Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,205
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha DP world Sultan Axmed Bin Sulayem, ayaa la kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya oo ay ka wada qayb galeen shirka dhaqaalaha adduunka ee ka socda dalka Switzerland. Qoraal kooban oo uu agaasime Sultaan soo geliyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu sheegay inuu Raysalwasaaraha Itoobiya kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin waxyaabaha ay Dp world ka waddo Itoobiya, “Kulan qiimo leh ayaan Raysalwasaaraha Itoobiya kula yeeshay shirka dhaqaalaha ee dunida ee ka socda Switzerland.” Ayuu yidhi Sultaan, waxaanu intaas raaciyay “Waa nin maskax furan, karti badan oo leh aragti hoggaamiye. Waxaanu wada hadal balaadhan oo togan ka yeelanay ganacsiga Afrika ee mustaqbalka iyo gaar ahaan qorshayaasha DP world ay ka wado Itoobiya.” Itoobiya ayaa maalgashiga ay DP world ka wado dekedda Berbera waxay ku leedahay saami dhan 19%. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 28-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2019, waxa lagaga dooday arrinta saami-qaybsiga kuraasta wakiillada iyo diyaar-garowga doorashooyinka, sidoo kale waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha diinta iyo aw-qaafta, arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, kuwaas oo ka warb-bixiyey qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahaas. Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dood-dheer ka yeesheen, saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilladda Somaliland, waxaana doodaasi diiradda lagu saaray sidii saamiga wakiilada looga gun-gaadhi lahaa, isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka, iyadoo madaxweynuhu u saaray xubno guddi golaha wasiirada ah oo ka soo talo bixiya, inkasta oo ay arrinta saami-qaybsiga wakiilladu hortaallo golaha wakiilladda ee wakhigan fadhiya. Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland caddeeyeen inay xukuumad ahaan ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka oo xilligooda ku dhaca. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  3. Marwo Faadumo Siciid Oo Eedihii Ugu Cuslaa Ku Hurguftay Wasiirka Beeraha Iyo Madaxweyne Xigeenka Marwo Faadumo Siciid oo ka mid saraakiisha sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa eedihii ugu cuslaa Ku hurguftay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ay ku eedaysay inuu lumiyay shir weyn oo dhinaca beeraha ah oo dalka Jarmalka ka dhacay oo Somaliland si gaar ah loogu casuumay, waxa kale oo ay sheegtay in sidaasi oo kale isna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil uu isna u gooyay shir ay Somaliland u qabteen Midawga Yurub oo isaga si gaar ah loogu macsuumay. Marwo Faadumo siciid ayaa sidan ka sheegtay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabatay Xafiiska Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa“Waxaa jirta in Bishan la qabtay shirweyn oo Beeraha, “Agriculture”, lagu qabtay Jarmalka, oo lagu qabtay Berlin, waxaana loo qabtay Wadamada Bariga Africa “East-African Countries”, waxaa lagu soo casuumay Wasiirkeena Beeraha, waxay ahayd shir Caalami ah oo fiican oo wax qabadkeeduna noqonaysay Lacag faro badan oo lasiinaayo Wadamadaasi, dhaqaalihii halkaasi loogu talo galay ee ay ahayd Somaliland inay doonato oo ay sitoos ahna iyadda loogu soo casuumay, muutagin Wasiirkeenii”. Waxa kale oo ay tidhi“Waxa imika nagu maqaalo ah in lacagtaasi iyo dhaqaalahaasi ay toos Muqdisho ugu shubantay, oo la yidhi maadaama oo ay Somaliland kasoo qayb gali wayday uma baahna, mana aha Markii koowaad, mana aha Markii saddexaad iyo Afraad ee aynu shirar caalami ah oo la inoo sameeyay ama la inagu soo macsuumay aynaan tagin, waxa ka mid ah labadii door ee ay inagu casuumeen ee waliba casuumad caadi ah aan ahayn, mid khaas ah oo lasiiyo wasiirka Arimaha Dibadda oo markaa Sacad ahaa iyo waliba Madaxweyne ku xigeenkeenii oo ay shir Caalami ah usamaynayeen YURUB Baarlamaankeedu, waa ogtihiin oo markii uu Madaxweynihiina tagi waayay, Sacadna uu tagi waayay aniga ayaa uga qayb galay, oo aniga iyo Gudoomiye Cirro anagoo shirar kale soconay”. Sidoo kale waxay tidhi“November 27-kii sanadkii hore, shir kale oo caalami ah ayay inoo sameeyeen,oo ay u sameeyeen Somaliland, waanad garan kartaa marka Caalamku shir kuu qabanayaan wakhti badan iyo Juhdi badan ayaa gasha, waxa weeyi Fiisooyin ayay idiin diyaarinayaan, oo Visa-ha Madaxweyne ku xigeenka waxaa la dhigay Jabuuti, shaqo badan iyo hawl badan ayaa la galiyaa, Nasiibdaro waxa ah, Aniga waa la igu macsuumay anigoo waliba fasax ku maqan, ayaa la igu soo macsuumay, 27-November ayaa loogu talo galay in shirkaasi loo qabto,waxaana loo qabanayay Somaliland, iyadoo laba cisho ka hadhsan tahay ayay Somaliland soo sheegtay inaanay Shirkaasi imanayn, xanaaq badan ayaa dadkaasi ka muuqda, shirkaasi waxaa hakiyay, Madaxweyne ku xigeenka”. Ayay Tidhi Marwo Faadumo Siciid. Qaran News
  4. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta G/Jubbada Hoose. Dagaalkan ayaa yimid kaidb markii ay isku dhaceen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo howlgal ka waday halkaasi iy Dagaalyahannada Al Shabaab. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin inta uu la’egyahay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo la xariira dagaallkaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa in dhawaanahan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Shir ku dhex maray Davos ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo aasaasaha madasha dhaqaalaha adduunka Professor Klaus Schwab ayaa la isku afgartay in Adis Ababa ay marti-geliso shirka dhaqaalaha adduunka ee 2020. Sanadkii tagay ayey Itoobiya codsatay mari-gelinta shirka, laakin waxaa muuqato in sanadkan la aqbalay. Jawaabta ayaa timid kadib markii ay kulmeen Abiy iyo Klaus Schwab, waxaa ay sidoo kale labada nin ka wada hadleen arrimo khuseeyo dhaqaalaha, ganacsiga, shirkadaha gaarka ah, bulshada rayidka ah iyo isbadallada ka dhacaya caalamka. Itoobiya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka uu aad u sareeyo kobacooda dhaqaalaha, waxa ayna marti-gelin-doontaa 2020-ka. Goobjoog New Source: goobjoog.com
  6. Puntland! Puntland! Puntland! Ku dhawaad laba bilood siyaasadda Soomaaliya waxaa hareeyey (Dominated) adeegsiga magaca maamul gobolleedka Puntland. Ujeedka wax kale ma ahayn, waxa ay dhammaan madaxda dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo dhammaan bulshada qeybeheeda kala duwan isha ku hayyeen, isu arkayeen in ay saami ku leeyihiin natiijada ka soo baxda xulashadii 8-dii Janaayo maamulkaas laga sameeyey ee lagu doortay Siciid Deni. Halkaas kuma joogsan, toddobaadkan oo ay socoto qaban qaabada wax lagu sheegay caleemo saarka Deni, waxaa markale soo laabatay saameyntii magaca Puntland ku dhex lahayd nolol maalmeedka Soomaaliada haddii ay ahaan lahayd fadhi ku dirikooda dhaqamiga ahaa iyo midka casriga ah ee baraha bulshada. Waxaase ugu la yaab badan, oo ay ku adkaatay in ay liqaan dadka caqliga u saaxiibka ah sida loo buun buuniyey Siciid Deni kaas oo ay dhammaan siyaasiyiinta haddii ay ahaan lahaayeen kuwa maamulka hadda jira taladiisa haya iyo kuwo mucaaradka ah ugu kala dheereenayaan ka qeybgalka munaasabadda lagu caleemo saarayo. Xogaha suuqa soo galay ayaa ku warramaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo tegayo Garoowe si uu uga qeybgalo dhacdadaas! Waxaa sidoo kale casumaad aqbalay labadii Madaxweyne ee hore Shikeh Shariif Shiekh Axmed iyo Xassan Shikeh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ku ah maamulka hadda jira sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaa halkaas ka cad in Deni loo galiyey KABO ka waa weyn oo ay adkaan doonto in berri iyo wixii ka dambeeyaba laga bixiyo. Maanta, sida muuqata madaxda u kala ordeysa, ku faraxsan in ay helaan casumaadda caleema saarka Deni waa mid dalka iyo iyaga qudhoodaba ku noqon doona caqabad aan laga gudbi Karin. Tusaale, tan iyo xiligii KMG ka, maamulka Puntland waxa uu laf dhuun gashay ku ahaa dowladnimada Soomaaliya, waxa uu ragaadiyey geedi socod walba oo lagu xoojinayo maamul dhexe oo awoodihiisa dastuuriga ah leh taas oo keentay in nin walba oo maamulkaas loo xusho isu arko Madaxweynaha Soomaaliya mid ka awood badan. Faroole waxaa laga dhaxlay erey can baxay “La’igalama tashan!” Waxa uu ahaa shaqsi is hortaaga go’aan walba oo ka soo fula Madaxweynihii hore Shikeh Shariif sax iyo qaladba, ugu dambeyn waxa uu noqday LA MADAXWEYNE! Gaas, dhawr jeer ayuu xiriirka u jaray maamulkii Xassan Shikeh, waxa uu sabab u ahaa in la dhiso Madashii Wadatashiga Qaran-ka oo ka dhigneyd LA MADAXWEYNEYAAL! Kaba darabe, si cad ayuu warbaahinta ugu aflagaadeeyey Xassan Shikeh oo uu ugu maahmaahay “SAGAARADII BADDA KU KALLEETISAY!” Gaas, maamulka hadda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu isku dayey in uu ku sameeyo afgambi CASIREYSAN! Waa kii dhisay “Golihii Iskaashiga”. DENI Deni waxba kama bedelnaan doono raggii hore loogu xushay hogaaminta maamulka Garoowe, anigu waxaan qabaa, waqtigaa sheegi doonee in uu ka darnaan doono. Bulshada ku hadasha afka Sawaaxiliga ayaa leh oraah can ah ‘Siku Njema huonekana asubuhi’ oo la micne ah “Maalinta wanaagsan waxaa laga arkaa subaxeeda”. Deni, sida loo buun buuninayo, Puntland looga dhigayo ‘Supreme’ ka duwan maamulada kale, ka mudan, waxa ay KABO ka waa weyn u galineysaa Deni oo natiijada ka dhalata caqabad ku ahaan doonta maamulka hadda jira, kuwa u hanqal taagaya in ay berri talada talka helaan. ARAGTIDEYDA Waxaan soo jeedin lahaa, ila wanaagsan in dowladda dhexe uga qeyb gasho caleemo saarka Deni-ga la xushay heer Wasiir oo aysan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaaraha ka qeybgalin. Sax, Madaxweynaha wuu ka qeybgalay caleemo saarkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo Puntland iyana wey mudan tahay, laakiin mucaaradka ayaa sheekada waji kale u yeelay “Blown the issue out of propotion” sidaas daraadeed, Deni iyo Puntand yaan dowladda dhexe laga sarreysiin. W/Q: Mohamed Muse Aden (Moh’ed Kaafi) Email: Muhamedkaafi@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Elections are just one aspect of what democracy demands, but the way they are conducted in most of the time becomes fairy tales with a lengthy and sometimes contentious twist that gives an indication of how likely our country is to face chaos and armed clashes. Election has a space for lost-and-found possibilities. What is lost remains lost and what is found remains vital and functional, particularly when the victor becomes a constitutive part of the whole definition of goodness. In Somaliland what separates the winners from the losers is not how one is capable to walk his political programme and show the way by doing rather than saying, but it is how one reacts to each twist of human manipulation for tribal motives. The secret to power seeking process always stems from slogans condemning deniability of what is lawful. It was yesterday when Muse Biixi was claiming that NEC selection process was unfair. Why Muse Biixi is now refusing to dismiss the present commissioners? Doesn’t his refusal to disband NEC mean that what sounded unfair to Muse Biixi when he was not in power sounds now to him fair and fine when he rose to power? Why whoever becomes Somaliland president tries to prolong his presidential term through deception and delays? Today among others, the toughest political impasse for Somaliland is the deadlock between Wadani party and the current administration over the proposal placed by Wadani party to dismiss the present National Electoral Commission. What caused the conflict to create bickering and fighting is exactly not how complicated the issue is but which route of conflict resolution the opposition and the current administration chose to take. For more than ten months Muse Biixi has refused to budge, not even troubled himself to look carefully at what steps Somaliland constitution obliges him to take when complaints against NEC come from a political party, with officials from both sides several weeks ago conceding they’d reached a stalemate. Worse than this is the recent joint communique aired through TV by Kulmiye and its substation, Ucid, to hold elections on 2019 if Wadani party insists on the removal of the existing NEC, which is a move, if attempted, will lead Somaliland into armed clashes. Kulmiye’s rebuttal towards NEC dismissal stems from their belief that NEC has succeeded in holding free and fair presidential and that commissioners are clean from partiality, and thus Wadani’s allegation against NEC is baseless, and therefore there is no evidence to disband the commissioners. Wadani’s proposal to dissolve NEC stems from several basic points: Number oñe, the NEC selection process is out of fairness and balance with the demands of democracy, and therefore all political parties must have equal representation (equal commissioners) in the commission. Number two, the present NEC is not trustful and far from being neutral since there were many administrative flaws and vote irregularities in 2017 presidential election. The senario looking ahead then is: Where the recipe that will fit this impasse come from? Most people from all walks of life always emphasise concession as the best basic principle to resolve Somaliland political conflicts, without assumping that concession is not a basic principle from the view of the legal point. The principal question before the election in 2019 will be quite different: Stability and Trust: these two issues will make the trend and tension. Who can promise or/and provide a stable fiveyear government for Somaliland groping through an economic and confidence crisis? Who can trust Kulmiye’s current administration coupled with NEC that is not neutral to play judges and jurors that cannot determine fair verdict on election results? And which institution has the better set of policies to restore Somaliland’s faith in itself? The NEC is not elected by the people. It is appointed by the political parties, the house of Elders and the head of the nation’s executive branch. The NEC is primarily assigned to ensure that the rules around all aspects of elections are as clear and simple as possible and that the interests of voters are always put first. NEC is more important in our election process than anything else because it is NEC that finally manages the election process and reports to the people of Somaliland on election results. The fault lines of the 2017 presidential election are still in everyone’s memory so trustful NEC is crucial for the coming elections. The sight of dishonesty and partiality in the last election sent very awful signals and episodic sentiment to Wadani party to reach immediate resolve to revoke trust from NEC. The commissioners not only became suspects when Wadani party accused them of partiality, but when they failed to assess how this issue will impact the country and decided not to lose “cash saving” opportunity, a stand that shows the evidence that NEC profession has become an income-protection policy. It is very grave for the national psyche if the only way Somalilanders can trust the electoral process is when the ballots are printed in a foreign country. It is rather naïve because nobody really knows how many ballots are printed abroad. NEC came and said they have printed 700,000 ballots and everyone is happy because it was done in Dubai, or somewhere in Europe. What if they printed more? How would anyone know? One good example is the ballot book that got out of NEC custody in last election. The evidence-based allegation that disproves NEC’s trustworthy is the failure to report the lost of the election ballot book. How could the commission make the public believe that many other ballot books were never been given Kulmiye? The constitution is and was not designed to allow the ruling party to control directions of change in its favor. The constitution is not a holy Quran — a revelation that cannot be even modified, leave alone it be replaced. Rather any consitutiin is subject to removal, replacement, and amendment. By: Jama Falaag Hargeisa, Somaliland jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  8. Buurhakaba ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku warramaya in saaka diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu gaaracay agagaarka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi oo la sheegay in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi. Mareykanka ayaa bilihii la soo dhaafay sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee uu ka wado koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Duqeyn xoogan Oo ka dhacday gobolka Baay appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Brussels ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa QM ka dalbatay in ay ka caawiso la dagaalanka Al Shabaab oo weeraro xoogan ka fuliyo gudaha dalkaasi. Ababu Namwamba oo ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ay xusay in halista Al Shabaab ay ku sii kordheyso qeybo ka mid ah gobalka. Waxaana uu intaasi ku daray in sabab dhaqaale darteed ay hoos u dhacday ka hortagista weerarada Al Shabaab ay ka soo qaadaan xadka Kenya. Mr Ababu oo ka hadlayey kulanka ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa xusay in Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya aysan heysanin dhaqaalo ku filan oo ay ku sameeyaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. Dowladda Kenya ayaa ka walaacsan weerarada Al Shabaab ay ku qaadaan gudaha dalkeeda, iyadoo 15 bishan qaraxyo ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Nairobi ay ku geeriyoodeen dadka badan 20 ruux. Booliska dalka Kenya ayaa howlgallo balaaran ka wada qeybo ka mid ah dalkaasi oo laga cabsi qabo in mar kale ay ka dhacaan weeraro qaraxyo ah. The post Kenya Oo QM ka dalbatay in ay ka taageerto la dagaalka Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Garoowe ( Sh. M. Network )-Xilli 26 bishan oo ku beegan maalinta Sabtida magaalada Garoowe lagu qaban doono munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa maanta waxaa gaaray magaaladaasi wafuud kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ugu horreyn garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Haamaan ee magaalada Garoowe waxaa ka dagay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi, waxaana soo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed. Sidoo kale wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirada waxbrashada iyo dastuurka ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyay Garoowe guddoonka Aqalka Sare, isaga oo u sheegay in Gurigiisa uu yimid. Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta, dhinaca kale waxa uu boggaadiyay doorashadii dhawaan ka dhacday Puntland iyo hanaanka loo wajahay. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Garoowe ay gaaraan xubno sar sare oo ka mid ah dowladda Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dalka, sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Caleema Saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa ka duwan kuwii horay dalka loogu qaban jiray, maadaama munaasabadaasi ay ku kulmi doonaan mas’uuliyiin si fog ugu kala aragti duwan siyaasadda Soomaaliya. The post Wafdi ka socda DFS Oo gaaray Magaalada Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka baxaya dil kooxo hubeysan barqanimadii maanta ay ka geysteen agagaarka Suuqa Ansalooti degmada Waabari ee Gobolka Banaadir. Dilkan ayaa waxaa la sheegay in loo geystay guddoomiye laameed ka tirsanaa maamulka degmada Wadajir, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Cali Woosh. Sidoo kale waxaa rasaasta ay fureen Dableydaasi ku geeriyooday Qof kale oo la socday Marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban kaa sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilalkaasi, waxaana ay sheegeen in degmada Waabari ay ku dileen labo Askari oo ka tirsanaa Sirdoonka Soomaaliya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in ay horay u qaateen Hub ay wateen Raggaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan dilal qorsheysan ay uga dhacayeen gudaha magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo dilal ka geystay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar ) oo la hadlayay Televison-ka Bbc-da ayaa ka hadlay kiiska Antony Thomas oo ah nin ajnabi ah oo sabtidii la soo dhaafay laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha M/Muqdisho, kadib markii ay ka shakiyeen laamaha amniga Soomaaliya. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ninkani labo dhalasho uu ka heysto dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska, islamarkaana uu in muddo ah ka shaqeynayay Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Antony Thomas lagu waayay waxyaabihii lagu tuhmay ee ahaa in uu sido waxyaabaha qarxa, balse waxa uu tilmaamay in go’aanka iyo wax laga yeelayo looga fadhiyo hay’adaha Garsoorka dalka. Maxkamadda gobolka Banaadir oo la horgeeyay eedeysanahani ayaa shalay amartay in lagu sii hayo xabisga dhexe ee Xamar, maadaama fal dambiyeedka loo heytso uu yahay mid Qatar ah ku ah amniga guud ee dalka. The post XFS Oo ka hadashay kiiska Antony Thomas appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Dooxa ( Sh. M. Network )-Wasiirka difaaca xukuumada Soomaaliya Hasan Cali Maxamed Amar dambe oo ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar ayaa la kulmay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani. Kulankani oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Qtar iyo Soomaaliya. Dowladaha Qadar ayaa saaxiib dhow la’ah Soomaaliya, iyadoona ka caawisa dhinacyada dib u dhiska iyo xoojinta kaabaysha dhaqaalaha dalka. Kulankan ayaa imaanaya, xilli dhawaan Qatar ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya 68 Gaadiidka dagaalka ah, gaar ahaan ku Gaashaaman. The post Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo la Kulmay Amiirka Qatar appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Alle ha u naxariistee, Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo shalay ku geeriyooday magaalada Garoowe ayaa maanta aas-qaran loogu sameeyay duleedka wayooqi ee isla magaaladan Garoowe, waxaana aaskiisa ka soo qeyb galay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey aaska-qaran ee loo sameeyey marxuumka, madaxweyne ku-xigeenkiisa,Axmed Cilm Cismaan, madaxweynayashii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Dr Cabdiraxmaan SH. Maxamed Maxamuud (Faroole), madaxweyne Ku-xigeennadii hore, Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar (Camey),iyo Cabdisamad Cali Shire, gudoonka Golaha wakiiladda Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, isimo Iyo dad weyne kale oo badan. Sareeye guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere ) oo aaska hadal ka jeediyay ayaa si faahfaahsan uga sheekeeyay, taariikh nololeedkii Alle Ha u naxriistee, marxuum Gen. Caabdullaahi Cali Mire (Carays) oo ay in mudda soo ka soo wada-shaqeeyeen dhinaca ciidamada. Dhinaca kale, madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo kalmad kooban ka jeediyey aaska qaran ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka, waxaana uu codsaday, in ay iska cafiso haddiiba ay jirto cid wax kala gaareen. “Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday samir iyo iimaan Alle ha idinka siiyo, Wuxuu noo ahaa halgamaa wax badan kasoo qabtay dalka Soomaaliyeed iyo Puntland taariikhdu way xusi doonta anaguna waan xusuusan doonaa haddii Alle idmo, Waxaan rajaynayaa dadka reer Puntland iyo cid kasta oo uu la mucaamulay oo ay wax kala gaareen in ay CAFISO ciddii wax gaar ah u haysatana in ay Dowladda Puntland lasoo xidhiidhaan” ayuu yiri Deni. PUNTLAND POST The post Gen Carays oo aas-qaran loogu sameeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-duhur-240119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka is-maamulka Gaarisa Kenya, Maxamed Cali Sheekh, ayaa Gaashaanka u daruuray in Soomaalida ku nool Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ay gabbaad siiyaan Kooxda Al-Shabaab ama laga soo maleego falalka argagixisanimo. Hadalkan Mudane Maxamed, ayaa jawaab u ahaa codsi uu Gudoomiyaha Gobolka Tana River ee Dalkaasi, Daado Godana, u diray Dowladda dhexe, kaas oo ahaa in Dalkooda Hooyo lagu celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha Dhadhaab, maaddaama halkaasi laga soo abaabulo weerarada ay Kooxda Al-Shabaab ka geysato gudaha Kenya. Guddoomiye Maxamed Cali, ayaa sheegay in Dadka Qaxootiga ah ay marti gelisay Dowladda is-maamulka Gaarisa, wuxuuna hadalka , Daado Godane ku tilmaamay mid isir nacayb ah, isla markaana uusan ka hadli Karin maadaama aysan Dhadhaab ahayn degaankiisa. Wuxuu sidoo kale Gudoomiyuhu walaac xooggan ka muujiyay hadalka Daada Godane, isagoo sheegay in ay ujeedadu tahay mid uu ku doonayo in lagu wax yeelaayo dadka Soomaaliyeed ee degan Gobolka Tana River, colaad sokeeyana uu ka abuuro halkaas. Laamaha ammaanka ee Dalka Kenya ayuu ka codsaday in ay ka feejignaadaan hadalada ka imanaya Daado Godane, wuxuuna codsaday in lala xisaabtamo oo tallaabo sharci ahna laga qaado. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  17. Wafdi ka socda dowladda federalka Soomaaliya oo isugu jira golaha wasiiradda iyo saraakiil ciidan ayaa goor dhowayd kasoo dagay magaalada Garowe, iyagoo hordhac u ah [...] Source
  18. Dowladda federaalka ah Soomaaliya waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, dalka Ingiriiska ku qaban-doontaa tartan iib oo lagu bixin-doono bolock-yo dhan ilaa 50 xabo, oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya. Halkii Block waxaa uu ku fadhiyaa 5,000km2 oo shidaalka ku jira ay kala badan yihiin, qaar ayaa waxaa ku jira 2 bilyan oo birmiil, qaar kale 3, 4 ama 5, waxaa jira jira Block-yo ay ku jiraa ilaa 7 Bilyan oo Barmiil oo shidaal ah! Tartanka iibka ee dowladda federaalka ah ku qaban-doonto London 7-bada bisha soo socota, waxaa bannaanka ka ah oo aan tartankaas ku jirin Block-yo horay loo siiyey Shell.Exxon iyo Soma Oil & Gas, shirkadda hore waxaa ay dowladdii Jaalle Siyaad ka heshay 60,000km2 oo dhaca bariga Soomaaliya halka Soma Oil & Gas ay horay u xulatay 12 block oo koonfurta Soomaaliya ah gaar ahaan agagaarka Baraawe iyo Marka, oo ay ku jiraan labo Block ka mid ah sida 7 & 8 ilaa 13 Bilyan oo Barrels am Birmiil. Haddaba, Goobjoog News, ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya aaney xilligan diyaar u aheyn tartan iib oo noocaas ah marka la fiiriyo shaqo la rabay in la qabto tartanka ka hor oo aan la dhameystirin, taasi oo keeni karta in natiijo fiican aaney ka soo bixin ama in la khiyaameeyo Soomaaliya, kheyraadkeedana si fudud loo qaato. Arrimaha muhiimka ah ee dowladda ilaa hadda qabatay waxaa ka mid ah: Heshiiska maamulka iyo wadaagga kheyraadka oo ay wada saxiixdeen dawladaha xubin federaalka ah iyo dawladda federaalka, waxaana la sheegayaa in la diyaariyey Modeelka Soomaaliyeed ee Soo-saar Wadaagga Shidaalka (Model Production Sharing Agreement) iyo xogahii saysmikada ee badda (2-D seismic data), oo tilmaamaya meelaha laga yaabo inuu shidaal ku jiro oo biyaha badda ka hooseeya. Marka 3-daas arrin laga soo tago, waxaa dhimman ama qabyo ah arrimo aan la’aantood wax tartan ah la qaban Karin: Akhriso, 7 Qodob Oo Ku Tusinaya In Soomaaliya Aaney Diyaar Aheyn Tartan iib Block: 1. Ma lihin dad nagu filan oo aqoon iyo khibrad u leh hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Marka hore sow ma aheyn in la diyaariyo khayraad aadami ah oo hanan karo hawlaha ilaalinta iyo horumarinta khayraadka. 2. Sharciga Batroolka oo Baarlamaanka Federaalka la yaalla, la’aantiisa ayeyna rabtaa dowladda federaalka ah inay gasho tartan iib, oo lagu bixinayo 50 Block oo midka ugu yar ay ku jirto 5 Bilyan oo Barmiil. 3. Ma jiro Xeerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) 4. Ma dhisna Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement” 5. Ma jirto wax caddeynaya in lahayo xog sax ah ee 2-D saysmikada taasi oo lagu qiimeyn karo Blockyada iyo kala duwanaanayaan mugga shidaalka. 6. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). 7. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law). Sidaan og nahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa faraha ku hayso hawshaas. Sidaas awgeed, waxaa muuqata in wasaaradda Batroolka uu degdeg ku jiro, arrintaas oo saameyn ku yeelan karta qaranka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal uu ku muujiyay inuu ka digayo shir ka dhacaya magaalada London. Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidan:- Waxaa lagu wadaa in la qabto 07 Febraayo oo ku beegan maalin ka hor sanadguuradii labaad ee doorashada Madaxweyne Farmaajo, xaraash (auction) xirmooyin 50 (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Shirka oo ka dhacaya Hotel Claridges ee Magaalada London ayaa waxaa soo abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay. Xaraashka (auction) ayaa dhacaya iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05/06/2018 Magaalada Baydhabo ku gareen dawlad federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska oo loogu magac daray Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya in 1- In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Lama ansixin. 2- In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro Arrimaha kheyraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada. Lama dhisin. 3- In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Bartoolka. Lama dhisin 4- Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed ( Somali National Oil Company- SONOGRAM) waa shirkad ay yeelanayso dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta. Rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah. Lama dhisin. Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (auction) shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan labada aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’adhii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya. Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ilaashadaan khayraadka dalkooda, kana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dalkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Guddoomiyaha barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa goor dhowayd soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isagoo kamid ah ergada lagu casuumay [...] Source
  21. Berbera (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Berbera ayaa sheegaya in shirkadda DP World ay ku qasabtay qaar kamid ah shaqaalaha dekada inay qaataan Baasaboorka Soomaaliya. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in shirkadda DP World ay dooneyso in shaqaalaha qaarkood ay u qaado tababar Imaaraatka carabta ah, taasi oo qasabtay inay helaan baasaboor caalami ah oo lagu tagi karo Imaaraatka. Faadumo Saciid Ibraahim oo kamid ah xisbiga Wadani ayaa sheegtay in Somailand ay ku fashilantay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, taasi oo qasabtay in shaqaalaha la weydiiyo baasaboorka Soomaaliya. Iyada oo saxaafadda kula hadleysay magaalada Hargeysa ayay sheegtay in shaqaalaha dekada magaalada Berbera la doonayay in tababar dibadda ah loo qaado, balse lagu xujeeyay baasaboor aan aheyn midka Somaliland. Waxaa sidoo kale ay sheegtay in shaqaalaha lagu amray inay baasaboorka u doontaan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland maadaama ay u dhow dahay magaalooyinka Somaliland. DP World ayaa wali gacanta ku haysa maamulka dekada magaalada Berbera oo heshiis ay ku heshay, waxaana la sheegayaa in hadda ay wax badan ka badashay nidaamka ay shaqaalaha kula dhaqmeysay. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com