-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada ammaanka ee magaalada Jowhar ayaa howlgal 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi waxa ay ku xireen in ka badan 10 qof oo ganacsato ah. Ganacsatadan la xirey ayaa lagu eedeeyey iney lacago siiyaan Al-shabaab, iyadoo ammarka xariggooda la sheegay inuu bixiyey maamulka Sh/dhexe. Sidoo kale ciidamada ayaa raadinaya ganacsato kale oo bil walba lacag lagu sheegay Canshuur u geeya Xarakada Al-shabaab. Cabsi weyn ayaa xilligan soo wajahday ganacsatada ku dhaqan magaalada Jowhar, iyadoo maamulka Gobolka Sh/dhexe weli aanu arrintaasi ka hadal. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhoobley( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta Askari ka tirsan Ciidanka maamulka Jubbaland uu Gabar Askariyad aheyd uu ku dilay deegaanka Dhoobley ee gobolkaasi. Marxuumada ayaa waxaa lagu magacaabi Jiray Fowsiyo Xasan Khaliif, waxaana sidoo kale ay ka mid aheyd Ciidanka Jubbaland ee ku sugan deegaankaasi. Wararka ayaa intaasi ku daray in Askariga dilka geystay iyo Marxuumada uu ka dhexeeyay xiriir Jaceyl, islamarkaana uu soo kala dhexgalay khilaaf sababay Toogashadaasi. Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta ku dhigeen Askarigaasi oo haatan ku xiran deegaanka Dhoobley ee G/ Jubbada Hoose. Dhacdooyinka nuucaan oo ah kuwa ku cusub dhegaha dadka Soomaaliyeed ayaa mararka qaar ka dhaca gudaha dalka. The post Gabar Askariyad aheyd Oo lagu dilay Dhoobey appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, qof kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax miino oo wadada dhinaceeda la geliyay, kaas oo maanta ka dhacay meel u dhaw isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob ciidanka booliska ay ku baaraan gaadiidka oo ku taala Isgoyska Carwo Itko. Goob joogayaal ayaa sheegay in markii qaraxa dhacayay ay goobtaasi ka maqnaayeen ciidamada booliiska Soomaaliya ee fariisinka ku leh isgoyska Carwo Itko. Wararka ayaa sheegaya xilliga qaraxa uu dhacaayay in halkaasi ay mareysay gaari nooca gurmadka deg deg ah oo dad bukaan ah siday. Saraakiisha ammaanka, ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cidda miinada halkaasi galisay ee qarxisay, waxaase meesha laga qaaday maydka labada ruux. Xalay ayeey aheyd markii qarax lagu dhajiyay gaari ambalaas ah lala beegsaday Dhaqaatiir Somali & kuwa Ajaanib ah oo ay la socdeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qarax Miino oo khasaare geystay ayaa maanta ka dhacay Isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho. Wararku ayaa waxay sheegayaan in qaraxan uu ahaa Miino lagu aasay wadada dhinaceeda, gaar ahaan meel ku dhow goob ay ciidanka Booliiska gaadiidka ku baaraan. Dad ku dhow halka qaraxan uu ka dhacay ayaa inoo sheegay in ay dhinteen Labo qof, iyadoo qof kalena dhaawac uu soo gaaray. Ciidamada dowladda federaalka ayaa halka uu qaraxan ka dhacay waxa ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baarlamanka dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku mee-mariyay, codsi uga yimid madaxweynaha cusub oo ka dalbaday, in mudda kordhin loogu sameeyo wakhtiga laga doonayo in uu soo dhiso golihiisa xukuumadda. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi deni oo saaka hor tegay golaha wakiilada ayaa sheegay, in ay la soo darseen duruufo siyaasadeed iyo amni oo u suura-gelin waayay, in uu wakhtiga dastuuriga ah ku soo dhiso xukuumadda cusub, waxaana uu dalbaday mudda kordhin 14 cisho ah oo ka bilaabata 28-ka bishan Jannaayo. Baarlamanka aya cod gacan-taag ah ku ansixiyay codsiga madaxweynaha, kadib markii 45 mudane aqbashay, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay mid kalena uu diiday,sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Madaxweynaha oo loo kordhiyay wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumad cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa cambaareysay burburinta soo noqnoqotay ee loo geysanayo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda nagala dhexeysa dalka Kenya. Ciidamadan oo la tuhunsan yahay in ay ka soo gudbeen xadka aan la wadaagno dalka Kenya ayaa markii 8aad burburiyay xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, iyagoo isla markaasi saameyn ku yeesheen nolosha tobannaan kun oo ku nool gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore u gudbisay Wasaaraddeena Arrimaha Dibedda Soomaaliya fayl dhammeystiran oo loo sii gudbiyay dowladda Kenya, waxaana faylkaasi ku xusnaa khasaaraha ka dhashay iyo tallaabada loo baahan yahay in laga qaado arrintan soo noqnoqotay oo ay ka mid tahay in baaritaan lagu sameeyo cidda ka dambeysa weerarradaas. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay mar kale ku celineysa in aan loo dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah oo iska horkeenaya bulshooyinka labada dal, isla markaana dhaawacaya dhaqaalaha iyo nolosha dadka ku nool xuduudda oo awalba la tacaalayay dhibaatooyinka ka soo wajahaya falalka argagixisada. “Looma dulqaadan karo in la sii dhibaateeyo ganacsato duruufo adag dalkan ku maalgelisay iyo dadweynihii ay u adeegayeen, waxaan rajaynaynaa in arrimahani ay ku dhammaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo loo marayo dariiqa diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Wasiirka, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan. The post XFS Oo ka hadashay burburinta lagu hayo xarumaha Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
-
New York ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ciidamo dheeraad ah ay u soo direyso Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb noqon doono howlgalka lagula dagaalamayo Al Shabaab. Askartani oo ka soo ambabixi doono goboka New Jersey ee dalkasi ayaa lagu wadaa in loo soo daad gureeyo Soomaaliya todobaadyada soo socda, waxaana tiradoodu ay gaareysaa illaa 130 Askari. Ciidamadani ayaa la sheegay in ay soo dhameysteen tababar uga socday gobolkaasi oo la xariira howlgalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab. Mareykanka ayaa waxaa horay Soomaaliya uga joogay Ciidamo lagu qiyaasay 5,00 oo askari, kuwaasi oo saldhig weyn ku leh gobolka Shabeelaha Hoose. Tan iyo markii uu talada la wareegay Madaxweyne Trump waxaa uu Mareykanka sare u qaaday duqeymaha dhinac cirka ah ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo Ciidamo hor leh u soo diraya Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SL-T Burco) Isuduwaha wasaarada ganacsiga warshadaha, iyo dalxiiska Somaliland ee gobolka Togdheer, Cabdi Maxamuud Ismaaciil , ayaa maanta war-saxaafadeed uu soo saaray, Waxa uu ku wergaliyey ganacsatada qaybaheeda kala duwan, in ay dhammaatay mudadii uu wasiirka, wasaarada ganacsiga, warshadaha, iyo dalxiiska Somaliland, Mudane Maxamuud Xasan Sacad, uqabtay ganacsatada aan lahayn liisamada in ay ku samaystaan, halka kuwa ay ka dhaceen liisamaduna ay ku cusboonay siistaan, Cabdi Maxamuud Ismaaciil ayaa sidoo kale xusay in marka lagaadho 01/02/2019 ay fulin doonaan amarka dawladda, Nuqulka Wergalinta: Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa cambaareysay burburinta soo noqnoqotay ee loo geysanayo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda nagala dhexeysa dalka Kenya. Ciidamadan oo la tuhunsan yahay in ay ka soo gudbeen xadka aan la wadaagno dalka Kenya ayaa markii 8aad burburiyay xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, iyagoo isla markaasi saameyn ku yeesheen nolosha tobannaan kun oo ku nool gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore u gudbisay Wasaaraddeena Arrimaha Dibedda Soomaaliya fayl dhammeystiran oo loo sii gudbiyay dowladda Kenya, waxaana faylkaasi ku xusnaa khasaaraha ka dhashay iyo tallaabada loo baahan yahay in laga qaado arrintan soo noqnoqotay oo ay ka mid tahay in baaritaan lagu sameeyo cidda ka dambeysa weerarradaas. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay mar kale ku celineysa in aan loo dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah oo iska horkeenaya bulshooyinka labada dal, isla markaana dhaawacaya dhaqaalaha iyo nolosha dadka ku nool xuduudda oo awalba la tacaalayay dhibaatooyinka ka soo wajahaya falalka argagixisada. “Looma dulqaadan karo in la sii dhibaateeyo ganacsato duruufo adag dalkan ku maalgelisay iyo dadweynihii ay u adeegayeen, waxaan rajaynaynaa in arrimahani ay ku dhammaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo loo marayo dariiqa diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Wasiirka, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib ugu soo celiyey gacanta Dawladda Hoose Xarunta Waaxda Oktoober ee degmada Waaberi oo si sharci darro ah warqado ugu sameysteen shaqsiyaad, lagana dhigay goobo ganacsi, iyadoo maanta dib loogu soo celiyey danta guud, si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in hantida Qaranka uu qof shaqsi ah iskaga heysto ama loo sameysto warqado been abuur ah. “Waxaan soo saarnay warqad aan ku baa’bi’inay sharciyada loo sameystay dhulka danta guud, taasoo qeyb ka ah siyaasadda aan ku ilaalinayno hantida qaranka, wax dulqaad ahna uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah” Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow. “Dhammaan Dhulka danta guud waan ku raadjoogi doonaa waana ka dabategaynaa. Waxaa naga go’an inaan la dagaalano musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, waxana ku shaqayn doonaa hanaanka dawladnimada iyo xayndaabkiisa si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan cadaalad waarta.” Waaxda October ee Degmada Waaberi ayaa kamid ah goobaha loogu adeego danta guud, waxana uu maamulka G/Banaadir bilaabi doonaa dib-u-dhiska xarunta Waaxda si shacabka uga faa’iideystaan. The post Yarisow “Wax dulqaad ah uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jilib ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay Saraakiil ay sheegeen in ay ka soo goosteen maamulka Jubbaland ku soo bandhigay degmada Jilib gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Saraakiishan oo tiro ahaan gaarayay illaa 3 ayaa waxa Al Shabaab ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Ciidanka ilaalada madaxtooyada maamulkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Askari kale oo ka tirsanaa Jubbaland, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Buulo Gaduud uu la soo goostay saraakiishaasi. Waxaana ay intaasi ku daray in Ciidamadani ay la soo tageen Hubkoodiii, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Jubbaland oo ku aadan Askartaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa deegaanada ay ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha dalka ku soo bandhiga Askar u goosata dhankooda. The post Al Shabaab Oo Saraakiil ku soo bandhigay degmada Jilib appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-220119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in odayaasha beesha uu kasoo jeedo Mukhtaar Roobow ay diideen lacag xaal-marin ah oo ka timid dowladda Soomaaliya. Lacagtan oo sida la sheegay dhowr milyan oo dollar ah, ayaa isugu jirta magta dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Baydhaba, baanta dadka dhaawaca ah iyo xaal-marinta qaladadkii ay sameeyeen ciidamada dowladda. Sida aan xogta ku helnay, lacagtan ayaa waxaa beesha usoo bandhigay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo Baydhaba ka wada dadaallo la isugu soo dhoweynayo dowladda iyo beesha Roobow, isaga oo ka wakiil ah xukuumadda. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Lafta-gareen ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada. Ka sokow lacagta, Mursal ayaa sidoo kale odayaasha u ballan-qaaday in Mukhtaar Roobow lasii dayn doono. Si katsaba, beesha Roobow ayaa la sheegay inay ku gacan seertay yabooha Mursal, kuna adkeysatay in marka hore lasii daayo Roobow, kadibna wixii dhacay ay kala hadli doonaan xukuumadda. Wararka ayaa sheegaya in beesha ka cabsi qabto in marka ay la heshiiyaan dowladda, oo xiisadda la damiyo looga baxo ballanta, oo Roobow lagu sii hayo xabsiga hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho. Wada-hadallada labada dhinacaa ayaa weli socda, waxaana la filayaa in xal la gaaro maalmaha soo socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kooxda jaaliyada Soomaaliyeed Ee Melbourne ayaa sanadkii saddexaad ciyaar saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho u imaaday dalka waxayna sidoo kale soo kordhiyeen caawinta dadka qaba baayiha gaarka ee xaga caafimaadka,iyagoo booqashooyin iyo is-dhaxgal bulsho 2018 ku maray magaaalooyinka Nairobi,Kismaayo Muqdisho iyo Baydhabo. 27-November 2018- ayay kasoo baxeyn Magaalada Melbourne ee dalka Australia wuxuuna socdaalka xambaarsanaa ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho waxaana la socday koox tariikh ah. 29-November 2018-wafdiga kooxda jaaliyada Melbourne ayaa socdaalka kasoo bilaaway magaalada Nairobi ee Kenya waxaana halkaas kusoo dhaweeyay jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Kenya iyo ciyaartooydii hore ee Soomaaliya,iyagoo sheegay in sanadaha soo aadan ay sugidoonaan kooxdan. 30-November 2018-Kooxda Islii Stars ayaa ciyaartii kowaad ee saaxiibtinimo waxa ay xdigaha Melbourne kula ciyaareen dalka Keyna waxaana kulankaas ka qey galay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng.Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo howlo shaqo u joogay magaalada Nairobi sidoo kale waxaa ku sugnaa mas’uuliyeen ka socotay safaarada Soomaaliyeed ee Kenya . 01-December 2018-magaada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne waxaaa si here sare ugu soo dhaweeyay xiriirka kubbadda cagta Jubaland,iyagoo bogaadiyay booqashada wafdiga jaaliyada Soomaaiyeed reer Australia. 02-December 2018-kooxda Jubaland oo ah horyaalka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa garoonka kubbadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xidigaha Melbourne waxayna u aheyd ciyaartoodii labaad ee saaxiibtinimo ay ciyaaran xirfadlayaasha Melbournme,xiriirka kubbadda cagta Jubaland ayaa bogaadiyay jaaliyada Melbourne sida ay albaabada ugu fureyn jaaliyadaha kale ee u baahan in ay soo booqdaan deegaanada Jubaland. 03-December 2018-kooxda gabdhaha ee taariikhda la socotay safarka Melbourne ayaa qaliinkoodii kowaad ee indha fiiqista iyo haweenka isku furanka ka sameeyay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland waxaana arinta bogaadiyay dadkii qabay baahiya gaarka ee xaga caafimaadka,iyagoo jaaliyadaha kale ka codsaday caawinta walaalahooda ku dhibaataysan gudaha dalka. Inta ay Kismaayo joogeyn waxa ay booqdeyn deegaanka Goobweyn oo magaalada Kismaayo u jirta 15KM dhinaca waqooyiga waana deegaan tariikh fogleh oo aad u qurux badan waxaana la sheegaa in tariikh ahaan ay ka facweyn tahy magaalada kismaayo. 05-Dember 2018-ka dib maalihii qorshaynaa ay kooxda Melbourne ku joogeyn Jubaland waxa ay kasoo dageyn garoonka aadan cadde ee Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah ciyaartooyda Melbourne ayaa inoo sheegay in wadanka uu is badlayo sandaba sanadka ka danbeeya xaga dhismaha iyo horomarka taasna ay guul u tahay qofkasta oo Soomaali ah. 07-December 2018-xidigaha Gobolka Banaadir ayaa ciyaartii kowaad ee saaxiibtinimo waxa ay kooxda Melbourne kula dheeleen garoonka Banaadir ee caasimada Muqdisho waxayna labada dhinac taageerayaashii kasoo qeyb galay kulanka usoo bandhigay ciyaar aad loogu riyaaqay. 08-December 2018-kooxda degmada Kaaraan ayaa kulankii 2-aad ee loo qorsheeyay xidigaha Melbourne kula ciyaaray isla garoonka Baanaadir ee degmada Cabdi Casiis,inkastoo xidigaha Melbourne ayaa kulankaas ku badiyeen natiijo 4-3 ah. 09- December 2018-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo wafdiga kooxda jaaliyada Soomaaliyed ee Melbourne ayaa booqasho iyo indha indheyn u tagay garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho waxaana dhalinyarada lagu soo wareejiyay qeybaha kala duwan ee tuulada ciyaaraha,iyagoo balan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dib u dayactirka garoonka ugu weyn wadanka. 10-Decmber-2018-Kooxda gabdhaha tariikhta oo qeyb ka ahaa safarka Melbourne ayaa maagalada Muqdisho ka fuliyay qaliinka indha fiiqista,qaar ka tirsan taqaatiirta ayaa inoo sheegay in ay jirto baahi badan oo caafimaad,balse hadii ay iska kaashadoaan qurbajoogta iyo dadka gudaha mustaqbalka la ciribtiro karo. 10-Decmber 2018-Kooxda kubabdda cagta Midnimo ayaa ciyaartii u danbeesay ee saaxiibtinimo loo qorsheeyay xirfadlyaasha Melbourne kula ciyaaray caasimada Muqdisho,tababare Cal Xuseen ayaa u mahad celiyay dhamaan Kooxihii ay kula ciyaareen maaglloyinka kala duwan sanadkii tagay 2018. 11-December 2018-wafdiga ciyaartooyda macalimiinta iyo tariikhda ayaa u amba baxay magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed waxayna u aheyd markii ugu horeesay ay jaaliyada reer Australia ay booqasho u tagaan degaanada Koonfur Galbeed waxaana si weyn garoonka ugu soo dhaweyay maamulka degmada Baydhabo iyo bahda ciyaaraha waxayna arinta go’gol xaar u aheyd iso soo dhawaasho dhex marta shacabka reer Koonfur Galbeed iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Australia. 12-December 2018-Baydhabo kaliya waxa ay ku dheelaan hal kulan oo qura waxayna la ciyaareeyn xidigaha kooxda Koonfur Galbeed,inkastoo wiilasha uu hogaamiyo macalin Cali Xuseen ee Melbourne ay ku badiyeen 1-0 waxayna aheyd ciyaartoodii u danbeesay ee saaxiibtinimo iyo is-dhaglka bulshada sanadkii tagay 2018. 14-December 2018-waxaa soo idlaaday socdaalkii wafdiga ciyaartooyda,macalimiinta iyo kooxda taariikhta ay ku kala baxiyeen magaalooyinka Nairobi,Kismaayo,Muqdisho iyo Baydhabo waxayna si wadajir u balanqaadeyn in sanadka soo aadan ay badindoonaan caawinta walaalahooda ku dhibaataysan gudaha si mustaqbalka loo ciribtiro baahida caafimad ee ka jirta gudaha Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Socdaalkii 3-aad ee Kooxda Jaaliyada Soomaaliyeed ee Reer Australia W/D–Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Sheekh Aadan Cabdiraxaman Warsame (Aadan Sunne) oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa isla markaana ay xabsiga u taxaaben ciidamada Somaliland sannadkii 2017-kii ayaa waxaa uu farriin xabsiga dhexdiisa uga soo direy madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Sheekha ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu diidey in uu cafiyo ka dib markii uu horey ugu ballan-qaadey in uu cafiyo. Sheekh Aadan Sunne ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqey in uu xabsiga Hargeysa soo booqdo oo uu indhihiisa ku arko xaaladda dadka maxaabiista ee ku jirta xabsiga Hargeysa. “Dalku wuu xanuunsanayaa oo caafimaad ayuu u baahan yahaye ee makuu haboon tahay inaad jeelka Hargeysa soo booqato?” ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne oo cajalad kasoo dhex duubey xabsiga dhexe ee Hargeysa. Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland waxaa uu ugu baaqey in uu wax ka qabto dulmi uu sheegay in uu ka jiro Somaliland iyo gaar ahaan xabsiyada. “Madaxweyne dalkan waan soo wada joogney waayihiisana waan arkeynay Siyaad Barre waxaad kala hor tagtay halgan af iyo addinba ah dawladihii ka dambeeyay hadday tahay Cigaal, Rayaal iyo hadday tahay Siilaanyo waxyaabihii aad ku dhaliili jirtay waan joogney oo way qoran tahay dadka loo daadanayo ee guryahooda laga taxaabo ee la handido jeelasha iyo dulmiga jira iyo dadka la iska xidh-xidho ayaad ka hadlin jirtay, maanta miyaaney kuu garoobin wixii aad horey u ballan qaadey inaad socod siiso oo dulmiga dhacaya iyo dadka karaamadoodii lagu tumanayo inaad ka dul qaado” ayuu yidhi Sheekhu. Somaliland ayaa dhawr jeer oo kala duwan sheekhan xabsiga u taxaabtey iyadoo ku eedaynaysa in uu dalka ka wado kicin dadweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-London)Midowa Europe aya waxaa uu cune qabateeyn ku soo rogay Saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka military ee Ruushka ee GRU loo yaqaano, Sababta cune qabateyntuna waa weerarkii suntan loo adeegsaday ee ka dhaca Salisbury. Afar Qof ayaa lagu soo rogay cune qabateeynta waxaana ka mid ah Hogaanka iyo ku xigeenka GRU iyo Labo shaqsi oo lagu eedeeyay in ay weerarka fuliyeen. Sunta la adeegsaday nuuceedu waa Novichok waxaana lala beegsaday Xubin horay uga tirsanaa Sirdoonka UK iyo Rushka, balse hadda degan . Cune qabateeynta waxaa ku jira Hanti la fariisiyay iyo Socdaalka oo laga mamnuucay. Midowga Europe ayaa tilaabadaan waxaa uu uga golleeyahay in uu taageero ugu muujiyo UK Source
-
(SLT-Zimbabwe)Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa soo gabagabeeyay safar uu ku marayay qaaradda Yurub xilli dalkiisa ay ka taagan yihiin dibadbaxyo rabshada wato. Wuxuu sheegay in aanan loo dul qaadan doonin qalalaasaha isla markaasna dhaleeceeyay sida ay uga falceliyeen booliska iyo militariga xilliggii ay socdeen dibadbaxyada. Mnangagwa ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay xal u helidda dhibaatada dhaqaale iyo dib u heshiisiin qaran. Emmerson Mnangagwa ayaa lagu waday inuu ka qeyb galo shirka arrimaha dhaqaalaha looga hadlayo ee ka furmay magaalada Davos ee dalka Switzerland si uu maalgashi ganacsi ugu raadiyo Zimbabwe. Dowladda waxay sheegtay in mucaaradka ay sare kaca sicirka shidaalka u adeegsanayaan kicinta rabshado. Xisbiga mucaaradka ee MDC ayaa ku eedeeyay dowladda inay tacaddiyo u geysaneyso taageerayaasha mucaaradka. Madaxweyne Mnangagwa ayaa toddobaad ka hor ku dhawaaqay in qiimaha shidaalka sare loo qaadayo arrintaas oo horseeday dibadbaxyo rabshado wata, meelaha sida weyn dhibaatada uga dhacday waxaa kamid ah magaalada caasimadda ah ee Harare iyo Bulawayo. Dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay rabshadaha balse si rasmi ah looma xaqiijin dhimashada. Mnangagwa ayaa xalay kusoo laabtay magaalada caasimadda ah ee Harare. Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka,Nelson Chamisa wuxuu sheegay in xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa la xiray oo ay kamid yihiin afar xildhibaan. Wuxuu ku eedeeyay laamaha ammaanka inay weerarayaan guryaha taageerayaashooda. Source
-
(SLT-Khartoum)Boqolaal kamid ah shacabka reer Suudaan ayaa mar kale dibadbaxyo ka dhigay magaalada Omudurman kaddib markii qof dibadbaxayay oo dhawaan dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday. Sudanese demonstrators burn tyres as they participate in anti-government protests in Omdurman, Khartoum, Sudan January 20, 2019. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah Dalka Suudaan waxaa ka taagan dhibaato dhaqaale kadib markii qiimaha maciishadda ay sare u kacday gaar ahaan cunnada iyo dawooyinka. Dadka banaanbaxayay ayaa codsanaya inuu xilka ka dego madaxweyne Cumar Al Bashiir. Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada ka socda Suudaan, madaxweyne Al Bashiir wuxuu sheegay in uusan xilka ka degi doonin balse uu xallinayo dhibaatada ka taagan dalkaasi. Source
-
(SLT-Indonesia )Indonesia ayaa dib u eegis ku sameyneysa go,aanka lagu sii deynayo wadaad xiran oo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyay weerarkii sanadkii 2002 lagu qaaday jaziiradda Bali, kadib markii uu arrinta soo farageliyay raysal wasaaraha Australia Scott Morrison. Wasiirka ammaanka dalkaasi ayaa sheegay in madaxweyne Joko Widodo uu ka codsaday inuu dib u eegis ku sameeyo qorshaha lagu sii deynayo wadaadka mayalka adag Abu Bakar Ba’asyir. Arrintan ayaa timid saacado kaddib markii uu Mr Morrison ka codsaday Indonesia inay “xushmad weyn” u muujiso Australia. Weerarkaas lagu qaaday goob lagu caweeyo ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof, oo badankood u dhashay Australia. Ba’asyir, oo 80 sano jir ah, ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay hoggaamiyaha ay ka talo qaataan kooxda Jemaah Islamiah, oo weerarka lagu eedeynayo. Go`aanka wadaadkaasi lagu sii deynayo ee uu toddobaadkii hore qaatay madaxweyne Widodo sababo dhanka caafimaadka la xiriira ayay dad badan cambaareeyeen. Isagoo shir jaraaid qabtay Isniintii, ayaa wasiirka ammaanka ee Indonesia wuxuu sheegay in goaankaasi dib u eegis lagu sameynayo. Wiranto, oo sida dad badan oo Indonesia u dhashay loogu yeero hal magac, ayaa sheegay in madaxweyne Widodo uu amray in qiimeyn lagu sameeyo arrintaasi. Mr Morrison ayaa hore u sheegay in isaga iyo saraakiil kale ay xiriir la sameynayeen Indonesia iyagoo ka wada hadlayay sii deynta wadaadka. “Dadka Australia sib aan ayay habeenkaasi u ledeen, waxaana u maleynayaa in dadka Australia ee meel walba ku sugan inay filayaan in arrintan ay dowladdeenna si weyn uga fiirsato,” ayuu yiri. Ba’asyir ayaa 15 sano lagu xukumay sanadkii 2011 kaddib markii lagu eedeeyay inuu taageerayay maleeshiyaadka ku sugan gobolka Aceh. Saddex nin ayaa la dilay iyagoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerar dhacay sanadkii 2008, kuwo kale oo badan ayaa xabsiga la dhigay amaba ay dileen ciidammada ammaanka. Source
-
HirShabelle state security forces have arrested over 10 businessmen in Jowhar town, the regional capital of Middle Shabelle region in the past few hours. The local traders were accused of abiding by orders from al-Shabaab and have paid out taxation to the Al-Qaeda-linked militant group. Six people have been detained in Jowhar’s Police station, according to the residents. HirShabelle state authorities have warned that other traders against complying with al-Shabaab’s orders. Al Shabaab is reported to have largely collected taxes and Zakah from the traders in the Hiraan and Middle Shabelle regions of south and central Somalia. The post More than 10 traders arrested in Jowhar town appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sabtidii lasoo dhaafay maagalada Muqdisho ka furay koob lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV waxaana ka qeybgalay kooxaha kubbadda cagta ee kala ah Heegan,Jeenyo ,Elman iyo Muqdisho City Club. Kulankii kowaad waxaa daah furay kooxaha kala ah Muqdisho City Club iyo Elman waxayna ciyaartooyda ku dhamaatay barbaro 2-2,balse gool ku laadyo 4-2 waxaa fiinaalka ugu soo baxay baxay xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Ciyaartii 2aad waxaa food is daray naadiyada L.L.P Jeenyo iyo Heegan,iyagoo taageerayaashooda kasoo qeybgalay kulankaa usoo bandigay kubbadda ku dhisan farsamo,balse waxaa nasiibka saaciday wiilasha Heegan oo sidaas ugu soo baxay kama dambeesta tartankan lagu xusay Cawil Daahir Salaad. Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV ayaa u dhintey Qaraxyadii 22-December 2018 ee ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho. Kooxda Heegan ayaa Kulankii kowaad wajahaysa dhigeeda Muqdisho City Club tan iyo markii loo bixiyay magacaas 25-Novermber 2018, balse sanadihii lasoo dhaafay waxa ay soo wada dheeleen tartamadda maxliga ee gudaha,inkastoo waqtigaa ay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ku ciyaaraysay magaca Banaadir Sports Club. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland uu dilay gabar askari aheyd oo ay muddo isla shaqeynayeen. Askariga ayaa toogtay Fowsiya Xasan Khaliif oo kamid aheyd ciidamada maamulka Jubbaland xili ay ku sugneyd degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, sida saraakiil ciidanka u hadashay ay sheegeen. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askariga dilka geystay iyo gabadha uu ka dhaxeeyay xiriir jaceyl, waxaana la sheegay inuu soo kala dhex galay khilaaf, taasi oo sababtay in gabadha uu toogto. Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka u geystay gabadha, waxaana la sheegay in hadda uu ku xiran yahay degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose. Maamulka Jubbaland ayaa dhoobleey muddooyinkii ugu dambeeyay ka waday diyaar garowga dagaal ka dhan ah Al shabaab, waxaana ciidamadan ay kamid ahaayeen kuwo dagaalka la filayay inay ka qeyb galaan. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com