Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxa sheegay in dhallinyadii reer Somaliland looga gacan haadinayo Soomaaliya, waxaanu ka hadlay xuska maalinta dhallinyaradda Somaliland ee UFFO, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, H.E. Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda federaalka Itoobiya. Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa, iyada oo ay gudo geli doonaan kulamadii ay la lahaayeen ra’iisal wasaaraha dawladda Federal-ka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed. Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo xalay soo gaadhay Jabuuti, wadahadalna maanta la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadda kasoo duulay Jabuuti, isaga oo ku wajahan magaalada Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in Farmaajo ka baaqday safarkii Itoobiya iyo kulankii ay qabanqaabisay Itoobiya ee dhex-mari lahaa isaga iyo madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kasta oo kulanka la isku raacay markii hore haddana la isku qabtay qodobo muhiim ah oo ku saabsan wada-hadalka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Maanta u safray magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. War-saxaafadeed goor dhoweyd ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu xaqiijiyey in Muuse Biixi Cabdi aanu Addis-Ababa kula kulmi doonin cid aan ahayn Abiy Ahmed. Ilaa iyo hadda si cad looma oga qodobada la isku qabtay, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Farmaajo diiday in wada-hadalka saddex geesood noqdo, oo Itoobiya qeyb ka noqoto sida Muuse Biixi uu rabo, balse Farmaajo uu doonayo in Itoobiya ay lahaato kaliya door qaban-qaabinta Kulanka. Muuse Biixi ayaa horey shuruud uga dhigay aanj aamini karin dawladda Soomaaliya, sidaas darteed wada-hadal kasta oo uu la galaayo ay khasab tahay in dhinac saddexaad goobjoogo ka noqdo. Source
  4. Muqdisho (Caasimada online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee kooxo hubeysan ay ku dileen ku xigeenka xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya. Maxamed Cabdiraxmaan Mursal ayaa kooxaha hubaysan waxay ku dileen xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, sida dad goobjoogayaal ah ay u sheegeen Caasimada Online. War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii maanta oo lagu dilay Maxamed Mursal. “Howlgal ay ciidamada Shabaab ka fuliyeen degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa dowladda, gaar ahaan waxa loogu yeero xeer ilaalinta.” ayaa lagu yiri war kooban oo Al-Shabaab kasoo baxay. Wararka ayaa sheegaya in kooxdii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta dilku ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo Boolis ah oo Meydka sarkaalka uqaaday dhanka CID-da. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dableyda dishay Maxamed Mursal ay ka xeysteen gaari uu watay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Wasiirka Maaliyada,Axmed Shire oo qaabilay Muse Biixi Daawo Muqaalka soo dhaweynta +Sawirro Qaran News
  6. Kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi oo baaqday+Farmaajo Muqdisho ku wajahan Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya inuu baaqday kulan la qorsheynayey in maanta uu Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo magaalada Addis Ababa kula yeesho madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Farmaajo oo xalay soo gaadhay Jabuuti, wadahadalna maanta la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadda kasoo duulay Jabuuti, isaga oo ku wajahan Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in Farmaajo ka baaqday safarkii Itoobiya iyo kulankii ay qabanqaabisay Itoobiya ee dhex mario lahaa isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in inkasta oo kulanka la isku raacay markii hore haddana la isku qabtay qodobo muhiim ah oo ku saabsan wada-hadalka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Maanta u safray magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. War-saxaafadeed goor dhoweyd ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu xaqiijiyey in Muuse Biixi uusan Addis-Ababa kula kulmi doonin cid aan ahayn Abiy Ahmed. Ilaa iyo hadda si cad looma oga qodobada la isku qabtay, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Farmaajo diiday in wada-hadalka saddex geesood noqdo, oo Itoobiya qeyb ka noqoto sida Muuse Biixi uu rabo, balse Farmaajo uu doonayo in Itoobiya ay lahaato kaliya door qaban-qaabinta Kulanka. Muuse Biixi ayaa horey shuruud uga dhigay inuusan aamini karin dawladda Soomaaliya, sidaas darteed wada-hadal kasta oo uu la galaayo ay khasab tahay in dhinac saddexaad goobjoogo ka noqdo. Farmaajo ayaa aaminsan in Soomaalida ay iyagu uun waxooda dhameystaan. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Shalay ay ku dhawaaqeen qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed inay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya ayaa waxaa soo baxayo warar sheegayo in Saaka uu Muqdisho soo gaaray jaadkii laga keeni jiray dalka Kenya. Sida uu mid kamid ah Ganacsatada Jaadka u sheegay Caasimadda Online waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Qaad ka badan midkii maalmihii ugu dambeeyey la geeni jiray Magaalada taasoo wax kama jiraan ka dhigeyso hadalkii ay Shalay sheegeen Ganacsatada Soomaaliyeed. Suuqyada Muqdisho ee lagu iibiyo Qaadka ayaa waxaa lagu arkayaa iyadoo lagu iibinayo midka laga keeno dalka Kenya oo ay Soomaaliya kala dhaxeyso khilaafka siyaasadeed. Qaar ka mid ah Ganacsatada oo Wariyeyaasha kula hadlay Shalay magaalada Muqdisho ayaa ku goodiyay inay joojinayaan qaadka, si ay ula saftaan dowladdooda oo xilligan khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Kenya. Sidoo kale Ganacsatada ayaa sheegay inay u wareegayaan dalka Itoobiya, si Qaadka uga soo dhoofsadaan. Hadalkan ayaa jawaab u ah hadal ka soo yeeray Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee Kenya oo sheegay inay joojinayaan Qaadka ay u soo dhoofiyaan Soomaaliya. Lama oga in go’aankan ka soo baxay Ganacsatada Qaadka inuu yahay mid guud, hase ahaatee Ganactsada Qaadka ayaa isugu jira dhowr qeybood oo ah qeyb toos Qaadka uga soo dhoofsada Kenya iyo kuwa ka sii iibsada. Sidoo kale waxaa meesha ka baxay hadalkii Ganacstada Kenya ee ahaa inay joojinayaan Qaadkii ay u diri jireen dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Kabenguuriya (SMN) – Saraakiisha Booliska magaalada Kabenguuriya ee Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 28 qof oo ay ku jiraan Soomaali, kadib markii ay isku dayeen in ay si sharci darro ah ku galaan magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi. Taliyaha Booliska magaalada Kabenguuriya ayaa sheegay in 28-ka ruux ee la xiray ay 23 ka mid ah ay yihiin Soomaali deganaa xerada Kaakuma, halka inta kale ay yihiin dad u dhashay dalka Sudan. Sidoo kale taliyaha ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in dadkan ka soo baxay xerada Kakuma la qabtay, iyagoo saaran gaari Bas ah, islamarkaana ay ku sii jeedeen caasimadda Nairobi. Maamulka xerada qaxootiga ee Kaakuma oo wax laga weydiiyay socdaalka dadkan ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeyn safarkooda. Dhawaan Booliska Kenya ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen howgallo lagu baacsanayo dadka, sida sharci darrada ah ku jooga Nairobi,si loo adkeeyo ammaanka magaaladaasi. The post Kenya oo dad ay ku jiraan Soomaali ku xirtay Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ka baaqday magaalada Addis Ababa oo ay ku kulmi la haayeen Muuse Biixi. Sababta uu u baaqday kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa warar xog ogaal ah sheegayaan in ay la xiriirto xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya iyo kulamo muhiim ah oo Madaxweyne Farmaajo ku qasbaya in uu dhaqso dib ugu laabto Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa qorshuhu yahay in ay goor-dhow u duulaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, markii uu gaarayna waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shade iyo masuuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa horey casuumaad ugu fidiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, oo yeelan lahaa kulan uu garwadeen ka yahay. PUNTLAND POST The post Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo baaqday appeared first on Puntland Post.
  10. Pretoria (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay laba ruux oo ahaa ganacsato Soomaali ah loogu geystay magaalada Pretoria ee waqooyiga dalka Koonfur Afrika. Dilka labadan Qof ayaa ka dhacay deegaan ay ku badan yihiin ganacsatada Ajaaniibta ah ee dalkaasi. Magacyada ganacsatada Soomaalida ee la dilay ayaa lagu soo koobay Axmed iyo Cumar, waxaana weeraray rag hubeysan oo damacsanaa in ay boobaan hantidooda. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo sameeyay baaritaano lagu baadi goobayay kooxihii ka dambeeyay falkaasi. Isniintii la soo dhaafay ayey aheyd markii ganacsade Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalka ee K/Afrika, kaas oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim. The post Ganacsato Soomaaliyeed Oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in inuu baaqday kulan la qorsheynayey in maanta uu adaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo magaalada Addis Ababa kula yeesho madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Farmaajo oo xalay soo gaaray magaalada Jabuuti, wadahadalna maanta la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadda kasoo duulay Jabuuti, isaga oo kusoo wajahan Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in Farmaajo ka baaqday safarkii Itoobiya iyo kulankii ay qabanqaabisay Itoobiya ee dhex mario lahaa isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in inkasta oo kulanka la isku raacay markii hore haddana la isku qabtay qodobo muhiim ah oo ku saabsan wada-hadalka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Maanta safray magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad uu u soo diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu xaqiijiyey in Muuse Biixi uusan Addis-Ababa kula kulmi doonin cid aan ahayn Abiy Ahmed. Ilaa iyo hadda si cad looma oga qodobada la isku qabtay, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Farmaajo diiday in wada-hadalka saddex geesood noqdo, oo Itoobiya qeyb ka noqoto sida Muuse Biixi uu rabo, balse Farmaajo uu doonayo in Itoobiya ay lahaato kaliya door qaban-qaabin kaliya. Muuse Biixi ayaa horey shuruud uga dhigay inuusan aamini karin dowladda Soomaaliya, sidaas darteed wada-hadal kasta oo uu la galo ay qasab tahay inay dhinac saddexaad goobjoogo ka noqoto. Farmaajo ayaa aaminsan in Soomaalida ay ayaga un waxooda dhameystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Jabuuti (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah. Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah wasiirka Gaashaandhigga, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. The post Jabuuti iyo Soomaaliya Oo ka wada hadlay xiriirka labada dal appeared first on Shabelle. View the full article
  13. New York (SMN) -Taliyaha Mareykanka ee AFRICOM Thomas Waldhauser oo warbixin siinayay guddiga xildhibaanada Sanotarada ciidamada Mareykanka ayaa shaacka qaaday in Soomaaliya hormar la taaban karo ay ka sameysay dhanka aminga 10-kii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Mareykanka uu si dhow ula shaqeeyay beesha caalamka iyo saaxibada Soomaaliya, sida QM iyo Midowga Africa. “Dhammaan waxaan xoogga saarnay sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni iyo sidii ay uga soo kabsan laheyd xaaladihii aadka ee soo maray”. Ayuu yiri taliyaha AFRICOM. Thomas Waldhauser ayaa intaasi raaciyay in Mareykanka uu sii wadayo duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli sanadkan dowladda Mareykanku ay kor u qaaday howlgallada ay ka fuliso Soomaaliya. The post Mareykanka Oo bogaadiyay horumarada Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xeerka dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada dowladda Federaalka la gasho dalal, shirkado iyo hay’addo ajnabi ah. Habracan ayaa la sheegay inuu yahay midka loo baahan yahay inay maraan cid walba oo ka tirsan dowladda xilliyada ay heshiis galeyso. Xubnaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda ayaa ka reeban inay heshiis toos ah iyo mid dadban intaba la galaan, Dalal, Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah, iyada oo aan la raacin habraaca la soo saaray, sida lagu sheegay farqada cad qodobkiisa labaad. Sidoo kale War-Saxaafadeedka kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu cadeeyay heshiisyada lala gelayo Dalal, Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaaliya, sidoo kalena lasoo marsiiyaa Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waaxdeeda Sharciyada iyo heshiisyada Caalamiga ah. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya
  15. Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xeer ka soo saaray dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada ay gasho dowladda federaalka Soomaaliya. Xeerkan ayaa waxaa looga reebay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda in heshiisyo toos ah ama kuwa dadban ay la galaaan hay’ado ama dalal shisheeye, iyadoo aan la raacin tallaabooyinka ku cad farqada labaad ee qodobka. Sidoo kale xeerka ayaa dhigaya in Heshiisyada la galayo la horgeeyo golaha wasiirada Soomaaliya, kadib marka la soo marsiiyo wasaaradda arimaha dibadda, gaar ahaan waaxdeeda sharciyada iyo heshiisyada caalmaiga ah iyo Garyaqaanka guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-XFS Oo Habraac u sameysay Heshiisyada appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhagyesato The post Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Sheikh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa lagusoo dhaweeyey magalada Garoowe ee caasimadda Puntland, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo uu deegaanada Puntland socdaal ku yimaado. [...] Source
  18. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo is in Djibouti after concluding his two-day official trip to Burundi. President Farmajo is holding talks with his Djiboutian counterpart, Ismail Omar Geelle on strengthening diplomatic relations between the two nations and cooperation on the trade and security. Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo, accompanied by his national security adviser and army officails reached Djibouti capital on Tuesday evening. The president was welcomed by Djibouti Defence Minister, Ali Hassan Bahdoon and other senior governmental officials. Djibouti troops are part of African Union peacekeeping troops serving in sector four in Hiil Walaal operation. The post Somali president in Djibouti for talks with Guelleh appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa kulan looga hadlayo diyaargarowga ciyaaraha kubbadda Gacanta degmooyinka ku qaatay xarunta degmada Yaaqshiid. Waxaa kulanka daah furay guddoomiyaha DegmadaYaaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed,isagoo soo dhaweeyay qorshaha maamulka Isboortiga ee kulamada looga hadlayo horumarinta ciyaaraha degmooyinka gobolka si dhalinyarada iyo shacabka caasimada ay helaan is-dhexgal bulsho iyo isu soo dhawaasho. Kulanka oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta qaybaha kale duwan ee maamulka Isboortiga gobolka, guddoomiyayaasha ciyaaraha degmooyinka oo ay wehliyaan ku xigeenadooda iyo xoghayntooda, waxaana lagu gorfeeyay tartamada heer waax iyo heer laan ee ka socda degmooyinka, qaabka ay ugu diyaargaroobayaan ciyaaraha kubbadda gacanta degmooyinka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in degmooyinka laga doonayo in ay u dhaqaaqaan qabashada tartamada da’yarta ay da’dooda u dhaxayso 8-15 jir oo aan kaliya lagu mashquulin ciyaartooyda da’da weyn,balse ay sanadkan diirada saarayaan horomarinta iyo dhiiri gelinta da’yarta. Guddoomiye Wiish waxa uu dhanka kale tilmaamay in sanadkan maamulka Gobolka ay ka go’an tahay in sare u qaadaan isboortiga heer aqoon, heer tartan loona qaban doono koorsooyin la xiriira qaybaha aas-aasiga ee Isboortiga, waxuuna ugu dambaynti howlwadeenada isboortiga degmooyinka kula dardaarmay in ay si wanaagsan ugu soo diyaargaroobaan ciyaaraha kubbadda gacanta degmooyinka 2019. Halkan Ka Daawo Sawiradii kulan looga hadlayo diyaargarowga ciyaaraha kubadda Gacanta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd u dhoofay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka warbixiyay ujeedada safarkooda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Berbera)-Nin Jacayl Ku Dhacay Dartii Hoy Uga dhigtay Moofadi Cilmi Boodhari Kana Sheekeeyay Jacaylka Ku Dhacay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ayaa ka hadlay xiisadda diblomaasiyeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Faarax Macallin oo ka qeyb galay barnaamij uu qabtay taleefishinka Ebru TV ee dalka Kenya ayaa sheegay in go’aanka dowladda Kenya ay xiriirka ugu jartay Soomaaliya uu ahaa mid aan wax sabab ah lahayn. Waxa uu sheegay in shirkii London ka dhacay ee shidaalka Soomaaliya ay xogtiisa tahay mid banaanka taalla, islamarkaana wax xaraash xiroomiyin shidaal ah aan shirkaas lagu sameyn. Faarax Macallin ayaa shaaca ka qaaday in waxa dowladda Soomaaliya ay sameysay ay ahayd uruurinta iyo soo bandhigista xogta shidaal ee xeebaha Soomaaliya, islamarkaana ay si ula kac uga leexatay dhul-badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya ee kiiskiisa uu yaallo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ. “Haddaan nahay reer Kenya, xaggeen ka keenay arrimaha oo dhan ee ah; Soomaaliya noo imaneysa, dhulkeena ayay qaadanaysaa, ma aqaan xaqiiqdii waxan dhan halka ay ka socdaan” ayuu yiri Faarax Macallin. “Laba arrin mid un baa jirta, in dowladda Soomaaliya ay been sheegeyso oo xogta banaanka taal ee shirkadda Spectrum wax ka duwan ay jiraan, iyo in wasaaradda arrimaha dibedda Kenya shaqadeeda gabtay, oo aysan saameyn wax baaritaan ah, balse wax kasta waa cad yihiin” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (SMN) – Rag ku hubeysan bastoolado ayaa barqanimadii maanta dil ka geystay xaafadda Siigaale degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ah ku xigeenada xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Mursal, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Kooxda dilka fulisay ayaa la sheegay in ay horay u qaateen Gaari uu watay Marxuumka, iyadoona markii dambe ciidamada amniga gaarigaasi ay ku qabtaan agagaarka warshadda caanaha ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in toogasho ay ku dileen sarkaal ka tirsanaaa xeer ilaalinta dowladda Soomaaliya. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga oo muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan oo dil ka geystay M/ Muqdidsho appeared first on Shabelle. View the full article