Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Akhrista yaasha warsidaha Puntland .com ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxaan idiin balan qaadi doonaa in daqiiqad daqiiqad aan idinku soo gudbin doono [...] Source
  2. Agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Maxamed Cilmi Aadan ayaa tababar u soo xidhay 25 haween ah oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalada Hargeysa. Tababarkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ay haweenku u leeyihiin ganacsiga iyo sidii ay u samaysan lahaayeen qorshe iyo raasamaal ay ku maamulaan ganacsigooda. Agaasimaha guud ee wasaarada shaqo gelinta, arimaha bulshada iyo qoyska Maxamed Cilmi Aadan oo ka hadlay xidhitaanka tababarkan ayaa dardaaran u jeediyey haweenka ka qayb galay, waxaanu kula taliyey inay aqoontooda kor u qaadaan isaga oo xusay in wasaarada shaqadu ay diyaar u tahay inay haweenka u abuurto. ganacsiyo ay horumar ka gaadhaan, waxaanu ku booriyey inaanay isku halayn taageero ay ka helaan hay’addaha. Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan ayaa dhinaciisa kula dardaarmay haweenka tababarku u soo dhamaaday ayaa u soo jeediyey inay ku daydaan haweenka geeska Afrika ee horumarka ka gaadhay ganacsiga. Maxamuud Jaamac Khayre oo ah madaxda hay’adda Smef ee somaliland oo ka hadlay xidhitaanka tababarkan ayaa waxa uu ka waramay waxyaabaha lagu baray haweenka waxaanu yidhi “Waxa uu ahaa barnaamijkani ahaa laba qaybood kaas oo midna haweenka lagu tababarayey ganacsiga midna xirfada, markaa tababarkani waa qaybtii labaad ka dib markii la ogaaday inay aad u yartahay fursada ay haweenku ka helaan marka tartan loo galayo maalgashiga waxa la go’aansaday in tababarka noocan ah loo qabto kaas oo aqoontooda kor u qaadaya si ay uga qayb galaan fursadaha maalgashiga ee mustaqbalka.” Source
  3. U.S. Africa Command, which oversees U.S. military operations on the continent, will again release the number of enemy fighters killed and damage information caused from its airstrikes, after briefly saying it would no longer do so. “We will continue to report results of strikes, although we are working on refining our messaging to place less emphasis on the number of militants killed and place more context on how these strikes are helping our Somali partners achieve their strategic security objectives,” AFRICOM spokesman John Manley told VOA Friday. The U.S. military announced Thursday it had carried out two new airstrikes in Somalia against the al-Shabab extremist group the day before but did not provide details on fighters killed or damage done to enemy weapons or positions. A U.S. Africa Command spokesman referred VOA and other outlets to the Somali government to obtain that information. Hours later, a defense official told VOA the strikes had targeted an al-Shabab checkpoint, killing one militant. The latest strikes come days after the deadliest U.S. airstrike in Somalia in months. U.S. Africa Command announced Saturday that 52 militants of the al-Qaida-linked extremist group were killed in a strike in Somalia’s Middle Juba region. The U.S. military said the strike was in retaliation for an attack on Somali forces. “The terrorists have attacked the base with suicide blasts and fierce fighting occurred. We defeated them and forced them to flee, killing at least 70 militants during the attack and an airstrike that followed,” Abdinur Ibrahim, a Somali regional security spokesman, told VOA. The post AFRICOM to Resume Announcing Somalia Airstrike Death Tolls appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dhex-dhexaadin ka dhex wada Wasiirkiisa Maaliyadda Axmed Shide iyo madaxweynaha degaanka soomaalida Mustafe Cagjar oo isku khilaafsan arrimo la xidhiidha siyaasadda degaanka ayaa waxa la sheegay in uu soo afjaray khilaafkaasi. Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Garoowe ee caasimadda maamul gobolleedka Puntland. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa lagu soo dhaweeyey Garoonka Jeneraal Maxamed Abshir, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Ku-xigeenkiis, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah. Dhankiisa, Madaxweynaha maamulk Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuud soo ajiibay casumaadda uu u fidiyey. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), iyadoona uu kulammo la qaadan doono masuuliyiinta iyo waxgaradka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Fashil Siyaasadeed Iyo Mid Dhaqaale Oo Ay Waajah-day Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi, halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Maayir ku-xigeenka Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay warar sheegaya in Maayirkii Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco uu iska dhiibay dalka Sweden, halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Maxsuulka Natiijadii ka soo baxday kulankii uu Abiy Axmed isku soo horfadhiisiyey Axmed Shide iyo Cagjar+Waxa lagu heshiiyey+Sawirro Ra’isal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa maanta Magalada Adis ababa kula kulmay madaxda ugu sarreysa ismaamulka Soomaalida. Kulanka Ra’isal wasaaraha iyo labada Nin ee isku khilaafsan hab maamulka Dowlad Degaanka Somalida ayaa waxaa lagu sheegay in uu is afgarad ku soo dhamaaday. Warkooban oo lagu qoray Bogga Twitter-ka ee Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Mustafe Cagjar iyo Axmed Shidde ku heshiiyeen sii wada shaqeynta iyo in laga shaqeeyo horumarinta Maamulka SOomaalida. Todobaadyadii la soo dhaafay Ismaamulka Somalida waxaa ka jiray khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida iyo Madaxweynaha Ismaamulka Mustafe Cumar Cagjar. Afar ka mid ah xubnaha cusub ee Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa xilka qaadis lagu sameeyay kaddib markii lagu eedeeyay in ay khilaaf ka dhexwadaan maamulka sidoo kalena xidhiidh la leeyihiin Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar. Qaran News
  9. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa maanta Magalada Adis ababa kula kulmay madaxda ugu sarreysa ismaamulka Soomaalida. Kulanka Ra’isal wasaaraha iyo labada Nin ee isku khilaafsan hab maamulka Dowlad Degaanka Somalida ayaa waxaa lagu sheegay in uu is afgarad ku soo dhamaaday. Warkooban oo lagu qoray Bogga Twitter-ka ee Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Mustafe Cagjar iyo Axmed Shidde ku heshiiyeen sii wada shaqeynta iyo in laga shaqeeyo horumarinta Maamulka SOomaalida. Todobaadyadii la soo dhaafay Ismaamulka Somalida waxaa ka jiray khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida iyo Madaxweynaha Ismaamulak Mustafe Cumar Cagjar. Afar ka mid ah xubnaha cusub ee Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa xilka qaadis lagu sameeyay kaddib markii lagu eedeeyay in ay khilaaf ka dhexwadaan maamulka sidoo kalena xiriir la leeyihiin Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa caasimada@live.com
  10. New York ( Sh. M. Network )-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay sii wadayaan baahinta ku aadan warbixinada duqeymaha cirka ah oo ay ka fuliyaan Soomaaliya, kadib markii dhawaantani ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen baahinta wararkaasi. “Waxaan sii wadi doonaa baahinta Natiijooyinka ka dhasha duqeymaha, inkastoo aan dib u habeyn ku sameyn doono fariimaheena, sidoo kalena waxaan xoojin doonaa ka warbixinta tirada Dagaalyahannada Al Shabaab ee la dilo iyo faah faahin dheeraad ah oo aan ka bixino duqeymahaasi, sidaasi waxaa VOA-da u sheegay John Mankey oo Afhayeen u hadlay Taliska Mareykaka ee AFRICOM. Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay in qorshahani ay uga gol leeyihiin sidii saaxibadooda wada shaqeynta ka dhaxeyso ay uga faa’iidaysan lahaayeen warbixinadooda, si ay ugu dabaqaan howlgalladooda ku wajahan dhanka amniga. Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeynatii ugu dhimashada badneyd bishani sheegay in ay ku dileen 52 ka tirsanaa Al Shabaab duqeyntaasi oo ay ka fuliyeen duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Dhanka kale Cabdinuur Ibraahim oo ah Afhayeen u hadlay DFS ayaa sheegay in khasaaraha Al Shaaab lagu gaarsiiyay duqeyntii Jilib ay korortay, islamarkaana haatan ay mareyso dhimashada 70 xubnood , sida uu hadalka u dhigay. Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, tan iyo markii talada dalkaasi uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump. The post Mareykanka Oo ka laabtay go’aankii uu ku hakiyay shaacinta duqeymaha Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Sida ay soo warinayaan dadka deegaanka waxaa faraha ka sii baxaya ammaanka degmada Dharkenley, iyadoona saacadihii la soo dhaafay labo Qof oo rayid ahaa lagu dhaawacay xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi. Mid ka mid ah falkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Askari ku labisnaa dareeska Ciidanka dowladda oo dhaawacay mid ka mid ah dhalinyarada kaxeysa Mooto Bajaajta. Sidoo kale dhacdada kale ayaa dhacday xalay, kadib markii nin hubeysan uu u dhacay Guri ay ku sugneyd Haweeney, kaas oo lugta ka dhaawacay. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka amni ee ka jira degmada Dharkenley ee G/ Banaadir. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Cod-Turkey-.mp3 The post Dilal iyo falal amni dari Oo ka dhacay Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda dowladda Puntland. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Jeneraal Maxamed Abshir ee Garowe Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, K/xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Puntland ah. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa salaan ugu istaagay boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada Garoowe ee Barxada kuwaas oo lulayay calanka Soomaaliya iyo kan Puntland, kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Madaxweynaha oo shir saxaafadeed ku qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wada jir loo abbaaro xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay shacabka iyo hoggaanka Puntland isku duubnida, isaga oo bogaadiyay doorashadii hufnayd ee ka qabsoontay Puntland. Dhanka kale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuud heer Federaal ee soo ajiibay casumaadda uu u fidiyey. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galaya xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), iyadoona uu kulammo la qaadan doono masuuliyiinta iyo waxgaradka Puntland. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garowe appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ururka Midowga Afrika ayaa wada qorshe sare loogu qaadayo howlgallada Booliska AMISOM ay ka wadaan qeybo ka mid ah Soomaaliya. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska dalka Uganda iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madax howlgalka AMISOM Francisco Madeira. Waxaana labadad dhinaca ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa howlgallada Booliska AMISOM ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Grace Turyagumanawe oo ah sarkaal ka socda Booliska Uganda ayaa xusay ballaarinta Ciidamada Booliska AMISOM ay gogol xaar u tahay tayeynta Booliska Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa kordhinaya tirada Booliska ka jooga Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah qaraar sanadkii 2017-kii ka soo baxay golaha ammaanka ee QM. Dalka Ghana ayaa dhawaan Soomaaliya uu soo diray 120 Askari oo Boolis ah, kuwaas oo ku biiraya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Jabuuti ayaa ballan qaaday in Ciidamo Boolis ah u soo direyso Soomaaliya, si ugu qeyb qaataan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika The post Midowga Afrika Oo xoojinaya howlgalkiisa Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Baladweyne ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa u istaagay olola Isxilqaan ee uu kol hore ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Dhalinyaradan ayaa olole nadiifin ah ka bilaabay xaafadaha Baladweyne, si ay u soo celiyaan bilicdii ay laheyd magaaladaasi. Cabdi Muumin Cilmi oo ah gudoomiyaha urur ay ku midoobeen dhalinyradaaasi ayaa ka warbixiyay Ololahaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ka dhalinyaro ahaan ay si abaabuleen, si ay wax ugu qabtaan dadkooda iyo dalkooda. Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka, sidoo kalena lagu nadiifinayo xarumaha muhiimka u ah bulshada, si loo soo celiyo qurxudii iyo maamuuskii ay lahaan jirtay Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Ololaha Isxilqaan Oo ka hirgalay magaalada Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Madaxweyne Farmaajo oo soo gaaray magaalada Garowe, ayaa dhaafay kumanaan shacab ah oo ku sugayay inuu kula hadlo barxada magaalada Garowe. Dadkaan ayaa saakaydii hore [...] Source
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dejiyey qorshe ay ku xaqiijinayaan in xafaladda Garoowe aysan noqon masrax siyaasadeed ay ku barataman madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ku ah. Magaalada Garoowe waxaa ku sugan madaxweyne Farmaajo, Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo siyaasiyiin iyo xildhibaano kale oo mucaarad ah, oo la filayo inay halkaas khudbado ka jeediyaaan. Qorshaha Puntland ayaa ah inay xaqiijiyaan in ujeedkooda oo ah in caleemo-saarka madaxweyne Saciid Deni uu noqdo mid maqam sare, aanay diiradda ka weecin dagaal siyaasadeedka madax kale ee Soomaalida. Sida aan xogta ku helnay, dhammaan dhinacyada khudbadaha ka jeedinaya halkaas ayaa loo sheegay inay diiradda saaraan kaliya caleemo-saarka iyo xaaladda guud ee dalka, balse aysan u adeegsadan masraxa meel siyaasiyiin kale ka weeraraan. Waxaa sidoo kale la mamnuucay shirarka jaraa’id iyo isku imaatinyada ka baxsan caleemo-saarka. Waxaa si gaar ah loola hadlay siyaasiyiinta mucaaradka iyo xildhibaanada kasoo horjeeda xukuumadda nabad iyo nolol, kuwaas oo aad looga cabsi qabo inay madaxda dowladda weeraraan ama aflgaadeeyaan. “Puntland walaac kama qabto Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Shariif, way ogtahay inay yihiin dad degan, oo aanay ka suurto-galin inay siyaasi kale aflagaadeeyaan, balse waxaa cabsida laga qabaa dhinaca siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kale ee mucaaradka” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Mahadaay ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax lagu dilay Askar ka tirsanaa Ciidamada Burundi oo ka dhacay deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen illaa 3 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya. Qaraxa ayaa ka dhacay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen Ciidamadaasi, sida ay baahiyeen Al Shabaab. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM, gaar ahaan Ciidanka Burundi oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro jidgal ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe oo hoostaga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. The post Al Shabaab Oo sheegay in Askar Burundi ah ay ku dileen Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Ciidamada daraawiishta ee maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa ay la wareegeen deegaanno ay Al-shabaab kaga sugnaayeen galbeedka magaalada Kismaayo. C/nuur Ibraahim Xuseen oo ah afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadan ay ka baxeen deegaanka Cabdalla Biroole ayna la wareegeen deegaannada kala ah La heleey, beerxaani, Cabdi Dhoore iyo haad-weyne. Waxa uu sheegay in ciidamada Jubbland ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo gobolka Jubbada Hoose kaga sugan yihiin Al-shabaab. Dhanka kale, afhayeen C/nuur ayaa sheegay in howlgalkan maanta ay sameeyeen aanu wax khasaare ah ka dhalan, qeybna ka yahay howlgalkii uu ku dhowaaqay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Howlgalkan wuxuu ahaa mid qorsheysan, wax khasaare ahna ma jirin, nimankii Al-shabaab ahaa markii ay arkeen awoodda ciidamada waa ay carareen, waana wejigii Koowaad ee howlgalka uu ku dhowaaqay madaxweynaha Dhowaan, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka saari doonaan guud ahaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa sii diiran Garoowe ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dhawaan la doortay ee Puntland Saciid C/laahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi. Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha DFS ayaa ka qeybgalaya xafladda caleema saarka Madaxweyne Deni oo caawa ka dhaceysa halkaasi. Sidoo kale waxaa barqanimadii maanta magaalada Garoowe lagu soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaas oo ka qeybgalaya munaasabaddaasi. Madax kala duwan oo ugu horreeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa Sheekh Shariif ku soo dhaweeyay Garoonka Garoowe, una galbiyay madaxtooyada maamulkaasi. Caawa fiidka hore ayaa lagu wadaa in caleema saarka uu ka bilowdo xarunta madaxtooyada ee dowlad goboleedka Puntland. The post Madaxweyne Farmaajo Oo gaaray magaalada Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-260119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  21. The president of the Somali state in Ethiopia, Mustafa Mohamed Omar arrived in Addis Ababa for the third time in a month amid escalating political tension in the ruling party. Reports from Ethiopia indicate that eleven members of the regional state’s cabinet, including Mustafa, have arrived in Addis Ababa on Friday afternoon, where they are expected to brief PM Abiy Ahmed about the situation in the Somali regional state. In the past, Somali region vice president said members of the ruling party are working on a plot to oust the sitting president Mustafa Mohamed, who has been in office for six months. Mohamed has accused the chairman of the ruling party Ahmed Shide who is also the Minister of Finance of Ethiopia of committing treason and plotting a coup. The current president has replaced Abdi Mohammed Omer who was arrested after three days of deadly violence in the regional capital Jijiga in August. Rights groups said his administration had set out to provoke ethnic bloodshed and had ordered a paramilitary force to attack minorities. After a five-month investigation, prosecutors had decided to charge Abdi and 45 other officials, 40 of them who are still on the run, the Federal Attorney’s Office said. Abdi has made no public statement about the charges. “Horrific crimes have taken place. It had become a country where victims’ throats were slit, others burnt alive or buried alive and left for dead,” the Office’s communications director, Zinabu Tunu, told reporters. Fifty-eight people died and 266 others were injured during the violence, including a priest set on fire inside a church, Zinabu added. Encouraging ethnic strife amounted to inciting a civil war, the office said. Abdi Mohammed Omer spent more than a decade in charge of the remote and largely lawless region on the border with Somalia, much of that time spent trying to crush separatist ONLF rebels. Rights groups regularly accused his administration of abuses including torture during the fight with insurgents. The post President of Somali state in Ethiopia arrives in Addis Ababa appeared first on Shabelle. View the full article