Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar____Qubanaha-26022019.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Onlinbe) – Kooxo hubeysan ayaa caawa waxay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Weerarka oo loo adeegsaday Bam gacmeed lagu tuuray Fariisin Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Afaafka hore ee Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere, ayaa dhaliyey Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay u sheegeen in weerarka uu ku dhintay darawal Mooto Bajaajle ahaa oo xiliga falka uu dhacayay goobta marayay, halka laba qof oo kalena oo shacab ahaa ay ku dhaawacmeen. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa weerarka kadib furay rasaas xoogan, iyadoona durbo goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen ragii ka dambeeyay falkaasi . Dhinaca kale, Inta la xaqiijiyay Saddex Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhintay Qarax lagula eegtay degaanka KM13 ee duleedka Magaalada Muqdisho. Sidda ay sheegeen dadka degaanka Saddex Askari ee dhimatay mid ka mid ah ayaa ahaa Sarkaal ka tirsan ka Ciidanka xoogga. Ciidankaan ayaa gaari ay saarnaayeen waxaa halaleey Miino dhulka lagu Aasay xilli ay ku soo jeedeen Magaalada Muqdisho. Waxaa Qaraxa sidoo kale ku dhintay Wiil arday ahaa oo ka yimid iskuulka lana kulmay Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Waxa uu dab xoogani ka kacay oo shuf beelay xafiiska isgaadhsiinta qaranka oo hoos timaada wasaarada warfaafinta siiba idaacada iyo Telefeeshinka qaranka ee ku hadla afka xukumadda Somaliland, dabkaasi kacay oo xooganaa waxa uu baabiiyay dhamaan agabkii halkaasi yaalay oo u badnaa qalabka wax lagu duubo, computaro iyo qalab aad u baaxad leh oo wax lagu duubo iyo sidoo kale qaybo lagu xafido waxyaabaha ay warbaahinta madax banaani baahiso maalin walba. Xafiiskani oo ay ku baxday lacag aad u tiro badani waxa samyntiisa iyo fikirkiisaba lahaa wasiirka warfaafinta Guribarwaaqo, waana qayb ka mid ah dabagalka warbaahinta madax banaan ee aan taageerin xukumadda si loo helo qalad ay maalin galaan oo lagu maxkmadeeyo ama dacwad loogu soo oogo. Lama garnaayo waxa dabkani kaciyay ilaa hadana wasaarada warfaafintu kama ay hadlin khasaarahani ku habsaday qaybtaasi shuf beeshay oo loo samystay cabdhunta saxaafada xorta ah Qaran News
  4. Muqdisho (SMN) – Taliska Maryekanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in duqeyn cusub ay 25-kii bishaan ka geysteen gobolka Hiiraan. Weerarka cirka ah oo ka dhacay tuulada Shabeelley ayaa la sheegay in lala beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku tababari jirtay dagaalyahano. Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka AFRICOM, 20 ka tirsanaa Shabaab ayaa howlgalkaasi lagu dilay. AFRICOM ayaa ku adkeysatay in howlgalkaasi ay fuliyeen uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah. Illaa iyo haatan Ma jirto jawaab ay Al-Shabaab ka bixisay sheegashada dowladda Mareykanka. Maalmihii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaadey duqeymaha uu Al-Shabaab kula beegsanayo Soomaaliya. View the full article
  5. (SLT-Ceerigaabo)-Booyadii Daamurka Ee Waddada Ceerigaabo Oo Gubatay Iyo Hay’adda Waddooyinka Iyo Maayirka Degmada Oo Ka Hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Doxa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaadhay magaalada Dooxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Qatar, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Qatar iyo Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Madaxweyne Farmaajo bishan oo kaliya 10 maalmood oo ka mid ah ayuu dalka Soomaaliya ku sugnaa, halka inta kale uu safaro dibadda ugu maqnaa. Waxaa uu muddo laba toddobaad ah u safray shan dal oo afar ka mid ah ay ku yaallaan Afrika, kuwaasoo kala ah; Itoobiya oo uu Shirkii Midowga Afrika kaga soo qeybgalay, Burundi, Jabuuti iyo Masar oo uu kula soo kulmay madaxweynayaashooda. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cismaan Axmed Maxamed Kujare oo ka mid ah masuuliyiin dhawaan laga caydhiyay xisbi xaakimka KULMIYE ayaa tix gabay ah waxa uu kula hadlay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. waxay ahayd goor ay ilyartu is qabatay,madaxweynaha somaliland u anbabaxay aagga iyo galbeedka,isagoo gobolka cagaaran kala kulmay caleemo qoyan oo dadweynaha reer gebiiley kusoo dhaweeyeen xaggaa. waxay ahayd goor galbeedka somaliland u diyaar garoobeen soo dhaweynta madaxweyne la doortay si magaalo madaxda boorama uu uga qayb gallo shirweynihii xisbigii xaakimka ahaa ee kulmiye, boorama oo ah hooyada somaliland,isla markaasina ah meel aqoontu taalo ayaa madaxweynaha ugu sacab tumay haddalo nuxur leh oo uu shirkaa ka jeediyay mr biixi. boorame oo ah meel barakaysan isla markaasina gundhig u ah qaranimadii saddex iyo sagaashankii lagu doortay ruug cadaa weyn oo alla usoo diray umadda mr cigaal. runtii kulmiye waa u sharaf inay shirweynaha ku qabsadaan boorame annigoo axsaabta kalana ugu baaqayaa shirweynnayaashi inay ku qabsadaan sida boorame laascanoodd taleex iyo saylac. kulmiye wuxuu jeexay dariiq wanaagsan oo aan looga horreyn,xisbiga waddani iyo ucidna waxaan u rejaynayaa inay sidaas oo kale u sameeyaan shirweynayaashooda.mr biixi waxa uu u hadlay si macquula haddaladiisa waxa ka buuxay xikmad iyo haddalo culus hamse riiraash hamseriraash@hotmail.com Source
  9. Sanadkii 1978 dii ayaa Kornayl Abdilahi Yusuf u talaabay dhinaca Ethopia kadib markii uu dhicisoobay Inqilaabkii Isla sanadkaas ay isku dayeen isaga iyo Korneyl Cirro oo ay isku beel ahaayeen, iyo saraakiil kale oo wehelisay oo rabay inay inqilaab talada dalka kagala wareegaan General Barre, waxaana fashilka afgembigaas kadib la toogtay Korneyl Cirro iyo lix iyo toban qof oo kale oo isku-daygaas Afgembi loo tirinayay, halka Korneylkuna u cararay dhinaca Ethopia oo uu kaga dhawaaqay jabhadii ugu horaysay ee halgan hubaysan kala hortagta Dawladii uu hogaamiyaha ka ahaa Generaal Siyaad Barre, saldhigii jabhadani wuxuu noqday Gudaha Ethopia, iyagoo saanad, sahay iyo tababaraba ka helay Dawladdii Ethopia ka talinaysay xiligaas, oo uu Hogaamiye ka ahaa Korneyl Mingiste Haile Mariam, oo hogaanka General Barre ugu ciilqabay dagaalkii 77 ay Soomaalidu ku qaaday dawladii uu hogaaminayay Korneyl Mingiste oo xiligaas cusbayd, hogaankana haysay labo sanadood oo qudha markii gulufka colaadeed qabsaday. Sida ay markii danbe kuwada andoocanayeen jabhadii gadaashood asaasmay ee SNM, USC, iyo SPM, jabhadan SSDF ee uu hogaamiyaha ka ahaa Korneyl Abdilaahi Yusuf, waxaa saldhig u ahaa dooda halgankooda inay rabaan inay Soomaaliya ka xoreeyaan eexda, qaraabiilka, caddaalad darradda iyo musuqmaasuqa uu dalka ku xukumayay keligii taliye Siyaad Barre, ciidamo beeleedyo ayaa kornaylku ka ururiyay deegaamadii uu kazoo jeeday si xoog ciidan oo jabhadda cusub u dagaalama looga dhigto, halka ay waxoogaa saraakiil iyo ciidamo ah oo beesha kornaylka kazoo jeeday ay iyaguna ka goosteen ciidamadii Soomaliya, xoojin ahaana ugu biireen jabhadii kornayl Abdilahi Yusuf ka aasaasay gudaha Ethopia, kuwaasoo weeraro u badnaa ku-dhufo-oo- ka dhaqaaq ku eekaysiiyay Ciidamadii Daacadda u ahaa General Barre ee goboladda dhexe ku sugnaa. Nasiib Darrose, jawaabta ay weeraradaas ka bixiyeen Generaal Barre iyo ciidamadiisii daacadda u ahaa may noqon mid lagu abaaro unugyadii jabhadeed ee weerarka ahaa oo keli ahe, ee waxay noqotay in cagta la mariyo dad iyo duunyaba ciddii loo arkayay inay taageero muuqata iyo mid qarsoonba u hayso jabahadda SSDF,tanina waxay keentay Geerida, dhaawaca, Kufsiga, Barakaca iyo dhaca kumanaan qoys oo shacab Soomaali ah oo aan waxba galabsan, kuwaasoo dhiigoodii lagu xalaashaday magaca qarankii difaaci lahaa sharaftooda, maalkooda, iyo naaftoodaba. Dhibaatadda iyo daranyadda dadkaas shacabka ku dhacaysayna waxaa xanuunkeeda la ilmeynayay ciddii ay ku dhacaysay oo qudha, mana jirin Goboladii kale ee Soomaaliya meel looga ooyay, ama looga mudaharaaday sababtay doontaba ha noqotee, nin aanan magaciisa hadda haynin oo abwaan reer Mudug kazoo jeeday ahaa ayaa ku calaacalay Maanso ay tixdani dhextaal u ahayd: MUQDISHA IYO HARGEYSAAY SUN BAAD MALAFSANAYSAANE, ANNANA NALA MADHI IDINNA WAAD SII MAR-FURATEENE, Abwaan Mahamed Ibraahim warsame (Haadraawi) oo isna tacadiga mudug ku dhacayay dareenkiisa ku cabirayay ayaa ka tiriyay Maanso uu tuducani ka mid yahay: HUBKA MUDUG KU TALAX TEGAY, ALLEYLEHE HUBSIIMIYO HAKIS BUU U BAAHNAA, HAWSARYHAOW GURXAMAYAA, CAKU HALALACDAADEE WAXAAD KALA HUFAYSAA, KALA HAADINAYSAA MA HILBAHAYGIIBAA. la soco, qormadda 4 aad, Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (HUssein-laki) Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com Source
  10. Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Dooxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Dooxa, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Qatar iyo Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Booqashadaan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ay kamid yihiin; Wasiirada Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Maryan Aweys Jaamac. View the full article
  11. Qofkasta oo bali aadan ahi waxa uu nolosha ku leeyahay kaalin muhiima dhinac kasta, illaalinta diintiisa, naftiisa, dalkiisa iyo dhaqankiisaba, hadaba waxan isku dayayaa inaan si qoto dheer u sharaxo kaalinta dhalinyaradu ku leedahay bulshadeenan. Dhalinyaradu waa meesha kaliya laga qaato miqyaaska jiritaanka umadeed, hadii umadaasi dhalinyaradeedu tahay kuwa buuxiyay kaalintii looga baahna bulshadooda, oo ay dhalinyaradasi noqdaan kuwa u fakira dhinaca fiican iyo horumarka, illaalinta diindooda, dhaqankooda, dadnimadooda, jiritaankooda, ka qayb qaadashada technologiyada iyo tartanka wax barasho waxaa layidhaa umadaasi jiritaankeeda iyo mustaqabalkeedu waa mid rajo fiican leh. Dhalinyarada iyo mustaqbal ka ummad kastaaba waxay leedahay madal iyo meel laga maamuuso dhaqankeeda iyo jiritaankeedaba, hadayna taasi jirina waxaa suuro-gal ah walibana hubaal ah, in ay noqoto umad habawsan oo halaysan kuna dhex milanta si fudud umadaha kale, dhalinyarada ayaa laga miisaamaa umada jiritaankeeda iyo hoogeeda. Haday dhalinyarda iyo ardaydu ay yihiin dad ifafaale wanaagsan leh oo tarminaya hadafkooda iyo hiigsiga ay leeyahiin, qadarinaya aqoonta iyo asluubta suubban ee ay leeyihiin waxa lahubaa in ay horumar gaadhayaan, buuxinayaana kaalintii looga baahna. Hadiise ay xiiseeyaan dhaqanada aan bulshadooda u fiicnayn iyo diintoodaba, sida qaadka iyo sigaarka, qabyaalada, ku dayashada dhaqadama kale oo ay ka jeestaan tacliinta iyo dhaqankooda, asluunta iyo ashaxa waxa la filayaa in ay umadaasi qarka u saarantahay baaba’a iyo balanbal bulsheed. Waxaana taa ka markhaati kacday taariikhda aan bukoon beentana sheegin. Waxa jira hadaba waxyaabo dhiiri galiya dhalinyarada oo ku hogaamiya wanaaga iyo waxqabadka si ay u buuxiyaan kaalintooda, waxaana ka mida in ay helaan dad wanaagsan oo ay ku daydaan (role model) ah, kana dhigtaan muraayadii ay isku eegi lahaayeen. Waxan hadaba soo jeedinayaa in ay dhalinyaradu noqoto kuwo ka dhisan caqli iyo cilmi ahaanba, isku booriya inay fikiradooda fayaw falgalaan dabadeedna ay soo tuujiyaan nuxurka figradeed ee ay ka heleen maan kooda iyo waayo aragnimadooda ayna u gudbiyaan bulshada inteeda kale. Hadii intaa laga helo dhalinyarada iyo ardayda waxa la hubaa in dhalinyardu noqon doonto dad taariikhdu xusto oo laguxardho qalimaan iyo saxfado kala duwan. Qofku waxaa uu wax tari karaa marka uu tiisa habeeyo “tiisaba daryeelaa tu kale ku dara” waa odhaah soomaaliyeed, marka uu qofku garto wacyiga iyo waayaha ku xeeran sidii uu u latacaali lahaa, ee uu u la saanqaadi lahaa waayaha bulshada ku xeeran, sidaa daraadeed waa qaaciido kugu ridi karta tubta toosan, illaasho wakhtigaaga, oo xisaabi saacad kasta, miridh kasta iyo ilbidhiqsi walba waxaad faa’iidayso, ku noqo wakhtigaaga bakhayl, maskaxdaada iyo maan kaaga ku hayn sidii ay dadkii adduunkan badalay ku ahaayeen wakhtiga. Waxkhtigu waa waxa kala saara dadka kan geesiga ah iyo kan habayaca ahba, waayo wakhtigu waa nolosha, qofka fahmaana nolosha ayuu fahmay. Hadaba dhalinyarada waxaan leeyahay hadii aduunka wadan kasataa taariikh baal ka galay, waxa timid xiligii aan ka gali lahayn baalka dahabiga ah ee isku diyaariya oo barta qaabka aan ula loola manayno, ula tartamayno wadamada horeumaray sahayduna waa adiga oo buuxiya kaalinta aad ku leedahay bulshadada cilmiga iyo dhabar adayga oo lagu daro hawkarnimo iyo dadaal aan la hagranayn. Dhalinyarooy waa idinka manta cida laga sugayo in ay wax bartaan, badalaana waalid kooda iyo horumarka dalkooda iyo diintoodaba. Qofna kama marmo in wax loosheego walaw caalim kasta ahaw woo markaa buugani waxa uu dhiiri galinayaa dhamaanba dhalinyarada u fikirta dhinaca fiican (positive) ka ah. Erayo ka mida maansada galiilyo ee abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (weedhsame): wuxu yidhi: Qofbaad tahay guri yagleela Qofbaad tahay gaar ahaantii Ku gaajo baxoo is keena Gankaa kuma dheero caaro… waxaa uu tilmaamayaa in qofkastaaba wax qaban karo horumarna gaadhi karo. Waxa uu kugu dhiirigalinayaa inaad dareento inaad tahay qof jira oo ina Nabdi Aadan (cs) ah, oo wax qabsan kara kaalin kuleh bulshadiisa, hadaba dhalinyaro adaa lagu sugayaa ee tiiri kaalintaada, Halka uu abwaan Cabdilaahi Sulaana uu yidhi … Subagii cilmiga laga lulay Bay sare u heensheene Raguse hooyo soo wada mar Oo aabo loo sumadiye Sideenaaa sagaal lagu dhalee Inagama sidig waynayn… Waxaa uu tilmaamayaa in aan qofna qof caaro dheerayn ee laka dadaal badanyahay. Taa macneheedu waa in wax kaa mancinayaa jirin inaad wax qaban karto buuxina karto kaalintii lagaaga baahnaa insha Allah, dhalinyaro xubno laaban xoolo kuma yimaadane buuxi kaalintaada bulsho, tii waalidkaaga iyo naftaadaba. W/Q: Abdifatah Hussein Dualeh, Gabiley, Somaaliland. wacays410@gmail.com Source
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-260219.mp3 View the full article
  13. Hantigaaga iyo maalkaaga ha noqo mid isagu leh, Balse yay Noqon mid ay iygul eeyihiin. Illintu (ilmadu) in dhaha si iskumida ayay ugatimaadaa Qalbigase siyaabo kaladuwan ayay ugatimaadaa.! Hantidaada Aqoon iyo cilmi kuma kasban kartid balse, Aqoontaada iyo cilmigaaga Hanti waad kukasban kartaa. Ku dadaal in waxaad sheegayso oo dhan aad runtaka shgeegto ,balse waxaad maqasho oodhan run ha u wada qaadan. Xil gudashada wanaagsani waxay yaraysaa Xil doonashada badan. Waxaad sheegayso in la qaato waxaa ka horaysa in lafahmo laguna qanco. Ucudurdaar qofka qaldama Balse qaladkaa uugalay u cadee qaladnimadiisa. Kursi xileedka Qofna ma hubo inuu kufadhiisan doono, Balse wuxuu Hubaa inuu katagi doono wakhti ay ahaataba. Saadaashu waa wax ugaara Qalbiga, oo aanay indhihu la qabin. Been markhaatigeeda koowaad waa qofka sheegay. Mabda’a iyo siyaasadda aad teegaarsantahay ,hadaanad fahamsanayn, si xorahna aanad uguqancin waxaadl uminaysaa xoriyadaadii shaqsiyadeed. Waajibaadka kusaaran oodhan waa inaad mid kasta iyo wakhtigiisa gaar u qabataa ama ugudataa. Cilmikasta oo maadi ah oo dadku gaadhay jahlibaa dhalay isagaanuu udhintaa. la so Inshalah .rashaad0055@hotmail.com (063-4475540) Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Xubno Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Su’aalo Kulul Oo Cabasho Ah Waydiiyay Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Dab goor-dhawaydka ka kacay xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland, ayaa sababay inuu shuf beelo xafiiskii waaxda is gaadhsiinta ee wasaaradaas, sida waxa sheegay taliyaha ciidanka dab-demiska qaranka sareeye guuto Axmed Maxamed Sawaaxili, hawl-kii ay dabkaas ku bakhtiinayeen ka dib u waramaayay telefishanka qaranka. Taliyuhu wuxuu sheegay shufbeelida xafiisyadaas ay keentay goobtaas oo xidhnayd. Taliyuhu waxa uu intaas ku daray in qiiqii goobtaas ka baxaayay ay keentay ay adkaato in gudaha loo galo dhismaha. Sareeye guuto Maxamed Axmed Sawaaxil, waxa uu sheegay in ciidanka dab-demisku ku guulaysteen xakamaynta dabkaas, si aanu ugu sii fidin qaybaha kale ee wasaaradda. Xaruntan ka tirsan wasaaradda warfaafinta ee gubatay ayaa dhawaan xadhiga laga jaray, iyadoo loogu talo-galay in lagula socdo warbaahintu waxay ka faafiso Somaliland. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Biixi oo si gaar ah ugu weeraray gobollada Bariga Somaliland, waxa kale oo ka hadlay muran arrimaha saami-qaybsiga, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay qorala sawirro watay uu soo dhigay bartiisa facebook. Sawirka ayaa waxaa ka muuqda kalluumeysato kalluun aad u culus, halka Beyle uu dhinac taagan yahay, oo uu isku sawirayo, isaga aan dareemin culeeska iyo dhibka haysta. Beyle ayaa ku yiri qoraalka “Sideen u gaajoon karnaa inagoo heysana kheyraadka noocaan oo kale ah? Waa in aan ka faa’iideysanaa nimcadaan dhulkeena dhex ceegaagta. kaluumeysigu waa qeyb ka mid ah wax soosaarka ugu muhiimsan dalkeena, una baahan maalgalin iyo horumarin. Bal qiyaas imisa faa’iido ah ayaan ka heli karnaa xabadaan #KALUUNKA ah.” Soomaali ka carrootay on Beyle isku sawiro dad sida culees intaas le’eg ayaa jawaabo kulul u diray waxaana ka mid ahaa:- Moha Bashie: Nin culees wadaa mid dhergan igu sawir, war dhulka dhig dheh, markaas isku sawir Samiir Osman: Mana iibsaneysid, haddii dadkan wax badan laga iibsadana canshuurta keena baad lasoo carareysaaa. Suldaanka Muqdisho: Igu sawirta iska dhaf, inta suit soo xiratay, dadka culayska wada ee nolol maalmeedkooda raadinaya aad dhahayso wa isku kiin sawirayaa, ii jooga damir laawe. Abdalla Mohamed Jeilani: Maskiinka culees aa saaran, adneh waa isku sawireesa. Igu sawirta xita qurxi oo dhinac malayga ka qabo qeyr Allaha ku siiye. Liibaan Cartan Xuseen: War gaajo lahayne, qof muwaadin ah oo duruufaysan baad bacad joojinaysaa, si aad sawiro ula gasho, masuulku waa ninkii dareemi kara ee u damqan kara bulshadiisa, wasiir caqligu haku shaqeeyo Abdirashiid Mohamed Hussein: Waxaa wax laga xumaado ah in qof intaa culees ah sida adigo ka damqaneen daruufta iyo culeeska uu sidaba aad isku sawirto. Abdullahi Mohamoud Ali: Wallaahi waxaa ceeb ah adoo masuul ah, in xataa u quuri wayay in dhulka dhigo kadibna la galo sawir, laakiin ma ahayn aoso culeys sido in sawir lala galo. Abdullahi Yusuf Mohamed: Kuluun miyaa, haa, igu sawir, waxaa kasii caqli xun kan kugu fiirsaday oo kugu sawiray qof maskiin ah oo culees dul saaran yahay. Qays Hanad Togdheer: Tuuug bilaa damiir ah, masaakiin culays xamaalaysa ayuu bacaadka isku hor taagayaa, si uu isugu sawiro.
  18. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho ugu baxay dalka Qatar, halkaasi oo madaxda dalkaas uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo sidii dowladda dalkaas ay u caawin lahayd dowladda Soomaaliya. Qatar ayaa ah saaxiibka koowaad iyo dowladda taageerada ugu muhiimsan siisa dowladda Soomaaliya. Hase yeeshee taageerada Qatar ee Soomaaliya waa mid u baahan in la is-weydiiyo. Qatar ma waxay caawineysaa shacabka Soomaaliyeed iyo hurumarka dalka, mise waxay caawineysaa madaxda dowladda Soomaaliya, ayada oo ku fushaneysa dano siyaasadeed oo kaliya. Marka aad eegto, waxaa cad in Qatar aysan marnaba u muuqan mid garab taagan shacabka iyo horumarka Soomaaliya, balse ay garab siineyso shaqsiyaad xukunka ku fadhiya, ayada oo dano ku fushaneysa. Dowladda Qatar oo cadaadis xooggan kala kulantay waddamada jaarka la ah, ayaa Soomaaliya u sameysay ballan-qaadyo badan, hase yeeshee illaa hadda kama aysan dhabeyn marka laga reebo lacagta kaashka ah ee ku dhacda jeebka madaxda dalka. Dhammaan mashaariicda Qatar ee Soomaaliya waa kuwa ku kooban afka kaliya, ama marka ay ugu wanaagsan tahay ku eg dhagax-dhigis aanay dhismooyin xigin. Waxaa in la is-weydiiyo mudan haddii Qatar ay dooneyso horumarka Soomaaliya, maxaysan sidan Turkiga oo kale u sameyn taageero ku dhisan horumarinta shacabka. 1 – Maxaan loo arag dowladda Qatar oo waxbarasho bilaash ah ama mixnado jaamacadeed siineysa ardayda Soomaaliya, sida Turkiga oo kale. 2 – Maxaan loo arag, Qatar oo isbitaallo ka dhiseysa Soomaaliya, ama adeegyo caafimaad u fulinaysa dadka dhibaateysan ee Soomaalida ah, sida Turkiga oo kale. 3 – Maxaan loo arag Qatar oo tababar dalkeeda ugu qaadeysa, ama gudaha dalka ku siineysa ciidamada Soomaaliya, ama xitaa bixineysa mushaharaadkooda, sida Turkiga oo kale. 4 – Maxaan loo arag Iskuulo waxabarsho oo Qatar ay dhisto ama ay maal-geliso oo ku yaalla gudaha dalka Soomaaliya, sida Turkiga oo kale. Waa tan sababta Turkiga loo arko dad ay daacad ka tahay taageeridda Soomaaliya, balse Qatar iyo Imaaraadka u yihiin daneystayaal saaxiib la ah siyaasiyiin ay dantooda ku fushadaan, oo aan waxba u hayn shacabka Soomaaliya. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid