-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la muddeeyay inuu furmo 6-da bisha July 2024 oo ku beegan maalinta Sabtida. War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in muddeynta kal-fadhiga ay ku timid kulan wada-tashi oo guddoonka ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee BJFS. “Waxaa laga wada-hadlay maalinta la qaban karo kulan wada-jir ah oo lagu furayo kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka 11-aad. Guddoonku waxay isku raaceen in kal-fadhiga uu furmo maalinta Sabtida,” ayaa lagu yiri qoraalka. Furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga 5-aad, xilli ay Xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin. Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Horey waxaa buuq badan ka dhashay, kaasi oo illaa hadda diidan yihiin mucaaradka wax ka beddelka dastuurka oo ay ku jireen qodobo culus oo qeyb ka tahay nooca doorasho ee la aadayo, taasi oo illaa hadda wax tallaabo ah loo qaadin. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana muuqata in markaan Villada ay rabto inay dhameystirato qorshaha qabyada ka ah, kaasi oo diidan yihiin Xildhibaannada qaar oo la safan mucaaradka. The post Xilliga uu furmayo kal-fadhiga BF oo la muddeeyay iyo qorshaha Villa Somalia – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan u magacaabatay dalka Liibiya ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo si rasmi ah looga Guddoomay, taas oo qeyb ka dib usoo celinta safaaradaha dalka. Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Mudane Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Cabdi Aadan Diiriye, oo Soomaaliya u fadhin doonaa dalkaas. Labada dal oo ka wada tirsan dowladaha jaamacadda Carabta ayaa leh xariir qoto-dheer, ayagoo dano badan wadaaga, sidoo kale Liibiya waa dalka ay sii maraan tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ugu badan, kuwaas oo halkaas kala kulma dhibaatooyin iskaashiga labada Xukuumadood lagu xallin karo. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa furay buugga tacsida ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. buugga tacsida oo ay masuuliyiin badani saxiixeen ayaa muddo seddax maalmood ah ka furnaan doona gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii hore. Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dowladnimada Soomaaliya kaalin weyn ka soo qaatay ayay geeridiisu wada taabatay dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay dalka Turkiga, si uu uga qayb-galo wada-hadallo cusub oo u bilaabanayo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay martigelineyso xukuumadda Ankara. Wadiga maanta u baxay Turkiga ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, kaas oo ka qeyb-galayo wadahadallo cusub oo ay xiisadda taagan ka yeelanayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii badda. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Turkiga uu dhexdhexaadinayo wada-hadaladan, balse lagu sheegin wax ajendi ah marka laga tego inay isugu tegayaan magaalada Ankara. “Wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u safray caasimadda Ankara ee dalka Turkiga, oo ay uga qeyb-geli doonaan wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay dhex-dhexaadineyso dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ka go’an mabaadi’deeda adag ee ilaalinta midnimada dhuleed”. Wararka kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ujeedka wada-hadalladan uu yahay in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo uga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Sidoo kale waxaa wada-hadalladan oo muddo ay ka taagnayd caqabad ayaa waxaa labada dal ogoleysiiyey dowladda Turkiga oo muddo bilo ah wadday dadaal ay isugu keeneyso Muqdisho iyo Addis-Ababa, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale ay dalal kale gadaal ka riixayaan, oo Mareykanka uu ka mid yahay. Waxaa dhinaca Soomaaliya u matalaya wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi, halka Itoobiya uu wakiil u yahay wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassiem kaas oo shalay gaaray Ankara. Xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka laabato is-afgaradka Somaliland, halka Soomaaliya la filayo in ay Itoobiya u ogolaato in ay ka kireyso dekad ganacsi. Soomaaliya marna ma ogolaan doonto saldhig ciidan badeed. Waxaan caddeyn habka loo maamuli doono dekaddaas. Itoobiya ayaa sida la sheegay dooneyso in ay dekaddaas ayada maamusho, balse weli ma cadda haddii ay Soomaaliya ogolaan doonto iyo in kale. Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay isha ku hayso dekadaha Baraawe iyo Hobyo midkood. The post Wafdiga DF ku metalaya wada-hadallada Itoobiya oo u baxay Turkiga – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Michael Langley oo ka hadlayay marxaladda kala guurka Soomaaliya oo la filayo inay ka baxaan ciidamada howlgalka ATMIS ayaa walaac ka muujiyay khatarka kooxda Al-Shabaab. General Michael Langley ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’ideysan karto bixitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee jooga gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay isku dayi doonto inay la wareegto talada dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Saameyn way ayay ku yeelan kartaa bixitaanka ciidamaa Midowga Africa amniga gudaha Soomaaliya, waxaaana Al-Shabaab weeraro ka fulin kartaa Muqdisho iyo meelo kale, balse waxaan ku rajo waynahay in dowladda Soomaaliya ay fahansan tahay khatarta amaan doonto xiliga kala-guurka lagu jiro,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Mareykanka ee Afrika. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay haatan mareyso marxalad lamid ah tii Taliban ay kula wareegeen Afghanistan sanadkii 2021 kadib markii ay ka baxeen ciidamadii NATO iyo kuwa Mareykanka. Michael Langley ayaa dhinaca kale xusay in laga hortagi karo halista Al-Shabaab, haddii ay shacabka Soomaaliyeed taageeradaan dowladooda, kuna garab istaagaan dagaalka socda. Waxaa kale oo uu ballan-qaadan in Mareykanka uu sii xoojin doono taageerada uu siiyo dowladda federaalka, isla markaana uu sare u qadi doona joogitankisa milatari ee gudaha Soomaaliya sababo la xirira horumarada ay sameynayaan Al-Shabaab iyo Daacish. Hadalkan kasoo yeeray taliyaha AFRICOM ayaa kusoo aadayo, xilli todobaadkii hore uu gudaha magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada-hadleen dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha bixitaanka ciidamada howlgalka ATMIS. Soomaaliya ayaa la filayaa in dhammaadka sanadkan ay ka baxaan ciidamada shisheeye, waxaana beddali doono howlgal kale oo cusub oo isna hoostagi doono Midowga Afrika. The post Mareykanka oo sheegay in Al-Shabaab ay la wareegi karaan Soomaaliya haddii… appeared first on Caasimada Online.
-
Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta u amba-baxay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Qoraal kooban oo ay soo saartay Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo wefdigiisa ay magaalada Ankara kaga qayb-galayaan wadahadallo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga. “Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga”. “Dowladda Soomaaliya waxay ku taagantahay mabda’eeda ah ilaalinta madaxbanaanida, gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu furmo Shirka lagu dhex dhexaadinayo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo bilihii la soo dhaafay uu ka dhex taagnaa khilaaf ka dhashay heshiiskii is afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo Maamulka Somaliland. Dowladda Turkiga oo labada dalba saaxiib dhow la ah isla markaana gogosha dhigtay ayaa dedaal ku jirta sidii labada dhinac loo heshiin lahaa loona dhammayn lahaa khilaafka ka dhex taagan. PUNTLAND POST The post Shir lagu dhex-dhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Dalka Faransiiska waxaa maanta oo Axad ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay. Wajiga koowaad ee doorashadaan ayaa laga yaabaa in ay kasoo baxdo natiijo la yaab leh, haddii ay codadka ugu badan helaan xisbiyada midigta fog. Haddii axzaabta midigta ay doorashada maanta dhaceysa ku guuleystaan, ayaa waxay taasi ka dhigi doontaa in marki ugu horreysay tan iyo dagaalki labaad ee Dundia ay Faransiiska ka dhalato dowlad leh afkaaraha midigta fog ee xag-jirka. Natiijada doorashadan iyo wajiga labaad oo isna dhacaya 7-ba bisha July ayaa lagu wadaa in ay jiho kale u baddasho siyaasadda Faransiiska. Madaxweyne Macron ayaa wacad ku maray inuu guul ka keeni doono doorashada. Madaxweyne Macron oo ka niyad jabay natiijadi uu xisbigiisa ka keenay doorashadi baalamaaniga ee Midowga Yurub, ayaa horraantii bishaan ku dhawaaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay. Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa go’aankaasi ku tilmaamay qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu Macron ku dhaqaaqay, isaga oo raja ka qaba in uu libin kasoo hooyo doorashadan, balse waxaa aad loo saadaalinayaa in uu ku guul-dareysan doono. Taasi waxay ka dhignaan doontaa, in muddo xileedkiisa oo ay uga harsantahay saddex sano oo kale uu soo gaba gaboobi doono, haddii laga guuleysto. Source
-
Jurile: “I had to persuade men representing Italian construction companies to amend the terms of the project. Gravel roads will no longer be there after one year. Rainwater will sweep them away.” Bosaaso (PP Report) — Bosaso, a coastal and commercial city in the Puntland State of Somalia, is now in the bad-xiran (summer) season when people who can afford it go on xagaa-bax (leaving the summer heat) and temporarily relocate to areas where the weather is less inclement. The Port of Bosaso and the road linking it with Garowe have a history that very few people are familiar with. Abdirizak Osman Hassan (aka Jurile), a former federal MP, was a Deputy Foreign Minister of Somalia before 1991 and was in charge of projects funded by the former Ente Nazionale Italiano per il Fondo Aiuto per la Somalia (Italian National Agency for the Aid Fund for Somalia) to construct gravel roads in rural areas of Bari, Nugaal, and Sanaag. “I had to persuade men representing Italian construction companies to amend the terms of the project. Gravel roads will no longer be there after one year. Rainwater will sweep them away. I am going to convince the Somali government to commit the development aid to the construction of a road linking Garowe and Bosaso,” Jurile told Abdi Said ‘Juxa’, the Puntland Interior Minister, who founded Juxa Video Research Archive on YouTube. “We want to improve our relations with Italy” Barre told l’Unità, a newspaper, in 1975. Jurile said that early 1986 he “returned to Mogadishu and submitted the proposal to modify the terms of the project”. He told President Mohamed Siad Barre, who was ruling Somalia then, that the construction of gravel roads envisaged in the project did not have any long-term benefits. “I will have to go to Rome to ask for an audience with the Italian parliamentarians to explain the rationale of my proposal,” Jurile told Siad Barre, who accepted Jurile’s vision and promised that he would telephone Bettino Craxi, the former Prime Minister of Italy, to brief him on the suggested changes to the Italian-funded projects to be implemented in regions now known as Puntland State of Somalia. Bettino Craxi supported the construction of a legacy road and port in Puntland State of Somalia. Jurile went to Rome, where he was granted an opportunity to brief the Italian MPs on the project to construct a 452 km road linking Garowe and Bosaso. “I explained to the Italian MPs that a project for which Italian magnanimity will be remembered is the construction of a road instead of gravel roads that will disappear in a year after the rainy season,” Jurile said. The response of the Italian MPs was positive. A plan to amend the terms of the project was approved after a televised session of the Italian parliament addressed by Jurile. President Siyad Barre phoned Craxi to indicate he supported the construction of Bosaso-Garowe Road and Bosaso Port. Initially, the funds allocated for gravel roads were far less than the funds that would have to be committed to the construction of the Bosaso-Garowe road. Questions were raised about the economic viability of the road since Bosaso did not then have a seaport. “A decision to build a small 270-meter port for a ship carrying a maximum of 8 tons of cargo and with three 50×50 berths was recommended. Two hundred fifteen million dollars was spent on the construction of the 452 km road. Four hundred seventy-five thousand dollars was spent on each kilometer of the road. The cost to build a small port in Bosasso was 10 million dollars. We celebrated the completion of all projects in Waaciye district,” said Jurile. Bosaso Port in Puntland State of Somalia. “A quarter of a billion dollars was spent on an unnecessary road in northern Somalia,” wrote the late Peter Bridges on Bosaso-Garowe Road in his memoirs, Safirka: An American Envoy. The economic evidence contradicts his verdict. Both the Bosaso-Garowe Road and Bosaso Port have transformed a region once known as Gaari-waa, meaning “difficult to reach,” which had been adversely affected by benign neglect, into an economically vibrant region that hosts more than 2 million Somali IDPs who fled the civil war in the south after the collapse of the state in 1991. The Bosaso-Garowe Road and Bosaso Port are a remarkable testimony to Somalia-Italy relations and an example of an enduring development initiative generously funded by the Italian taxpayers. © Puntland Post, 2024 The post Italian-Funded Bosaso-Garowe Road and Bosaso Port Drive Economic Growth in Puntland State of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiisha Dowladda Serbiya ayaa sheegay in la dilay nin leeb ku weeraray askar ilaalineysay safaaradda ay Israa’iil ku leedahay magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia. Wasiirka arrimaha gudaha Ivica Dacic oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay in ninka leebka ku weeraray safaaradda uu dhaawac halis ah gaadhsiiyay askari ka mid ah booliska ilaalinayay safaaradda. Wuxuu kaloo sheegay in askari uu leebka ka haleelay qoorta, balse isna uu dilay ninka weerarka ka danbeeyay. Wuxuu dhacdadaasi ku tilmaamay weerar argagixiso oo ka dhan ah Serbia.Wakaaladda wararka Serbia ee Tanjug ayaa ku warrantay in aysan jirin wax khasaaraha ah oo soo gaaray shaqaalaha iyo diblamaasiyiinta safaaradda Israa’iil ee Belgrade.Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa xaqiijisay dhacdadaaasi kuna tilmaantay weerar argagixiso. Source
-
Natiijadi kasoo baxday doorashadi madaxtinimada ee Jimcihii ka dhacday dalka Iran ayaa muujisay in aanu murashaxna helin codad ku filan si uu u noqdo madaxweyne. Taasi ayaa ka dhigan in labada musharrax ee ugu sarreysa ay ku loollami doonaan doorasho ku celis ah oo dalkaasi ka qabsoomi doonto 5-ta bisha July. Wareegga labaad ee doorashadan ayaa waxaa isugu soo baxay Massoud Pezeshkian oo ah xildhibaan qunyar socod ah iyo Saciid Jalili oo ah murashax heysta taageerada hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in midkoodna uusan helin boqolkiiba 50 oo lagu daray hal cod, kaddib markii la tiray codadki ay dhiibteen ilaa 25 milyan oo cod-bixiye. Hase yeeshee Pezeshkian ayaa codad dhan ku dhawaad nus milyan ka horreeya Jalili. Labadani nin ayaa midki guuleystaa baddali doona, madaxweynihi hore Ebrahim Raisi oo dhawaan ku dhintay shil hellikobtar. Jagada madaxweynaha Iran ayaa ka dhigan awoodda fulinta, maadaama awoodda iyo go’aannada kama danbeysta ah ee qaranka uu leeyahay hogaamiyaha ruuxiga ah Ayatollah Ali Khamenei. Source
-
Shirkadda Wadaagsan ee gacanta ku haysa dekedda Garacad ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay wada-hadal kula jirto shirkad laga lee yahay dalka Imaaraadka, oo raadinaysaa maalgelinta dekedda. Guddoomiyaha shirkadda Wadaagsan Warsame Axmed Shiddo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa sheegay in uu socdo wada-hadal ku saabsan maalgelinta dekedda Garacad, kaasi oo ay kula jiraan shirkad laga lee yahay magaalada Abu Dhabi. Guddoomiye Shiddo ayaa tilmaamay in wada hadalka u socda labada shirkadooda ee la xiriira maalgelinta dekedda Garacad uu yahay mid maalinba maalinta ka danbaysa la isu soo dhowaanayo, balse uusan jirin weli heshiis rasmi ah oo la kala saxiixday. “Waxaa noo socda wada-hadal iyo gorgortan ku saabsan maalgelinta dekedda Garacad, oo aan kula jirno shirkad laga lee yahay Abu Dhabi, kaasi oo wakhtiba wakhtiga ka danbeeya intii la isaga soo dhowaanayo” ayuu yiri Warsame Axmed Shiddo. Waxaase uu dhinaca kale dafiray in dowladda Puntland ay qayb ka tahay qorshaha wareejinta dekedda Garacad, waxaana uu sheegay in barnaamijkaasi ku kooban tahay keliya labada shirkadood ee wada-hadalku u socdo. “Barnaamijkani waa barnaamij laba shirkadood oo gaar loo lee yahay oo ganacsi uu ka dhexeeyo wada-hadalkiisu, wax dowlad oo ku lug lehna ma jirto. Wixii heshiis ahna labadaasi shirkadood baa heshiinaya” ayuu sii raaciyay Shiddo. PUNTLAND POST The post Wadaagsan oo ka hadashay qorshaha shirkadda Imaaraatiga ah loogu wareejinayo dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit. Waxaa kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya. Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qotodheeraynta iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeyay, iyadoo si firfircoon looga shaqaynayo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka geeska afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh. Source: goobjoog.com
-
Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Lubnaan inay si deg deg ah uga baxaan dalkaas, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda gobolka, taas oo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhici karo u dhaxeeya Xisbullah iyo Israel. Warbixin ay soo saartay Al-Carabiya, ayay dawladda Sucuudigu ku celisay talobixinteedii hore, iyadoo ku boorisay dhammaan muwaadiniinta Sucuudigu inay u hoggaansamaan xayiraadda socdaalka ee Lubnaan. Sidoo kale, Jarmalku waxa uu sidoo kale ka codsaday muwaadiniintiisa in ay isaga baxaan Lubnaan iyada oo aan dib loo dhigin, halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Holland ay ku boorisay muwaadiniinteeda inay dalka ka baxaan. Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda gobolka iyo cabsida sii kordheysa ee laga qabo in Israa’iil ay dagaal ka dhan ah Xisbullah ka bilowdo Lubnaan, kaddib dagaalkii Israa’iil ee Gaza lagu dilay in ka badan 38,271 Falastiiniyiin ah oo u badnaa haween iyo carruur. Maalin kasta rasaas la isweydaarsado ayaa ka dhacda xuduudka Lubnaan tan iyo markii dagaalyahannada Xamaas ay bilaabeen weerar ka dhan ah Israa’iil 7-dii Oktoobar, oo dagaal ka dhaliyay Gaza. Xaalada koonfurta Lubnaan ayaa ka sii dartay bishan kadib markii duqeyn cirka ah oo Israel ay ku dishay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Xisbullah. Ururka Xisbullah oo ka aargoosanaya ayaa boqolaal gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacay goobaha Israa’iil. Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa ku hanjabay weerar militari oo ay ku qaadi doonaan Lubnaan, haddii aan wadahadal lagu dhameyn, si Xisbullah looga saaro xadka. Source: goobjoog.com
-
Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka oo Axad ah ka qarxay miyiga u dhexeeya degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo ka tirsan bariga bariga gobolka Mudug. Dagaalka ayaa saaka ka bilowday halka lagu magacaabo Buq oo qiyaastii 5KM u jirta degaanka Towfiiq ee gobolka Mudug halkaasi oo maalmahan laga dareemayay xiisad la xiriirta dagaal beeleedkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi dhexmarayo laba maleeshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo kuwaas oo marar hore ku dagaallamay degaanka. Laba maalmood ka hor maleeshiyaadka labada dhinac ayaa is rasaasayni ku dhexmartay dhulka miyiga ah ee u dhexeeya Towfiiq iyo Afbarwaaqo taasi oo sii hurisay xiisaddii taagnayd. Dagaal beeleedkaasi ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu dagaal beeleed kale oo khasaare daran sababay uu ka dhacay galbeedka gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed saaka ka qarxay degaanno ka tirsan bariga gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) Madaxweynaha oo Aadan Cadde ku tilmaamay aasaasihii dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaamiyihii dimuquraadiyadda Qaradda Afrika ayaa sheegay in dowladdu ay hirgalindoonto Maktabad lagu kaydiyo taariikhda iyo wax qabadkii Madaxweyne Aadan Cadde. Waxaa uu xusay in ay go’an tahay sidii loo xusi lahaa dadkii muhiimka ahaa ee dalkaan u dhintay iyagoo difaacaya horumarka. Muddo dheer ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay niyaddiisa ku jirtay sidii lagu heli lahaa goob jiilka soo socda ay kala socdaan taariikhda dalkaan. Aadan Cadde ayaa ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee si nabad ah oo dimuquraadi ah xukunka ku wareejiyay. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horraysay ka hadlay jabhad ka horjeedda Somaliland oo la sheegay in lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti. Madaxweyne Biixi oo arrintaasi ka hadlaya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladda Jabuuti soo dhaweyso jabhad ka dhan ah jiritaanka maamulkiisa Somaliland. Waxa uu sheegay in ay gudaha Jabuuti isku urursanayaan oo ka soo hanjabayaan jabhad la baxday Awdal State oo sheeganaya in ay xoraynayaan gobolkaasi Awdal. “Waxaan arkayay jabhado jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday jabuuti sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yiri madaxwayne Muuse Biixi. Waxa uu intaasi raaciyay in muxaafad iyo mucaaradba ay ka midaysanyihiin difaacista Somaliland isla markaana qofkii kii ka baxa ee mabda’ kale la yimaadaa uu yahay qof cadowga la soo saftay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo si adag uga hadlay jabhad lagu soo dhaweeyay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Dhusamareb (HOL) - A United Nations delegation, led by Acting UN Special Representative for Somalia James Swan, arrived in Dhusamareb on Saturday to meet with Galmudug President Ahmed Abdi Kariye Qoor Qoor. Source: Hiiraan Online
-
Natiijada doorashadii madaxtinimada ee Sabtidii shalay ka qabsoontay dalka Muritania ayaa la filayaa in la shaaciyo maanta. Madaxweynaha xilka haya ee Maxamad Walad Gazwani ayaa lagu wadaa in uu mar kale ku soo baxo doorashadan oo aheyd mid aad loogu tartamay isla markaana ay ka loollameen murashaxiin dhowr ah. Gazwani ayaa ololaha doorashada ku galay inuu sare u qaadi doono maalgashiga dalkaasi dhaca Galbeedka Africa, xilli uu waddanka isu diyaarinayo inuu billaabo wax soo saarka gaaska dabiiciga ah. Madaxwene Maxamad Walad Gazwani oo marki ugu horreysay jagadan loo doortay sannadki 2019-ki, ayaa wajahaya lix murashax oo uu ku jiro Bayram Tah Cubeyd, oo kaalinta labaad kasoo galay doorashadi tan ka horreysay. PUNTLAND POST The post Maxamad Walad Gazwani oo mar kale lagu wado in loo doorto madaxweynaha dalka Muritania appeared first on Puntland Post.
-
Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa xalay buuxiyay hawada caasimadda Beirut ee dalka Lubnaan. Sidoo kale waxay ku duuleen waqooyiga Lubnaan, illaa galbeedka Suuriya, iyadoo qaarkood ay soo baxayaan inay gudaha u galeen bariga dalka Ciraaq, balse ma jiro wax duqeymo ah oo la soo sheegay illaa hadda inay diyaaradaha geysteen. Gelitaanka diyaaradaha dagaalka Israa’iil ee hawada dalalka Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq , ayaa loo qaadanaya tallaabo ay Israa’iil sare ugu qaadayso xiisadda, xilli ay horey u xaqiijiyeen inay ansixiyeen dagaal toos ah oo ay la galaan Xisbullah. waxaa kalo ay tan ay ku soo aadaysa xilli la sheegay inuu Mareykanka ka codsaday Ciraaq inay hawadeeda ka xirato diyaaradaha xamuulka ee Iran oo saacadihii u dambeeyay la sheegay inay saanad iyo injineero u daabuleen gudaha Lubnaan si ay gacan u siiyaan Xisbullah. PUNTLAND POST The post Diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo xalay buuxiyay hawada dalka Lubnaan appeared first on Puntland Post.