-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee sida weyn u dhaliilsan dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Kenya. Xildhibaanka wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay jawaab ka bixiyo go’aanka dowladda Kenya oo durba 24 saac ay kasoo wareegatay, isaga oo sheegay inaan loo baahneyn in lagu hor ordo madaxda dalka. YAAN LAGU HOR-ORDIN KOOX AYADU OROD DHEER, OOHINNA BADAN Ma haboona In lagu hor ordo isla markaana ilama ahan in umadda ookiyaalaha indha-sarcaadka si fudud loogu geliyo, ayadoo caadifadooda kacsan laga faa’idaysanayo, waxaa ila quman In la sugo jawaabta ay bixiyaan madaxdii warqadda cabashada Kenya ay Soo gaartay 10 maalmood ka hor oo jawaabtu ka Soo bixi weyday illaa xaalku meesha uu hadda marayo gaaray. 24 saacadood ayaa haddana ka Soo wareegtay go’aankii Kenya ay safiirkeeda u joogay Soomaaliya ugala badxey, kii Soomaaliyana dib loo Soo celiyey, illaa haddana uma maalaynayo In go’aanno ka Soo baxaya hey’ado dawladeed la sugayo waxaa la sugayaa waa shakhsiyaad dalka taladiis ayagu isku koobay oo saamaynta habdhaqankooda gurracan iyo siyaasad xumadoo ay dalka ku yeelanayaan aanba ka war-heyn. Xaraaska shidaalka Soomaaliya lagu siinayey si sharci-darro ah oo mugdi ku jiro shirkado shisheeye dadkii sida indha la’aanta ku difaacayey In ay Maanta umadda isku hor oohiyaan cidna ka yeeli mayso qiiradaas jaban, balse In shirkadahaas iyo ciddii kale ee soo damacda kheyradka iyo dhulka Soomaaliya danta ay rabtaba ha ka yeelatee In laga daafaco oo meel looga Soo wada jeesto waa waajib, oo aan lagu halleyn shakhsiyaad aan xambaari karin mas’uuliyadaas. Caasimada Onlin Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay war ka soo saarto go’aankii dowlada Kenya ay xariirka ugu jartay Soomaaliya. Soomaaliya aayaaka baaraandageeysa sida ay jawaabta ugu haboon u siin laheyd dowlada Kenya. Kulan arintaasi looga hadlayo ayaa madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya waxa ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Kulankaasi waxaa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha Ra’isilwasaaraha wasiirka arimaha dibada iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya. Dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo go’aankeeda iyo sida ay u aragto go’aankii Kenya ay xiriirka ugu jartay Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeee ayaa soo jeedinaya in go’aan mideeysan laga qaato Kenya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DFS oo war ka soo saareeyso go’aankii Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamo katirsan kuwa AMISOM ayaa qaraxyo is xig xigay maanta lagula eegtay Muqdisho. Qaraxyada oo aahaa ilaa 3 qarax oo kuwo dhulka lagu aaso ah ayaa lagula eegtay nawaaxiga isgooyska Ex contorol balcad ee Muqdisho. Ciidamada ayaa furay qaraxayadaasi kadib rasaas aas u farabadan. Goobjooge ku sugnaa goobta ay qaraxyadaasi ka dhaceen ayaa Puntland post u sheegay in si rasmi ah aysan u garaneeynin qasaaraha gaaray ciidamada AMISOM. Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in mid kamid ah qaraxayadaasi uu haleelay gadiidka AMISOM ay wateen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qaraxyo ciidamada AMISOM lagula eegtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI (Reuters) – Kenya has recalled its ambassador to Somalia after the Mogadishu government’s decision to auction oil and gas exploration blocks at the center of a maritime territorial dispute in the Indian Ocean, the foreign ministry said. The International Court of Justice (ICJ) in The Hague is considering a claim on their maritime boundaries brought by Somalia in 2014 after negotiations over the 100,000 sq. km stretch of sea floor broke down. Kenya said on Saturday it had summoned its ambassador, Lucas Tumbo, and asked his Somalia counterpart Mohammed Muhamud Nur to return to Mogadishu for consultation with his government. “The summons is a consequence of a most regretful and egregious decision by the government of Somalia to auction off oil and gas blocks in Kenya’s maritime territorial area,” the foreign ministry said. Somalia, which held the auction in London on Feb. 7, did not respond immediately to the new developments. Kenya said it had raised concerns with the Somali government a day before the auction after it noticed blocks in what it considers to be its maritime territory were included in the auction. “This unparalleled affront and illegal grab at the resources of Kenya will not go unanswered and is tantamount to an act of aggression against the people of Kenya and their resources,” it said in a statement, adding it was ready to defend its territorial integrity “at any cost”. The two states have been co-operating in the long fight against the al Qaeda-linked, al Shabaab militants in Somalia. Kenya said the row over maritime territory could jeopardize that. Source: Reuters
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay madaxda sare ee Soomaaliya ay ka leeyihiin go’aankii ay Kenya xiriirka uga jartay ayaa ka socda xarunta Villa Somalia, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha dibedda, safiirka Soomaaliya ee Kenya, wasiiro, la-taliyayaal iyo xubno kale oo sare oo ka mid ah dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ka fakaraysa go’aankii iyo jawaabtii ay ka bixin lahayd tallaabada ay qaadday dowladda Kenya, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa inay caqabad ku hor gudboon tahay dowladda Soomaaliya. Caqabadda ugu weyn ayaa ah ayada oo xubno sare misana miisaan ku leh dowladda Soomaaliya sida wasiiro, taliyayaal ciidan iyo la-taliyayaal sare ay haystaan dhalashada dalka Kenya, qaar ay ganacsiyo ku leeyihiin dalkaas, halka qaarnka ay u degan yihiin qoysas. Waxayaabaha la is-weydiinaya ayaa ah haddii Soomaaliya iyana ay xiriirka u jarto Kenya, oo uu billowdo dagaal diblomaasiyadeed culus, sidee la isugu haleyn karaa xubnahaas, looguna aamini karaa sirtya qaranka Soomaaliya. Shaqsiga ugu weyn xubnahaas waa sii haya taliyaha xilka NISA, ahna ku xigeenka taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji, oo hadda xitaa ku sugan weli magaalada Nairobi, oo aan ka mid ahayn waftigii saaka soo gaaray Muqdisho ee uu tarsan hogaaminayey. Dhinaca kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xubnaha haysta dhalashada Kenya ama ganacsiyada ku leh oo qeyb ka ah wada-hadallada, ay ku talinayaan in dowladda Soomaaliya ay wada-hadal la furto Kenya, oo aysan go’aan dagaal u muuqda qaadin, taasi oo muujineysa mar horeba dhibaatada dadka haysta labada dhalasho. Si kastaba, wararka ayaa sheegaya in go’aanka uu soo bixi doono dhowaan, ayada oo aysan caddeyn sida la isugu haleyn karo Soomaalida labada dhalasho ama laba dan leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Twin blasts rocked a high-rise in northern Mogadishu, the Somali capital on Sunday, killing several and injuring a number of others, witnesses said. The first blast happened early in the morning when a remote-controlled landmine struck a military convoy belonging to the African Union mission in Somalia [AMISOM]. Several minutes later, a second explosion occurred in the same vicinity as AMISOM soldiers were towing their damaged vehicle after the explosion hit its rear end. Social media footage showed a busy road shrouded in smoke as devices exploded on the ground while people fled. Al-Shababa, the Al-Qaeda-linked militants have claimed responsibility for the roadside bombings in Mogadishu targeted AU troops. The post Several killed in double blasts in northern Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxa uu yidhi ruug cadaagii mu-alifkii abwaankii weynaa ee XASAN X. CABILLAHI XASAN GENAY. “Anigoo Heeganka ku qoran xarunta ciidanka ee MIISKA SARAAKIISHA ee magaalada Hargeysa ayaa waxa xeradii soo gashay gabadh waxana ay la istaagtay nin ka mida ciidanka meesha ku sugnaa oo ay wada hadal bilaabeen iyagoo hadal kii wada ayaa uu ninkii mar kaliya bahal dhibaxo ah kaga soo gooyey inantii mise haddana ku dhuftay mid kale qof walbaaba yaab la joojiyey wixii uu gacanta ku hayey, sarkaal aan meesha ka fogeyn ayaa kusoo dhaqaaqay oo askarigii dhibaaxo ku bilaabay. Intaa ka dib inantii oo ooyaysa ayaa ninkii isku duubtay oo tidhi “Alla walaal ka daa tiisu waxba ima yeelaysee”. Wuxuu yidhi XASAN Ganey “aadbaan ula yaabay arinkaa gabadha iyo askariga dhexmartay iyo inta uu leegyahay iyo halka uu ninku ka joogo maadaama uu dhibaaxo la dhacay meel la wadda arkaayo iyadoo gabadh soomaaliyeeda iyo sida ay iyadu boholyowga , kalgacalkeedu yahay iyadoo uu u quudhay inuu ku dhirbaaxo dad hortii ku dhufto haddana iyadu way ka xanuunsatay oo ay ka damqatay dhirbaaxada isaga la gu dhuftay”. Taasina waxay abwaanka isla goobtii kusoo dedejisay maankiisii miida malabka suugaantu kasoo dhibiq-tifi jirtey maansada nuuxnuuxsi oo ka hadlaysa qofka wax jeceli inuu marwalba daranyahay haduu ka kale necebyahay xataa. Qofkaasina aanu nacas ahayn lkn uu la darsey wax awoodiisa ka weyn oo aanu xukumi karin oo ah boholyow caashaqa oo wax aanu qofku iska yeelyeelin. Nafta jecel qofkii neceb Nolosheeda kama talin Ogow nacasna maahee Halka uu naxligu galo Hadduu nabarka caashaqu Ku nagaado oo dego Nudaygana uu ka hantiyo Niyaddaa mid kaliyoo Ma taqaan noqnoqoshee Anna adoo nitaakh iyo Nuuxnuuxsi mooyee Iga jaray naruurada Waxaan kuugu nabanahay Qalbigaad nuglaysiyo Wadnahaa i naafo ah Nafta jecel qofkow nixin Naaneys xumaantiyo Neef diidka aragtaye Waxay nabadda ula tahay Kol hadday ku noogaan Kuwa xumaha naadshaa Xiskuna kaa nayaayiro Niyaddaa mid kaliyoo Ma taqaan noqnoqoshee Anna adoo nitaakh iyo Nuuxnuuxsi mooyee Iga jaray naruurada Waxaan kuugu nabanahay Qalbigaad nuglaysiyo Wadnahaa i naafo ah Xuquuqda qoraalku waxay u reeban tahay qoraaga W/Q Cabdi Cawiye Phone 063-411577 Facebook Cabdi Caawiye Ismail GUNTI-GAAB Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Ex-kontorool Balcad ee Wadada Warshadaha gobolkan Banaadir,waxaana sida lasheegay lala eegtay Ciidamoka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Dad aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in Miinada nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo wadada ku socdaalayay,isla markaana ay maqlayeen jugta qaraxa. Sidoo kale wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay rideen rasaas farabadan,hayeeshee waxaa weli la ogeyn khasaaraha qaraxa Ciidamada AMISOM kasoo gaaray iyo in ay dad rayid ah wax ku noqdeen rasaastii ay fureen. Waxaa haatan hakad ku jira isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee Wadada Warshadaha gaar ahaan agagaarka Ex-koontorool Balcad oo kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM qarax lagu laeegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ururka kubbadda Cagta dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa shaaciyay dalalka marti gelin doona cayaaraha CECAFA ee sanadka 2019-ka. Arrintan waxaa lagu shaaciyay war saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye, kaddib kulan wada tashi ahaa oo madaxda CECAFA ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo intii uu socday sidoo kale lagu qaatay go’aamo dhowr ah. Gobalka CECAFA wuxuu ka mid yahay sadexda gobal ee loo doortay in ay marti geliyaan xarumaha horumarinta FIFA ay ku leedahay qaaradda Afrika, waxaana madaxda CECAFA ay soo dhaweeyeen furitaanka xarun gobaleedka horumarinta ee magaalada Addis Ababa ay FIFA ka furatay, halka labada xarun oo kale laga kala furay magaalooyinka Dakar iyo Johannesburg ee dalalka Senegal iyo South Africa. Intii uu socday kulanka wada-tashiga ah ayaa madaxda CECAFA waxay isla garteen in sanadkan la qabto 7 tartan, waxaana la shaaciyay wadamada marti gelinaya cayaaraha sanadkan. Tarmada ayaa dhici doona laga bilaabo dhamaadka bisha June ilaa iyo dhamaadka bisha December ee sanadkan, waxaana dhamaan tartamada maal gelin doonta hey’ada FIFA. Tartanka wiilasha da’doodu ka yartahay 17-ka sano wuxuu ka dhici doonaa dalka Eritrea, halka isla tartankaas oo gabdho ah lagu qaban doono dalka Kenya. Cayaaraha gabdhaha iyo wiilasha ay da’doodu ka yartahay 20-ka sano ayaa iyana ka dhici doona dalka Uganda, halka tartanka gabdhaha waaweyn uu ka dhici doono dalka Tanzania. Cayaaraha naadiyada ee Kagame Club Cup ayaa dib ugu laban doona dalka Rwanda oo sanadkii hore lagu qabtay, halka Cayaaraha qaramada waaweyn ay ka dhici doonaan dalka Ugada. Madaxda xiriirka kubbadda Cagta dalka Tanzania ayaa kulanka CECAFA warbixin ay usoo gudbiyeen ku sheegay in dalkoodu si wanaagsan ugu diyaarsan yahay martigelinta cayaaraha qaramada Afrika ee da’doodu ka yartahay 17-ka oo bisha April ee sanadkan ka dhici doona Tanzania. Dalkeena Soomaaliya wuxuu ka qeyb geli doonaa dhamaan tartamada CECAFA ee sanadkan dhacaya marka laga reebo kuwa hablaha maadaama Soomaaliya aanay lahayn hablo kubbadda Cagta cayaara. Somali Football Federation Media Department Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khilaafka cusub ee ka dhex curtay dowladaha Soomaaliya iyo dowladda Kenya kaasi oo soo if baxay markii Dowladda Kenya ay magaalada Nairobi kasoo eriday safiirka Somalia ee dalka Kenya. Khilaafkan cusub ayaa la ogaaday inuu kasii daray khilaaf horey ugu dhaxeeyey Farmajao iyo Uhuru Kenyatta oo la xiriira xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe. Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo Kenya ay isku qabteen dib usoo laabashada madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo uu Farmaajo diidan yahay, balse Kenyatta ku adkeysanayo. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Kenya uu ergo usoo diray magaalada Muqdisho, kuwaasi madaxweyne Farmaajo kala hadlay sidii Axmed Madoobe loogu ogolaan lahaa inuu dib ugu soo laabto xilka madaxweynaha Jubbaland, waxaana taasi diiday madaxweyne Farmaajo oo ergada ku wargeliyay inay la yimaadaan musharax kale. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Kenya bilowgii sannadkan uu Ergo ka socotay Odayaal ka soo jeeda Soomaalida-Kenyanka ah u soo diray Mdaaxweyne Farmaajo si uu uga fekero inuu Axmed Madoobe mar kale ku sii nagaado xilka Madaxweynaha Jubbaland. Dowladda Kenya waxay horey kaalin muhiim ka soo qaadatay sidii uu Axmed Madoobe ugu guuleysan lahaa Doorashaddii Madaxtinimadda ee Jubbaland ka dhacday sannadkii 2013-kii. Codsigii Madaxeynaha Kenya ayaa la sheegay inuu ku gacan sayray Madaxweyne Farmaajo oo Ergadii Somali-Kenyanka u sheegay inay soo xushaan Murashax kale ee lagu bedeli doono Axmed Madoobe, Dhinaca kale, Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi oo aan Warbixintan daabacay ayaa waxa kale oo uu qoray in Xiriirka labada Waddan ee deriska ah uu xiriirkooda xumaaday bsihii Augsut ee sannadkii hore, kadib, markii ay Maamulayaasha Hay’addaha Ammaanka Kenya fureen Baaritaano ku aadan qaabka uu Fahad Yaasiin oo xilligaasi ahaa Ku-xigeenka Agaasimihii Hay’adda NISA, balse hataan ah Agaasimaha Guud ee NISA ku helay Baasabooradda Soomaaliga iyo Kenyaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig-xigay oo goor dhow ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayay agagaarka isgoyska Soos ee degmadaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxadaasi oo miino ahaa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay rasaas xoogan fureen, taas oo la soo warinayo in waxyeelo ay ka dhalatay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana hakad uu ku yimid dhaq dhaqaaqii waddadaasi. Radioshabelle.com, kala soco wixii soo kordha. The post Qaraxyo xoogan Oo ka dhacay degmada Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Caaqil San yare oo ka mid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa sheegay in hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani ee ahaa in misaaniyadda ku darsadeen gobollada Sool iyo Sanaag ay tahay hadal siyaasadeed aan runta looga sheegeyn xaaladda gobolladaasi. Waxa uu sheegay in gobollada uu sheegay Dani iney maamusho Somaliland, islamarkaana ka waxgarad ahaan ay la yaabeen markii ay maqleen hadalkaasi. “Anigu hadalkaasi waxaan u arkaa mid siyaasadeed, waxa uu la mid yahay kuwii ay dhihi jireen madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, wuxuu miisaaniyad u sameysan karaa meel uu maamulo, laakiinse waa wax riyo ah in meel aanu ka talin uu miisaaniyad u sameeyo” ayuu yiri Caaqil San yare. Dhanka kale, Caaqil San yare ayaa sheegay in Puntland aanay jirin cid awood uga soo saartay gobollada Sool iyo Sanaag, balse ay iyada un si iskeeda ah isaga soo baxday. Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa dhowaan ka hor sheegay baarlamaanka Puntland in gobollada Sool iyo Sanag lagu soo daray miisaaniyadda maamulkooda ee sanadkan, isaga oo dhanka kale sheegay in dhowaan ay la wareegi doonaan deegaannada gacantooda ka maqan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s ambassador to Kenya, Mohamud Ahmed Noor Tarsan has arrived in Mogadishu on Sunday morning amid diplomatic tension between the two countries. The Ambassador was asked to leave Nairobi on Saturday after Kenyan summoned its envoy in Mogadishu for urgent consultations. Last evening, Kenya announced that it was recalling its ambassador in Mogadishu, Lt Gen (Rtd) Lucas Tumbo, stating that Somalia’s decision to auction an oil block in London last week amounted to aggression against Kenyans and their resources. Kenya’s Foreign Affairs Ministry said that an amicable and peaceful resolution of the maritime boundary dispute was ongoing including bilateral negotiations and a process in the International Court of Justice (ICJ), “where this matter of the Kenya/Somalia boundary currently rests,” said Kamau. It warned that Somalia’s action has severely damaged the existing cordial relations between the two countries. Somalia is yet to respond to claims made by its neighbor. The post Somali ambassador to Kenya return amid diplomatic row appeared first on Shabelle. View the full article
-
Lix bil ayaa iminka la jogaa waqtigii ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee (Amisom) ayaa isaga ka baxeyn tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho. 27-Auguts 2018– Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka,gaar ahaan qaybaha kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybaha nasashada wuxuuna xiligaa sheegay in ay dowladda ay dhisayso Stadium Muqdisho. Cali Xuseen oo ka mid ahaa xidigii usoo dheelayay Gobolka Banaadir iyo kooxda Badda iminka ah layliyaha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa sheegay in garoonka uu lee yahay taariikh fog waqtigii ay dowladda la wareegtay iyo iminkana uu jiro is badal weyn loona baahan yahay in la sii wado howlahiisa. 10-December 2018-Wafdigii kooxda Melbourne ee dalka u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada sanadkii lasoo dhaafay ayaa naasiib u yeeshay in ay soo arkaan xaalada garoonka Stadium Muqdisho waxayna waqtigaa inoogu warbixiyeen sida uu maalinkaa ahaa dareenkooda iyo doorkooda kaga aadan dib u dhiska tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho. “Hadii inta ku ciyaartay Stadium Muqdisho ay gacan ka geestaan inta ka hartay waxa aan aamin sanahay in si dhaqsi leh loo dhameyn karo”waxaa sidaas gudaha Stadium Muqdisho warbaahinta ugu waramay bishii December 2018 tababare Cali Xuseen. Wasaarada ciyaaraha dowladda ayaa dhamaadka sanadkii hore soo gaba gabeesay wajigii kowaad ee nadaafada waxaana wasiirka ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye laga soo xigtay in dowladda Norway ay wajiga labaad bixinaysa lacago badan taasoo lagu tala galay dhameystirka howlaha ka haray garoonka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xaalka Garoonka Stadium Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) oo ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda dalka ayaa sheegay in go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay xiriirkeedii dowladda dhexe aanay qal-qal ku keeni karin dacwadda badda ah ee ka dhaxeysa Labadan dal. Waxa uu sheegay in go’aankaasi ay maxkamadda cadaaladda gacanta ku hayso, islamarkaana wax walbo oo ay Kenya sameyso aanu arrintaasi isbedal ku imaan karin. Daqare ayaa sheegay kaliya hadda in loo baahan yahay in lasoo xiro xuduudaha dalka uu la wadaago Kenya, islamarkaana la joojiyo xitaa xiriirka dhanka ganacsiga, taasi oo keeni karta in Kenya ay dareento culeys dhan walbo ah oo keena iney xitaa ka tanaasusho doodda dhanka badda ah. “Go’aankan maxkamad ayuu horyaallaa, nidaamka maxkamadeedna hab loo kala baxo ayaa jirta, annaga wax walbo waan geynnay, Kenya taas mar-marsiyo kama dhigan karto, midda kale haddii aan annaga go’aanno xasaasi ah ka qaadanno Kenya waxaan ku tusi doonaa iyaga oo soo qeylinaya oo dhaqaalahooda hoos u dhacay, walibana ka tagi doona doodda badda” ayuu yiri Daqare. Dhanka kale, C/raxmaan Daqare ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay dhankeeda iney qaadato go’aanno geesinimo leh, islamarkaana si dhab ah u matasho shacabka. “Dowladda waxaan u doorannay iney danaha shacbiga Soomaaliyeed ilaaliso, wixii xog ogaalnimo ah oo ay inooga badan tahay wey la aamusi kartaa, dowladda rasmiga ah waa shacabka, shacabkana aragtidiisa waa ay caddahay, dowladdana waxaan ka rabnaa iney si dhab ah noo matalaan oo danaheenna ilaaliyaan” Daqare ayaa sidaasi yiri. Kenya ayaa sheegtay iney joojisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya, iyadoo go’aankeedan u sababeysay shirkii London ee lagu soo bandhigayey sahanka shidaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyey in isbedal amni ay sameeyaan ciidamo Booliis ah oo dhowaan tababar loo soo xiray. Xildhibaan C/rashiid C/xakiin Warsame oo ka mid ah xildhibaannadan ayaa isaga oo u waramay Goobjoog waxa uu sheegay in rajada ay qabaan ay tahay in ciidankaan ay amni darrada ka jirta deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo wax ka qabtaan. Wuxuu sheegay in sidoo kale dhowaan tababar lasiin doono ciidamo kale oo maamulka Hirshabelle ah, kuwaasi oo amniga sugi doona. “Waxaan u aragnaa tallaabo horey loo qaaday, waana ku faraxsannahay, ciidamadan la tababaray, waa ciidamadii ugu horreeyey oo Booliis ah loona tababaro Hirshabelle, waxaana ay ka kooban yihiin Labada gobol, kuwo kale oo tababar loogu furi doono B/weyne ayaa xiga, wax badan ayeey qaban karaan” ayuu yiri xildhibaanka. Dhanka kale xildhibaan C/rashiid oo ka hadlay mushaarka ciidaman la siin doono ayaa sheegay in Qaramada Midoobay, dowladda dhexe iyo maamulkooda iska kaashan doonaan. “Wuxu waa bilow waadna garan gartaa sida ay Hirshabelle u weyn tahay, baahida ammaan aan hadda qabno kuma filnaan karaan laakiin waa wax bilow ah, UN waxbay siin doonaan, kolba maamulkana waa qasab inuu kabo oo wixii uu heli karo ku kabo” ayuu yiri xildhibaanka. 200 oo ka mid ah ciidamada Booliiska Hirshabelle ayaa dhowaan waxaa tababar loogu soo xiray magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana la filayaa in kuwo kale dhowaan tababar looga furo magaalada B/weyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Ambassador Maxamed Axmed Nuur Tarsan, safiirkii Soomaaliya u fadhiyey wadanka Kenya, kadib markii dowladda Kenya ku ammartay in uu dalkooda degdeg uga soo baxo. Wararka waxay sheegayaan in diyaaradda uu la socday mudane Tarsan sidoo kale uu saarnaa wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah Axmed Ciise oo xalay soo gaaray Nairobi kadib markii uu ka yimid dalka Sweden. Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda gaaray meeshii ugu xumeyd, iyadoo dowladda Kenya ka fiirsasho la’aan ku jartay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka ah ayaa la filayaa in jawaab degdeg ah ay arrintan ka bixiso, iyadoo lasoo sheegayo in kulamo arrintan ku aaddan ay ka soconayaan madaxtooyada qaranka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii dowladda Kenya ay amartay in ka baxo dalkeeda. Diyaarad siday safiirka, islamarkaana ay la socdeen marwada madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka soo degtay garoonka Aadan Cadde. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahan ku soo dhaweeyay Garoonka magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa sii xoojineysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay war shalay ka soo baxay dowladda dalkaasi. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la fiyaa in ay jawaab cad ka bixiyaan tallaabadaasi The post Safiirka Soomaaliya ee Kenya Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Minesotta (SMN) – Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Soomaali badan oo ku nool gobolka Minesotta ee dalkaasi ay u safreen dalalka Soomaaliya, Siiriya iyo Ciraaq, si ay ugu biiraan kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka dagaalama dalalkaasi. Warbixinta ay soo saartay FBI-da ayaa lagu sheegay in 45 ruux oo ahaa Soomaali ku nool Mareykanka in ay uga tageen dalkaasi,si ay uga mid noqdaan dagaalyahannada Al Shabaab iyo kooxda Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya. Sidoo kale FBI-da Mareykanka ayaa warbixintan ku xustay in tobanaan kale oo Soomaali ah la xiray, iyagoo qorsheenaya in ay ka safraan dalkaasI,si ay u taageeraan kooxaha loogu yeero argagixisada. Saraakiisha ammaanka ee gobolka Minisota ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin Soomaalida ku nool gobolkaasi ee inta badan xiriirka la sameeya Xarakada Al Shabaab oo dagaal xoogan ay kula jirto dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgalladiisa dhinaca cirka ah ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo eedeyn u jeediyay Soomaalida Minesotta appeared first on Shabelle. View the full article
-
Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), safiirkii dowladda Soomaaliya ee Kenya ayaa goordhaweyd kasoo dagay garoonka diyaaraadaha magaaladda Muqdisho. Diyaaradda uu la socday Taraan waxaa saarnaa Marwada Madaxweynaha Somaliya & Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo xalay soo gaaray Nairobi, islamarkaana u soo gudbaayay Muqdisho. Dowladda kenya ayaa Denjire Tarsan ku Amartay in dalkeeda isaga baxo kadib markii uu xumaaday Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Soomaaliya oo ay sheegtay in ay kusoo xad-gudubtay hantida dadka reer Kenya. Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabadii Kenya ay qaaday ee ay dalkeeda kaga soo saartay safiirkii Soomaaliya Kenya u fadhiyay. Puntland Post The post Safiirka Kenya ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in xalay dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Dagaalka oo u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa waxaa la sheegay in uu ka qarxay deegaanka Kulmis-Yarey ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan, walow aan la ogeyn inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona barakac xoogan uu ka bilowday halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Dagaal beeleed xoogan Oo ka dhacay gobolka Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Kenya iyo go’aanka ay qaadatay Kenya ee ay ku sheeganeyso dhul-badeedka Soomaaliya. Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday inay siyaasadda ku kala duwanaan karaan isaga iyo madaxda ugu sarreysay dowladda ee Farmaajo iyo Kheyre, balse difaaca dalka uu yahay muqaddas. Hoos ka aqri qoraalka Mahad Salaad ee facebook SIYAASADA WAAN KU KALA ARAGTI DUWANAAN KARNAA LKN DIFAACIDA DALKA WAA MUQADAS. Inkastoo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ay ku fashilmeen maareynta siyaasada arimaha dibedda Soomaaliya mudadii labada sano ahayd ee ay xukunka joogeen. Ayna soo galeen dagaalo siyaasadeed oo qaanada cadowga koobaad ee Soomaaliya lagu galiyay dowlado badan oo saaxiib iyo siyaasad wadaag la’ ahaa Soomaaliya kahor 8dii February 2017, maantana aanan lahayn hal dowlad oo Soomaaliya saaxiib la’ ah oo iskeena garabtaagta marka ay nasoo foodsaarto culaysyo nuucaan oo kale ah! Haddana sidaas oo ay tahay, waxaa waajib nagu wada ah dhamaanteen in aan meel iska dhigno farqiga siyaasadeed ee inoo dhaxeeya, una istaagno difaacida midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Sababtoo ah waxa aan ku kala aragti duwanahay waa siyaasada majara habowsan iyo habdhaqanka hoggaanka dalka, lkn dalku waa hanti aan wada leenahay, qof walibana ay waajib ku tahay in uu dhinaciisa ka difaaco. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa dowlada Kenya in ay ixtiraamto midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, dhowrtana deris wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada dowladood. Ayna ka waantowdo faragelinta arimaha gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ugu baaqeynaa in aysan u hoggaansamin cadaadiska iyo cago-jugleynta dowlada Kenya aysana gorgortan ka gelin taako dhulkeena kamid ah. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com