Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray kadib dagaal ka dhacay degaanka Burdheere oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe. Xiisada dagaalka ayaa maalmahan ka taagneed degmada Cadalle waxa uuna qarxay saakay aroortii hore xoogga dagaalka sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka ay ka qayb qaateen ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ka amar qaata Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Abaan duulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Jeneral Odawaa Yuusuf, kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa degaano katirsan degmada Cadalle. Ciidamada Jeneral Odawaa ee dagaalka ka qayb qaatay ayaa degmada Cadalle u tagay ilaalinta amniga Jeneral Odawaa mar uu tiro koob ka sameynayay Shabeelaha Dhexe, wixii markaas ka dambeeyayna Ciidankaas lagama soo celin degaanadii la geeyay. Aagga lagu dagaalamay oo ah degaanka Burdheere ayaa habeeno ka hor waxaa fariisin ka sameestay ciidamo maleeshiyo beeleed ah kuwaas oo saakay weerar culus lagu soo qaaday. Wali waxaa taagan xiisada u dhaxeysa labada dhinac waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal kale oo khasaara geesta. Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiinta ayaa ku baqaaya in dagaalka la joojiyo waxayna dhaqanka ka digeen in Ciidamada dowladda ay ku milmaan dagaal beeleedyada Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka war bixiyay natiijada booqasho labo maalin qaadatay oo dalka uu ku yimid madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo si qota dheer uga war bixiyay xariirka walaatinnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, ayaa sheegay intii lagu guda jiray Booqashada wafdiga oo guul ku dhamaaday in Madaxweynayayaasha JFS iyo Jabuuti ay yeesheen wadahadallo labo geesood ah oo diiradda lagu saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dhinac, amniga iyo xasiloonida gobalka geesta Afrika iyo dardar-gelinta hawl-gallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayay madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxwayne Farmaajo iyo dhiggiisa Jabuuti ayaa maanta ay si wadajir ah waxa ay xarigga uga jareen dhismaha safaaradda cusub ee Jabuuti, iyada oo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle uu hadal uu u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka uu kula dardaarmay in la adkeeyo wadajirka, midnimada iyo wada shaqaynta. Madxwayne Maxamed Cabdullaahi maxamed (Farmaajo) ayaa galabta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabulle Cusmaan ka sagootiyay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa Ballaaran oo ay kamid ahaayeen wasiirro iyo xildhibaanno oo labadii maalin ee ugu dambaysay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. View the full article
  3. DOODA MURANKA SHARCI EE WASAARADA WAXBARASHADA IYO SAYNISKA IYO WASAARADA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND EE MAAMULKA MALCAAMADAHA QURAANKA. =============================================================================== Waxa uu muran sharci oo warbaahinta dhex heehaabayaa ka dhexeeyaa wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland iyo wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland, murankaasi oo xuduntiisu tahay cida maamulaysa ama ay hoos tagayaan malcaamadaha iyo madarasadaha lagu barto quraanka kariimka ah. Haddaba hadii aynu ku horayno dooda ama xeerka awooda kormeer siinaya wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland maamulka iyo gacan ku haynta madarasadaha quraanka lagu barto waxa uu ahaa Xeer Lr 71/2015 , xeerkaasi oo shaqada wasaaradaha waxbarashada iyo Diinta iyo awqaafta labadoodaba ku kala xusaya qodobkiisa 38aad iyo 51aad. Waxa isaguna jira xeerka waxbarashada Somaliland Xeer lr 77/2018 , xeerkani waxa uu awood buuxda u siinayaa maamulka iyo gacan ku haynta malcaamadaha quraanka wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland. Marka ay halkaa marayso doodeena sharci waxa aan ku noqonayaa bal xeerarka iyo waxa ay kala yihiin iyo goorta ay soo baxeen iyo wakhtigii ay dhaqan galeen. Xeerka kala xadaynta hay’adaha iyo wasaaradaha dawlada Xeer lr 71/2015 waxa la sameeyay sida ka muuqata sanadkii 2015kii , waxa uu golaha wakiilada somaliland ansixiyey sida ku cad xeerka 21/01/2016 , waxa aanu dhaqan galay oo uu saxeexay madaxweynihii hore ee somaliland Ahmed Siilaanyo 08/02/2016. Xeerka waxbarashada Somaliland Xeer lr 77/2018 waxa la sameeyay sida ku cad taariikhdiisa 2018kii , waxa ay golaha wakiilada somaliland ansixiyeen 05/08/2018 , waxaana uu Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi saxeexay 25/08/2018 . Marka ay sidaa tahay ee aan akhriyey labada Xeer iyo eegayna muranka sharci ee ka dhexeeya labada wasaaradood ee waxbarashada iyo sayniska iyo Wasarada diinta iyo awqaafta waxa yeelanaya oo ay hoos tagayaan malcaamaduhu wasaarada waxbarashada Somaliland sababahan awgood; 1- Sababta koowaad oo ah sharciga wasaarada waxbarashada awooda u siinaya maamulka malcaamadaha oo ah xeer gaar u ah waxbarashada dalka, isla markaana si cad u qeexaya oo awood u siinaya maamulka iyo gacan ku haynta dugsiyada quraanka lagu barto, halka xeerka wasaarada diinta iyo awqaafta kormeerka siinayaa uu ka yahay xeer guud . 2- sababta labaadna waxa ay tahay hadii laba xeer oo isku wax sheegayaa iska soo daba baxaan waxa la qaadanayaa ka dambe oo nasakhaya kii hore. Sidaasi ayaan ku doodayaa in wasaarada waxbarashada iyo sayniska ee somaliland ay shaqada malcaamadaha leedahay. Waxa aan raacinayaa talo ; waxa wanaagsan in archive ka golaha wakiilada somaliland iyo Archive ka xukuumada somaliland ee xeerarku ay hubiyaan xeerarka la sameynayaa in ay hore u jireen in ay keeni karaan murano sharci iyo iska horimaad hay’adaha iyo wasaaradaha qaranka ah, waxii loo badheedhayo ee la isla gartana marka hore la sii sheego si aan muran uga iman. Muhamed Dhimbiil Dooda iyo aragtida ardey wax ka barta kuliyada sharciga ee Jamacada Hargeisa Image Qaran News
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-17032019.mp3 View the full article
  5. (SLT-Laascaanood)-Dhacdo Ugub Ku Ah Soomaalida Oo Ay Kiiskeeda Qaaday Maxkamadda Gobolka Sool, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Jigjiga)-Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa deeq lacageed oo dhan 10 milyan oo birr ($340,000 oo doolar)siiyey barakacayaasha deegaanka Amxaarada iyada oo barakacayaasha Soomaalida ee ku sugan xerada Qoloji ee deegaanka Soomaalida ay wax taageera ah weli ka helin dhanka xukumaddiisa iyo dowladda dhexe midna. Waxaa magaalada Addis Ababa xalay lagu qabtay bandhig lacago dib u dajin looga sameeyo barakacayaasha deegaanka Amxaarada. Waxaana bandhiggaasi soo qaban qaabiyey Ururka Horumarinta Amxaarada iyo Xukumadda Deegaanka Amxaarada oo kaashanayo dowladda dhexe. Haddaba madaxweyne Cagjar oo ka mid ahaa madaxdi bandhigga lacag uruurinta ka soo qayb gashay ayaa ku dhawaaqay “isaga oo matalayo shacabka iyo maamulka deegaanka Soomaalida ay walaalahooda Amxaarada ee barakacay ay ku deeqayaan 10 milyan oo Birr”. Su’aasha la isweydiin kara ee ka dhalatay deeqdaasi lacageed uu madaxweynaha bixiyey ayaa waxay tahay barkacayaasha Soomaalida ee ku sugan Qoloji, Siti iyo Tulli guuleed oo muddo ku sugan xerooyin barakacayaal oo ku meel gaar ah yaa u maqan? Inkasta oo in dad dhibban in la caawiyo ay wax dhib ah ku jrin oo ay bani aadaminimada ka mid tahay haddana waxaa ka mudnaan lahayd iney caawimaadka aad ka billaawdo dadka kula dhashay ee haddana dhibban oo ilaahey mooyee cid umaqan jirin. Baraha bulshadana waxay noqotay mid maanta si weyn looga hadal hayo tillaabbada madaxweynaha uu qaaday iyada oo tala bixinta ugu badan ay ahayd Oromo dadkeeda barakacay guriya ayey u dhistay weyna dajisay, Amxaarana hadda ay ku guda jirtaa Soomaalida yaa u maqan haddii ay xukumaddeeda iyo dowladda dhexe midna ka warhayn. Source
  7. (SLT-Muqdisho)-Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan oo hadda ka mid ah Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Dalka Soomaaliya, marna noqotay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalkaasi, ayaa ka hadashay Wada-hadallo la filayo inay mar kale wada yeesheen Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo la sheegay inay suurto-gal tahay in lagu qabto Dalka Gaana. Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay in maaddaama oo dhowr jeer oo hore ay wada-hadleen Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya in doorkan Wada-hadallada loo beddelo in Madax-dhaqameedyo laga soo xulo Somaliland iyo Soomaaliya, laguna wada-hadashiiyo meel ka mid ah Dalka gudihiisa, ka dibna Go’aanka ay soo saareen loo gudbiyo siyaasiyiinta labada dhinac. Fooziya ayaa sidaa ku sheegtay Qoraal ay Shalay ku baahisay Barta ku leedahay Shabakadda Twitter-ka, kaasi oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay. Fooziya ayaa qoraalkeeda ku tidhi “Waxaan la soconaa in mar kale la wado, wada-hadal Soomaaliya iyo Somaliland lagu wada-hadalsiinayo dal kale. Waxaa ka habboon in Odayaal-dhaqameed culus labada garab laga keeno oo gogol loo dhigo meel dalka ah oo nabad ah, muddo dheer la siiyo, kaddib siyaasiyiinta loo gudbiyo go’aanka..” Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ah siyaasad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan Mabda’a Soomaali-weyn. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa waxa uu dawladda Ingiriisku ku eedeeyay inay hortaagan tahay ictiraafka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Dhanaane (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee qeybta 12-ka April, ayaa maanta isaga soo baxay deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay muddo ku sugnaayeen, sida ay xubno ka tirsan u xaqiijiyeen Caasimada Online. Deegaanka Dhanaane, ayaa dhaca waddada xeebta ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, waana deegaan muhiim u ah ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Shabaabka Shabeellaha Hoose. Sida warka uu nagu soo gaaray, ciidamada ayaa gebi ahaanba faarujiyey dhufaysyadii iyo difaacyadii ay halkaasu ku lahaayeen oo saldhig u ahaa, islamarkaana ay kala dagaalamayeen kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadan qeybta 12-ka April oo la hadlay Caasimada Online ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay uga soo baxeyn deegaanka ay tahay ayada oo afar bil aan la siin wax mushahar ah. Ciidamadan ka tirsan qeybta 12-ka April, ee maanta mushahar la’aanta darteed uga soo dareeray deegaanka Dhanaane, ayaa muddo bilo ka hor howlgallo kula wareegay deegaanada xeebta ee isku xira Muqdisho iyo Marka. Ciidamadan maanta soo baxay oo kaliya maaha, hase yeeshee ciidamada xoogga dalka ayaan inta badan qaadan wax mushahar muddo afar bilood ah, waxaase maalmihii dhowaa ka dhammaaday dul-qaadkii. Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale la’aan iyo musuq-maasuq ay isugu darsameen bilihii dhowaa, waxaana inta badan lacagta lagu bixinayey shaqaalaha rayidka ah, madaxda sare, dagaallada siyaasadeed, iyo warbaahinta iyo shaqsiyaadka dowladda ka ammaan baraha bulshada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maalintii labaad booqasho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa qudbad dheer u jeediyay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Sare, Halkan hoose ka DAAWO khudbadaasi Source
  11. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal. “Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd. “Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato. Ugu dambeyn, Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Somalia ay gudi doonto Abaalka ay u gashay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  12. John Gibbons oo ka tirsan Booliska Ottawa ee Dalka Canada ayaa booæqasho degdega ugu tagay qaybo kamid ah Muslimiinta Magaalada si uu ula qaybsado Murugada [...] Source
  13. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal. “Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd. “Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato. Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  14. Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad casho sharaf ah oo loo sameeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay madax kala duwan oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wadanka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana xubnahaas ugu sarreeyey Madaxeyne Farmaajo, Madaxweyne Gelle, Ra’isulwasaare Kheyre, Guddoomiyaasha labada aqal, Wasiiro iyo XIldhibaano ka kala socday labada wadan. Sidoo kale waxaa xafladda ka qeyb galay Fanaaniin qaali ku ah Umadda Soomaaliyeed oo aan dhowr iyo 30 Sano is arag sida, Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal, Salaad Derbi, iyo kuwii horey dalka u joogay Intii ay socotay Xafladda oo si toos ah uga baxeysay Warbaahinada kala duwan ee Soomaalida ayaa waxaa laga dhex arkay qaladaad u badnaa dhanka Protocol-ka ah oo ay aheyd in laga ilaaliyo xafladda, waxaana qodobeyn doonaa qaladaadka laga diinwaan geliyey. Kala daadsanaan Kooxaha Fanka ee Soomaalida ah oo aan si fiican u abaabulneyn, koox walibana ay suugaan u gaar ah la timid fagaaraha, Abwaan walibana uu gabaygiisa soo qaatay bilaa qorshe, taas oo waqti badan lumisay. Dadka qaar ee masraxa ka hadlayay marka ay Madaxda salaamayeen waxay mar walba ku bilaabayeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ka dib ayey Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaasha labada aqal iyo Ra’isulwasaare Kheyre sheegayeen, Laakiin nidaamku wuxuu ahaa iney Madaxweynaha Soomaaliya ku bilaabaan. Calanka Soomaaliya oo Masraxa ku yaraa, xataa markii uu Heeska Calanka Soomaaliya qaadayay Cawaale Aadan iyadoo la yaaban yahay Hooyooyinkii xaflada joogay malaha inta is heyn waayeen ayey Calan yar oo kuwa miiska la saarto ah u keeneen oo uu gacanta ku qabsaday, halka Calamo waaweyn oo kuwa walaalaheen jabuuti ah ay Masraxa dhoobnaayeen. Xiriirinta Munaasabadda oo aad u liidatay sababtuna waa qorsha xumo iyo jadwal rasmiya oo aan loo dhiibin Xariiriyihii Xafladda Jeyte. Background-ka dambe ee Masraxa ama Decoration-ka goobta dib haloogu laabto hadii wafuud caalamiya lagu marti gelin doono goobtaas. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Xidhiidhka Golleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa ka cadhooday su’aalo laga waydiiyay Khaatumo Iyo Dastuurka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal. “Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd. “Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato. Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  17. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo safar ku jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa uu si toos ah u daah furay Safaarada Jabuuti ee [...] Source
  18. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiil ka socda hay’adda ICRC oo ay hogaaminayso Madaxa ugu sareeya [...] Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Soomaaliya ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo dhinaca nolosha ah, waxaana isa soo taraya qayla dhaanta ciidamada ka soo baxayso. Waxaan idinla wadaagayna fariin ka timid askari ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeelaha Hoose, oo codsaday in magaciisa la qariyo, si aan shaqada looga eryin ama aan loo xirin. Hoos ka aqriso farriintiisa. In ka badan 10 sano ayaa ka tirsanahay Ciidamada Qaranka, waxaana dagaalka Al-Shabaab ka billaabay dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya hadana waxaan ku suganahay duleedka degmada Wanla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose. Dagaaladii lala galay Al-Shabaab waxaan ku waayay xubno jirkayga kamid ah, saaxiibo qaali igu ah oo qaar dhinteen qaarna ku naafoobay, walina ma joojin gumaca iyo rasaasta ilaa aan ka dhinto ama dadkaygu nagaadaan waan sii wadayaa dagaalka. Dowlad kasta oo dhalata waxaan naawilaa in lagaari doono maalin Askariga Soomaaliyeed qiimo leeyahay, la sharfo lana mid noqda shaqaalaha kale ee dowladda. Wali rajadayda ma helin balse Madaxweyne Farmaajo waxa uu ahaa qofka kaliya ee aan rajadaas ka qabay. Qoriga uma qaadan badbaadada naftayda ee waxaan u qaatay badbaadinta dadka Soomaaliyeed iyo dalka uma qaadan Al-Shabaab oo kaliya ee waxaan u qaatay cadow kasta balse maanta dacwo ayaan ahay. Ma helo mushaar, Gunno, Garaam iyo daryeel midna waxaysa aheyd xaalad aan ku qanacsanaa maadaama dalkayga dowlad xoog leh ka jirin balse waxaa intaas oo dhan iiga daran oo aan dacwo ka ahay dowladayda oo Al-Shabaab iiga darnaatay. Aniga oo aan helin inta aan soo sheegay ee Xuquuq ah ayey dowladayda sheegtaa in ay isiisay. Waa iga been abuurataa aniga iyo rag kale oo badan kana tirsan ciidamada qaranka Soomaaliya. Sidaas darteed waxaan idinka codsanayaa in Madaxweynaha Jabuuti noo kala garqaado annaga oo ah Ciidamada Qaranka iyo hogaanka dowladda ee naga been sheegay maadaama uu Madaxweynaha Jabuuti yahay oday Soomaaliyeed oo marti noo ah. Hogaanka Dowlada Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre waxay nagu diraan Xaasaskayna iyo Goobaha Ganacsi ee aan biilka carruurta deenta uga qaadno, waxay nagu diraan dugsiyada iyo Iskuulada caruurta noo dhigtaan ee hanagala qabto sababtoo ah lacag aysan na siinin ayey sheegaan in ay nasiiyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. The navy chief added that the fleet, which consists of Sabalan destroyer and a logistic warship named Bandar Abbas, set off on Saturday for the international waters to safeguard maritime routes used by Iranian vessels, especially in the strategic strait of Bab-el-Mandab, which links the Gulf of Aden to the Red Sea. The Iranian Navy’s 60th flotilla, comprising of ‘Bayandor’ destroyer, Bushehr logistic warship, and Lavan warship, has just returned home after 52 days of a voyage in international waters. The flotilla’s mission included visits to Sri Lanka and Sultan Qaboos port, the largest port in Muscat, Oman, for a four-day stay. According to reports on Friday, Iran’s 60th flotilla conducted a successful operation in the Bab-el-Mandeb Strait, thwarting a pirate attack on one of the country’s oil tankers. The Iranian Navy has been conducting anti-piracy patrols in the Gulf of Aden since November 2008, when Somali raiders hijacked the Iranian-chartered cargo ship, MV Delight, off the coast of Yemen. According to UN Security Council resolutions, different countries can send their warships to the Gulf of Aden and coastal waters of Somalia against the pirates and even with prior notice to Somali government enter the territorial waters of that country in pursuit of Somali sea pirates. The Gulf of Aden – which links the Indian Ocean with the Suez Canal and the Mediterranean Sea – is an important energy corridor, particularly because Persian Gulf oil is shipped to the West via the Suez Canal. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa ka gaabsaday in uu sheego wakhti cayiman oo la qabanayo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo in uu jiro waddan cayiman oo ay ka qabsoomi doonaan. “Ma jiro wakhti cayiman oo wada-hadallada (Somaliland iyo Soomaaliya) loo qorsheeyay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon oo wargeyska Geeska Afrika arrintan wax ka waydiiyay. Hase ahaatee 13-kii bishan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la hadlayay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka ayaa sheegay in caasimadda Gaana ee Accra lagu qabanayo wada hadallo Somaliland iyo Somalia ah oo Turkigu hoggaaminayo. “hadda cisho dhawayd waxa yimid Turkiga waxaan ku idhi kaliga ku aqbali mayne caalamka kale hana soo dhex galo wuu aqbalay warqad buu soo celiyay hadda Ingiriiska, Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden intaba waxa uu ka codsaday in la isugu yimaaddo 19-ka bishan Gaana (Accra) si loo sameeyo guddi caalami ah oo Somaliland iyo Somalia kala dhex gasha waxaana hubaal ah in Xamar iyo inta la joogtaba ka dagaallamayaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Source
  22. Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay, wakhtiga la qaadayo, imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare degaannada Puntland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland, ayaa lagu sheegay in imtixaanka shahaadiga la qaadi doono, inta u dhexaysa 25-ka iyo 30-ka bisha May ee sannadkan 2019. “Waxaan la wadaagaynaa dhammaan ardayda, maamulayaasha, waalidiintaba in imtixaankii sannad- dugsiyeedka 2019 ee Puntland uu dhacayo 25ka ilaa 30ka bisha May 2019″ ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda ayaa ku amartay, dhammaan maamulayaasha iyo macallimiinta iskuulada, in ay dhammaystiran muqarrarka maddooyinka ka hor wakhtiga loo cayimay imtixaanka. “Waxaan kula talanaynaa ardayda iyo macallimiintuba in ay xil iska saaraan meelmarinta iyo dhammaystirka muqrarkii sannadka” ayaa la sii raaciyay. Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegtay in sannadkan la adkeeyay, imtixaanka maadada Computer-ka iyo maadada siyaasadda, si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqarrarka u degsan Puntland. “maaddooyinka ICT iyo Government and Politics wax wayn ayaa laga bedelay imtixaankooda waana la xoojiyay si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqararkii la dejiyay”. Dowladda Puntland ayaa sannad walba imtixaan midaysan ka qaadda, ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare guud ahaan degaannada Puntland. Imtixaanka ayaa lagu saleeyaa, muqarrar iyo manhaj midaysan oo ay dejisay wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo shaacisay wakhtiga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah appeared first on Puntland Post.