-
Content Count
214,998 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay is weydaarsanayay dhalliilo dadban. Madaxweyne Biixi ayaa dhalliilo xooggan fagaareyaal badan uga jeediyay Golaha Guurtida ee guddoomiye Saleebaan hoggaamiyaha u yahay, taa bedelkeedana guddoomiye Saleebaan ayaa xukuumadda madaxweyne Biixi dhalliilo u jeediya. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa fagaareyaal dhawr ah oo uu ka soo hadal qaaday arrimaha doorashada waxa uu si weyn u dhalliilay Golaha Guurtida oo uu sheegay in ay noqdeen gole dhaxal ah “ Baarlamaanku(Wakiilladu) 15 sanno ayay fadhiyeen, Guurtidu waa dhaxal, dhaxal iyo dimuqraadiyadna isma qabtaan,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo khudbad u jeedinayay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka. Isla maalinta guddoomiye Saleebaan oo mudaneyaasha guurtida hadal u jeedinayay ayaa sheegay in aanay dalka meel nooli jirin “Meel inoo nooli ma jirto meel walba dab ayaa inagaga qiiqaaya,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan oo intaasi raaciyay in colaad iyo qabyaalad wax laga qaban kari lahaa dalka dhib weyn ku hayaan. Ka sakow eedaha Madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Saleebaan ee u muuqda in ay biyo hoostood iska hirdayayaan Xildhibaan Cawil Dawiil Cismaan oo ka tirsan golaha Guurtida ayaa shalay shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in madaxweyne Biixi soo kordhiyay arrin ugub ah oo aanay madaxdii Somaliland soo martay la iman taas oo ah eedaynta golaha Guurtida. Waxa uu sheegay in aanu madaxweyne Biixi waxba ka qaban arrimaha dalka marka laga reebo dhallinyarada shaqo Qaran oo uu ku tilmaamay carruur meel lagu xareeyay waxaanu tilmaamay in madaxweynuhu wali raadkii waxqabadka Siilaanyo hayo sida mashaariicda Imaaraadka. Xildhibaanka oo tixraacaya khudbadihii madaxweyne Biixi ku dhalliilay Guurtida ayaa yidhi “Madaxweynuhu maalin dhawayd wuu hadlay, markasta oo uu hadlayana Golaha Guurtida wuu dhalliila, maalintii ciidanka halkii laga filayay in uu ciidanka mushaharka iyo darajo u kordhiyo Guurtida ayuu ku soo af-go’ay madaxweynihii dhammaa, markii uu ka hadlayay Imaaraadka Guurtida ayuu ku soo af-go’ay.” Waxa uu intaasi ku daray “Madaxweynaha waxaan leeyahay golaha Guurtida xaal sii, goleyaasha faraha ka qaad; haddii aad doonayso in aad goleyaasha kala dirto siyaasad qabo baa loo baahan yahay ha isku dirin goleyaasha ee doorashadooda qabo iyaga iska tagiye, dawladaha hoose keen goluhu ha kuu sharci gareeyee qabo doorashadooda iyaga iska tagi doona kii soo noqonayana ha soo noqdee qabo doorashadooda gole la doortayna gole la doortay uun baa bedeli kara,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku. Xildhibaanku waxa kale oo uu si adag u dhalliilay madaxweyne xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo uu sheegay in uu isaga laftiisu dhalliilo golaha laakiin, ay ahayd in uu doorashadooda qabto maaddaama uu ilaa xukuumaddii hore la shaqaynayay. Ugu dambeyn madaxweyne Biixi ayaa u muuqda in uu ka maarmay doorkii firfircoona ee Guurtidu ku lahayd siyaasadda dalka, islamarkaana uu hal qabsiga dhalliisha dib u dhaca doorashooyinka ka dhigay golahan oo uu ku tilmaamo mid dhaxal tooyo noqday. Source
-
(SLT-Arabsiyo)-Allaah ha u naxariistee laba Qof ayaa ku geeriyooday Shil baabuur oo Shalay ka dhacay degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley. Laba Qof oo Rag iyo Dumar ah ayaa Geeriyooday ka dib, markii gaadhigii ay la socdeen oo ahaa Suzuki ay isku dhaceen Booyad ka mid ah kuwa Magaalada Biyaha u dhaamiya. Guddoomiyaha Degmada Arabsiyo Xamse Xuseen oo ka hadlay Shilka ay labada Qof ku geeriyoodeen, ayaa sheegay in Gaadiidka booyaduhu dhibaato ku hayaan Magaalada Arabsiyo, maaddaama buu yidhi ay inta badan Shilalku dhacaan marka ay u kala dheeraynayaan Ceelasha ay Biyaha ka soo dhaamiyaan. Guddoomiye Xamse oo Arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Runtii, Shil aad u naxdin badan baa ka dhacay, laba Qof oo reer Arabsiyo ah ayaa ku naf waayay oo Wiil iyo Gabadh ah, ka dib markii ay laba Gaadhi isku dhaceen, Gaadhi booyad ah iyo Gaadhi Suzuki ah, gaadiidka Booyaduhu khatar badan ayay ku hayaan degmada Arabsiyo, iyagoo aad mooddo inay Ceelasha biyaha u kala dheeraynayaan.” Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dhibaatada ay Degmadu ku qabto Gaadiidka Booyadaha ay mar walba ku war-geliyaan Laamaha Ammaanka, si ay wax uga qabtaan “Laamaha Ammaanka ayaanu mar walba ku war-gelinaa inay hawshaa wax ka qabtaan, Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka ee Gobolka Gabileyna waanu u ballan-sannahay in Qorshe laga yeesho Shilalka sidan u foosha xun, taasi oo ay keenayso Xawaaraha aan Xadka lahayn ee Gaadiidku ku socdo..” Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa baco ay ka buuxaan ciid laga soo qaaday halkii ay ku burburtay diyaaraddii Boeing 737 Max siiyay qaraabada 157-dii qof ee ku dhintay shilkaasi. Kulan baroordiiq ah ayaana maanta lagu wadaa in lagu qabto magaalada Addis Ababa. Qoysaska ayaa sidoo kale loo sheegay inay qaadan karto muddo lix bilood ah in la kala garto meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi. Wasiirka gaadiidka dalka Ethiopia ayaa sheegay inay baarayaashu ku qaadaneyso waqti ogaanshaha waxa sababay burburka diyaaradda. Magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu qabto kulan loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay diyaaraddii toddobaad kahor maanta oo kale ku burburtay dalka Itoobiya. Kulankan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen safaaradda Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa ka soo qaybgali doona xubno ka socda dhammaan safaaradaha iyo qunsuliydaha Kenya ku yaalla. Diyaaraddan laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa Axaddii la soo dhaafay ku burburtay magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa. Diyaaradda oo ahayd nooca Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay ku wajahneyd magaalada Nairobi. Sida ay sheegen mas`uuliyiinta shirkadda Ethiopian Airlines, diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda. Source
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyaad la sheegay in ay qaab beeleed u abaabulan yihiin ayaa ka socda deegaanno hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe. Wararku waxay sheegayaan in Labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus, iyadoo uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha inta uu la egyahay, ayaa wararku waxay sheegayaan in Maleeshiyadan isku hayaan arrimo dhul ku saabsan. Goob joogayaal ayaa sheegay in Maleeshiyaad gurmad ah ay u kala tageen Labadan dhinac, dagaalkana weli uu yahay mid xooggan. Ma jirto dedaallo socda oo ku aaddan in lagu kala dhexgalo maleeshiyadan ku dagaallameysa deegaannada ku dhow degmada Cadalle ee Sh/dhexe. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Ciidamada milatariga Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo ka wada deegaanada maamulka Jubbaland. Howlgalladan oo ah kuwa xoogan ayaa waxa ay si gaar ah ciidanku ay uga wadaan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyadan ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi. Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in jirdil iyo dhibaatooyin kale ay u geysteen dad reer Miyi ah oo ku suganaa xadka labadaasi Gobol. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay barakac ka bilaabeen halkaasi. View the full article
-
(SLT-Zimbabwe)-Tan iyo markii ay ku dhufatay xeebta Mozambique khamiistii, duufaantaasi ayaa ku qasabtay kumannaan qof in ay guryahooda ka baxaan. Dalka Zimbabwe, magaalada Chimanimani, oo ku taalla buuralleyda dhanka bari ee xuduudda ayay duufaantu si daran u saameysay. Ciidammada ayaa loo diray in ay caawiyaan arday boqollaal gaareysa, kuwaasoo iskuulladooda ay waxyeello gaadhay. Labo ka mid ah carruurta iskuullada ayaa dhintay, kaddib markii uu derbi ku soo dumay dhismihii ay degganaayeen. Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay dalka Zimbabwe, kolkii ay duufaantu ku dhufatay koonfurta bari ee dalkaas. Wasaaradda isgaadhsiinta ee dalka ayaa sheegtay in la la’ yahay 40 qof. Duufaantan oo lagu magacaabo Idai, daadadna wadatay ayaa ka dhacday sidoo kale bariga Mozambique, habeennimadii khamiistii waxayna korontada iyo isgaadhsiinta ka jartay dhulalka ku xeeran Zimbabwe. Duufaantu waxay daba socotaa, abaar ku dhufatay qaybo badan oo Zimbabwe ka tirsan, taas oo sababtay in dalagyadii la filayay aysan soo go`in, waxayna taas horseedday in Qaramada Midoobay ay codsi degdeg ah dirto. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in goordhow uu qudbad u jeediyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan degdeg ah ku leh maanta dugsiga Kaahiye. Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay xalay inay soo xaadiraan kulanka deg-degga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hortagayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Wadooyinka ku dhow Dugsiga tababarka General Kaahiye ayaa la xidhey iyadoo sidoo kale lagu wado in Madaxweynaha Jabuuti uu xadhiga ka jaro dhismaha safaarada dowladda Jabuuti ay ku leedahay magaalada Muqdisho. . Xildhibaanada ay haatan fasax ku jiraan oo uu xidhan yahay kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare. Source
-
Dibadbaxyo Xooggan Oo Ka Soo Cusboonaaday Dalka Faransiiska
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Paris)-Dibad baxayaal ayaa boob iyo dhac u geystay dukaamo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, dibadbaxyo noocan oo kale ah ayaa dalkaasi ka dhacay afar bilood kahor. Booliiska ayaa dadkaasi u adeegsaday biyo iyo suntan dadka ka ilmeysiisa si ay u kala cayriyaan. In ka badan 120 qof ayayna booliiska xirxireen. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya sharci dhanka shaqada iyo shaqaalaha ku saabsan. Waxay booliisku sheegeen in ilaa 10,000 oo qof ay ka qayb qaateen dibadbaxyada ka dhacay Paris, tiradan oo ka badan tirada dadkii ka qayb qaatay dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay. Ilaa 32,300 ayaa guud ahaan ka qayb qaatay dibadbaxyada ka dhacay waddooyinka Faransiiska, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas. Si kastaba, booliiska ayaa sheegay in 36,000 oo qof ay si nabafd ah uga qayb qaateen mudaaharaadyo kale oo looga oso horjeeday isbeddelka cimilada oo ka dhacay Paris. Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Faransiiska Christophe Castaner ayaa sheegay in in ka badan 1,400 oo saraakiil booliis ah la geeyay meelaha ay dibadbaxyadu ka socdaan. Mr Castaner ayaa sheegay inuu booliiska ku amray inay wax ka qabtaan weerarrada aanan la aqbali karin ee ay dibadbaxayaashu geysanayaan. Source -
Waxaa socda dadaallo aan kala joogsi lahayn oo lagu doonayo in lagu horumariyo ciyaaraha kubadda cagta ee maamul goboleedyada. Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo ay ka go’an tahay sarre u qaadista kubadda cagta guud ahaan dalka ayaa masuuliyiin ka socda waxa ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Gabeed Soomaaliya. Jamaal Xaashi oo ah xubin ka tirsan guddiga hormarinta gobollada xiriirka kubada cagta Soomaaliya iyo Kaaliyaha Xoghayaha Maxamed Deeq ayaa ku sugnaa Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo. U jeedka kor meerka Jamaal ayaa ka koobnaa dhowr qodob oo kala ah hubinta hanaanka ay u shaqeeyaan xiriirrada, in kooxaha la dhiso loona qabto Tartamo, in laga shaqeeyo sidii caws macmal ah loo dhigi lahaa garoonka Dr. Ayuub iyo qodobo kale. Jamaal Xaashi oo ka qeyb galay kullan kubadda cagta ah oo ka dhacay garoonka Dr. Ayuub yiri: “Waxaan u mahad celinayaa xiriirka kubadda cagta iyo Wasaaradda ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan hormarka kubadda cagta. “Waxaan madaxda xiriirka dalka hor dhigi doonaa shaqooyinka adag iyo sida ay idinkaga go’an tahay horumarrada aad ka gaareysaan isdhex-galka dhallinyarrada.” ayuu yiri Jamaal Xaashi oo hadal ka hor jeedinayay masuuliyiinta Isboortiga Koofur Galbeed iyo boqolaal dhalinyaro ah. Ugu dambeyn Jamaal oo ka tirsan guddiga horumarinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku soo xiray in dhowaan Magaalada Baydhabo ay ku qaban doonaan Siminaar sare loogu qaadayo tayada Macallimiinta, Garsoorka iyo ciyaatooyda. Mahad Shariif Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Maalintii labaad waxaa xidhan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana saaka dadku mar kale ay ku waabariisteen Ciidammo taagan jidadka muhiimka ah oo celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Weli waxaa magaalada Muqdisho ku sugan wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo kulamo la qaadanayay madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale. Dhinaca kalena Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa Maanta waxa uu ka qeyb galayaa kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxa uu ka jeedin doonaa Khudbad. Source
-
Madaxweyne Geelle Oo Khudbad u Jeedinaya Xildhibaannada BFS
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah ku yeelanay maanta dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, sida lagu wargeliyey mudanayaashan. Ulajeedka kulankan ayaa ah khudbad uu madaxweynaha Jabuuti u jeedin doono mudanayaasha Labada aqal ee BFS. Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo dhanka kale uu madaxweyne Geelle xarigga ka jari doono xarunta cusub ee safaaradda Jabuuti ka furatay magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii lagu dilay dadka Muslimiinta ee ka dhacay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand. Weerarkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 ruux oo muslimiin ahaa oo ku sugnaa masjidka Al Nuur ee magaalada Christchurch waxaana ku dhaawacmay inka badan 40 ruux oo ku sugna Masaajidka. Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ugu horeyn sheegay inay ka tacsiyeynayaan dadka weerarka ku dhintay, isagoo sheegay inay la xanuunsanayaan ehelada dadka waxyeelada soo gaartay. Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhigan yahay dhagarta Gaalada ay u qabaan shacabka Muslimiinta ah, waxaana uu sheegay in taasi aysan ka dhigneyn inay niyad jabaan Muslimiinta. “Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwaas falkaas geystay iyo kuwa kale ee gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” ayuu yiri Sheekh Cali dheere Afhayeenka Al-Shabaab. Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka geystaan dalalka Soomaaliya Kenya iyo Uganda, waxaana ka hor jeedaan joogitaanka ciidamada anaajiibta ee dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada ammaanka ayaa maalintii Labaad waxa ay xireen waddooyinka magaalada Muqdisho iyadoo amnigana uu yahay mid aad loo adkeeyey. Waxaa waddooyinkan loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka shacabka, iyadoo la arkayo dadweyne badan oo lugeynaya. Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa ah maadaama magaalada Muqdisho uu ku sugan yahay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay yimid magaalada. Waddooyinkan xiran ayaa saameyn ku yeeshay adeegyadii waxbarashada iyo ganacsiga ee magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadaado (SMN) – Cali Gacal Casir gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin diyaar garow ku aadan qabashada doorashooyin dhawaan ka qabsoomi doona deegaanada maamulkaasi. Guddoomiye Casir ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha doorashooyinkan iyo waqtiyada ay dhici doonaan. Waxa uu xusay in bisha June ee soo socota la qaban doono doorashada golaha wakiilada, kadibna la sii amba qaadi doono mida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Wareysi-gudoomiyaha-barlamanka-galmudug-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maalintii labaad xiran qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa gabi ahaan hakiyay dhaq dhaqaaqa waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah dadweynaha Muqdisho. Dadka shacabka ah ayaa saaka cagahooda maalaya, si ay u gaaraan goobahooda shaqo ama waxbarasho. Arrinta xirnaashaha waddooyinkan ayaa la xariirta booqasho rasmi ah oo uu shalay Soomaaliya ku soo gaaray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona la filaya in madaxweyne Geelle maanta uu khudbad u jeediyo xildhibaanad labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya. Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS. Wafdiga reer Jabuuti ee la socda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muumin Xasan Barre, Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Muna Cismaan Aadan, Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xasan Saciid Khayre, Maareeyaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Najiib Cali Daahir, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, Kuxigeenka Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Jabuuti Marwo Xasna Xummad Bilil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Jabuuti. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-170319.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta socdaal ku tagaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Labada masuul ayaa soo iindhaindheeyn doono xaalada ay ku suganyihiin uciidamada Jabuuti ee qeeybta ka ah AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan. Amaanka magaalada Baledweyne ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray wadada aada garoonka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar gelle ayaa shalay booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Puntland Post The post Farmaajo iyo Geelle oo Baled-weyne ku wajahan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa maanta la filayaa inuu khudbad u jeediyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka. Xildhibaanada ayaa kulan ku yeelanaya xarunta Tababarka ciidamada ee Iskuul Baluuziya ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in Khudbad dhinacyo badan taabaneyso uu uu jeediyo xildhibaanada. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana gabi ahaanba la xiray waddooyinka gala xarunta ciidamada Tababarka oo uu maanta ka furmayo kulamada baarlamaanka. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib loo dhigay furitaanka Kalfadhiyadooda, waxaana loo sababeeyay xiisadda u dhaxeysa labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo xalay xildhibaanada fariimo loo diray. Guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan kulanka maanta ka dhaceyo magaalada Muqdisho. La soco kulanka iyo waxyaabaha kasoo kordha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geellle ayaa maanta khudbad u jeedinaya xubnaha labada gole ee baaralamaanka DF, iyadoo inta badan waddooyinka caasimadda la xiray. Waddo xirnaashaha Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa maalintii labaad oo isku xirta, iyadoo la ogol-yahay oo keliya inay shacabku lugtooda maalaan, maadaama aan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaar loo leeyahay aan loo ogolayn inay waddooyinka qaarkood maraan. Kulankan oo ah mid deg-deg ah ayaa waxaa la iclaamiyay qabashadiisa xalay, waxaana xildhibaananda labada aqal lagu wargeliyay inay kasoo qayb-galaan kulanka uu khudbadda ka jeedinayo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Xildhibaannada labada aqal ayaa waxay dhageysan doonaan hadallada uu u jeedinayo Geelle oo la sheegay inay yihiin kuwo u badan guubaabo iyo inuu u bidhaamiyo xildhibaannada gudashada waajibka ka saaran dalkooda iyo dadkooda. Dhanka kale, Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa in maanta ay xarigga ka jaraan dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti ay ku yeelanayso Muqdisho, iyadoo sidoo kale munaasabaddan ay goob-joogayaal ka noqon doonaan madaxda Soomaalida. Sidoo kale, Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa lagu qabanayaan xarunta Iskoolka Booliiska ee Muqdisho, waxaana waddooyinka xaruntaas soo gala xiray ciidammo gaar ah oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyn, Booqashada Geelle oo aan ahayn middii ugu horreysay ee uu ku yimaado Somalia ayaa waxay haddana tani kaga duwan tahay kuwii hore isagoo xarigga ka jaraya dhismaha safaaradda Jabuuti ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Geelle oo maanta la halaya Xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in saaka uu dagaal beeleed ka socdo deegaan hoostaga degmada Cadale ee Gobolkaasi. Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa deegaanka llayiraahdo Burdheer oo dhacda duleedka Cadale. Dagaalka ayaa haatan si toos ah u soconayo iyada oo hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsanayaan maleeshiyaadka. Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi hayeeshee dad aan la hadlay ayaa ii sheegay in uu jiro qasaare. Dagaalo beeleeeyadaan ayaa ku soo laa laabtay gobolka Sh/Dhexe. Faah faahin dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dagaal ka socdo gobolka Sh/Dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya casho sharaf ugu sameeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaka wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya. Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS. Wafdiga reer Jabuuti ee la socda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muumin Xasan Barre, Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Muna Cismaan Aadan, Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xasan Saciid Khayre, Maareeyaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Najiib Cali Daahir, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, Kuxigeenka Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Jabuuti Marwo Xasna Xummad Bilil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Jabuuti. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Madaxweyne Geelle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Maxamed Xasan Xaad ayaa beeniyey warar dhowaanahan aad looga hadal hayey magaalada Muqdisho, oo ku saabsanaa inuu ka hor-yimid dowladda. Wararkan ayaa waxa ay sheegayeen in Xaad uu diyaarinayey kulan weyn oo ay isugu yimaadeen beelaha Mogadishu Clan, loogana soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararkaas ayaa sii xoogeystay intii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku maqnaa magaalada Kismaayo, ayna jireen warar sheegaya khilaaf madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u dhaxeeya. Xaad ayaa waxa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaaraha. Si kastaba, Gudoomiyaha Gollaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin inuu ka hor-yimid dowladda, kana hor-iman doonin. Nabadoonka ayaa sheegay in wararkaasi ay baahiyeen dad dano gaar ah leh, kuwaasi oo uu ku tartarsiiyay in ay ka waan-toobaan, isla markaana ay ka qayb-qaataan dib u dhiska wadanka. Halkaan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyay Nabadoon Xaad siiyey Idaacadda Shabelle oo uu kaga hadlayo arrintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa aqbalay Codsi uga yimid Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Magaalada Berbera, taasoo aheyd in sare loo qaado lacaggaha laga qaado ganacsatadda adeegsata dekedda. Wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa sheegay in ay DP World u ogolaadeen in lacagaha tafaariiqda ah ee ay ka qaaddo alaabaha kasoo degaya dekedda ay ku qaadato qiimaha suuqa, halka markii hore ay ku qaadan jirtay qiimaha baanka dhexe ee Somaliland. Hadalkan ayaa imanaya xilli ganacsatada Somaliland ay joojisay inay cashuurtaan alaabooyinka kala duwan ee uga soo degay dekedda Berbera, ka dib markii ay shirkadda DP world ee maamusha dekedda Berbera dhaqan gelisay wax ka bedel ay ku samaysay sarrifka lacagta. DP world ayaa 12 March waxay bilowday inay sarrifka halka dollar noqdo 8500 oo lacagta Somaliland, isagoo markii hore halka dollar ahaa 7000 oo lacagta Somaliland. Ganacstada ayaa wixii ka bilaabmay 12 March waxay joojiyeen inay la soo baxaan oo ay cashuurtaan alaabta u taala dekedda Berbera, waxaana shirar ay ganacsatadu yeesheen ku go’aamiyeen inay joojiyaan la soo bixista badeecadahooda. Wasiir Saajin wuxuu ganacstada dekedda Berbera alaabaha kala soo dega ku amray in ay si degdeg ah ugala baxaan alaabtooda, kuwaasi oo uu sheegay in iyagoo ka xun arrintan ay diideen in ay alaabaha kala baxaan dekedda. Hoos ka dhageyso wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/SOMALILAND-oo-Aqbashay-Codsi-Uga-Yimid-DP-WORLD.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Booliska iyo daraawiishta maamulkaasi ay isaga baxeen deegaano hoostaga Galgala. Ciidamada maamulka Puntland ayaa markii ay baneeyeen deegaanada hoostaga Galgala waxaa la wareegay Al Shabaab, sida ay baahiyen warbaahinta deegaanada maamulka Puntland. Ciidamada maamulka Puntland ayaa isaga baxay saldhig ay ku lahaayeen deegaan ku dhow Jimbac oo ka tirsan Buuraha Galgala, waxaana la sheegay in kadib ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen deegaanka. Ilaa iyo hada lama oga sababta ay ciidamadan uga guureen fariisinkii ay ku lahaayeen Buuralayda Galgala ee gobolka bari, balse wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadan mudo dhowr bilood ah uu ka maqan yahay mushaarkii ay qaadan jireen. Maamulka Puntland ilaa iyo hada kama hadlin bixitaanka ciidamada ay ka baxeen saldhiga ay ku lahaayeen Jimbac. Al Shabaab iyo Daacish ayaa ku dagaalamay deegaanada Galgala, waxaana jira loolan adag oo labada koox u dhaxeeya, kaasi oo caqabad ku noqon kara maamulka Puntland. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in Maamulkiisa uu gali doono dagaal adag oo ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo arintaan ay caqabad ku noqon dooto dadaalada maamulkiisa uu wado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
