Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ku-simaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta howlo shaqo ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Swan ayaa xarunta madaxtooyada Dhuusamareeb kula shiray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isaga oo kala hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada dhexe iyo sidii xal loogu heli lahaa colaadaas oo ka taagan deegaano badan. Madaxweynaha Galmudug oo faah-faahiyay kulanka ay yeesheen isaga iyo James Swan ayaa sheegay inay isla garteen xal u helidda dagaallada ka socda halkaasi, “Waxaan ka wada-hadalnay beryahan dambe dagaallo qabiil ah oo kasoo cusboonaaday meelaha qaarkood kuwa Galmudug iyo dhinaca Puntland, iyagana hadda dadaalladooda meel fiican ayay marayaan, waxaana ku howlanahay in la xakameeyo” ayuu yiri. Qoor Qoor ayaa tilmaamay in colaaddan ay ka dmabeyso kooxda Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay iska horkeeneyso beelaha wada daga gobollada Galgaduud iyo Mudug. “Waxaa kaloo rajeyneynaa inay dadku gartaan inay waxaasi yihiin xeelad iyo farsamo cadowga argagixisada ah ay ka dambeeyaan iyo dano raqiis ah” ayuu sii raaciyay. Inta uu socday waxaa kulankan looga hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab oo weli ka socda deegaanada maamul goboleedka Galmudug. “Sidoo kale waxaan ka wada-hadalnay arrimo kale oo muhiim ah oo ay ugu horreyso amniga iyo la dagaallanka argagixisada oo sidaan la socotaan waayo dambe guullo waa wayn laga gaaray” ayuu mar kale yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug. Wada-hadalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo faraha ay ka baxday xaaladda Galmudug, isla markaana meelo kala duwan ay ka qarxeen dagaal beeleedyo lagu dilay dad badan. The post Daawo: QM oo farogelisay dagaal beeleedyada ka socda GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
  2. Taiwan and Somaliland officials discussed energy and mineral exchanges as well as potential cooperation during Somaliland Minister of Energy and Minerals Abdi Abdillahi Farar’s visit on Thursday, according to the Ministry of Foreign Affairs. In a statement, MOFA said Abdi highlighted Taiwan’s crucial role as an international development partner for Somaliland and the African country’s abundant energy and mineral resources during a banquet on Thursday night. He expressed hope that the Taiwan-Somaliland energy and minerals meeting will boost Taiwanese business recognition of Somaliland’s investment potential, fostering long-term, mutually beneficial relations. MOFA Vice Minister Chen Li-kuo said that Taiwan and Somaliland signed an energy and minerals cooperation agreement in 2022, followed by an inaugural joint working group meeting on energy and minerals in Somaliland in 2023. Abdi’s visit to Taiwan aims to further deepen cooperation in exploring and developing oil, gas, and strategic minerals, Chen said. Chen also highlighted the shared commitment to freedom and democracy between both sides, noting that Taiwan and Somaliland have closely cooperated since establishing representative offices in 2020. Horn tribune Qaran News
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan guddoomiyaha golaha shacabka, ra’iisul wasaaraha XFS, xildhibaano, wasiirro iyo madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa. Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale. PUNTLAND POST. The post Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka JFS Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo aas qaran loogu sameeyey Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa. Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale. Source: goobjoog.com
  5. 449333947_1913807959137508_8653159830246343584_n Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo shalay ku geeriyooda gudaha caasimada. Ugu horreyn marxuumka ayaa habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameeyay taaladda Dhagax Tuur waxaa kadib salaadda Janaazad lagula tukaday masaajidka wayn ee Isbaheysiga, waxaana ka qayb galay, Madaxweynaha, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna. Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa. Intaasi ka dib marxuum Jawaari ayaa lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi, waxaana tegay oo aaska ka qayb-galay mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed. Prof Jawaari ayaa ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay. Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday sanadkii 2012-kii guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen. Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley. Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxweyne ee uu Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. The post Sawirro: Jawaari oo aas heer qaran ah maanta loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Galkacyo (HOL) - Two Somali clans reached a preliminary agreement on Saturday to end recent inter-clan fighting in the Mudug region, following efforts led by a delegation from the Puntland and Galmudug administrations. Source: Hiiraan Online
  8. Sabawznaag,(Qaran news)-Xisbiga Kulmiye ayaa maanta wajigabax kala kulmay degmadda Sabawanaag ee dhacda Koonfur bari ee caasomada Somaliland. Waxa xaruntaasi gaadhay wafti balaadhan oo uu hogaaminaayay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno sar sare oo xisbigaasi ka tirsan oo ay ka.midyihiin ku xigeenadiisa iyo sidoo kale xubno ka tirsan xukuumada Muuse Biixi ee ku fashilantay in dadka deegaankaasi ay wax u qabato. Dadka deegaanka ayaan badankoodu ka soo qayb galin isu soo baxani maanta loogu talo galay in xisbiga Kulmiye uu dhoolatus ku sameeyo. Dadka deegaanka oo noo waramay ayaa sheegay in balanqaadyadii ay xukuumadu hore ugu samaysay aan la fulin isla markaana ay degaanadoodu ayna haysan goobo caafimaad, wadooyin iyo waxbarasho iyo sidoo kale biyo nadiif Deegaanka waxa dhawaan ugu geeriyooday daawo laan laba dumar ah oo isku dhintay kadib markii ay dhiig baxeen deegaankana laga waayay irbad dhiig joojin ah iyo gurmad deg deg ah intaba. Deegaankani waa deegaanka ugu dayaacada badan dalka oo dhan wax loo qabtayna ma jiraan inkasta oo dalka oo dhan uu kala mid yahay oo xisbiga Kulmie uu ku fashilmay dhamaan balanqaadyadii uu hore u sameeyay. Dadka dalka oo dhana waxa la gudboon in ay maanta codkooda ku ciil baxaan oo ayna eedin fartooda mar danbe. Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale wajigabax kala kulmay goboladda iyo degmooyinkii ay booqdeen taasi oo salk ku haysa wax qabad laanta xukuumadda Muuse Biixi Qaran News
  9. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee oo ka hadashay xaaladda kasii dareysa ee labada dal ayaa tilmaamtay in xiisadooda ay saameysay gobolka, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo xal keeni karta. Molly Phee waxa ay sheegtay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay heshiiska badda Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka oo sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madax-banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya,. Sidoo kale haweeneydan ayaa sheegtay in Itoobiya aysan xaq u laheyn inay ku xad-gudubta madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ugu baaqday inay badda ay dooneyso ku raadiso qaab ganacsi, ayada oo heshiis la galeyso dalalka dariska ah. “Itoobiya xaq uma lahan inay ku xad-gudubto madax-banaanida Soomaaliya, waa inay badaha dalalka deris qaab ganacsi oo heshiis lagu yahay u isticmaasho, taasoo u ogolaanayo sharciga caalamiga ee wadamada aan badda lahayn, balse ma ahan inay boobto bad aysan lahayn, anaga waan kasoo horjeednaa midaas,” ayay tiri Molly Phee. Dhinaca kale waxa ay Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika ka digtay cawaaqibka ka imaan kara tallaabooyin ay dhawaan qaadey dowladda Itoobiya ee faragelinta arrimaha Soomaaliya, taas oo ciidamo soo gelisay qaybo kamid ah dalka Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay dalalka gobolka Geeska Africa, gaar ahaan Kenya, Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, ayada oo ugu baaqday in ay kawada-hadlaan, isla-markaana xal nabadeed u raadiyaan xaaladda kasoo korortay heshiiska badda. Hadalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadayo, ayadoo weli Itoobiya ay ku adkeysaneyo fulinta heshiiska ay la gashay Somaliland, waxaana dhinaca kale weli halkiisii ah mowqifka dowladda Soomaaliya oo meel adag iska taagtay dhaqan-gelinta heshiiskaas. The post Mareykanka oo digniin culus kasoo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  10. Doorashada Madaxweynaha Iran ayaa loo gudbay wareegi labaad, maaddaama uusan jirin musharrax helay aqlabiyadda, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha. Wareega labaad oo la qabanayo Jimcaha , waxaa isugu soo haray Masoud Pezeshkian oo helay codod gaaraya 10.4 milyan oo u dhigma 42.1% iyo Saeed Jalili oo helay 9.5 milyan cod oo u dhigma 38.3%, kaddib markii la tiriyay in ka badan 24.5 milyan oo cod, sida ay sheegtay Al-Jazeera. Labada musharrax ah ee isugu soo haray doorashada , ayaa xambaarsan labo aragti oo iska soo horjeeda; Pezeshkian waa isbeddel doon doonaya inuu xiriir dhow la yeesho reer galbeedka, wuxuu sheegay dunidda oo dhan inay Iran la shaqeyn karto, marka laga reebo Israa’iil, halka Jalili loo arko inuu yahay nin mayal adag oo aan doonayn xiriir dhow oo reer galbeedka ah. Wareega labaad ayaa la filaya inay kor u kacdo tirada dadweynaha codeynta doorashada ka qeybgali kara, sababo la xiriira inay labada musharrax doorashada u beddeleen mid cad iyo tartan u dhaxeeya labo musharrax oo kala aragti duwan. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee doorashada Madaxtinimada dalka Iran appeared first on Puntland Post.
  11. Iimaaraadka carabta ayaa amray in la gaabiyo khudbada Jimcaha ee masaajidyada si dadka cibaadaysanaya looga ilaaiyo kulaylka aadka u daran, ayadoo heerkulka sare u kacay lala xiriirinayo isbeddelka cimilada. Maamulka guud ee arrimaha islaamka ayaa qoraal uu soo saaray Khamiistii wuxuu amar ku bixiyey in iimaamyadu ay khudbadooda ku soo gaabiyaan 10 daqiiqo muddada u dhaxaysa bilaha Juun ilaa iyo Oktoobar, markaas oo heerkulku uu yaraan doono. Inta badan khudbadaha jimcaha ayaa socda ilaa 20 daqiiqo, laakinse intaa wuu ka badan karaa wakhtiga. Waxaa kaloo jira in masaajidyadu markay buuxsamaan ay dibadda dad aad u badan salaadda ku tukadaan. Hadalka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in go’aankan loo qaatay “bedqabka dadka cibaadeysanaya, gaar ahaan inta lagu guda jiro bilaha xilliga xagaaga”. Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo maamulayaashu ay wadaan dadaal la doonayo in looga baaqsado waxyeellada caafimaad ee kulaylka iyo dhibaatooyinka la socda xilli meelo dalka ka mid ah heerkulku uu gaaray 50 darajada Celsius. Maxamed Yaasiin oo ku nool Dubai Sports city wuxuu Wargeyska Khaleej Times u sheegay inuu talaabadaas soo dhoweynayo. “dhawaanahan xilli dambe ayaan tagayey masjidka, dibadda oo qorrax daran ay ka jirto ayaanan ku tukanayey. Waxaan dareemayey sidii in timuhu ay I ololayaan kulaylka jira dartiis. Waxaan rajeynayaa in iimaamyadu ay aayado gaagaaban dadka ku tujiyaan, salaadahana ay dadka u fududeeyaan”. Iimaam Ayaz Housee oo ku nool Dubai wuxuu sheegay in dad badan ay sugayaan khudbada jimcaha “Waa khudbad ay dadku sugayaan todobaadka oo dhan, sidaa darteedna waxay aad ugu dadaalaan in aysan dhaafin inkastoo masaajidyadu ay buuxsamaan”” Sacuudiga iyo dalal kale oo khaliijka ku yaalla ayaa iyagana talaabadan oo kale qaaday. Hay’adda arrimaha diinta u qaabilsan sacuudiga ayaa sheegtay in khudbada Jimcaha ee masjidka weyn ee Makka iyo masjidka nabiga ee Madinalagu xaddiday 15 daqiiqo si aysan u dhibtoon dadka ku tukanayadibadda masjidka ee aan kulaylka har ka geli karin. Khaadunka labada xaram ee barakaysan, waa boqorka Sacuudiga, boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, ayaa ansixiyey soo gaabinta khudbada Jimcaha. Goor sii horreysay ayaa mas’uulka dusha kala socda hawlaha Masaajidka weyn ee Makka yio masjidka nabiga e Madina, Sheekh cabdiraxmaan Al-Sudaisi, wuxu faray imaamyada masaajidyadaas in khudbadaha la gaabiyo. Waddanka ciraaq, wadaadka saamaynta badan leh, Muqtada al-Sadr, wuxuu iimaamyada ka codsaday in ay salaadda fududeeyaan oo khudbada jimcaha laga dhigo mid gaaban si dadku uga badbaadaan kulaylka daran. Heerkulka aadka u daran ayaa keenay in sannadkan ay dartiis xajka ugu dhintaan 1,300 oo qof. Dhakhaatiirta ayaa dadka kula taliyey inay ka digtioonaadaan kulaylka xilligan, waxayna soo jeediyeen inay guryaha ku jiraan wakhtiyada uu kulaylku aadka u daran yahay ee ay suurtogal tahay in qorraxda ay toos jirka u qabato. “Ka fogow shaqooyinka xoogga u baahan wakhtiyada maalinnimada ah ee kulaylka daran uu jiro, una ogolow jirkaaga inuu la qabsado kulaylkaas ka hor inta aaan shqo culus qaban” ayey tiri Dr Karthikeyan Chinniah, oo ah dhakhtarad ka hawl gasha isbitaal ku yaalla Abu Dhabi. Meelaha kale heerkulka uu in badan sare u kacay waxaa ka mid ah dalalka Lubnaan, Masar, Kuwait iyo Urdun. Iimaaraadka carabta, dadka qabta shaqooyinka banaannada laga qabto waxaa dhaqan galay mamnuucis ku saabsan in shaqooyinkaas la qabto saacadaha u dhaxeeya 12:30 duhurnimno ilaa iyo 3 galabnimo, ilaa laga gaarayo 15 bisha Siteembar bbcsomali Qaran News
  12. Maxkamadda Gobalka Banaadir oo ka Jawaabeysa Xaashida Eedda ee uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u soo gudbiyey, ayna Eedeysaneyaal ka yihiin: C/kariin Saalax Maxamed Maxamuud (Awkoombe). Maxamed Cali Cismaan Axmed Cali Yaasiin Abshir Maxamed Jaamac Maxamed Cumar Jaamac Kuwaas oo dhammaantood ku wada Eedeysan falal burcad-badeednimo, ayaa Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda horteed ku soo badhigay cadeymo kala duwan oo dhammaantood cadeynaya in Eedeysanayaasha sare ku xusan yihiin dembiilayaal galay dembiga lagu soo Eedeeye. Sidaas darted Maxkamaddu markii ay aragtay oo ay dhegaysatay dhammaan Eedda iyo Caddeymaha uu soo Bandhigay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxay Eedeysaneyaasha sare ku heshay Eedaha lagu soo Eedeeyey waxayna ku xukuntyay 5 sano, 3 bilood iyo 10 maalmood oo xadhig ah. Source: goobjoog.com
  13. Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho waxaa aas qaran oo ballaaran loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya professor maxamed shiikh Cismaan Jawaari oo shalayto galinkii dambe geeriyooday. Aas ayaa waxaa ka qayb-galay madaxda dalka ugu sarreysa oo uu madaxweyne xasan sheekh ugu horreeyo,Ra’iisul wasaare Xamse, guddoonka Baarlamaanka, wasiirro iyo xildhibaanno badan, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan goloayaasha kala duwan ee dowladda Soomaaliya. Madaxda ayaa aaska ka dib siyaabo kala duwan uga hadlay geerida marxuum jawaari, asagoo ku tilmaamay shaksi dalkiisa iyo dadkiisa waqti badan geliyay, islamarkaana ahaa waddani dowlad dhiska Soomaaliya kaalin weyn oo lagu xasuusan doono ka soo qaatay. Allaha unaxariistee Professor maxamed shiikh Cismaan Jawaari oo ay geeridiisu taabatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa in ka badan 50 sano ku soo jiray siyaasadda dalka, asagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii kacaanka iyo kuwii ka dambeeyay. Source: goobjoog.com
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa markale gashay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay khilaaf cusub oo soo kala dhex-galay guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe. Khilaafka ayaa si gaar ah uga dhex-qarxay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Aadan Khaliif iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo doonayo in la furo dastuurka maamulkaasi, kadibna wax laga beddalo, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Aadan Khaliif ayaa ka horyimid damaca Axmed Madoobe ee ku aadan furista dastuurka, waxaana uu horay uu soo saaray qoraal uu ku sheegay in dastuurka Jubbaland uu dhigayo in hoggaamiyaha maamulka uusan tartami karin muddo ka badan inta uu ogol dastuurka, Axmed Madoobe-na uu dhameystay muddadii uu ogolaan sharciga. Wararka ayaa sheegaya in haatan kulan loogu yeeray xubnaha golaha wakiilada Jubbaland, kaas oo maanta dhacaya, waxaana lagu wargeliyay xalay oo loo diray fariimo gaar ah. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in xilka looga qaado guddoomiye ku xigeenka koowaad Aadan Khaliif oo ay is qabteen Axmed Madoobe, waxaana lagu wadaa inay codka kalsoonida kala noqdaan xildhibaanada, waxaana qorshahaas gadaal ka riixaya kooxda madaxweyne Axmed Madoobe. Abuul xoogan ayaa haatan ka socda magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay magaalada laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo ay sameynayaan ciidamada Jubbaland, kuwaas oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee ka taagan halkaasi. Axmed Madoobe oo ah nin mayal adag ayaa inta badan meesha ka saara mas’uuliyiinta ay is qabtaan wuxuuna horay magaaada Muqdisho ugu soo masaafuriyay rag ay isku dhaceen. Ninkan ayaa Jubbaland majaraha u hayo tan iyo markii la aas aasay 2013-kii, wuxuuna weli doonayaa inuu kusii fadhiyo kursiga, laakiin waxaa diidan xubnaha mucaaradka ah. The post Xogta Khilaaf culus oo ka taagan Jubaland iyo Axmed Madoobe oo go’aan gaaray appeared first on Caasimada Online.
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn yaableh u jeediyay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo uu tilmaamay inay maleegayaan halis ka dhan ah Somaliland. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo tashaday Somaliland, isla markaana uu socdo qorshe culus oo lagu burburinayo maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha UCID oo carab baabay Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay inay ku tashadeen in laba jiho laga weeraro Somaliland oo kala ah dhinaca Jabuuti iyo aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshaha socda uu lamid yahay midkii 1988, isla markaana la xalaashaday dhiigooda, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa lagu tashaday in dalkeenna laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Dhinaca kale wuxuu si gaar ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedeeyay inuu isagu hoggaanka u hayo qorshahan ka dhanka ah Somaliland, ujeedkana uu yahay in laga hortego aqoonsi ay hesho Somaliland. Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxda iyo shacabka Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay si wadajir ah ugu diyaar garoobaan sidii ay isku difaaci lahaayeen, ugana hortegi lahaayeen in la burburiyo maamulkooda. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meeshii ugu xumayd ay gaartay xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho oo isku qabtay heshiiska badda ee Muuse Biixi uu la galay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Somaliland oo eedeyn yaab leh u jeedisay DF Soomaaliya iyo waddan kale + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu (HOL) - Somali government has denied social media reports that it is negotiating with the al-Qaeda-affiliated armed group al-Shabab, a few months after military operations against the group stopped. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaran ee loo xilsaaray aaska guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa war cusub kasoo saaray geerida marxuumka iyo aaska oo maanta ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameyn doono taaladda Dhagax Tuur ayna ka qayb-galayaan madaxda qaranka, kadibna Janaazad lagula tukan doono masaajidka wayn ee Isbaheysiga. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in aaska uu dhici doono 1:00 duhurnimo, isla markaana marxuumka lagu aasi doono qabuuraha Sheekh Suufi. Waxaa kale oo la go’aamiyay in warbaahinta dowladda muddo saddex maalin ah laga sii daayo barnaamijyo ku saabsan saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii marxuumka. Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:- Guddiga aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari waxa uu madaxda Qaranka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ogeysiinayaa hadii uu Alle idmo in maanta marxuumka aas Qaran loogu sameyn doono Magaaladda Muqdisho,ka dib markii ay la tashadeen qoyska marxuumka Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari mudo sadex maalmood ah Warbaahinta Dawladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari . Dhinaca Aaska Qaranka Gudigu waxay qorsheeyeen in aasku uu u dhaco sida soo socota: Habmaamuus Qaran Iyo sagootinta oo dhaceysa saacada marka ay tahay 12:00- duhurnimo,waxayna ka dhaceysaa taaladda dhagax tuur iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda qaranka ,guddiga aaska qaran,ciidanka hab maamuuska qaran Iyo qoyska marxuumka. Salaada janaasadda waxaa marxuumka lagu dukan doonaa 12:30 duhurnimo waana masaajidka Isbaheysiga Islaamka,waxaana ka qeyb galaya madaxda qaranka ,culimaa’udiinka ,qoyska marxuumka ,xubnaha Golaha Baarlamaanka ,wasiiradda,bulshada rayidka Iyo qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed , Aaska Qaran waxa uu dhacayaa 1:00 duhurnimo waxaa lagu aasi doonaa qubuuraha Sheekh Suufi ,waxaana ka qeyb geli doona culimaa’udiinka ,qoyska marxuumka,guddiga aaska Qaran Iyo dad kooban. Intaas waxaa dheer – [ ] Guddiga aaska Qaran waxa ay cayimi doonaan Sheekha tujin doona salaada janaasadda Iyo Sheekh ama qof ehelka marxuumka ah oo cafis dalbi doona Iyo hadii ay cid deyn ku lihi jirto. – [ ] Buuga tacsida ee marxuum Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari wuxuu laga bilaabo beri 2:00 duhurnimo ka furanyahay gurigii uu ku geeriyooday marxuumku. – [ ] Guddiga aaska Qaranka waxay madaxda Qaranka usoo jeedin doonaan in goob loogu magac daro Allaha ha u naxriistee Guddoomiye Jawaari . INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Waxaanu illaahey uga baryaynaa Inuu naxriistiisa ka waraabiyo marxuum Jawaari. The post War cusub oo kasoo kordhay geerida Prof. JAWAARI appeared first on Caasimada Online.
  18. 448790092_1014726980105629_6976167104297823817_n Qaran News
  19. Booliska Maldives ayaa xiray wasiiru dowlaha deegaanka, isbedelka cimilada, iyo tamarta dalkaas Fathimath Shamnaz Ali Saleem, iyadoo warbaahinta qaranka ay warisay in loo haysto eedeymo la xariira sixir nooca madow ah u adeegsaday madaxweyne Maxamed Muizzu. Saleem ayaa laga soo qabtay magaalada caasimadda ah ee Male, isaga iyo laba kale, sida ay booliisku u sheegeen warbaahinta gudaha ee jasiiradan islaamiga ah ee dhaca koofurta qaaradda Aasiya. Masuuliyiintan oo ay baaritaanno kala duwani ku socdaan ayaanay saraakiishu faahfaahin dheeraad ah ah ka bixin xariggooda, iyo qaabka ay madaxweynaha u sixreen. Warbaahinta maxalliga ah The Sun ayaa’se sheegtay inay jiraan warar sheegaya in Shamnaz loo xiray sixir madow oo uu ku sameeyay madaxweyne Maxamed Muizzu, Inkasta oo sixirku aanu ahayn fal-dambiyeed ka dhacay Maldives, haddana waxa ay keeni kartaa in lagu xukumo lix bilood oo xadhig ah marka loo eego shareecada Islaamka. Source: goobjoog.com
  20. Sanad walba waxaa dugsiyada sare ee dalka ka baxa oo ka qalin jabiya kumanaan kun oo arday ah, kuwaas oo ka tallaabay mid kamida ah jaranjarooyinka lama dhaafaanka ah ee waxbarashada udub-dhaxaad ah u ah, oo ay gu’yaal badan ku soo dhex jireen. Guul kastoo la hanto iyo gabangabada howl sidii loo rabay u hirgeshayba dareen togan baa ka dhashee, ardaydaasi todobaadyada ugu dambeeya ee wax-dhigashadooda, gaar ahaan markay imtixaanka ka gudbaan waxay sameystaan dabbaaldegyo waaweyn iyo damaashaadyo farxadeed. Qaarkood dharkii ay muddada dheer wax ku soo baranayeen ee ardaynimadooda astaanta u ahaa ayay jeex-jeexaan, qaar kalena qoraallo dareen len ayay ku xardhadaan, ayagoo muujinaya inay gaaraan hadaf ay ammnin dheer sugayeen. Waa run oo guul weyn dabaaldeg mudan way gaareen oo hormar waxbarashado oo ayaga, waalidkood, iyo dalkoodaba dan u ah ayay ku tillaabsadeen, intooda badanna dareenkaas ayaa farxaddooda gundhig u ah. Ardayda aragtidaas qaba ee rumaysan in geedi waxbarasho oo tobanaan sano socday ay ka gudbeen, waalidkoodna uu ka nasan doono qarashkii uu dugsigooda, bareegooda, biilkooda, iyo baabuur raacooda ku bixin jiray, oo ay ayagu noloshooda ku filnaan doonaan, qoyskoodana waxtari doonaan ayaa ah kuwa damaashaadkoodu u riyaaqidda mudanyahay. Balse waxaa jira qaar kale oo niyaayarkooda ay saldhig u tahay inay dugsigii kala dhammaadeen oo ay casharada ka nasan doonaan, iyagoo u arkaya lur iyo dhibaato ay ka soo gudbeen, ka dibna ay hurdo iyo baashaal ka bogan doonaan. Kuwa noocaas ah ee la dhacsan in dugsi dambe aanay u jarmaadi doonin oo buugaagtii ay xambaarsanaan jireen ka farxasheen, lugtii jiilaaloo dhaaftayna Illaahay uga dhigo, markii aad aragto waxaa is weydiinaysaa ” ma xabsi baa laga sii daayay mise xalqad waxbarashaa u dhammaatay?”. Si kastaba ha ahaatee ardayda intooda badani waxay ka simanyihiin isku tashi la’aanta oo waxay jecel yihiin in markay qalin-jabiyaan shaqo diyaarsan faraha laga saaro, haddii kale ay guryohooda hurdaan raashin uu waalidkood dhib iyo xamaal ku keenayna ay fadhi ku cunaan. Aragtida caynkaas ihi waxay kamid tahay dhaliiilaha waxbarashadeena iyo Afrikaanka oo dhan, maxay yeelay ardayda dunida kale hal-abuur iyo alifaadda wax cusub ayay ku dhaqaaqaan markay qalin-jabiyaan. Source: goobjoog.com
  21. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab ku gooshayay calanka dalka Liberia oo marayay biyaha badda cas. Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sidoo kale beegsadeen saddex markab oo kale oo ay ku jiraan laba markab oo marayay badda Mediterranean-ka. Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradooda ay ku qaadayaan marinnada maraakiibta ay ku garab taaganyihiin kooxda Xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada Israel. Yahya Saree oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Yemen ku sheegay in kooxdan ay gantaalada balaastikada ah ku garaaceen markabka Delonix oo ah nooca shidaalka qaada. Gantaalana ay la heleen. ​Si kastaba ha ahaatee, Hey’adda Kormeerka Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay goor hore oo shalay ah in markabka oo lagu bartilmaameedsaday meel 172 mile waqooyi-galbeed ka xigta dekedda Xudeydah ee dalka Yemen, uusan soo sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray weerarka Source: goobjoog.com
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxa ay kala yihiin: 1. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. – Guddoomiye 2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag – Xubin 3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay – Xubin 4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene – Xubin 5. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Xubin 6. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani– Xubin 7. Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Yusuf Al caddaala – Xubin 8. Taliyaha Ciidanka Booliiska – General Sulub Axmed Firin – Xubin 9. Taliyaha Ciidanka Asluubta – General Mahad Cabdiraxmaan Aadan – Xubin 10. Habdhowraha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux – Xubin 11. Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Xubin. 12. Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SodMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle – Xubin. Source: goobjoog.com