-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xilli ay dalka kenya weli ka socdan dibadbaxyo waaweyn oo ka dhan ah sharci muran badan dhaliyay oo ay dhowaan dowladdu soo saartay, islamarkaana tirada dhimashada bannaanbaxyadaasi sababeeni ay gaartay ku dhawaad 30 qof ayay maxkamadda sare ee dalku arrintaas go’aan adag ka soo saartay. maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada nabadgalyada in ay joojiyaan rasaasta tooska ah ee nool nool, midda macmalka ee ka samaysan caagga, sunta dadka ka ilmaysiisa ee loo adeegsado dibadbaxayaasha caraysan. Waxaa ay sidoo kale ku amartay booliska in ay ka fogaadaan dilka sharciga ka baxsan, afduubka, iyo jirdilka” ee ka dhanka ah mudaharaadayaasha cashuur-diidka ah. xukunka madaxkamadda ayaa salka ky haya codsi ay gudbiyeen qareenno iyo kooxaha xuquuqul insaanka oo lagu dalbanayay in la joojiyo adeegsiga hubka wax dila ee ay booliisku u adeegsadaan dibadbaxayaasha. Demas Kiprono, oo ah ku-simaha agaasimaha fulinta ee guddiga caalamiga ah ee sharciga Kenya, ayaa u sheegay warbaahinta in tallaabada ay maxkamadda sare ku mamnuucday adeegsiga rasaasta ay tahay mid looga hortagayo qaladaadka booliiska. Booliiska kenya ayaa lagu eedeeyay inay rasaas nool nool u adeegsadeen dibadbaxayaasha, taas oo sababtay geerida dad badan oo ka bannaanbaxayay inta badan gobollada dalkan dhibaatada dhaqaale la dhaalaadhacaya ee ku yaalla bariga Afrika. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda federalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed oo gaaray magaalada Baqdaad. Safiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha dowladda Ciraaq, una sheegay in xariirka labada dal ee walaalaha ah la sii xoojin doono. Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federalka Soomaaliya isagoo hadda noqday safiirka dalka Ciraaq. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada dadaallo lagu buuxinayo boosaska safaaradaha dowladda Soomalaiya ee caalamka ku eedahay ee dib loosoo celinayo, kadib muddo soo kabasho dowladdu ku jirtay. Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo mar kale dib uga qarxay qaybo kamida gobolka Mudug. Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu xalay ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan aagga deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaare soo kala gaaray. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaanada lagu dagaalamay, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Dhinaca kale wafdi ka socda maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ku baxay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Mudug, halkaas oo iyana maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaal beeleedyo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, ayna ku dhaawacmeen dad kale/ Wafdiga ku baxay xiisaddaas ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka maaliyadda Puntland iyo wasiirka amniga Galmudug, ayada oo ujeedadu tahay in la joojiyo dagaalkaasi. Gobollada dhexe ayaa waxaa ka taagan xaalad qasan oo ka dhalatay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo dib uga qarxay gobolladaasi, kuwaas oo gaystay khasaarooyin Dagaalladan ayaa kusoo aaday, xilli Galmudug ay weli ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay dhul ballaaran. The post Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Mudug + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Mas’uuliyiin ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno ay weheliyaan maamullada heer gobol, heer degmada iyo taliyaasha qeybaha booliska gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa Jimcihii shalay gaaray degaannadii lagu diriray ee galbeedka gobolka Mudug. Madaxda ka socday Puntland iyo Galmudug ee ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno ay weheliyaan maamullada heer gobol, heer degmada iyo taliyaasha qeybaha booliska gobolka Mudug ayaa shir ku yeeshay nawaaxiga miyiga Maygaagta iyo Jiicboor ee ay ku dagaallameen beelaha. Shirka labada dhinac ayaa ugu danbayn ku soo dhammaaday is afgar ka kooban 4 qodob oo ay ugu horrayso xabbad-joojin shuruud la’aan ah iyo in la kala qaado malesshiyaadka labada beelood ee ku dagaallamay degaanka sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug. Waxa kale oo la isla gartay in la qabto guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya in wada-hadal nabadeed u furmo dhinacyada diriray iyo in ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban labada maamul la geeyo degaannadii lagu dagaallamay. PUNTLAND POST The post Is-afgarad laga gaaray dagaal beeleedkii ka dhacay galbeedka gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo soo saaray qoraal ayaa magacaabay guddi isugu jiro wasiiro iyo taliyeyaal ciidan, kuwaas oo loo xil-saaray aaska guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Guddigan oo ka kooban illaa 12 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wuxuuna ka shaqeyn doonaan aaska marxuumka oo saacadaha soo socda ka dhici doono gudaha caasimada. Xubnaha guddiga ayaa waxa ay kala yihiin: 1.Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye – Guddoomiye 2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag – Xubin 3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay – Xubin 4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene – Xubin 5 Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Xubin 6. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani– Xubin 7. Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Yusuf Al caddaala – Xubin 8. Taliyaha Ciidanka Booliiska – General Sulub Axmed Firin – Xubin 9. Taliyaha Ciidanka Asluubta – General Mahad Cabdiraxmaan Aadan – Xubin 10. Habdhowraha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux – Xubin 11. Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Xubin 12 . Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SodMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle – Xubin. Dhinaca kale waxaa jira guddi kale oo uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, kaas oo isna war kasoo saaray aaska Jawaari, wuxuuna sheegay in marxuumka habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameyn doono taalada Dhagax Tuur ayna ka qayb-galayaan madaxda qaranka, kadibna Janaazad lagula tukan doono masaajidka wayn ee Isbaheysiga. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in aaska uu dhici doono 1:00 duhurnimo, isla markaana marxuumka lagu aasi doono qabuuraha Sheekh Suufi. Waxaa kale oo uu guddig uu go’aamiyay in warbaahinta dowladda muddo 3 maalin ah laga sii daayo barnaamijyo ku saabsan saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Jawaari. Allaha u naxariistee Prof Jawaari ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed. The post XAMZA oo magacaabay guddi ay xubno ka yihiin wasiirro iyo taliyeyaal appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali political leaders, including President Hassan Sheikh Mohamud, Prime Minister Barre, Parliament speakers, and civil society organizations, have extended their deepest condolences over the death of former Somali Parliament Speaker Prof. Mohamed Osman Jawari. Source: Hiiraan Online
-
JOHANNESBURG — “Kenya is not IMF’s lab rat,” was just one of many slogans condemning the International Monetary Fund that was seen this week on demonstrators’ placards at protests in Kenya against proposed tax hikes. Source: Hiiraan Online
-
The family of Juweria Mohamed (Subcis), a member of the ruling Prosperity Party Central Committee and the Somali Regional State Council, who was shot and killed in October 2022, has expressed their frustration to Addis Standard. They have cited the lack of proper justice and compensation, as well as the pressure exerted by regional security forces, as sources of their discontent. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia and South Sudan are set to build a 220-km cross-border road, following a 738-million-U.S.-dollar financial agreement signed in May 2023. Source: Hiiraan Online
-
Colombia secured a place in the Copa America quarterfinals on Friday with a 3-0 victory over Costa Rica, a result that extended the Cafeteros' winning sequence to 10 games. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay wada-hadallo uga furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaa sidaas Caasimada Online u xaqiijiyey ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Ujeedka wada-hadallada ayaa ah in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo uga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Wada-hadalladan ayaa waxaa labada dal ogoleysiiyey dowladda Turkiga oo muddo bilo ah wadday dadaal ay isugu keeneyso Muqdisho iyo Addis-Ababa, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale ay dalal kale gadaal ka riixayaan, oo Mareykanka uu ka mid yahay. Waxaa dhinaca Soomaaliya u matali doona wafdi ay horkacayaan wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad, halka Itoobiya ay wakiil uga yihiin xubno uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassie. Taye Atske Selassie ayaa shalay gaaray Ankara. Dhanka kalena Axmed Macallin Fiqi ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo halkaas. Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, Fiqi ayaa la filayaa in uu shir jaraa’id qabto ka hor inta uusan ka dhoofin Muqdisho, isaga oo sharxi doona qaabka ay wada-hadallada u dhici doonaan iyo mowqifka dowladda federaalka. Xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka laabato is-afgaradka Somaliland, halka Soomaaliya la filayo in ay Itoobiya u ogolaato in ay ka kireyso dekad ganacsi. Soomaaliya marna ma ogolaan doonto saldhig ciidan badeed. Waxaan caddeyn habka loo maamuli doono dekaddaas. Itoobiya ayaa sida la sheegay dooneyso in ay dekaddaas ayada maamusho, balse weli ma cadda haddii ay Soomaaliya ogolaan doonto iyo in kale. Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay isha ku hayso dekadaha Baraawe iyo Hobyo midkood. The post Xog: Wada-hadallo Ankara uga furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya + Qorshe heshiis appeared first on Caasimada Online.
-
Doxa (Caasimada Online) – Waxaa soo xoogeysanaya wararka sheegaya in wada-hadallo ay u furmi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhex-dhexaadineyso dowladda Qatar, kana dhacaya Doxa. Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in xogta uu hayo ay sheegayso in dowladda Soomaaliya doonayso inay wadahadallo la gasho kooxda. “Anniga xogta aan hayno waxaa weeye dowlada Soomaaliya markii hore way diidanayd ee ay caaboonayd ee ay Al-Shabaab la dagaalaysay laakiin hadda waa ogolaatay,” ayuu yiri Wuxuu intaa ku daray in haddi wadahadallo dowladdu la galayso Al-Shabaab laga dhigo arrin qaran, oo laga qayb galiyaa dowlad goboleedyada iyo mucaaradka. “Waxaan ka baqaynaa in laysku hoosaasiyo, wadahadallo argagixiso lala galay oo laysu hoosaasiyey ayaa jiray, taas ayaan ka baqaynaa sidii ku dhacday dowladdii Afqaanistaan.” “Dowladaha Qadar iyo Norway, waa dowladdo si caadiya u wada in lala hadlo Al-Shabaab, welligoodna waa wadeen xitaa dowladdii anigu an ka tirsanaa ee madaxweyne Sheekh Shariif, waa noola yimaadeen, waxayna ka shaqeeyaanba in kooxdaas lala hadlo,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame. Isagoo ka jawaabayey su’aal ahayd inay u muuqato in Al-Shabaab ay leeyihiin xal aan ahayn wadahadal ayuu yiri “Annigu waxaan raacsanaa istaraatiijiyadii hore ee madaxweynaha ee ahayd in Al-Shabaab wadahadal lala galo markii awooddooda la wiiqo,” ayuu Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur. Xildhibaaan Cabdirixmaan oo mar kale aan waydiinay in dagaalo dowladdu la gashay Al-Shabaab ay dhaceen basle in lagu dayo wada hadal iyo waxa diidaya ayaa yiri. “Haa, ha noo sheegeen in laga awood badin waaayey kooxda, annaga waxaan jecel nahay in marka kooxda la wiiqo ka dibna lala hadlo.” Cabdirixmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Al-Shabaab aysan ahayn dad metelaya tabasho deegaan iyo mid dadba basle ay yihiin dad fikir ku socda. “Marka an dhahayo waa in la wiiqaa waxaa weeye in dadkii iyaga u galay inay wax tabteen iyo kuwa dano kale u galay ee an fikir ahaan la socon waa in la kala miiro” ayuu yiri Warsame. The post Xogta ku saabsan wada-hadallada DF iyo Al-Shabaab ee Doxa oo soo xoogeysatay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari ayaa sheegay in Marxuumka Maanta lagu aasi doono magaalada Muqdisho. “Guddiga aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari waxa uu madaxda Qaranka Iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ogeysiinayaa in maanta hadii uu Alle idmo marxuumka aas Qaran loogu sameyn doono Magaaladda Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Guddiga. Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari mudda sadex maalmood ah Warbaahinta dowladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari. “Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari mudo sadex maalmood ah Warbaahinta Dawladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari” ayuu sio raaciyay Guddiga Guddiga aaska Qaran ee Marxuum Jawaari. Marxuumku waxa uu inta badan noloshiisa usoo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalkeenna. Waxa uu ahaa xeeldheere sharci oo xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha dowladda tan iyo dowladdii dhexe ee dalkeenna, isaga oo guddoon ka noqday Baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddiga aaska Qaran ee Guddoomiye Jawaari oo shaaciyay Wakhtiga la aasayo Marxuumka appeared first on Puntland Post.
-
Understanding the Memorandum of Understanding June Edition This is your semi-monthly series of insights into the aftershocks of the MoU signed between Somaliland and Ethiopia. The conversation about the MoU in June shifted from the question of “if” to “when.” We are no longer talking about months but days. The latest verified source is Ethiopian MFA spokesperson Amb @mufti_dina , who told the BBC that they will provide new details in the coming days. Nevertheless, there are anti-MoU diplomatic efforts by Qatar and Türkiye that even exclude Somaliland from the process. However, these efforts are limited. Many countries have been “rebuilding Somalia” for 34 years without paying attention to what has been happening in Somaliland. The diplomats from these countries are equally ignorant and arrogant when it comes to understanding the history, geography, and diplomacy behind the MoU. In this series, my aim usually is to cover the impacts of the MoU, its feasibility, legality, benefits, and the #aftershocks. Today, I make a U-turn and instead discuss the main drivers behind the MoU. Historical Drivers This is not the first time that Somaliland and Ethiopia have signed a trade deal. – In 2018, Ethiopia became a major shareholder following an agreement with DP World and the Somaliland Port Authority. DP World holds a 51% stake in the project, Somaliland 30%, and Ethiopia the remaining 19%. – In 2005, Somaliland and Ethiopia officially signed the Berbera Corridor Agreement (BCA), allowing Ethiopia to import and export goods through the port of Berbera. In brief, Somaliland and Ethiopia have a history of striking successful deals and talks, which makes the 2024 MoU a natural step to the next level. Compare this to 12 years of fruitless talks with Somalia that yielded nothing but war and conflict. Meanwhile, the talks with Ethiopia have contributed to Somaliland’s GDP for almost two decades. Geographical Drivers A picture speaks a thousand words. Below is the population density of regions within Ethiopia. When people speak about the Berbera corridor, it is not just about linking a port to a landlocked country. It is a chain of the most densely populated cities and regional areas from the coast all the way to Addis Ababa. It is a chain of population hotspots that is rarely found in the horn. Imagine the economic activity that will be fostered once the right infrastructure is in place for this region. That is why Djibouti or ports in Somalia have issues not just with distance but with the disconnections these corridors will make with desert and sparsely inhabited regions. Diplomatic Drivers Why has Ethiopia decided to make this move now? The reason could be the recently active diplomacy of the Somaliland government that has gained attention from the UK, United States, Taiwan, and the UAE. Ethiopia has always viewed Somaliland as a neglected place that no one is interested in. The NDAA 2023 has instructed the US government to conduct a feasibility study on Somaliland. The conversation between Hargeisa and Washington shifted to whether the US should have a military base with recognition or no recognition. This is very different from the Somaliland of the late 90s. Ethiopia understood that it would be harder to strike a good deal with Somaliland after a deal with the UK or the US. With Somaliland demanding recognition in the MoU, this also sent a hidden message to the US that there can never be a US base without recognition, following the Ethiopian example. With a Republican president potentially coming soon, this will even be exacerbated as Somaliland has very strong allies in the Republican Party. So what can Qatar and Türkiye change? Do not forget, all these drivers combined have caused a paradigm shift in the thinking of the youth in Somaliland. The statement “We are more related to Addis Ababa than to Mogadishu” used to be called “hardline” but today it is in songs and shared all over social media in Somaliland. Finally, after decades of fascist ethnonationalism brainwash by dictator Siad Barre, Somalilanders are returning to their ancient existence where Somaliland ports have been mainly doing business with Ethiopia since 1 AD. I argue that the inhabitants of this land were actually the first globalists, working with all races—a skill that is handy today in the pursuit of international recognition. Abdi Daud Qaran News
-
A CCTV camera installed on a retail outlet in a Mogadishu market. Mogadishu (PP News Desk) — Several months ago, the Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) issued instructions obliging retailers, wholesalers, and business outlet owners in Mogadishu to install CCTV cameras on their premises. Businesses were initially reluctant to follow these instructions from NISA. However, threats of heavy fines for non-compliance caused the number of CCTVs installed in shops and food stores to increase rapidly. By issuing the directive, NISA failed to consider the fears of business owners who faced reprisals in the form of targeted explosions on premises fitted with CCTV. Anti-government forces view CCTV as a powerful surveillance system and deterrence used by security forces to foil planned assassinations and suicide bombings in Mogadishu. “Unlike government offices, businesses do not have a 24/7 security detail. That is why we fear being targeted by forces that oppose the installation of CCTV on business premises,” said a merchant in Bakara Market. Explosions intended to dissuade business owners from installing CCTV cameras on their premises have resulted in the deaths of many people and significant loss of wealth. Keen to pass the cost of securing Mogadishu onto its citizens.The Mayor of Mogadishu, Yusuf Hussein Jimale. NISA deployed plainclothes officers in different parts of Mogadishu’s main streets and the Bakara Market. The Federal Government of Somalia has resolved to extend the CCTV scheme to residential areas. Residents in Mogadishu districts have been instructed to install CCTV cameras, a move seen as enriching a select group of businessmen who are planning to import CCTV equipment to profit from the soon-to-be mandatory CCTVs for residents in Mogadishu. The Mayor of Mogadishu, Yusuf Hussein Jimale, is reportedly aware of and in favour of this scheme to put pressure on every family to buy a CCTV camera, despite already facing higher electricity bills for lighting the exterior of their buildings at night. The plan includes installing CCTV cameras in ordinary residential areas. NISA officers knock on doors and tell residents that they must install CCTV cameras on their houses. The Federal Government of Somalia is unnecessarily passing the cost of securing Mogadishu onto its citizens. © Puntland Post, 2024 The post The Somali government mandates the compulsory installation of CCTV cameras on homes appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa masuuliyiin isku dhaf ah u diray goobihii ay beeluhu ku dagaalameen ee galbeedka gobolka Mudug. Wafdigaan oo ay kala hoggaaminayeen Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirrada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland. Masuuliyiinta ayaa kormeer ku maray deegaanadii dirirtu ka dhacday, iyagoo markii dambe isugu yimid bartamaha goobta labada ciidan isku hor-fadhiyaan. Beelaha Sacad Habargidir iyo Leylakase Daarood ayaa ku dagaalamaya halkaas, waxayna masuuliyiinta maanta gaartay deegaankaas wadahadal u fureen dhinacyadii dagaalamay. Wadahadal dheer kadib, 4 qodob ayaa laga soo saaray kulamadii maanta, kuwaas oo kala ah: 1. In xabad joojin ay ka dhaqan-gasho deegaanada ay ku dagaalamayaan labada beelood, si dhiig dambe uusan u sii daadan. 2. In labada maleeshiyo beeleed laga kala qaado aaga dirirtu ka dhacday, iyadoo goobta la kala geynayo iyo waqtiga la kala qaadayo farsamadeeda dib loo gali doono. 3. In guddi labada dhinac ah oo ka xaajooda arrimaha la isku hayo oo dhulku kamid yahay lasoo magacaabo, labada dowlad goboleedna ay yeeshaan kor joogteyn. 4. In Ciidan la kala dhex dhigo goobta lagu diriray, isla markaana la xaqiijiyo qodobada sare ku xusan iyo wixii kasoo baxa guddiga la magacaabi doono. Dagaalka labadaan beelood ayaa galaaftay nolosha dad badan, waxaana sidii colaadaas loo joojin lahaa hada u kacay dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland. The post Sawirro: Puntland iyo Galmudug oo qaaday talaabo ay ku joojinayaan dagaalka Sacad iyo Leylakase appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray geerida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, intii uu Farmaajo dalka ka ahaa Madaxweynaha waxaa isaga iyo Jawaari dhex-martay taariikh siyaasadeed oo adag. Ugu horeyn Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.” Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku uu inta badan noloshiisa u soo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalka. “Waxa uu ahaa xeeldheere sharci oo xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha dowladaan iyo dowladdii dhexe ee dalkeenna, isaga oo guddoon ka noqday Baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo ayaa u duceeyey Jawaari, wuxuuna yiri, “Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.” Allaha u naxariistee Jawaari oo labo jeer oo is xigtay guddoomiye kasoo noqday baarlamaanka Soomaaliya ayuu xukunka yimid Farmaajo, dhowr bilood kadibna wuxuu weerar siyaasadeed ku qaaday guddoomiye Jawaari ilaa uu isaga tago xilka. Sidoo kale mar kale ayey kooxda Farmaajo xumeysay Jawaari, markii isaga iyo Laftagareen ay u diideen inuu u tartamo kursigii uu ku fadhiyey ee golaha shacabka, waxaana laga horistaagay inuu tago Baydhaba. Allaha u naxariistee Jawaari, wuxuu waayihii dambe ka mid ahaa siyaasiyiinta loo diiday inay Baydhaba u safraan, inta badan siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa u ololeyneysa in Laftagareen uu baneeyo kursiga, maadaama uu dhamaaday muddo xileedkiisii. The post Farmaajo oo war ka soo saaray geerida Prof. Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan guddoomiyihii hore ee BFS oo maanta geeriyooday, waxaa uu ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay. Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Sanadihii 1973-1979-kii, waxa uu agaasime guud iyo ku xigeen agaasime guud ka soo noqday Wasaaraddii Shaqada iyo arrimaha bulshada. Markii danbena Prof. Jawaari wuxuu wasiir ka soo noqday wasaaraddaha gaadiidka, shaqada iyo shaqaalaha ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre. Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii militariga ahayd. Markii dalku galay burburka, allaha u raxmadee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa uu tagay dalka Norwey oo muddo uu ku noolaa. Dalka Norwey, waxaa uu ka soo shaqeeyey horumarinta iyo waxbarashada. Xilliyadii ay bilowdeen shirarkii wada hadalada dowlad dhiskii Soomaaliya, ayuu ka mid ahaa dadkii ku soo laabtay dalka si qayb ugu noqdo yagleelida dowlad Soomaaliyeed. Wuxuu guddoomiye u noqday guddigii madaxa bannaanaa ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay ee hadda dalku haysto, isagoo muddo dheerna u ahaa guddiyada dastuurka la taliye sare. Sanadkii 2012-kii ayuu Prof Jawaari, noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen. Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley. Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxwyene Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Waayadii danbe wuxuu si gooniya xoogga u saari jiray muxaadarooyin uu kula hadli jiray dhalinyarada ku jirta jaamacada dalka isagoo hoga tusaalayn jiray in ay dhexda u xirtaan horumarinta dalkooda. Dadka yaqaanyey waxay sheegeen inuu ahaa aqoonyahay ku xeeldheer dhanka afka iyo dhaqanka Soomaalida. Wuxuu si buuxda ugu hadli jiray luuqdaha Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga iyo Norweyjiyanka. Sanadkii 2022-kii ayaa ciwaano dad ku leeyihiin baraha bulshada iyo xarumo warbaahineed faafiyeen inuu geeriyooday guddoomiyihi hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cinwaan Jawaari. Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhintay da’da 79 sano jir, wuxuuna ifka kaga tegay sagaal awlaad ah. The post Kumuu ahaa Prof. Jawaari siyaasigii waqtigiisa geliyey dowladnimada ee maanta geeriyooday? appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashada Labaad Dr. Xassan Sheikh Maxamud Xilka Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) waxay aheyd dhacdo taariikhi ah, dadweynaha soo dhoweeyay si Soomaaliya uga gudubto xaaladda dowladnimada tabarta daran ee ragaadisay. Sababaha loo soo dhoweeyay doorashada labaad ee Madaxweyne Xassan waxaa ka mid ah: 1- In Madaxweyne Xassan ballanqaaday inuu ka digtoonaan doono dhammaan qalalaadkii, dhallilihii, iyo maamulxumadii aafeeyay muddo xileedkiisii koowaad, taaso sababtay in dadweynaha Gobolka Benadir ay u dabaal-degaan guldarradisii doorashadii 2017, kuna farxaan doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo. Madaxweyne Xassan wuxuu ballan qaaday go’aan qaadasho dhellitiran, xulashada la taliyayaal (rakaab) sumcad iyo karti wanaagsan, iyo hadal iyo ficil is waafaqsan. 2- In Madaxweyne Xassan xubin firfircoon ka ahaa mucaaradka dowladdii Madaxweyne Farmajo oo si joogta ah u tilmaami jiray maamulxumada, tacadiyada, iyo u shaqeynta dowlado shisheeye (puppet), sida ku keydsan warbaahinta Soomaaliyeed. Muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo (2017-2022) waxaa xoogeystay damaca xukun kelitalisnimo joogto ah ee ku dhisan amar ku taakleyn, isbaheysi argagixiso, musuqmaasuq, iyo kala qaybinta bulshada. Aragtida dadweynaha waxay aheyd in xubin kasta ee mucaaradka ka mid aheyd ay ka fogaan doonto dambiyadi lama iloobaanka ahaa ee lagu eedeeyay Dowladdii Madaxweyne Farmaajo, lana dhirrigelin dono dhaqanka dowlad wanaagga iyo wax qabad dhab ah oo kalsoonida dadweynaha kor u qaada. Labo sano kaddib, guuxa dadweynaha oo kooxo kala duwan afqaad u yihiin, wuxuu tilmaamayaa in dadaalka iyo ballanqaadkii Madaxweyne Xassan ay xagal daaciyeen sababo ay ka mid yihiin: 1– Tixgelin La’aan kalsoonidarrada Shacabka Soomaaliyeed ka qabay Madaxda Sare iyo Xildhibannada Dowladda Federaalka (DFS) iyo rajoxumida hanaqaadka Dowlad waxtar ah. 20 Juun 2024, Wiil Taksiile ah oo 33 jir ah wuxuu ii sheegay “inuusan rajo ka qabin muddada noloshiisa iyo nolosha caruurtiisa in Soomaaliya ka dhalan doonto Dowlad wanaagsan, karti leh oo ka shaqeyneysa danaha dadka iyo dalka Soomaaliya.” Tixgelinta kasbashada kalsoonida dadweynaha waa tiirka dhexaadka dowladnimada Soomaaliya. 2– Kala fogaanshaha waxqabadka gaabiska ah, khilaaf abuurka ah ee DFS iyo Bartilmaameedka Higsiga 2026 oo ah “Soomaaliya oo ah dal mid ah, leh xukun baahsan, mideysan, dimoqradi ah, horumarsan, sharciga loo siman yahay, lugihiisa (awoddiisa) ku taagan, ka dhaceyso doorasho qof iyo cod, xilliyeysan, xor iyo xalaal ah.” Sababta loo aaneynayo kala fogaanshahaas waxay tahay tixgelin la’aan baaxadda iyo muhimadda dhammaan howlaha dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya iyo raacid la’aanta tilmaamaha dastuurka iyo maangalka toosan ee hogaaminaya howlahaas ballaaran ee dowlad dhiska shirkadda lagu yahay. 3– Wax Ka Qabad La’aan Fowdada ka dhex jirta Hay’adaha Amniga DFS. Ma jiro isku xir shaqo wadaag iyo hogaamin ka dhexeysa hay’adaha Amniga her federal. Sidaa darted, sababta ugu weyn ee dib u dhaca gulufka ciribitirka Al Shabab waa fowdada hogaaminta dagaalka, is curyaaminta hay’adaha Amniga, iyo jiritaan la’aanta qorshe mideysan. 4– Qalqalka Siyaasadda Arrimaha Dibedda DFS. Saddex dhacdo oo hoos ku faahfaahsan, caleemasaarka horjoognimada Kenya, saameynta Cutubka VII ee Axdiga QM, dhul iyo bad boobka Ethiopia, xiriirka iyo danaha is diidan ee dowladaha khaliijka ka leeyihiin Soomaaliya iyo geeska Afrika, Is dhinka deeqaha deeq-bixiyayaasha, Xasaradaha Adduunka ka socda, dhibaatooyinka haysta Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxay qalqal-gelinayaan madaxbannanida jaangoynta Siyaasad wax ku ool ah ee Arrimaha dibedda Soomaliya. Saddexda dhacdo waxay kala yihiin: I) Hadalkii Khadka telefoonka (1 Juun 2024) ku dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken iyo Madaxweyne Xassan Sheikh, kuna saabsanaa danaha amni ee ka dhexeeya labada dal sida qaboojinta xiisada Ethiopia iyo Soomaliya, ku howlanaanta la dagaalanka argagixisada, dhammeystirka qorshaha cidda beddeleysa ATMIS marka ay dalka ka baxdo, iyo tixgelinta ahmiyadad Xafiiska UNSOM; II) Ka qayb galka Madaxweyne Xassan Shirkii Oslo Forum ( Juun 11-12, 2024) kuna saabsan dhexdhexaadinta lama huraanka ah (Mediation Against All Odds), oo lagu xalaaleyay dhexdhexaadinta Al Shabab iyo DFS, ayadoo Madaxweyne Xassan 2 sano ka hor diiday taladaas, haseyeeshe Shirka hortiisa looga xaqiijiyay inuu oggol yahay dhexdhexaadintaas la filayo in dowladaha Qatar, Norway, iyo QM hormud ka noqon doonaan; iyo III) ka qaybgalka Madaxweyne Xassan Kulanka Guud ee ku saabsana Nabadda Ukraine ee lagu qabtay Geneva, Switzerland, 15-16 Juun 2024. Soomaaliya waxay ka mid aheyd 77 dal oo taageray Warmurtiyeedka Kulanka, halka 15 dal sida Sacuudiga, Imaraadka, India, South Africa ka gaabsadeen. Ruushka iyo Shinaha kama qaybgelin Kulanka ay dowladda Mareykanka horboodeysay, loogana soo horjeeday dagaalka u dhexeeya dowladda Ruushka iyo Ukraine. Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya kala kulmi doonto cadaadis iyo dibin daabyo dalalka ka soo horjeeda shirkaas. 5- Tixgelin la’aan ra’yiga, cabashada, iyo guux maalmeedka dadweynaha oo tilmaan ka bixinaya falcelinta xilgudasho xumida DFS. Wax ka qabasho la’aanta guuxa dadweynaha waxay sababeysa niyad xumo, quus, iyo curyaamin. Bankiga Adduunka wuxuu dhowaan Soomaliya ka hirgeliyay Sahan Ra’yi (Country Opinion Survey) si uu u ogaado aragtida Daneeyayaasha (stakeholders) isugu jira Soomali iyo Ajnabi ay ka qabaan shaqada Bankiga Adduunka ka wado Soomaaliya. Afarta arrimood ee sahanku ku saabsanaa waxay kala yihiin: 1. Aragtida guud ee Daneeyayaasha ka qabaan xaaladda Soomaaliya; 2. Dareenka guud ee laga qabo Bankiga; 3. Aragtida Daneeyayaasha ay ka qabaan waxtarka, natiijada, shaqada, shaqo aqoonta, iyo daahfurnaanta Bankiga; 4. Aragtida Daneeyayaasha ka qabaan kaalinta mustaqbalka ee Bankiga. Haddii Bankiga Adduunka sahminaayo ra’yiga Soomaalida iyo Ajnabiga ka qabaan xilgudashadiisa, maxaa la gudboon Madaxda DFS? 6- Tixgelin la’aan itaal-darrida iyo dhib u dhaca dhismaha dowladnimada Soomaaliya ku sugan tahay. 12 sano waxaa qabyo ah dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Shanta (5) guulo ee DFS ka sheegato fagaarayaasha, kuwaasoo kala ah deyn cafinta, qaadista cunaqabteynta hubka, ku biiridda Ururka dalalka Afrikada Bari, iyo doorashada kursiga Golaha Ammaanka 2025-2026, gulahaasoo mudan aqoonsi, haddana waa guulo aan waxba ka beddelin xaaladda aadka u liita ee Soomaaliya ku sugan tahay xagga nabadgelyo xumida, maamulxumada dowladnimo (bad governance), argagixisada caalamiga ah, shaqo la’aanta, iyo saboolnimda. Adduunka wuxuu ku mashquulsan yahay in Soomaaliya loo helo Ciidammo nabad ilaalin ah iyo gargaar bani’aadannimo gaaraya $1.6 bilyan. Wakiilka Xoghayha Guud ee QM wuxuu Soomaalida ugu baaqay wada hadal, wada shaqeyn ku xallinayaan khilaafadkooda, kuna gaarayaan heshiis wadareed. Waxaa loo baahan yahay dhaqan dowladeed hadalka u beddeleya wax qabad xaqiijinaya midnimada, nabadgelyada, horumarka iyo maamul wanaag Soomaaliya. Sidaa darted, gguusha dhabta ah ee wax ka beddeleysa xaaladda liidata ee dalka oo muraayadiisu tahay Caasimada Muqdisho waxay ku xiran tahay dhismaha dowlad karti leh ee xaqiijisa higsiga 2026. 7- Ku tilmaamidda DFS “Madax Ka Nool,” “One-Man Government.” Safarrada Madaxweynaha JFS aan caadiga aheyn waxaa ka dhashay kala soocid la’aan xilalka Madaxweynaha, RW, Wasiirrada, Xoghayayaasha, Agaasimayaasha Guud, Agaasimayaasha, iyo La Taliyayaasha, iyo xilalka kala duwan ee hay’adaha dastuuriga ah, waxayna su’aal geliyeen baahida jiritaanka hay’adaha dowladda iyo takhasuska shaqo ee hay’ad kasta loo abuuray, iyo mas’uuliyadda jaranjaro iyo isku xirnaan ee shaqooyinka dowladda. Madaxweynaha JFS iyo Barlamaanka Federaalka ayaa u xilsaaran Jiheynta siyaasadda dalka, karti siinta hay’adaha dowladda, iyo mas’uuliyadaha dabagalka iyo la xisaabtanka Xilgudashada RW, Wasiirrada, Saraakiisha, Shaqaalaha, iyo Ciidammada dowladda si loo xaqiijiyo wax qabadka qof iyo hay’ad kasta ee dowladda. Hagaajinta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, hantida, shaqaalaha, Ciidammada dowladda ayaa asaas u ah la dagaalanka argagixisada, nabadgelyo xumidda, musuqmaasuqa, cadaalad-darrada, shaqo la’aanta, iyo fulinta shaqo-dowladeed ku saleysan sharci iyo habraac maamul ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow mohamuduluso@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Sababaha xagal daaciyay dadaalka madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ayaan darro weyn ku tilmaamay in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya, xilli ay dadka Soomaaliyeed u dabaal-degayaan maalmaha xoriyadda. Fiqi ayaa sidoo kale xaalad aan la fileyn ku sheegay waxa 26-kii June ka dhacay Hargeysa, halkaas oo looga heesay in aysan Somaliland laheyn cadow uga daran Xamar, taas oo luuqdeedu u dhigneyd “Ma lihi cadow iiga daran Xamar, Garoowe iyo kuwa xintama, waxaa iga xiga Amxaar xurmo iyo sharaf igula nool”. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muujiyay in uu aad uga xun yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu marin habaabiyay hees ka hadleysa damaca qowmiyad kamid ah kuwa dega dalka Itoobiya, oo xilligaan ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Soomaaliya. “Dadka Soomaaliyeed hees la sameeyay iyo kalimaad lagu raali-gelinayo dal kale oo damac leh laguma sandulleyn karo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka Axmed Macalin Fiqi. Sidoo kale waxa uu xusay waxa ka dhalan kara arrimahaasi, isagoo dhinaca kale dadka Somaliland ku ammaanay diidmada ay ka muujiyeen damaca Itoobiya iyo falalka ay caadeysteen kuwa haya hoggaanka halkaasi, oo uu kala jeedo Muuse Biixi iyo hoggaankiisa. Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sii kala fogaaday heshiiska Itoobiya ee badda kadib, kaasi oo Muqdisho si adag uga hortimid, midaasi oo sii fogeysay Somaliland, heer ay maanta mareyso in Hargeysa laga qaado hees noocaas ah, iyada oo lagu jiro dabaal-dega maalmaha xorriyada. Somaliland oo u muuqata mid indhaha iyo caqliga uu tiray qaddiyada gooni-goosadka, ayna ka qaalib noqotay caadifaddu ayaa xilligaan wada dadaalo ay Itoobiya uga xod-xodaneyso inay ku dhawaaqdo “aqoonsi” si is-afgaradkii Janaayo loogu rogo heshiis rasmi ah. Itoobiya oo laftigeedu danaheeda raacaneysa ayaa la filan karaa inay aqoonsi uga dhawaaqdo Somaliland, waaba haddii Abiy uu ku dhiiran karo inuu Itoobiya u horseedo dagaal diblumaasiyadeed caalami ah, maadaama ay horey Soomaaliya ugu taageereen mowqifkeeda ay ku ilaalineyso midnimadeeda dalalka ugu waaweyn caalamka, oo ugu horreeyo Mareykanka. Soomaali badan ayay fajaciso ku noqotay iyo af kala qaad in Somaliland ay hoosta soo gashato Itoobiyaan la ogyahay waxa kala raacay Soomaaliya iyo inuu yahay cadow aan dhicin oo Soomaali leedahay, sida ay muujinayaan taariikhi hore. The post FIQI oo ayaan darro weyn ku tilmaamay arrin kasoo yeertay HARGEYSA appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoonka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta ku dhintay magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isagoo ku tilmaamay haldoor dadka Soomaaliyeed taariikh weyn ku leh, islamarkaana uu waqti badan galiyay dowladnimada Soomaaliya. Dhankiisa Guddoomiyaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuumka,asagoo Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Professor Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo sanadkii 1945-tii ku dhashay magaalada Afgooye ayaa ahaa haldoor waddaniyaddu dhiiggiisa ku milantahay oo muddo dheer dalkiisa u adeegayay, islamarkaana xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray 60-kii sanoo la soo dhaafay, waxaana la filayaa in aas qaran loo sameeyo. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ina ka siiyo dhammaanteen. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari appeared first on Puntland Post.