Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,979
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 7 Qof ayaa maanta ka soo muuqday maxkamadda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayada oo lagu soo eedeeyay dambiyo badan. Raggan ayaa waxaa ay Taleefan u eg midka Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ka waceen madaxa sharikadda Sameer Africa ,oo lagu magacaabo Naushad Meralli. Ninkan ayaa markii la soo wacay waxaa uu ku maqnaa dalka dibaddiisa, waxaana lagu yiri “waxaa kula hadlaya madaxtooyada Kenya, waxaan dooneynaa inaad fududeyso iibsiga dhul, lacagta dib ayaan kaa siinayaa”. Naushad Meralli, ayaa madaxa maaliyadda ee sharikaddiisa Sameer Afrika amar ku siiyay in lacagta la weydiistay oo dhan 10Milyan oo Shilinka Kenya ah uu ku shubo Akoon Bangiga Equity Bank, kaas oo ay raggan u sheegeen. Todobada qof ee Qiyaanadan loo xiray ayaa kala ah; Joseph Waswa, Duncan Muchai, Isaac Wajekeche, William Simiyu, David Luganya, Gilbert Kirunja iyo Anthony Wafula. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu soo dhaweeyay sii daynta Abwaan Cabdiraxmaan Abees, oo Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex maalintii shalay xorriyadiisa u soo celisay kadib markii ay danbi ku wayday. Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu sheegay in taasi tusaale u tahay madax-bannaanida Garsoorka Somaliland, waxaanu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta garsoorka Somaliland ay sii daysay wiil yar oo dhallinyarro ah oo gabay tiriyay oo xukuumadda ammaanay oo booliska ammaanay inay yidhaahdeen idinka ayuunbaa baqdaye inanku wax weyn muu gaysan ee waa xor, waanu qaadanaynaa garsoorku waxa uu yidhi, garsoorka waanu aaminaynaa waxa ay noo bixiyeen, haddii isaga laga xukumi lahaa waxa uu odhan lahaa waa lay xaqiray ee waxa aan qaadanayaa ambiil, waxaanu leenahay annagu waanu ku kalsoonahay, qofka ma xidhno haddii aanu aragno dadka xeerka ilaaliyaa arkaa in uu qaldamay waa la qabtaa oo waa eedaysane maxkamadda ayaa noo kala gar goysa..” ayuu yidh Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Halkan hoose ka daawo https://www.youtube.com/watch?v=BUfYMgtJXq0&t=152s Source
  3. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha. Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa cod u qaaday muddo kordhin loo sameeyay shirweynaha xisbigaasi. Xubnaha golaha dhexe ayaa waxa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in muddo sannad ah dib loo dhigo shirweynaha xisbigaasi, waxaana loo asteeyay in uu qabsoomo bisha April 2020-ka. Shirakan la asteeyay April 2020 ayaa waxa la filayaa in lagu dooran doono hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE. Waxaana la soo gabogabeeyay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo laba maalmood ka socday magaalada Boorama. Source
  5. (SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan ayaa goor dhow dil u geystay nin dhalinyaro ah oo ku ganacsanayay Suuqa Xamar weyne. Wararka ayaa sheegaya in labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen ninka dhalinyarada ahaa oo ku ganacsanayay halka loo yaqaano Afar Irdooka Xamar weyne. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in raggii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta, iyadoo markii dambe ay goobta gaadheen ciidammada amniga. Dilkan ayaa ka mid ah dilal qorsheysan oo muddooyinkii u dambeeyay ku soo kordhayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho Source
  6. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad ka helay Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani, waxayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha. Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac. Ugu dambeyn, booqashadan ayaa waxay imaanaysaa isagoo shalay kasoo laabtay dalka Masar oo uu kaga qayb-galay shrkii Carabta iyo Yurub, kaas oo qodobbadii looga hadlay ay ka mid ahaayeen horumarinta Qaaradda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
  7. Wararka ka imaanaya magaalada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka socdo muddaharaad lagu muujinayo dareenka murugo iyo xanuunka uu reebay dilkii waxashnimada ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas. Dad u badan haween iyo dhalinyaro ayaa muddaharaad ku maraya qeyba kamid ah magaalada waxaana ay dalbanayan in caddaalad loo raadiyo marxuumad Caa’isha Ilyaas oo si banii’aanimada ka baxsan kufsi iyo dil loogu geystay Gaalkacyo. Sidoo kale guud ahaanba waxaa maanta la fasaxay xarumaha waxbarashada waqooyiga Gaalkacyo waxaana ardaydii dugsiyadu ka qeyb qaadanayan muddaharaadka ka socda magaalada ee caddaalada loogu dalbayo Caa’isha oo ka tirsaneyd bahda waxbarashada. Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa isna haatan la shiraya laamaha amniga mas’uuliyiinta maxkamadaha ganacsatada iyo isimada gobolka iyadoo laga arrinsanayo kiiska gabadha yar. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdulqaadir Xuseen Nuur (Dirir) ayaa kulanka ka sheegay in goob fagaare ah lagu ciqaabi doono cid kasta oo ay ku caddaato jariimada Caa’isha laga galay. Guddoonka waxbarashada gobolka Mudug ayaa isna maanta booqday dugsiga hoose/ dhexe Salaama oo ay dhiganaysay Caa’isha Ilyaas gaar ahaanna fasalka lixaad ee ay ka tirsaneyd. Maamulka ayaa ku dhawaaway in fasalka lixaad ee dugsiga Salaama loo bixiyay “Fasalkii Caa’isha” si loogu xasuusto mustqabalka. Dhinaca kale maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo saartay waaran lagu soo soo qabanayo magacyo lagu tuhmayo dilkaasi Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in fagaare lagu ciqaabi doono ciddii lagu helo dilkii Caa’isha appeared first on Puntland Post.
  8. Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo left Mogadishu Tuesday for Qatar, a day after he returned from Egypt where he attended EU-Arab League summit. Farmajo will meet Qatari Amir His Highness Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani at the Amiri Diwan, on Wednesday and are expected to discuss bilateral relations between the two countries and means of boosting. The state of Qatar and the Federal Government of Somalia developed close diplomatic relations since Somalia neutral stance on gulf blockade on the tiny wealthy nation. Saudi Arabia, UAE, Bahrain, and Egypt imposed a blockade on Qatar one year ago blaming Doha for supporting terrorism accusations denied by the monarch government. Qatar is supporting the Somali government in several development projects across the country. The Gulf state donated $200 million and more than 67 armored vehicles last month to Somali armed forces in its efforts to help fight against the militant group in the country View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacado kadib markuu kasoo laabtay dalka Masar wuxuu maanta u ambabaxay magaalada Doha ee dalka Qatar. Caasimada Online ayaa xalay heshay xogta safarka madaxweynaha, waxaana halkaasi uu ku tagayaa safar muddo labo maalin ah oo uu kula kulmayo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Qatar. Wafdiga madaxweynaha waxaa kaga horeeyay magaalada Doha Fahad Xaaji Yaasiin, waxaana socdaalka ku wehliya wasiiro iyo xubno ka tirsan baarlamaanka. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha ee maanta u duulay dalka Qatar. Qatar ayaa dhawaan dhagax dhigtay mashaariic ay kamid yihiin dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Dad badan ayaa eedaha kufsiga soo badanaya dusha uga tuura odayada dhaqanka ee iyagu masalaxaadda aan joojin karin denbigan la dabataagan. Si haddii loo eego [...] Source
  11. The U.S. military said on Monday that a recent airstrike in central Somalia killed 35 al Shabaab fighters. The United States carries out regular air strikes in Somalia in support of a United Nations-backed government there, which has been fighting against an al Shabaab insurgency for years. In a statement, U.S. Africa Command said the strike took place on Sunday near Beledweyne, Hiran Region in Somalia. “This air strike targeted armed al Shabaab militants as they were transitioning between locations in a rural area,” the statement added. While the pace of strikes has increased recently, it is unclear what lasting impact, if any, the strikes are having on the militant group. Al Shabaab wants to overthrow the weak, U.N.-backed Somali government and impose strict Islamic law. View the full article
  12. Go’aan kasoo baxay Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Gaakacyo ayaa lagu amray ciidamada amnigu inay soo qabtaan gaariga noociisu uu yahay Marke II, aqoonsigiisuna yahay GG682 iyo [...] Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dil ka dhacay degmada X/Weyne ee gobolka Banaadir, waxaana dilka ka dambeeyay kooxo hubeysan oo ka baxsan halka falka uu ka dhacay. Dilka ayaa ka dhacay Afar irdoodka Xamarweyne, waxaana la sheegay in goobta lagu dilay ruux dharka Huudheyda ku iibin jiray degmada Xamarweyne, kaasi oo dadka deegaanka si weyn ay u yaqaaneen. Ruuxa la dilay ayaa meydkiisa laga qaaday goobta uu falka ka dhacay, iyadoo la sheegay in muddo kooban uu goobta yaalay, waxaana baxsaday kooxda falka dilka ay geysatay, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa goob aan sidaa u fogeyn ayaa tegay, iyagoo haatan halkaasi ka wada baaritaano ku aadan qaabka uu falkan u dhacay. Magaalada Muqdisho ayaa waxa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan ay geysanayaan Ragga ku hubeysan Bastooladaha. Dhawaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo loo qorsheeyay inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho, waxaana wali jirin cid loosoo qabtay dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa in khamiista toddobaadkan uu socdaal ku yimaaddo Somaliland. Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa in uu booqan doono magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ka qayb-qaadan doono, dhagax-dhigga waddada Berbera illaa Wajaale, oo uu Madaxweyne shaaciyay in dhawaan la dhagax dhigi doono. Madaxweyne Cagjar ayaa la sheegay in uu soo wakiishay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed. Source
  15. Gaalkacyo (SMN) – War ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu wargeliyay maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo iyo in ay u diyaar-garooban dhismaha golaha degaanka magaaladaasi. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in dhismaha golahaasi wasaaraddu ay qorsheysan 25-ka biasha soo socota ee Maarso ee sanadkan 2019-ka. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen taliye ku xigeenka cusub ee AMSOM Nakibus Lakara iyo taliye ku xigeenkii hore Tai Gituai ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Taliye Lakara oo kasoo jeeda dalka Uganda ayaa markii labaad qabanaya xilkan, isagoo horay ugu soo shaqeeyay sanadihii 2015 iyo 2016. Musaabadda xil wareejinta ugu horreyn waxaa ka hadlay taliyaha xilka wareejinayay oo ka hadlay hormarada iyo caqabadaha haatan uu wajahayo howlgalka AMISOM ee Soomaliya . Dhankiisa taliyaha cusub oo xilka la wareegay ayaa mahadceliyay taliye Tai Gituai, waxaana uu ballan qaaday in halkiisa uu ka sii wadi doono shaqada. AMISOM ayaa waxaa haatan horyaalla qaraarka QM ee ka bixitaanka Soomaaliya sanada 2021-ka, iyadoona DFS ay isku diyaarineyso la wareegitaanka amniga dalka. View the full article
  17. Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay askari ka tirsanaa ciidanka maamulka HirShabelle lagu dilay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in toogasho ay ku dileen askarigaasi, xilli uu ku sugnaa xaafadda howlwadaag ee magaaladaasi. Sidoo kale rasaasta ay fureen raggaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen illaa 2 Qof oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dableydii ka dambeysay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kana sameeyay baaritaano kooban. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  18. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qof kalena waa ku dhaawacmay kadib markii Dab xoogan uu ka kacay kaalin shidaal oo kutaalay degmada Burtinle [...] Source
  19. Dabkii oo la bakhtiiyay Wararka ka imaanaya degmada Buurtinle koonfurta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in hal ruux ku dhintay mid kalena ku dhaaawacmay dab saaka qabsatay kaalin shidaal oo ku taalla degmadaasi. Qofka dhintay oo nin ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cabdiweli Diiriye waxaana dhaawac culus soo gaaray aabbihiisa oo lagu magacaabo Cabdiweli Diiriye sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada. Dadka magaalada oo adeegsanaya booyado biyaa ayaa markii dambe bakhtiiyay dabkii kaalinta qabsaday inkastoo sida la sheegay ay wakhti badan ku qaadatay. Qaar kamid ah dadkii u gurmaday kaalinta Shidaal ee gubatay ayaa sheegayaa in dab-damis la’aan ka jirta degmada Buurtinle awgeed ay wakhti badan ku qaadatay in la bakhtiiyo dabka. PUNTLAND POST The post Dab ka kacay Buurtinle oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay appeared first on Puntland Post.
  20. Nairobi (Caasimada Online)-Koox Dhalinyaro Kenyan ah oo watay Bootooyinka loo yaqaan Dhug dhugleey ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ciidamada booliska ee la weeraray ayaa ku sugnaa wadada Thika ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay inaysan waxyeelo kasoo gaarin ciidamada la socday gaariga bam gacmeedka lagu weeraray. Ciidamada booliska ayaa tilmaamay in la qabtay dadkii ka dambeeyay weerarka, waxaana isku dhac uu ka dhacay wadada Thika ee magaalada Nairobi, iyadoo xabsiga la dhigay dhalinyaro Kenyan ah oo falkaasi ka dambeeyay. Mooto ay ka carareen kooxda weerarka geysatay, Seddex Mobeyl iyo labo bambaano oo aanan qarxin ayaa la sheegay in gacanta ay ku dhigeen ciidamada booliska ee dalka Kenya, waxaana la dhigay xabsiga shan ruux. Shanta qof ee weerarka geysatay ayaa u dhashay kenya,waxaana lagu kala magacaabaa Kevin Opiyo Onyango 24, Maricus Odhiambo 30, Moses Okiri Nyarianga 21, Collins Juma Oduor 19, iyo Samwel Wanyoike Njeri oo 19 jir ah. Dhawaan ayay sheegeen inay laamaha cadaalada ku wareejin doonaan shanta ruux ee lagu qabtay howlgalka ka dhacay magaalada Nairobi, waxaana wali ku socda baaritaanka xogaha looga raadinayo. Warbixinta Booliska ee la xiriirta weerarkan wali si rasmi ah uma soo bixin sidoo kale ma sheegin dhallinyaradan ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE uga socday magaalada Boorama ayaa waxa uu galay maalintiisii labaad, waxaana shir guddoomiyanayay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Shirka ayaa waxa lagu ansixiyay 260 xubnood oo ka kooban yahay golaha dhexe ee xisbiga kuwaas oo doortay guddoomiyaha golaha dhex iyo ku-xigeenkiisa. Qaabka ay u dhacday codaynto guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE: Xildhibaan Maxamuud Jaamac waxa uu helay 257 cod. Shariif Abokor Maxamed waxa uu helay 13 cod. Qaabka ay u dhacday codaynto guddoomiyaha ku-xigeenka golaha dhexe ee KULMIYE: Cabdi Siciid Faahiye waxa uu helay 21 cod Nasra Maxamed Cabdi waxa ay heshay 44 cod Cali Maxamed Cali waxa uu helay 200 oo cod. Shirka waxa guddoomiye golaha dhexe loogu doortay Xildhibaan Maxamuud Jaamac , halka guddoomiye ku-xigeena loogu doortay Cali Maxamed Caliyow. Shirkan oo shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu u muuqday mid hore loogu soo kala baxay oo la soo calaamadiyay cidda noqonaysa hoggaanka golaha dhex. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
  22. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney maanta howlgallo ballaaran ka wadaan xaafado ka mid ah magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan. Howlgalkaan ayaa xooggiisa waxay ciidanka ka wadaan xaafadda Howlwadaag ee B/weyne, waxayna wararka sheegayaan in ciidanka dad kusoo qabteen. Howlgalkan ayaa daba socda dil shalay xaafaddaasi loogu geystay Labo wiil oo dhallinyaro ah, mid ka mid ah wuxuu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka. Saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgalkaan wada kama aanay hadalka sida ay wax u socdaan, hase ahaatee magaalada B/weyne ayaa maalmahan dambe amni ahaan ahayd mid soo hagaageysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan dadkii ka dambeeyey dilkii shalay deegaanka Xaawo Cabdi loogu geystay dad shacab ah. Jeneraal C/laahi Xasan Bariise, taliyaha hoggaanka waaxda canshuuraha ee ciidanka Booliiska oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in geerida ay gaartay 9 qof, islamarkaana hadda ay wadaan baaritaanno xooggan. Wuxuu taliyaha sheegay in ay soo qaban doonaan cid walbo oo falkaasi ka dambeysay, islamarkaana aan laga daba hari doonin. “Baarista si xowli ah ayeey u socotaa, waxaa halkaa loo taagan tahay in baaris looga dabatago dhagar-qabayaashii falkaasi geystay, gacantana lagu soo dhigo, natiijadana shacabka waan la wadaagi doonnaa” ayuu yiri taliyaha. Rag hubeysan ayaa shalay barqadii waxay deegaanka Xaawo Cabdi ku dileen 9 qof oo ka shaqeynayey nafaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi maanta uu ku wajahan yahay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Galmudug, waxaana safarka ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulka Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa u tagaya degmada Godinlabe dhameynta dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Kaxandhaale, halkaasi oo labo maleeshiyaad ay ku dagaalamay sanadkii lasoo dhaafay. Deegaanka Kaxandhaale waxaa horey odayaasha dhaqanka ay u diideen inuu halkaasi tago wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya kadib markii ay ku qanci waayeen hanaanka loo maray wadahadal siinta labada beeleed. Xubno ka tirsan maamulka Degmada Godinlabe ayaa sheegay in la adkeeyay amaanka magaalada iyo deegaanka Kaxandhaale, halkaasi oo dib u heshiisiin laga dhex bilaabayo dhinacyadii ku dagaalamay. Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya, waxaana uu marar badan dhaliilay in waxyaabaha dowladda ka hergelineyso deegaanada Galmudug aanan lagala tashan. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com