-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ka hadashay ninka British-ka ah ee ku xiran magaalada Muqdisho, kaasi oo loo haysto eedeymo ku saabsan inuu walxo qarxa la kori lahaa diyaarad. Xafiiska arrimaha dibedda UK, ayaa sheegay inay xiriir la leeyihiin Anthony Cox iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay caawinayaan qoyskiisa. Hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheer. Cox ayaa dhowaan ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen maxaabiis Daacish ah oo kula xiran xabsiga dhexe, kuwaas oo sakiin ku weeraray. Anthony Cox ayaa horey u ahaa askari, hase yeeshee waxa uu dhowaanahan ka shaqeynayey maareynta xasaradaha iyo uruurinta xogaha sirdoonka. Shirkadda SKA oo uu shaqeynayey intii uu Soomaaliya joogay ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka tagay shanti Janaayo, laba toddobaad ka hor inta aan la xirin. Ninkan oo sidoo kale ku hadlay luuqadda Faransiiska, ayaa muddo 16 sano ah ku noolaa dalka France, isaga iyo xaaskiisa Amanda. Waxa uu bogiisa Linkedin ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay Koonfur America, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Yurub iyo Koonfur Bari Asia. Inta uu Muqdisho joogay ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey arrimaha amniga iyo uruurinta xogaha sirdoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ay sii wadayaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxa uu beeniyay in ay dib u dhigayaan Doorashada Bilooyinka soo socda la filayo in ay ka dhacdo Deegaanada Maamulkiisa. Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhaq-dhaqaaqiisa ay wadaan iyo Doorashada aan isku xirneen. Waxa uu tusaale usoo qaatay in xiligii Dalka uu ka socday Halgankii looga saarayay Gumeystihii la isku dhex wadi jiray Doorashada iyo Dagaalka, halkaana uu ka tusaale qaadan doono. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa uu ka dalbaday in la joojiyo ka tacsiyeenta Dadka Al-Shabaab ay ku dilaan qaraxyada iyo weerarada, badalkeedane ay ku dhaqaaqdo in ay duulaan ku qaado sida uu hadalka u dhigay. Dadka ku dhinta Qaraxyada ka yar ayuu sheegay in ay kaga dhimanayaan dagaalka tooska ah ee lagu qaadayo Al-Shabaab, kuna qabsanayaan deegaanno uu tilmaamay in looga soo duulaan tago. Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay tagayay Degmooyin katirsan Gobolka Jubada Hoose waxa uu ku dhawaaqayay Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, inkasta oo aan jirin illaa iminka deegaan ay ku duuleen. Al-Shabaab ayaa weerartay Saldhig Ciidamada Jubbaland ee loo diyaariyay dagaalka loo qorsheeyay oo ku yaalla Deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka Axadii tuulada Ceelka Miraale ee duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ku dhex-maray kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib duulaan ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ku ekeysay fariisin ay degaankaasi ku leeyihiin xoogaga Daacish faraca Soomaaliya, taasoo dhalisay is-rasaaseyn culus. Dagaalka labada dhinac, oo sii xoogeystay mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa kusii baahay tuulooyinka kale ee ku teedsan Ceelka Miraale. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramaya in labada kooxood uu kasoo gaarey dagaalkii ugu dambeeyay, kaasi oo qayb ka ah guluf ay iclaamisay kooxda Muqdisho laga saarey sanadkii 2011-kii. Wararka ayaa intaas ku daraya in ujeedka ay Al-Shabaab ugu duushay degaanka Ceelka Miraale ay tahay inuu maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa hogaamiyaha garabka Daacish ee Somalia, C/qaadir Muumin. Al-Shabaab iyo Daacish oo lagu waramayo inay dagaalamayaal horleh qoranayaa ayaa mudooyinkii dambe waxaa udhaxeeyay loolan, kaasi oo ku saabsan kooxda ku gacan-sareynaysa Somalia, iyaga oo ganacsatada kusoo rogay lacago baad ah. C/qaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Al-Shabab ayaa Daacish ku aas-aasay 2015-kii Buuraha gobolka Bari, isagoo hadda isku dayaya inuu awoodda Kooxdiisa ku baahiyo gobolka, islamarkaana meesha ka saaro Al-Shabaab. Labadan Kooxood ayaa khal-khal ku haya amniga Puntland, iyadoo midba mida kale ay loolan ugu jirto inay ku gacan sareyso gobolka Bari, waxayna lacago baad ah ka qaadaan ganacsatada Boosaaso. Isha: Garowe Online
-
Ma aha mid shaki la galin karo in uu bilowday ol’olihii doorashada soo socata ee madaxtinimada Soomaaliya. Xafladii caleemo saarka ee Garowe, Caasimadda Puntland ka dhacday ayaa tusaale mug weyn u ahayd taas oo ay isku arkeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dhan. Taas oo jirta, hadana waxaa uu muran xoogan u dhexeeyey dowlada hada jirta iyo kooxaha mucaaradka ah oo yeeshay wajiyo xisbiyo. Xisbiyada UPD iyo Wadajir ayaa Muqdisho ugu caansanaa, balse kuwaas waxaa kulamooda is hortaagi jirtay dowladda dhexe. Buuq badan ayey arrimahaas abuureen waxaana ugu dambeeyey kulan aqoon is weydaarsi ay xisbiga UPD Baydhabo ku qabsan rabeen oo maamulka Koonfur Galbeed is hortaagay. Waxaa ka horreeyey maalin ama laba kahor kulan xisbiga Wadajir ay Hotel Maka-Almukarah ku qabsan rabeen oo booliska kala eryeen. Arimhaas oo jira ayaa waxaa hadda si xowli ah ku soo koray saaxada xisbiga Hilimo Qaran oo uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Dhaq dhaqaaq iyo xafiisyo furis ayuu xisbigaas ka wadaa dalka, gaar ahaan Puntland, hadaba waxaa la’is weydiinayaa, dowladda side ayey ula dhaqmi doontaa Hilimo Qaran oo la ogyahay xiriirka ka dhexeeya Farmaajo iyo Sheekh Shariif? Sheekh Shariif hadii uu bilaabo kulamo siyaasadeed sida kuwii ka horreeyey ee UPD iyo Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur sameystay ee Wadajir ma ula dhaqmi doontaa sidooda oo kale mise isaga is ka duwan ayey ula macaamili doontaa? Waxa xaqiiq ah in dhawaan wax walba kala cadaan doonaa balse dowladda waxaa hubaal ah in uu Sheekh Shariif iyo Xisbiga Himilo Qaran xujo ku noqon doonaan Madaxweyne Farmaajo. Waxaan sugaynaa jawaabta ay ka bixiso. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Somalia and the United Nations on Wednesday committed to strengthening their relationship aimed at transforming the Horn of Africa nation. Somali President Mohammed Abdullahi Farmajo who held talks in Mogadishu with visiting Rosemary DiCarlo, UN under-secretary-general for political and peacebuilding affairs, vowed to work more closely together to support Somalia’s state-building and peacebuilding priorities. “The Federal Government of Somalia and the United Nations look forward to deepening their long partnership to enable Somalia to continue to make progress towards a peaceful and prosperous future,” they said in a joint statement issued in Mogadishu. It said DiCarlo, who arrived in Mogadishu earlier on Wednesday held open, cordial, and frank discussions while committing to strengthening the relationship between the Somali government and the UN. During the meeting which was also attended by Prime Minister Hassan Ali Khaire, the three leaders discussed practical measures for the government and the UN to work more closely together for the benefit of Somalis. Khaire stressed the government’s high regard for the work of the UN, of which Somalia is a member, and emphasized Somalia’s commitment to its international obligations and membership. “The Somali leaders expressed their sympathy and solidarity with the United Nations in the wake of the attack on the UN compound on 1 January 2019. They reiterated their commitment to enhance the security and safety of UN personnel,” it said. The mortar attack on the UN compound in Mogadishu left three members injured. The post UN undersecretary for political affairs meets Somali leaders in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Markaan isu qiyaasay labadan dowladood ee jaarka ah ee Somaliland iyo Dowlad degaanka somalida(ama kililka5 naad)waxaad arkaysaa dhan marka laga eego labaduba inay nasiib daran yihiin. Dhanka kale marka laga eegana aad u kala nasiib fiican yihiin. Dhanka hore marka laga eego labaduba way nasiib daran yihiin waayo ,qaar waa shacab wanaagsan oo nabad jecel oo dowladooda maqla laakiin aan haysan madaxweynihii hagi lahaa.Qaarna waxay heleen madaxweyne daacad ah .Raba inuu cadaalad wax ku maamulo .Meesha ka saaro nidaamkii hore ee faasidka ahaa iyo xiddadiisiiba ,laakiin waxaanu haysan shacab dowlad raba,oo wax la dhisaya oo nabada la ilaalinaya. Dhanka kale marka laga eegana way kala nasiib fiican yihiin,Waayo waxa aad u adag in la helo hogaamiye fiican oo daacad ah. Hogaamintu maaha xaflado laga qayb galo.Hogaamintu maaha daar cusub oo hadba la isku sawiro adoo maqaskii ku jaraya. Hogaamintu waxay ka bilaabantaa shacabkaaga oo aad midayso.wacyi geliso.cadaalad tusto.cashuurtooda ku celiso ood wax ugu qabato.dhalinyarada oo ah mustqbalkii waddanka ood mudnaanta koobaad siiso.maaha inaad niyad jebiso ood tidhaahdo wadanka waxba ma dhex yaalaane tahriiba. Mustafe Muxumed omar(Mustafe cagjar) wuxuu mudanyahay in lagu daydo.waxaan marnaba is lahayn mudada uu xilka hayey iyo inta uu dhaqaajiyey.shacabkiisana waxan kula talin lahaa inay la shaqeeyaan oo ka faaiidaystaan.Wuu dhamaaday wakhtigii wax is daba marinta iyo laaluushku .Waxa yimi wakhtigii horuu marka iyo wax qabashada . Madaxweyne Muse Biixiina waxan kula talin lahaa ;waxaad haysataa dad nabad jecel oo ku ogol ee ka faaiidayso wakhtiga oo midee umadaada .Ka soo bax gurigan aad isku handaraabtay oo umadaada la hadal. Hadal iyo dhamaantii : Waxa lagu hal maalaa Hormood lagu ahaadaa Lagu kala horeeyaa Higsashada wanaaga leh Himilada dareenka leh Horukaca ayaan ka leh Hoodada nasiibka leh Hal adaygu waa libin Hido raacna waa sharaf. Waa qalinkii;Baxnaan xaaji aden diiriye Sweden haaheey@hotmail.com Source
-
Tan iyo intii golaha Guurtiddu u kordhisay golaha Wakiiladda madaxweynuhu wax talaabo ah ama go’aan ah muu qaadin, waxaanay u muuqataa inuu arrinku ku baahay ka dib markii Guurtiddu u cayintay doorashadu inay dhacdo wakhti Komishankan muddo xileedkoodu ka dhamaaday, waxaanu xisbiga kulmiye iyo madaxweynuhu doonayeen in Guurtiddu ku salayso muddo kordhintii wakhtigii labada xisbi ee kulmiye iyo UCID isla garteen oo ahayd November, nasiib darose ma dhicin, inkastoo komishanku ka soo horeysiin karaan mudadda guurtiddu cayintay . Hadabba, xalka murankani wuxuu noqonaysaa Saddexdan arrimood in mid uun ku dhamaado: Inuu madaxweynuhu qaato go’aan ah inuu hawlgaliyo komishankan oo ay sidaas ku hawlgallaan,isla markaana hawlihii horyaallay ee ay sheegeen inay tobanka bilood ku dhamayn karaan degdeg u guda galaan, isagoo madaxweynuhuna barbar waddo xal u helidda saamiyadda xildhibaannada ee goboladda oo gobol walba laga saluugsan yahay qoondadda ay ku leeyihiin Wakiiladda. ka dibna ka hor muddo xilleedkooda oo ku beegan bisha November ay dalbadaan inay xisbiyadu soo gudbiyaan musharaxiintooda, taasinay waxay iska hor keeni kartaa musharaxiintii xisbiga WADDANI ka sharaxnaa iyo xisbigoodda, ka dib markay labadda xisbi ee kale gudbiyaan musharixiintoodii, musharaxiinta WADDANI waxay ku qabsi doonaan in xisbigoodu ka soo dabco go’aankiisii hore maadama oo kuwo isku deegaan yihiin oo ay tartan ku wada jiraan labadda xisbi ee kale ka sharaxan yihiin, ka dibna 12 cisho ee muddo xileedkoodii dhaaftay lagu heshiin doonno in loo kordhiyo maadaama oo uu dastuurku dhigayo in loo kordhin karo, sidoo kale muddo 12 cisho ah komishan cusub aanay doorasho qabin karin. Mudadda komishanku waddo diwaangalinta dadkii qaangaadhay iyo kuwii maqnaa in lagu xaliyo in komishanka gudoon cusub doortaan oo ugu yaraan laga bedelo gudoomiyihii hore iyo ku xigeenkiisii, taasina ay noqon karto xal la iskugu soo dhowaado. In la kala diro oo komishan oo laga dalbado inay is casilaan, maadaama oo aan la eryi Karin sida uu xeerkoodu tilmaamayo, isla markaana xubno cusub la soo doorto mar labaadna la kordhiyo mudadda doorashaddu dhacayso maadama oo muddo ku qaadanayso komishanka cusub inay la qabsadaan shaqada hortaalla. Barkhad Ladiif Maxamed Cumar. Source
-
Waxa jira fannaaniin badan oo qaada hal hees oo anbabaxday, oo sidaas kula tartamaya fannaaniin malaayiin heesood ku luqeeya dadkaas waxa ka mid ah, Maxamed Cali Burco oo ku leeqaya hees aad ugu hirgashay oo tidhaahda: “Hadduu dhugato geel qabo Ma dhadhammiyo geedaha Wuu gadasho dhuubtaaye Anna cudurkan igu dhacay, Waa mid igu dhammaadoo Ku dha***** aroos aan Dhinaaca isi saarnnee, Malaa dhaayahaygaay Calaf lagama dhuuntee Dhakhtar baysu keen qoray Adnna weli ma dhaaddanid”. Weliba heestan fannaanku waxa uu ku soo helay qaab jaabojaabo ah oo jajab iyo guraangur ah, oo eray ba meel laga keenay. Sidaas ayuu kaalmaha hore kaga soo baxay barnaamijkii ‘Heesaha Hirgalay 1976-kii’. Sidaas oo ay tahayna heestan Ina Cali Burco waxa uu kula dhigayaa fannaaniinta Soomaaliyeed ee tubeec leh ee Samatar leh ee hebel iyo heblaayo leh. Marka intaas laga yimaaddo waxa aynu halkan ku soo qaadanaynnaa hees la nooc ah tiisan. Waa xilli kala guur ah waa intii u dhaxaysay 1989-kii ilaa 1992-kii, dalku wuu burburay waana lagu kala calaf qaaday, waxa lagu dhawaaqay Soomaalilaand bal se waxa lafteeda ka oogan dagaallo sokeeye oo aad loogu le’day. Dadkii way kala qaxeen adduunyada baallaheeda ayaa loo kala haajiray, waxa kala fogaadey dad wada dhashay, walaalo isla dhashay iyo dad isu ahaa ma-huraan oo is xidhiidhin jiray. Dagaalladii waxa ay sababeen in ay kala irdhoobaan bulsho sidaas isugu dhafani. Dadkan is waayey ee dunida ku kala baahay waxa ka mid ahaa dad is jecel ama is qabay ama isu doonnan, oo aan kala maarmi karayn sina ba. Wakhtigaas ma ay jirin isgaadhsiintan maqalka iyo muuqaalka ah midina. Dadkuna waxa ay ku wada xidhiidhi jireen Waraaqo iyo Cajalado la isu duubo oo muddo dheer ka dib la kala heli jiray. Heestani waxa ay ku dhex dhalatay dal noocaas ah iyo xaalad kala war helistu ay adagtahay oo la odhan karo waa wakhtigii ugu habboonaa ee ay soo bixi lahayd. Waxa aynu odhan karnnaa heestani waxa ay ka qayb qaadatay dib u dhiska maskaxeed ee dadka sidaa isugu boholyoobayey oo ay dad badani xilligaas ku nafiseen kuna daaweeyeen boogahooda ama ay cajalad ugu duubeen qof markaas kaga maqnaa qurbaha ama meel fog. Waxa qaadaysa Fannaanadda Ruun Xaddi Sabban. Waxa ka mid ah erayadeeda: “Qof dhoofoo aan iman Dhibaatuu leeyahee Wakhtigu wuu dheeryahoo Dhulkuna wuu kala fogyee, Dhaayuhu ma arkaan kolley Naf meel dheer kaa jirtee Dhambbaallada soo diroo Dhegaha uun iga la soco, Jacayl bay dhalan rogoo Hurddana dhaafoo ka tegay Habeen waan dheelmadaa Dharaartii waan socdaa, Dhab baan kuu jecelahoo Dhammaan waaxyahayga iyo Dhiiggaad ku abuurantoo Guriyo aqal baan dhisaa, Dhaayuhu ma arkaan kolley Naf meel dheer kaa jirtee Dhambbaallada soo diroo Dhegaha uun iga la soco,” Sidaas ayayna ku noqotay hees taabbo-qaad ah oo la jaan-qaaddi karta wakhtigeedii, kana turjumi karta dareenkii waayahaa jiray, kana mid noqotay heesaha Soomaaliyeed ee bulshadu isku dhaydo. Heesta iyo fannanadda qaadaysa waxa caansan in badan heesta sababtuna waa ilaa iyo heerka ay gaadhay dhegaha qof kasta oo Soomaaliyeed oo cidi ka maqan tahay ama isagu cid ka maqan. Heestu markii ay ugu quruxda badnnayd ee la duubay waa markan oo aan odhan karo waxa ay heshay Jiib iyo Jaan. Markan waxa fannaanadda la qiiroonaya dad badan oo aan ka garanayo Weriye weyn oo ka tirsanaan jiray TV-ga Qaranka Soomaalilaand ‘Abiib Iimaan Xasan’. Barnaamijkani waa habeen ciid ah 2013-kii TV-ga Qaranka SLNTV. Waxa soo saaray Abiib Imaan xagga Farsamayntuna waa Ahmed Mohamed Abdi(Ugaaska) Khadar Qorshe iyo Sharmaarke. Nasiib xumo waxa aanan garanayn Abwaankii Ereyadaas sameeyey. Taana waxa inoo sheegi doona. Ugaaska. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-30012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay shirka lagu wado inuu ka dhaco magaalada London 7 Febraayo 2019, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya. War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigaas oo ku taariikhaysnaa beri 31 Janaayo 2019 ayaa lagu sheegay in xisbiga UPD uu ka welwelsan yahay khatarta ka dhalan karta haddii uu hirgalo qorshaha ay rabto Wasaaradda Batroolka oo lagu sheegay xaraashka Boloogyo kamid ah shidaalka Soomaaliya. Xisga UPD ayaa sheegay in shirkaas ay ka qeyb galayaan shirkado shidaal oo ku tartami doona shatiga shidaal qodida Soomaaliya. Dhanka kale Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa 25-kii bishan Janaayo war ay soo saartay ku beenisay in la xaraashayo Boloogyo kamid ah shidaalka Soomaaliya. Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa warkaas ku sheegtay in shirka London ay ka qeyb-gali doonaan Wasaaradda, xubno ka tirsan dowlad goboleedyada, ganacsato iyo shirkado shidaal oo caalami ah. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka xisbiga UPD. PUNTLAND POST The post Xisbiga Xasan Sheekh oo ka digay in la xaraasho shidaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa soo saaray war-saxaafadeed xasaasi ah oo dhowr qodob ka kooban, kaasi oo lagu caddeeyey mowqifka xisbiga ee shirka shidaallka Soomaaliya, oo 7-da Febraayo ka furmaya London. War-saxaafadeedka, oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, hoos ka aqriso. WARMURTIYEED Kulan lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya ayaa 7da Febraayo 2019 qorshaysan in lagu qabto magaalada London. Kulanka waxa ka soo qaybgelaya shirkado u tartami doona shatiga qodista shidaalka ee loo yaqaanno (Bid Rounds ama Licensing). Haddaba waxa u baahan in la isweydiiyo xaraashkani munaasab ma yahay waqtigan iyada oo ay maqan yihiin hay’adihii iyo sharciyadii hagi lahaa maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka. Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) wuxuu la wadaagayaa ummada Soomaaliyeed gol-daloolooyinka ka muuqda xaraashkan. Bishii September 2017 waxa Golaha Wasiiraddu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shidaalka Soomaaliyeed 2017 (Somali Petroleum Bill 2017) isagoo badalay Sharcigii Shidaalka 2008 (Somali Petroleum Law 2008). Hindise Sharciyeedkani hadda waxa uu horyaallaa Golaha Shacabka kaasoo sidoo kale u sii baahan ansixinta Aqalka Sare iyo saxiixa Madaxweynaha. Si loo dedejiyo xaraashkan, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay isticmaalaysaa sharci Golihii ay ka tirsanayd uu ansixyey in mid kale lagu bedelo. Lama garan karo sababta loo sugi kari la’yahay inta sharciga cusub meel mar ka noqonayo. Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka Iyo Macdanta) ee lagu saxiixay Baydhabo waxa uu dhigayaa in la sameeyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (Somali Petroleum Authority) taas oo hagi doonta wixii wada-xaajood iyo diyaarin heshiisyo shidaal ah. Iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu qabanaysaa madal lagu xaraashayo laguna bixinayo shatiga shidaal qodista. Isla Heshiiskani waxuu tilmaamayaa in la sameeyo Shirkadda Shidaalka Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Oil Company) taas oo la shaqeynaysa shirkadaha caalamiga ah. Mar kale, iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu heshiisyo caalami ah la galaysaa shirkado shisheeye. Heshiis Wax Soo-Saar Wadaag (Production Sharing Agreement) oo sheegaya xuquuqda iyo waajibaadka ay kala leeyihiin Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka ayaan weli Golaha Wasiiradda iyo Golaha Shacabka midkoodna la hor keenin. Heshiiskan waxa uu sheegayaa xuquuqda saxiixa heshiiska (signature bonus), awood-dhiska (capacity building), canshuuraha, sida dadka degaanka ugu faa’idayaan qodista shidaalka (local content) iwm. Heshiisyada shidaal ee la galo waxaa ku jira qodob muhiim ah oo la yiraahdo ‘xasilinta’ (stabilization clause) oo qeexa arimaha dib looga wada hadli karo iyo kuwa aan dib looga wada hadli karin marka uu heshiis dhaco. Maadama Soomaaliya aaney u dhamaystirnayn sharciyyada Bii’ada, Canshuuraha iyo Ganacsiga, waxaa adkaan doonta in heshiiska hadda la galo wax laga bedelo marka aan sameysanno sharuucda inaga dhiman. Waxa aan weli la sameyn Hay’adda Bii’ada Soomaaliyeed oo wax weyn ka taraysa in shirkadaha shidaalka aanay Soomaaliya ka dhigin meel ay adagtay in dadka iyo duurjoogtuba si caadi ah ugu noolaadaan maadaama shidaalka qodostiisa ay weheliso sun badan oo haddii aan loo samayn sharciyo lagu maareeyo iyo hay’ado haga khasaare weyn gaarsiin kara deegaanka. Soomaaliya heshiis shidaal ma gelin muddo ka badan 30 sanno, sidaa daraadeedna Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu hadda ma haysato khubaro ku filan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh sida loo galo heshiisyo noocan oo kale ah halka shirkadaha shidaalka ee xaraashkan ka qayb galayaa ay leeyihiin khubaro ku takhasusay heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah. 8. Waxa aan weli la dhamays-tirin dib u eegista Dastuurka oo kala xadidi doona awoodaha dawladda dhexe, maamul goboleedyada iyo dawladda hoose ee dalka, sidoo kalena waxa aan la samayn Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ah hay’ad dastuuri ah oo jiritaankeedu muhiim u yahay hubinta hufnaanta heeshiisyada iyo in aan kharashaadka ka soo xarooda loo adeegsan dano gaar ah. Marka la eego gol-daloolooyinka (Loopholes) kor ku xusan, dedejinta ka muuqata xaraashkan waxa uu horseedi karaa in xaqqa soo saarista shidaalkeenu si dhib yar gacanta ugu galo shirkaddo dillaaliin ah oo carqalad ku noqda soo saarista shidaalkeena iskaba daa in ay iyagu soo saaraane. Sidaa daraadeed, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku wuxuu ku baaqayaa ka hor xaraashka shidaalka : in la dhamays-tiro sharciyada hagaaya iyo kuwa kaabaya ka faa’iideysiga soo saarista shidaalka si umadda Soomaaliyeed aanay marti uga noqon kheyraadkooda; in la dhiso hay’adaha muhiimka u ah maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka si loo hubiyo illaalinta degaanta iyo faa’iido cadaalad iyo xaqsoor ku salaysan; in la helo khubaro inaga caawisa kala hufka shirkadaha daneynaya shidaalkeena si aan meesha uga saarno dillaaliinta raba in ay ka faa’iideystaan duruufeheenna adag; in la helo garyaqaano calami ah oo inaga caawiya heshiisyada aan la geleyno shirkdaha daneynaya soo saarista kheyraadka dalkeena: In xogta iyo macluumaafka la xiriira kheyraadka dalka sida Batroolka loo soo bandhigo bulshada Soomaaliyeed si furan, oo aysan dadka Soomaaliyeed noqon kuwo shirkado ajnabi ah ka hela xogta ku saabsan khyeraadka dalkooda iyo waxa la xiriira. in shacabka Soomaaliyeed muujiyaan lana wadaagaan cidii ay khusayso u heeganaanta illaalinta kheyraadkooda dabiiciga ah. Hadaba, Xisbiga UPD wuxuu soo jeedinayaa isla markaana adkaynayaa in shirka wasaaradda Batroolku ku qabanayso magaalada London taariikh 07 Febraayo 2019, uusan oofsan shuruudihii iyo tallaabooyinkii loo baahnaa in la qaado ka hor shir noocaas ahi inta aan la qaban, sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo shirkaas. DHAMMAAD
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), Rosemary DiCarlo. Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo UNka, in si dhow labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan. Dhinacyada ayaa isla gartay in qaramamada midoobay ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad. Rosemary DiCarlo ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxda Soomaalida ayaa u mahadcedliyey qaramada midoobey iyaga oo sheegay in ay wax badan ka taageerto. Labada dhinac waxaa la isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Tuka-raq)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta dagaal uu ku dhex-maray Ciidammo ka wada tirsan maamul gobolleedka Puntland. Dagaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Geed Qaboobe oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidammada maamulka Puntland ee dagaalku dhex-maray, kaasi oo ku yaalla Aagga deegaanka Tuke-raq, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaadhay labada dhinac. Saraakiil ka tirsan Ciidammada maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ku dhintay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 7 Askari oo ka tirsan ciidammada Puntland. Illaa iyo hadda lama Oga sababta keentay in dagaal uu dhex-maro Ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland ee ku sugan Aagga deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka filayaan madaxda dowladda Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin shirka ka dhacaya magaalada Garowe. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ka filayaan ka hor shirka dib u heshiisiinta ee magaalada Garowe inay ka la timaado is badal ku saabsan waxyaabaha laga tabanayo. Axmed Madoobe, ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay wax badan ka tabanayeen dowladda Soomaaliya, balse hadda loo baahan yahay maadaama isku soo dhawaansho uu jiro inay isbadal ku sameyso dhamaan waxyaabaha laga tabanayay. “Dowladda waxaa laga doonayaa inay la timaado int shirka ka horeeysa isbadal muuqanayo oo ka badalan dhaqankii shalay yaalay iyo waxii la tabanayay, iyadaa Waalid ah, iyadaa masuuliyadda saaran tahay, waxa wax laga tabanayay dowladdey aheyd, waan sugeynaa marka waxay wax ka badalaan”ayuu yiri Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in isimada Puntland iyo madaxweynayaashii hore ee dalka ay in badan ka shaqeeyeen sidi la iskugu soo dhawaan lahaa, waxaana uu xusay in kulamadii la yeeshay ay wax badan badaleen. 20 Bisha Maarso ayaa la filayaa in shir ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya uu ka dhacdo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sida uu iclaamiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Wajeer)-Maxkamad ku taalla Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa min 15 sano oo xabsi ah ku ridday saddex nin oo ku eedeysan in ay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-Shabaab. Mbarouk Ali Adibu oo 34 jir ah, Idarous Abdirahman oo 32 jir ah iyo Islahi Juma oo 22 jir ah ayaa dhammaantood ka soo jeeda Dalka Tansaaniya, waxaana lagu helay agabka ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan qaraxyada, sida uu sheegay Garsooraha Maxkamadda, Amos Makoros. Raggan oo ay laamaha ammaanku qabteen Sanad ka hor, xilli ay qorsheynayeen in ay ka tallaabaan xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa dib loo dhigay xukunkooda October 19, 2018, markii la waayay xog dhammeystiran oo ku aaddan dambiga lala xiriirinayo. Maxkamadda Magaalada Wajeer ee Waqooyi bari Kenya ayaa qabatay in ka badan 50 Kiis oo la xidhiidha Dacwadaha ka dhanka ah raggan la tuhmayo in ay gacan-saar dhow la leeyihiin Kooxaha argagixisada. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ka warbixiyay kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhex-maray wafdi ka socday Qaramada Midoobay iyo madaxda ugu sareysa dalka. Wafdiga ayaa waxaa hogaamineysay marwo Rosemary Di Carlo, oo ah u qaabilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadaynta ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysay. Khayre ayaa cod dheer ku sheegay in Qaramada Midoobay ay kala shaqeynayso dowlada la dagaalanka musuq-maasuqa, kob-cinta dhaqaalaha iyo sidii bulshada Soomaaliyeed uheli lahayd amni, caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hoosta ka xariiqay inay isla garteen wafdiga in Soomaaliya loo madax banaaneeyo howlaha quseeya dalka, wuxuuna shaaciyay in xal laga gaarey wixii mad-madow ahaa ee jiray. Dhowaan ayay ahayd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka eriday ergaygii qaramada Midoobay uqaabilsanaa dalka Nicholas Haysom, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ku xadgudubay madax banaanimada wadanka, waxaana la qorsheynayaa in lasoo magacaabo wakiil cusub. The post RW Khayre oo ka warbixiyay kulanka madaxda DFS iyo QM appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Boqortooyada Ingiriiska ayaa danjire cusub usoo magacawday Soomaaliya, kaasi oo bedalaya safiirkoodii hore ee David Concar. Safiirka cusub oo lagu magacaabo Benjamin James Fender ayaa xilka wuxuu si rasmi ah ula wareegi doonaa bisha Febraayo ee sanadkaan 2019. War qoraal oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Britain laguma xusin sababta keentay in Concar xilka laga qaado. Balse, sida ku cad war-saxaafadeedka David Concar, ayaa waxaa loo dhiibayaa jago cusub, inkasta oo aanan la shaacin. Bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Mr Concar loosoo magacaabay danjiraha UK ee Somalia, isaga oo xafiiska joogay labo sano. Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka taageerada dhaqaale iyo mid siyaasadeed siiya Soomaaliya, waxaana Muqdisho uu ku leeyahay safaarad. The post Ingiriiska oo safiir cusub usoo magacaabay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-30012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay marwo Rosemary A. DiCarlo, oo ah u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadaynta ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxwaynaha JFS ayaa uga mahad-celiyey UN-ka taageerada ay u fidiyaan Dowladda Soomaaliya. Farmaajo ayaa wafdiga u sheegay in dowlada ay tixgelinayso hawsha ay Qaramada Midoobay waddanka ka hayso. “Soomaaliyana way ka go’an tahay xoojinta wadashaqeynta ay la leedahay UN iyo guud ahaan Beesha Caalamka, taasi oo ku dhisan is-tixgelin iyo is-ixtiraam,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya. Dhinaca kale, wafdiga ayaa shir gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo xubno ka tirsan Gollahiisa Wasiirada, kaasi oo ay uga wada hadleen arrimo ay kamid yihiin wadashaynta QM iyo dowlada dhexe. The post MD Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda QM appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa xeebaha Jabuuti laga helay maydadka ilaa 35 kamid ah dad ku dhintay dooni ay la socdeen dad muhaajiriin ah oo ku safrayay xeebaha dalkaas. Doonidan ayaa shalay ku degtay xeebta Obokh ee dalka Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka muhaajiriinta ee IOM, waxaana iyagoo badqaba la badbaadiyay 16 qof. Dalka Jabuuti ayaa waxaa wali ka socda howl-gal lagu samata-bixinayo dadka la la’yahay ee saarnaa doontaas. Doonta degtay ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaaraya 130 qof oo Afrikaans ah, kuwaas oo u socday dalka Yemen. Dalka Jabuuti ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqday marin ay sii kasii tallaabaan muhaajiriinta ku wajahan kacanka Cadmeed. Sanadkii hore ayay hay’adda IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 qof oo muhaajiriin ah. PUNTLAND POST The post Dooni dad badani ku dhinteen oo ku degtay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), Rosemary DiCarlo. Kulankan ayaa yimid ku dhowaad laba bilood kadib markii Soomaaliya ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom. Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta xariirka Qaramada Midoobay iyo dawladda federaalka Soomaaliya, in si dhaw labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan. Labada dhinaca ayaa ku heshiiyey in QM ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay taageerada xooggan iyo dawrka muuqda ee qaramada midoobay ka qaadatay dib u soo kabadashada, xasilinta iyo kobaca dalka Soomaaliya. QM iyo Soomaaliya ayaa isku raacay in dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qaataan dawrka hoggaamineed iyo jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo. Rosemary DiCarlo ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Rosemary A. DiCarlo, madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), waxa ay xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, kala talisaa arrimaha nabadda iyo amniga caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com