-
Content Count
213,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Todobada Febaraayo 2019 waxaa magaalada London ka furmay shir lagu daah faruyo sahan laga sameeyey badweynta Hindiya ee ku dhereran Soomaaliya, sahankaas oo ku saabsan in la heli karo xogo ku aadan khayraadka shidaal ee ku jira. Shirkaan dhinaca dawladda Soomaaliya waxaa uga qayb gelaya wafti heerkiisu wasiir uusan gaarsiisnayn, taasina waxay cadaynaysaa in ay tahay waxa meesha ka dhacayaa xog is waydaarsi ee aysan jirin qandaraasyo la kala qaadanayo. Hawshaan baarista shidaalka badda Soomaaliya waxay soo bilaamatay sanadkii 2015 oo uu madaxweyne ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ahaa hawl soo socotay, siina socon doonta. Shirkaan London macno ahaan dalka Soomaaliya wuxuu u leedahay arrin saamayn kale leh, sanado badan oo la soo dhaafay waxaa laga hadlayey gaajo, tahriib, budhcad badeed, argagixiso iyo musuq maasuq, maantase waxa fagaaraha yaal waa wax ka duwan taas oo ah in khayraad dihin oo aan weli la daah furin xogtiisa la soo gudbinayo, waana arrin xiiso gaar ah leh. Intii burburka Soomaaliya ku jirtay heshiiska ugu khatarta badnaa ee dawlad Soomaaliyeed gashay wuxuu ahaa heshiiskii isfahamka badda ee wadanka Kenya ay la gashay dawladdii jirtay xilligii Sheekh Shariif, uuna qalinka ku duugay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo markaas ahaa wasiirka qorshaynta, haddana ah murashax u tartamaya xilka madaxweyne nimada Soomaaliya 2020. Heshiiskaasi wuxuu muran geliyey dhul aan weligii la is oran muran ayuu geli karaa oo ah dhul badeedka koonfureed ee Soomaaliya. Shirkaan London waa wax gudaha Soomaaliya ku saabsan, waxaa horay 1980maadkii dawladdii Maxamed Siyaad la gashay heshiisyo shidaal baaris shirkado Maraykan ah, shirkadahaas oo qandaraasyadoodu ahayeen sanado, welina heshiisyadaasi waa taagan yihiin, wixii sahankan cusub ka soo baxana waxay noqonayaan kuwo maraya qaababkii loo galay heshiisyadaas. Siyaasiyiinta iyo buunbuunita shirka London Waxaa jirta maahmaah oranaysay “Haddaa fadhiid tahay, qofkii soconaya waa cadowgaa” taasoo macnaheedu yahay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed markasta ay yihiin kuwo caraysan oo raadinaya in wax kastaa isbedelaan, haddii aysan iyagu ahayn kuwa dheriga lafta kala baxaya ay taas ka jecel yihiin in maraqu daato. Maanta shirka London dadka ugu badan ee ka qaylinayaa waa xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ahaa kan bixiyey qandaraasyadii sahamiska ay ka soo baxday xogta maanta la soo bandhigayo, baroortu marka orgiga ka weyn ayaa maqli jiray. Doodaha saxda ah ee dadka Soomaaliyeed ay wada rabaan waa in aan heshiis la gelin iyadoo weli hanaankii sharciyadeed iyo amaankii dalku uu yahay mid burbursan, waana wax u bahan xoog iyo dadaal dheeraad ah, hindisayaasha iyo shirarka ku aadan khayraadka ee hadda socdaa waa kuwo iyana qaadanaya sanooyin badan, waxayna weli u bahan tahay wada xaajoodyo dheeraad ah oo gudaha Soomaalida ay wax badan isula fahmaan, dawladduse waxay masuul ka tahay inay wixii go’aamo masiiro ah ay iyadu gaarto, go’aamadaasi haddii ay sax ahaayeen iyo haddii ay khalad ahaadaanba waa kuwo lagula xisaabtamo, sida heshiisyadii horeba ilaa hadda aysan u duugmin eedoodu. Bulshada Soomaaliyeed iyo habka ay xogaha u aaminaan? Runtu marka la qeexayo dhowr nooc ayaa lagu sifeeyaa, ma waxaa run ah waxa la arko ee la taaban karo, mise waxaa run ah wixii qof aad ku kalsoon tahay kuu sheego, qofkaad ku kalsoon tahay waa qof noocee aad ugu kalsoon tahay? Ogaanshaha dhinacyadaani waxay qofka siiyaan inuu go’aan xaqiiq ah ka gaaro waxa qof dan gaar ah lihi sheego, waxaana dhacda hadal beenba ha ahaadee haddii sheeg sheegiisa la badiyo inuu run u ekaado, waana dhibaatada qalbiga bulshada Soomaaliyeed lagu dhaawaco beentaas faraha badan ee markasta la sheego. Dawladda Soomaaliyeed iyo waxa la gudboon Dawladda waxaa ay u taagan tahay waa gaarista himilooyinka wadanku leeyahay oo ay ugu horeeyaan ka faa’iidaysiga khayraadka wadanka oo ahaa mid aan weli la taaban, hadal hayntiisuna badan tahay. In khayraadka wadanka laga faa’iidaystana waxaa muhiim ah inay dawladdu xoogga saarto qodobadaan soo socda: 1. Waxa shirka London ka soo baxa in si hufan golayaasha dawladda loola wadaago oo aysan marna dhicin in wax la qariyo 2. Dhamaystirka sharciyada khayraadka iyo guddiyada loogu tala galay inay ka shaqeeyaan 3. Dhismaha hanaanka dawladda ee quseeya amaanka dalka iyo shirkadaha ku hawlan soo saarista khayraadka Gunaanadkii waxaan oranayaa: In wax lawada qabsado ayaa ka roon in farqaha la isku dheganaado, dadka siyaasadda hogaanka u ah maanta berry ma joogayaa oo waa baxayaa, kuwo kale ayaana imaan doona, laakiin wadanku baaqi ayuu ahaanayaa, inaan wada hagaajisano ayaana inoo ah dan. W/Q: Maxamed Xasan Maxamed Kayse25@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN) – Safaarada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday taageero dhaaraad ah oo ay siinayaa Booliska dowlada federaalka ah ee Somalia. Mas’uul sare oo u hadlay safaarada ayaa shaaciyay inay bixinayaa 8-milyan oo Yuuroo si loogu kabo dadaalada dowladda ee ku aadan tayeenta iyo xoojinta Booliska. “Way naga go’an tahay taageerida Booliska Soomaaliya si wadanka dib u helo xasilooni amni, nabad iyo deganaansho,” ayuu yiri mas’uulka oo u waramay warbaahinta. Booliska Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku socda dib-u-dhis balaaran iyada oo la sheegay inay kamid tahay qorshayaasha waawayn ee madaxda dowlada ay doonayaan in ay fuliyaan sanadkaan. The post Jarmalka oo kordhinaya taageerida Booliska Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Labo sano ayaa kasoo wareegatay markii la doortay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo waxyaabo fara badan ay qabatay dowladiisa mudada uu talada dalka hayo. Dadka danyarta yar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa kaga mahadceliyay dowlada Madaxwayne Farmaajo kaalinta ay siisay iyo sida ay ugu nugushahay xaaladooda. Hoos ka dhageyso warbixin ku saabsan arrintaan http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Jaamac-Kadiye.mp3 The post Dadka danyarta oo ka mahad-celiyay kaalinta ay siisay DF appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada degmada Yaaqshid, ayaa ka hadlay askari katirsan maamulka degmada oo Khamiistii dil u geystay Wiil Mooto Bajaajle ahaa. Waxa uu sheegay inuu gacanta laamaha amaanka uu ka baxsaday Askariga dilka geystay, balse ay gacanta ku soo dhigeen Askari kale oo uu sheegay inuu fakiyay danbiilaha, Qorigii uu dilka ku geystay ayuu sidoo kale sheegay in gacanta lagu hayo. Gudoomiye C/Fitaax, ayaa sheegay in laamaha amaanka ay wadaan baaritaano la xiriirta sidii loo soo qaban lahaa, iyadoo Kiiskan uu soo farageliyay Taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir. Askariga la soo qabtay oo ka tirsan Ciidanka Gaashaan, ayaa lagu hayaa Saldhiga Booliska ee degmada Yaaqshid, iyadoo maanta la filayo in loo gudbiyo xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, si halkaasi baaritaano loogu sameeyo. Ciidamada amaanka, ayaa todobaadkan kaliya dad ku dhow 6 ruux ku toogtay Caasimada, kuwaasoo askartii geysatay badankood ay baxsadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Galkacayo (SMN) – Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayey amaanka guud ee degmada Galkacayo ayaa waxa uu saacadihii lasoo dhaafay uu ka qabsoomay xarunta gobolka Mudug. Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo hogaanka laamaha amaanka maamulkaas ayaa ka qaybgalay kulanka. Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug oo shirka kadib u waramay warbaahinta ayaa fahfaahin ka bixiyay qodobada laysla afgartay. Waxa oo uu sheegay in kulanka ay qayb ka ahaayeen xubno metalayey bulshada rayidka iyo ganacsatada degaanadaasi. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in nabad-gelyada magaalada Galkacayo ay haatan tahay mid laysku haleyn karo. Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Galkacayo ayaa kulamo gaar-gaar ah la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta gobolka Mudug. The post Xaaf oo ka qaybgalay kulan looga hadlay amniga Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-08022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ka dhacay xaafada Kaawa-Godey ee degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in dilka oo loo geystay nin magaciisa lagu sheegay Cabdi Salaad ay ka dambeeyeen rag ku hubeysan Bastoolado. Wararka ayaa intaas ku daraya in marxuumka la dilay uu kamid ahaa ragga baabuurta rara ee loo yaqaano “Kaariga” xili ay goobta isaga baxsadeen kooxihii ka dambeeyay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan oo uusan wali ka hadlin maamulka ugu sareeya degmada Dharkenley. Maalmihii u dambeeyay falal noocaan ah ayaa ka dhacayay magaalada Muqdisho, inkasta oo laamaha amaanka ay ku howlan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabad-gelyadda. The post Dabley dil ka geystay degmada Dharkeenleey appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada: Drs. Fawsiya Abiikar Nuur waxay jugdi xooggan ku bixisay sidii Wasaaradda Caafimaadka gacanteeda loogu soo celin lahaa Isbitaalladaasi oo ka mid ah Isbitaalladdii hoos tegi jirey Wasaaradda Caafimaadka ee Somalia. Dr. Fawsiya Abiikar Nuur oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon Golaha Wasiiradda ee Ra’isul-wasaare Kheyre waxay sheegtay in la xoojin doono hawlaha caafimaad ee ay Isbitaalladaasi ugu adeegsayaan guud ahaan Bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka xanuunsan. Wasiirada Caafimaadka waxay kaloo kaalin firfircoon ka qaadataa Isku-xirka Xukuumadda iyo Hay’adda Caalamiga ee adeegyadda Daawooyinka iyo Qalabka Caafimaadka ku taakuleeya guud ahaan Isbitaalladda ku yaalla dalka Somalia. Drs. Fawsiya Abiikar Nuur waxaa kaloo lagu xusuustaa sida hagar la’aanta ee ay uga qeyb qaadatay Hawlaha Gurmadka ee dadka rayidka ee ku dhaawacmay qaraxyaddii ugu xumaa ee ka dhacay magaalladda Muqdisho ka dhacay. Waxay ku guulesyatay in dad badan oo dhaawacmay lagu soo daaweeyo dalalka ay ka mid yihiin Turkiga iyo Sacuudiga. Dhinaca kale, haddaynu eegno Taariikhda Isbitaalka Dhallaanka iyo Hooyooyinka ee Banaadir, waxaa dhistay Dowladda Shiinaha sannadkii 1977-kii , wuxuuna Isbilaalku bixiyaa Adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, wuxuuna Isbitaalku lahaa 700 oo sariir oo loogu tala-galay Carruurta iyo Hooyooyinka. Sidoo kale, Isbitaalka Martiini oo la dhisay Xilligii Gumeystaha waxaa uu soo maray heerar kala duwan, wuxuuna bixin jirey Adeegyo Caafimaad. Isbitaalka waxa lagu daaweyn jirey Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia ee ku soo dhaawacantay Dagaalkii 1977-kii ee dhex maray Ciiddanka Xoogga dalka Somalia iyo kuwa Ethiopia.
-
PRESS RELEASE Upcoming Nigerian Elections KABUL, Afghanistan, February 8, 2019/ — The United States government supports a free, fair, transparent, and peaceful election that reflects the will of the Nigerian people. It is critical that the Independent National Electoral Commission operates free from outside pressure and intimidation and in a totally objective manner. Nigerian security services must provide a safe and secure environment for the Nigerian people to exercise their rights. Those who interfere in the electoral process or incite violence must be held to account. The upcoming elections are an opportunity for Nigeria to solidify its place as a democratic leader in Africa. Distributed by APO Group on behalf of Africa Regional Media Hub. SOURCE Africa Regional Media Hub Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 30 sano kadib ciyaar caalami ah ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho, ciyaartaasi oo u dhaxeyn doonta Soomaaliya iyo Eritrea. Ciyaarta oo ka dhacay Koonis Stadium ayaa noqoneysa ciyaartii ugu horeysay oo ka dhacda magaalada Muqdisho 30 sano kadib, sida ay sheegeen xiriirka kubadda cagta Soomaaliya. Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in mustaqbalka ay rajeynayaan inay dalka ku casuumaan ama ku marti geliyaan ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afica ee Cecafa, sida uu hadalka u dhigay. Nabad galyada yar ee hadda jirta ayuu sheegay inay suuro galisay in 16 Bishaan ay magaalada Muqdisho ka dhacdo ciyaar u dhaxeysa xulalka da’da yar ee Soomaaliya iyo Eritrea. C/Qani Saciid Carab, oo isaga ah madaxweyne ku xigeenka xiriirka Bariga iyo bartamaha Africa ayaa sheegay in dadweynaha ay daneynayaan iney dalka ku daawadaan ciyaaraha caalamiga ah. “Mustaqbalka soo socda waxaan dalka ku casuumi doonaa tartanka bariga iyo bartamaha africa ee Cecafa, Hadda waxaan heysanaa nabad taas oo dalka kusoo celisay inaan dhiirano, waxaan ku faaxsanahay, inaanu ugu dambeyn marki gelin doono ciyaaro caalami ah soddon sano kadib”ayuu yiri Mr Carab Ciyaarta u dhaxeyn doonta dhalinyarada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa qeyb ka ah isdhexgalka labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay Muqdisho kulan kula qaatay madaxda garsoorka dalka, kadib markii shalay ay magaalada muqdisho ku soo gaba gabeeyeen shir sanadeedka garsoorka dalka oo labo maalin ka socday Muqdisho. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madaxda garsoorka dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka. Waxaa uuna sheegay R/Waasaraha Xukuumadda Soomaaliya in si cadaalad ah loogu shaqeeya Shacabka Soomaaliyeed. Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo maalin ka hor ka furmay magaalada Muqdisho. Source
-
(SLT-London)Magaalada London ee dalka Britain waxaa shalay ka furmay shir looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan Shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay oo sahan ku sameysay shidaalka Soomaaliya iyo shirkado kale oo ay casuuntay iyo dowladda Soomaaliya. Shirkan oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay ayaa isla shalaba la soo gebagebeeyey, waxaana ka hadlay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada federaalka Somalia iyo shirkadda Spectrum. Wasiirka batroolka Somalia oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in la soo bandhigay xog ururin sahan lagu sameeyey shidaalka ku jira Somalia, wuxuuna xusay in shirkan uu faa’iido badan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed. Intii uu shirkan socday waxaa lagu soo bandhigay natiijada ka soo baxday sahan dhinaca shidaalka ah oo lagu sameeyey Somalia, waxaana lagu cadeeyey in xeebaha dalka laga helay batrool badan sidaka muuqata qoraalada iyo jaantusyada ku jira sawirada hoose oo muujinaya natiijada sahanka la sameeyey. Ka qeyb galayaasha shirkan oo ay ku jireen Soomaali ka kala socotay qeybaha bulshada ayaa sheegay inaan lagu soo hadal qaadin shirka xaraash ama arrimo la xiriira shirkado qandaraas lagu siiyey iney soo saaraan shidaalka Somalia. Soomaali fara badan oo qurbajoog ah ayaa dibed bax looga soo horjeedo shirkan ka dhigay ka soo horjeedka goobta shirka lagu qabanayey, iyagoo ku qeylinayey ereyo ay ku sheegayaan in shirkaas lagu boobayo kheyraadka Somalia. Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa horey walaac uga muujiyey shirkan, iyagoo ku tilmaamay mid lagu beylahsanayo Shidaalka Soomaaliya, maadaama aaney jirin sharciyo iyo xeerarka Batroolka. Source
-
(SLT-Hindia) Nin 27 jir ah oo Hindiya u dhashay ayaa qorsheynaya in uu maxkamad geeyo labadiisa waalid, sababtuna waxa ay tahay in aysan isaga ogolaansho weeydiinin markii ay dhalayeen. Waa ganacsade ku nool magaalada Mumbai, magaciisuna yahay Raphael Samuel, waxa uu BBC-da u sheegay in ay qalad tahay in ilmo adduunka la keeno, kadibna noloshiisa inta ka dhiman uu dhibaato ku dhamaysto. Waa uu fahamsanyahay in aysan suurtogal ahayn in aanan aragti la weeydiin karin qof aanan adduunka imaanin, balse waxa uu ku adkaysanayaa “go’aankeena ma ahan in aan dhalano”. Tallaabada noocan oo kale ah waxa ay khilaaf ka dhex dhalin kartaa qoys kasta, balse qoyskiisa waxa ay u egtahay in arrintan ay ka dhigayaan qaab maad iyo kaftan ah. Qoraal ay soo saartay hooyadiis Kavita Karnad Samuel ayay ku sheegtay in ay ku bogaadinayso wiilkeeda in uu maxkamad geeyo, isaga oo og in labadooduba ay yihiin garyaqaano. Samuel ayaa maxkamadda ka codsanaya in ay u xukunto magdhow ay waalidkiisa siiyaan. Fikradda ninkan waxa ay salka ku haysaa aragti falsafadeed oo sheegaysa in nolosha ay tahay mid dhibaato badan, sidaasi darteedna la’iskaba dhaafo. “Ma jirto wax faa’iido ah oo ku jirta nolosha, dad badan ayaa dhibaateysan, haddii bini’aadamka laga dhamayn lahaa adduunka, ciidda iyo xayawaankaba waxa ay noqon lahaayeen kuwa faraxsan”. Waxa uu abuurey bog Facebook ah oo uu afkaarihiisa ku faafiyo, iyo sawiraddiisa isaga oo gashan gar maskaraato ka samaysan. Dad badan ayaa ka dhiibtay aragtiyo, waxayna qaar kula taliyeen in uu isaga is dilo marka hore. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Turkiga ayaa ergay u soo magacowday sidii loo sii wadi lahaa wadahadlalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo hakad uu ku yimid labadii sano ee lasoo dhaafay. Ergayga Turkiga uu u soo magacaabay wadahadallada ayaa ah Olgan Baker oo horay u ahaa safiirka Turkiga ee Somalia, waxaana uu ergayga iyo xubno la socda ay soo gaareen Muqdisho, iyagoo kulammo la qaataan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia. “Waxaanu kulannay Safiirka Turkiga ee Somalia, Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa marti-geliyaha iyo fududeeyaha wada-hadallada illaa markii la billaabay sannadkii 2012-kii,” ayuu yiri wasiir Axmed Cawad. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay labadan Dublamaasi ee Turkiga ah ka wada-hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan iyo sidi dib loogu billaabi lahaa wada-hadalladii nabadeed ee u dhexeeyay labadaan dinac. Dhanka kale, Ergayga Turkiga ee Wadhadallada Somalia iyo Somailand ayaa la filayaa inuu dhawaan gaaro magaalada Hargeysa si uu kulamo ula yeesho Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana la filayaa inay ka wada-hadlaan dib u bilaabidda wada-hadallada. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa Toddobaadkii hore sheegay inaysan Dowladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada-hadalladaas. Ugu dambeyn, Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxay si weyn dadaal ugu jirtay in Somalia ay noqoto waddan cagahiisa dib isugu taaga, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay garab-istaaggan Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Turkiga oo Ergay u Magacowday Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-08022019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda Garsoorka Dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka, yareynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad-wanaagga, hirgelinta siyaasad lagu wada qanacsan yahay iyo aaminaadda caalamka ay ku xiran yihiin hir-gelinta garsoor iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan. Kulanka cashada ah oo ay kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Garsoorka gobalka Banaadir iyo Dowlad-gobaleedyada ayaa muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta garsoorka dalka. Sidoo kale, Khayre ayaa Madaxda Garsoorka ku ammaanay shir sanadeedka ay qabteen, wuxuuna ku dhiirri-geliyay inay joogteeyaan Kulammada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka. Dhanka kale, RW Xukuumadda Federaalka ah ayaa sheegay in qof walba, ha ahaado; Oday-dhaqameed, aqoonyahan, siyaasi iyo culummo looga baahan yahay inay ka shaqeeyaa nabadda dalka, isagoo ballan-qaaday inay dalka gaarsiin doonaan doorasho qof iyo cod ah. Ugu dambeyn, Xasan Khayre ayaa sheegay in warbaahinta looga baahan yahay inay ka qayb-qaatana dhismaha dalkooda, isagoo xusay in kuwa aan doonayn inay dalka dhisaanna looga baahan yahay inay ka aamusaan oo aysan waxba u dhimin. DHAGEYSO: Hadalka RW Khayre uu u jeediyay Qaybaha Bulshada; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/02/DHAGEYSO_Khudbadda_Khayre_Dalka.mp3 PUNTLAND POST The post RA’IISUL WASAARE KHAYRE: Waxaa naga go’an in dalka aan gaarsiino doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Badeeco u badan Shidaal iyo Qalabdhismo ayay Itoobiya si maalinle ah ugu beec geysaa gobolada Dhexe ee Soomaaliya, magaalooyinka Beledweyne, Guriceel, Dhuusamareeb iyo Galkacyo ayaa kamid ah magaalooyinka uu hadda gaaro ganacsiga kayimaada Itoobiya. Shamiito ama Sibir, tiirarka lagu dhisto guryaha, Shidaal iyo cabitaano gasacadeysan ayaa kamid ah badeecooyinka gaara gobolada dhexe. Sibirka ama Shamiitada oo dhowr nuuc ah oo kayimaada gobolka Dowlad deegaanka Soomaaliyeed ama Soomali galbeed ayaa hadda lagu iibiyaa suuqyada qalabka dhismaha ee gobolada dhexe, ganacsiga iyo suuqgeynta badeecooyinka kaladuwan ayaa billaabatay kaddib isbeddelka dhinaca hoggaanka ah ee Itoobiya kadhacay sanadkii 2018. Qiimaha Sibirka ama Shamiitada Itoobiya ayaa jebiyey Sibirka kayimaada waddamada Carabta sida Cummaan, sidaas oo kalana Tiirarka wax lagu dhiso oo kayimaada hadda gobolka Oromiya ayaa suuqa kasii saaraya tiirarka dhismaha ee gudaha oo ka yimaada gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bay. Shamiitada katimaadda Diradhaba ee loo iibgeeyo gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa qiimaheedu yahay Shsom 153000 oo u dhiganta $6.50, halka Sibirka kayimaada Cummaan uu qiimihiisu yahay Shsom: 235,000 oo u dhiganta $10.00, taasina waxa ay keentay in Sibirka Cummaan oo ka soo dega dekedda Boosaaso ee gobolka Bari ay yaraato bahaida loo qabo iyo dalabkiisa guud mar haddii ay suuqa gobolada dhexe kujirto Shamiito ka raqiisan tayao ahaanna aan ka liidan. Dhinaca Shidaalka waxa taga gobolada dhexe ee Soomaaliya shidaal ay Itoobiya kala soo degto dekedda Jabuuti kaas oo tartan dhinaca qiimaha ah kula jira Shidaalka gobolada dhexe uga yimaada Muqdisho iyo Boosaaso oo ka soo dega dekadaha Boosaaso iyo Muqdisho. Shidaalka kasoo dega Muqdisho iyo Boosaaso ayaa hadda qiime ahaan kasareeye kan Itoobiya ay kala soo degto Jabuuti, sababtuna waa in kan Itoobiya uu kuyimaado waddo hagaagsan oo aan qiime aan canshuur ahayn ku kordhin shidaalka halka shidaalka Boosaaso iyo Muqdisho ay Canshuurta u dheertahay lacagta jidadka looga qaado oo maamullo iyo jidgooyo kaladuwan ay kaqaadaan gaadiidka shidaalka sida, lacagtaas oo kordhineysa qiimaha shidaalka dekedaha Muqdisho iyo Boosaaso uu kutago gobolada dhexe. Qiimaha Fuutsada shidaalka ah ee kazoo degta dekadaha Muqdisho iyo Boosaaso ayaa ka ah suuqyada gobolada dhexe $133.00, halka Shidaalka ay Itoobiya kala soo degto dekedda Jabuuti uu ka yahay suuqyada gobolada dhexe ee Soomaaliya $126.00 Maxaa kadhashay gacansiga Itoobiya ee Gobolada dhexe? Tiirarka laga keeno gobolka Oromiya ee dhismaha oo kasoo go’a beero ay leeyihiin ganacsato Oromo ah ayaa beddelay tiirarkii dhismaha guryaha loo adeegsanayey ee ka imaanayey gobolada gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bay, sidaas awgeed dhammaan dadkii ka ganacsan jiray waxa ay hadda isugu jiraan kuwo qaata oo beecgeeya tiirarka dhismaha ee gobolka Oromiya ee Itoobiya iyo kuwo aan waxba soosaarin, balse dad badan ayaa taas u arka in ay waxtar leedahay maaddaamada jaridda geedka Hareeriga laga maarmayo. Ganacsatada gaadiidka ee Shidaalka ka keena Boosaaso iyo Muqdisho ayaa sheegay in inta badan gaadiidkii kasoo daabulayey Shidaalka iyo shamiitada dekedaha magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ee keenayey gobolada dhexe ay howlgab ku dhow yihiin mar haddii Badeeco ka raqiisan ay timid gobolka, taas oo qiime ahaan ka yar kharashka galaana uu aad uga hooseeyo. Maxay kaqaadataa Itoobiya gobolada dhexe ee dalka? Sida ay ganacsatada Shidaalka iyo shamiitada gobolada dhexe qaarkood sheegeen Itoobiya waxa ay joojisay in ay qaadato Fooxa iyo cusbada oo ay kaqaadan jirtay Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhexe, sidaas oo kale waxa ay joojisya in gaadiidka kategey Soomaaliya oo sida Badeeco uu galo gobolka Soomaalida iyo dalka Itoobiya oo dhan. Gaadiidka iyo Shaqaalaha keena shidaalka iyo Shamiitada Itoobiya dhammaan waxa iska leh Itoobiya, tusaale ahaan shidaalka, Shamiitada iyo Tiirarka dhismaha ee Itoobiya kayimaada waxaa la socda shaqaale Oromo ah oo kashaqeynayay shubidda iyo dejinta Badeecada, taasina waxa ay shaqo la’aan dhigtay kumanaan Soomaali ah oo kashaqeyn jiray kaxaynta gaadiidka, dejinta badeecooyinka kayimaado Muqdisho iyo Boosaaso. Xigasho Mustaqbal Radio Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
(SL-T Hargaysa))Tartan Cayaareed Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Ay Maanta Daah Furtay Shirkada Dahabshiil Group Magaalada Hargeisa, Waxaa Saaka Si Rasmi Ah Looga Furay Tartanka Maaratoonka Somaliland,Tartankan Orodka Dheer Waxaa Ka Qayb Galay Dhalinyaro Gaadhaysa Ku Dhowaad 300 Kuwaas Oo Isugu Jira rag Iyo Dumar, Tartanka Oo Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland,Waxaa Ka Qayb Galay Boqolaal Dada Oo U Daawasho Tegay,Waxaana Maal Gelinaya Shirkada Dahabshiil,Taas Oo Ka Qayb Qaadata Horumarka Dalka Somaliland. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadii dhawaan gaaray magaaladaasi ay bilaabeen fuinta amarkii uu siiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Ciidamadan oo u badan kuwo Boolis ah ayaa dhawaan gaaray magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay inay durba bilaabeen howlgal lagu xaqiijinayo amaanka magaalada, sida saraakiisha ay sheegeen. Ciidamada ayaa heysta amar labo maalin ka hor kasoo baxay madaxweynaha Puntland, kaasi oo ahaa inay wax badan ka badalaan hanaanka sugidda amaanka magaalada Boosaaso oo dhawaan dil uu ka dhacay. Toddobaadkan ayaa waxaa magaalada Boosaaso gaar ahaan dekadda magaalada agu dilay madaxii shirkadda P&O ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso, waxaana dilkaasi sheegtay Al-Shabab. Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Axmed Muuse oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay magaalada Boosaaso ay fulinayaan amarka madaxweyne Deni, islamarkaana ay sugi doonaan amniga. Madaxweyne Deni ayaa isagaba ku wajahan magaalada Boosaaso, waxaana muuqata in howlgalada ay yihiin kuwo labo ujeedo laga leeyahay, waxaana wali socda baaritaanka dilkii ruuxii ajnabiga ahaa ee Boosaaso lagu dilay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Mareykanka ayaa fahfaahin dheeraad ah ayaa ka bixiyay duqaymaha uu Soomaaliya ka fuliyay sanadkii hore iyo kan cusub ee 2019. Madaxda howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika, Thomas Waldhauser, ayaa xusay in 2018-kii ay 323 Al-Shabaab ka tirsan ay ku dileen 50 howlgal. Waldhauser ayaa u sheegay Congress-ka Mareykanka in sanadkaan cusub ee 2019 illaa iyo haatan ay 113 Shabaab ay ku khaarijiyeen tobaneeno duqaymo ah. Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xooga dalka ay ka taagarayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen amaanka guud ee wadanka. Ugu dambeyntii, wuxuu xusay inay jiraan waxyeelo shacabka kasoo gaara weerarooda cirka ah, balse ay ku dadaalayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen. The post Mareykanka: “323 AlShabaab ayaan duqayn ku dilnay 2018” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Iyadda oo maanta ay ku beegan tahay sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxwayne Farmaajo ayaa waxaa isa soo taraya bogaadinta wax-qabadka dowladiisa muda laba sano oo ay jirtay. Dhinacyada bogaadinta ay ka imaaneyso waxaa kamid ah Hobolada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, kuwaasi oo sheegay in xukuumada haatan jirta ay soo celisay rajadii Soomaaliya, xili ay ku tartarsiiyeen inay sii labo jibaarto. Hoos ka dhageyso warbixin aan idin kaga diyaarinay http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Turki.mp3 The post H/Waaberi oo bogaadiyay wax-qabadka dowlada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Mas’uuliyiinta dhinaca nabad-gelyadda ee maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay howlgalo lagu adkeynayo amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgalada ayaa la tilmaamay inay ciidamada ka sameyn doonaan xaafadaha ay ka kooban tahay xarunta ganacsiga Puntland, iyada oo ujeedku yahay in laga hortago wax kasta oo khal-khal amni keenaya. Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo dhowaan magaalada lagu dilay madaxii shirkada P&O islamarkaana hoostagta DP World u qaabilsanaa dekada Boosaaso, iyada oo dilkiisa ay sheegatay xarakada Al-Shabaab. The post Puntland oo adkayneysa amniga magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ka hadlay garsoorka dalka iyo culeesaadka ka jira. Wuxuu sheegay in sanadkaan 2019 ay rajo weyn ka qabaan in guddoonka maxkamadda sare ee dalka iyo dhamaan dadka ka shaqeeya cadaaladda inay dhameystiraan shaqooyinkii hagaajinta hanaanka garsoorka ee horey loosoo qabtay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Sanadkaan ay rajeynayaan in meesha ay ka baxdo in cadaaladda laga raadiyo baraha Bulshada iyo Siyaasadda, islamarkaana ay dadka dareemaan inay heleen cadaalad sax ah. Hay’addaha garsoorka ayuu sheegay inay u taalo shaqo adag oo ah inay garsoorka dalka Gaarsiiyaan meesha ugu sareyso, si meesha ay kaga baxdo in cadaalad laga raadiyo baraha Bulshada. “Maxkamadda sare iyo dadka ka shaqeeyan cadaalada waxaan ka rajeynayaa inay ka shaqeeyaan dhameystirka shaqooyinkii hore loosoo qabtay, oo meesha ay ka baxdon in AL Shabaab dadka u raadiyaan cadaalad”. “Waxaan rajeyneynaa in garsoorka dalka uu noqdaa halka kaliya ee shacabka ku kala baxaan oo meesha ay ka baxdo in cadaaladda xal looga raadiyo Siyaasad iyo baraha Bulshada”ayuu yiri Shuute. Hadalkaan ayuu ka jeediyay shirkii garsoorka dalka oo shalay lagu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
