Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,215
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta mashquul daran laga dareemay magaalada Garowe gaar ahaan garoonka diyaaradaha oo ay ka dageen diyaarado badan oo horey aan kaga dagi jirin garoonka. Waxaa maanta gaaray magaalada wafuudii ugu badneyd, waxaana ugu horeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta gareen iyo xubno kale. Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu la socday ayaa ku xigay, iyadoo kadib ay magaalada tageen xubno kala duwan oo ka socday mucaaradka dowladda Soomaaliya, waxaana ugu horeeyay Xasan Sheikh Maxamuud. Sidoo kale C/raxmaan Cabdi Shakuur, Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka dowladda ayaa tagay magaalada Garowe, iyaga oo barahooda Bulshada kusoo qoray safaradooda Garowe. Waxaa magaalada laga dareemayaa mashquulkii ugu badnaa, iyadoo aad loo adkeeyay amaanka magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland, waxaana saacadaha soo socda tagaya madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Maalinta beri ah xaflad caleemo saar ah ayaa ka dhaceysa magaalada Garowe, waxaana xafladaasi ay kulmineysaa dad muddo badan is weerari jiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Monaco) Kooxda Monaco ee dalka Fransiiska ayaa shaqadii ka eriday tababarihii kooxdaasi , ahna weeraryahankii hore ee Kooxda Arsenal, Thierry Henry oo saddex bilood oo keliya hogaaminyay kooxdaasi. Henry ayaa shaqada laga joojiya, hasa yeeshe waxaa iska cad ayaa la leeyahay in uu sidaasi ku tegay. Thierry Henry ayaa kooxdaasi leylinayay 20 ciyaarood,waxaana lagu wadaa in ku xigeenkiisa uu sii qabto shaqadiisa. Waxaa kale oo jira warar sheegaya in ninkii isaga kaga horeeyay kooxdaasi oo lagu magacaabo Passi la doonayo in mar kale loo dhiibo hogaanka kooxda Monaco. Inkastoo aan si rasmi ah loo garaneyni sababta keentay in shaqada laga ceyriyo Henry ayaa haddana waxaa jirtay in uu hadalo qallafsan uu kula hadlay daafaca kooxda Strasbourg Kenny Lala xili ay wada dheelayeen labada kooxood. Henry oo ah ninkii ugu gool dhalinta badnaa ee soo maray kooxda Arsenal ayaa sidoo kale waxaa uu horay u soo noqday tababare ku xigeenka xulka qaranka ee Belgium, waxaana uu sidoo kale mar kamid ah rag loo soo xulay inay tababare u noqdaan kooxda Aston Villa ee horyaalka Ingiriiskia bishii Oktoobar ee sannadkii 2018-ka. Source
  3. (SLT-Muqdisho)Kullanka Todobaadlaha ah oo ay qaataan Saraakiisha Booliska ayaa maanta waxaa khudbad iscafinta lagaga hadlayo ka hor jeediyay Sheekh Maxamed Shiikh Ibraamim (Kenyaawi). Sheekh Kenyaawi ayaa sheegay in Boolisku badankoodu ay qaataan waxa uu ku sheegay Laaluush oo xaaraan ah, iyaga oo aanan dan iyo heello ka laheyn howshii loo igmaday oo ah sugida amniga. “Waa in runta la isku sheego waxaa la yiraahdaa Booliska badankoodu waa xaaraan quutayaal oo waxa ay qaataan laaluush, waxa uu arkaya Gaari qarax wada laakiin kaliya lacag ayuu ka qaadanaya wuuna iska sii deynayaa, waxaana loo baahanyahay in Illaah aad ka cabsataan oo aad waxaasi ka waantoobdaan” ayuu ka hor sheegay Shiikh Kenyaawi Saraakiisha Booliska Soomaaliya. Waxa ay u muuqatay in eedeymahaasi uu Sheekha u jeediyay Booliska, saraakiishii dhageysanayay aysan Source
  4. (SLT-Addis-ababa)Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la gaartay Laba Garab oo ka mid ah Jabhadaha Oromada, taas oo Af-jaraysa colaad iyo gadood Hubeysan oo Bilooyin ka taagnaa qaybo ka mid ah Dalkaas, sida ay baahisay Wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA. Jabhadahan oo kala ah, Oromo Democratic Party (ODP) iyo Liberation Front (OLF) ayaa Khamiistii Shalay heshiis la saxiixday Is-bahaysiga haya talada Dalka Itoobiya, ka dib shir dib u heshiisiin ah oo Talaadadii Todobaadkan ka dhacay Addis ababa. Milkesa Mideksa, oo ahaa wakiilka ODP iyo Dawud Ibsa, oo ah Guddoomiyaha OLF, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday in ay iska ilaalinayaan Dhiig dambe oo daata , horayna ay uga soconayaan wixii dhacay, dibna aan loo noqon doonin, iyagoo isku Af-gartay in la joojiyo falalka Gacan ka hadalka ah iyo rabshadaha Hubeysay ee dhowaanahan ka taagnaa qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya. Source
  5. Garowe (Puntlandi) Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo kamid ah guddiga qaban qaabada caleemo saarka madaxweynaha Puntand, ayaa caddeeyay in aan la [...] Source
  6. (SLT-Hiran)Inta la ogyahay 5 qof ayaa lagu dilay laba weerar oo aano qabiil ah, kaasi oo ka dhacay meel 25 KM duleedka koonfur bari ka beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Mid ka mid ah labada weerar ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceel Xeero, halkaas oo lagu dilay laba qof oo reer miyi xoolo dhaqata ah. Odayaal degaanka ayaa ku baxay in ay ka hortagaan iska hor imaadyo kale oo degaanka ka dhaca. Waxaa deggan xaalada degaano ku yaala xuduuda Goblada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe oo horaantii todobaadkan ay ka dhaceen dilal ku saleysan aanooyin qabiil. Source
  7. (SLT-Washington)Waxaa soo baxaya ifafaalo ah in horumar laga sameeyey wadaahadalladii Maraykanka iyo Taalibana ku dhexmarayey waddanka Qadar, taasoo keentay in dadka qaar ay u arkaan in degaanansho siyaasadeed laga gaadhi karo colaadda 17-ka sano socota ee Afghanistan. Wadahadallada ayaa furmay Isniintii, waxayna dhexmarayeen koox uu hoggaamiyo ergayga Maraykanka Zalmay Khalilzad iyop Taalibaanka, waxaa kaloo joogay wakiillada Qadar iyo Pakistaan. Warar lagu kalsoon yahay ayaa warfidiyeenada u sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo kala duwna oo ku saabsan xasilinta waddankaasi. Taalibaan ayaa ku dhowaaqay inay doonayaan in waqti loo qabto xilliga ay Maraykanku ka baxayaan dalkaasi, taasi beddelkeedana waxay bixinayaan dammaanqad inaan waddankaasi loo adeegsan meel laga weeraro Marayanka. Wararka ayaa sheegaya in Taalibaanku ay ku dhowaaqi karaan xabad-joojin haddii horumar laga sameeyo qodobka u weyn ee dalabkooda oo ah inay Maraykanku ka baxaan Afghanistan. Dhinaca kalena Taalibaanka ayaa magacaabay wakiil u joogi doona xafiiskooda Qadar oo lagu magacaabo Mullah Cabdul Ghani Baradar, ninkaasi oo ka mid ah taliyayaasha milatariga Taalibaan isla markaana hoggaaminaya wadahadallada ka socda Qadar. Source
  8. (SLT-Riyaad) Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday qorshe in badan ay ku howlaneyd oo ahaa in la sameeyo goobo dadka lagu maaweeliyo sida tartamada weyrixinta Dibida ee ka jira dalka Spain, in sare loo qaado sameynta goobaha madadaalada waa tallaabo uu gadhwadeen ka yahay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan. Sacuudiga wuxuu ku rajo weyn yahay inuu bilaabo goobo lagu soo bandhigo tartanka quruxda haweenka iyo tartamada heesaha qoob ka ciyaarka. Madaxa madadaalada Sucuudiga Turki Al Sheekh ayaa sheegay inuu doonayo in tallaabadan uu ku soo xareeyo balaayin doolar oo dhakhli ah. Isku dayga ah in Sucuudiga uu noqdo xarunta madadaallada ee gobolka waxaa majaraha u haya dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan. Maxamed Bin Salmaan iyo dalkiisaba waxaa soo foodsaartay dhibaato dhanka sumcadda kaddib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, in kasta oo ay beeniyeen arrintaas. Xilli Talaadadii uu daahfurayay straatiijiyadda madaalada ee xukuumadda Riyaadh, Al Sheekh wuxuu soo hadal qaaday tiro kamid ah waxyaabaha ay doonayaan inay kusoo bandhigaan tartamadaasi. Waxaana kamid ah tartanka dagaalka Dibida, ciyaaraha internet-ka, heesaha qoob ka ciyaarka iyo kubadda koleyga. Tartanka Quraanka Kariimka ayaa kamid ah waxyaabaha lasoo bandhigi doono, qofkii ku guuleystay Quraanka wuxuu heli doonaa abaal marin gaareysa 1.3 milyan oo doolar halka la qaban doono bandhigyo ah sida loo tukado salaadda iyo Aadaanka. Tartanka waxaa sidoo kale kamid ah mid lagu tartamayo sixirka iyo faalka inkasta oo ay dambi yihiin. “Waxaan rajeynayaa in dhammaan shirkadaha, bangiyada iyo ganacsatada inay garab na siiyaan, waa fursado dahabi ah” ayuu yiri madaxa barnaamijkan. Source
  9. Ha’yadda caalamiga ah ee Amnesty International waxay sheegtay in Iiraan ay xabsiga dhigtay 7,000 qof sanadkii lasoo dhaafay. Dadka la xiray waxaa kamid ah dad dibadbaxyo dhigayay, ardey, qareeno, wariyeyaal, ururada shaqaalaha iyo dad u doodo xuquuqul insaanka. Dadkan ayaa ka careysnaa macluusha, musuq maasuqa iyo isbaddallo la’aanta siyaasadeed ee dalkaasi ka jira. Boqolaal kamid ah shacabka ayaa la xiray halka ugu yaraan 26 qof la dilay. Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in 9 qof ay ku dhinteen xabsiyada. Philip Luther oo ah agaasimaha ha’yadda Amnesty ee bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ayaa sheegay in dadka reer Iiraan ee raadinayo xuquuqdooda ay dhibaato la kulmeen. Source
  10. Dowladda Itoobiya ayaa la sheegayaa inay heshiis nabadeed la gaartay Laba garab oo ka mid ah Jabhadaha Oromada, si loo soo afjaro dhibaatada kooxaha hubeysan. Heshiiska waxaa lala galay: Oromo Democratic Party (ODP) iyo Liberation Front (OLF) oo dhanka jabhada ah iyo Is-bahaysiga haya talada Dalka Itoobiya. Milkesa Mideksa, oo ahaa wakiilka ODP iyo Dawud Ibsa, oo ah Guddoomiyaha OLF, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday in ay iska ilaalinayaan Dhiig dambe oo daata , horayna ay uga soconayaan wixii dhacay, dibna aan loo noqon doonin, iyagoo isku Af-gartay in la joojiyo falalka Gacan ka hadalka ah iyo rabshadaha Hubeysay ee dhowaanahan ka taagnaa qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya. Kulanka ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban 71 xubnood oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan daba galka howlaha Hub ka dhigista, Qaramaynta Malleeshiyada Jabhadda OLF iyo dhammaystirka dhammaan qodobadii lagu heshiiyay. Heshiiskan, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Oromiya, Oday dhaqameedyo, Culimaa’udiin kala duwan, aqoon yahanno, Dhalinyaro iyo wakiillo siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. GUUSHA SOMALILAND VS SAAMIGA BEELAHA IYO KHILAAFKA GARSOORAHA CODAYENTA (VOTING COMMISSION). Marxalada Somaliland waxay maraysaa jaho wareer iyo walaac la is waydiin karo xagee loo socdaa. axsaabtii oo qir ah , beelihii oo kala baqoolaya, gurxan iyo gabayo goohoogu gilgil badan dhaliyey xadhig abwaano .culimo iyo shacaba leh oon loo meeldayin, xanibaado muwaadiniintii dalkoodii loo diiday, saxaafadii oo afka la qabtay, doorashooyinkii golaha baarlamnka iyo degaanka oo qabsoomidooda laga dayrinayo, maceeshadii oo marba marka ka dambaysa cirka isku sii shareraysa, musuqii oo xakamaha goostay qabyaaladii oo dhibi shaxanaysa, shir beeleeyada oo shakaalka goostay,maarayentii siyaasadii SOMLILAND oo ku sii sinqaysa godkii aan shalay ka soo baxnay, WAXAAS OO BAALAHA LA BAXAY MAXAA BURIN KARA? waa in marka hore Komishanka si degdeg ah loo bedelo asxaabta qarankuna islaabxaadhaan. beelaha tabashadooda la saxo wixii inaga qaldamay la saxo ,laga fogaado SIYAASADAYEN IYO GUDI FARSAMO KU MAANWEELI. doorashada golaha barlamaanka iyo degaanaada loo diyaar garoobo qabashadooda. golaha wasiirada ah ee fadhiidka noqday lagu sameeyo kaabis iyo wax ka bedel la magacaabo dad waayo arag u ah siyaasada maandiqada iyo aduunka dhiig cusub lagu shubo. MDAXWEYNE WAA SHIRGUDOON OO WAXA SHIRKU GAADHUU GUDOOMAIYAA SHAQADA WAXA WADA OO AMA LA MAAHADIYAA AMA LAGU JABAA WAA TEAMKA WASAARADAHA LOO DOORTO EE XILKA LA SAARO. Sidaa lagu hawlgalaa Somaliland shacab iyo xukuumadba taasay ku midho dhalaysaa himiladeena iyo guusha aynu hiigsanaynaa mase keenayso QIR IYO QIR SUTI GAASHAAN. DAWLADAA LAGA RABAA IN AY U DHEGA NUGLAATO ASXAABTEEDA IYO SHACABKEEDA WAXAY KAA CABANAYAAN EE MA AHA IN AY LA QORI TUURATO SHACABKEEDA IYO ASXAABTEEDA BALS WAXAY KA CABANAYAAN WAX KALA QABTO WAAYO DAWLADI WAA U ADEEGAHA DADKEEDA IYO DALKEEDA EE MA AHA TII KA FICISHATA ASXAABTEEDA MUCAARIDKA IYO SHACABKEDA EE MEDIA UGU JAWAABTA CEEB CEEB CEEB WAA MASUULKII DALKA IYO DADKA. WADA SHAQAYEN SHACAB IYO DAWLAD WAA GUUSHA SOMALILAND. LABA TALABA TII ROON RABOW ADAY TADA NOQOTAA. XAQ U DIRIR MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI. Qaran News
  12. Ku dhowaad 40 Qof oo uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo wata Diyaarad khamasa oo xisbigoodu u kiraystay Caleema Saarka Madaxweynaha [...] Source
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-25012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa goor dhowayd kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni ayaa garoonka diyaaradaha kusoo [...] Source
  15. Garowe (Caasimadda Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa noqday masuulkii ugu horeeyay ee taga magaalada Garowe isaga oo ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Axmed Madoobe oo maanta gaaray magaalada Garowe ayaa mahad celin u jeediyay madaxda maamulka Puntland, isaga oo sheegay in Puntland ay mudan tahay in meelo badan looga daydo. Wuxuu sheegay in Puntland ay wanaagsan tahay in looga daydo hanaankii wanaagsanaa ee ay u dhacday doorashadii 8 Janaayo iyo sidii wanaagsaneyd ee ay madaxda xilalka u kala wareegeen. “Madaxweyne waan kaaga mahadcelinayaa sidaad iisoo dhaweysay, Puntland waa meel mudan in wax badan looga daydo, waxaa mudan in looga daydo sidii ay halkaan wax uga dhaceen iyo sidii xilalka loo kala wareegay, waa inaan wax badan kaga dayanaa Puntland”ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kusoo dhaweeyay magaalada Garowe ayaa Axmed Madoobe kaga mahadceliyay sida uu u aqbalay casuumaadii uu u fidiyay, isaga oo noqday masuulkii ugu horeeyay ee tagay Garowe. Saciid Deni, ayaa sheegay in labada maamul ay wax badan ka wada shaqeyn doonaan, isaga oo cadeeyay in Jubbaland ay tahay maamul muddo dhisan, islamarkaana wax badan ay ka wada shaqeyn doonaan. Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sidoo kale maanta tagay magaalada Garowe, isaga oo ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweyne Deni. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  16. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Garowe u yimid ka qayb galka [...] Source
  17. Garowe (Caasimada Online)-Labadii todobaad ee lasoo dhaafay hadal heynta baraha Bulshada ayaa noqotay casuumaada xafladda caleemo saarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka dhacaysa magaalada Garowe. Xafladaasi waxaa keenay in la hadal hayo marti sharafta loo qorsheeyay inay ka qeyb galaan oo ka duwan kuwii ka qeyb gali jiray xafladii ugu dambeeyay ee madaxweynayaasha maamulada lagu caleemo saari jiray. Masuuliyiinta ka qeyb galaya munaasabadda ayaa siyaabooyin kala duwan uga qeyb galaya, balse Soomaalida ayaanan faham saneyn ujeedada hoose ee ka dambeysa in dad kala aragti duwanaa ay ka qeyb galaan munaasabaddaasi. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa, waxaana taasi ay qasabtay in xaflad lagu caleemo saarayo aysan wanaagsaneyn inay ka maqnaadaan dadkii uu koox ahaan kamid ahaa. Sidoo kale Waxay taasi sababtay inay ka qeyb galaan caleemo saarkiisa dhamaan xubnaha mucaaradka oo markii hore uu saaxiib dhow lahaa, maadaama ay arin aan wanaagsaneyn ku noqon laheyd haddii uusan casuumin. Dhanka dowladda Soomaaliya ayuu ku qasbanaa inuu casuumaad usoo diro, balse wuxuu sameyn karay inuu albaabada ka xirto madaxda dowladda Sidii C/Welli Gaas, laakiin isaga oo ka cararaya in culees kale uu wajaho isaga oo xilka ku cusub ayuu casuumay madaxda dowladda. Bilowgii dadka la doonayay in musaanadda lagu casuumo ayaa aheyd madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana markaasi soo baxay inuu wadahadal siin rabay Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo, balse caqabado ayaa halkaasi ka yimid oo dhanka dowladda ahaa, sida xogaha aan ku heleyno. Waxaa dadka falanqeeya siyaasadda ay sheegayaan in marka la eego dhamaan culeesaadyadaasi in madaxweyne Deni uu ku qasbanaa inuu dadkaasi uu ka qeyb galiyo xafladiisa caleemo saarka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  18. Jowhar (Caasimada Online)-Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay waxyaabaha u diidan deegaanada Hirshabeelle inay ka sameeyaan mashaariic kala duwan oo horumarineed. Isaga oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in maamulkiisa uu doonayo in mashaariic badan ay ka hergeliyaan deegaanadaasi, laakiin ay jiraan caqabado dhanka amaanka ah. Wuxuu sheegay in 16 Mashruuc ay diyaar yihiin kuwaasi oo la doonayo in laga hergeliyo deegaanada Hirshabeelle, balse ay jiraan caqabado dhanka amaanka ah oo aysan ka socon karin qaar kamid ah mashaariicdaasi. Dhismaha garoon diyaaradeed oo Beledweyne ay yeelato iyo mashaariic kale ayuu sheegay in sanadkaan laga hergelin doono deegaanada Hirshabeelle, balse wuxuu ka walaacsan yahay amaanka. “Waxaa jira mashaariic badan oo la doonayo in laga hergeliyo Hirshabeelle, balse qaarkood caqabado amaan ayay u socon la’ yihiin, Beledweyne Garoon diyaaradeed oo ay yeelato, waxbarasho wanaagsan iyo mashaariic kale ayaan sameyn doonaa sanadkaan”ayuu yiri Waare. Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo ay joogsadeen mashaariicda dhismaha xarumo laga hergelinayay magaalada Jowhar, kadib markii Al shabaab ay u hanjabeen qaar kamid ah dadka shaqada waday. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  19. Garowe (Sh.M.Network) – Maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe ayaa lagu wadaa in la caleema saaro Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Munaasabada caleema saarka oo qaban-qaabadeeda ay socoto ayaa lagu casuumay marti sharaf kala duwan. Madaxda lagu martiqaaday oo kusii qul-quleysa Garowe oo ay ka dhaceyso xaflada ayaa ka kala socda dowlada dhexe, maamulada iyo beesha caalamka. Amaanka caasimad gobolka Nugaal ayaa la adkeeyay iyada oo ciidamada ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga. Taliyaha Booliska gobolka Nugaal, Gaashaanle Sare Xasan Cabdullaahi ayaa shaaciyay in gaadiidka Bajaajta mudo labo maalin ah laga mamnuucay magaalada. The post Marti Sharaf ku qul-quleysa Garowe kahor caleema saarka Deni appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Jowhar (Sh.M.Network) – Cali Cabdullaahi Guud-laawe, madaxwayne ku xigeenka HirShabelle, ayaa baaq nabadeed udiray beelo walaalo ah oo ku diriya xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Madaxwayne ku xigeenka oo la hadlayay munaasabada furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka maamulkaan ayaa ku tartarsiiyay Beelaha in colaada ay ku belaan nabad iyo wax wada qabsi. Dib-u-heshiisiin dhab ah ayuu cod dheer ku qeexay in loo baahan yahay in loo sameeyo Beelahaasi, si aysan dib udambe usoo laaban isku dhacyada, kuwaasi oo galaaftay nolasha Tobaneeyo ruux. Dhowaan ayay ahayd markii colaad beeleedyo ay dib uga soo cusboonaatay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyada oo tan iyo xilligaasi ay isasoo tarayeen baaqyada nabadeed ee loo dirayo. The post Cali Guudlaawe oo ku baaqay dib-u-heshiisiin dhab ah appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay joojin doonaan arin la xiriirta duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, kadib markii ay bateen wararka is khilaafsan eee laga baahin jiray duqeymaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa shaaciyay inay gabi ahaanba joojiyeen inay warbixino ay warbaahinta la wadaagayaan kasoo saaraan duqeymaha ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya oo ay la beegsan jireen Al shabaab. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyay in go’aankaasi la qaatay kadib kulan dhex maray saraakiisha ciidamada Mareykanka ee Africa iyo kuwa Mareykanka, kadibna la go’aamiyay inaan laga hadal weerarada ay ka geystaan Soomaaliya. Taliska ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in arintaasi ay ka dambeysay kadib markii go’aan lagu gaaray in shaacinta khasaaraha weerarada ka dhasha loo daayo inay ka hadasho dowladda Soomaaliya. Taasi ayaa ka dhigan in waxii hadda ka dambeeya khasaaraha ka dhasha weerarada Mareykanka ay ka hadli doonto dowladda Soomaaliya oo kaliya, waxaana arinta ay ka dambeysay kadib markii marar badan dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ay warar is qilaafsan ay kasoo saareen khasaaraha duqeymaha ka dhashay. In dowladda Soomaaliya ay shaaciso Khasaaraha weeraradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhalankarta in ay xoogeysato Wada shaqeynta taliska iyo dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo xalay qabsaday Suuqa Wayn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dabka oo bilowday abaare 2-dii habeenimo oo ay qadar harsan tahay ayaa saameeyay xarumaha ganacsi oo halkaasi ku yaala. Qof kamid ah ganacsatada oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan uu yahay mid hantiyadeed. Waxa uu shaaciyay inuu cagta mariyay goobo ganacsi oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ganacsiga. Gaadiidka dambiska ee gobolka Banaadir iyo kuwa shirkada isgaarsiinta Hormuud oo meesha durba yimid ayaa ku guuleystay inay damiyaan. Lama ogga waxa dabkaan sababay, balse, inta badan dabka ka kacay suuqyada caasimada waxaa sababay Koronto. The post Dab xalay qabsaday suuq ku yaala Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, kaasi oo loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa fahfaahin ka bixiyay duqaymo uu 23-kii bishaan Janaayo ka geystay gobolka Jubada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaacisay in weerarka cirka ah ay ku beegsatay kolanyo ay la socdeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo marayey meel ku dhow degmada Jilib ee gobolkaasi. War-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM ayaa nan lagu xusin khasaaraha Al-Shabaab ay ugu geysteen duqaymahaasi. Mareykanka ayaa tibaaxay in weeraradda dhanka cirka ah ay ku taageerayaan dadaalada dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Illaa iyo haatan, ma jiro wax war ah oo ku aadan duqaymahaan oo kasoo baxay dhanka xoogaga Shabaab. Duqaymaha ayaa kusoo beegmaya iyada oo maamulka Jubbaland uu gobolka ka wado guluf uu doonayo inuu dib ula wareego gacan ku haynta gobolka Jubada Dhexe iyo degaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedkaan. The post Mareykanka oo ka hadlay duqaymo uu ka fuliyay J/Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, hawlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda. The post DF oo kala hadlaysa Kenya burburinta xarumaha Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ayaa loogu jiraa soo dhaweynta madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ee maanta la filayo inay tagaan magaalada Garowe. Waxaa maanta la filayaa in magaalada Garowe ay gaaraan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubno kale oo mucaarad ah. Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamadii ugu badnaa la dhigay hareeraha magaalada Garowe, maadaama beri ay ka dhaceyso Garowe xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Xubnaha Mucaaradka, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo xubnaha talada iminka haya ayaa tagaya magaalada Garowe, waxaana aad loo hadal hayaa waxyaabaha ka dhici kara magaalada Garowe, maadaama ay isku arkayaan xubno warbaahinta kaliya iska weerari jiray. Waa xafladii ugu horeysay oo ay isku arkaan xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka dalka, waxaana madaxweyne Deni uu wadaa dadaalo ay ku wada hadli karaan xubnaha mucaaradka iyo dowladda. Qaar kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa maanta sidoo kale la filayaa inay tagaan magaalada Garowe oo ay ka dhaceyso xaflada caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com