-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaan qaybtii koowaad ku soo sheegay in Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Qodobkiisa 19aad iyo qodabkiisa 24aad uu tilmaamayo in dowladdu ay masuul ka tahay caafimaadka, horumarka, waxbarashada hooyadda, ilmaha iyo naafadda aan haysan cid daryeesha. Haddaba Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015 ayaa tilmaamaya xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Shaqo-Galinta, Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska waana sidan:- 0.0001pt 0.25in; text-align: justify; line- 150%; font-size: 11pt; font-family: Calibri,sans-serif;”> 1) Dejinta iyo fulinta siyaasadda Xukuumadda ee kuwajahan daryeelka, xanaanaynta iyo waxbarashada naafada, hooyada, dhalaanka iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaala qaadata. 2) Taakulaynta iyo ilaalinta dumarka, caruurta iyo dhammaan dadkanugul. 3) Gacan ku heynta xarumaha dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta. 4) Xidhiidhinta/horumarinta hay’adaha ka hawl gala adeega bulshada iyo dabagalka xilgudashadooda shaqo si looglu warbixinyo waxaa ay wadanka ka qabtaan. 5) La dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta sida tacadiyada galmada ee haweenka loo gaysto. 6) ka hortiga takoorida dadka nugul, ka hortiga iyo la dagaalanka tacadiyada jinsiga ah iyo shaqaalayntq caruuurta. Intii aan xog ogaal u noqonayey xaalada carruurta darbi jiifka waxaan arkayey in wadankan ku soo badanayeen balwadaha kale ee maanka dooriya oo aan hore u jiri jirin sida xashiishada ,xabagta, marjuwaanaha ,kookiinta iyo kiininkaba waxayna dhalintu u isticmaashaa habab kala duwan qaar sida sigaarka ayaa loo nuugaa ,mid sankaa laga qaataa ,mid waa la calaliyaa sida xanjada iyo mid laysku mudo oo ah mid si fudud looga heli karo wadankeena waana maandooriyaal midba mida kale ay ka culustahay aanan miisaanayn , Markii hore anigan dadka uunbaan la mid ahaa oo sida dadka kale u dareemaan uun baan u dareemi jiray oo aan isaga dhaafi jiray laakiin wakhti ilaa mudo laba sano ah ayaan is waydiiyey maxay carruurtani dadkoodii u qaban waayeen ? su’aashaasi ayaa igu soo dhacday ,hadana waxaa maskaxdayda ku soo dhacday ,dadkoodii haday qaban karayaan ,way hayn lahaayeen . Waxaan is idhi carruurta sidan oo kale hadaanan dadkoodii hayn Karin yaa ka masuula ? Markaa waxaa maskaxdayda ku soo dhacday cida kalee ka masuula inay tahay cida umada hogaamisa ee masuuliyada ummadu saaran tahay . Deedna halkaa waxaa iiga soo baxay wax badan inaan waligeed ba cida ummada hogaamisaa iyo waxgaradka ummadan midna aanu carruurtan hoos u eegin oo aanay ku baraarugin . Maalintaa wixii ka dambeeyey ayaan bilaabay inaan ka shaqeeyo daryeelka carruurta ,Maansa hore ayaa tidhi:- dadkan waa yuhu haysto ee waxyeeladu gaadhay ee waayey xuquuqdoodii ee habeenkii wareega ee akteena ka wiiwle horta yaa ka masuula ? Su’aasha hada taagan waxa weeye bal horta dadkani yaa ka wakiila? bal cida ka wakiilka ah kow ha is waydiiso? marka xigtana xilkeeda ha gudato? la soco Q3aad………………… shaamcade2015@gmail.com Source
-
The minister of defense of the United Kingdom visits Somaliland Hargeisa,(Qaran news)-The defense minister of of the United Kingdom visited Somaliland republic today . He was received by President Muse Bihi Abdi and other head of Somaliland defense ministry as well as other high ranking Somaliland officials. This is the first time that such a high ranking minister visited Somaliland. Somaliland gained independence from Great Britain on June 26, 1960 and joined Somalia on the 1st of July 1960. The country seceded from Somalia on May 18 1991 after the union failed and tens of thousands of people from Somaliland were killed by the regime of the late Siyad Barre during the civil war. Qarannews Qaran News
-
ku dayashadu allaaba ma keento guul. Ruux marka uu ka dhex mudho khayrkii; dad baa hiigsadda halkaa uu gaadhay cagta in ay dhigaan. Tartanka baaskiilka lagu ordo – RAAM – ee lagu qabto Maraykanka waxa jiray nin la odhan jiray Jure Robic oo shan jeer hantiyay abaal-marinta tartankaas. Robic waxa uu sameeyey dhacdooyin door ah oo indhaha caalamka soo jiitay, sida: In uu maalin badhkeed ka horeeyey ninkii kaalinta labaad galay iyo in uu seexday 8 saacadood kaliya sideed maalmood. Robic ma dheerayn tartamayaashii kale karti iyo ayaan balse Robic waxa aakhirkii la ogaaday in aannu maskaxiyan fayoobayn. Sidaa daradeedna daal iyo xanuunka ay dareemayaan raga kale isagu aanu la waddaagin. Xanuunku waa culays ku yimaada dadka; kaas oo sababa nasasho qofka ku qasabta hurdo. Daalka waxa jira dad aan dareemin. Jure Robic kor baynu ku xusnay. waxa jira oo kale dad iyagu aan lahayn dareenka keena xanuunka. Ashlyn Blocker ayaa ka mida dadka ku dhashay sifaadda la yidhaa – Congenital intensitivity to pain with anhidrosis CIPA – sida ay soo warisay Justin Heckert, Ashlyn waalidkeed ayaa u sheegay in ay canqawga ka jabtay intii iyadu aysan ogaan in ay laf ka jabtay! Dadka aan dareemin xumadda waxa jidhkooda lagu arkaa nabaro laxaad leh. Dhaawaca ma dareemaan! Waana sababta keensata dadkan qaba CIPA hore in ay ka wajahaan geeridda. Haddii aad isku daydid in aad bareejaysid qof jimsi ahaan kaa duwan, waxa aad ku jirtaa dagaal aadan guul ka keenayn. Sweden waxa jirta maahmaah tidhaahda caruurtu waa ubaxa la yidhaa ‘dandelions’ balse in kooban baa ah ‘orchids’. Dandelions’ku waa ubax meel kasta ka baxa. Kuwa kale ‘orchids’ku waa ubax u baahan daryeel; haddii ay hellaan xanaano waa ay wacnaanayaan haddii ay wayaan waa ay xumanayaan. Dadka intiisa badan waxa ay wataan hidde sidde la yidhaa DRD4 balse dadka qaar ayaa wata hidde sidahaas oo muqaal kale leh: DRD4-7R. Dadka wata 7R’ka oo u eeg caruurta lagu masaalay ubaxa ‘orchids’ka waa kuwo u dhexeeya wanaag iyo xummaan. Haddii uu hidde-sidahaasi hello deegaan daryeel leh dadkaasi waxa ay noqdaan geesiyaal haddii deegaanku ka xumadanna, waxa ay noqdaan ********. John Stuart Mill nin la odhan jiray ayaa laga soo xigtay in uu yidhi: Dad kooban ayaa maanta ku adkaysta gadisnaantooda toggan, isku dayashadda ummadda oo dhan rabto in ay isu eekadaan waa musiibadda muuqata maanta. Gadisnaantada ku gaarka ah in aad ogaatid oo maalgashatid waa guul gacantaada ku jirta. Malcolm Gladwell waxa uu buunbuuniyey baadhitaan uu soo saaray K. Anderson Ericsson oo ahaa: Waxa aad khabiir noqonaysaa, marka aad shay ku celcelisid 10kun oo saacadood. Wakhtigaas waa saa’id qofna 10kun oo saac kuma celcelin karo shay. Sirtu waxa ay tahay qofku shayga uu ku wanaagsan yahay wakhti kooban ayuu qabatimi karaa umana baahna saacaddo badan. Shayga aad ku wacantahay lasoo bax. Cid ku tilmaanta ugu yaraan doono amaba qiimee 5tii sanno ee u dambaysay halka ay naftu ku jiidanaysay. Jihadaa naftu ku wadato, haddii ay tahay mid la falgali karta dhaqankaaga, ka daba gee dadaalkaaga. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan01@gmail.com Nantes France Source
-
Guddiga doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray liiska murashaxiinta lacagta bixiyey. 21 ka mid ah murashaxiinta madaxweynnimada iyo 11 u tartameysa ku-xigeennada ayey ahaayeen inta la shaarciyey. Lacagta ka soo xarootay murashaxiinta madaxweynaha waa $420,000 halka ku-xigeennada ay ka soo xarootay $110,000, guud ahaan lacagta waa $530,000. Akhriso: Magacyada Source: goobjoog.com
-
Garowe (Sh.M.Network) – Guddiga doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa ku dhawaaqay liiska Musharaxiinta ku tartameysa coddeyntaan. Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo uu Guddigu soo saarey, 21 Musharax ayaa ku loolami doono xilka Madaxwaynaha. Sidoo kale, 11 xubnood ku baratami doonta xilka Madaxwayne ku xigeenka, oo ay kasoo muuqdeen siyaasiyiin caan ah. Liiskaan ayaa ah midka kama dambeysta ah ee sida rasmiga ah uu udiiwaan-gelisay kooxda qaban-qaabineysa doorashada. Doorashadda ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 8-da bishaan Janaayo ee 2019, taasi oo ku beegan maalinta Talaada ah ee todobaadkan. Hoos ka akhriso magacyada Musharaxiinta The post Liiska Musharaxiinta doorashada PL oo lagu dhawaaqay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga arrimaha bulshada ee Gollaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah kulan la yeeshay wasiirka Waxbrashada, Cabdullaahi Goodax Barre. Wasiirka ayaa kaga jawaabay xubnaha su’aallo ay ka waydiiyeen xaaladaha waxbarasho ee dalka, horumarka laga sameeyay iyo waliba Hiigsiga wasaarada ee sanadaha soo socda ee ku wajahan tacliinta dalka. Kulanka marka uu soo idlaaday, Wasiir Goodax Bare oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa daboolka ka qaaday in Guddiga daneeyay in ay xog ogaal u noqdaan mashaariicda waxbarasho meelaha ay ka socdaan tacliinta sare jaamacadaha, dhaqanka, hidaha iyo heerarka waxbarasho federaalka in ay ogaadaan. Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta adeega bulshada, arimaha Bini’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare, Axmed Macalin Axmed (Nadiir) ayaa wasiirka uga mahadceliyay warbixinta faahfaahsan ee xaga waxbarashada ee gudiga siiyay. Ugu dambeyntii, dhinacyadda ayaa isla afgartay inay dhexmarto wadashayn toos ah, si muwaadiniinta Soomaaliyeed looga haqab-tiro baahiyaha ku aadan dhinaca waxbarashada oo ay haatan utaahayaan. The post Wasiirka Goodax Bare oo la kulmay Guddiga ka tirsan Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-06012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiirka Difaaca ee Ingiriiska Gavin Alexander Williamson, ayaa Booqasho aan hore loo shaacin ku yimi Somaliland. Wasiir Gavin Williamson, waxaa uu la kulmay Dhiggiisa Somaliland Ciise axmed xawar iyo Taliyaha Militeriga Nuux ismaaciil Taani. Waa masuulkii ugu heerka sareeyay ee ka socda UK ee booqasho ku yimaadda Somaliland sidoo kale dhinaca gaashaandhigga waa sarkaalkii ugu sareeyay ee booqda Somaliland. Gavin williamson, ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxwaynaha Smaliland mudane Muuse Biixi Cabdi. Dawladda Ingiriiska ayaa gacan wayn ka gaysta dhismaha ciidamada amniga ee Somaliland Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ War saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Howlaha guud iyo guryeynta maamulka Jubbaland ayaa dadka deggan guryaha danta guud ee Dowladda lagu amray inay si dhaqso ah uga guuraan. Amarkan ayaa wuxuu saameynayaa dhammaan dadweynaha degan guryaha Dowladda, iyadoo loo qabtay inay muddo 14 casho ah uga guuraan, iyadoo ciddii u hoggaansami weyda amarkaasina ay sheegeen in tilaabo sharciga waafaqasan laga qaadi doono. Sidoo kale, War-saxaafadeedkaas ayaa laamaha ammaanka Jubbaland lagu faray inay ka saaraan dadka deggan guryaha dowladda marka la gaaro xiliga fursada loo siiyay inay kaga guuraan guryahaasi. Ugu dambeyn, Deegaannada Maamulka Jubbaland ayaa shacabka ku nool qaarkood waxay daggan yihiin guryihii dowladdii hore, iyadoo taallaabadan aysan ahayn middii ugu horreysay oo uu maamulkan faro shacabka ku nool deegaannadaas. AKHRISO: War-saxafadeedka kasoo baxay Maamulka Jubbaland; PUNTLAND POST The post Maamulka Jubbaland oo amar kusoo rogay shacabka ku nool deegaannada uu maamulo appeared first on Puntland Post.
-
The UN Security Council on Saturday said it regretted the expulsion of the UN envoy to Somalia, but said it expects to see “full cooperation” between Somalia and the UN. The statement followed an announcement by UN Secretary General Antonio Guterres saying he intends to appoint a new envoy to replace Nicholas Haysom who had fallen foul of the Somali government. Members of the UN Security Council “expressed their regret” at the Somali government’s decision to declare UN envoy Nicholas Haysom as persona non grata. At the same time it “underscored the strong and continued commitment of the international community to support peace, stability and development,” said the press statement. Haysom, a South African lawyer, had been in the job for just over three months. He previously worked as UN envoy to Afghanistan, as a UN director for political, peacekeeping and humanitarian affairs in the secretary general’s office and for the UN mission in Iraq. However, the Somali government accused him of meddling in the country’s internal affairs, saying he was no longer welcome to work in the country. Haysom had raised concerns with the government over the arrest of a former militant from the hardline Al-Shabaab group who was stopped from running in a regional election. The UN envoy said in comments to the UN Security Council that the Somali’s government’s interference did not “bode well for the well” for other regional elections or the expected 2020 national elections. A spokesperson for UN Secretary General Antonio Guterres said on Friday that he had “full confidence” in Haysom who had “distinguished himself in numerous senior leadership roles”. Nevertheless, Guterres decided to appoint a new UN envoy, despite pointing out that the concept of persona non grata does not apply to UN personnel. The Somali government had been particularly critical of what it said were attempts by Haysom to violate the sovereignty and independence of the country. “We reject the criticism and attempt to re-brand renewed terrorists as an ice cream salesperson without redeeming themselves,” Somalia’s UN Ambassador Abukar Dahir Osman told the UN Security Council on Thursday, according to the Reuters news agency. The French government said on Wednesday that it “deplores” the unilateral action by the Somali government and offered its “full support” for Haysom, saying he had “always distinguished” himself at the UN as well as in South Africa. Eliot Engel, the recently elected chairperson of the US House Foreign Affairs Committee, said he had concerns about what Haysom’s expulsion said about how the situation in the country is evolving. “Amidst deteriorating governance conditions and a stalemated battle against Al-Shabaab, the expulsion of UN Somalia Envoy Nicholas Haysom compounds my concerns about the direction in which Somalia is headed,” said Engel in a tweet on Wednesday by the US House Foreign Affairs Committee. Source: RFI
-
Kenya Defense Forces (KDF) deployed as part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) were caught up in a small arms engagement in the southern town of Tabda on New Year’s Day. KDF troops killed seven al-Shabaab militants and wounded an unknown number of fighters in the exchange. The KDF fared better this time than in the past, as they have suffered a number of heavy losses in the region. After the exchange, members of the KDF were able to recover nine AK-47 rifles, 10 magazines, two rocket-propelled grenade launchers and three grenades, all seized from the militants in the clash. Although this seems to be a small unit attack, given what has been recovered, this is a positive for the KDF. It’s also a positive for the AMISOM mission in Somalia. The whole force has suffered terrible losses at the hands of al-Shabaab. In the latest onslaught, KDF said two soldiers sustained minor injuries during what was described as an intense gunfight on January 1 at about 11 a.m. Confirming the exchange, KDF spokesman Col. Paul Njuguna said, “Kenyan soldiers will remain vigilant and will continue to relentlessly pursue terrorists to ensure the peace and security of Kenya, as well as support AMISOM operations in order to stabilize Somalia.” This is the latest onslaught on the militants in the region in late 2018 in which al-Shabaab suffered heavy losses. On December 20, U.S. military forces killed 11 militants in two airstrikes in Beled Amin, South Somalia. On December 17, the U.S. military confirmed it had killed 62 members of the al-Shabaab extremist group in Gandarshe, Somalia. The U.S. Africa Command statement said no civilians were injured. Al-Shabaab has had a lot to contend with in the recent months, with the rise of the Islamic State (ISIS) in the northern part of the country. This latest incident is undoubtedly one of the largest losses to the group in some years, although these losses seem to do very little in slowing their ability to attack the central government based in Mogadishu. The capital has been rocked by a number of attacks in the past couple of months. There are reports both groups have been involved in a number of small arms engagements. U.S. airstrikes have proven effective and the Somali army is on the rise backed by AMISOM winning a number of small firefights. Somalia remains a highly volatile place indeed, but small wins are welcome news for the region. The central government still has a long way to go before the region can prosper, but there are high hopes for the Somali people. Source: NewsRep
-
(SLT-Washington)-Kevin Sweeney ayaa noqonaya Sarkaalkii Saddexaad ee Sare ee ku dhawaaqa inuu iskaga tagayo shaqada Kaddib Markii Uu Madaxweyne Trump Sheegay In Ciidammada Mareykanka Laga Soo Saari Doono Waddanka Suuriya. Madaxa shaqaalaha wasaaradda Gaashaandhigga ee waddanka Mareykanka, Kevin Sweeney, ayaa xilka iska casilay, bil kaddib markii Xoghayihii wasaaraddaasi James Mattis uu ku dhawaaqay inuu jagadaas bannaynayo. Admiral Sweeney ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay in “la joogo waqtigii saxda ahaa ee uu dib ugu laaban lahaa adeegga gaarka loo leeyahay”. Waa sarkaalkii saddexaad ee sare ee ku dhawaaqa inuu iskaga tagayo shaqada kaddib markii uu Madaxweyne Donald Trump sheegay in ciidammada Mareykanka laga soo saari doono waddanka Suuriya. Saraakiisha ayaa sheegay in aanay jirin waqti loo qabtay ka bixitaanka ciidammada ee waddanka Suuriya. Rear Adm Sweeney ayaa jagadan uu haatan bannaynayo waxa uu hayay laba sanadood laga soo bilaabo Janaayo 2017. Warqadda iscasilaadda oo aheyd mid kooban ayaa waxa uu ku sheegay inay “sharaf u aheyd inuu ka garab shaqeeyo” saaxiibadii ku sugan wasaaradda, hasayeeshee ma uusan soo hadal qaadin Madaxweyne Trump. Iscasilaaddiisa ayaa waxa ay imanaysaa maalmo un kaddib markii Janaraal Mattis uu xilka banneeyay waqti hore, isagoo markii hore qorshaynayay inuu sii hayo xilka ilaa bisha Febraayo. Tagitaanka ninkan ayaa waxa ay dhigan tahay in hubanti la’aan ay haraysay siyaasadaha maamulka Trump ee arrimaha gaashaandhigga iyo dibadda tan iyo markii uu si layaab leh ugu dhawaaqay qorshaha ah in ciidammada Mareykanka laga soo saaro dalka Suuriya, dadka arrimaha Mareykanka faaqida ayaa sidaasi sheegay. Talaadada, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo ayaa waxa uu u kicitimi doonaa Bariga Dhexe halkaas oo uu muddo todobaad ah socdaal ku soo mari doono si uu xulafada dalkiisa ee gobolka ugu soo xaqiijiyo tallaabooyinka ay qaadayaan. Xoghayihii hore ee Gaashaandhigga ayaa waxa uu warqaddii iscasilaaddiisa ku tilmaamay inuu jiray kala aragtiyo duwanaansho dhanka siyaasadaha ah oo u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweyne Trump. Warqadda oo toos ugu socotay Mr Trump ayaa aragtida janaraalka waxaa lagu sheegay inay aheyd in “si xushmad ay ku jirto loola dhaqmo xulafada” iyo “waxkasta oo ah awoodda Mareykanka loo adeegsado difaaca”. “Sababtoo ah waxaad xaq u leedahay inaad heshid xoghaye difaac oo isku aragti aad tihiin oo aad isku dhinac wax ka arki kartaan, waxaan rumaysanahay inay sax tahay inaan xilka banneeyo,” ayuu ku qoray warqadda. Haweeneydii afhayeenka u aheyd wasaaradda Gaashaandhigga Dana White ayaa sidoo kale xilka isaga tagtay kaddib markii madaxweynuhu uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay ka bixintaanka ciidammada Mareykanka ee Suuriya. Source: BBC Source
-
Garowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Puntland ayaa shaaciyay tirada musharixiinta is diiwaan gelisay ilaa iyo hadda, waxaana la sheegay inay ka yar yihiin musharixiintii tartanka isku diyaarisay. Guddiga ayaa soo saaray qoraal ay ku cadeynayaan tirada musharixiinta ka gudubtay dhamaan sharuudihii laga doonayay, waxaana xilka madaxweynaha Puntland isku soo taagay 21 musharax madaxweyne. Xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale waxaa isku soo taagay 11 musharax, waxaana sidaasi shaaciyay guddiga doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland. Sharuudaha ay dhawaan shaaciyeen gudigan ayaa waxaa ku jiray dhowr qodob oo qaban karay qaar kamid ah musharixiinta xilka dooneysa.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Britain ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka iyo waftiga la socday. Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada UK oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii. Safarka wasiirka ayaa ah safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado maamulka Somaliland. Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dhinaca, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan. Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhigga iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Britain.
-
Dear Colleagues, Following the mortar attack on the UN compound in Mogadishu on 1 January 2019, the Designated Official for Somalia has decided, as a precautionary measure, to limit the staffing footprint in Mogadishu for the immediate future. Some personnel who were scheduled to travel to Somalia on Sunday 6 January have been directed to temporary remain in Nairobi. Some who are scheduled to travel on Monday 7 January will be individually contacted and directed to temporarily remain in Nairobi. This measure applies only to personnel assigned to Mogadishu, and not to those in duty stations in the sectors and regions. MovCon colleagues will vet the manifest during check-in in Nairobi, and those who have been asked to remain will not be checked in. Those who do not receive any notification should proceed to Mogadishu as planned. Individuals who have been instructed to remain in Nairobi are required to report for duty, and to work from the UNSOM or UNSOS office in Nairobi. They will be considered as being on official business travel status, and entitled to daily subsistence allowance in Nairobi, on the condition that they report daily to the Nairobi Office. They should register with the colleagues in Human Resources Management Section below upon arrival at the office in Nairobi, so that work spaces can be identified for them: Ms. Teresa Benedict on extension 6143, mobile +254 798 363 691. Mr. John Wachira on extension 6128, mobile +254 720 713 475. Those who have any difficulty in accessing the UNON compound should also contact the same HR colleagues. Persons held back in Nairobi may choose to remain on leave, and not to report to work. In that case they will not be entitled to DSA. All affected personnel will subsequently be informed when they should travel to Mogadishu. We regret any inconvenience caused by the short notice given to affected personnel, and trust that all will understand that this temporary measure is being taken in the overall interest of the security and safety of all United Nations personnel. Clark Toes OiC UNSOS Qaran News
-
Guddiga doorashada madaxtinimada dowladda Puntland oo haatan soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta murashixiinta, ayaa shaaciyay magacyada murashixiinta buuxiyay shuruudaha ee la diiwaan-geliyay. Guddiga ayaa sheegay in ay diiwaan-geliyeen 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen,kuwaasoo buuxiyay shuruudaha ku cad habraaca doorashada ee Dastuurka loo cuskaday. Diiwaan-gelinta oo soo bilaabatay 2:00PM ee shalay oo Sabti ahayd ayaa soo idlaatay 4:00PM ee Galabta,waxaana maalinta berri ah oo Isniin ah bilaamaya, khudbad jeedinta murashixiinta diiwaan-geshan,iyadoo qofkiiba la siin doono 15 daqiiqo. Maalinta Talaadada ee ku beegan 8-da Jannaayo 2019 ayaa la qorsheeyay, in ay doorashadu dhacdo,waxaana wareegga labaad u baxaya saddexda murashax ee ugu codad badan,halka wareega saddexaad ay noqonayso cod-dheeri,sida ku xusan habraaca doorashada. Halkaan ka akhriso liiska PUNTLAND POST The post Puntland: Liiska murashixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wasiirka Difaaca Dawladda Ingiriiska Oo Maanta Booqasho Ku Yimid Dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Difaaca ee Dalka Ingiriiska, Mudane Gavin Williamson oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyadoo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan. Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhigga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dib gacanta dad shacab ah loogu celiyay dhukumentiyo dawladeed oo inay daabacaan la siiyay xilligii Madaxweyne Siilaanyo, balse ay xukuumadda Madaxweyne Biixi la soo noqotay sannadkan. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa bishii Oktoobar waxay gacanta dawladda ku soo celisay dhukumentiyo dawladu leedahay oo ay xukuumadii Siilaanyo dad shacab ah qandaraas ku siisay kuwaas oo kala ahaa Liisanka waddo marista gaadiidka, Xaashida waddo marista iyo cusboonaysiinta liisamada iyo buugga dhaqdhaqaaqa gaadiidka, iyadoo ay wasaaradu maaliyada oo go’aanka soo saartay ay wakhtigaas daabaacadda dhukumentiyadan ku wareejisay madbacada qaranka. Hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in qandaraaska daabicista dhukumentiyadan dib loogu celiyay dad shacab ah oo iyagu hore u soo daabici jiray kuwaas oo imika ku mashquulsan diyaarinta iyo daabacadda dhukumentiyadan si sannadkan 2019 loogu shaqeeyo. Lama hubo in dad cusub lagu soo daray mashruucan iyo inuu ku koobanyahay shakhsiyaadkii hore. Si rasmi ah looma garanayo sababta iyo baahida keentay in dhukumentiyadan daabicistiisa dib loogu celiyay dadkaas shacabka ah, iyadoo ay dalka ka jirto madbacada qaranku. Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaa ka jawaabi waayay telefoonka gacanta oo aanu dhawr goor u dirnay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wafti sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku hungoobay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayada oo loo sheegay inaysan ka dhoofi karin, waxayna kadib isaga laabteen hoteellada iyo guryaha ay degan yihiin.. Waftigan ayaa kusii jeeda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, hase yeeshee diyaaraddii qaadi lahayd ayaa loo diiday fasax ay uga degto garoonka diyaaradaha Garoowe, kadib amar ka yimid madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas. Xubnaha waftiga ayaa waxaa ku jira Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Dadaallo ay sameeyeen qaar kamid ah isimada Puntland oo lagu doonayay in mas’uuliyiinta loo ogolaado ayaa fashil ku dhammaaday. Go’aankan mamnuucista ayaa ku kooban Golaha xukuumadda Federaalka iyo shaqaalaha Villa Somalia, hase yeeshee kuma jiraan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya,marka laga reebo xildhibaannada ka tirsan xukuumadda. Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan magaalada Garoowe oo ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen,kuwaasoo u yimid arrimaha doorashada. Isimada Puntland ayaa dhowaan soo saaray go’aan ay ku jabiyeen amarka Gaas, hase yeeshee Gaas ayaa ku gacan seeray go’aanadooda, kuna adkeystay in xubnaha dowladda aanay iman karin Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com