Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa digniin adag u diray maamulka Somaliland, isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleynin waxa uu ugu yeeray Daandaansi ka yimaada dhanka Somaliland. Wuxuu sheegay in maamulka Somaliland uu kaga digaayo daandaansi ay ka wado gobolka Sanaag, maadaama ciidamo badan ay soo dhoobtay labadii maalin ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa tilmaamay in maamulka Puntland muddo badan uu sameeyay dulqaad, islamarkaana dadka nabadda jecel ay mar walbaa qaadanayeen in la xakameeyo xaaladda, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in Puntland ay karaamadeeda difaacan doonto haddii Somaliland ay isku daydo inay weerarto deegaanada maamulka Puntland, isagoo cadeeyay in markale ay digniin u dirayaan Somaliland. Hadalkaan wuxuu madaxweynaha Puntland ka jeediyay kulani maanta lagu daah furayay qorshaha Puntland ee shanta sanadood ee soo socota. Xiisadda u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ayaa taagan sanadihii ugu dambeeyay, waxaana hadda dib u bilowday dhaqdhaqaaqa Somaliland ee deegaanada dhanka xuduuda labada maamul. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay taliyihii ciidamada booliska ee saldhiga degmadaasi. Taliska ciidamada booliska ayaa shaqo joojintaasi ku sameeyay taliyaha booliska ee saldhiga degmada Dayniile Macalin Faarax, waxaana la sheegayaa in baaritaano kale ay socdaan. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada booliska ee saldhiga degmada Dayniile shaqada looga joojiyay kadib markii la sheegay in degmada laga soo tuuray madaafiic waxyeelo kala duwan geystay, islamarkaana isaga uusan waxba ka qaban dadkii fuliyay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaafiicdii ugu dambeysay ee ku dhacday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya laga suu tuuray meel ku dhow saldhiga degmada Dayiile, taasi oo su’aalo badan keentay. Macalin Faarax oo ah taliyaha ciidamada Booliska ee shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa beeniyay in degmada laga soo tuuray madaafiicda, waxaana hadda si KMG ah xilkaasi loogu dhiibay sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu Magacaabo Xasan Cali. Ciidamada amaanka ayaa la sheegay inaysan wali soo qaban dadkii ka dambeeyay madafiicda laga soo tuuray degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana socda baaritaano ciidamada amaanka ay sameynayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa ka hadlay malayshiyaadkii shalay qabsaday deegaanka Yube ee gobolka Sanaag. Madaxweyn aha ayaa waxa uu sheegay in shacabka [...] Source
  4. Malayshiyaadka ka amar qaata madaxweynaha aamulka Soomaalidiidka ah ee Hargaisa Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qabsaday deegaanka Yube ee gobolka Sanaag. Malayshiyaadkan ayaa sheegay in [...] Source
  5. Berbera (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dekada magaalada Berbera ayaa sheegaya in halkaasi laga dhaqan geliyay amar horey uga soo baxay maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku heya dekadaasi. Amarkaasi ayaa ahaa in laga bilaabo maanta la kordhiyo lacagaha laga qaado ganacsatada badeecadaha kala duwan kasoo degsada dekada magaalada Berbera, islamarkaana la kordhiyo qiimaha sarifka Doolarka Mareykanka. Raghu Pillai oo ah madaxa maaliyadda Shirkadda DP World ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo amar ay soo saareen 1 Janaayo in laga bilaabo maanta sarifka halkii doolar ay ka dhigeen 8,500 (Sideed kun iyo Shan Boqol) oo lacagta Somaliland ah. Waxaa kale oo uu sheegay in sare loo qaaday qiimaha laga qaadayo kunteenarada ganacsatada ay kala soo dagaan dekada magaalada Berbera. Kunteenarka Ganacsiga nooca loo yaqaan 20f ah ee ka soo dega Dekadda Berbera waxaa horay looga qaadi jiray labo Malyan iyo lix Boqol,waxaana hadda la gaarsiiyay saddex Milyan iyo sagaal boqol oo lacagta Somaliland ah. Halka Kunteenarka 40ft waxaa horay looga qaadi jiray lacag gaareysa afar Milyan iyo lix boqol,waxaana hadda la gaarsiiyay shan Milyan iyo lix boqol. Arintaan ayaa culees ku ah ganacsatada Somaliland, waxaana ay iyaga ka qaadi doonaan lacagaha dheeraadka ah dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Maarso 12, 2019, Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmiya u furay shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo looga golleeyahay [...] Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP world ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Berbera ayaa ku dhawaaqday inay 12 March hirgelin doonto isbedel ay ku samaysay qiimaha sarrifka ee ay wakhtigan shirkadu isticmaasho. Warqad wargelin ah oo uu shalay ganacsatada macaamiisha u ah DP world ee dekedda Berbera shixnadaha kala soo degta uu u gudbiyay madaxda maaliyadda ee DP world Raghu Pillai, ayaa wuxuu ku sheegay in DP world fulinayso wareegto ay hore u soo saartay 3 January oo ku saabsanayd is waafajina qiimaha sarrifka. Warqadda DP World oo uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay ayaa u dhignayd sidan: “Annaga oo daba socona wareegtadii hore ee taariikhaysnayd 3 January 2019 ee khusaysay is waafajinta qiimaha sarifka, shirkadda DP world Berbera waxay go’aamisay inay fuliso wejiyada nidaamka is waafajinta qiimaha sarifka iyo inay iyadu isu qabto khasaaraha ka soo gaadha qiime dhaca sarifka ilaa inta la gaadhayo goorta lagu heshiiyay ku dhaqanka qiimaha sarifka. Shirkadda DP world waxay u qaadatay go’aankaasi isaga ah si ay ugu fududayso ama uga gacan siiso ganacsatada Somaliland sidii ay isugu diyaariyaan oo ayna uga gaashaantaan isbedelada la filayo inay ka dhashaan dhaqan gelinta is waafajinta qiimaha sarrifka oo ay muddo dhaaftay mudadii ay ahayd inuu dhaqan galo. Qiimeyaasha sarrifka ee xilli xaadirkan la isticmaalo waxay isbedeli doonaan 12 March 2019 waxaanay noqon doonaan sidan hoos ku xusan: 1USD = 8,500 SLSH. Dib u dhigida fulinta ku dhaqanka is waafajinta qiimaha sarrifku wuxuu ina tusayaa lexejeclada shirkadda DP world u hayso bulshada deegaanka iyo guud ahaanba bulshada Somaliland. Mar labaad waxaanu dhammaantiin idiinka mahadcelinaynaa taageeradii iyo dhiirigelinta sida qalbiga furan aad noo siiseen. Aangana waxa naga go’an oo aan sii wadaynaa maalgelinta dekedda Berbera si aan u xaqiijino in dekedda Berbera noqoto dekedda ugu casriyaysan dekedaha Geeska Afrika. Waxaan mar kasta heegan u nahay wada shaqaynteena.” Isbedelka ay DP world ku samaynayso sarrifka ayaa wuxuu saamayn ku yeelanayaa lacagaha ay DP world ka qaado shixnadaha ay ganacsatadu kala soo degaan dekedda Berbera, waxaanay talaabadani saamayn ku yeelanaysaa suuqyada Somaliland, iyadoo ay ganacsatadu lacagtaas ku kordhay dulsaari doonaan shacabka. Tusaale ahaan halka Koontiinar ee ah 20ft waxa hore looga qaadi jiray laba milyan iyo lix boqol iyo sideed iyo tobaatan lacagta Somaliland ah, haddaase isbedelkani wuxuu ka dhigayaa in laga qaado saddex milyan iyo sagaal boqol. Koontiinarka 40ft ah waxa isna hore looga qaadi jiray 4 milyan iyo lix iyo sideetan lacagta Somaliland ah, imikana wuxuu noqonayaa 5 milyan iyo lix boqol oo kun. Ganacsatada Somaliland ayaa talaabadan DP world waxay u arkaan culays aanu dalku iska xejin Karin. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Wershada soo saarta sharaabada la cabo ee U-FRESH ayaa dib loo furay kadib markii ay xidhnayd saddexdii bilood ee ugu danbeeyay. Wershadan ayaa waxa xidhay hay’ada tayada oo ku eedaysay inay sharaab caafimaad aanay tayadiisu wanaagsanayn suuqa ku soo daysay, waxaanay hay’adu tayadu sheegtay inay sharaabkaas ku jireen waxyaabo wasakh ah oo aan u wanaagsanayn caafimaadka bini-aadamka. Guddoomiyaha hay’adda tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, ayaa wakhtigaas la xidhay wershadan wuxuu yidhi “Gudidu markii ay tixgaliyeen dhibaatada caafimaad uu keeni karo agabka hoos ku xusan ee ay soo saarto warshada U-FRESH ee ku taala magaalada Hargeysa markii ay wada tashi balaadhan sameeyeen waxay go’aansadeen in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Axad/12/2018 la joojiyo in la isticmaalo, la iibiyo la dhoofiyo oo la qaybiyo badeecadaha hoos ku xusan ee ay hore u soo saartay warshadu, alaabtana inta dib u sixid lagu samaynaayo waxii khaladamay ee anaga iyo warshadu isla waafaqayno sidaas looga saaro suuqa.” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa isna isagoo ka hadlayay carwadii ganacsiga, wuxuu sheegay inuu amray in la xidho warshadaas oo soo saartay waxyaabo laga argagaxaayo oo cabitaano ah waxaanu sheegay in maxkamad la gayn doono masuuliyiinta shirkadaas ee Somaliland suuqyadeeda ku soo daayay sharaab caafimaad ahaan khatar ah. Madaxweyne Biixi ayaa markaas yidhi “Waxa jira warshado dalka laga sameeyay oo sameeya cunto iyo cabitaan oo markii shaybaadhka caalamka loo qaaday ee aanu soo baadhnay aad argagaxayso, liisana waa uu ka soo qaatay ganacsiga, rugta ganacsiga ayuu soo maray, warshad ayaan dhisayaa waan ku aaminay markii waxii soo baxay la baadhayna waad argagaxaysaa, shalay waxaan amar ku siiyay gudida tayada iyo booliska in dhamaan warshadaas ay soo xidhaan qalabkeedana suuqa laga soo ururiyo waliba maxkamadna la geeyo, aqoonteeda ayay u lahaayeen inay dadka ku soo daayaan waxay cunayaan iyo waxay cabayaan waxaas oo kale.” Hase yeeshee waxa dad badan yaab ku noqotay in wershada hadal haynteedu heerkaas gaadhay, saddex bilood ka dib dib loo furo. Wershada U-FRESH ayaa haatan dib loo furay iyada oo guddoomiyaha haayada dhawrista tayada Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf uu ku dhawaaqay inay wershadu saxday wixii khaldamay, waxase wali iswaydiin leh amarkii madaxweyne Muuse Biixi ee ahaa in maxkamada ay dawladu la gali doonto masuuliyiinta shirkadaas ee suuqa ku soo daayay sharaabka caafimaad ahaan shacbiga khatarta ku ah halka uu ku danbeeyay. Guddoomiyaha haayada dhawrista tayada Somaliland Muuse Xasan ayaa dib u sheegay inuu u fasaxay warshadaas “ Laga bilaabo maanta waxaanu u aqoonsan nahay oo aan shahaadadiina gudoonsiinaynaa in warshada U-FRESH heerkeeda tayadu aad u wanaagsan yahay, oo ay furantahay laga bilaabo maanta.” Waxa Somaliland siyaabo kala duwan u soo gala cuntooyin, cabitaano iyo daawooyin aanay tayadoodu wanaagsanayn, kuwaas oo khatar ku ah caafimaadka shacabka reer Somaliland. Source
  9. (SLT-Muqdisho)-Safiirka Ingiriiska u qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ben Fender oo u warramay Goobjoog TV oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxa yidhi “”Ingiriisku ma aqoonsana Somaliland, umana aragto dal madax-bannaan. Arrinta Somaliland waxay u taalaa Hargeysa iyo dawladda federaalka Soomaaliya” Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Australia)-Maku riyoonaysaa in aad yeelato shirkad diyaaradeed?. Hagaag, wiil yar oo 10 sanno jir ah ayaa talada ugu wanaagsan ka raadiyay halka ugu saraysa. Alex Jacquot oo ku dhashay dalka Australia ayaa warqad u qorey maareeyaha guud ee shirkadda diyaarada Qandas ee dalkaas laga leeyahay. “Fadlan hadalkayga dhagayso oo dhab u qaado” ayuu yiri wiilkan yar oo warqadiisa aad loogu faafiyay baraha bulshada. Wiilka yar ayaa sheegay in uu ku riyoonayo in uu furo shirkad diyaaradeed oo magaceedu yahay “Oceania Express”, wuxuuna tallo weeydiisay agaasimaha sidii uu ku hirgalin lahaa shirkadaas. Waxa uu intaas ku daray in uu cilmi baaris ku wado nooca diyaaradaha uu u baahanyahay, tirsiyada diyaaradaha iyo waliba nooca cuntada diyaaradda dhexdeeda macaamiisha laga siin doono. Balse waxa uu sheegay in uu la kulmay qasaaro, wuxuuna agaasimaha weeydiiyay sida looga baaqsan karo arrintaas. Jawaabta Mr Joyce waxa ay noqotay mahadcelin iyo balanqaad ah in uu la kulmi doono. Wuxuuse intaas ku daray “Caadiyan dadka suuqa nalagu tartamo waano nama weeydiiyaan, mana siiyo haddii ay i weeydiistaan, balse adiga waad ka duwantahay, waxaana ugu wacan anigaba markii aan wiilka yar ahaa waxaan isweeydiin jiray sida ay diyaaradaha u shaqeeyaan iyo suurtogalnimada in shirkad la asaaso”. Source
  11. (SLT-Daarusalaam)-Wararka ka imaanaya deegaanka Daarusalaam ee gobalka Sh/goose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidammo Ajaanib ah iyo kuwa Soomaaliya ah iyo Alshabaab oo dhinac ah. Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii diyaarado dagaal iyo ciidamadaan khaaska ah ay ku degeen deegaankaa Daarusalaam oo ay maamulaan Alshabaab, hase’ahaatee waxaa la sheegay in Shabaabku markii ay maqleen dhawaqa diyaaradaha inay ridden hub culus iyada oo ciidamadaasna la sheegay in ay gudaha u galeen deegaanka. Dadka ku sugan deegaanka Daarusalaam ee gobalka Sh/goose oo diiday in magacooda iyo codkoodaba loo adeegsado warbaahinta sababbo dhinaca amniga ayaa sheegay in jug xooggan ay xalay ka dhaceysay deegaanka kuna baraarugeen guuxa diyaaradaha dagaalka iyo dhawaqa rasaarta culus. Ma jirto cid xaqiijin karto khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka ciidamadaan Ajaanibta ah iyo kuwa Somalida xalay ay ka fuliyeen deegaanka Daarusalaam ee gobalka Sh/hoose. Alshabaab ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ciidamo Maraykan ah ay ku soo qaadeen Daarusalaam,in kasta oo ilaa iyo haatan aysan ka hadlin dowladda Somalia iyo Maraykanka oo la aaminsanyahay in ay masuul ka ahaayeen howlgalkaan qorsheysan. Source
  12. Kismaayo (SMN) – Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay kulamo ka bilaabay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ra’iisul wasaare Khayre oo xalay ku hoyday magaaladaasi, ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda maamulka Jubbaland. Sidoo kale maanta ayaa la filayaa in kulan gaar ah uu la qaato madaxweyne Axmed Madoobe, kaas oo diirada lagu saarayo wada shaqeynta DFS iyo Jubbaland. Mudane Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha XFS oo shalay gaaray Kismaayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaaladaasi. View the full article
  13. (SLT-Kampala)-Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu shir uga furmo madaxda qaarrada Africa kaa oo lagaga wada-hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa qeyb ka noqon doona shirkaa, waxaana dhinaca kale la filayaa in kulamo gargaar ah uu la yeesho madaxda qaarradda ee ku sugan shirka. Madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii ugu dambeeyay galay safaradii ugu badnaa, waxaana uu dhawaan isku maray dalalka Itoobiya iyo Kenya, isaga oo magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Source
  14. Muqdisho (SMN) – Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender,waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Labada safiir ayaa isla soo hadal qaaday taageerada milatari,dhaqaalaha iyo ammaanka ay dalalkooda siiyaan Soomaaliya iyo horumarada ay xilligan ku dhaqaaqeyso dowladda Soomaaliya. Safiirka dowaldda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa dhiggiisa Turkiga uga mahad eliyay sida ay dowladiisa uga qeyb qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya oo ka soo kabaneysa dagaallo socday in ka badan 20 sano. Waxyaabaha kale ee labada safiir ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ah arrimo la xariira xoojinta xiriirka dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya iyo xaaladda guud ahaan geeska Africa. Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya aad uga caawisa dhinaca milatariga,waxaana Soomaaliya ay ka furtay saldhig milatari oo lagu tababaro ciidanka Soomaaliya. Ingiriiska ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka taageera tababarka ciidamada iyo sidii ay ugu guuleysan lahaayeen dagaalanka ka dhanka ah Al Shabaab. View the full article
  15. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwo ajaaniib ah ayaa xalay waxa ay howlgal ka fuliyeen deegaannada Mubaarak iyo Daaru-salaam ee gobolka Shabellaha Hoose. Deegaannadan waxaa ku sugnaa dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana la sheegay in markii hore ay halkaasi duqeyn ka geysteen diyaarado dagaal, kadibna ay galeen ciidankan. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Goobjoog waxa ay sheegeen in weerarkaasi lagu diley in ka badan 10 ka mid ah ciidamada Al-shabaab. Ma jirto faah faahin kale oo weerarkaan laga helay, hase ahaatee sanadkan 2019-ka ciidanka DFS iyo kuwa Maraykanka ayaa xoojiyey howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha wadanka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xalay booqasho ku tegay caasimadda wadanka Jabuuti ee Jabuuti, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Booqahada Emmanuel Macron ee Jabuuti ayaa qayb ka ah safar 4 maalmood ah oo uu ku marayo wadamada Itoobiya iyo Kenya ee bariga Qaaradan afrika. booqashadiisa ayaa imaanayso iyadoo ay sii kordh saamaynta wadanka shiinihu uu ku leeyahay wadamada Qaarada Afirka. Dalka Jabuuti ayaa ku yaal Marin biyood muhiin ah oo u dhexeeya Canalka Sues, Badda Cas iyo badda gacanka Cadmeed. Jabuuti waxaa ku yaal Saldhiga milteri ee ugu taariikhda dheer ee Faransiisku ku leeyahay Adduunka. Sidoo kale dalka jabuuti waxaa ku yaal saldhigyo miltari oo ay leeyihiin wadamada Maraykanka, Jarmalka, Jaban iyo dalka shiinaha. Source
  17. Jabuuti (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xalay gaaray Jabuuti , iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay dalkaasi. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa si maamuus leh ugu soo dhaweeyay gigida diyaaradaha Jabuuti, waxaana kadib loo galbiyay Qasriga madaxtooyada. Booqashada uu Macron ku tagay dalka Jabuuti ayaa aheyd mid horay loo sii shaaciyay, isagoona kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda dalkaasi. Labada dowladood ayaa ka wada hadli doona xiriirkooda iyo amniga, gaar ahaan arrimo ku aadan saldhigga milatari ee uu Faransiiska ku leeyahay dalkan ku yaalla bariga geeska Afrika ee Jabuuti. Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada madaxweyne ay kulankooda ku soo hadal qaadi doonaan arrimo quseeyo xaaladda Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha Faransiiska ayaa la sheegay in ay socdaalkan uu ku sii mari doono dalal dhowr ah oo dhac geeska Africa, sida Kenya, Ethiopia, Uganda iyo kuwa kale, balse lama shaacin in dalalkaasi ay ku jirto Soomaaliya. Faransiiska iyo Jabuuti waxaa ka dhexeeya xiriir fog, iyaga oo wadaaga iskaashi dhinaca milatariga ah, waana markii ugu horreysay uu madaxweyne Macron booqdo dalkaasi. View the full article
  18. (SLT-Washington)-Maamulka Duulimaadyada Dawladda ee Maraykanka ayaa u sheegay shirkadaha diyaaradaha in ay rumeysan yihiin in diyaaradda nooca Boeing 737 Max 8 ay tahay diyaarad la isku haleyn karo ka dib markii laba diyaaradood oo noocaasi ah ay burbureen muddo lix bilood gudahood ah. Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa axaddii la soo dhaafay burburtay lix daqiiqo oo kaliya markii ay hawada ku jirtay, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof oo saarnayd. Shilkaasi waxaa ka sii horreeyay shil kale oo ay ku dhinteen 189 qof oo rakaab ahayd oo saarnaa diyaaradda Lion Air 737 Max 8 oo burburtay bishii Oktoobar ee sanadkii hore. Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa ku baaqay in diyaaradda in nooca Boeing 737 Max 8 la hakiyo isticmaalkeeda ilaa iyo inta baaritaan buuxa laga sameynayo. Balse xalay ayuu maamulka duulimaadyada ee magaciisa loo soo gaabiyo FAA ayaa soo saaray warbixin uu ku shaacinayo in diyaaraddaasi tahay mid ammaan ah oo la isticmaali karayo Shiinaha, Indonesia, iyo Itoobiya ayaa isniintii dalbaday in shirkadahooda diyaaradaha ay joojiyaan isticmaalka diyaaraddaasi. Shirkadaha diyaaradaha ee waddamada Argentina, Mexico iyo Brazil ayaa sidoo kale hakiyay isticmaalka diyaaraddaasi Boeing 737 Max 8. Hase yeeshee shirkado kale ayaa sii waday duulimaadyada diyaaraddan 737 Max 8 kadib markii shirkadda Boeing ay sheegtay in ay ammaan tahay. Saamiyada shirkadda Boeing ayaa shalay oo Isniin ahayd hoos u dhacay 12.9% kadib markii uu shilku dhacay. Wasiirka gaadiidka Mareykanka Elaine Chao ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabo deg deg ah oo macquul ah haddii diyaaraddaasi lagu arko wax cillad ah oo sababaya in ay mar kastaa burburto. Shirkadda samaysa diyaaradda Boeing ee dalka Maraykanka ayaa wajahaysay su’aalo badan oo la xiriira heerka badqabka diyaaradda nooceedu yahay 737 kadib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya Source
  19. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ku sugan ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyadoo xalay uu ku hoyday magaaladaasi. Wararka ay Goobjoog ka heleyso Kismaayo waxa ay sheegayaan in Kheyre xalay uu la kulmay madaxda Jubbaland, saakayna ay soconayaan kulamo kale oo gaar gaar ah. Waxyaabaha ugu badan ee Labada dhinac ka wadahadlayaan waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka DFS iyo maamulka Jubbaland, sidoo kalena waxaa laga hadlayaa xallinta tabashooyinka jiray. Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo aad ayaa loo adkeeyey, iyadoo ciidamada ammaanka lagu arkayo waddooyinka magaaladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Kampala (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxda dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun oo ka qeyb galaya shir-madaxeed looga hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo, kaas oo maanta ka furmaya Magaalada Kampala. Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay shirka ayaa waxa uu kala hadli doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyo sidii Soomaaliya loogu gacan siin lahaa geeddi socodka dowlad-dhisidda iyo dadaallada lagu la cirib tirayo argagaxisada. Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi). View the full article
  21. Awdheegle (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada Mubaarak iyo Daaru-Salaam oo 7 KM galbeed ka xiga degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in gantaalada qaar ay ku dhaceen meelo ay daganaayeen dad shacab ah, sida guryo iyo goobo ganacsi oo u yaallay halkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymahani, iyadoona la sheegay in ay ku dhaawacmeen Hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay. Sidoo kale waxaa duqeyntan la sheegay in uu barbar socday dagaal toos ah oo ciidamada Bangarafta Soomaaliya ay ku qaadeen deegaanadaasi. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in ay ka hortageen, islamarkaana ay khasaaro gaarsiyeen ciidankii soo qaaday. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku aadan dhacdadan. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa Sh/ Hoose ka dhacayay weeraro iyo duqeymo ka dhan ah Al Shabaab oo ku xoogan gobokaasi. View the full article
  22. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal uu dhexmaray kooxda Macaawiisleey iyo ururka Al Shabaab. Dagaalka ayaa ka dhacay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana lagu waramayaa inay khasaaro kala gaartay dhinacyada dagaalamay. Dagaalka xoogiisa ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana lagu waramayaa in khasaaro uu ka dhashay dagaalka. Kooxda Macaawiishleey ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday saldhigyo ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalka uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Labada dhinac wax faahfaahin ah kama aysan bixin, laakiin dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray dhinacyada dagaalamay. Sidoo kale mid kamid ah xubnaha kooxda Macaawiisleey ayaa sheegay inay Al Shabaab ka dileen xubno saraakiil ahaa, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga la weeraray. Cabsi xoogan ayaa ka taagan deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka, waxaana dadka deegaanka ay ka baqayaan in markale lagu dul dagaalamo. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-12032019.mp3 View the full article