-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dr Ibrahaim Sheekeeye, Ugaas Cabdirahaman Rooble, Sheekh Ismaaciil Taakow, Cabdikariim Moseeyo, Ceeynte, Sheekh Aweys, Bashiir Nero, Cabdiaziz Shiino, Mustaf Camalow, Mustaf ilkacase, Injineer Cabdullahi, Mohammed Makaraan, Mohamed Haruun, Injneer Cilmi Cali Nuur, Sayid Caraaye Siidow, Abdulmudalib Yaasir, Cali Baashi, Baasto iyo dhamaan jaaliyayadda ku dhaqan WASHINGTON DC METROPOLITAN AREA. Waxay tacsi u diriyaan Cabdullaahi Ciise Shiiraar iyo dhammaan qoyskooda, ayaga oo uga tacsiyeynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid hooyadiis Xulbo Yuusuf Cali, oo habeenkii sabtida ku geeriyootay magaalada Lancaster ee gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Waxay leeyihiin Samir iyo iimaan allaha idinka siiyo, marxuumaddana jannada allaha ka waraabiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
-
Qahira (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha dowladda Melleteriga Masar ayaa ugu baaqay dowladaha Yurub in ay muslimiinta ku ciriiriyaan masaajidda si looga hortago wax uu ugu yeeray xagjirnimada oo uu ula jeedo baraarugga islaamiga ah. Cabdi Fataal Alsiisi oo khudbad ka jeedinayay shirka looga hadlayo arrimaha ammaanka ee ka dhacay magaalada Munich dalka Jarmalka ayaa aad uweeraray muslimiinta ku cibaadeysta masaajidda oo uu ku tilmaamay kuwa caalamka ku faafinaya wax uu ugu yeeray Argagaxisada. Alsiisi oo ah calmaani ayaa ku faanay in isagu uu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee maamula dal muslim ah oo ugu baaqo reergalbeedka in ay koontaroolaan duruusta lagu dhigo masaajidda muslimiinta isagoo muujiyay naceybka uu uqabo islaamka iyo muslimiinta. Madaxweynayaal caalamka islaamka kajira ayaa umadax raariciyay baaqa kasoo yeeray Cabdi Fataax Alsiisi halka qaar kale ay layaabeen, Nidaamka ka jira wadanka Masar ayaan qarsan isbarbar taaggiisa Yahuudda iyo Nasaarada wuxuuna caan ku yahay gummaadka dadka muslimiinta ah. Caasimada online Xafiiska Qaahira Caasimada@Live.com
-
KU QOSLE KABTAN KUFEY! Yaab iyo Amakaag!!, Somaliland waxay noqotey, Meel aan cadaalad ka jirin, Xaalku waa MISKIIN BAA MISKO LA FUULO LEH, Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex , muddo dheer kadib, oo uu Cadaalad darro u xidhan yahay ABWAAN ABEES, waxay la shir yimaadeen, Gabay uu Curiyey Abwaanku, Xeer ilaa KU QOSLE KABTAN KUFEY ! Xeer ilaaliyuhu waxuu sheegay, in Xukuumadda, Kulmiye ee taladda Dalka haysaa , ay Dhibane ka tahay. Gabayga ABWAAAN ABEES. Xoriyaddda Haddalka distoorka ayaa, siiyey qofkasta oo Shacab ah, Taloow distoorkii Somaliland goormuu Dembi , Noqdey???. waxaynu ognahay xukunka xaqdaradda ah, ee ku dhacay wargeyska FOORE. waxa lagu haystaa waa xoriyadda Haddalka. Yaab! Gabayga Abwaan ABEES uu ka tiriyey 28/12/2018 Hotel Maansoor, waa Gabay toosin ah, Nuxurkiisuna ahaa, waddankeena cadaaaladdiisa, aynu hagaajino, Khaldkeena aan wadda saxno, Runtii Abwaanku BIlad sharaf halkii laga siin lahaa, in xadhig xaqdarro ah lagu rido, waa cadaaladdii Somaliland oo GOD Madow lagu ridey. Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka, wacyigelinta . wasiir BARWAAQO; wasiirku buug la magac baxay Sooyaal. ayuu qorey, Cay aflagaado ka dhan ah, haweeka ayuu ku xardhey. wixii laga xishoon jirey, ayuu buug ku qorey, Cabasho baddan oo ka dhan ah, ayaa madaxweynaha loo Gudbiyey , kor iyo hoos waa loogu sheegey, Golaha guurtidda ayaa Guddi u saartey, waxa la yidhi bugaas ha la gubo. Dhaqan xumadda ninkaa buugta ku qoraa, waa wasiirkii Dhaqanka, Markale wasiirka waxaa laga hayaa, hadalo dhiif leh, oo shacabka lagu kala qaybinayo : WAXAA LOO KALA BAXAYAA SOMALILAND IYO SOMALILAND-DIID, waana wasiirkii Wacyigelinta ee hadda ogaadda. Yaaab!!! yaa Denbiile ah, ABEES iyo BARWAAQO ??????. Waddanka waxaa Ka jirta, xaalad biyo la,aan , waa Jiilaal, dadkii barkacayaaasha , xaalkooda waa laga deyrinayaaa. Dawladdu waxay inoo sheegtey in dad milyan kor u dhaafaya , xaalkoodu yahay macluul. marka ay sidaa tahay. Wargeyska FOORE waxaa lagu haystaa, Faallo uu ka qorey. waa xoriyaddii haddalka, Maanta ma aha goor qasri cusub laga dhisto xaraf!!!, baahidda kale ayaa ka baddan GURYO la dhista. arinta FOORE xukunka xaqdarradda ah loogu ridey waa intaa…… Yaaab!!! Kayse Kaahin keysekahin@gmail.com Qaran News
-
Siyaasada Kaliya ee Lagaga Bixi karo Saboolnimada iyo Abaaraha Soo Noq-noqda !! iyamaa Garaabis leh Beeraleyda iyo Raacatada Xoolaha ee Rafaadsan !! Dr.Khadar-Libaaxley. Dunida horey u martay Dal iyo Dad intaba dhinaca siyaasada, dhaqaalaha, bulsho, cilmiga iyo tiknoolajiyada iyo quwad millatari ee ka Somaliland ahaan xataa Dimuqraadiyadooda hiigsad iyo tiigsiba ku nahay ma’aha dadkoodu Raacato Rafaadsan oo had iyo jeer garaacaya carooga kaalmada iyo gargaar loo dawaro sannad walba ( emergency call of help ) waxa sidan u yaala muuqaalka raacatadeena rafaadsan, ee dawarada iyo qaadhaanka Dawladeena iyo shicibkeenuba uga dawaraan gudaha iyo dibada, inaga oo hoos hoorsaneyna gacmaha si badheedh iyo dhiiranaan leh illeyn weynu la qabsanaye Qaadhaan bixiyayaal shisheeye oo Binu Aadmi sideena ah, kuwaasi oo ka soo gura Qaadhaanka jeebka iyo cashuurta shacabkooda ah ( Xoolo-Dhaqato Beeraley ) ee aan ka cabanin ( Abaaro soo noq-noqda iyo saboolnimo liidata midna ) sababtuna tahay siyaasiyiintoodii iyo Dawladahoodii ayaa raacatadoodii rafaadsaneyd u badashey Xoolo Dhaqato Beeraley maal-qabeeno noqday oo bixiya qaadhaanka aynu u dawareyno raacatadeena rafaadsan ee garaaceysa carooga caawimada iyo macaluusha araga xun. In Beeraleydu Maal-qabeeno noqon karto waxa daliil u ah ( Suurtul Kahfi , Qisada ku jirta 2da nin ee Beeraleyda ah ee midi u faanayo ka kale ee uu ku leeyahay aniga ayaa kaa maal iyo sharaf badan ka kalena u caqli celinaayo ) tan marka ay fahmeen siyaasiinta reer galbeedku waa habka ay ku hogaamiyeen nolosha ummadahooda ku caan baxay ( Wax-soosaarka Cuntada, Caanaha iyo Cadka ) markay Baahidoodii dabooleen waxa ay habkan xoolo-dhaqato Beeraleynimda ah ku hanteen in wax-soosaarkooda u dhoofiyaan dunida inteeda kale oo ay dhabada cagta saareen dariiqa ( Kobaca dhaqaalaha ee qof-qof iyo guud ahaan wadamadooda ) habkan Xoolo Dhato Beeraleydu waxa uu qayb ka noqday furaha u sahley in jihaynta iyo tallada Dunida illaahay ka sokow iyagu gacanta ku dhigaan . Xoolo Raacatada iyo Beeraleyda iyamaa Qiil iyo Garaabis leh ? Jawaab degdeg ah waxa qiil buuxa leh Beeraleyda; tan waxa daliil u ah illaahay markii uu abuurey Nabi Aadam oo dhamaan Aadamuhu ka abb iyo isir qabo waxa uu illaahay dejiyey ( Janada ) janadu waa Beer wax walba oo la quuto yaalaan, maanta miyi iyo magaalo dunida meel ay tahayba Aadmiga ku nooli waxa uu ku noolyahay cunto ka baxday asalkeedu Beer kadina la warshadeeyey, Xoolaha la raacdaa waxa ay ka mid yihiin cuntada Aadmigu quuto Xoolaha laftooda ayaa u baahan Beer looga Beero calafka ay quutan karaan sanadka oo idil, si ay meesha ugu baxdo erayga fool xumada iyo waji gabaxa ba’an dalkeena iyo dadkeena ku ah ee ( abaar, abaar, abaar baa dhacday lagu af-balaadhiyo !! abaar macnaheedu wax kale maaha kaliya waa la’aanta Biyo , Baad Xooluhu quutaan iyo Bur Dadku cuno ) hadii aad maqasho bulsho ku celcelinaysa abaar baa dhacday oo gargaar in naloo fidiyo ayaan dooneynaa waa ummad ku nool qorshe la’aan oo habow iyo baadi ah oo aan ka duwaneyn Xoolaha ay raacaan, mararka qaarna waxa aad is-odhaneysaa dawladeena iyo dadkeena oo aan anigu ku jiro waxaba dhaama qorshe iyo ku tallo-gal ahaan Xayawaanka yar-yar ee ay ka mid yihiin ( jiri-qaaga, Raha, Diin ceelaadka iyo badi xasharaadka roob la dhacda ah iyo in badan oo aynaan badi aqoon intaba ) waayo dhamaantood waxa ay leeyihiin qorshe nololeed miisaaman oo ku sar-go’an mudo roobaadka in ay tabcadaan, kaydsadaan miisaaniyada ku baxaysan jiritaanka noloshooda kaasi oo ku af-dhamaada saban wareega xilliga saxansaxad laydhu soo dhacdo iyo dhibica roobka u horeeya oo ay dhamaantood soo dareeraan oo la arko iyagoon aheyn wax markaa dhashey balse ah noole intooda ku waaweyn oo muuqda oo ka soo dareeray carada hoosteeda. Gunaanad iyo Gabo-gabo: Waxa muuqata oo dhab ah dalkeena in kabadan 97% 3da wakhti cunto-cun ee aynu leenahay dhamaantood waa wax-soosaar ummado kale iyo meelo kale la inooga soo dhoofiyo !! waa xaqiiqo aan indhaha laga qarsan Karin balse ummad ahaan dhamaanteen waji gabax weyn inagu ah, hadii bad-xidhan dhaco ama dunida ka qarxaan dagaalo dhawan ba la filaayo garan maayo dalkeena iyo dadkeenu waxa uu miciinsandoono nolol iyo quudashadeed illaahay ka sokow !! si dalkeenu u sameeyo wax lagu tilmaami karo horumar ha dhiiri galiso dawladu wax-soosaarka tacabka Beeraha iyo Beerashada, si loo yareeyo saboolnimda, shaqo la’aanta iyo cunto yarida; waayo ilbaxnimadii xadaarada dunida soo marey ee xataa quraanka ku jira xadaaradahooda waxa saldhig u ahaa tacabka Beeraha oo ay horumar weyn ka gaadheen, si lamid ah kacaankii warshadaha waxa ka horeeyey kacaankii Beeraha, waayo warshaduhu badi waxa ay farsameeyaan wax-soosaarka Beeraha; waxa aan si gaara dawlada ugu dhiiri galinayaa ( in hab dhaqanka raacatada Xoolaha ee rafaadsan lagu badalo Xoolo Dhaqato Beeraley cilmi ku dhisan oo neefka iyo nafta raacaysaba la nasiyo ) oo ah habka kaliya ee dalkan iyo dadkan noloshooda maanta iyo mustaqbalkaba lagu bad-baadin karo , ahna furaha horumarka cid waliba ku riyoonayso, waa habka kaliya ee hadii dunida bad xidhan iyo dagaalo ka dhacaan aad loo saadalinaayo dalka iyo dadkuba ku baxsan karaan. Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts 2/17/2019 Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka aqoonsinimo si KMG u siiyay illaa afar xisbi oo ka mid noqonaya axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah hoggaanada xisbiyada cusub iyo qeybaha bulshada. C/raxmaan Cismaan Dirir guddoomiye ku xigeenka gudigga doorashoooyinka madaxa banaan, ahna ku simaha guddoomiya guddigaasi ayaa ugu baaqay xisbiyada cusub in ay ka shaqeeyaan horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Afarta xisbi ee maanta la diiwaan galiyay qaarkood waxaa hoggaaminaya siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka. The post Guddiga doorashooyinka Qaranka oo diiwaan galiyay afar xisbi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kampala (SMN) – Taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda General Peter Elwelu oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay deegaano dhowr ah oo ay ka howl galAan ciidamada Uganda oo qeybta ka ah howlgalka AMISOM Mr Peter ayaa gaaray saldhigyo ay ciidamada ku leeyihiin magaalooyinka Baraawe,Buulo Mareer,Qoryooley iyo Marka oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose. Taliyaha ayaa intii UU ku sugnaa magaalooyinkaasi waxaa uu la hadlay saraakiisha iyo ciidamada AMISOM ee joogay deeganada uu booqday, isagoona ugu baaqay in ay ka feejignaadaan weeraro ay ku soo qaadi karaan dagaalyahannada Al Shabaab. Waxaana uu intaasi ku daray in Al Shabaab halis ku yihiin weerarada gaadmada ah kuwa oo Qatar gelin karo howlgallada ay halkaasi ka wadaan ciidamada. Sannadkii 2015-kii ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ay ku lahaayeen deegaanka Janaale. Halkaas oo looga dilay ciidamo badan. The post Uganda Oo ka digtay halista weerarada Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Hormarka ee UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa war saxaafadeed kasoo saaray Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo dowladaha Kenya iyo Soomaaliya. Xisbiga ayaa taageeray go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka kala dhaxeeyo dowladda dariska ee Kenya. Xisbiga ayaa tilmaamay inuu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya isla markaasna ay muqadas tahay ilaalinta xuduudaha Soomaaliya. UPD ayaa Xukuumadda Soomaaliy ugu baaqay inay shacabka la wadaagto xogta dhabta ah ee sahminta Shidaalka laga helay deegaanada Soomaaliya. Xisbiga ayaa Xukuumadda ugu baaqay in Daliisha Xisbiyada ay u aragto inay tahay sixitaan lagu toosinayo qaladaadka ay galeyso. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada uu saaray xisbiga Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) kaas oo dhowaan dowladda Kenya ku wargalisay in uu dalkiisa ku laabto. Danjiraha ayaa warbixin la xariirta khilaafka siyaasadeed ee labada dowladood u gudbiyay madaxweyne Farmaajo. DFS ayaa ka jawaabtay cabashadii Kenya ee aheyd in dhul badeed lagu muransan yahay ay xaraashtay, waxayna sheegtay in aysan arrinkaas waxbo ka jirin. Sidoo kale dowladdu waxa ay nasiib daro ku tilmaamtay in ay Danjire Tarsan ku wargaliso in uu Kenya ka baxo iyada oo aysan jirin wadatashi ka horeeyay. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay danjire Tarsan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra”iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo jowhar. Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkan. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goob joog ka ahaa madasha heshiiska lagu kala saxiixday. Dowladda Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha waddooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle. Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay muhiim u yihiin isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada,kuwaasi oo dhibaato weyn ku qabay bur burka wadada. The post RW Khayre Oo daah-furay Mashruuc muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
A high-level delegation led by Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo travelled out of the country on Monday. Somali head of state received an official invitation from his Burundian counterpart, Pierre Nkurunziza. His visit follows after Bujumbura objected to a proposal to withdraw about a thousand troops serving under the African Union peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) The two leaders are expected to discuss the bilateral relations between the two states and other related mutual interests. The Federal Government of Somalia said it is committed to fully cooperate with African states on issues of concerns in the areas of the economy, diplomacy, and security. Burundi troops are among first to arrive in Somalia in 2007 alongside Ugandan People Democratic Forces (UPDF) as part of AMISOM. The post Somali president leaves Mogadishu for Burundi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (SMN) – Guddiga tiro koobka Qaranka ee dalka Kenya ayaa sheegay haddii uu sii xumaado xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay ganacsata jaadka ay lumin doonaan 90 boqolkiiba. Sarkaal ka tirsan guddiga tiroobka ayaa xusay in maalin walbo ganacatadu ay Soomaaliya u dhoofiyaan 50 kun oo Qaad ah . Waxaana uu intaasi ku daray in maalintiiba ganacsatada Kenya ay Soomaaliya ka helaan in ka badan 100 milyan oo shilinka Kenya ah. Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gobolka ayaa sheegay in muranka la xiriira badda ee hareeyay dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya uu sababa karo in lumaan lacago badan oo labad dal qaab ganacsi isu weydaarsadaan. Macharia Kamau oo ka tirsan wasaaradda ardimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa sheegay in ganacsatada Jaadka ee Kenya ay diyaar u yihiin in ay joojiyaan qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya. Waxaana uu xusay in ganasigooda aysan ku iibsan Karin jiritaankooda, taas oo uu ula jeedo in Kenya ay sheeganayso milkiyadda badda la isku haysto. Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa hadal heynta ugu badan ay aheyd khilaafka cusub ee soo kala dhex galay dalalka Kenya iyo Soomaaliya. The post GanacsatadaKenya oo ku hanjabay joojinta qaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Armed South African thugs have killed a Somali national, the latest in a string of xenophobic attacks against Somali business community in South Africa. The victims who was identified as Yusuf Mohamed Ibrahim has been killed last night night after gunmen raided his business premise in Port Elizabeth, according to a colleague. Xenophobia attacks against foreign nationals in South African have been rampant in recent months. Over 1,900 business people have been killed and seriously injured since 2008. Somali community in the country has accused South African government of not taking a proper action in defending their rights and often let perpetrators walk free. The post Armed thugs kill Somali national in South Africa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
The U.S. Africa command [AFRICOM] has rejected claims by Al-Shabaab that it killed three American soldiers in an attack on a military base in Somalia. In a statement, AFRICOM All U.S. military personnel accounted for after the mortar raid launched against Balli-Doogle airbase this week by militants. The denial comes as the U.S. military ramps up air campaign in Somalia targeting the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab and ISIL faction in the country. Trump has authorized a broader operations in Somalia in 2017 shortly after taking the office, in an attempt to degrade the terrorist threats in the country. The post US refutes Al-Shabaab claim of killing American soldiers appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Burundi, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi. Madaxweynaha ayaa magaalada Bujumbura ee dalka Burundi kula kulmaya madaxweynaha dalkaasi, waxaana socdaalkiisa uu kusoo aaday iyadoo qorshaha uu yahay in 11 maalin kadib ciidamo ka socdo Burundi ka baxaan Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay dhanka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan arrimaha amaanka, xiriirka labada dal iyo bixitaanka ciidamada Burundi. Midowga Africa ayaa dhawaan ku dhawaaqay in 28 bishaan ciidamo ka socda Burundi oo gaaraya kun askari ay ka bixi doonaan dalka Soomaaliya, waxaana ciidamada ay ka bixi doonaan Hirshabeelle. Dowladda Burundi ayaa arrintaas aad u diidday iyada oo Madaxda Midowga Afrika ku eedeysay in ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan dalkaasi. Madaxda Hirshabeelle ayaa walaac dhankooda ka muujiyay bixitaanka ciidamada Burundi, waxaana ay sheegeen inay isku dayeen inay AMISOM kala hadlaan arimahaasi. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada-hadli doona xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska. The post Madaxweynaha JFS Oo u ambabaxay dalka Burundi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u Amba baxay Dalka burundi appeared first on Puntland Post.