Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa soo jeediysay in wadahadallada dowladda Federaalka ah iyo maamulka Somaliland lagu wareejiyo odayaasha dhaqanka. Fawsiya ayaa sheegtay in odayaasha dhaqanka ee labada dinac la siiyo fursad wanaagsan meel ka mid ah dalka oo nabad ahna ay ku wadahadlaan, wixii ka soo baxana lagu wareejiyo siyaasiyiinta. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shir horudhac u ah kulanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo ka dhici lahaa Ankara uu baaqday kaddib markii waddamada UK, Mareykanka iyo Sweden ay ka caga jiideen kor joogteynta shirkaas oo la qorsheeyay in 18-ka March uu ka dhoco Ankara. Waxaa kale oo iyana soo baxaya in dowladda Federaalka ah ay wadahadallada u xil saartay rag dhallinyaro ah halka Somaliland ay Turkiga u dirtay Wasiirkeeda arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon. Waxan la soconaa in mar kale la wado wada hadal Somalia iyo Somaliland lagu wada hadalsiinayo dal kale. Waxaa ka habboon in Odayaal dhaqameed culus labada garab laga keeno oo gogol loo dhigo meel dalka ah oo nabad ah muddo dheer lasiiyo kaddib siyaasiyiinta loo gudbiyo go’aanka — Fawzia Yusuf H. Adam (@FawziaYusufAdam) March 15, 2019 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. “Madaxweyne dadka dhagayso, oo adigu keligaa ha is dhagaysan“ ××××××××××××××××××××××××××××××××××× Runtii waa ay fiicantahay in kolba Madaxwaynaha xilka hayaa uu shacabkiisa qeybo ka mid ah la caweeyo taas oo dhanka kale si weyn u muujinaysa xaaladda amniga dalka iyo sida oo kale is dhexgalka bulshada rayidka ah ee madaxda talada u haysa. Booqashadaas laakiin ma’aha in wax-qabad Madaxwayne looga dhigo dadka oo ay warbaahinta xukuumaddu ka sheekayso booqashada Madaxwaynaha ee xaafadda New Hargaysa iyo Golden Hotel, ileen wax weyn oo sidii jabhadii Caare oo kale ma uu soo xero gelinine, ama saldhigii qardho ku yaalay muu qabsane! Hab dhaqanka Madaxwaynuhu marka uu bulshada dhex-tago iyaga ayaa uu waraystaa xaalada-hooda, dhageystaa cabashooyinkooda ku wajahan wasaaradaha dalka iyo laamaha dawlada iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jirta deegaankaa uu booqday markaas. Balse isla habeenkaa uu madaxwaynuhu maqlo cabasho dadwayne talaabo ayaa uu qaadaa waxa uuna hawlgeliyaa laamaha sirdoonka qaranka oo ka soo warbixisa cabashadaa bulshada laba maalmood gudohooda, madaxwaynuhu talaabo adag ayuu ka qaadaa wasaaradaa ama xafiiskii ay bulshadu ka soo cabatay. Nasiib darro se xalay madaxwaynuhu isaga ayaa bulshada u sheekaynayay, waxa uu u eekaa Abawaan Sooraan oo Hargaysa soo booqday, mar bulshada la weydiiyay; maxaad Madaxwaynaha kala hadasheen? waxa ay yidhaahdeen; fursad nama uusan siin ee madaxweynuhu isaga ayaa noo maadeynayey! Madaxwayne sideen ku idhaahdaa? Amb Ahmed Safiina Qaran News
  3. Muddo lix maalmood ay ayaan u kuur galey siyaaro ka socotey Masjidka Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo ku yaallo Degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Siigaale. Waxaan soo arkey maamul dhisan oo kala dambeyn leh, Maamulkaas oo aan ku shaqeyneyn wax mushaar ah. Wexey leeyihiin darajooyin loogu magac darey ‘Khaliif” oo si simman u wada shaqeynayo. Waxaa intaa dheer agaasimayaal ku qanacsan hawsha ay hayaan. Waxaan Goobta ay ka socotey siyaarada kula kulmey qaar ka mid ah Khaliifiinta iyo Agaasimayaasha, Sida Warfaafinta, Waxbarashada Gudaha, Waxbarashada Dibadda, Amniga, Madaxa Agoonta, Madaxa Machad ku yaalo Masjidka qeyb ka mid ah, Madaxa Korontada iyo Qeybo fara badan oo la soo koobi Karin, Sida baratakolka iyo Camero Man oo dhamaantood ku faraxsan hawsha ay hayaan ee Mushaar la’aanta ah, balse wexey ii sheegeen in maalin aan manta ahayn oo Allaah la hor taagan yahay ay qaadan doonaan Abaal marino aan la koobi Karin. Waxaan uga sii gudbey Qeybta Cunto karinta oo uu ka jirey Mashquul fara badan, bacdamaa ay diyaarinayeen Cunto aan la soo koobi Karin noocyada ay ka koobneyd, Seddex neef oo geel ah iyo illaa labaatan loor oo bariis ah kama yareyn cuntada ay maalin walbo diyaariyaan, waxaanse la yaabey Cambuulo dufan looga dhigayo malab iyo subag kkk. Maamulaha kushiinka oo aan la sheekeystey wuxuu ii sheegey in London uu ka yimid Siyaarada daraadeed, Cunto kariyayaasha digsiga dul fadhiyo waa Qurbo joog ka kala yimid wadamo ay ka mid yihiin Australia, Koonfur Afrika iyo wadamo kale oo dalka dibadiisa ah, wexeyna ii sheegeen in ay ahaan jireen Ardaydii Macalin Nuur. Masjidka oo ka kooban qeybo fara badan ayaa leh Hoolal fara badan balse mid ka mid ah uu u gaar yahay Dumarka, dhamaantoodna waxaa lagu cunayey cunto la iigu sheegey in ay sadaqo tahay, Muddo bil ahna ay socon doonto marka laga reebo cunto iyo waxbarasho joogto ah oo Agoonta degan guryaha masjidka la siiyo Mas’uulka ugu sarreeyo ayaa la iigu sheegey in la yiraahdo Cabduqaadir Macalin Nuur balse loogu yeero magaca “KHALIIF”. Waxaan isku dayey in aan la kulmo mas’uulkaas oo aan aaminsanaa in ay igu adkaan doonto aragtidiisa, sida aan uga baraney mas’uuliyiinta dowladeena, balse si dhib yar ayaan kula kulmey, maadaama uu ahaa mid hawsha ka qeyb ah. Xiligaas aan ka kulmayey iyo mar walbo waxaa garbaha ka socdo laba qof oo dambiilo lacag ku wado, qof walbo ay dhibaato ka muuqatana lacag ayaa la siinayey. Xiligaas aan la kulmayey wuxuu caawimaad siinayey Ardey jaamacadaha dhigto oo lagu yeeshey lacagtii jaamacadaha. Run ahaantii markaan arkey sida xornimada iyo cabsi al’aanta ee uu u dhex socdo shacabka ka soo qeyb galey Siyaarada isagoo isku dayayo in uu qof walbo qanciyo waxaa ii soo baxdey in lagu aamini karo masiirka dalkeena ay dhibta ku habsatey. Waxaa kaloo aan xaqiijiyey baarlamaanka laga soo doortey Ninkan in uusan ahayn baarlamaanadii aan naqaaney, saldanadana uu rabbi baxsho. Guntii iyo Gabagabadii xalka aan ka raadineyno maamul goboleedyada yaan la isku mashquulin ee xalka ha laga raadiyo Culimada Soomaaliyeed. W/Q: ABDULAHI SAID ELMI
  4. 7 jir isagoo ah ayuu ka cararay deegaankii uu ku dhashay tacadiga, dilka iyo indha-xumada taallay awgeed: Wuxuu ahaa nin nololeed, qoyseed lehna saaxiibo badan. Iyadoo wax kasta u fiican yihiin, ayuu Muqdisho tagay. Nasiib darro maalmo kooban kaddib waxaa qarxay dagaal xooggan. Wuxuu go’aansaday inuu markale qaxo oo nafta badbaadiyo. Habeenkii sannadka cusub loo dabaaldegayey ee 2006, ayaa ciidanka Kenya ka qabteen soohdinta Kenya iyo Soomaaliya. Isagoo indhaha ka xiran ayaa la geeyay xabsi ku yaalla Nairobi. Waxaa u yimid, wareysi indha-guduudis ku jirana la yeeshay labo sarkaal oo Ethiopian ah oo ay wehliyaan kuwo Kenyan ah. 20 maalmood kaddib, aroornimo Sabti ah ayaa qeybta shixnadaha (cargo) ee garoonka JKIA si qarsoodi ah looga duuliyay. Wuxuu isku dayey inuu diido, wuu qeyliyay, oo dhulka ku galaangashay. Waa la garaacay illaa uu yeelay dhoofinta qasabka ah ee meel aanu garaneyn loo wado. Wuxuu kaliya awooday inuu xaaskiisa oo joogtay Canada waco una sheego waxa dhacaya. Diyaaradda waxaa la saarnaa 34 kale oo midkoodna aanu garaneyn!. Saacad iyo bar kaddib waxay diyaaraddii ka degtay garoonka Aden Cadde: Alla waa dhulkeygii Soomaaliyeed. Laakiin ma noqon. Ma uusan fileyn in halkaa (ciidda Soomaaliyeed) markale lagu jirdili doono. Si fiican uma xusuusto halka lagu hayey, wuxuuse hubaa inay meeshu Xamar ahayd. Maalmo kaddib isaga iyo 16 kale oo dhammaan wada Soomaali ah ayaa diyaarad Militariga Ethiopia leeyihiin loogu qaaday Addis Ababa. Halkaas ayey cadaabtii adduunka markale uga billaabatay!!! Waxaa la isugu beddelay xabsiyo kala duwan oo qaar dhulka hoostiisa ku yaallaan; Wareysiyo dhaadheer oo qaarkood habeenka saq barkiii lala yeeshay; garaacid joogto ah ayaa lagu waday jeer uu naftaba ka quustay. Waxaa loo heystaa inuu ONLF iyo Maxkamadihii Islaamka ee Soomaaliya taageerayey, wuuse diiday dhammaan eedahaasi. Markii dambe waxaa loo soo jeediyay talo: “War ninyahow si aad meeshan uga baxdo, nala shaqeyso, oo noo noqo jaajuus Dowladda Ethiopia u soo basaasa dadka Soomaaliyeed.” Taasna “MAYA” ayuu ka soo istaagay!. Waxaa ugu danbeyn lagu xukumay xabsi madaxaa-haku-furto ah. Inta waxan oo dhan dhacayaan, waxaa dadaal, dacwad iyo karti diblomaasiyadeed waday Dowladda Canada iyo golayaasha u dooda dadka lagu xadgudbo. Waraaqo isdaba-joog ah, cambaareyn iyo arrimo kale ayaa dhacayey. 11 Sano kaddib April 2018 ayaa laga siidaayey xabsigii cadaabta ee Ethiopia. Laakiin kama niyadjabin u ol’oleynta caddaaladda iyo xorriyadda dadkiisa. Bashir Axmed Makhtal hadda wuxuu ku laabtay Jigjiga markii ugu horreysay tan iyo toddobo jirkiisii. Sheekadiisa wax badan kama duwana tii aabihii Makhtal Daahir. 1949 ayuu u safray Muqdisho si uu uga qeybgalo shirkii dhaqdhaqaaqii xorriyad doonka ee dhalinyaradii SYL. Laakiin waxaa dhexda ka qabtay ciidankii gumeysigii Ingiriiska, waxayna u soo dhiibeen Boqorkii Ethiopia Haile Selassie. Waxaa lagu xukumay dil, markii dambena loogu beddelay xabsi daa’in. 50 sano ayuu ku jiray xabsiga Ethiopia. (Sheekadan waxaan ka tarjumay qormo ay qortay Juweyriya Cali oo shahaadada PhD ku diyaarisa Jaamacadda Westminister ee London.) W/T: Cabdalle Axmed Muumin
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaka wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya. Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS. Wafdiga reer Jabuuti ee la socda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muumin Xasan Barre, Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Muna Cismaan Aadan, Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xasan Saciid Khayre, Maareeyaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Najiib Cali Daahir, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, Kuxigeenka Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Jabuuti Marwo Xasna Xummad Bilil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Jabuuti.
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/BAr___Qubanaha-16032019.mp3 View the full article
  7. Markii 26 sano kahor uu Xasan Aadan Samatar fanaaniinta Hobollada Waaberi kala qeyb-galay ruwaayaddii Dugsi maleh Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane – laba sano kaddib burburkii Kacaanka – Samatar maanu fileyn inuu kasoo degi doono isla gegidii uu ka dhoofay 30 sano kahor isaga oo ka niyadxun qalalaasihii markaas asiibay qarannimada Soomaaliya. Balse maanta ayuu kasoo degay mar kale. Ka maqnaanshaha magaalo ay kusoo qaan-gaareen hal jiil ka badan – 25 sano – Samatar wuxuu og yahay inaysan sidii hore aheyn wax walba. Daawashada heestii Dalkaygow Dalxiiskaaga maan imaanin oo wadajir ay iskula qaadayaan fannaantii Waaberi, waxay maanta oo kale Samatar siinaysaa ugu yaraan fursaddii uu ugu dhex dalxiisi lahaa dhulkiisa. Nasiib-wanaag wuxuu kusoo aadayaa xilli ugu yaraan wax walba ay ku jiraan dib u-soo kabasho. Xittaa Golihii Murtida oo uu ka dhex qaaday heesihii u hir-galay. Wuxuu dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, isaga iyo reerkiisaba, hoy ahaan u degan yihiin dalka Jabuuti. Samatar, oo berisamaadkii kamid ahaa tiirarka Hobollada Waaberi, wuxuu qaaday heeso kala duwan oo isugu jira jaceylka, waddaniga iyo wixii soo raaca. Waana fannaanka kaliya ee labada lahjadood ee afka Soomaaliga ku qaaday heesihiisa. Taas oo ka dhigtay af-yaqaan laba-gardaaqle ah. Heesaha uu badi ku caan baxay waxaa kamid ah Siraad, Baladweyne, Isha Beydhabo, Habboon, Hara-digeed, Jabuuti, Israa’iil iyo kuwa kale oo talantaali uu ula qaaday fannaantii hablaha Waaberi sida Magool, Saado, Sahra Axmed, Shankaroon, Amina Abdillahi, Khadro Daahir iyo kuwa kale. Riwaayadihii uu ka qeyb ahaa waxaa kamid ah Beeney waa Run, Dumistii Aqalkayga, Bidaar Sibiq bay kugu gashaa, Ha-waalnaado Jaceylkuye aan Weerarka aadno, Galbeed waa la xoreeyey Waarsaa gaagixisay iyo kuwa kale. Samatar oo kamid ah wafdi la socday madaxweyne Jabuuti, Mudane Geelle, wuxuu ku biirayaa fannaaniin kale oo horay u joogay caasimadda Muqdisho sida Salaad Darbi, Abdalla Yuusuf Hanuuniye iyo Abwaan Barre Maxamed Fiidow oo iska lahaa heesta Markan da’da jiray 15 oo fannaanku qaaday. Lama oga muddada uu joogi karo halkan iyo xittaa sababta uu maanta ula soo degay wafdiga Jabuuti ka yimid. Hase yeeshe, waxaa sugaya inuu waqti badan iska damiyo heesihii daltabyoodka lahaa ee maanta kahor uu dibadaha ku daaran jiray si uu saaxiibadiisa iyo ehelkiisa iyo guud ahaan jiilkii ku hana-qaaday codkiisa guuxa leh uu ula damaashaado. Qore: Zakariya Xasan Maxamed. Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Weerarkii lagu dilay 49-ka qof muslimiinta ah ee wadanka New Zealand ayaa jawaab celinno kala duwan laga bixiyay Ninkii fuliyay weerarkii bahalnimo ayaa faafiyay waxa uu ka tarjumayo weerarka oo gabigiisa ku meeraysanayay sidii dadka muslimiinta ah looga saari lahaa qaaradda Yurub, ka hor intii uusan weerarka fulin ayuu baraha internetka ku faafiyay qoraal dhowr Page ka kooban oo uu ku sheegayo in uu muslimiinta gummaadi doono. Brendon Tarant oo ah Ninka gummaadka ugu daran ugeystay muslimiinta New Zealand ayaa qoraallo uu ku dul qoray hubkii uu dadka ku laayay wuxuu ku muujiyay halka uu salka ku hayo dagaalka u dhaxeeyo muslimiinta iyo gaalada wuxuu soo hadal qaaday Dagaalkii Vienna ee ay ku hakadeen futuuxaadkii dowladdii islaamiga Cuthmaaniyiinta ee dhanka qaaradda Yurub xilligaas oo saliibiyiintu ahaayeen kuwa weeraro kala kulmayay muslimiinta. Sidoo kale Ninka muslimiinta ku laayay wadanka New Zealand ayaa qoraalka uu hubkiisa ku qoray wuxuu ku xusay Dagaalkii Buwaatiyeeh ama Balaadu Shuhaddaa ee dhacday sanaddii 114-kii Hijriga ee muslimiintu ay damceen in ay ku furtaan wadanka hadda loo yaqaan Faransiiska wuxuuna qoraaladiisa ku bidhaaminayay sida uu soo jireen u yahay siraaca udhaxeeya gaalada iyo muslimiinta. Brendon Taran ayaa soo qaatay magaca Nin sanaddii 2017 dad muslimiin ah ku laayay masjid kuyaal magaalada Kibeek ee wadanka Canada iyo Nin kale oo isna dad muslimiin ah ku dilay wadanka Sweden ee qaaradda Yurub. Weeraradan oo ahaa kuwa mataana ah ayaa ka kala dhacay laba Masjid oo kala ah Al Nuur iyo Lindwood balse dhimashada ugu badan waxay ka dhacday masjidka Al Nuur oo ah isku imaatinka ugu weyn ee muslimiintu ku leeyihiin wadanka New Zealand. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  9. Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadalo Ka Soo Yeedhay Maamulka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Waxa Maanta aan Ka Helay Kaydka Sawiradayda, Labadan Sawir, Waa Aabo Oo Muddo 5 Sanno Ku Dhawaad Xanuun U Jiifa Guriga uu Ka Degan Yahay Hargeisa Alle Ha Caafiyo, Waxa uu Ku Dhashay Deegaanka Baargo(Koonfurta Hargeisa) Hilaadii 1938-1940 Kii. Waxa uu Shaqada Ciidamada Galay Wakhtiyadii Gumaysiga, Isagoo Ka Mid Noqday Ciidamadii Ingiriisku Qoranayey ee La Odhan Jiray Somali Scout, Waxa uu Markiiba Ka Hawl Galay Gobalada Sool iyo Sanaag, iyadoo Ingiriisku is Waydaarin Jiray Deegamada ay Ka Hawl Galayeen. Waxa Uu Tabaro Aqooneed Ingiriisku Ugu Diray Kenya,1955 ilaa 1957 Halkaas oo uu Ku Soo Qaatay Koorasyo Ay Ka mid ahaayeen Finger Print Investigation, First Aid iyo Law.ga. Markii uu ku soo Noqday Wadanka, Waxa uu Kaga Hawl Galay Shaqadii U Horaysay Saldhiga New Hargeisa,Oo uu Baadhe Ka Noqday,1957 Ku Xigeena uu u Noq day C/qaadir Aw Xuseen Mire Oo hadda Nool ahna Xildhibaan Guurtida ah. Baadhitaanadii U Sameeyay Kuwa Ugu Caansan ee Uu Aabo Ila Wadaagay Waxa ka Mid ah Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi Waraabe Oo Ragg ay Ehel Yihiin Nabar Madaxa Uga Gaysteen Waa 1960 Gii Xoriyadda Wax Yar Ka Hor, Halkaasi Oo Uu Aabo Si Caddaalad Ku Dhisan Tahay U Kala Saaray Labadii Nin ee Dambiilaha Ahaa, isagoo u Adeegsaday Xirfadiisii Dambi Baadhiseed. Waxa kale Oo Uu Ka Hawl Galay Cisbitaalka Hargeisa, Halkaas Uu Mudadii Uu Joogay Ka Ahaa Nurse/Kaaliye Dhakhtar. Markii Kacaanku Ka Hana Qaaday Wadanka, Waxa uu Madax Ka Noqday Minashiibiyadii Dowlada Hoose Qaybta Zayladda Xoolaha iyo Bacad layaasha ilaa BurBurkii Kacaanka. 1990 Ayay Dowladii Maxamed Siyaad Barre Ku Xidhay Aabo iyo Saraakiil kale Saldhiga Dhexe iyadoo Loo Haysto Wiilal Ay Dhaleen Oo Jabhadii SNM Ku Biiray. Nasiib Darro Odayaashii Kale Saqdhexe ayaa Lagala Baxay Shookiigii iyadoo Badhka LA Soo Taagay, Aabo Se Kabtan Xidhe ayaa Haabeenkaa Gaar u Saaray. Habeenkii Labaad Ayuu Aabo Go’aan Saday in uu Baxsado Shul Ama Shall isagoo Pistooladiisii iyo Oxogaa Lacag ah Shaadhkii Dirayska Hoos Kagaga Toshay, Markaa Aabo Derajadiisu Waxay Ahayd 3 Xidigood Oo Cad Cad Ama Gucun Dhooyin.Tix Galin Awgeed Iyo Derajadaa Ayuu Kaga Soo Baxsaday Ilaa Firxadkii Uu Xarshin Noogu Yimid Anagoo Geeri Ku Tirinaynay. Markii Dalka LA Soo Galay 1993-1994 Dowladii Tuur Iyo InacCigaal, Waxa Uu Markale Hogaanka Taliyaha Rugta Baanka Dhexe ka Noqday, Waxay Ahayd Maalinkii Shaqo Ugu Dambeeyay 11/02/2015 oo Xanuun Haleelay ilaa Hadda Ayuu Jiifaa. (Allxamdullihi) Markii Derajada LA Qaybiyay Nasiib Darro Waxa Uu Kow Ka Noqday Saraakiishii Laga Musuq Maasuqay e Eberka LA Siiyay(0). Dedaal Dheer Ka Dib Oo Uu kaw Ka Ahaa General Fadal,Saleebaan Cumar Ku Joog iyo Saraakiil Kale Oo Badan Waxa Uu Aabo Helay Tii uu Xaqqa Uu U Lahaa isagoo Markaa Jiifa. Goobta Shaqadda: Waxa Uu Heegan Ku Ahaan Jiray inta Ugu Badan Wakhtigiisa Habeen iyo Maalinimo, Isagoo Gaadhka La Wadaagi Jiray Ciidankiisa Heeganka Ku Jira Oo Shaqada Waxa uu Soo Gali Jiray 4.00 Am Subax Nimo Si Uu U Nasiyo Askarigii Habeenkaa Soo Jeeday. Waana Ta Keentay in Uu Soo Saaro Askari Dhisan Oo Akhlaaq leh oo Ku Fiican Ilaalinta Goobaha Maaliyadeed, Tusaale, Dahabshiil Askarta ilaalisa, Baddi Waa Ciidan Uu Aabo Ku Soo Tababaray Feejignaan iyo Amaano. Hal Aan Ka Bartay:- Waxa Uu Igu Booriyay in aanan Waligay Qof Bini Aadam Ah Gacanta Hoos Dhigan, Kana Qaadan Wax is Daba Marin ah, Taasi oo Keeni Karta in Uu Qofkaasi I Maamulo oo San Ka Tago Caddaaladda iyo Xaqqa. Waxa aan Ka Bartay Ad Adayg, Xilkasnimo, Wakhtiga ilaalintiisa iyo Xejinta Sirta Dowladda, Weligii Hawlgal Shaqo Oo Uu u Baxayo ilamuu Wadaagin, Waxa Uu Odhan Jiray Waa Hawl Ciidan/ Police. Intii Uu Shaqada(Baanka) Ku Jiray Alle Waa Ku Asturay, Abbal Baddana Way U Hayeen, Una Hayn Doonaan Masuuliyiintii Soo Martay iyo Kuwa Hadda Joogaba. Ali Ibrahim Ahmed H A Arwo Derajadiisu Waa Gaashan, Tii Markaa LA Siiyay. Waxaan Mahad Balaadhan iyo Abaal Alle Ka Sakow Aanu U Haynaa Taliyaha Ciidanka Police Ka JSL General Cabdullaahi Fadal Iimaan Oo Si Guud iyo Gaar Ahaaneedba Uga Warhaya Oo IGA Waraysta iyo Saraakiisha Kale e Ciidanka Guud Ahaanba. Aabo Waligii Ma Caban. Umana Dhalan Baryo. Wabillaahi Towfiiq. W/Q Maxamed Ibraahim Aadan Source
  11. Somaliland: Wadahadaladdii Somaliland iyo Soomaaliya Oo Baaqday Wadahadaladdii Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka federaalka ee Soomaaliya oo la filayey in ay mar labaad dib u bilaabmaan ayaan haddana baaqday. Ilo ku dhow-dhow qorshaha wadahadaladda, oo ay qaabilaso dawladda Turkigu, ayaa sheegay in ay sababta baaqitaanku noqotay markii ay waddamada Ingiriiska, Mareykanka iyo Sweden ay ka xanaaqeen wafdiga ay maamulka federaalka ee Muqdisho uu soo dirtay shirkan. Waftigaas oo ka kooban dhallinyaro aan miisaan ku lahayn arrimaha dibloomasiga iyo siyaadahaba. Dhinaca Somaliland oo uu wefdigeedu hoggaaminayo, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalimiga, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, “Faratoon”, ayaa iyagu gaadhay dalka Turkiga. Si kastaba ha noqotee waxay arrintani aad u shaacinasaa in ayna maamulka federaalka ee Muqdisho daa’cad u aheyn in uu wadahadal dhexmaro iyaga iyo Somaliland. Ururka Qaramada Midoobay ayaa dhawaan u magacaabay wakiil cusub geeska bariga Afrika oo dhan. Wakiilkaa, Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay dalka Gabon ayaa la filayaa in uu dhawaan soo gaadho dalalka geeska bariga Afrika. Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)-Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhex-galay Wasaarradaha Waxbarashadda Iyo Diinta Iyo Awqaafta Iyo Arrimaha Laysku Maandhaafsan Yahay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. A remote-controlled landmine struck a military convoy carrying African Union troops in southern Somalia on Saturday, witnesses said. The attack took place on the outskirts of Balad town in Middle Shabelle region after an improvised explosive device ripped through the armoured vehicles ferrying the peacemakers. The were no immediate reports of the casualties from the IED attack on the Burundian soldiers of AMISOM contingent. The Al-Qaeda-linked militant group, Al-Shabaab has claimed responsibility for the bombing through a statement, saying one vehicle was destroyed in the attack. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doona Warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-16032019-Sax.mp3 View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Ka Hadlay Madaxwaynuhu Sharci Ma U Leeyahay Kala Dirista Golleyaasha Deegaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku dhowaaqay inaysan doorasho ka dhaceynin deegaanada maamulkaasi, islamarkaana seddex sano kadib ay doorashooyinkaasi dhici doonaan. Madaxa xukuumadda Galmudug oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Dhuusomareeb ayaa jeediyay hadal caddeynaya in doorashada la filayay ay ka dhaceyso deegaanada maamulka Galmudug aysan dhici doonin waqti dhow. Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa sheegay in muddo xileedka madaxda Galmudug uu ka bilowday markii ay heshiis ku kala saxiixdeen madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay masuuliyiinta dowladda goobjoog ka ahaayeen. Hadalkan ayaa khilaafsan kan ay qabaan siyaasiyiinta iyo musharaxiinta Galmudug oo ah in waqtiga Xaaf uu ku dhamaanayo 4 sano oo laga soo billaabo markii uu xukunka kala wareegay Cabdikariin Guuleed, taasi oo hadda bilo yar un ay ka hareen. Kulan ay golaha wasiirada Galmudug ka qeyb galeen, oo Sheekh Shaakir uu go’aankan uga dhawaaqay, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne Xaaf. Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Galmudug mideynteeda laga soo bilaabay meel fog, islamarkaana hadda ay mareyso meeshii ugu wanaagsan, islamarkaana loo baahan yahay in lagu ixtiraam dastuurka maamulka Galmudug. Hadalka Sheekh Shaakir ayaa dagaal siyaasadeed xooggan ka billaabi doona Galmudug, ayada oo beelo badan iyo siyaasiyiin badan ay doonayaan inay doorasho dhacdo. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Shaakir.mp3Caasimada online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  17. Famous Somali musician, Hassan Adan Samatar arrived in the Somali capital, Mogadishu on Saturday after 30 years. Samatar was part of high profile Somali figures that accompanied Djibouti President, Ismail Omar Gelle visit’s to Somalia. He left Somalia in 1988 two years before civil strife broke out in the country. He spent his time in Canada and later in Djibouti. Adan Samatar was part of renowned Somali armed forces band- Waberi – that was known for its theatrical entertainment. He was also accompanied by another well-known figure in Somali music, Ahmed Ali Igal. View the full article
  18. By Eric Holthaus Freshman Congresswoman Ilhan Omar is championing one of the boldest climate policies in America. The Minnesota representative grew up in Somalia before immigrating to the United States as a refugee, so she was able to see firsthand the consequences of drought and make deep connections between climate change and all aspects of human society. “I’m one who is urging my colleagues to really take this opportunity to not just issue resolutions and talking points, but for us to actually put a real bill on the table and to allow us to have a real conversation on this issue,” Omar recently told Minnesota Public Radio. But Omar is not the only environmental influencer in her family — her daughter Isra Hirsi, 16, is one of the three youth leaders planning the U.S. component of Friday’s International Youth Climate Strike, in which young people will walk out of class in order to call for urgent climate action. I had a chance to talk with Isra about how her efforts are already making a huge impact, and how her passion for the environment has influenced her family. Update: In response to this piece, Omar wrote on Twitter: “Proud mom here! I hope other Members of Congress will join me in this strike. We need to listen to the wisdom of our kids!” This interview has been edited for clarity and length. Q. What’s it been like for you getting this all together? A. It’s been a lot. There’s just a lot going on. Every 10 seconds there’s something else that pops up that you wouldn’t expect. It’s been crazy. There are so many people involved and so many things you have to do. It’s been really stressful. It definitely does interfere with school. I respond to texts and messages during the school day, and then I come home at four and that’s when I start doing all my calls. I have calls every single night. It’s kind of go-time. It’s all over the place. It’s a lot of work, more than I expected. Q. How have you influenced your family by taking this on? Have you been able to teach them things about why you feel so strongly about this? A. My parents are already kind of on top of it, a little bit less so my siblings. But my little sister is really young and so she kind of gets it. I told her that she should go to the strikes and she’s was like, “yeah I want to go.” So my dad is going to take her to the capital. She’s really interested. My parents definitely understand and are up with everything. Q. How old is your sister? A. She’s 6. Q. Are you going to be speaking at the strike at the capital? A. I’m going to D.C. Q. Oh cool. With your mom? A. Yeah. Q. She just announced she’s going to be attending. (Editor’s note: so far, Omar is the only member of Congress who has confirmed she will be attending this Friday’s nationwide school strike for climate change) A. Yeah, she’ll be speaking too. Q. How do you feel about that? A. I mean, I kind of got her to. It’s good. I kind of wanted to get people there. We invited some other people like [Alexandria Ocasio-Cortez] and Bernie Sanders and we’re just hoping they all come. Q. How was that conversation with your mom to get her to speak there? A. It was just a matter of, she wanted to go — she was probably speaking about it that weekend, and she said, “I’ll be in D.C., I’ll go speak.” So I’m going to fly out from Minneapolis and then fly back with her, so it’s just perfect. Q. How has your family influenced you? You said both of your parents “get it.” Where do you feel most of your inspiration is coming from? A. I wouldn’t say it would be my parents. I would say more of the spaces that I’m in. Learning more about climate change and what it does, all of the different things that impact it. I learned about things like Line 3, and wildfires in California. There are so many things that got me realizing how important this is. It’s important to talk about what climate change does to marginalized communities, what it could do to your community. I think that’s a really great way to get more people involved. Q. And watching the whole national conversation over the past few months. A. Especially Sunrise. They’re very big now. Reading about the Green New Deal, it’s inspiring. Learning about all these things is kind of interesting. And Sunrise has helped put women of color at the forefront. Q. Why do you think it’s important to have women of color leading the climate change movement? A. People of color are disproportionately affected by climate change and that kind of just gets ignored. People are living with these things right now. Accessibility, when it comes to fighting for climate change, also gets ignored. Every interview I have, they’re like, “Are you striking every Friday?” And I’m like, no, I can’t. There’s no way. People say, “Oh you’re not vegetarian!” And I say, “Well, my family is not from this country. They grew up as meat-eaters, I can’t control those things.” It’s important for people to step back and realize that they’re not the only people. Environmental racism is a really big thing. The environmental movement is still predominantly white, how do we change that conversation? Having women of color leading is one way to do that. Q. How is your school reacting? Is your school supporting you? A. I recently sent an email to my teachers explaining the climate strikes and what I was doing. A lot of them brushed past it and were kind of ignoring it. Some were really interested. It’s also awareness for them to understand that students won’t be in school on Friday and this is definitely a conversation we should be having. My peers and I are going around to science classes and talking about the climate strike and all the teachers are letting us. Some teachers are even giving kids extra credit if they go to the marches. Q. There are some high schools that are actively supporting kids who go. Has your principal made any sort of announcement? A. The problem isn’t my principal; it’s my district. They’ll definitely count it as unexcused. But my school is really supportive. A lot of the students are also apolitical, they don’t care. It’s not really a question of the teachers or the principal, it’s more like will the high school students actually attend. Q. But if they see role models, if they see you up there … A. That’s true, but last year I tried to get 1,000 kids from my high school to go to something and I only got 200. Q. That’s pretty good. A. Well, there are 2,000 kids at my school. We’re in the middle of Minneapolis, we’re super close to the light rail, we can easily go over to the state capitol building. Q. So, what’s your strategy? Do you double down on the kids that get it? A. Yeah, we’re really just focused on the students who actually care. We go into those classes and get the teachers to talk to those students who are actually interested. It’s easier. It’s still worth it to get the kids who care. The climate strikes are a great way for young people to get involved pretty easily. It’s also a way for politicians to understand that young people really care. These strikes are happening all over the world. Getting young people out, going to state capitols, going to city halls, going to the nation’s capital and talking about these things, that says something. That’s what we’re trying to do: Change the conversation not only about things like the Green New Deal but so much more. Obviously, one strike isn’t going to change everything, but this isn’t the last strike. The article is republished from Grist
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi imaanshihiisa – aad looga dareemay xirnaanshaha waddooyinka caasimadda – balse horay loo sii shaaciyay ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Adan Adde. Wafdiga oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxay iskugu jiraan xildhibaanno, wasiirro iyo ganacsatada Jabuuti. Waxaana lagu wadaa in inta uu joogo caasimadda Muqdisho uu xariga ka jaro safaaradda Jabuuti ay ku leedahay dalka. Imaanshiyaha Geelle wuxuu ifin karaa sida rajada leh oo uu soo kabsanayo xiriirkii dhawaan ku sigtay inuu liifadda gaabsado oo labada dal soo kala dhex galay. Wuxuuna u muuqdaa mid sida farriin qanacsanaan laga dareemi karo. Kasokow xiriirka soo jireenka iyo sokeeyanimada labada dal ka dhaxaysa, Jabuuti waxay qeyb ka tahay ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM oo gaar loogu yeero Hiil Walaal. Waxaana si laga mahad-celin leh ay qeyb lama-huraan ah kaga jiraan howl-galka socda. Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay oo cutubyo kamid ah AMISOM ay iskaga baxayeen qeybo kamid ah Shabeellada Dhexe, joogitaanka Hiil Walaal ee Hirshabelle wuxuu dhabtii u muuqdaa kuwa sida dhabta ah la iskugu halleyn karo. Maadaama Burundi iyo Uganda oo qeybta ugu badan ka ah ay kaliya ku ekaan karaan xeryahooda, waa ciidamada Jabuuti kuwa is-dhexgal dhab ah la sameyn kara shacbiga. Sidaas darteed, booqashada Geelle oo sidoo kale la tilmaamay inuu ku tagi doono gobalka hiiraan, wuxuu si niyad-qaboojis ah kula kulmi doonaa ciidamada dalkiisa ka socda oo sal-dhigyadooda ugu weyn ka sameystay gudaha Hirshabelle. Dad badan waxay qabaan in Geelle uu fursad ka dhex arkayo joogitaanka ciidamadiisa ee Soomaaliya kuwaas oo u muuqda cutubyo si gaar ah loogu tiirsanaaday howlgalkooda. Waxaana tani ay abuuri kartaa in hoggaanka AMISOM hadda kaddib si gaar ah loo hoos geeyo dowladda Jabuuti. Farriinta kale oo safarkiisa laga fahmi karo ayaa ah furitaanka safaaradda dalkiisa oo ah midda labaad ee ugu weyn oo – taniyo burburkii dowladdii Siyaad – aanay suura-gelin inay ku dhiirradaan. Waliba iyada oo la ogsoon yahay in Jabuuti kaalin ballaaran ku laheyd geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Somaaliya halkaas oo sannadkii 2000 Shirkii Carta MD loogu doortay mudane Abdiqaasim Salaad. Xukuumadda hadda ayaa u muuqata mid u dabaal-dageysa guusha ah furashada Jabuuti ee safaaraddeeda. Wallow aan la dafiri Karin doorkii dhexdhexaadineed oo MD Farmaajo ka qaatay labada dal ee Jabuuti iyo Eretreeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Si Adag U Duray Madaxweyne Muuse Biixi, Uguna Baaqey Inuu Xaal Ka Bixiyo Hadallo Dhawaan Ka Soo Yeedhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab galo la dagaalanka argagaxisada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti daacadda uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed. “Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah. Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga tahay la dagaallanka argagaxisada.” Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka. “Dadweyneheennu waxa ay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno (kordhinno), waxa uu jecel yahay inaan wadaagno dhib iyo dheefba, waxa uu jecel yahay inaan isku duubnaanno, annaguna waxaan fulinaynaa waxa uu dadweyneheennu leeyahay. Wehel baad noo tihiin, annaguna wehel baan idiin nahay.” Wafdiga qaybta ka ah safarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo La-taliyayaal ayaa maanta iyo berri kulamo wadatashi ah la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada xaajoodaan adkeynta iyo sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. View the full article
  22. Burco:(SL-T)Culimada Iyo Waxgaradka Xaafada Actoober Ee Magaalada Burco Ayaa Ku Baaqay In Laga Qayb Qaato Dhismaha Masjidka Ridwaan Oo Loo Dhisayo Maxad Diini Ah Source
  23. Wanla- Weyn (Caasimadda Online) – Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay degaanka Yaaqbari ee Gobalka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta amniga ee degmada. Sarkaalaan oo qaabilsanaa degmada Wanlla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ay dileen dadka degaanka waxaana degaanka Yaaqbari-wayne ka taagan xiisad arintaasi ka dhalatay oo u dhaxeysa Al-shabaab iyo dadka degaanka. Dadka Yaaqbari Weyne ayaa meydka Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Gar-Gaduud usoo qaatay Wanl-Weyn, waxaana halkaas isugu soo baxay dadweyne badan. Sarkaalka Al-Shabaab laga dilay ayaa xukumi jiray dhammaan 40-ka Tuulo ee hoos timaado Degmada Wanlaweyn. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Golaha Shacabka ee BFS ayaa xaqiijiyay in dadweyne ku nool degmada Wanlla-Wayn ay dileen Sarkaan oo ka tirsanaa Al-shabaab. Xildhibaan Jeesow ayaa soo dhoweeyay arintaan waxa uuna ku baaqay in Ciidamada ay isgarab taagan shacabka degmadaasi. Ururka Al-Shabaab ayaa dhawr jeer iska caabin xoog leh kala kulmay dadka shacabka kadib markii ay u dulqaadan waayeen cadaadiska ay Al-Shabaab saarayaan iyo lacagaha badan ee laga dalbanayo. Meelo badan oo ka tirsan Soomaaliya ayey dad shacab ah dagaal kula galaan Ururka Al-Shabaab, Cabdalla Biroole oo 40Km qiyaas ahaan u jirto Magaalada Kismaayo ayaa ah meeshii dhibaatada ugu badneyd loogu geystay Al-Shabaab kadib markii ay isku dhaceyn dad shacab ah oo weliba hal beel ah kuwaas oo ku guuleystay inay Al-Shabaab ku qasbaan wadahadal ay uga baxaan Tuuladaas oo hadda gacanta ugu jirto dad shacab ah. Sidoo kalana waxaa Shabaab lagu qasbay inay bixiyaan Diyada dadkii ay laayeen iyo Geel ay dadka shacabka ah ka dhaceyn. Dhanka kale Shabeelada Dhexe gaar ahaan Cadale waxaa weli ka taagan xiisad u dhaxeyso dadka deegaanka oo loo yaqaan Macawiisleyda iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaro soo gaaray dhinacyada dagaalamay. Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirto ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana mararka qaar ay dagaalamaan dad shacab ah oo aan ku qanacsaneyn qaabka awoodda ku dhisan oo ay meelo ay joogaan ku maamulaan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  24. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay aqbashay lacago ay shirkadda DP World ku kordhisay alaabaha laga soo dejiyo dekedda Berbera. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland, ayaa sheegay in ay DP World u ogolaadeen in lacagaha tafaariiqda ah ee ay ka qaaddo alaabaha kasoo degaya dekedda ay ku qaadato qiimaha suuqa, halka markii hore ay ku qaadan jirtay qiimaha baanka dhexe ee Somaliland. Wasiir Saajin wuxuu ganacstada dekedda Berbera alaabaha kala soo dega ku amray in ay si degdeg ah ugala baxaan alaabtooda, kuwaasi oo uu sheegay in iyagoo ka xun arrintan ay diideen in ay alaabaha kala baxaan dekedda. Wasiirka ayaa yidhi; Waxaan amar ku siinayaa ganacsatada alaabteeda kala bixi la’ boodhka iyagoo ku andacoonaya arrintan in ay si degdeg ah ugala baxaan, haddii ay ugula bixi waayaana waxay muteysan doonnaan ganaax” Halkan hoose ka DAAWO Source