-
Content Count
215,307 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Amir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani discussed with President of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo the strong bilateral relations between both countries and ways to boost and develop them in various fields. During the talks held today at the Amiri Diwan, the developments in Somalia were reviewed and the Amir directed to support the Somali government budget for 2019 with QR 73 million. The discussions covered a number of regional and international issues of common interest. The discussions were attended by a number of ministers. From the Somali side, the discussions were attended by members of the official delegation accompanying the President. View the full article
-
We are shocked by the death of 12-year-old Aisha Ilyes Aden who has been brutally murdered after being kidnapped, raped and tortured in northern Galkayo. As the UN agency leading globally the charge to end violence against women and girls, UNFPA condemns this hideous act of gender-based violence. Gender-based violence is a grave violation of individual women’s and girls’ rights; the rape and subsequent murder of Aisha is a terrible example of that. Moreover, the impunity enjoyed by perpetrators, and the fear generated by their actions, have an effect on all women and girls. The violence reflects and reinforces the discrimination against women and girls, perpetuating a vicious cycle that is detrimental to their development and progress. UNFPA stands with Aisha’s family and fully supports the authorities, communities, and activists fighting against gender-based violence and for women’s human rights in Somalia. UNFPA calls for a speedy investigation into Aisha’s murder and for the enforcement of the Sexual Offenses Law, which criminalizes all sexual offenses in the Puntland State of Somalia. There simply is no place for violence against girls and women in the world today and in the future, we are striving to create where every girl in Somalia grows up able to experience her inherent dignity, human rights, and equality. Today and every day, let’s stand up for the human rights, safety and dignity of every woman and girl everywhere. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul u beenisay war ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ah in uu askar fara badan ku dilay duqeymo ka dhacay gobolka Hiiraan. AFRICOM ayaa isniintii sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayna ku dileen 35 ka mid ah maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lala helay koox mintidiin ah oo Shabaab ka tirsan xilli ay isaga gudbiyeen laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa sheegtay in sheegashooyinka Mareykanka ay yihiin kuwa la doonayo “In Mareykanka uu ku duugo duqeymaha uu ku hayo dadka Soomaaliyeed” Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta Shabaab ayaa wax lagu maadeysto ku tilmaamay sheegashooyinka Mareykanka ee ku aadan duqeymaha Hiiraan. Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeymaha Hiiraan aanan wax khasaare ah lagu gaarsiin ciidankeeda marka laga reebo duqeyntii dambe oo lagu beegsaday gaari booyad ah oo ay leeyihiin ciidamada Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay kooxda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guleid Ahmed Jama @GuleidJ The auditor General, the Accountant General and the deputy attorney general attending the ruling party, Kulmiye, Central Council meeting at Boorama is evidence of the politicization and partisan of institutions legally required to remain impartial and nonpartisan. 10:38 AM · Feb 26, 2019 · Twitter for iPhone 22 Retweets 58 Likes Abdirahman M. Dirye @mrdirye · 23h Replying to @GuleidJ It is not politicization but clanization of the judiciary and legal enforcements openly! Lets call spade by spade Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Khabiir Michael Rubin oo ah xeel-dheere Maraykan ah ayaa Dawladda Dalkiisa ku guubaabiyey inay wax la qabato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon Afrika isla markaana ay ka qabsoomeen doorashooyin lagu tartamay. Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa maanta soo xigatay warbixin dheer oo Michael Rubin kaga faallooday muhiimadda ay Somaliland u yeellan karto Maraykanka, taasi oo lagu daabacay Shabakadda American Enterprise Institute. Michael Rubin wuxuu qormadiisa ciwaan uga dhigay: “Siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Afrika Iskama Dhego-tiri karto Somaliland”waxaanu sheegay inay Somaliland si weyn uga duwan tahay Soomaaliya , isla markaana ay qabsoomeen doorashooyin lagu tartamay, dawladnimo shaqeynaysa. Aqoonyahan Michael Rubin wuxuu tilmaamay inay la-dagaalanka Argagixisadda iyo dagaalka ka socda Yeman uu kor u qaadayo istaraatajiyadda iyo muhiimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay Miisaaniyaddeeda saddex meeloodoow meel geliso dhinaca Ammaanka ay hubka fudud soo iibsadaan, si ay ilaaliyaan ammaanka xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 460 Mayl, waxaanu xusay inay ka hortagaan hubka sida sharci darrada ah uga imanaya dalka Yeman, waxaanu isweydiiyey sababta Xafiiska Arrimaha Dibadda Maraykanku ay xafiis ugu yeelan weyday Somaliland. Michael Rubin wuxuu sidoo kale ka hadlay tacab khasaarka Maraykanku ka joogo Soomaaliya oo uu dhaqaale badan iyo cuddud millatari la garab istaagay, waxaanu ku sifeeyey Dawladda Farmaajo mid maqaar-saar ah oo xukunkeedu aanu gaadhin masaafo aan fogeyn qasriga madaxtooyadda. Waxa kale oo uu ku dooday aqoonyahan Michael Rubin in deeqaha la siiyo Soomaaliya ay sii hurinayso colaada iyo kooxaha xagjirka ah ee ku beermay dalkaas oo lagu qiimeeyey waddanka ugu musuqmaasuqa badan adduunka. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubaland, ayaa jawaab ka bixiyey dhacdadii maanta ka dhacday garoonka Kismaayo ee shacabka magaalada loogu diiday inay soo dhoweeyaan. Ciidamada Jubbaland ayaa maanta kala eryey, isla markaana ay jirdil u geysteen Dad Shacab ah iyo Wariyeyaal ka qeyb qaadan lahaa soo dhaweynta Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig. Dadka Shacabka ah iyo Wariyeyaasha ayaa ku sugnaa banaanka hore ee Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo, iyaga oo doonayay inay soo dhaweeyaan Xildhibaanka. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Jubbaland ay dadka Shacabka ah u diideen inay galaan garoonka, waxaana sidoo kale jirta in mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland xataa loo diiday gelida Garoonka oo ay banaanka ka joogan. Xidig ayaa qoraalkan soo dhigay bartiisa facebook:- “Bismilaah, Ilaahay ayaa mahad iska leh Waxaan si Nabad ah ku soo gaaray Garoonka dayuradaha ee Kismayo: Mahad gaar ah waxaan u celinayaa Shacabka ree Jubaland ee maanta u diyaar garoobay soo dhaweyntayda balse laga hor istaagay waxaan markale ugu baaqayaa inay is dejiyaan una hogaansamaan heyadaha Amniga: Waan hubaa inay tahay maalin taariikhi ah oo shacab Caleemo Qoyan wata laga hor istaago soo dhaweynta Murashaxooda Madaxweynaha Jubaland 2019: Waxaan idin balan qaadayaa inaan idiin Abaalgudi doono hadii rabi aqbalo: Abaalkiina 1aad Waxaan ka dhigayaa inaan Garoonka diyaaradaha ee kismayo lug kaga soo baxayo oo aana wax gaadiid ah soo raacaynin lugna ku imaan doono magaalada Kismayo intay rabto ha igu qaadatee hadii hadii rabi idmo: Waxaan bogaadinayaa ciidamada Amniga ee Jubaland oo si ixtiraam badan ula dhaqmay shacabka anigoo huba inaysan raali ka ahayn Sida shacabka loola dhaqmay balse fuliyay Amarkii lasiiyay: Markale Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheyda Gudaha iyo dibada inay u hogaansamaan tilmaamaha heyadaha Amniga kuna ekaadaan goobahooda: Amaana Alaah: Og: shacabka Jubbaland Og: Salaadiinta Jubaland Og: Maamulka Jubaland Og: Dowlada Federaalka Og: Urur Goboleedka IGAD Og: Amisom sector 2 Og: International Community Mahadsanidiin: Hon: Abdirashid Mohamed Xidig Murashaxa Madaxweynaha ee Shacabka Jubbaland 2019: Kismayo Airport
-
(SLT-Hanoi)-Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa kulan madaxeedkoodii labaad ka furay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, ayada oo Trump uu sheegay inuusan ka laaban doonin dalabka Mareykanka ee ah in Korea-da Waqooyi ay baabi’iso hubkeeda Nuclear-ka. Kim iyo Trump ayaa is gacanq aaday, ayaga oo dhoola caddeynaya oo hor-taagan raxan calamada labada waddan ah, kuna sugan hotelka Metropole ee magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam. Trump ayaa weriyayaasha u sheegay inuu rumeysan yahay in wada-hadallada ay noqon doonaan kuwa miro-dhala, islamarkaana Mareykanka uu ku adkeysanayo in Korea-da Waqooyi ay dhigto hubka Nuclear-ka. “Waxaan sameynay horumar wanaagsan, waxaan u malaynayaa horumarkan ugu weyn waa xiriirkeena, xaqiiqdii waa mid wanaagsan” Mar waxa laga weydiiyey inuu si rasmi ah u shaacin doono dhammaadka Dagaalka Korea, Trump waxa uu ku jawaabay “waan arki doonnaa” Kim ayaa isna sheegay in isaga iyo Trump ay ka gudbeen caqabado dhowr ah, si loo qabto kulanka ka dhacaya Hanoi, islamarkaana ay muujiyeen dul-qaad badan tan iyo markii uu kulankii koowaad ka dhacay dalka Singapore, sanadkii tegay. Intaas kadib labada hoggaamiyo ayaa gudaha galay wada-hadallo socon doonaa illaa khamiista oo albaabada ay u xiran yihiin, lana mid ah kuwii Singapore. Ka hor kulanka, Trump ayaa sheegay in Korae-da Waqooyi ay leedahay yididiilo wanaagsan, islamarkaana isaga iyo Kim ay doonayaan inay sameeyaan wax weyn. Inkasta oo ilaa iyo hadda horumar yar un laga sameeyey hadafka Trump ee ah inuu hubka Nuclear ka dhigo Korea-da Waqooyi, haddana madaxweynaha Mareykanka ayaa u muquda inuu isku halleynayo xiriirka shaqsiga ah ee kala dhaxeeya hoggaamiyaha da’da yar ee Korea-da Waqooyi, iyo yaboohyo dhaqaale, kadib colaad 70 sano u dhaxeysay labada waddan. “Vietnam waa dal horumar wanaagsan sameynaya, Korea-da Waqooyina waxay noqon doontaa sidoo kale, si deg deg ah, haddii ay hubka Nuclear iska dhigto” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka kadib markii uu ka degay magaalada Hanoi. “Yididiillada waa mid wanaagsan, waxaa jirta fursad weyn oo horey aan taariikhda loogu arag, oo uu haysto saaxiibkey Kim Jong Un, dhowaan ayaan ogaan doonnaa” ayuu yidhi madaxweynaha Mareykanka. “Waxa uu doonayaa inuu wax weyn sameeyo” ayuu sii raaciyey. Source
-
Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Amiirka ay Qatar ay ila garteen laba arrin oo muhiim ah Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah: 1 – In Qatar ay dardargeliso mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha. 2 – In Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa dhinaca kale lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
-
Dooxa (SMN) – Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha. Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha. Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Amiirka Dalka Qadar appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu bartiis Twitter-ka ugu hambalyeeyey dhigiisa dalka Nigeria, Maxamadu Buhaari, oo mar kale dib loogu doortay Xilkaasi. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inuu dalka Nigeeria yahay Isbahaysi Taariikhi oo xooggan, isla markaana doonayaan inuu sii xoogeysto Xidhiidhkaasi. Qoraalka uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu mar kale ugu hambalyeeyey Madaxweyne Buhaari, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inay wada-shaqeyaan. Source
-
Baladweyne (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in ku dhawaad 40 gaadiid xamuul ah ay ku xayiran yihiin duleedka M/Baladweyne. Cibaar Cismaan Nuunow oo ka mid ah darawallada gaadiidleydaasi oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay arrintaasi. Waxaana uu sheegay in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinkan ciidamo ka gadooday HirShabelle oo dul dhigay lacago aysan bixin karin, sida uu hadlaka u dhigay. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hiiraan oo ku aadan gaadiidkaasi oo muddo shan maalin ah ku xaniban gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-c-qani-2.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Warsaxaafadeed ay soo saartay ha’yadda QM u qaabilsan arrimaha dadweynaha ee UNFPA ayaa si kulul loogu cambaareeyay dilkii iyo kusfsigii loogu geystay gobolka Mudug Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Ha’yadda ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay falkaasi, waxa ayna dalbatay in si degdeg ah cadaalada loo horkeeno dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi. Sidoo kale warbixintan ayaa lagu xusay in dilka iyo xad gudubka lagula kacay Caasho uu tusaale u yahay dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha da’da yar ee qaaradda Africa. Ugu dambeyn UNFPA ayaa laamaha ammaanka ee Galmudug iyo Puntland ugu baaqday in ay sameeyaan baaritaano ku aadan dilkaasi arxan darada ahaa. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo. Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo. Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in dhalinyaradani ay boqolkiiba 50 yihiin haween, taasoo ujeedku yahay in haweenka doorkooda ay ka qaataan shaqooyinka iyo fursadaha jira. Mashruucan waxaa laf dhabar u ah gobolka banaadir waxaana fulinaya Hay’adda Shaqodoon iyo companiga SECCCO. 17ka degmo ee gobolka Banaadir waxay fursad u heleen in laga xusho ardayda tayadooda aqooneed wanaagsan tahay oo ka faa’iidaysta mashruucan.
-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo. Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo. Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in dhalinyaradani ay boqolkiiba 50 yihiin haween, taasoo ujeedku yahay in haweenka doorkooda ay ka qaataan shaqooyinka iyo fursadaha jira. Mashruucan waxaa laf dhabar u ah gobolka banaadir waxaana fulinaya Hay’adda Shaqodoon iyo companiga SECCCO. 17ka degmo ee gobolka Banaadir waxay fursad u heleen in laga xusho ardayda tayadooda aqooneed wanaagsan tahay oo ka faa’iidaysta mashruucan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ka furmay tababar lagu shaqaaleysiinayo 200 oo dhalinyaro ah oo laga soo xulay dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir. Bixinta tababarkan shaqo abuurka ah waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda dhanka horumarinta iyo mashaariicda QM ee UNDP. Dhalinyarada oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa waxa ay baran doonaan, sida loo farsameeyo leerarka Cadceeda iyo horumarinta ganacsiga. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) oo ka hadlay furitaanka tababarkaasi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay, sidii fursado muhiim ah loo siin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-faajoy.mp3 View the full article
