Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,979
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saciid C/laahi Dani, madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dilka iyo kufsiga loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd 12 sano jir ku nool magaalada Gaalkacyo. Waxa uu sheegay Dani in falkaasi aad uga xunyahay, isaga oo sheegay in hay’adaha ammaanka ka rajeynayo in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii falkaasi sameeyey. “Waxaa soo badanaya dhaqamo iyo caado aad u xun, oo aad moodin in ay dib inoogu celinayaan wixii aan kasoo gudubnay, dadkii aan rabnay inaan karaameyno oo aan hormar la rabay in la gaaro, dadkii aan ku tuhmyenay iney aqoontooda iyo ilbaxnimadooda korortay…waxaa socda dhaqamo aad u xun oo naxdin leh…waxaan rajeeneynaa in dowladda tallaabo adag ka qaadi doonto cid walbo oo ku xadgudubta karaamada bini’aadamka” Caasho ayaa saacado ka maqneyd hoygooda, waxaana kadib meydkeeda lasoo dhigay bannaanka gurigooda xilli habeen ah waliba iyada oo lasoo kufsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiin kala duwan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaan sannadkan ka qayb galayn shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee shalay ka furmay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal. Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi oo sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa shalay furay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la qorsheeyay inuu socdo laba maalmood, waxaana shirka ka qayb galaya ergo tiradoodu tahay 398 xubnood. Hase yeeshee waxaan siyaabo kala duwan uga qayb galayn shirka golaha dhexe ee KULMIYE siyaasiyiin caan oo reer KULMIYE ah. Siyaasiyiinta qaarkood ayaa waayay xubinimadii golaha dhexe, waxaanay u badanyihiin xubno wasiiro ka ahaa xukuumadii Siilaanyo oo golaha dhexe ku soo galay kursiga wasiirnimo, halka ay siyaasiyiin kalena uga maqanyihiin sababo aan la garanayn. Siyaasiyiinta waayay xubinimada golaha dhexe ee hore ugu jiray golaha dhexe xilkii wasiirnimo ee ay hayeen waxa badankooda la siiyay xubin goob-jooge ah oo aan shirka golaha dhexe ku lahayn wax cod iyo tallo ah. Shakhsiyaadka caanka ah ee KULMIYE ka tirsan ee wejiyadooda madasha laga waayay ee aan shirka ka qayb galayn waxa ka mid ah Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, Samsam Cabdi Aadan. Saddexdan xubnood oo safaro dibadda ah ku maqan ayaa si weyn loo dareemay maqnaanshahooda maadaama oo ay ololihii doorashada si weyn uga dhex muuqdeen xisbiga KULMIYE. Siyaasiyiinta kale ee xilalka wasiirnimo ugu jiray golaha dhexe ee KULMIYE, balse shirka Borama ku jooga xubno sharafeed, waxa ka mid ah Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), Cismaan Saxardiid Cadaani, Cali Siciid Raygal iyo xubno kale. Wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo madasha shirka hadal ka jeediyay ayaa soo hadal qaaday siyaasiyiinta wasiirnimada ugu jiray golaha dhexe ee KULMIYE ee aan maanta haysan xubinimadii golaha dhexe , waxaanu sheegay in isaga iyo Xaglatoosiye aanay sidoo kale haysan xubinimada golaha dhexe laakiin ay buuxiyeen laba jago oo ka banaanaaday golaha dhexe, waxaanu sheegay inaanay jirin siyaasiiin gaar loo faquuqayaa. Maxamuud Xaashi oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi “Siyaasiyiinta kamid ka ahaa xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee aan nasiibka u helin inay maanta ka soo qayb-galaan shirkan, ama ba’se aan helin kaadhka golaha dhexe waxaan jecelahay inaan cadeeyo in aan ujeedo gaara oo looga gol-leeyahay jirin, anniguba kuma jirin golaha dhexe laakiin boos banaan ayaan galay, wasiir Xagla-toosiye qudhiisu kuma jirin golaha dhexe balse nin baneeyay ayuu booskiisa galay, sidaas awgeed ma jirto faquuq u gaara siyaasiyiintaas aan helin kaadhka golaha dhexe hadii iyaga la cadaadinayo ama cidi faquuqaysana waan ka gil-gilan lahaa laakiin xisbigu xurmo iyo xaqdhawr iyo abaal-dahabi ah ayuu u hayaa siyaasiyiintaasi miisaanka ku leh bulshadda.” Source
  3. “Waxa yidhaahdeen Anaga SNM-tii Aanu Waagii Raacnay ayaa lanagu dilayaa,Ina Awcali Kasoo bilaw, Daahir Riyaale ku dar, Waar Saylici ayaa noogu daran, Ragbaa Xoog nagu jiidhaya” Madaxweyne Biixi. (SLT-Hargeysa)-Waxa isasoo taraya khilaaf xoogleh oo ka dhex taagan Madaxweyne Biixi iyo Ku xigeenkiisa Saylici oo ku saabsan qaabka loo marayo xalinta Beelaha Hubaysan ee isku hor fadhiya Xeebta Gobolka Awdal, waxaanu Shalay Shirkii Kulmiye ee Boorama ka dhex sheegay Madaxweyne Biixi in Beelaha Ciise ay khaati ka taagan yihiin oo ay ka cawdeen inuu dhibta ugu badan iyo culays gaar ah ku hayo Cabdiraxmaan Saylici “Waar Saylici ayaa noogu daran”. Qayb ka mid ah Khubaddii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Shirkii Golaha dhexe ee Shalay uga furmay Xisbiga Kulmiye Magaalada Boorama ee uu kaga hadlay shaqaaqada ka taagan Xeebta Gobolka Awdal ayaa waxa ka mid ahaa “Dhibaatada ka taagan Woqooyiga, dad badan waa kuwii Ciidamadu u soo xidhay, Odayaal ayay u badnaayeen, Warbixintii la iiga keenay laba oday oo qudha ayaa u hadlay,oo dhinacba oday ayaa u hadlay, Mid waad garanaysaan eh xagga Galbeedka ayuu u hadlay oo Waxaa la yidhaa Muumin Bahal Waaberi(Beesha Awdal Clan), waa la waraystay oo wuxuu yidhi,”Waar dee Nabad ayaanu ahayn, waligayana dhal iyo dhasheed ayaanu ahayn, ismaanaan khilaafin, dalkana waanu wada deganayn, Laakiin Walaalahayga Galbeedka naga xiga,Dawlad ayaa dabada ka riixaysa, oo wixiiba dawladnimo ayay noo sheeganayaan oo Somaliland ayaa lanagu dilayaa, Dhibaatadana Somaliland ayaa na galisay, Sidii Shirkii 1993-kii loogu qabtay Sheekh Cali Jawharba waar duulimaad ayaa lanagu yahay oo xoog iyo rag ayaa lasoo riixayaa”. “Kii Kale ayaa la waraystay ee Galbeedka, oo layidhaa Aadan Dharaar Yabaal(Beesha Ciise), labada nin ee laga qoray Warbixintu(Report) waa isku seedi labadoodu midba qolada u hadlayaa, wuxuu yidhi ninkani “waar dee anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa, wuxu yidhi, ina Biixi “Ninka Madaxweynaha ah” isaga ayaa og waxa lanagu dilayo, wuxuu yidhi, anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa oo aanu eednay, dee Berigii ay SNM-ta ahaayeen sawnagii raacnay maahin, saw sidii loo qabtay shirkii Boorama saw Madaxweyneyaal umaydaan samayn, Ina Awcali Kasoo bilaw, ALLAAHU Nebi, kaasi sahaale, Daahir Riyaale ku dar, Waar abtaw naga daa, Naaskaaga ayaanu jaqnee, Wixii oo dhan iska ilaw, Waar Saylici ayaa noogu daran, Ragbaa Xoog nagu jiidhaya, Waar ma naga qabanaysaan, Labadii Qoloba Somaliland ayay ka cawdeen”. Illo-Wareedyo Wargeyska Foore helay oo ka agdhaw Madaxtooyadda ayaa iftiimiyay inay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu qaabka xal looga dhalin karo beelahaasi hubaysa ee uu Madaxweynuhu Boorama ka sheegay inay isku hor fadhiyaan Xeebta Gobolka AWDAL. Source
  4. (SLT-Hindiya)-Diyaaradaha dagaalka ee India ayaa subaxnimadii Salaasada markii ugu horeysay duqeyn ka geystay gudaha dalka Pakistan. Duqeynta ayaa ka dhacday meel u dhaw xaduuda Kashmir ee dhinaca Pakistan, waxayna dowlada India sheegtay in weerarkan lala beegsaday xarun lagu tababaro kooxda Jaysh Maxamed oo maalmihii lasoo dhaafay dagaal kula jiray militariga India ee ku sugan Kashmir. Kooxda Jaysh Maxamed ayaa ka danbeeyey weerarkii 14kii Feberaayo ka dhacay Kashmir ee lagu dilay 42 askari oo ka tirsan ciidamada India. India ayaa sheegatay inay duqeyntan ku dishay xubno kamid ah kooxda Jaysh Maxamed. Dowlada India ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegaysay inay qaadi doonto tilaabo militari iyadoo ku eedeenaysay Pakistan inay soo hubeyso kooxaha ka dagaalamaya Kashmir. Jawaabta Pakistan War kasoo baxay dowlada Pakistan ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ka hortageen diyaaradaha India ee hawadooda soo galay isla markaana ku khasbay diyaaradaha India inay dib ugu noqdaan dalkooda. Pakistan ayaa sheegtay in diyaaradaha India ay bambaano ku tuureen goob lama degaan ah ee buuraleyda labada dal u dhaxeysa, isla markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo halkaasi ka dhashay, waxaana la shaaciyey sawiro laga soo qaaday goobta oo uu muujineysa in duqeynta India ka dhacday goob banaan. Xukuumada Islamabad ayaa sheegtay in falkan dowlada India ay dooneyso inay ka dhigato dacaayad ay doorashada ku galaan isla markaana shacabkooda ku qanciyaan inay ka jawaabeen dilkii 42dii askari ee todobaadkii hore looga dilay Kashmir. Source
  5. (SLT-Vietnam)-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dagay dalka Vietnam, isaga oo ka qayb galaya shir uu la leeyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. FILE PHOTO: U.S. President Donald Trump and North Korean leader Kim Jong Un walk after lunch at the Capella Hotel on Sentosa island in Singapore June 12, 2018. REUTERS/Jonathan Ernst/File Photo Shirkan labaad ee ay yeelanayaan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa dabo socda wareeggii koobaad ee taariikhiga ahaa ee sannadkii hore ka dhacay dalka Singapore. Tareenka cagaarka iyo jaalaha ka kooban ee waday Kim ayaa tagay Dong Dang, safarkii uu kaga sii aaday Hanoi wuxuu u raacay gaari. Kooxda baambayda iyo dad calamo wadhfinayo oo hareero taagan roog cas oo la goglay ayaa soo dhaweeyay. Laamaha ammaanka, masuuliyiin iyo sawir qaadeyaal ayaa dhoobnaa marka uu tareenka ka soo dagayay Kim, ka dibna gaadhi sugayay ayaa loo sii galbiyay. Kim ayaa daaqadda hoos u dajiyay muddo kooban ayuuna gacanta u luxay dadkii. Ilaalada uu caanka ku yahay ee dharka madaw ayaa ku sii sugaysay boosteejada tareenka, gaarigiisa ayaana baxay ka dib markii ay muddo kooban garab ordayeen. Waxaa loo malaynayaa in ay la socdaan walaashii Kim Yo-jong iyo Kim Yong-chol oo ah janeraal hore oo ka mid ah dadka ugu muhiimsan arrimaha wada xaajoodka. Source
  6. (SLT-Iran)-Madaxweynaha Siiriya Bashar Al Assad ayaa markii ugu horeysay in muddo ah safar aan horey loo shaacin ku tagay dalka ay xulafada yihiin ee Iran. Bashar Al Assad ayaa la kulmay hogaamiyayaasha sare ee dowlada Iran oo uu kamid yahay Madaxweynaha Iran Xasan Rowxani. Dowlada Iran ayaa taageero militari siisay Bashar Al Assad, Iran iyo Ruushka ayaa ahaa awoodaha militari ee badbaadiyey xukuumada Assad. Militariga Iran ayaa hada saldhigyo ka sameysay gudaha dalka Siiriya oo xaduud la wadaaga Israel, arrintaasi oo Israel sheegtay inay tahay abaabul duulaan Iran dooneyso inay dhankooda kusoo qaado. Lama faah faahin waxa ay ka wada hadleen madaxda Iran iyo Bashar Al Assad hase yeeshee waxaa la filayaa in labada dhinac ka wadahadleen abaabulka xiligan ay wadaan Maraykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Wadanka Iran. Booqashada Bashar Al Assad ayaa sidoo kale kusoo beegantay xili uu si kadis ah u shaaciyey inuu xilka iska casilay Wasiirka Arrimaha dibada ee Javad Zarif. Source
  7. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ku waajahan magaalada Doxa ee dalka Qatar, taasoo qeyb ka ah booqashada taxanaha ah ee uu ku tagayay dalka yar ee Khaliijka. Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad ka helay Amiirka Qatar Hamad bin Khalifa Al Thani, waxaana maalinta berri oo Arbaco ah ku kulmayaan qasriga Diiwaan. Wakaalada wararka ee Qatar ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar ay ka wada hadli doonaan xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga sii horeeya Doxa Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin, waxaana loo arkaa Mr Yaasiin isku xidhaha dowladda Soomaaliya iyo Qatar. Safarada Madaxweynaha ayaa kordhay labadii sano ee uu xilka hayay, iyadoo todobaad gudihiisa uu galay illaa saddex safar, iyadoo la xusuusto in Madaxdii ka horeysay inuu ku dhaliili jiray safarada badan. Source
  8. (SLT-Iran)-Wasiirka Arrimaha dibadda ee Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in uu is casilayo, ku dhawaaqitaankaas layaabka leh ayuuna ku baahiyay ciwaankiisa Instagram-ka. Wuxuu ka cudurdaartay shaqo ka fadhiisashadiisa. Zarif ayaa door muhiim ah ka ciyaaray heshiiskii taariikhiga ahaa ee nukliyeerka ee sannadkii 2015kii, kaas oo dhex maray Iiraan iyo quwadaha caalamiga ah. Balse mustaqbalka heshiiska ayaa shaki galay ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu joojiyay ku lug lahaan shihii heshiiskaas. Xil ka tagista Zarif waxaa xaqiijisay wakaaladda wararka IRNA oo dawladdu leedahay, taas oo soo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda. 59 jirkan ayaa wax ku soo bartay Maraykanka wuxuuna shahaadada jaamacadda ugu sarraysa ee PhD ka haystaa shuruucda caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Denver. Wuxuu horray u soo noqday dan jirihii Iiraan u fadhiyay Qaramada Midoobay, wuxuuna wasiirka arrimaha dibadda noqday sannadkii 2013, ka dib markii xilka madaxweynenimada loo doortay madaxweyne Xasan Rawxaani, kaas oo ballan qaaday in uu dad qunyar socod ah talada ku soo biirin doono. Muxuu isu casilay Ma cadda. Qoraalka uu soo dhigay Instagram-kana wuxuu ugu mahadceliyay dadka Iiraan iyo xukuumadda, balse wax sabab ah ma uusan raacinin iscasilaaddiisa. “Waxaan raali galin ka bixinayaa in aan awoodi waayay in aan sii wado xilkayga, iyo wakhtigayga aana dhamaysan” ayuu ku soo qoray. Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Instagram ayaa ka shaqaysa Iiraan balse qaar ka mid ah baraha kale ee wawayn ayaa laga xayiray dalkaas. Ma cadda in madaxweyne Xasan Rawxaani uu aqbali doono iscasilaadda, inkastoo agaasimaha madaxtooyada uu diiday warar sheegaya in iscasilaadda laga aqbalay. Zarif ayaa cadaadis kala kulmayay qolyaha mayalka adag ee dalkiisa tan iyo markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iiraan, kaas oo dhigaya in Iiraan ay dhinto hawlaheeda nukliyeerka. Isniintii ayuu madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad magaalada Tehran kulan kula qaatay Ayatollah Ali Khamenei, balse dadka ka faalooda arrimahaas ayaa dareemay in Zarif uusan ka qayb galin kulankaas. Iiraan ayaa ahayd dalkii ugu taageerada badnaa dawladda Suuriya intii ay colaadaha sokeeye socdeen, marka laga soo tago dalka Ruushka, booqashada uu Tehran ku tagayna waxaa loo arkaa in ay tahay middii koobaad ee Asad uu ku tagay tan iyo markii uu dagaalku billawday 2011. Source
  9. (SLT-Nigeria)-Madaxweyne Muxamaduu Buhari ayaa ilaa iyo hadda hogaaminaya natiijada codadka la tiriyay ee doorashada guud ee dalka Nigeria, waxa uuna ku guuleystay codadka afar ka mid ah 36-da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay. Mr Buhari ayaa ku guuleystay naatijada doorashada ee laba gobol oo ku yaalla koonfuur galbeed iyo mid ka mid ah gobollada ku yaala bariga dalkaasi, halka ninka ay aadka isu hayaan ee Atiku uu ku guulesyaty natiijada caasimadda Abuja. Iyadoo natiijooyinka doorashada ay iska soo deba dhacayaan ayaa xisbiga Mr Abubakar ee People’s Democratic Party (PDP) waxa ay sheegeen in wax isdeba marin lagu sameeyay doorashada. Gudoomiyaha xisbigaasi Uche Secondus ayaa tirinta codadka ku tilmaamay “mid aan sax ahayn oo aan la aqbali karin”. Waxa uu ku andacooday inay jirtay isku dey dowladda iyo hay’addo kale ay ku doonayeen in “natiijada laga been sheego”, balse wax caddeyn ah uma hayn arrinkaasi. Midowga Yurub, Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa dhammaantood walaac ka muujiyay dib u dhaca iyo habka farsamada ee doorashada balse ilaa iyo haatan ma ay jirto cid ka mid ah guddiga korjoogtada madaxa banaan oo sheegtay in doorashada lagu shubtay. Labada xisbi ayaa midba midka kale ku eedeynayo inuu la shaqeynayo guddiga doorashada ee loo soo gaabiyo (INEC) si galaangal uu ugu yeesho natiijada doorashada. Hase ahaate labadan xisbiba ma aysan soo bandhigin wax cadeyn ah oo ay ku taagerayaan sheegashadooda. Mr Buhari oo ka tirsan xisbiga All Progressives Congress (APC), ayaa mar labaad doonaya in uu qabto talada dalkaasi basle waxaa uu tartan adag kala kulmayaa Mr Abubakar. Doorashada madaxtinimada waxaa isu diiwaangeliyay 73 musharax, hasayeeshee ololaheeda waxaa ku gacansarreeyay Madaxweyne Muxamaduu Buhari oo 76-jir ah, iyo ninka ay aadka isku hayaan, Madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Atiku Abubakar, oo 72-jir ah. Mr Buhari ayaa sheegaya inuu dhidibo adag u taagay sidii barwaaqo lagu gaari lahaa, hasayeeshee ninka ay is-hayaan ayaa sheegaya in Nigeria aanay howlba ka socon. Labada ninba waxa ay ka soo jeedaan waqooyiga dalka halkaas oo ay ku badan yihiin Muslimiinta. Halka labadooduba ay ku jiraan da’da 70-tameeyada, ayaa in ka badan kala bar 84 milyan ee isu diiwaangelisay doorashada Nigeria ay da’doodu ka hoosayso 35 sanadood. Tirada codbixiyayaasha goobaha codeynta iyo musharaxiinta .84 milyan oo qof ayaa isu diiwaangaliyay in doorashada ay ka qayb qaataan. .51% ka mid ah codbixiyayaashan ayaa waxay da’dooda ka hooseysaa 35 .Waxaa doorashada ka qayb qaadanaya 73 musharax madaxwayne .Waxa ay dadka codadkooda ka dhiiban doonaan 120,000 ah goobaha codeynta Source
  10. Nairobi (Caasimada Online)-Warar ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhacdo kale oo xanuun badan ay ka dhacday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Gabadha oo 14 sano jir aheyd ayaa la sheegay in si xun loogu dilay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaasi oo Soomaalida ay ku badan tahay, waxaana la sheegay in gabadha ay waxyeelo gaarsiiyeen dadkii ay la joogtay. Magaca Gabadha ayaa lagu sheegay Ismahaan, waxaana la helay meydkeeda oo dhaawacyo badan ay ka muuqdeen, iyadoo laamaha amaanka ay la wareegeen baaritaanka gabadha yar. Qaar kamid ah ehelka Gabadha ayaa sheegay in gabadha loo tagay dad ay isku xaafad deganaayeen, balse la helay meydkeeda iyada oo waxyeelo daran ay ka muuqatay, iyaga oo warbaahinta la hadlay. Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa la sheegay in ay xireen dad lagu tuhmayo in ay dilkan qeyb ka ahaayeen, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo sababaha keenay dilka gabadhan da’da yar. Dhacdadan naxtinta leh ayaa mar kale qabsatay baraha bulshada xili dad badan ay ka murugeesnaayeen dil kale oo arxan daro ah oo magaalada Gaalkaco loogu geestay gabar yar oo 12-sano jir ah. Gabar kale oo 13 sano jir ah ayaa lagu la yahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana laamaha amaanka ay ku raadjoogaan gabadha la sheegay inay ku maqan tahay magaalada Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa weli baaritaano ku haya dilkii Allaha unaxariisree Caa’isha Ilyaas Aadan oo si arxan darro ah loogu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Puntland ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacawday kiiskaasi, si ay baaritaano dheeraad ah ugu soo sameeyaan dhacdadaasi. Madaxweyne Saciid C/laahi Deni oo ka hadlay kiiskaasi ayaa sheegay in aan laga harin doonin dambilayaasha, islamarkaana la horkeeni doono cadaalada. Halkan hoose ka dhageysp Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-2-soofeesane.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlayay dhacdadii ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa ahaa mid deg deg ah oo ay yeesheen wasiirka Amniga Gudaha iyo taliyaha ciidamada booliska ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dadkii rayidka ahaa ee lagu laayay agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi. Taliyaha ciidamada booliska Bashiir Cabdi Maxamed iyo wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa isla gartay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sameeyo baaritaanka dadkii ka dambeeyay rayidkii la dilay Shalay. Generaal Cabdullaahi Xasan Bariise oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay wadaan baaritaankii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay in dadka la yaalayay ay shaqaalo Hay’adeed ahaayeen. Shaqaalaha ayuu sheegay inay intaasi ka badnaayeen, islamarkaana ay gaarayeen 37 ruux balse shaqaalo kooban oo nadaafad waday rasaasta lala dhacay. “Dadka dhibaatada ku haya Ummada Soomaaliyeed dhawaan ayaa lasoo qabanayaa, waxay waxyeeleeyeen shaqaale Hay’ad ka tirsanaa oo nadiifinayay wadada Ceelasha iyo Xaawa Cabdi u dhaxeysa, sagaal muwaadin ayaa dhintay, markii arintaasi nasoo gaartay kadib baaritaan deg deg ayaa la sameeyay, baaris ayaana socota”ayuu yiri Gen Bariise. Maalintii shalay ayay aheyd markii dadkaasi shacabka ah lagu laayay duleedka magaalada Muqdisho, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen inay wadaan baaritaan lagu raadinayo dadka falka ka dambeeyay iyo qaabka loo abaabulay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay u ambabaxaan dalka Qatar. Wakaaladda wararka dalkaasi ee Qatar News Agnecy ayaa shaacisay in booqasho rasmi ah madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo magaalada Dooxa, islamarkaana uu beri kula kulmi doono Amiir Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani. Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dowladood, iskaashiga iyo arrimo kale. Qatar ayaa ka mid ah dalka saaxibada la ah Soomaaliya, waxaana DFS ay ka taageertaa dhinacyo dhowr ah oo ka mid tahay dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. View the full article
  14. Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeynta oo socotay ku dhawaad saddex saacadood ayaa lagu garaacay deegaanada Sabiib, Caanoole, Bangale iyo Baladu-Amiin oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi. Deegaanada la duqeeyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi iyo cida fulisay intaba, balse muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa duqeymo ka fulinayay K/ Soomaaliya. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-260219-sx.mp3 View the full article
  16. Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha gobolka waqooyig Bari Kenya ee Soomaalida ayaa sheegay in dhul-badeedka Kenya ay sheeganeyso ee xiisadda dhaliyey uu yahay mid ay leedahay Soomaaliya. Tallaabo lama filaan ah oo ay qaadeen ayay qaar ka mid ah odayaasha magaalada Gaarisa ku sheegeen in Kenya ay si sharci-darro ku sheeganeyso dhual-badeed aysan lahayn. “Haddii muranka badda ka taagan loo xukmiyo Kenya, Soomaaliya waxay weyn doontaa xuduuddeeda Koonfureed ee ku teedsab Kenya” Waxaa sidaas yiri Cusmaan Ibraahim Af-Maroor, oo ah afhayeenka odayaasha. Odayaasha ayaa ku baaqay in xal nabdoon laga gaaro xiisadda, waxayna sheegeen in labada waddan ay ka dhaxeeyaan dano ay ka mid yihiin in laga adkaado kooxaha argagixisada. Hadalka odayaasha Kenya kasoo baxay ayaa imanaya ayada oo sidoo kale dhallinyarada gobolka Waqooyi Bari ay dowladda Kenya ugu baaqeen inay ‘murankan’ xal ka gaarto, ayada oo aan xagjir noqon. Dowladda Kenya ayaa dhowaan cuna-qabateyn ugu hanjabtay Soomaaliya, ayada oo sheegtay inaysan ogolaan doonin ‘in cm ka mid ah dhulkeeda ay uga tanaasusho dal kale.’ Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  17. Waxaa la dareemayaa xiiso loo hayo iyo dhaq dhaqaaq siyaasadeed, kadib markii doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubaland loo asteeyay in la qabto bisha August ee sanadkan 2019. Doorashada la filaayo ayaa haatanba noqotay mid soo jiidatay indhaha Beesha Caalamka, siyaasiin Soomaaliyeed iyo kuwa Gobol intaba. Maamulka Jubaland ayaa haatan waxaa hogaanka u haya Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo caan ku ah (Axmed Madoobe), kaasi oo la doortay bishii May 2013-kii, kadib markii Ciidanka Xooga iyo kuwa Kenya ay dib u qabsadeen Magaalada Kismaayo. Waxaa hadaba bilaawday Siyaasiin ka shiraya iyo kuwa heshiisyo wada gaaray, ka hor inta aanba la gaari doorashada madaxtinimo ee Maamulka Jubaland. Waxaa hogaanka cusub ee Jubaland dooran doona Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo. Madaxweynaha haatan haya hogaanka Jubaland ayaa kalsooni ku qaba in uu dib u soo laaban doono, inkastoo ay careysan yihiin Siyaasiin hore u taageersanaa, maadaama Madaxweyne Axmed Madoobe uu noqday shaqsi lagu eedeeyo caburinta Siyaasiyiinta ka soo horjeeda. TIJAABO WANAAGSAN Waa maxay sababta Kenyaanku muhiim ugu tahay doorashada Jubaland? Waxaa loo arkaa tijaabo wanaagsan lagu cabirayo joogitaanka Ciidanka Kenya ee Gobolka Jubaland, taasi oo markii hore ay kaalin ka qaateen dhismaheeda 2012-kii markii gacan saaxiibtinimo u dhiibeen Madaxweyne Axmed Madoobe. Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Degaanada Jubaland, ayaa soo dhaweeyay doorashada waxaana loo arkaa in markale dib looga soo laabanayo burburkii ragaadiyay Soomaaliya. Balse, muhiimada ugu horeysa ayaa ah in doorashada ay ku dhacdo si nabdoon, iyadoo aan wax rasho siyaasideed ah dhicin. Weli ma aysan bilaabin ololaha doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubaland, balse Siyaasiyiinta qaarkood ayaa kuwa isha ku haya ama is-weydiinaya Shaqsiga uu noqon doono Hogaamiyaha cusub ee Maamulka Jubaland. Degaanada Jubaland ayaa ah dhul laga soo saaro dhaqaalo, maadaama qanni ay ku yihiin Beeraha, Xeeb oo badeeda laga soo saari karo dhaqaalo, waana goob sidoo kale ku haboon Dalxiiska. Siyaasiyiinta la sheego in ay isku soo sharaxayaan hogaanka Maamulka Jubaland waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xersi iyo Sheekh Daahir oo ah Saaxiib ku dhow Madaxweynaha haatan haya Hogaanka. Waxaa sidoo kale jira mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qabta Shirar qarsoodi ah, kuwaasi hankoodu yahay in ay isku soo sharaxaan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Jubaland. Dagaalka Axmed Mdoobe Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa teegeero ka heysata Xubno ka mid ah Maamulkiisa, si uu markale isugu soo sharaxo qabashada hogaanka Maamulka Jubaland. Waxaa sidoo kale Mr. Madoobe uu taageero ku raadinaya Ciidanka Xooga, kuwaasi oo ku dheera geliyo sidii Al Shabaab ay uga saari la haayeen Deganada Maamulkiisa. Waxaa waxyaabaha uu doonayo in uu Kambeynkiisa xiga uu ku kalo, sida laga soo xigtay Siyaasiin falanqeeyay Arimaha Soomaaliya iyo Gobolka. “Hadii Axmed Madoobe uu gacanta Maamulka Jubaland ku soo celiyo Degaanada Al Shabaab, taasi waxey keeneysaa in uu taageero xoogan uu helo, uu ku gelo Kambeynkiisa doorasho ee soo socda”, sidaasi waxaa yiri Prof. Xasan Sheekh Ali oo Xiriirka Caalamiga, Siyaasiyada iyo Diblomaasiyada ka dhiga Jaamacadaha Muqdisho iyo Simad. Mar la weydiiyay Prof. Xasan, guulaha Axmed Madoobe, ayaa waxuu ku jawaabay sida adkeynta Amaanka Magaalada Kismaayo iyo kordhinta arimaha ganacsiga iyo Fursado kale uu sheegay in uu siiyay Shacabka Reer Jubaland. Balse, Mr. Madoobe ayaa muddo xilleedkiisa waxaa uu wajahay eedeymo cuslus sida caburin ka dhan ah Siyaasiyiin aan ku fekerka aheyn Siyaasada uu ku hogaamiyo Maamulka Jubaland, sida uu sheegay Prof. Xasan. Shirarka Qarsoon Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Shirar qaarsoon Nabadoon iyo Siyaasiin siyaabo kala duwan ugula yeeshay Aqalkiisa iyo Dalka Kenya, si uu markale u soo noqdo. Kulamadan qaarkood ayaa waxey dhaceen bartamaha Bishii December ee Sanadkii la soo dhaafay. Waxaa Axmed Madoobe uu si qarsoodi ah Odayaal ugula kulmay Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya kuwaasi oo kala hadlay sidii ay garab u siin la haayeen doorashada soo socota. Waxaa dadkii uu la kulmay sidoo kale ka mid ahaa labo Siyaasi oo caan ah kuwaasi oo laga soo doorto inta badan Magaalada Gaarisa. Labadan Siyaasi ayaa dhankooda si qarsoodi ah kulamo ula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xaliyo xiisada siyaasideed ee ka dhex aloosan Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubaland. Waxaa la shaaciyay in labadan Siyaasi ay ka dalbadeen in Madaxweyne Farmaajo uu taageero u muujiyo hogaamiyo Axmed Madoobe. Intaas kadib, waxaa Kulamo waji ka waji ah yeeshay Hogaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay isku arkeen ka qeyb galka Caleemo saarkii Madaxweynaha Jublanad Saciid Cabdullahi Dani, Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay daqliga Xukuumadda Muqdisho ay u qoondeysay Maamul Goboleedyada, balse Xukkuumadda Muqdisho ayaa sanadkii la soo dhaafay ugu deeqday Maamulka Jubaland lacag dhan $250,000, kadib fatahaadihii Wabiga Juba. Xukuumadda Muqdisho ayaa u muuqata mid marwaliba ku howlan sidii loo qancin la haa Maamul Goboleedyda ka dhisan Dalka Soomaaliya. Xiiso Ballaaran Waxaa hubaal ah in Hogaamiye Axmed Madoobe uu walaac ka qabo Siyaasadda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kadib markii doorashadii Koonfur Galbeed uu ku soo baxay Cabdicasiis Laftagareen, kaasi oo la aaminsan yahay in ay wateen Madaxda Dalka. Madaxda Dalka ayaa loo arkaa in ay wadaan qorshe ku aadan in Madaxda Maamul Goboleedyada ay ka wada dhigaan kuwa taageersan Siyaasada Nabad iyo Nolol, si ay ugu fududaato doorashada 2020-ka. Soomaali badan ayaa aaminsan in doorashada Maamulka Jubaland ay tahay mid xiiso ka xiiso badan doorashooyinka kale ee Maamulada Dalka, maadaama ay jiraan Wadamo reer galbeed ah oo doonaya in wax soo saar ay ka sameeyaan Degaanada Maamulka Jubaland, saameyn muuqatana ay ku yeeshaan doorashada soo socota. Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan ah kuwa door weyn ku yeesha doorashooyinka, iyagoo doonaya in loo fulo danooyinkooda gaarka ah. Gobolada qaar ee Soomaaliya sida Jubaland ayaa waxaa isku haya Dowladdo Reer Galbeed ah sida kuwa ugu Khubadaha weyn ee Mareykanka iyo kuwa kale oo ku yaala Yurub, kuwaasi oo loo arko in ay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan doorashada soo socota ee la filayo in lagu qabto Magaalada Kismaayo. Soomaaliya ayaa qani ku ah sida shidaalka, Kaluumeysiga iyo kheyraadka kale kuwaasi oo Dalalkeedka Reer Galbeedka ay aad u daneeyaan in mar un ay gacanta ku dhigaan Maamulkooda, si halkaasi ay dhaqaalo badan uga sameeyaan. Waxaa turjumay Abdirisak Mohamud Tuuryare
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan ka ballan-qaaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed inuu wada-shaqeyn la yeelan dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda inuu is-beddelay markii uu Somaliland ku laabtay. Muuse Biixi oo laga rajeynayo inuu ka shaqeeyo isku soo dhowaanshaha labada dhinac, ayaa taa beddelkeeda weerar culus ku qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Madaxweyne Biixi ayaa ugu horeyn sheegay in kala duwanaansho uu ka jiro dastuurka u degsan Somaliland iyo dastuurka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in kala duwanaanshahaasi uu horseedi karo in waxyaabaha qaar aysan dhaqan gelin. Ugu horeyn wuxuu sheegay in Dastuurka Somaliland uu dhigayo marka ay dowlad ama gobol kale ku biirayaan in shacabka ay u codeeyaan, sidaasi si lamid ahna madaxweynaha ay shacabka soo doortaan. Mar uu ka hadlay Dastuurka Soomaaliya ayuu sheegay inuu yahay mid KMG ah islamarkaana madaxda Soomaaliya aysanba ku dhaqmin, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Biixi. Wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyo wuxuu doono marka uu waagu baryo, balse Somaliland Dastuurka laga tixgeliyo, sida uu sheegay. Waxaa uu sheegay in Somaliland ay soo dhaweynayso Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, islamarkaana ay kala tashan doonaan shacabka degaanada Somaliland. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/cod-1-somaliland-.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Haweenku waxaa ay nolosha aadanaha ka yihiin laf-dhabar weyn oo ay ku tirsantahay, iyadoo aan ogsoonahay sida uu alle (SWT) uu ugu tilmaamay qur’aankiisa, Nabigeenanna (NNKH) uu uga dardaarmay marar badan oon la soo koobi Karin xaquuqda ay leeyihiin haweenka oo ay siisay diinteenna islaamka, ayadoo ay sii dheertahay xaquuqaha gaar ah ee wadan walba oo caalamka ku yaal uu siiyo dumarkiisa. Soomaaliya waa dal muslim ah dadkiisuna ay yihiim muslimiin sunni ah, waxaana ay haweenka yihiin laf dhabarta bulshadda, iyagoo ka qeyb qaata nolosha qoyska, tan dadka kale iyo waajibaadka guud ee ka saaran dalka, tiiyoo ay sii dheertahay shaqooyinkooda gaarka ah. Hasayeeshee waxaa ay la kulmaan xad-gudubyo ka dhan ah diinteena suuban ee islaamka iyo tan xaquuqda aadanaha. Dhibaatooyinka loo geysto haweenka soomaaliyeed ayaa soo kordhay, waxaana xad-gudubyadda ugu badan ee ay la kulmaan dumarka soomaaliyeed ka mid ah, Kufsiga, dhaca, dilalka iyo waxyaabo kale oo lagula kaco haweenka haba ugu darnaadeen xad-gudubyada kufsiga. Kumanaan ka mid ah dumarka soomaaliyeed ayaa la kulma xad-gudubyada jinsiga ee loo geysto, iyagoo xitta mararka qaar ay naftooda ku waayaa, sida ku dhacday Caaisha Ilyaas Aadan iyo dumar kale oo soomaaliyeed. Hasayeeshee sheekada Caaisha waa mid ka duwan kana murugo badan dhacddoyinka kusiga ah ee ay la kulmaan haweenka soomaaliyeed. Caaisha Ilyaas Aadan, waxay ka mid aheyd ilmaha qoys leh sideen caruur ah da’deedu waxay aheyd 12 sanno jir, waxayna dhiganeysay fasalka lixaad ee dugsiga hoose Iskuul ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Caaisha waxay aheyd gabar da’yar, qurux badan ubax iyo mustqbal ifaya, hasayeeshee waxaa mustaqbalkeeda soo afjaray dhagar-qabayaal aan tiradooda la shaacin, kuwaasi oo kufsaday kadiba dilay Caaisha. Qoyskeeda ayaa waayay Caaisha, kadib markii maalintii axadda aheyd ay adeeg uga dirsadeen suuq hilika lagu iibiyo oon ka fogeyn gurigooda, saacaddo orod iyo baadi-goob ah waxaa dhacay gabalkii, habeenkii oo dhan hurdo maladin qoyska Caaisha waxayna u heyd murugo qof kasta oo qoyska ka tirsan gaar ahaan hooyada dhashay oo aan habeenkaasi ladin hurdo is kabadaaye aan xittaa wax cunin, ‘alla nugulaa beer wax dhalay’. Murugaddu way badan tahay rajaduna waa ay yartahay, waagii ayaa baryay dadkii dariska ahaa ayaa ka soo wardoonay reerka Caaisha bal in la helay gabadhii iyo inkale. balse waxaaba la arkay meydkeeda oo ay ka muuqdaan dhabarro arxan daran oo la soo dhigay gurigeeda meel u dhaw. Layaab iyo amakaag ayay ku noqotay dadkii oo dhan, iskabadaa qoyskeeda waxaa ka xumaaday qof kasta oo leh damiir soomaalinimo, waxaana la geeyay isbitaalka si loo baaro meydka gabadha, way u muuqatay qof kasta oo arkay in gabadhaan yar loo geystay dhibaato culus, dhaqaatiiruna waxaa ay sheegeen in la kufsaday gabadha yar kadibna si arxan daran loo dilay, ‘Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun’. Kuma cusba Soomaalida dhexdeeda kufsiga laakin arrinta layaabka leh ayaa noqotay dilka iyo kufsiga loo gaystay gabdhaan da’da yar, taasi oo ka yaabisay qof kasta oo ka danqanaya dhibaatada lagu hayo haweenka soomaaliyeed. Majirto cid loo soo qabtay mas’uuliyadda dhibka loo geystay Caaisha, hasayeeshee laamaha amaanka Magaaladda Gaalkacyo ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan dadkii ka danbeeyay falkaan foosha xun ee loo geystay gabdhaan soomaaliyeed. Kumanaan soomaali ah oo ka xumaaday dhacdadaan ayaa ka falceliyay falka foosha xun ee loo geystay Caaisha, iyagoo baraha bulshada soo bandhigay sawiiradeeda oo ay ku qoranyihiin, ‘ Caaisho Caddaalad bey Rabtaa’. Hasayeeshee waxaan la ogeyn sida ay Caaisha iyo gabdhaha kale ee la mid ah ay caddaalad u heli doonaan. Qoysas iyo gabdho badan oo soomaaliyeed oo dhibanayaal u noqoday dhacdooyinkaan iyo kuwa kale oo la mid ah ayaan wali helin caddaalad, waxaana ka mid ah sababha ugu badan ee ay caddaaladda ku wayaan, Tabar yarida dumarka, baxsashada danbiilayaasha oo aysan jiran cid xil iska saarta, hanjabaado ay la kulmaan, la’aanta maxkamaddo si gooniya u dhageysta kiisaskooda, iyo cabsi ay ka qabaan bulshada, ayadoo qaarkood kiisaskooda lagu xaliyo hab dhaqameed ay soomaalidu isticmaasho, kaasi oo meesha ka saara ciqaata danbiilayaasha. Xad-gudubya badan ayaa loogaystaa dumarka Soomaaliyeed haba ugu darnaado kufsigee, waxaana sababaha ugu badan ee loo tiiriiyo dhibaatooyinka kusiga ka mida, Colaadaha, nuglaanta dumarka, wacyi-galin la’aanta bulshada iyo kuwa kale. Dumarka la kulma tacadiyadda kufsiga waxaa soo foodsaara dhaibaatooyin badan, haba ugu darnaadeen xanuunada iyo cudurada ay kaqaadaan kufsiga taasi oo raad ku reebta noloshooda, waxaana intaa sii dheer dhibaatooyinka jir ahaaneed, midda maskaxiyan soogaarta, mustaqbalkooda oo mugdi gala iyo bulshada qaar oo ay takoor kala kulmaan. Qoys iyo qofba waxaan wada ogsoonahay kaalinta ay dumarku naga mudanyihiin, hooyo, marwo iyo gabar nuucey doonto ha ahaatee, waxaan kaloo ogsoonahay in dhaqanka soomaaliyeed ay meel wacan uga jiraan, Fadlan ilaali xaquuqda dumarka’. Qoraalkaan waxaan u hibeeyay Caaisha Ilyaas Aadan, waxaana reerkeeda uga tacsiyeynayaa geerida gabadhooda waxaana lee yahay dhamaanteen ‘samir iyo iimaan allaha naga siiyo’. W/Q: Ahmed Nor Mohamed Hassan (Ahmed-Nor Sudani)
  20. In the last week, Kenya surprisingly seem to have heavily adopted a Machiavellian foreign relation that a state touching once own should be considered as one to be subdued. Kenya is currently embroiled in a bitter diplomatic fallout with the Republic of Somalia over maritime territorial border on the Indian Ocean, accusing Somalia of auctioning oil blocs to prospective bidders on a disputed territory. Kenya went ahead recalling its ambassador for further consultation which was in order but erred in sending the Somalia ambassador to Kenya back to his home country – a hostile gesture used to demonstrate intent of a country to scale down diplomatic relations with the other. That was not all, Kenya issued a strongly worded statement lacking the magnanimity of diplomacy and friendly relations, threatening to defend its territorial integrity at all cost saying it considers those involved directly and indirectly in the oil bloc auction on its borders as enemies of the State and adversaries of the Kenyan people. More shocking, these harsh words depicting drums of war are coming out despite the fact that this territorial dispute is already before an international arbiter, the International Criminal Justice. In the same Machiavellian foreign relation script, Kenya seem to have also adopted the concept Nixon and Kissinger perfectly executed with China against Soviet Union that a distant state that borders the “enemy” should be considered a friend. Kenya is set to open a diplomatic office in Hargeisa the capital of break-away Somaliland – which Somalia has vehemently rejected its call for independence and international recognition, a move that undermines Republic of Somalia’s one Somalia policy. It is not the first time that Kenya finds itself in a territorial dispute, it already has one with Uganda over Migingo island on Lake Victoria and South Sudan over the Elmi triangle but has chosen to use peaceful and diplomatic dispute resolution. So why has Kenya surprisingly chosen to go wildly combative and confrontational in the case of Somalia?? In 1954, the term “blowback” was first used by CIA in a report about the agency’s secret involvement the previous year in replacing Mohammed Mossadegh with Reza Shah Pahlavi as the leader of Iran. The word refers to the unintended consequences of a covert action that ultimately undercuts the effort’s intent – an eventuality that came to pass in Iran when hostility towards the Shah regime led to Ayatollah Khomeini’s revolution. To this day, the US is paying a steep price for its role in trying to manipulate Iran affairs more than five years ago. It’s this kind of blowback price that awaits Kenya for courting hostilities with Somalia and failing to analyze the sensitivity needed to handle this territorial dispute. In their book “Inside Al-Shabaab” Harun Maruf and Dan Joseph quote French analyst Roland Marchal that Ethiopia’s major blunder was the failure to analyze its historical tension with Somalia stemming from differences over territory, resources and regional power when it went into to stabilize Somalia in 2007. Their presence was a provocation to locals who many believed were just scheming to take over the country playing into Islamist hands who saw an opportunity to plant seeds of suspicion and distrust in the locals by playing those fears and called on Somali people to fight forces that want to change the map of Somalia. Many Somalis even in the diaspora closed ranks with the Islamic militant making Al Shabaab a powerful militant movement. Kenyan has its soldiers in Somalia and such aggression is likely to provoke emotions of local perceiving them as occupational forces, a blow back to stabilizing Somalia, stemming Islamic radical extremism and securing regional stability. The long-term interest of Kenya lies in having the Republic Somalia as a friendly neighbour and at the same time act as one just as it relates with its other neighbours because history explicitly has it that it’s costly to be a hostile neighbour. Source: Business Daily Africa
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa khilaaf aan jirin oo baraha bulshada lagu baahiyey inuu u dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Dadka faafinaya warkan ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay waxay wadeen olole ka dhan ah Ra’iisul waasare Xasan Cali Khayre, oo lagu eedeynayay in uu madaxweynaha khiyaamay, isla markaana uu doonayo inuu madaxweyne isku sharraxo 2020-ka. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ololaha ay horboodayaan siyaasiyiin iyo ganacsato ay isku heyb yihiin madaxweynaha oo aan la dhacsaneyn awoodda shaqo ee badan ee uu Farmoojo siiyay Ra’iisul Wasaarihiisa, marka ay timaado maamulka hay’adaha dowladda. Siyaasiyiintan iyo ganacsatadan ayaa u arka, maadaama ay madaxweynaha ku beel yihiin, in ay xaq u leeyihiin helidda qandaraasyo waa weyn oo la filayo in ay dowladdu bixiso, taasi oo ra’iisul wasaaraha aanu ku raacsaneyn, islamarkaana uu doonayo in loo maro nidaam sharci ah. Caasimada Online ayaa la socotay kulamo is daba-joog ah oo siyaasiyiintan ganacsatada ah la yeesheen madaxweynaha, kuna wargeliyeen in aysan aqbali karin sida uu ra’iisl wasaaruhu u qoondeeyay in loo bixiyo qandaraasyada oo ku saleysan mid daah-furan. Ra’iisul wasaaraha ayaa toddobaadkii hore soo saaray wareegto uu ku sheegay in aysan jirin hay’ad ama wasaarad iskeed qandaraas u bixin karta iyada oo aan la soo marin golaha wasiirrada iyo hay’adaha ay khuseyso. Wareegtadan ayaa ahayd dhammaadka wadahadal ay ganacsatada madaxweynaha la heybta ah ay ka qabeen in Khayre lagu qanciyo. Siyaasiyiintaan ayaa kaidb ololahaan u qaaday in ay ra’iislu wasaaraha cadaadis ku saaraan iyaga oo kaashanaya warbaahin ay lacago siiyeen iyo baraha bulshada, si ra’iisul wasaaraha loo cabsi geliyo. Si kastaba, Kheyre ayaa taagero weyn ka helay Soomaalida, gaar ahana dadka adeegsada baraha bulshada, oo xitaa kuwa horey u mucaaradsanaa ay taageereen, markii ay dareemeen in waxyaabaha lagu eedeynayo xittaa haddii ay sax yihiin ee ah “hami siyaasadeed” aysan waxba ku jabneyn. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com