Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,455
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay magacyada xubno ay sheegeen inay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay weerarkii Khamiistii ay ku qaadeen Wadada Maka Al Mukarama, iyaga oo bartilmaameydkooda uu ahaa hotelka Maka Al Mukarama. Idaacadda Al Shabaab ee Andulus ayaa baahisay warbixin ay kaga hadleen dadkii ay ku dileen kuna dhaawaceen weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, kaasi oo saacado qaatay in lasoo afmeero. Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 14 kamid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka uu tababaro iyo Todobo kamid ah ciidamada Booliska oo dowladda Ingiriiska ay tababarto ee RRT loo yaqaan. Askar Boolis ah iyo ciidamada Bangaraafta ayay sidoo kale sheegeen inay ku dileen weerarka ka dhacay magaalada Muqdisho. Al Shabaab waxay sidoo kale sheegeen inay dhaawaceen Sarkaal magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Sheikh oo kamid ah ciidamada booliska ee UK tababartay iyo ruux kale oo magaciisa ay ku sheegeen Khadar Geelle. Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawaceen Cusmaan Cali Guuleed (Cusmaan Bakeer) oo ka tirsanaa maxkamada sare ee dalka, sida laga baahiyay warbaahinta Al Shabaab. Maxamed Cabdi Suldaan oo xildhibaan hore ahaa, C/qaadir Macalin Cali oo ay ku sheegeen xoghayaha xisbiga Haldoor, Xildhibaan Sooyaal, Wasiirru dowle ka tirsan Galmudug oo magaciisa lagu koobay Cibaar, ruux ka tirsan wasaaradda Maaliyadda oo magaciisa lagu sheegay Mukhtaar iyo guddoomiyaha maxkamadda Xamarweyne, ayay sidoo kale sheegeen Al Shabaab inay ku dhaawaceen weerarkii Maka Al Mukaram. Marka laga yimaado sheegashada Al Shabaab ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo si toos ah loogu shaaciyay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkii ka dhacay wadada Maka Al Mukarama 28 Bishii Febraayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Maamulka degmada Wadajir iyo taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa saldhigga degmadaasi waxay kusoo bandhigeen Saddex nin oo la sheegay iney Al-shababa u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan iyo sidoo kale kala gudbinta hubka. Raggan oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen iney ka mid yihiin Al-shabaab, lana soo qabtay xilli ay dil fulin rabeen. Waxa ay sheegeen in markii lasoo qabanayey ay dili rabeen Haweeney ka mid ahayd ergadii soo doortay xildhibaannada golaha shacabka, islamarkaana Khaad ku iibineysay beerta Khaadka ee magaalada Muqdisho. Raggan ayaa sheegay iney qirsan yihiin iney qaladaad sameeyeen, balse waxay dalbadeen in la cafiyo. Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/laahi Tuulax oo halkaasi warbaahinta kula hadlay wuxuu sheegay in cadaaladda la horgeyn doono raggaasi. Tuulax ayaa dhanka kale uga mahadceliyey ciidanka Booliiska ee gacanta kusoo dhigay raggaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Nairobi (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in shil diyaaradeed uu ku geeriyooday duuliyaha diyaarada madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto. Duuliyaha oo lagu magacaabayay Kabtan Mariyo Maganga iyo AFar ruux oo u dhalatay dalka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen shil ka dhacay deegaanka Laboola ee gobolka Turkana ee dalka Kenya. Diyaaradda uu lahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo meydka duuliyaha ayaa saaka laga helay deegaanka Laboola, waxaana loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Rijard Omyonka oo ah xildhibaan Kenyan ah oo qaraabo dhow ay ahaayeen duuliyaha ayaa sheegay in diyaaradda uu waday Kabtan Mariyo raadeerka laga waayay xalay abaaro 08:00 fiidnimo, iyadoo kadib saaka la ogaaday inay burburtay. Ma cadda sababta ka dambeysay in burburka uu ku yimaado diyaaradda, balse waxaa la qiyaasayaa inay ka baxday halkii ay ku socotay, islamarkaana ay shil gashay. Dhinaca kale, Boliska Kenya ayaa sheegay inay shilkaasi ku wada geeriyoodeen Duuliyihii iyo 4 qof oo u dhalatay Maraykanka oo la socday Diyaaradaasi, mana kala cadda sababa keenya burburka Diyaaradaasi. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  4. Garissa (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Boliska Kenya xalay lagula eegtay gudaha dalkaasi. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Xagardheer iyo Amuume oo hoostaga magaalada Garissa gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ciidamada Booliska Kenya ka soo gaaray qaraxaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxan Miino ay ku gubeen gaari uu noociisu ahaa Kooyal, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Kenya oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Al Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
  5. Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka. Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa xaafadda Howlwadaag ee B/weyne waxay ku dileen Sarkaal magaciisa lagu sheegay Cumar Cabdi Mahad. Dilka kadib ayaa halkaasi waxaa isaga baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyey. Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka yimid gurigiisa, kuna wajahnaa fariisin ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin halkaasi, hase ahaatee jidka loo galay. Ciidamo Booliis ah oo gaaray halka dilkan uu ka dhacay yaa durba bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan raggii falkaasi ka dambeeyey. Dilkan ayaa imaanaya xilli Labadii maalin ee lasoo dhaafay ay ciidanka dowladda howlgallo xiriir ah ka wadeen xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay u soo bandhigay Warbaahinta rag ku hubeysan oo dilal ka geysan jiray M/Muqdisho. Raggan oo gaarayay saddex ayaa waxaa la sheegay in Al Shabaab ay u qaabilsanaayeen dilalka ka dhaca degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ee G/Banaadir. Xubnahani gacanta lagu soo dhigay oo la hadlay Warbaahinta ayaa qirtay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab, islamarkaana sheegay in xilliga la soo qabanayay ay qorsheynayeen dilka Hooyo Soomaaliyeed oo iibisa Qaadka, taas oo ay tilmaameen in ay ka tirsanyed Ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Dhankeeda Hooyada ka badbaaday dilkaasi oo la hadashay Wariyeyaasha ayaa u mahadcelisay ciidanka amniga, iyadoona ka codsatay madaxda dowladda in cadaalada la horkeeno raggaasi. Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay sida ay ay uga hortagayaan falalka ammaan dari ee ka dhaca magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Isbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarradii Al-shabaab ay ka fulisay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Isbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarkii dhawaan ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-04032019.mp3 View the full article
  10. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay 3-nin oo katirsan Al-shabaab oo doonayay in ay dilaan haweeneey. Ragaasi ayeey ciidamada Booliska Soomaaliya ka soo qabteen degmada Wadajir ee Muqdisho xili ay doonayeen in ay dilaan haweeneey. Haweeneeydaasi ayaa kamid aheyd xubnahii soo doortay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa la sheegay in ay u dhici weeysay Bastooladii ay wateen si ay u dilaan haweeneeyda 3-daasi ruux oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa qirtay in ay Al-Shabaab katirsanaayeen dilal badana horay u geeysteen Shacabka iiyodowlada ayeey ka codsadeen in ay cafiyaaan. Dhinaca kale haweeneeydii ay doonayaan in ay dilaan ayaa la hadashay warbaahinta iyada oo sheegtay in ragaasi ay doonayeen in ay dilaan iyada oo ilmeeyneeysa ayeey codsi u dirtay dowlada. Ugu dambeeynta gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tuulax ayaa wariyaasha uga warbixiyay qaabka ragaasi loo soo qabtay. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo ay geeystaan Al-Shabaab. Puntland Post Muqdisho office The post Muqdisho: Ciidamada Amaanka oo qabtay koox dooneeysay in ay dil fuliyaan appeared first on Puntland Post.
  11. Garbahaareey (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ku kulmeen saraakiishii ugu badneyd ee ciidamada amaanka maamulka Jubbaland. Kulanka saraakiisha ayaa ka dambeeyay maalmo uun kadib markii ciidamada Kenya ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo, waxaana ugu horeeyay saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo. Qaar kamid ah saraakiisha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kenya aysan ku wargelin bixitaanka ciidamadooda ee saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun, balse ay ka warheleen kaliya markii ay alaabtooda xirxirteen. Saraakiisha ayaa xusay in shir gaar ah oo arintaasi looga hadlayo inay ku yeesheen magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dajiyay qorshaha ciidamada Kenya saldhigyada ay baneeyeen loo buuxin lahaa. Saraakiisha waxaa kale oo ay sheegeen inay diyaarinayaan ciidamadii la wareegi lahaa saldhigyada ciidamada Kenya ay baneeyeen, gaar ahaan saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo. Saacado kadib markii ciidamada Kenya isaga baxeen Faxfaxdhuun Al Shabaab ayaa sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano badan. Jubbaland ayaa wajaheysa culeesyo dhanka amaanka ah haddii ciidamada Kenya ay baneeyaan saldhigyada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  12. Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu saakay dil ka dhacay. Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Howl-wadaag ee magaada Baledweyne. Koox hubeeysana ayaa toogtay sarkaal katirsanaa ciidamada Militariga Soomaaliya. Ragaan hubeeysan ayaa waxa ay dileen allaha u naxariistee Cumar Cabdi Mahad oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolka Hiiraan. Sarkaalkaasi ayaa la dilay xili uu ka soo baxay hooygiisa islamarkaasin Uu ku ssiijeeday fariisin ciidamada dowlada aayku leeyihiin magaaladaasi. Ciidamada Booliska ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo wada baaritaano ku aadan cidii falkaasi geeystay. Goobjoogayaal ayaa Puntland Post u sheegay in kooxihii dilka geeystay ay goobtaasi isaga baxsadeen. Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolkaHiiraan ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan iyo qaraxyo la la eegto ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM PUNTLAND POST The post Sarkaal lagu dilay Magaalada Baled-weyne appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay seddex dhaiinyaro ah oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab, kuwaasi oo dilal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho. Dhalinyaradan ayaa sheegay inay qaabilsanaayeen howlgalada Al Shabaab ee degmada Wadajir, iyaga oo sheegay inay degmadaasi ka fuliyeen falal badan oo lagu qaarijiyay dad kala duwan. Howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay ayaa ahaa mid ay ku guuldareysteen kadib markii damceen inay dileen haweeney Khaad iibineysay oo ah xaaska sarkaal ka tirsan ciidamada booliska. Mid kamid ah dhalinyarada ayaa sheegay in haweeneyda Khaadka iibineysay loo sheegay inay kamid aheyd xildhibaanadii soo xulay baarlamaanka, sidaasi daraadeedna ay ku guuldareystaan inay toogtaan. Labo bastooladood oo ay wateen ayay sheegeen inay u dhici weysay markii ay la kor tageen haweeneyda Khaadka iibineysay, kadibna laamaha amaanka ay gacanta u dhigeen. Hoos ka daawo Muuqaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar deg deg ah maalinta axadda ugu baxaya dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kula kulmi doono ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online. Farmaajo ayaa la filayaa inuu Abiy Ahmed kala hadli iskaashiga Soomaaliya iyo Ethiopia, arrimaha gobolka iyo xiisadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Socdaalka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo maalmihii dhowaa uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku sugnaa dalka Itoobiya, islamarkaana shalay ay isaga iyo Abiy wada tageen dalka Eritrea oo wada-hadallo saddex geesood ah ay kula yeesheen madaxweyne Isiais Afwerki. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliy uu ka walaacsan yahay dhaq-dhaqaaqa Uhuru Kenyatta uu ka wado Ethiopia iyo Eritrea, iyo dacaayad iyo olole ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo uu billaabay Caasimada Online ayaa shalay qortay walaac laga qabo shirka saddex geesoodka Abiy, Afwerki iyo Uhuru ee arrimaha gobolka oo aan looga yeerin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo horey isaga iyo madaxda Eritrea iyo Ethiopia ay sameysteen isbahaysi saddex geesood ah oo dalalkooda ay isku kaashanayaan. Halkan ka aqri walkaas. Si kastaba waxaa hadda muuqataa in Farmaajo uu qaaday weerar celis uu uga jawaabayo ololaha ka dhanka ah dowladda Soomaaliya ee Uhuru Kenyatta uu ka wado gobolka, xilli xiisadda labada dhinac ay meel-xun gaartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Somalia:Dhacdo diimeed Uguba oo loo dilay wiil 8 sano jira Dadka deegaanka Xawaadley oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dhigay dibadbax rabashado watay oo ay uga soo horjeedeen dilka wiil yar oo 8 sano jir ahaa oo ka tirsanaa dadka deegaanka. Wararka ka imanaya deegaanka uu falka ka dhacay ayaa sheegaya in Ilmahan yar meydkiisa laga helay wabiga kaddib markii sida la sheegay uu toorey ku dilay Aabihii oo ka cadhooday hilib uu wiilkiisa ka soo cunay guriga dad ay ehel ahaayeen. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in meydka wiilkan yar oo ka xidhxidhan lugaha iyo gacmaha laga helay wabiga, waxaana uu intaa ku daray in Aabihii uu ka mid yahay firqada Takfiirka oo ah koox diimeed aan raashinka iyo guud ahaanba cunnada la wadaagin dadka intiisa kale. “Wiilkan ayaa la dilay kadib markii uu cunto ka soo cunay guriga ay ku geeriyootay ayaydiis oo xoolo lagu qalay.”ayuu sii raaciyay Cali Xaaji oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Xawaadley. Dadka dibad baxa dhigay ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen Masjid ay ku cibaadeystaan firqada Takfiirka ee deegaanka ku dhaqan, iyaga oo falkaa uga jawaabaya dilka loo geystay wiilka yar. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka jira walaac xoog leh oo dhinaca amaanka ah, kaas oo ay qabaan shacabka, ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda kadib markii ay kordheen dilalka, qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab. Dadka magaalada Muqdisho ayaa billaabay in ay waqti hore ku xaroodaan guryahooda, waxa ayna magaalada gashay bandow oo aan cidna ku soo rogin. Sidoo kale waxaa jira fariimo mobile-ka la’ iskugu dirayo, kuwaas oo ah wargelin iyo qatarro amni oo ka dhaci kara magaalada Muqdisho oo dadka la ogeysiinayo. “Fadlan haka bixin gurigaada, hadii aadnan ka maarmin ka fogaaw wadada Maka Al-Mukarama, Liido, iyo meelaha kale oo taargadka noqon kara, isku day in aad waqti hore gurigaada ku soo laabato, ha fariisan maqaayadaha waddo aad mar martay haku noqon, magaalada waxaa soo galay qaraxyo iyo raga wax dila ee Al-Shabaab, aqriso Qur’aanka, Mahadsanid, Alle haku amaansado”, waa fariimaha ay mobilka isugu dirayaan qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo wajahaya amni darro xoog leh. Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Caasimada Online u sheegay in magaalada Muqdisho ay soo galeen hogaamiyaal Al-Shabaab ah iyo dagaalamayaal ka soo baxsaday duqaymaha Mareykanka ee ka socda goballada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in ay haayaan warbixino digniin ah oo ay soo saareen hey’adaha sirdoonka ajaaniibta ah ee dalka ku sugan, kuwaas oo tilmaamaya in magaalada ay soo galeen rag badan oo Al-Shabaab ah lagana cabsi qabo in ay weeraraan xarumo iyo hotelo ku yaala magaalada Muqdisho. Xildhibaan Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ay halis ku jiraan shacabka gobalka Banaadir islamarkaana aysan jirin cid u maqan oo wax ka qabata amni darrada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho. Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay la yimaadaan isbadal amni inta uusan khasaaraha intaan ka badan. Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday in ay ka fekeraan amnigooda iyo badbaada nolashooda maadaama ay ku jiraan xaalad halis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Mid kamid ah haweenka Khaadka Iibiya oo ka badbaaday weerar qosheysan oo Al Shabaab ay ku dili rabeen ayaa codsi u dirtay madaxda ugu sareyso dalka. Haweeneydaan oo saxaafadda la hadashay kadib markii lasoo qabtay dhalinyaradii isku dayay inay dilaan ayaa sheegtay inay Marduuf Khaadka ah ka raadin jirtay masruufka caruurteeda oo 7 gaaraya. Waxay sheegtay in seygeeda uu yahay ruux kamid ah ciidamada booliska, waxaana ay ka dalbatay madaxda ugu sareyso dalka inay dajiyeen meel amaan ah, maadaama aysan ka fakaneyn Al Shabaab. Dhalinyarada lasoo qabtay ayaa bastoolad la kortagay haweeneydaan waxaana u shaqeyn waayay labo bastoolad oo ay wateen, waxaana kadib qabtay ciidamada amaanka oo goobta ka dhawaa. Seddexda dhalinyarada ah ee lasoo qabtay ayaa sheegay inay qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee degmada Wadajir. Hoos ka daawo Muuqaalka Haweeneyda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay sida loola xidhiidhiyay weerarkii daaraha mataanaha ee 9/11 Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay sawirka lagu dhajiyay baarlamaanka Jamhuuriga ee galbeedka Virginia Xildhibaannadda ka tirsan aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay sawir la xiriirinayay weerararkii daaraha mataanaha ee Mareykanka lagu burburiyay 9-kii bishii Sitembar ee sannadkii 2001-dii. Sawirkan muranka dhaliyay ayaa lagu dhajiyay darbiga dukaan ku yaalla xarunta baarlamaanka siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee galbeedka Virginia. Ilhaan Cumar oo arrintan ka carootay ayaa sheegtay in “Sawirkaas muslimiinta looga soo hor jeedo ee lagula xiriiriyay argagixisada” uu dhiirri galinayo handadaad iyo qalaalse ka dhan ah iyada. Sawirka ay Ilhaan cambaareysay oo Jimcadii lagu arkay xarunta baarlamaanka Jamhuuriga ee magaalada Charleston ayey ka muuqdeen sawirka Ilhaan oo ay ka dambeeyaan daarihii mataanaha ahaa ee New York oo gubanaya, iyadoo lagu dul qoray oraah uu micnaheedu ahaa: “Waligiin ha illoobina – ayaad dhahdeen. Aniga ayaa caddeyn ah – waad illowdeen”. Ilhaan ayaa sawirkan ku tilmaantay mid lagu xoojinayo halista iyada ka dhanka ah Jawaabta ay arrintan ka bixisay ayey ku sheegtay in sawirka noocan ah uu yahay sababta ay bartilmaameedka ugu ahayd halista. “la yaab malaha inaan ku jiro liiska dadka “la doonayo in la dilo” ee kooxaha argagixisada ee gudaha ay raadsanayaan iyo waliba in kaalinteyda shidaalka lagu qoray ‘Ilhaan hala khaarajiyo’, ayey tidhi. “Wax kaleba iska daaye, siyaasiyiinta garabka Jamhuuriga ayaa magaalooyinka caasimadaha u ah gobollada kusoo bandhigaya sawir islaam-nacayb ah oo ila xiriirinaya argagixisada, mana jirto cid cambaareyneysa”. Liiska dadka la doonayo in la dilo ee ay Ilhaan Cumar ka hadashay ayaa ku saabsan nin caddaan ah oo sida la sheegay si iskiis ah isku abaabulay. Ninkaas oo lagu magacaabo Christopher Paul Hasson yaa lagu soo warramay inuu heystay hub uuna qortay magacyada siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo uu doonayay inuu dilo, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar. Siyaasiyiinta Jamhuuriga ee kasoo jeeda galbeedka Virginia ayaa sheegay in aysan taageerin hadal nacayb ah isla markaana ay qofkii sawirka meesha ku dhajiyay ka dabadeen inuu ka fujiyo. Ilhaan ayaa lagu soo doortay doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ka dhacday bishii Nofember ee sannadkii hore, waxayna noqotay mid ka mid ah labo haween ah oo muslimiin ah, oo markii ugu horreysay abid ku biiray aqalka Koongareeska. Qaran News
  19. Hoggaamiyaha kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Mali ayaa dib ugasoo muuqday muuqaal uu soo duubay, dhowr bilood kadib markii masuuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in la dilay. Geerida Amadou Koufa ayaa si ballaadhan loo tebiyey, kadib markii bishii November ay ciidamo Faransiis ahi weerar gaadmo ah ku qaadeen. Muuqaalka, oo Mr Koufa uu ku jees jeesayo wararka la xidhiidha geeridiisa, ayaa waxaa xaqiijiyey koox fadhigeedu yahay Maraykanka. Ciidamada Faransiiska ayaa gudaha u galay dalka Mali sanadkii 2013, kuwaas oo dib u riixay kooxo jihaad doon ah oo dhul ballaadhan oo dalkaas kamid ah qabsaday. Si kastaba ha ahaatee, mindidiintaas ayaa ah wali ah khatar muuqata. Weerarkii November kadib, afhayeenka ciidamada dalka Mali iyo Wasiirka difaaca Faransiiska ayaa xaqiijiyey geerida Mr Koufa, oo ah sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda ugu xoogga badan jihaad doonka ee JNIM. Hataan ayaa waxaa dalka Mali oo dhan qabsaday muuqaal muujinaya Amadou Koufa, oo xidhan cimaamad cad, oo ku jees jeesaya ciidmada Faransiiska iyo kuwa Mali. Afhayeen u hadlay ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay ku hawllan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen waxa ka run ah muuqaalkaas. Mr Koufa ayaa lagu tilmaamay in uu yahay sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), taas oo weerarro joogta ah ku qaadday dalka Mali iyo dalka ay dariska yihiin ee Burkina Faso. Faransiiska, oo horay usoo gumaystay dalka Mali, ayaa waxaa dalkaas ka jooga kumanaan kamid ah ciidamadiisa si ay uga hortagaan kooxaha fallaagada ah. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Cadde Xasan Cali Gaabow ayaa sheegay in dadka degan Caasimadda ay bilaabi doonaan in ay joojiyaan waxyaabaha ay ku taageeraan dowladda dhexe ee Soomaaliya, Maadaama aysan jirin wax loo qabto Shacabka. Cadde Gaabow waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dhibaatooyin xooggan oo sababay in maalinwalba ay dhintaan dad shacab ah, oo ay haleelaan Qaraxyadda xilli ay bixiyaan Canshuurta ugu badan Soomaaliya. Waxa uu wacad ku maray in shacabka Muqdisho ay joojin doonaan Canshuurta ay bixiyaan, maadaama loo diiday dadka kunool gobolka Banaadir in ay yeeshaan Maqaam Siyaasadeed. “Haddii aan canshuurta na laga qaado waxba na looga qabaneyn, waxaa ballan ah inaan joojino, waana awoodnaa sababtoo ah dadka canshuurta laga qaado waa dakeena, igaarta canshuurta ururisana waa wiilasheena” ayuu yiri Cadde Xasan Cali Gaabow. Hadalka Cadde ayaa qeyb ka mid ah dadaallo iyo olole isa soo taraya oo ay dadka u dhashay Muqdisho uga hor-tagayaan dowladda federaalka ah ee ku dul nool ayada oo aan waxba u qaban una ogoleyn matalaad rasmi ah. Hoos ka dhageyso hadalka Cadde Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa wada-hadallo hoose kula jirta maamulka Somaliland, xilli ay xiisad ku saabsan badda Soomaaliya, kala dhaxeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo sheegay in wada-hadallada labada dhinac ay ku saabsan xiriirka waxa uu ugu yeeray “labada dal” Faratoon ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadallada cusub ay ku saabsan yihii sidii Kenya ay xafiis diblomaasiyeed uga furan lahayd magaalada Hargeysa. “Baryahanba Dawladda Kenya wada hadalo ayaa noo socda, in halkan Xafiis ka furtaan, in xidhiidhkayagu sii kordho, ayaanu rajaynaynaa, laakiin wax kama dambaysa ah oo la gaadhay oo aan hadda ku dhawaaqi karayaa ma jiraan” ayuu yiri Faratoon. Kenya ayaa muddo diidaneyd inay xafiis diblomaasiyeed ka furato magaalada Hargeysa, ayada oo diidan inay dhaawacdo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si ka duwan Itoobiya, ma jiraan dad Kenyan ah oo ku sugan magaalada Hargeysa oo safaarad ama qunsuliyad Kenyan ah ay u adeegeyso, sidaas darteed xafiis kasta oo Kenya ay ka furato Hargeysa waxaa loo arki karaa mid arrimo siyaasadeed ay ka dambeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Dal walba waxaa si aad ah looga ixtiraamaa Haweenka waxey qabtaan jagooyin sar sare waxey qeyb ka yihiin go’aanada Masiiriga ah ee la gaaro, sidoo kale codkooda wuxuu gaaraa meelo fog fog. Hadii aan nahay Haweenka Soomaaliyeed runtii ma helno intaas iyo in u dhaw aad ayaan uga liidanaa ka qeyb galka Siyaasadda dalka, waxaana ugu wacan Bulshadeena Soomaaliyeed oo aamisan in Ragga kale dunida horumarin karaan. Dalal dhowr ah oo dhaca qaaradaha kala duwan ee Caalamka waxaa hogaanka u haya Dumar, xuuqdooda dumarkana iyaga ayaa si gaar ah u ilaaliya kuna matala hadba heerka uu yahay kursiga ay joogaan sidoo kale waxey ku difaacaan xuquuaha Haweenka. Annaga hadaan nahay Soomaali waxaan dalka ka heynaa xilal kala duwan sida Xildhibaan, Wasiir iyo jagooyin kale oo magic u yeel ah. Nasiib darro waxaa noogu filan in Haweenka Soomaaliyeed ee dalka ku nool aan laga soo xulan dadka xilalkaasi haya, maxaa yeelay ma dareemi karaan dhibaatooyinka heesta haweenka, duruufaha adag ay ku noolyihiin iyo xuquuqdooda oo aysan u doodin. Wasiiradda Haweenka xukuumadda Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin waxey hoos u dhigtay dadaalkii aan u soo halganay ee heerba heer soo gaaray, waxey ilowday iney nagarab qabato, sidoo kalena ay nagala shaqeyso sidii aan u noqon laheyn haween horumarsan oo xuquuqdooda dhacsada. Wasaaradda ay mas’uulka ka tahay badi waxaa ka shaqeeya haween qurbo joog ah oo Soomaaliya waxba ka aqoon xitaa qaarkood kuma hadli karaan luuqadeena Hooyo iskadaa iney nala shaqeeyaan, sidoo kale waxaa la shaqeeya Rag uu ku fogaaday dumar naceybka kuwaa oo xili walba shirarka ku casuuma dad aan shaqo ku laheyn arrimaha Haweenka. Marwo Deeqa waxey kaloo ku guuldareesatay iney sharciyadda xuquuqda haweenka u gudbiso Baarlamaanka Federalka tan iyo markii la magaacabay xitaa kama aysan hadlin arrimahaasi, kaliya waxey ka hadashaa arrimaha gudniinka gabdhaha oo hay’do qandaraas kula gashay. Haweenka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa oo si weyn uga soo horjeestay Shir ay Waddo Wasiirka Haweenka Deeqa Yaasiin oo Berri ka furmaya magaalada Muqdisho, sababo badan aawadeed. Shirkaas oo haweenka dalka loogu talagay in looga hadlo aayahooda waxaa ka qeyb galaya dadka qurbo joog ah oo ka kala yimid Yurub iyo America una badan haween iyo dhowr Ragg ah oo aan shaqo ku laheyn arrimaha Haweenka. Wasiirada waxey iska indho tirtay dhamaan dumarka Soomaaliyeed ee gudaha kuwa ku nool deegaanada maamul goboleedyada iyo magaalada Muqdisho, mana jirto cid berry shirkaas u mataleysa haweenka dalka. Wasiiradda oo lafteeda qurba joog ah ayaa lagu eedeeyay in ay xaqiraad ulakac ah ku sameysay gabdhihii Soomaaliyeed ee dalka xilliyadii adkaa u soo halgamay oo ay ka doordbiday qurbajoog aan dhaqanka Soomaaliyeed iyo halgankii adkaa ee ay gabdhuhu soo galeen waxba kala socon oo ay shirka baritoole ku casuuntay. Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuula Shiikh Axmed Gaballe ayaa warbaahinta shalay u sheegtay in wasiiradda Haweenka Deeqa Yaasiin ay tiri “ Guriga Hooyooyinka igu soo wareeji bishiina lacag 5,000 oo doolar ah qaado. Marwo Batuulo wey iska diiday weyna ka xumaatay hadalka wasiiradda, bal kawaran hadii ay heshiin lahaayeen soo halgankii haweenka muu dhinteen? Xubnaha ururka haweenka gobolka ee gobolada dalka oo iyaguna shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in maanta kadib aaney wasiir Deeqa u aqoonsanyn Wasiir Haween . Waxa jirta qeyla dhaan kale oo aad u xooggan oo ka imaneysa dalka dibadiisa kuwaas oo iyaguna sheegay in berri ay qaban doonaan shirar ay uga horjeedaan Wasiiradda oo ay ku tilmaameen in Wasaaraddii ay ka dhigtay NGO-yadii ay la shaqeyn jirty. Wasiiradii hore ee haweenku waxey ka shaqeyn jireen midnimada Ivo walaaltinimada gabdhaha dalka jooga iyo kuwa dibadda jooga laakiin Wasiir Deeqa ay hadda colaad ka dhex abuureyso haweenka dhexdooda. Sidaas darteed haweenka Soomaaliyeed uma baahna in lakala dilo oo lakala qeybiyo waxaan rabnaa wadajir iyo midnimo inaan kuwada noolaano ee fadalan iscasil oo naga hor wareeg. W/Q: Naciima Hassan Gacal Naimahgacal@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Markii la faafiyey qoraalkii uu cinkwaankiisu ahaa FADHI KU DHEREG, rag iyo dumar badan oo Reer Jubbalaan ah ayaa waxa ay isugu direen baraha bulshada. Taasi waxa ay keentay in Xildhibaannada Jubalaan oo tiradooda 80 tameeyo tahay ay maanta u taagan yihiin 10000 (toban kun) oo musharrax. Sababtu waxaa weeye, waxaa la isla fahmay lacagta faraha badan ee musharrixiinta madaxweynuhu ay bixinayaan oo laga yaabo in Xildhibaankii uu uruursan karo ilaa 200, 000 kun oo Doolar oo uu hal mar fakhriga ku tuurayo. Qoraalka FADHI KU DHEREG ka sokow, dadku waa tol oo waxa ay inta la xiriireen ogaadeen lacagaha ay heleen xildhibaannadii Buutlaan iyo qasriyadii ay isla markiiba jeexdeen. Dhacdada yaabka leh ayaa ahayd, in Xildhibaan Jubbalaand oo reer ka dhaxeeyey oo ay u tartamayeen 40 musharrax, shalay lagu dhexdhexaadiyey in nin loo daayo, 39 kala ay qaybsadaan lacagta faraha badan ee codkaasi. Waxaa lagu heshiiyey in musharrax kasta lacagta laga qaado. Maadaama aamminkii uu yaraaday, waxaa la isku waafaqay in Xildhibaanka guri lagu hayo oo uusan iska bixi karin, marka musharrax soo wacana la raaco. Si ay ku dhacdaba, haddii uu dhuunto Xildhibaanku, waxa ay beeshu ku heshiisay in ay garaacaan 39 ka kale oo ay ka soo matajiyaan wixii uu la dhuuntay. Marka la raaco, musharruxu lama faqi karo Xildhibaanka, lacagtana iyaga oo dhan baa kala heshiinaya, markii loo tiriyana horay bay ka qaybsanayaan inta kale. Xildhibaanku iskuma heli karo lacagta iyo jagada. Kismaayo oo dhan baa maanta musharrax Xildhibaan ah, dabadaa la is haystaa, lana is fahan. REER GALMUDUG Galmudug xiisaheedu waa adag yahay. Dadka ugu lacagta badan Soomaaliya ayaa ku dagaallamaya. Dhaqaalaha faraha ka batay ee Xamar yaalla (mid dawladeed iyo mid shacabba), dadka iska leh waa Reer Galmudug. Ganacsato, Wadajir, UPD iyo Nabad iyo Nolol iyo baloo dhan baa isku hardinaysa. Tuubboyin badan oo dibedda ah baa haddana ku soo burqan doonta. Waxa ay u badan tahay in qiimaha codadku ka sara maraan Jubbalaan. Ilaa 300, 000 Doolar baa la qiyaasayaa in Xildhibaankii dadaaala uu uruursan karo. Qofkii Galmudug Xildhibaan hela, fakhriga in uu tuurayo shaki kuma jiro. Halkaasina ha lagu yaaco. Waa fadhi ku dhereg, jiif oo jaq, adiga oo aan hawshoon hodan, iyo bilaash ku baashaal. Digniin: Galmudug dilku waa ka fudud yahay ee hadda ka sii feker sidii aad lacagtaasina ku xaabsan lahayd, naftaadana u badbaadsan lahayd. FG: Haddii aad doonayso in aad akhrisato qoraalka FADHI KU DHEREG, ka raadi Faysbuuggayga iyo Balooggayga. Akhri qoraalkaasi xog iyo qish badan baad ka helaysaaye. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid