-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dawladda Saudi Arabia oo war Cusub & macluumaad xasaasiya ka soo saartay dhoofka Xoolaha Somalida Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli ayaa xaqiijiyey in aanay boqortooyada Sucuudigu aqbali doonin cadaadis uu sheegay in dalkiisa lagu saarayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray, haddii aan la buuxin shuruudda caafimaad ee ay wasaaraddu ka rabto. Wasiir Al-Fadli oo cadaadiskan ku sheegay mid aan meeshii ku habboonayd oolin, ayaa sheegay in hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaaliya laga rabo in ay ka soo baxaan shuruudaha caafimaadka xoolaha iyo kuwa dhinaca maxjarrada ah ee ay wasaaraddu hore uga dalbatay. Waxa aanu wasiirku mar kale ku celiyey in weli xayiraaddii xoolaha Soomaaliya ay dhaqan gal tahay oo aan la qaadin. Isaga oo sababtana ku sheegay ilaalinta badqabka muwaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool boqortooyada iyo sida oo kale dadka xajka u yimaadda guriga Alle ee xaramka. Wargeyska Al-madiina oo ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa qoray in wasiirku uu hadalkan sheegay mar uu Axaddii 27 ka jeenaweri la kulmay tiro ka mid ah maalgashadeyaasha beeraha iyo xoolaha ee degmada Makah Al-Mukarama. Wasiirka ayaa kulankan ka sheegay in Soomaalidu ay ku fashilantay in ay ka soo baxdo shuruudda uu Sucuudigu ku xidhay, si uu u aqbalo xoolaha ay u dhoofiyaan. “Muddooyinkii aynu soo dhaafnay waxa aanu la kulannay tiro ka mid ah wasiirrada Soomaaliya, waxa aanu ku heshiinnay in ay buuxiyaan shuruudaha dhinaca maxjarrada ah ee laga rabo, si aanu xayiraadda uga qaadno xoolaha ay soo dhoofiyaan, laakiin waxa aan ka xumahay, in aanay illaa imika ka soo bixin shuruuddaas.” ayuu yidhi. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in wasaaraddiisu ay bilowday in ay dalal kale ka soo dhoofsato xoolaha, si loo daboolo hilib yaraanta ka dhalan karta xoolaha Soomaaliya ee la joojiyey Qaran News
-
Waa yaab iyo dhabana hays! Iyada oo ay bulshada Soomaaliyeed la yaabanayd qunsulkii ay Itoobiya u soo magacowday Somaliland ee darajo ahaan soo noqday safiir wado waaweyn u jooga ayey hadana Puntland mid kale u soo magacowday. Waxaa jiray sheeko xariiro ahayd in Itoobiya bedeshay wejigeedii siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay qaadatay dhabbe ay ku qadarineyso madax banaanida dalka balse su’aalo badan ayaa ka dhalanaya qunsulada ay u soo direyso Somaliland iyo Puntland. Maxay tahay ujeedka Itoobiya gaarka ku ah ee aysan qabin Jibuuti, Kenya iyo Eritrea? Qunsul waxaa dal uu geeyaa magaalo ay dadkiisa ku badan yihiin, oo safaarad aysan ku oolin, sidaas darteedna qunsuliyadda ay qabato adeegyadii shacabka wadankeeda ee martida ku ah dalka kale u baahnaayeen. Hase yeeshee, ma jiraan shacab Itoobiyaan ah oo jooga Garoowe, ama inta badan deegaanada maamulkaas, marka laga reebo kuwa qaxooti ku ah Boosaaso. Sidaas darteed maxay qabaneysaa qunsuliyadda Itoobiya ee aan ka ahayn arrimo siyaasadeed. Soomaalida Itoobiya waxa ay uga dano badan yihiin Kenya iyo Jibuuti oo aan ku lahayn qunsullo! Dhammaan qodobadaas waxa ay xoojinayaa tuhunkii ahaa in Itoobiya DHOOLACADEYNESO ee aysan wax ka badalin siyaasaddeedii Soomaaliya. Inahaas oo jira waxaan talaabadan ay Puntland ugu soo magacowday qunsulka xaqiijineysaa walow ay horeba ugu lahaan jireen in Itoobiyadii Tigreeyga iyo Midda Oromada wax is dhaama aysan jirin balse ka siman yihiin siyaasada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay bulshada uga warbixiso dhaqdhaqaaqyada Itoobiya iyo waxa ay ka qabto. Xukumada waxaa sidoo kale waajib ku ah in ay Soomaalida la wadaagto istaraatijiyadeeda siyaasadeed ee ku aadan wadamada Geeska, gaar ahaan Itoobiyada aan la saadaalin karin. W/Q: Dalmar Xuseen Mire Boosaaso, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli ayaa xaqiijiyey in aanay boqortooyada Sucuudigu aqbali doonin cadaadis uu sheegay in dalkiisa lagu saarayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray, haddii aan la buuxin shuruudda caafimaad ee ay wasaaraddu ka rabto. Wasiir Al-Fadli oo cadaadiskan ku sheegay mid aan meeshii ku habboonayd oolin, ayaa sheegay in hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaaliya laga rabo in ay ka soo baxaan shuruudaha caafimaadka xoolaha iyo kuwa dhinaca maxjarrada ah ee ay wasaaraddu hore uga dalbatay. Waxa aanu wasiirku mar kale ku celiyey in weli xayiraaddii xoolaha Soomaaliya ay dhaqan gal tahay oo aan la qaadin. Isaga oo sababtana ku sheegay ilaalinta badqabka muwaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool boqortooyada iyo sida oo kale dadka xajka u yimaadda guriga Alle ee xaramka. Wargeyska Al-madiina oo ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa qoray in wasiirku uu hadalkan sheegay mar uu Axaddii 27 ka jeenaweri la kulmay tiro ka mid ah maalgashadeyaasha beeraha iyo xoolaha ee degmada Makah Al-Mukarama. Wasiirka ayaa kulankan ka sheegay in Soomaalidu ay ku fashilantay in ay ka soo baxdo shuruudda uu Sucuudigu ku xidhay, si uu u aqbalo xoolaha ay u dhoofiyaan. “Muddooyinkii aynu soo dhaafnay waxa aanu la kulannay tiro ka mid ah wasiirrada Soomaaliya, waxa aanu ku heshiinnay in ay buuxiyaan shuruudaha dhinaca maxjarrada ah ee laga rabo, si aanu xayiraadda uga qaadno xoolaha ay soo dhoofiyaan, laakiin waxa aan ka xumahay, in aanay illaa imika ka soo bixin shuruuddaas.” ayuu yiri. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in wasaaraddiisu ay bilowday in ay dalal kale ka soo dhoofsato xoolaha, si loo daboolo hilib yaraata ka dhalan karta xoolaha Soomaaliya ee la joojiyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Dibad baxayaal BEEN abuur ah oo ka dhan ah dalka Qadar ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobe ee New York. Dibad baxahaas, oo la rumeysan yahay inay Imaaraadka Carabta abaabuleen, waxaa shaqsigii lagu siiyey boqo dollar iyada oo ujeedku ahaa in dalkaas lagu kiciyo ol’ole ka dhan ah. Mudaharaadkaas BEEN abuurka ah waxaa fashiliyey dibad baxe qeybka ahaa. Dibad baxahaas waxa uu majaladda The Independent u sheegay in uu arkay qoraal Facebook laga so dhigay akoon uu ka shakiyey oo ugu baaqayey dadka dagan Brooklyn, ooka tirsan New York, in ay soo qaataan calamo oo ay si nabadeed xarunta UN-ta ugu mudaharaadaan. Haweeneyda ayaa intaas ugu dartay majaladda Ingiriiska laga leeyahay in markii hore baaqa dibad baxa aan lagu soo darin magaca Qadar, balse markii ay timid ay ogaataan in si cad a muuqatay in looga soo horjeedo wadanka gacanka ku yaal. Dibad baxayaasha sida ay sheegtay waxaa ku jiray dad ku hadlayey afka French-ga iyada oo xaqiijisay in la siiyey $100 midkiiba, loona dhiibay boorar ka dhan ah Qadar. Haweeneyda oo aan magaceeda la sheegin ayaa sheegtay in ay 40 qof ahaaeen balse markii ay yimaadeen xarunta UN-ta ay ku soo biireen 40 kale oo wata boorarka ka dhan ah Qadar. Waxa ay haweeneyda la wadaagtay The Independent farriin uu soo diray qof u muuqday abaabulaha oo ahayd gabadh magaceedu yahay Nezha Tagmouti. “Waxaan qaban qaabinayaa dhacdo lagu taageerayo nabadda dunida,” ayey qortay Tagmouti. “Waxaa jiri doona heeso, khudbado nabadda ah oo lagu qaban doono United Nations-ka hortiisa. “Waxaan u baahanahayey dad dheeri ah oo dhageysta khudbadaha, u sacbiya oo haysta dhammaan calamada aduunka. Kuwan dheeriga ah waxaa la siin doonaa $100 midkiiba.” Diblomaasi Qadar u dhashay ayaa u sheegay The Independent: “Qadar wali waxaa ku socda ol’ole beegsi ah oo lagu waxyeeleynayo sumcadeeda si looga qaado xuquuqdeeda martigalinta Kooba Aduunka ee 2022.” Haweeneyda abaabushay dibad baxan ayaa sidoo kale la aaminsan yahay in ay ka dambeeysay isla bannaan bixii looga soo horjeeday Qadar ee ka dhacay xarunta baarlamaanka Britain. Qadar waxa ay is hayyaan wadamada Khaliijka oo ay horboodeyso Sucuudi Careebiya waxa ayna cilaaqaadka kala goosteen 2017. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cabdi Kariin Biif hadana loo yaqaan Axmed Kheyr oo ahaa fanaan hore ayaa markii ugu horeysay sheegay inuu muxaadaro diini ah ku qaban doono magaalada Baydhabo. Axmed Kheyr, ayaa Sheegay in muxaadaradaasi uu ku qaban doono magaalada Baydhabo gaar ahaan masaajidka Jaamaca oo ku yaala bartamaha magaalada. Wuxuu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ka codsanayo inay kasoo qeyb galaan muxaadarada uu ku qabanayo Masjidka Jaamaca ee magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in faa’ido badan ay ka heli doonaan. Walow uusan sheegin mowduuca muxaadarada, haddana wuxuu sheegay inuu kaga hadli doono arrimo badan oo ay dadka ka faa’idi doonaan. Axmed C/kariin ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay barashada diinta Islaamka ka waday duleedka magaalada Muqdisho. Wuxuu horey fariin ugu diray fanaaniinta kale inay kusoo biiraay Markaz uu diinta Islaamka ka barto oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE “Skills are the currency of the 21st century” The academy’s major plan this year is to set up an ‘Africa Youth Skills & Data Badge’ across the continent where young people will be required to undergo a particular training to get certification ACCRA, Ghana, January 29, 2019/ — The Africa Internship Academy (AIA) (www.AfricaInternshipAcademy.com) is a successful youth employment accelerator in Ghana, that provides work readiness and entrepreneurship programs for secondary & higher education students as well as graduates to gain entrepreneurial and employability skills: after proceeds to assign mentors to them: and either connect them to employers looking for entry-level talents or incubate them to launch their idea through our AIA Business Starter Pack Program. Its ideas and methods have won the Social Enterprise Award in 2017 as well as the recognition of the African Union as one of Africa’ best tools for youth development. Africa holds a very high rate of youth unemployment. In Ghana, about 120,000 young people graduate from various institutions with about 10% getting employed after the first year of completion. Over 16% will never work in their lifetime, yet every year, thousands of job vacancies go unfilled. Employers have trouble finding people who are ‘ready for work. “Youth unemployment in Ghana is basically not because there are no jobs in Ghana”, says Emmanuel Leslie Addae, co-founder of the Africa Internship Academy (www.AfricaInternshipAcademy.com). “There is a mismatch between the jobs available in the country and the young people who are desperately searching for work. The gap is in creativity and innovation skills, poor social networks, limited resources to look for work, poor attitudes of graduates towards job opportunities, and unavailability of funding capital for entrepreneurship.” Trainings, internships, mentorships as ideal tools to bridge gap between unemployment and employment in Africa. To make change happen, Emmanuel and his co-founders decided to launch AIA in 2016, with a combination of work training, internships and mentorship. They decided to implement a program called Work Integrated Learning Program (WILP), a practical and effective way of providing relevant and progressive skills to young people. According to Emmanuel, the ultimate goal of the program was to make youths, especially to be work-ready. “The goal is to make them work-ready. We teach them about design thinking, emotional intelligence in the workplace, financial literacy skills, entrepreneurial skills, presentation/communication skills and organizational skills. The training is then complemented with internship placements in companies with active mentoring, offered by 50 companies and 150 experienced mentors.” This was a golden combination, training, followed by internships and mentoring. According to Emmanuel, the results of the students they worked with have been remarkable. Out of the 195 fellows who have graduated from the program, over 32% have moved into self-employment, 28% are now full-time working staff in various corporate organizations, 11% are working part-time, 9% are volunteers, 15% are working on contract and 5% still in school. This is an incredible impact. As a youth impact social enterprise, entrepreneurial and employable skills, are the perfect keys to unlock job opportunities in Africa, and as such, all their programs are tailored to shape and develop these skills in people. In Emmanuel’s take, they usually give more attention to the 21st century skill-set. “There are several, such as communication skills, networking skills, research skills and team work skills. Teamwork forms an integral part of life. One must be taught how to integrate properly with people of different background and orientation. Interaction, collaboration, negotiation and compromise are some essentials of an excellent teamwork.” Emmanuel stresses that AIA programs also teach young people organizational skills, to properly plan tasks and to learn time management. “We also hope to spark creativity. We believe a creative mind triggers success and excellence.” He said. Since the academy was founded, its programs have been very consistent in the years. According to Emmanuel, sponsorships are the main source of survival over the years. “Finding partners and sponsors have not been easy. The first partner we had for the AIA internship program was Ecobank, they agreed to host our fellows after the 4 weeks integrated learning program. As I speak to you we have about 50 organizations that host our fellows for additional one month internship at their various organizations. Apart of training young people, the other major task is to find partners who will fund as well as host the interns after the program. We leverage on our relationships with corporate companies to support the program. With regards to finding mentors, we normally do Mentors call, where we get people to volunteer to mentor fellows.” In Africa, finding a job is not as easy as it may seem, irrespective of ones skills, abilities, or experience, they still are unable to find jobs, those who are fortunate enough to land one, are probable not a good fit for the job, hence the poor output of services. Emmanuel and his partner, again came out with an innovative and the easiest job search platform on the continent. Talentsinafrica, is currently on the rise in Africa, giving opportunities to many people to find their unique talents, skills, and abilities and find jobs that complements their skills perfectly. “We observed that training and equipping people with skills was very good, but we needed an additional platform that could connect these people with active recruiters across Africa. We realized we could utilize our numerous contacts we have over the years got. Since we have direct contacts with active entry talent recruiters across Africa, we decided that, after training people, we will give them the opportunity to sign on a platform that could connect them directly to these recruiters in Africa. This was how TalentsinAfrica.com came about.” “We launched the platform in Ghana, Rwanda, Kenya, Nigeria, Tanzania, Senegal and Cote D’ivoire. We believe that a workable solution in Ghana can easily work in other part of Africa since we share similar problems. It is our aim to have presence in every part of this continent, but we want to pilot it in these six countries first.” The academy’s major plan this year is to set up an ‘Africa Youth Skills & Data Badge’ across the continent where young people will be required to undergo a particular training to get certification. This initiative sought to create a skillset mindset and attitude among higher education students in Africa. This is an important motto of AIA: Skills have become the global currency of the 21st century’!” Distributed by APO Group on behalf of People Initiative Foundation. Contact for Partnership and Collaborations: Nora Asiedu nora.asiedu@africainternshipacademy.com info@africainternshipacademy.com +233 549105682 About People Initiative Foundation: People Initiative Foundation (https://PeopleInitiativeFoundation.org) is a Pan Africa Youth organization that promotes and supports Africa’s youth to achieve their goals in life. Our Thematic areas: Education & Youth Livelihood Skills Training ;Employment & Employability Skills Trainings; StartUps & SME Incubation Program; Talents Searching / Job Connecting Platform; Mentorship Platform, Internship placements and Social Impact Programs. These initiatives are geared towards employment, empowerment and job creation for Africa’s youth. https://twitter.com/PeopleInitiate and www.facebook.com/ SOURCE People Initiative Foundation Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-29012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo shalay Kenya ku tegay booqasho rasmi ah ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxwaynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, waxa ayna isla garteen in xoojinta xariirka labada dawladood ka dhexeeya uu muhiim u yahay Horumarka iyo xasiloonida gobalka geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada. Madaxweyne Kenyatta ayaa dhinaca kale qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter shaaca uga qaaday farriin Kheyre uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan marti-geliyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo ii siday farriin qalbi wanaajin iyo tacsi ah igaga siday madaxweyne Farmaajo, kadib weerarkii ay argagxisada ka fuliyeen Riverside” ayuu yiri Uhuru Kenyatta. Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay wadada saxda ah ee Soomaaliya ay ku taagantahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Nairobi (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo shalay Kenya ku tegay booqasho rasmi ah ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxwaynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta. Khayre iyo Kenyatta ayaa ka wada hadlay adkaynta cilaaqaadka labada dawladood iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah wax loogu yeero argagaxisada, Labada mas’uul ayaa waxay isla garteen in xoojinta xariirka labada dawladood ka dhexeeya uu muhiim u yahay Horumarka iyo xasiloonida gobalka geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah “argagaxisada”. Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay wadada saxda ah ee Soomaaliya ay ku taagantahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo. The post RW Khayre oo la kulmay Madaxweynaha Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maalinta berri ee arbacada ah ay si rasmi ah u xaliyaan murankii ka dhashay cayrintii Soomaaliya ee wakiilkii QM ee dalka, Nicholas Haysom. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in berri ay Muqdisho iman doonto kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda, Rosemary DiCarlo. Ms DiCarlo ayaa madaxda Soomaaliya kala hadli doonta, sida ay QM iyo Soomaaliya u wada shaqeyn lahaayeen, islamarkaana loo xallin lahaa murankii dhacay. Wararka ayaa sheegaya in imaanshaha Rosemary DiCarlo uu sidoo kale billow u noqon doono dib u billaabashadii rasmiga ah ee howlihii xafiiska QM ee Soomaaliya, oo tan iyo markii uu muranka dhacay si gaabsi ah u shaqeynayey. Inta badan, shaqalaaha QM ee Muqdisho ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi muddo bil, sababo lagu sheegay amni, kadib weerarkii hoobiye ee lagu qaaday xafiiska QM ee xarunta Xalane, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in arrimo siyaasadeedna aysan meesha ka marneyn. Rosemary DiCarlo, ayaa sida ay Caasimada Online ogaatay, kala hadli doonta madaxda Soomaaliya soo magacaabista wakiilka cusub ee QM ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta Muqdisho kusoo laabtay ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland soo dhaweyntii wanaagsanayd ee ay u fidiyeen isaga iyo wufuudii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay caleema-saarka Madaxda cusub ee maamulkaasi. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in is ogolaanshaha iyo midnimada hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u yihiin xaqiijinta dib u kabashada dalka iyo ka *****nta himillada ku aaddan Soomaaliya horumarsan, amni ah oo dadkeedu nolol wanaagsan ku haystaan. “Waxaan rabaa inaan halkan ugu mahadceliyo shacabka reer Garoowe iyo Puntland, Madaxweynahooda iyo dowladdooda, sida wanaagsan ee walaaltinnimada leh, Soomaalinnimadu ku jirto ee ay aniga iyo wafdigayga noo soo dhaweeyeen. Runtii waxay ahayd wax aad iyo aad loogu farxo oo aan mar walba ka filaayey dadka reer Puntland ee nabadda jecel.” Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay dardar geliso xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, loona kaabo shaqadooda, si loo mideeyo qorsheyaasha iyo dadaallada horumarineed ee dalka, looguna adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u hamuun qaba dowladnimada. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash),masuuliyadda adag ee loo doortay, uuna waafajiyo dhammaan wixii dan u ah shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha ayaa bogaadiyey kulamadii miro-dhalka ahaa ee Garoowe uu kula soo qaatay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, culumada, duubabka dhaqanka, waxagardkii iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland. The post MD Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha idaacada Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhegeysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-29012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada jigjiga ayaa sheegaya in rabshado ay ka bilowdeen magaalada Jigjiga, waxaana xaafadaha qaar laga maqlay rasaas dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadka kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ay xireen waddooyinka qaar ee magaalada,waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha. Wararka ayaa sheegaya in qowmiyadda amxaaradda ay ka caroodeen gaadiid ay lahaayeen iyo goobaha ay ku cibaadeystaan oo waxyeelo la gaarsiiyay. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka magaalada Jigjiga, xaalada ayaana caawa u muuqata mid qasan. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli ayaa xaqiijiyey in aanay boqortooyada Sucuudigu aqbali doonin cadaadis uu sheegay in dalkiisa lagu saarayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray, haddii aan la buuxin shuruudda caafimaad ee ay wasaaraddu ka rabto. Wasiir Al-Fadli oo cadaadiskan ku sheegay mid aan meeshii ku habboonayd oolin, ayaa sheegay in hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaalida laga rabo in ay ka soo baxaan shuruudaha caafimaadka xoolaha iyo kuwa dhinaca maxjarrada ah ee ay wasaaraddu hore uga dalbatay. Waxa aanu wasiirku mar kale ku celiyey in weli xayiraaddii xoolaha Soomaalidu ay dhaqan gal tahay oo aan la qaadin. Isaga oo sababtana ku sheegay ilaalinta badqabka muwaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool boqortooyada iyo sida oo kale dadka xajka u yimaadda guriga Alle ee xaramka. Wargeyska Al-madiina oo ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa qoray in wasiirku uu hadalkan sheegay mar uu Axaddii 27 ka jeenaweri la kulmay tiro ka mid ah maalgashadeyaasha beeraha iyo xoolaha ee degmada Makah Al-Mukarama. Wasiirka ayaa kulankan ka sheegay in Soomaalidu ay ku fashilantay in ay ka soo baxdo shuruudda uu Sucuudigu ku xidhay, si uu u aqbalo xoolaha ay u dhoofiyaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Muddooyinkii aynu soo dhaafnay waxa aanu la kulannay tiro ka mid ah wasiirrada Soomaalida, waxa aanu ku heshiinnay in ay buuxiyaan shuruudaha dhinaca maxjarrada ah ee laga rabo, si aanu xayiraadda uga qaadno xoolaha ay soo dhoofiyaan, laakiin waxa aan ka xumahay, in aanay illaa imika ka soo bixin shuruuddaas.” Wasiirku waxa uu intaas ku daray in wasaaraddiisu ay bilowday in ay dalal kale ka soo dhoofsato xoolaha, si loo daboolo hilib yaraata ka dhalan karta xoolaha Soomaalida ee la joojiyey. Source
-
Madaxweyne Farmaajo oo ka duulay Garowe Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta galinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo ku-xigeenadiisa, qaar kamid ah goleyaasha Puntland, iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta la hadlay intii aysan duulin wafdigii Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladda Puntland iyo shacabkeedaba si sharaf iyo wanaag ku jiro ku sagootinayaan Madaxweynahooda ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in fursad qaaliya ay u ahayd Madaxweynaha DFS ka qayb-galka caleema-saarka madaxda Puntland, maadaama ay sabab u noqotay kulamo wax ku ool ah oo uu la qaatay dowladdaha xubnaha ka ah DFS. Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Puntland uga mahadceliyey soo dhoweynta habmaamuus kale ee ay marwalba ku sharfaan iyo sagootinta gebagebada safarkiisa, wuxuuna xusay in isaga iyo madaxda dowlad goboleedyadu ay dib ugu soo laaban doonaan Garowe. PUNTLAND POST The post Garowe: Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo dib ugu laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Qaraxa maanta ka dhacay duleedka Muqdisho waxaa la sheegayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ajaanib u shaqeynayey mid ka mid ah shirkadaha ka howlgala Muqdisho. Inta la xaqiijiyey 3 Injineer iyo askari la socday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana isla markiiba la geeyey cusbitaallada Muqdisho. “Waxaan idin xaqiijineynaa in qarax lala eegtay Injineero Somali iyo Cadaan isugu jiray oo ka tirsan Shirkadda Korontada BECO, dhaawacyo ayaa soo gaaray iyaga oo Afar ah oo uu ku jiro Askari, waxaan ku daba jirnaa raggii falkan ka dambeeyay, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka.” ayuu yiri Xoghayaha Deg. Garas-baaley Musharaf Cabdi Axmed. Lama qaabka iyo sababta loola beegsaday, weli kama hadlin hey’adaha amniga iyo shirkadda ay ka socdeen intaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Yoweri Museveni: There is no organised authority in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ugandan President Yoweri Museveni has called Somalia a country with no state and which lacks “organised authority” in a televised speech in the capital, Kampala. He said Somalia was one example but stopped at naming other countries “for diplomatic reasons”. Mr Museveni was speaking at an annual judges’ conference. In his speech, Mr Museveni also questioned the effectiveness of the UN. He criticised the UN for having been in Congo “since 1960 but people are dying like flies.” The president doubted the security brought by the UN troops as he continued: Quote Message: You go to Mali, you go to all those places, even Nigeria. Big problems there. Chad. But here we have created a pillar of security.” You go to Mali, you go to all those places, even Nigeria. Big problems there. Chad. But here we have created a pillar of security.” Crime level in Uganda is moderate though robberies and burglaries have been on the rise. Insecurity has become a political issue, according to the Economist. Source: BBC NEWS -
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal kasoo yeedhay madaxweynaha Ugnada, Yoweri Museveni oo sheegay in Soomaaliya ayna ka jirin dowlad nidaamsan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Museveni uu iskii u hadlay oo la ogyahay in Soomaaliya ay dowlad leedahay. Madaxweyne Museveni oo maalin kahor hadlay ayaa sheegay arrin ay Soomaali badan dhibsatay. “Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, balse ma haystaan hay’ad nidaamsan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale balse ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Uganda. Ciidammada ugu badan ee nabad ilaalin ahaan u jooga Soomaaliya, kana tirsan AMISOM ayaa ah kuwa Uganda, waxase dad qaar ee indha-indheeya arrima Soomaaliya ay qabaan fikrad ah inta ciidamo shisheeye ay joogaan Soomaaliya, ay adagtahay in dowladda federaalka ay qaadato go’aamo madaxbanaan, oo haddii ay qaadatana ay dhici karto in uu culesy siyaasadeed uu ku keeno. Source