Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,307
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay taageerida horumarka dhalinyarada Somaliland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada. Khudbad uu Wakiilka xafiiska UK ku leedahay Somaliland Mr. Stuart Brown ka jeediyey shirweynahii dhalinyarada Somaliland ee dhawaan lagu qabtay magaalada Hargeysa wuxuu ku sheegay in iyadoo ay hore dawladda Britain u taageeri jirtay waxbarashadda Somaliland in hadana ay imika sii xoojinayso. “Xukuumada Ingiriisku waxay taageero ka gaysataa dhinaca waxbarashada goboladda Sool iyo Sanaag, oo loo soo mariyo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF). Annagoo si dhaw ula shaqayna wasaaradda waxbarashada Somaliland, una fududayna helitaanka fursado waxbarasho dhalinyarada la’aanteed taageeradan aan fursado waxbarasho u suurtowdeen”ayuu yidhi Mr. Brown. Mr. Brown, ayaa sidoo kale shaaciyay inuu bisha dambe xafiiskiisu bilaabayo imtixaan loo gelayo deeqo waxbarasho oo jaamacadaha UK bilaabi doonaan. Waxaanu yidhi, “Sidoo kale, xukuumada Ingiriisku sannad walba waxay qabataa fursado deeqo waxbarasho lagu siinayo ardayda Somaliland. Waxaanan rejaynayaa in aan bisha dambe imtixaan ka qaadno ardayda nasiibka u yeelata deeqahaa waxbarasho. Waxaanan u rejaynayaa nasiib wanaagsan dhamaan inta ka qayb qaadan doonta imtixaanka”. Source
  2. Guddiga amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray amarro ku aaddan doorashooyinka dhowaan la filayo iney ka dhacaan Jubbaland. Qoraal kasoo baxay gudiga ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uu damaanad qaadayo ammaanka guud ee musharraxiinta maamulkaasi. Waxaa loo diiday musharraxiinta in ay sameystaan ilaalo gaar ah si aanu amniga qalqal u gelin, sidoo kalena musharraxiinta aan ku sugneyn gudaha deegaannada Jubbaland waxaa laga dalbaday iney soo wargeliyaan maamulka si amnigooda loo sugo. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa ka hadlay dab qabsaday galabta Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Waxaanu tilmaamay in dabkaasi la xakameeyey. “Galabta waxa dab ka dilaacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta,dabkaasi wax dhibaato ah oo nafeed kama dhalan, waxa markiiba u soo gurmaday Ciidanka Dabdamiska oo bakhtiiyey,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo caawa ay shir jaraa’id wada jir u qabteen Wasiirka Arrimaha Gudaha. Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo waxa uu tilmaamay in aanay waxba jirin war sheegayey in Idaacadda Radio Hargeysa iyo Wasaaradda Warfaafintu gubatay. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in dabka ka kacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta loo xil-saaray baadhitaankeeda Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye. Source
  4. Dilal qorsheysan ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo dhanka Puntland iyo sidoo kale magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Nin bistoolad ku hubeyan ayaa gaari rakaab ah oo uu saarnaa waxa uu ku dhex dilay askari ka tirsan ciidanka Puntland, kaasi oo la sheegay in lagu magacaabi jiray Shuceyb Cismaan, waxaana goobta isaga baxsaday ninkii dilka geystay. Dhanka kale, nin watey bistoolad ayaa Gaalkacyo ku toogtay C/rashiid Faarax oo 12 sano jir ahaa, xalay xilli uu ku sugnaa banaanka kore ee gurigiisa. Ninkii wax dilay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidfamada ammaanka oo howlgallo sameeyey. Deegaannada Puntland waxaa maalmahan dambe kusoo badanayey falalka amni darri, waxaana magaalooyin dhow ah ka dhacay dilal qorsheysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. “Horumarinta Aqoonta Waxbarasho iyo Gargaarida Shacabkeenu waa muhiimadayada koowaad…” Safiir Ayaan Maxamuud Cashuur. London- (Somalilandtoday) Safiir Ayaan Maxamuud Cashuur ayaa shaaca ka qaaday in shan dhakhar oo ka socda cusbitaalada guud ee magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera & Boorama dhowaan socdaal aqoon-korodhsi ku tegi doonaan dalka Taiwan. Qoraal safiir Ayaan M Cashuur ku baahisay barteeda Facebook oo lagu sheegay in dhakhaatiirtaasi tababaro ku soo qaadan doonaan Cusbitaalada ugu wanaagsan dalka ayaa u dhignaa sidan: “La-taliyaha Ganacsiga xafiiska JSL ee dalka Ingiriiska Maxamuud Warsame Boos & Annigu waxaan casuumad ku qaabilnay wakiilo ka socday Xafiiska Taiwan ee UK,isla markaana uga mahadcelinay saaxiibtinnimada, taageeradooda, qeyb ka tahay deeqaha waxbarasho ee dhakhaatiirta Somaliland. Qoraalka ayaa la raaciyey, “Waxaan ku faraxsan nahay in shan dhakhtar oo ka kala socda Cusbitaalada guud ee magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera & Boorama ayaa dhowaan u socdaali doona tababar ay ku soo qaadanayaan cusbitaaalda ugu wanaagsan ee dalka Taiwan. Waxa sidoo kale ku xigi doona deeq waxbarasho dhamaystiran oo laba dhakhtar ku biiri doonaan, deeqaha Dr Musa Xassan & kuwa kale ku joogaan. Horumarinta aqoonta waxbarasho iyo gargaarida shacabkeenu waa muhiimadayada koowaad.” Dedaaladan Safiir Ayaan & hawlwadeenada xafiiska Somaliland ee dalka Ingiriiska u qaadeen kordhinta aqoonta dhakhaatiirta Somaliland iyo xidhiidhada dhow ee dhexmaray dhigooda dalka Taiwan ayaa la saadaalinayaa inuu wax badan ku kordhin doono horumarka dalka & dadka Somaliland. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Saameyn aan wanaagsaneyn ayaa ka dhalatay Khilaafkii mudada dheer u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dowlad goboleeydada qaar, kaasi oo ka bilowday Khilaafkii dalalka Carabta. Kadib Markii madaxdii ugu badneyd ee Soomaalida ay markale isku arkeen 26 Janaayo xafladii Caleemo saarka madaxweynaha Puntland, waxaa muuqatay isku soo dhawaansho iyo iscafin ay ku dhawaaqeen madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo. Ka hor bisha Maarso oo lagu balamay in gogol lagu yeelanayo magaalada Garowe waxaa muuqata inay soo baxayaan hadal xanaf leh oo warbaahinta ay mariyeen madaxda seddexda maamul ee aan xiriir wanaagsan uusan kala dhaxeyn dowladda. Maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ayaanan si wanaagsan saaxiib ula noqon madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana markale madaxda maamuladaasi ay jeediyeen hadalo ay ku muujinayeen tabashooyin ay ka qabaan dowladda. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in Beesha caalamka ay si gaar ah kaga dalbanayaan inay helaan taageero dhanka amaanka ah, maadaama sida uu sheegay dowladda Soomaaliya aysan gaarsiin hubka iyo qalabka dhanka amaanka ee loogu dhiibo dowladda. Wuxuu si cad isla maalintaasi u sheegay in Puntland ay isku filan tahay oo ay ka tashaneyso dowladda, maadaama ay la dagaalamayaan Al Shabaab iyo Kooxda Daacish oo iyagana isku haya buuraha Puntland. Hadalkaasi wuxuu ahaa midkiisii ugu horeeyay uu jeediyo tan iyo markii xilka loo doortay bishii Janaayo siddeedii, maadaama uu toos u muujiyay sida uusan ula dhacsaneyn durba dowladda. Dhankiisa madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf madaxweynaha Galmudug ayaa ka sheegay magaalada Gaalkacyo in dowladda Soomaaliya wali ay hurineyso colaadaha gobolka, wuxuuna hadalkaasi ahaa mid uu jeediyay kadib kasoo laabashadii magaalada Garowe oo is cafin lagu wada balamay. Axmed Madoobe waxaa hadda hortaala doorashada madaxtinimada Jubbaland, waxaana dhawaan Kismaayo lagu weeraray Musharax doonaya inuu la tartamo Axmed Madoobe Mr Seeraar oo afhayeen Jubbaland ka ahaa, waxaana uu Aamisan yahay in dhanka dowladda uu ka socdo. Marka la eego hadalada xanafta leh iyo talaabooyinka maamuladaasi ay qaadeen waxaa la isweydiin karaa miyuu markale soo laaban karaa khilaafkii dowladda iyo maamul goboleedyada ka hor shirka bisha March ka dhacaya magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in golaha cusub ee wasiirada maamulka K/galbeed hortagaan baarlaaanka maamulkaasi. Madaxweyne C/casiis Laftaga Gareen ayaa baarlamaanka ka codsan doona iney codkooda siiyaan wasiirada si ay waajibaadkooda u gutaan. Codeynta ayaa ah mid gacan taag ah, iyadoo haddii ay wasiirada K/galbeed maanta gudbaan ay hortaallo shaqooyin aad u adag. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Gaadiid xamuul ah oo aad u badan ayaa lagu soo waramayaa in xilligan ay ku xayiran yihiin inta u dhaxeysa B/weyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan. Darawallada gaadiidkan oo la hadlay warbaahinta waxa ay sheegeen in maamulka gobolka Hiiraan uu kusoo rogay lacag badan, iyaguna aanay awoodin bixinta lacagtaasi. Waxa ay sheegeen in waddooyinka burbursan aan loogu dhisin qarashaadkii horey looga qaaday, haatanna la saaray culeys aad u badan. Culeys weyn ayaa na saaran, lacagtaan ma ahan mid aan bixin karno, inaan safarkeenna sii wadanna waa uu inoo diiday maamulka gobolka Hiiraan Dhanka kale, maamulka gobolka Hiiraan weli kama aanu hadal arrintan, iyadoo mas’uuliyiintan arrintan qaabilsan ay ka gaabsadeen ka hadlista waxa jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waalidiinta, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed farxaan Maxamed oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/02/2019, Magaalada Hargeysa. Wiilka geeriyooday oo ka soo rawaxay mid ka mida dugsiyada gaarka loo leeyahay ayey geeridiisa sababtay baskii siday ardayda oo shil ku galay gudaha magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda waxbarashada, maamulayaasha dugsiyada, ciidanka nabadgelyada waddooyinka, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo cid kasta oo ku shaqo leh sharciga waddo marista, qarankana uga masuulka ah inay tallaabo ka qaadaan wadayaasha baabuurta gaar ahaan basaska qaada ardayda dugsiyada oo ay ka muuqato sida soo noq-noqota masuuliyad daro balaadhani, inay mariyaan sharciga wado marista, si looga hortago shilalkaasi oo kale. Madaxweynuhu waxa uu qoyska qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ardaygaasi uga baryayaa inuu ka siiyo samir iyo iimaan saadiqa. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  10. (SLT-Boosaaso)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Askari ka tirsanaa Ciidamada maamul gobolleedka Puntland ku dilay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Dad deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay badhtamaha Boosaaso gaar ahaan halka loo yaqaano Gaaca, isla markaana kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ay toogteen Askariga xili halkaas uu ku sugnaa. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Askariga la dilay lagu magacaabi jiray Shucayb Cismaan Caluula,waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay falkaasi oo la sheegay in ay wateen Mooto laba lugaaleey ah. Source
  11. (SLT-Hanoi)-Kulan maanta loo ballansan yahay ayaa fariinta uu Madaxweynaha Maryakanka D. Trump uu u dirayo hogaamiyaha dalka K. Woqooyi Kim Jong Un ayaa ah mid cad oo fudud. Waa ka tanaasul hubka nuclearka ah, adigana waxa kuu imanaya maal badan oo sida daadkii kuu soo gala. Hase yeeshee, su’aasha xanafta leh ayaa ah: run ahaan arrintaasi ma waxa Kim Jong Un doonayaa? Labada hogaamiye ayaa markii labadaad kulmaya. Magaalada Hanoi ee xarunta dalka Vietnam oo ah goobta uu shirku ka dhacayo waxaa la is leeyahay Kim Jong Un ha arko sida ay barwaaqo u noqotay, iyada oo dalkaasi ay horay cadaawad uga dhaxaysay dalka Maryakanka, si isaguna uu dalkiisa ugu furo maalgashiga dibadda dibadda iyo ganacsiga uu dalalka kale la leeyahay. Wararka shirka labada hogaamiye ayaa faafhaahintiisa aan idaacahayaga maalmaha idiinku soo gudbin doonaa Source
  12. (SLT-Washington)-Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay bilaabeen inay Ciiddankooda kala baxaam Qaaradda Afrika, iyadoo muhiimad la siinayo qorshaha Maamulka Madaxweyne Donald Trump. Taliyaha AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay saddexda sanno ee soo socota la bixi doonaan ugu yaraan 10% ka mid ah lixda kun ee Askarta Mraaykanak ka joogta dalalka ka hooseeya dhulka Saxaraha ee Qaaradda Afrika. Jeneral Thomas Waldhauser ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan dhinaca Amniga oo lagu qabtay magaalladda Munikh ee dalka Jarmalka, wuxuuna xusay in Ciiddanka Maraykanka loo daad-gureyn doono Hawlgalladda muhiimka ee Maraykanka. Go’aanka lagu dhimayo tirada Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay ka dambayso Dareenka Maraykanka ugu diyaar garoobayaan isku-dhac laga yaabo inay kala kulmaan Raashiya ama Shiinaha. Source
  13. (SLT-Pakistan)-Dowaladda Pakistan ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto “waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato” kaddib markii Hindiya ay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday maleeshiyaad ku sugan gudaha waddanka Pakistan. Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay tira badan oo maleeshiyaad ah hasayeeshee Pakistan ayaa warkaasi ugu yeertay mid ay “mas’uuliyad darro” ku dheehan tahay. Xiisadaha u dhaxeeya dalalka dariska ah ee hubka nukliyeerka ah haysta ayaa aad sare ugu kacay kaddib markii weerrar lagu qaaday ciidammada Hindiya ee ku sugan Kashmir. Weerrarka ayaa waxaa sheegtay urur uu saldhiggiisu yahay waddanka Pakistan, waa Jaysh Muxamed ee, Hindiyana waxa ay markaasi wacad ku martay inay aargoosan doonto. Hindiya waxa ay Pakistan ku eedaynaysaa in maleeshiyaadka ay u ogolaatay inay dalkeeda ka howlgalaan, arrintaas oo ay Pakistan diidan tahay. Hindiya iyo Pakistan-ba waxa ay ku andacoodaan lahaanshiyaha dhulka Kashmir oo ay u badan yihiin dadka Muslimiinta, hasayeeshee qeyba un ayey ka maamulaan. Labadan arrintaas daraadeed ayey saddex goor oo hore u dagaalameen, iskudhacooduse waa uu xadidnaa tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Britain 1947 – kuwaas oo mid ma ogiyee inta kale la isku haystay Kashmir. Duqeymahan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee laga gaysto meel ka baxsan barta koontarool ee kala qeybisa Khasmir-ta ay Hindiya maamusho iyo midda ay Pakistan maamusho – tan iyo dagaalkii labada dal dhexmaray 1971. Maxaa dhacay? Labada dhinac ayaa waxa ay baahiyeen dhacdooyin aad u kala duwan. Saraakiisha Hindiya ayaa waxa ay sheegeen in duqeymaha dhanka ah ay ku garaaceen xero ku taal Balakot, waqooyi galbeed waddanka Pakistan. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Pakistan Vijay Gokhale ayaa sheegay in “tira badan” oo maleeshiyaad ah la dilay, isagoo difaacay weerrarka kuna tilmaamay “duqeymo ka hortag ah” oo la doonayay in Jaysh Muxammed loogaga joojiyo weerrarada ay soo qaadaan. Dadka ku noold deegaanka Balakot ayaa BBC-da u sheegay inay ku soo tooseen dhawaqa qaraxyo waa weyn hasayeeshee lama xaqiijin cid wax ku noqotay. Milateriga Pakistan ayaa meesha ka saaray inay jiraan cid wax ku noqotay duqeymaha cirka. Waxa uu milaterigu sheegay in diyaaradahiisa ay ku qasbeen kuwa Hindiya inay goobta dib uga gurtaan gantaalladii ay sideenna ay ku tuuraan deegaan aanan la deganayn. Maxay aheyd jawaabcelintu? Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in Hindiya “ay maciin bidday sheegasho iyada un ku kooban, oo jahawareer iyo khiyaali miiran ah”, isagoo farta ku fiiqaya doorashooyinka dalkaasi Hindiya ka dhici doona bisha May. Kulan uu yeeshay Golaha Ammaanka Qaranka ee Pakistan, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Imran Khan, ayaa waxa uu ku soo gebagaboobay digniin ah in Pakistan ay “jawaabi doonto waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato”. Image captionDadka Hindiya ayaa dabaaldegay kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in ciidammada dalkaasi ay howlgal fuliyeen Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaanan si toos ah u soo hadal qaadin duqeymaha dhanka cirka ah mar uu ka hadlayay isu soo bax siyaasadeed oo Talaadadii ka dhacayay deegaanka Rajasthan hasayeeshee waxa uu dadkii halkaas isugu soo baxay u sheegay: “Waan fahmi karaa xamaasadda iyo quwadda aad leedihiin. Maanta waa maalintii aannu sharfaynay halyeeyadayada.” Haddaba iyadoo laga cabsi qabo in arrinta ay cirka isku sii shareerto, ayaa Midowga Yurub waxa uu labada dalba ugu baaqay “inay aad isku xakameeyaan”, Shiinaha ayaa isna codsi noocaas oo kale ah diray. Source
  14. (SLT-Nigeria)-Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ku guuleystay doorashadi Sabtidi ka dhacday dalkaasi, isaga oo Nigeria maamuli doono afarta sano ee soo socota. Kaddib marki lasoo gaba gabeeyay Talaadadi tirinta codadka marka laga reebo hal gobol, ayay guddiga doorashada sheegeen in Mohammadu Buhari uu aad ugu horreeyo ninka la tartamayay oo ah madaxweyne ku xigeenki hore ee dalkaasi Atiku Abubakar. Buhari ayaa lagu waday inuu taageerayaasha la hadlo, hase yeeshee hadal uu ku qoray barta twitterka ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay shaqada uu qabtay. Xisbiga ugu weyn mucaaradka People’s Democratic Party ayaa ka dalbaday guddiga doorashada inuu hakiyo tirinta codadka, isaga oo ku andacooday in mashiinada la marsiiyo kaararka codadka la baddalay. Xisbiga mucaaradka wali kama aysan hadlin natiijada doorashada. Source
  15. Baardheere (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareeyamo magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Xiisada oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in u dhexeyso ciidamo kala taabsan guddoomiyaha degmadaasi iyo ku xigeenkiisa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadu ay salka ku heyso arrimo la xariira maamulka magaaladaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi, inkastoo Odayaasho Dhaqanku ay wadaan dadaallo loo hortago colaadaasi. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhaqan halkaasi. View the full article
  16. Baladweyne (SMN) – Ciidamada ammaanka maamulka HirShabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan ay ka dhaceen xaafado ka tirsan magaaladaasi. Dhame c/nuur Carab oo ka mid ah saraakiisha Booliska Baladweyne ayaa Shabelle u xaqiijiyay in tiro dad ah lagu qabtay howlgalladaasi, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan ku soo badanayay falal liddi ku ah ammaanka sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-2702-2019.mp3 View the full article
  18. Garowe (Caasimada Online)-Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe oo ah xildhibaanka kaliya ee Dumarka ka ah baarlamaanka Puntland ayaa baaq u dirtay dowladda Soomaaliya kadib dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday magaalada Gaalkacyo. Iyada oo warbaahinta kula hadlaysay magaalada Gaalkacyo ayay ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay door weyn ka qaadato sidii baaritaan dheeri ah loogu sameyn lahaa dadkii gabadha yar ku dilay magaalada Gaalkacyo. Waxay sheegtay in kaliya ciidamada iyo laamaha Puntland ee dhanka amaanka aysan ku filneyn kiiskan, maadaama uu yahay dhacdo xanuun badan oo laga yaabo inay gasho meelo badan, ayna adkaan karto soo qabashada dadka falkaasi abaabulay. Xildhibaan Nimco oo sidoo kale ah gudoomiyaha guddiga Haweenka iyo xuquuql insaanka baarlamaanka Puntland ayaa sheegtay in dhacdadii Gaalkacyo ay tahay mid qalbiga shucuubta Puntland taabatay isla markaana dowladda laga rabo inay jawaab degdeg ah ka bixiso. Dhacdada lagu dilay Caaisho ayaa qabsatay baraha bulshada, waxaana sawiro laga soo qaaday ka muuqday in jirdil xoogan loo geystay markii la kufsaday kadib. Dhinaca kale Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo dhacdadan ka dhacay ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dadka falka geystay, isaga oo sheegay in carada alle ay ku dhici karta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku tilmaamay inay tahay Musiibo weyn oo shacabka Soomaaliyeed heysata, isaga oo ku baaqay in dhacadaan meel looga soo wada jeesto. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Dilalka qorsheysan oo ay fulinayaan Al Shabaab ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaan la shaaciyay in ciidamo badan tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho. Al Shabaab ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ku dilay ku dhawaad 10 ruux oo badankood ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada Nabad sugidda ee dhar cadka loo yaqaan. Degmada Xamarweyne gaar ahaan Afar Irdoodka oo ah goob aad u mashquul badan ayaa waxaa lagu dilay mid kamid ah odayaasha ku ganacsan jiray goobta, kaasi oo iibinayay Huudheyda, waxaana kooxda dilka geysatay la sheegay inay baxsadeen iyada oo aan la qaban. Waxaa la isweydiinayaa Suuqa oo ciidamada ugu badan ay ku sugan yihiin mararka qaar, islamarkaana ay ku dhow yihiin goobo ciidamada ay fariistaan oo gaadiidka ay ku baaraan sida ay ugu dhex baxsadeen dadka falka dilka geystay oo goobjoogayaasha ay ku sheegeen inuu ahaa ruux dhalinyaro ah oo da’ ahaan yaraa. Dhawaan ciidamadii ugu badnaa oo loo qorsheeyay inay xaqiijiyaan amaanka magaalada Muqdisho ayaa tababar loogu soo xiray Muqdisho, waxaana ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha dalka, waxaa la isweydiinayaa Halkee la geeyay ciidamadaasi. Dhamaan ciidamada ayaa oo qeybiyay degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, waxaana la geeyay degmooyinka hadda dilalka ugu badan ay ka dhacayaan. Xalay ayaa weerar lagu qaaday ciidamo ku sugnaa agagaarka Masaajidka Xaaji Yabarow ee degmada Boondheere, waxaana la sheegay inay aheyd Bam gacmeed lagu weeraray ciidamada. Dadka falanqeeya siyaasadda amaanka dowladda ayaa sheegaya inuu yar yahay isla xisaabtanka laamaha amaanka, iyadoo ugu dambeyn lasii daayo dadka loo xiro kiisaska dhanka amaanka. Sidoo kale waxaa saraakiisha ku taqasusay amaanka ay sheegayaan lo istiraatiijiyad xumo ay ka dhex jirto laamaha amaanka, taasi oo keeneysa in Al Shabaab ay dilaan ruuxii ay qorsheystaan. Xubnaha la xiray ayaa AL Shabaab waxay ku sheegeen inay nabad sugida qeybta dhar cadka yihiin, waxaa la isweydiinayaa sidii loo heli waayay xogaha iyo dhagarta Al Shabaab ay maleegaan si lamid ah sida Al Shabaab ay u helaan xogaha ruuxa ay doonayaan halka uu joogo iyo fursadda loo heysto inay dilaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa durba bilaabay cadaadiska uu ku hayo musharixiinta kula tartameysa xilka madaxweynaha Maamulka Jubbaland doorashada soo socota. Kadib markii kulan uu isugu yeeray guddiga amniga Jubbaland ee isaga uu ugu sareeyo ayay soo saareen amaro la xiriira musharixiinta dooneysa inay tagaan deegaanada Jubbaland kuwaasi oo ku sugan meelaha ka baxsan Jubbaland. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii uu tagay magaalada Kismaayo C/Naadir Seeraar afhayeenkii Jubbaland oo Kismaayo kaga dhawaaqay inuu yahay musharax iyadoo ciidamo badan ay garab taagan yihiin, taasi oo macno kale sameysay. Guddiga Amniga Jubbaland ayaa sheega in iyaga oo eegaya amaanka inay soo saareen warqad digniin ah oo ku wajahan musharixiinta dooneysa inay tagaan magaalada Kismaayo, waxaana ugu horeyn loogu baaqay inay sii wargeliyaan laamaha amaanka. Aqriso warka kasoo baxay Jubbaland Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  21. Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subax ee Idaacadda Goobjoog, waxaana idiin tabinaya wariyaheena Aweys Xaaji Nuur. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/27-02-2019-SUBAX-WANAAGSAN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Xikmada+Kaftanka maanta oo Xiiso & Caraabo leh Cabdilaahi iyo jaamacii cawdu ma u duushay , Ma cadaanibaa meel cid la ah keligii caatoobay , Cali gurey miyaan lagguba darin , golihii ceegaagay , Cabdi Cali miyaa yaaban iyo culimadii raacdey , Ma geelii Jamaal soo culaa , caano lagga waayey , Ina samatar saw yurub carceer cidhif ma waydaaran , Cagategey miyaan kaysar iyo cararin koox raacday , Cabdi dheere saw bariitantii caawa kuma laaban , Saw cali mareexaan kubkiyo bawdo kama ciirin , Cukusiyo xagee bay qabteen cududihii muuqday ? Inta carartay intii caymadiyo hebelo caatoobay , in cadhootay intii cabatay iyo qaar afkuba ciiley , inta caymadaa ugu darayd camal daraadiiye , Kuwo xamar qabtiyo saw xagaa kooxi uma ciirin , Axmed kayse saw qaar carjabay caasha kuma qaadan . Cilmi buu aduunyadda baraa , caana waligiiye , Casharadiisu waa wada xidhiid caynsanoo dhigane , Iskeersaa cilmiga kuugu filan cugashadiisiiye , Nin cibaaradiisii ogaa caarif wuu yahaye , nin kastoo kulmiye caashaqaa cabasho dayn waaye , Ma col soo hungoobiyo kunbaa ciida hoganaaya . Qaran News