kala jeeda; gobollada Mudug iyo Karkaar oo aan looga baran, in ay u tartamaan xilka madaxweyne ku xigeenka. Labada ninba waxaa la sheegayaa, in ay xulufo hoose la yihiin Dr Cali Ciise Cabdi oo u sharrraxan doorashada madaxweynaha Puntland,waxaana ay raadinayan xilka madaxweyne ku xigeenka. PUNTLAND POST The post Garoowe: Salwo oo ku dhawaaqaya murashax madaxweyne ku xigeen appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Falastiin)-Shan nin ayaa la xidhay kadib markii xaafiisyada shirkadda warbaahinta falastiiniyiinta la bililiqeeystay. Agab lagu qiimeeyay kumanaan doolar ayaa la burburiyay markii rag hubeysan ay soo weerareen dhismaha warbaahinta maalintii jimcaha ahayd. Warbaahinta ayaa waxaa maal galiyo maamulka Falastiiniyiinta oo ay maamulaan ururka Fatax. Shaqaalaha ayaa markii hore dhacdadaan ku eedeeyay kooxda Hamas oo maamusha Gaza, balse ururka islaamiga ah ayaa waxaa uu sheegay in ay ka caroodeen hadalka ka soo yeeray shaqaalaha warbaahinta. Shanta nin ee la xiray ayaa waxa ay la shaqeeyaan maamulka Falastiiniyiinta, kuwaasi oo goor dhawayd la naaqusay mushaarkooda, waxaa sidaa warbixin ku sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi. Kaamirooyinka iyo agabkii codadka lagu jar-jarayay ayaa dhamaantood la burburiyay. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in nimankaan ay ka dambeeyeen jabsashada warbaahinta, kuwaasi oo dhamaantood ah xubno ka tirsan maamulka Fatah. Labadaan kooxood, waa fatax iyo Hamase, cilaaqaad wanaagsan kama uusan dhaxayn tan iyo markii Hamas ay la wareegtay maamulka maagaalada Gaza. Bishii octobar ee sandkii 2017-kii ururada Fatah iyo Hamas, waxa ay kala saxiixdeen qodobo dib u heshiisiin ah oo looga gol lahaa in Hamas ay wareejiso maamulka Gaza balse khilaaf ayaa ragaadiyay heshiiskaasi in uu miro dhalo. Source
  10. (SLT-Koongo)-Iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada lagu doonayo in lagu shaaciyo natiijada doorashadii madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ka dhacday, ayaa saraakiishu sheegeen in aan [maanta oo] Axad ah lagu dhawaaqayn. Gudoomiyaha gudida doorashooyinka ayaa sheegay in sababtu tahay iyada oo kala badh in ka yar waraaqihii codadka lagu dhiibtay ay soo gaadheen xarunta. Af-hayeenkiisa ayaa BBC-da u sheegay in shir la qaban doono Axadda oo lagu lafa guri doono dib u dhaca. Kaniisadda Kaatoligga, oo kumanaan goob joogayaal ah u dirtay goobaha codbixinta, ayaa Khamiistii sheegtay in cidda guulaystay ay iska caddahay, waxaanay ku baaqday in natiijada la shaaciyo si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed. Booliiska Congo iyo taageerayaasha mucaaradka oo isku dhacay DRC Koongo oo diidday deeq loo aruurin lahaa. Hadalkaa waxa si cadho leh uga jawaabay isbahaysiga talada haya oo yidhi kaniisaddu “fal sharci darro ah bay ku tallaabsatay” waxaanu ku eedeeyey in ay “shacabka u diyaarinayso kacdoon”. Kaniisaddu waxay mucaarad cod dheer ku ahayd mudo kordhinta xukunka Madaxweyne Joseph Kabila. Waxa uu haatan xilka ka degayaa 17 sannadood oo uu xilka hayey ka dib waxaanu ballan qaaday inuu suurto galin doono nin markii ugu horraysay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo xilka hab sharciga waafaqsan loola kala wareegi doono tan iyo markii ay gobanimada ka qaadatay Belgium 19960-kii. Waxa lagu waday in natiijada rasmiga ah la shaaciyo Axaddan, in kasta oo gudida doorashooyinku dhawr maalmood ka hor ku dardaar werisey in ay dib u dhic karto. Gudoomiyaha gudida doorashada, Corneille Nangaa, ayaa Sabtidii sheegay in la tiriyey in ka yar kala badh codadkii la dhiibtay. Waxaanu yidhi “suurto gal ma aha in natiijada la shaaciyo Axadda. Hawshu way socotaa laakiin weli codadkii oo dhami nama ay soo gaadhin”. Image captionJoseph Kabila Kabila waxa uu xilka la wareegay markii aabihii Laurent Kabila la dilay 2001-dii waxaanu doorasho ku guulaystay sanadkii 2006, mar kale ayuu hadana doorasho muran ka dhashay ku guulaystay 2011-kii. Dastuurka dalka ayaan u ogolayn in uu mar kale isku sharraxo xilka, waxaanay ahayd inuu talada wareejiyo laba sano ka hor, hase yeeshee doorashada ayaa dib u dhacday ka dib markii gudida doorashooyinku sheegay in wakhti ay cod bixiyeyaasha ku diiwaan geliyaan u baahanyihiin. Go’aankaas ayaa waxa uu dhaliyey qalalaase iyo isku dhacyo, oo waxay mucaaradku ku eedeeyeen Kabila in uu doonayo in uu xukunka ku sii dheganaado. Source
  11. London (Caasimada Online) – Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar ayaa guul siyaasadeed weyn oo usoo hoyatay Villa Somalia ku tilmaamay go’aankii lagu cayriyey ergeygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Raage Oomaar ayaa qoraaal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in Villa Somalia ay bah-dishay xoghayaha guud ee QM Antoni Guterres iyo QM, kadib markii ay cayrisay Haysom Qoraalka Raage ayaa u dhignaa sidan: “Guul weyn oo usoo hoyatay Villa Somalia oo bah-dishay Guterres iyo QM. Dowladda Somalia waxay cayrisay wakiilkii gaarka ahaa ee QM ee Soomaalia Nicholas Haysom. QM waxay sheegtay in taasi aan la ogoleyn. Hase yeeshee waa ay is-dhiibtay waxayna sheegtay inay beddeli doonto” Huge win for @TheVillaSomalia who humiliates @antonioguterres & @UN. Somali gov expels UN Special rep @NicholasHaysom. UN says this isn’t allowed. But caves in & says it’ll replaces him.”The U.N. chief regrets Somalia envoy expulsion, will send replacement https://t.co/m8jq399axV — Rageh Omaar (@ragehomaar) January 4, 2019 Qoraal kale oo Raage uu ugu jawaabay agaasimaha mashruucda hay’adda ICG ee Geeska Afrika, rashiid Cabdi ayuu ku sheegay in dowladda Somalia ay qaadatay go’aan siyaasadeed ay ogtahay inuu guul siyaasadeed uga horseedi doono xagga shacabka. Waxa uu yiri “Dowlad kasta waxay ay cayrsan doontaa siyaasaddii u shaqeeneysaa islamarkaana ah guul siyaasadeed. Tani waxay guul dhameystiran u tahay Villa Somalia iyo “waddaniyiinta fog”, sida aad ugu yeerto, waxay muujiyeen in naceybka darran ee shaqada QM uu shaqeeyo, UNSomalia-na waa ay is dhiibtay” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  12. (SLT-Washington)-Telefishinka CBS ee uu fadhigiisu yahay waddanka Mareykanka ayaa sheegay inuu ku gacan seyray codsi uga yimid dowladda Masar, oo dooneysa inuusan hawada galin wareysi ay ka qaadeen madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi. Codsigaas ayaa waxaa mas’uuliyiinta Telefishinka gaarsiiyay danjiraha Masar u fadhiya dalka Mareykanka. Wareysigaas oo 60 daqiiqo soconaya ayaa lagu soo warramay in Mr Sisi uu ku xaqiijiyay wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Masar iyo kuwa Israa’iil, si ay isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Jihaad doonka ah ee ku sugan gacanka Sinai. Waxa uu sidoo kale dafiray in dowladdiisu ay xabsiga ku heyso dad siyaasiyiin ah, wuxuuna difaacay howlgalkii dhimashada badnaa ee lagu wajahay mudaharaadyadii sannadkii 2013-kii. Mas’uuliyiinta warbaahinta la iska arko ee CBS ayaa sheegay in laga codsaday ineysan wareysigaas hawada ka sii deynin wakhti dhow, laakiin iyagu ay ka dhaga fureysteen dalabkaas. Ma jirto wax jawaab ah oo ay dowladda Masar ka bixisay wararka soo baxaya ee ku saabsan macluumaadka ku jira wareysiga uu bixiyay madaxweyne Sisi. Muxuu yidhi Madaxweynaha? Telefishinka CBS ayaan bixinin qormo dhammeystiran oo ku saabsan wareysiga, balse waxay mas’uuliyiintiisa sheegeen in madaxweynaha wax laga weydiiyay howlgalkii ka dhacay Masar, oo billowday markii ciidamada Milatariga oo uu xilligaas hoggaaminayay Sisi ay af gambiyeen xukuumaddii Maxamed Mursi, bishii Luulyo ee sanadkii 2013-kii. In ka badan 900 oo ruux, oo u badnaa taageerayaasha xisbigii Maxamed Mursi ee Ikhwaanul Muslimiinka, oo hadda mamnuuc ka ah dalkaas, ayaa la dilay, iyadoo ciidamada amaanka ay 14-kii bishii Agoosto ee 2013-kii dadka ka bixiyeen labada fagaare ee kala ah Raabica al-Cadawiya iyo Nahda, oo ku wada yaalla magaalada caasimadda ah ee Qaahira. 120 ruux oo kale ayaa 2 maalmood ka dib ku dhimatay fagaaraha Ramses. Mr Sisi, oo xilligaas ahaa wasiirka gaashaan dhigga ee Masar, ayaa wareysiga CBS lagu weydiiyay su’aal ku saabsaneyd inuu isaga bixiyay amarkii rasaasta loogu furayay dadkii mudaharaadeyaasha ahaa ee ku sugnaa fagaaraha Raabica al-Cadawiya. Wuxuuna ku jawaabay: “waxaa jiray kumannaan qof oo hubeysan oo ku jiray halkaas muddo ka badan 40 maalmood. Waxaan isku daynay hab kasta oo nabadeed oo aan uga saari karno meeshaas”. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dad kooban ay hubeysnaayeen. CBS ayaa sheegay in madaxweynaha uu sidoo kale “xaqiijiyay in Milatarigiisu ay la shaqeynayeen Israel, si ay uga gacan sarreeyaan kooxaha argagixisada lagu tilmaamay ee ku sugan Waqooyiga gacanka Sinai”, halkaasoo weerarro ay geysanayeen xoogag daacad u ah ururka Daacish ay ku dhinteen boqollaal askari iyo dad shacab ah. Mar la weydiiyay Mr Sisi in wada shaqeynta dhex martay Israa’iil ay ahayd “tii ugu dhoweyd abid”, ayuu ku cel celiyay : “Waa sax waa sidaas… waxaan Israa’iil la leenahay xiriir wada shaqeyn oo aad u baaxad weyn”. Source
  13. Duqa caasimadda Garoowe,Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa Axadda maanta ah heshiis la saxiixan doona shirkadda laamiyada dhista ee TTN oo laga leeyahay dalka Turkiga. Mudane Axmed Barre ayaa qoraal uu Facebook-giisa soo geliyay ku sheegay, in uu maanta heshiis la saxiixanayo shirkadda TTN,si ay dhisto 4 laami oo cusub,kuwaasoo laga hirgelinayo caasimadda Puntland ee Garoowe. Laamiyada cusub ayaa la saarayaa waddooyinka kala ah; 1: wadada Alnasaar 2: Jidcadaha Global 3:wadada u baxda xaafadda Jillab iyo 4: wadada Ely Hutel ilaa Shaariqa,waxaana mashruucan ku deeqay World Bank. PUNTLAND POST The post Heshiis dhisme 4 laami oo maanta Garoowe lagu saxiixayo appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Garoowe)-lix musharax oo kamid ah murashixiinta xilka madaxweyne ee Puntland ayaa shir jiraa’id oo ay xalay ku qabteen magaalada Garoowe waxa ay uga dhawaaqay in ay ka tanaasuleen tartanka doorashada madaxweyne ee Puntland. Musharixiinta tanaasulay ayaa sheegay in markii ay arkeen duruufaha adag ee dalka uu marayo iyo faragelin ay sheegeen in lagu hayo doorashada ay sababtay in ay ka tanaasulaan tartanka doorashada isla markaana ay codkooda ay ku biirayaan musharixiin kale oo sadex ah kuwaas oo kala ah Cabdisamad Maxamed Gallan,Siciid Cabdulaahi Deni iyo Daahir Mire Jibriil. Cabdirisaaq Jaamac Janagale oo u hadlayay musharixiinta tanaasulay ayaa sheegay in ay codkooda iyo cududooda u midaynayaan sidii isbedel la taaban karo uu uga dhici lahaa Puntland islamarkaana looga gaashaaman lahaa in markale xukunka uu kusoo laabto madaxweynaha iminka musharaxa ah Cabdiweli Gaas iyo sidoo kale sidii looga hortagi lahaa faragelin ay xukuumadda Federaalka ku sameyso doorashada madaxweyne ee Puntland taas oo la filayo in ay dhacdo 8-da bishan January. Hadaba Murashixiinta sheegay in ay tanaasuleen ayaa kala ah:- Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale) Cali Axmed Gamuuti Cabdixakiim Cabdi Xaashi. Maxamed Salaad Qoryoolay Cabdullaahi Jaamac Saalax Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre. Source
  15. Garowe (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas uu ciidamadii ugu badnaa geeyay magaalada Garowe. Ciidamadaasi ayaa u badan kuwo laga kala keenay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, waxaana la sheegay in laga leeyahay ujeedada ah inay xaqiijiyaan amaanka magaalada Garowe. Doorashada ka dhaceyso magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa la doonayaa in la adkeeyo amaankeeda, waxaan saraakiisha ciidamada hogaamineyso ay sheegeen inay doonayaan inay door ka qaataan amaanka magaalada Garowe. Madaxweyne Gaas oo wajahaya culees siyaasadeed adag ayaa sheegay inuu doonayo in amni iyo kala dambeyn ay u dhacdo doorashada madaxweynaha ee ka dhaceyso magaalada Garowe. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in musharixiinta badan ee kusugan magaalada Garowe oo dhankooda gaadiid dagaal iyo ciidamo la tagay ay sabab u tahay ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay magaalada Garowe. Maalinta Talaadada ee soo socota waxaa magalada Garowe ka dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  16. (SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku dhawaaqi doono xaalad qaran oo deg deg ah, si uu u billaabo dhismaha darbiga xadka Mareykanka iyo Mexico, isagoo aan ansixin ka helin aqalka wakiillada ee Koongareeska. Aqlabiyadda aqalka Koongareeska ayaa gacanta ugu jirta xisbiga mucaaradka ah ee dimuqraaddiga, iyagoo kuraasta ugu badan ka helay doorashadii xilliga dhexe ee dhacday 6-dii bishii Nofembar. Dhawaaqa cusub ee ka soo yeeray Trump ayaa yimid ka dib markii uu kulan la yeeshay saraakiisha sar sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo ku gacan seyray codsigiisii ahaa in loo fasaxo dhaqaalaha lagu dhisi lahaa darbigaasi. Ismari waagan ayaa sabab u noqday in Mr Trump uu ka gaws adeygo ansixinta hindise sharciyeedka dhaqaalaha guud ee hay’adaha dowladda, isagoo shuruud uga dhigay inuu helo kharashka lagu dhisayo darbiga xuduudda. Wuxuu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii ay sannado u sii socon lahayd xannibaadda kala bar ka mid ah howlaha dowladda, oo hadda ku jirta isbuucii saddexaad. Qiyaastii 800,000 oo ka mid ah shaqaalaha federaalka ayaan wax mushaar ah la siinin tan iyo 22-kii bishii Disembar. Qareennada iyo shaksiyaadka kale ee ku dhow madaxweyne Trump ayaa la filayaa iney kulan yeeshaan galinka dambe ee maanta oo sabti ah, si ay uga arrinsadaan xaaladda. Maxaa dhacay ka dib markii uu madaxweynaha Jimcadii la kulmay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga? Madaxweynaha ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa markii hore rajo wanaagsan ka qabay kulanka 90-ka daqiiqadood qaatay oo ka dhacay aqalka Cad , wuxuuna sheegay inuu yahay mid ay “natiigo wanaagsan ka soo baxeyso”. Hase ahaatee xaaladdu ma noqon sidaas, saraakiisha Dimuqraaddiguna way diideen dalabka madaxweynaha. “Waxaan ku dhawaaqi karnaa xaalad qaran oo deg deg ah waxaana u dhisi karnaa si dhakhso ah. Waa laga yaabaa inaan sidaas sameeyo. Waa jid kale oo noo furan”, ayuu yiri Mr Trump. Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray; “Aad baan ugu faraxsanahay inaan sameeyo waxa aan sameynayo, uma aqaanno xannibaadda howlaha dowladda, waxaan u aqaannaa inaad sameyso waxa aad ku khasban tahay oo ay dan ugu jirto amniga dalkeenna”. Afhayeenka aqalka Koongareeska, haweeneyda lagu magacaabo Nancy Pelosi ayaa sheegtay in kulankii dhacay Jimcadii uu ahaa mid la ogaa inuu “muran ka dhalan karay”, halka hogaamiyaha xildhibaannada Senate-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga Mr Chuck Schumer uu isagana yiri “Waan u sheegnay madaxweynaha inaan u baahan nahay sidii ay dowladda ku sii shaqeyn lahayd, laakiin wuu ka soo hor jeestay”. Trump ma ku dhawaaqi karaa xaalad qaran oo deg deg ah? Waxaa shaki la galinayaa in Madaxweyne Trump uu ku dhawaaqi karo xaalad qaran oo deg deg iyo in kale. Tallaabo noocaasoo kale ahna waxay horseedi kartaa in madaxweynaha uu mucaaraddo kala kulmo xisbiga uu kasoo jeedo qudhiisa, waxaana dabcan loollan lagu galin doonaa dhinaca maxkamadaha. Source
  17. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo u warramayay Laanta Afka Soomalaiga ee BBC-da ayaa ka hadlay tallaabadii Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu deegaanada maamulkaasi kaga Mamnuucay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya. Wasiir Cawad ayaa sheegay in uusan xilligan habooneyn go’aanka Madaxweyne Gaas, balse waxa uu tilmaamay in Puntland ay xaq u leedahay sugida amniga deegaanadeeda, islamarkaana ay ku taageereyso dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in DFS aysan halis ku aheyn amniga iyo degenaashaha Puntland. Sideeda bishan ayaa la filiyaa in doorasho Madaxweyne ay ka dhacdo magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, taas oo ay u taagan yihiin Musharraxin dhowr ah. The post XFS Oo ka hadashay go’aankii ka soo baxay Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  18. New York ( Sh. M. Network )-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ceyrisay Ergaygii Xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin wada shaqeynta dowladda siyo Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerida dhinaca nabadda iyo dib u dhis ka Soomaaliya. “Goluhu waxa uu rajaynayaa in wada shaqeyn buuxda ay ka dhaxeyn doonto dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay”. Ayaa lagu yiri warkan. Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinacyo dhawr ah oo ay ugu horayso gargaarka Bani’aadanimada. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli DFS ay ceyrisay Ergaygii QM ee arrimaha Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeysay uu ku xadgudbay madaxbanaanida Soomaaliya. The post QM “Eryiddii Haysom ma saameyn doonto xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya” appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa qoraal uu sabti soo saaray aad uga xumaadey in Soomaaliya ceyriso ergeyga qaramada midoobey Nicholas Haysom, iyaga oo intaasi ku daray inay Muqdisho ka filayaan wada-shaqeyn. Qoraalka waxaa lagu ammaanay diblomaasiga muddada dheer u shaqeneyney qaramada midoobey, waxaa kale oo hoosta laga xariiqay inay beesha caalamka ay Soomaaliya kala shaqeyn-doonaan soo celinta nabadda iyo degenaashiyaha, waxaa uu golaha filayaa inay wada shaqeyn fiican dhex marto Soomaaliya iyo UNka. Inkasta oo ay ka soo horjeesteen ceyrinta Haysom hadana qaramada midoobey waxaa ay sheegtay inay badaleyso, si Soomaaliya cagaheeda isku taagto. Golaha ammaanka waxaa uu sheegay in sanadkan 2019-ka uu yahay mid halis ah, iyaga oo ugu baaqay madaxda Soomaalida inay wada-shaqeeyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Xalay Wiil Dhalinyaro ahaa loogu geystay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Xoosh oo ka tirsan degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal. Dabley hubeysan ayaa la sheegay in Toogasho ay ku dileen Marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Saldhig Galbeed ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Wiilka Dhalinyarada ee la dilay uu ahaa Qof shacab ah, islamarkaana uu ka mid ahaa dadka deegaanka. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkeynley oo ku aadan dhacdadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonay dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayay gudaha magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo xalay dil ka geystay Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-060119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee dhaliilsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay ka badbaadayaan beegsiga siyaasiyiin ee dowladda Soomaaliya. Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo kamid ah xildhibaanada mucaaradka ah ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu bartilmaameydsaday siyaasiyiin badan , isaga oo tusaale usoo qaatay C/raxmaan Cabdi Shakuur. Xildhibaan C/fataax ayaa sheegay inuu ka xun yahay hab dhaqanka dowladda hadda jirta, waxaana uu sheegay in dadkii horey uga horyimid madaxweyne Farmaajo iyo kuwa hadda dhaliilaba ay hab dhaqan aan wanaagsaneyn kala kulmayaan. “Waxaan doonayaa inaan cambaareeyo hab dhaqanka xukuumadda hadda jirta, hab dhaqankaasi wuxuu ku saleysan yahay mid aargoosi ah, oo qofkii maalin dowladda sidaa u jaleecay iyo qofkii is yiri toosiyoo wax u sheeg labo gabil lagala boodayo”ayuu yiri Xildhibaanka. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ay bartilmaameydsatay qof kastaa oo wax ka ogaa heshiiskii Kampala Accord, waxaana uu sheegay inuu kamid ahaa C/raxmaan Cabdi Shakuur. Wuxuu sheegay in kaliya Sheikh SHariif uu ka badbaaday in beegsi uu kala kulmo dowladda, maadaama uu kamid ahaa shaqsiyaadkii Kampala Accord wax ka ogaa, isagana uusan ogeyn hadda xaalkiisa. “Qofkastaa oo meeli ay kasoo gashay Kampala accord waa la weeraray, waxaa tusaale ku filan C/raxmaan Cabdi Shakuur, Qaramada Midoobay oo Haysom budhkii lala dhacay iyo Shariif Xasan”ayuu yiri Xildhibaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Somaliland waxa ay ku nooshahay dunia ayada u gaar ah, oo ku dhisan isku been sheegid iyo mala’ waal. Waa duni, inta caqliga u saaxiibka ah marka laga reebo, ay badankood iska qaataan wixii ay u sheegto. Hase yeeshee cayrinta danjire Nicholas Haysom waxay fursad u tahay in dunidaas ay kasoo baxdo, kuwa kula nool-na ogaadaan beenta inaanay sii socon karin. Warkayga aan caddeeyo, aniga dhib uma arko in Somaliland sheegato inay ka go’day Somalia, waxaase diidanahay in ayada oo ay saas jirto, haddana ay u dhaqanto mar walba sida inay Somalia qeyb ka tahay. Markii dowladda Somalia ay cayrisay Haysom, waxay Somaliland kasoo daba tuuretay war-saxaafadeed ay taagero ugu muujisay. Waxa ay sheegtay inuusan khuseyn go’aanka dowladda Soomaaliya, ayna lasii shaqeyn doonto danjire Haysom. Marka Somaliland sidaas leedahay, waxay rumeysan tahay in Haysom uu yahay ergey xogahaya guud ee QM u qaabilsan laba waddan oo kala ah Somalia iyo Somaliland. SI fiican ugu fiirso, inta badan qoraalada kasoo baxay xafiisyada dowladda Somaliland, waxaa Haysom loogu yeeraa ergeyga QM ee Somaliland iyo Somalia. Waa cinwaan xogahayah guud ee QM Antonio Guterres uusan bixin, waa cinwaan Haysom uusan isugu yeerin, balse waa jago labaad oo Somaliland ay ugu darto ergey kasta oo QM ay usoo magacowdo Somalia. Aniga waxaan ugu yeeraa “kula qabso”, waayo Somaliland waxay mar walba kula qabsataa ergey kasta oo Somalia loo soo diro. Waxaan is-weydiin jiray maxaynaan weli u arag ergey gaar ah oo QM usoo dirto Somaliland, oo mar walba Somalia iyo Somaliland isku nabay? Waa su’aal aan jawaabteeda haysto, laakiin waxaan jeclaa in kuwa riyo maal-meedka ku nool ay is-weydiiyaan. Markii Somaliland ay soo saartay qoraalka ay ku taagertay Haysom, waxaa laba maalmood kadib qoraal soo saaray xogahayah guud ee QM, Antonio Guterres oo sheegay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Somalia, kana xun yahay go’aanka Villa Somalia. Waxay ahayd ceeb iyo fadeexad siyaasadeed oo mar kale ku dhacday Somaliland. Ma ahayn wax cid ay u raadisay, ee ayada ayaa lugaheeda ku doonatay. Waxaa cad inuusan jirin ergey Somaliland iyo Somalia, balse uu jiro ergeyga Somalia oo kale. Somaliland cidna kuma qasabto in tallaabo kasta oo ay qaado dowladda Somalia ay ka jawaabto, oo ay tiraahdo “nama khuseyo”. Haddii aysan khuseyn maxaa daba dhigay oo ay mar kasta uga hadlaan. Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti oo Somalia la deris ah, islamarkaana Somaliland ay rumeysan tahay inay la meel joogto, waxba kama galin kamana hadlaan go’aanada dowladda Somalia. Xaqiiqda ah in Somaliland mar kasta dooneyso inay ka daba qeyliso dowladda Somalia, ayaa astaan u ah inay Somalia qeyb ka tahay, meel ay uga baxsatana aysan jirin. Waxaan hadda sugayaa ergeyga cusub ee xogahayaha guud ee QM Antonio Guterres uu usoo magacaabo Somalia, kadibna Somaliland ay kasoo daba tuurto warqad wiifto kula qabso ah oo leh “Waxaan soo dhoweeneynaa ergeyga cusub ee Somaliland iyo Somalia loo soo magacaabay.” W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Waji Ka Mida Guusha Ku dayashadu allaaba ma keento guul. Ruux marka uu ka dhex mudho khayrkii; dad baa hiigsadda halkaa uu gaadhay cagta in ay dhigaan. Tartanka baaskiilka lagu ordo – RAAM – ee lagu qabto Maraykanka waxa jiray nin la odhan jiray Jure Robic oo shan jeer hantiyay abaal-marinta tartankaas. Robic waxa uu sameeyey dhacdooyin door ah oo indhaha caalamka soo jiitay, sida: In uu maalin badhkeed ka horeeyey ninkii kaalinta labaad galay iyo in uu seexday 8 saacadood kaliya sideed maalmood. Robic ma dheerayn tartamayaashii kale karti iyo ayaan balse Robic waxa aakhirkii la ogaaday in aannu maskaxiyan fayoobayn. Sidaa daradeedna daal iyo xanuunka ay dareemayaan raga kale isagu aanu la waddaagin. Xanuunku waa culays ku yimaada dadka; kaas oo sababa nasasho qofka ku qasabta hurdo. Daalka waxa jira dad aan dareemin. Jure Robic kor baynu ku xusnay. waxa jira oo kale dad iyagu aan lahayn dareenka keena xanuunka. Ashlyn Blocker ayaa ka mida dadka ku dhashay sifaadda la yidhaa – Congenital intensitivity to pain with anhidrosis CIPA – sida ay soo warisay Justin Heckert, Ashlyn waalidkeed ayaa u sheegay in ay canqawga ka jabtay intii iyadu aysan ogaan in ay laf ka jabtay! Dadka aan dareemin xumadda waxa jidhkooda lagu arkaa nabaro laxaad leh. Dhaawaca ma dareemaan! Waana sababta keensata dadkan qaba CIPA hore in ay ka wajahaan geeridda. Haddii aad isku daydid in aad bareejaysid qof jimsi ahaan kaa duwan, waxa aad ku jirtaa dagaal aadan guul ka keenayn. Sweden waxa jirta maahmaah tidhaahda caruurtu waa ubaxa la yidhaa ‘dandelions’ balse in kooban baa ah ‘orchids’. Dandelions’ku waa ubax meel kasta ka baxa. Kuwa kale ‘orchids’ku waa ubax u baahan daryeel; haddii ay hellaan xanaano waa ay wacnaanayaan haddii ay wayaan waa ay xumanayaan. Dadka intiisa badan waxa ay wataan hidde sidde la yidhaa DRD4 balse dadka qaar ayaa wata hidde sidahaas oo muqaal kale leh: DRD4-7R. Dadka wata 7R’ka oo u eeg caruurta lagu masaalay ubaxa ‘orchids’ka waa kuwo u dhexeeya wanaag iyo xummaan. Haddii uu hidde-sidahaasi hello deegaan daryeel leh dadkaasi waxa ay noqdaan geesiyaal haddii deegaanku ka xumadanna, waxa ay noqdaan ********. John Stuart Mill nin la odhan jiray ayaa laga soo xigtay in uu yidhi: Dad kooban ayaa maanta ku adkaysta gadisnaantooda toggan, isku dayashadda ummadda oo dhan rabto in ay isu eekadaan waa musiibadda muuqata maanta. Gadisnaantada ku gaarka ah in aad ogaatid oo maalgashatid waa guul gacantaada ku jirta. Malcolm Gladwell waxa uu buunbuuniyey baadhitaan uu soo saaray K. Anderson Ericsson oo ahaa: Waxa aad khabiir noqonaysaa, marka aad shay ku celcelisid 10kun oo saacadood. Wakhtigaas waa saa’id qofna 10kun oo saac kuma celcelin karo shay. Sirtu waxa ay tahay qofku shayga uu ku wanaagsan yahay wakhti kooban ayuu qabatimi karaa umana baahna saacaddo badan. Shayga aad ku wacantahay lasoo bax. Cid ku tilmaanta ugu yaraan doono amaba qiimee 5tii sanno ee u dambaysay halka ay naftu ku jiidanaysay. Jihadaa naftu ku wadato, haddii ay tahay mid la falgali karta dhaqankaaga, ka daba gee dadaalkaaga. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan01@gmail.com Nantes France Qaran News