-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ururka Horseed ee gudoomiyaha u ahaa Cabdilaahi Darawal ayaa gabi ahaanba ka hadhay u tartanka in uu ka mid noqdo asxaabta xisbiyada qaranka ee la filaayo in ay mar la qabsoonto doorashada madaxweynaha ee 13ka bisha November ee sanadkani. Qoraal uu ururka horserd soo saaray oo ka.koobnaa laba bog waxa uu u dhignaa sidani hoos ku xusan Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay goob maqaayad ah oo ku taalla halka loo yaqaano bo Raanabootka oo u dhaw xarrunta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Ku dhowaad 10 ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxan, kuwaas oo ku sugnaa maqaayadda la qarxiyay, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayo inay ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxda reer galbeedka ee deggan Xalane iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale digniin culus kasoo saaray weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay heleen digniin cusub oo ku aadan in caasimada ay ku jiraan gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub. Digniinta ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4, waddada Maka Al-mukarama, gaar ahaan Dabka iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis. Shacabka ayaa sidoo kale looga digay inay tegaan goobahaasi oo ay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab, sida ay muujineyso digniinta. Horay ayaa sidaan oo kale looga digay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana mar-walba oo ay soo baxaan digniinahan inta badan dhaca weeraro, inkastoo mararka qaar meelaha laga digay aanay ka dhicin ee la beegsado goobo kale. The post Faah-faahinta qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay arrimo ku aadan howlgalka cusub ee la qorsheynayo in Midowga Afrika uu Soomaaliya ka bilaabo sanadka soo socda ee 2025. Afhayeenka wasaaraddda arrimaha dibadda Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa ayaa soo saaray digniin culus oo la xiriira howlgalkaas, wuxuuna jeediyay in laga fiirsado waddamada kuu biirayo oo ay kamid tahay Masar oo ay haatan is hayaan Itoobiya. “Soomaaliya dowladdeeda ayaa go’aanka iska leh cidda ay doonto inay la gasho heshiis dhinaca amniga ah sababtoo ah waxay horay heshiis amni ula gashay dowlado kale oo ay kamid ah yihiin Itoobiya Uganda, Kenya iyo Imaaraadka Carabta” ayuu yiri. Afhayeenku wuxuu hoosta ka xariiqay inay haboon tahay in si aad ah looga fiisado ciidamada cusub ee lagu biirinayo howlgalkan, si looga digtoonaado colaad horleh ka abuuranta gobolka Geeska Afrika. “Waxaan soo jeedineynaa oo dowladda Itoobiya ay aamisan tahay in lasoo jeediy talada ah in aad looga fiirsado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabanaya sanadka dambe, dalalka ciidamada ku yaboohaya in aad loo fiirsado” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu ku goodiyay haddii ay dareemaan halis inay si toos ah usoo farogelin doonaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray haddii arkaan qatarka kooxda Al-Shabaab in sidoo kale ciidamadooda ay soo geli doonaan gudaha Soomaaliya, si au difaacaan amniga dalkooda. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad xoogan oo u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiska badda. Si kastaba, waxaa la filayaa in dhowaan ay dalka ka baxaan ciidamada ATMIS oo ay qab ka yihiin kuwa Itoobiya, waxaan marka la gaaro bisha Jannaayo howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya la wareego howlgal cusub oo mar kale hoostagi doono Midowga Afrika The post Itoobiya oo Soomaaliya uga digtay qorshe socda oo qeyb ka tahay Masar appeared first on Caasimada Online.
-
Mike Nithavrianakis: “The UK is proud to support the fantastic work of @TheHALOTrust in Somalia and Somaliland (and elsewhere around the world)” Mogadishu (PP News Desk) — The British Ambassador to Somalia, Mike Nithavrianakis, has been criticised for a tweet about HALO Trust in which he implied dual sovereignty in the Federal Republic of Somalia. “The UK is proud to support the fantastic work of @TheHALOTrust in Somalia and Somaliland (and elsewhere around the world)” tweeted Michael Nithavrianakis “ Mr. Ambassador, there is no Somalia and Somaliland, just as there’s no UK and East Midlands. This intentional equivocation of sovereignty to parts of Northern Somalia by European Ambassadors must be seriously reprimanded by the Somalia Ministry of Foreign Affairs” tweeted Mursal M. Khaliif, a Federal MP in Mogadishu. The British diplomat seems to have inadvertently violated diplomatic protocol when his tweet conveyed a complete unfamiliarity with the geopolitical tension triggered by the illegal maritime Memorandum of Understanding that the Somaliland administration signed with Ethiopia in January 2024. “The UK is concerned by escalating tensions in the Horn of Africa. We reaffirm our full respect for the sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia” tweeted the British Embassy in Mogadishu on 4 January 2024. © Puntland Post, 2024 The post The British Ambassador to Somalia Under Fire for Implying ‘Dual Sovereignty‘ appeared first on Puntland Post.
-
Israa’iil ayaa amartay dadku ay baxaan goobaha badan oo ku yaalla waqooyiga iyo koonfurta marinka Qasa, kuwaas oo ay ku jiraan meelo ay hore ugu magacawday aagagga nabdoon, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda duqeymo xooggan ka fuliso meelahaas. Dhanka kale ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerar ay ciidamadeedu ku qaadeen teendhooyinka dadka barokacayaal ahi ay ku noolyihiin oo ku yaalla bartamaha Qasa gaar ahaan xerada az-Zawayda, sida wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan. siddeed qof ayaa ayaguna ku dhintay duqeyn lala beegsaday dhismo ay deggan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla magaalada Nabatieh ee koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan. Tillaabooyinkan oo dhami waxay dhacayaan xilli uu socdo wada-hadal ay Mareykanka, Masar, iyo Qatar garwadeen ka wada yihiin, balse ururka xamaas uu qaadacay, ayadoo ku tilmaamey gacmo daalis Maamulka Israa’iil loogu seeto dheeraynayo. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin culus oo deg-deg ah u gudbiyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka, kaas oo ku saabsan cabashada ka dhalatay canshuurta cusub ee ay soo rogtay dowladda. In ka badan 10 xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan oo ay ku dalbanayaan in ajendaha kulankooda maanta lagu soo daro arrinta canshuuraha iibka iyo cabashada taagan. Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka ayaa sharxay ujeedkooda iyo waxa ku saabsan yahay mooshinka. “Waxaan soo jeedineynaa in ajendaha lagu daro in wax la’iska waydiiyo canshuuraha laga cowday iyo xal u raadinta cabashada ganacsatada iyo shacabka” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka. Sidoo kale xildhibaan Garaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkan ay ku garab istaagaan shacabka, maadaama ay ka cabanayaan canshuuraha cusub ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaliya. “Arrintaan waa arrin dareen bulsho dareenka bulshana wa metalaad dhab ah waxaan filaayaa buuqa ka taagan gobolka Banaadir ee arrimaha ganacsiga quseeya inay tahay arrimo aad dhaliishooda u leh” ayuu isna yiri Xildhibaan Garaad oo kamid ah Golaha. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Khamiistii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhowaaqday in maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18/08/2024 ay bilaabaneyso inay dowladda si toos ah u jarato canshuurta iibka. Canshuurtan oo dhan 5% ayey sheegtay dowladda inay kala baxeyso koontooyinka ganacsi, isla marka uu macluumka uu bixiyo adeega uu iibsanayo, ayada oo lacagta canshuurta iibka lagu dalacayo muwaadiniinta. Si kastaba, arrimahan aya kusoo beegmaya xilli ay weli dowladda iyo ganacsatada isku fahmi la’yihiin canshuurtan jarashadeeda loo marayo koontooyinkooda ganacsi, taas oo dhinaca kalena culeys horleh ku ah bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed. The post Xildhibaano gudbiyay mooshin culus iyo arrinta ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Somali forces repel al-Shabab attack on Mogadishu outskirts
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Somali government forces successfully repelled an al-Shabab attack on an army base just outside Mogadishu on Friday night, according to security sources. Source: Hiiraan Online -
Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa soo soo saartay dalab culus, kahor inta aysan ciidamadeeda kala bixin gudaha Soomaaliya, waxayna sheegtay inay u baahan tahay in lasiiyo magdhowga dhammaan askartii looga dilay gudaha Soomaaliya. Wiilka uu dhalay Madaxweyne Museveni, sidoo kalena ah Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Muhoozi Kainerugaba oo qoraal soo dhigay Twitter-ka ayaa waxa ku sheegay in dowladda Mareykanka ay ka rabaan 100 Bilyan oo dollar, isla markaana ah magdhowga khasaarihii Uganda kasoo gaaray dagaalka uu Mareykanka kula jiro argagixisada Soomaaliya. Taliyaha ciidamada difaaca Uganda wuxuu ku dooday in lacagtan ay noqon doono tan ugu yar ee ay ku doonayaan inuu magdhow ahaan u siiyo Mareykanka. “$100 bilyan oo dollar waa inta ugu yar ee aan ka rabo Mareykanka, wayna bixin doonaan lacag kasta oo magdgaw ah,” ayuu yiri Gneral Muhoozi. Uganda ayaa ah dalka ugu ciidamada badan howlgalka ATMIS, waxaana laga dilay askar badan, tan iyo markii ay soo galeen gudaha Soomaaliya. Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa dhawaan u sheegay VOA-da in howlgalka ATMIS uu diwaangaliyay ku dhawaad 4,000 oo dhimasho iyo dhaawac ah oo s Inta badan askarta Uganda ayaa lagu dilay dagaallo ay la galeen Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay weerarkii Buulo-mareer oo hal maalin looga dilay ugu yaraan 54 askari, sida ay qiratay dowladda Uganda. Warkan kasoo yeeray wiilka Museveni ayaa ku soo beegmaya xilli ay haatan sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa dalalka Uganda iyo Maraykanka oo aanu wanaagsaneyn xiriirkooda, mana cadda sida uu ku suurageli karo dalabkan culus. The post Uganda oo dalbatay magdhowga askartii looga dilay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Ruushka ayaa ku eedeyay Ukraine inay u adeegsatay gantaalka uu Mareykanka soo saaro ee HIMARS, si ay u burburiso buundada wabiga Seym ee gobolka Kursk ee dhulka Ruushka. Waxa uu sheegay in halkaasi ay ku dhinteen dad Ruush ah oo isku dayay inay daad-gureeyaan rayidka ku go’doonsanaa wabiga Seym , sida ay sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka, Maria Zakharova. Ciidanka Ukraine ayaa markii u horreysay taariikhda muddo 11 maalin ah gudaha ugu jira dhul ballaaran oo Ruushka ah, taa oo la sheegay inay u horseeday Putin jahwareer iyo dayaacad su’aal lagu gelinayo awoodda militari ee Ruushka iyo sida uu u ilaalsan kari waayay dhulkiisa, iyadoo markaa is barbar dhig lagu sameeynayo waxa dhici lahaa haddii xudduudaha Mareykanka ay gudaha u galaan ciidan ku soo duulay. Horey , Putin wuxuu u sheegay mar kasta oo ay khasaaro geystaan hubka reer galbeedka inuu qaadi doono tallaabo aargoosi ah oo ka dhan ah dalka iska leh hubka ay adeegsato Ukraine , balse hadda xaaladda uma wanaagsana Putin , kaasoo la filayo inuu isbeddelo deg deg ah ku sameeyo hoggaanka militariga. PUNTLAND POST The post Ruushka oo Ukraine ku eedeeyay in ay adeegsatay gantaalka uu Mareykanka ee HIMARS appeared first on Puntland Post.
-
Taliska Ciidanka Booliska dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay magacyada 10 xukmane oo saaka lagu qiyaasay magaalada Gaalkacyo. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Aagga Mudug G/sare Sharma’arke Shiikh doon ayaa shaaciyay magacyada 10 xukmane ee la qiyaasay kadib markii lagu helay falalka argagixiso. Xukmanayaasha oo horay Maxkamadda Ciidamada Puntland xukun dil ah ugu ridday ayaa lagu helay in ay dilal kala duwan ka geysteen magaalada Gaalkacyo waxaana magacyadoodu kala yihiin sida tan: 1. Xukmane Xasan Jaamac Maxamed 2. Xukmane Liibaan Aadan Muuse 3. Xukmane Barkhad Cawil Xirsi 4. Xasan Muuse Axmed 5. Xukmane Cabdiqaaliq Warsame Barre 6. Xukmane Cadde Cabdullaahi Maxamed 7. Xukmane Maxamed Cabdisalaan Axmed 8. Xukmane Cabdiraxmaan Faysal Salaad 9. Xukmane Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi iyo 10. Xukmane Cabdisalaan Sahal Shucayb. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Aagga Mudug G/sare Sharma’arke Shiikh doon oo si wadajir ah hadal uga jeediyay Caska lagu toogtay 10-ka xukmane ayaa ugu baaqay Waalidiinta Gobolka Mudug in ay Carruurtooda ka ilaashadaan ku biirista Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay magacyada 10 xukmane oo saaka lagu toogtay Gaalkacyo kadib markii lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo laga helayo faah-faahino dheeraad ah. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen saldhig ciidamada Boolis Milataaro ay ku leeyihiin halkaasi, gaar ahaan halka loo yaqaano Arbacow waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen rasaasta ay is waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan caddeyn karin khasaaraha soo kala gaaray, maadaama ay ahayd xilli habeen ah, xog badana aysan ka heli karin dagaalka. Saraakiil ka u hadashay laamaha amniga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna dib u celiyeen xubnaha soo qaaday. Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaacisay inay khasaare culus gaarsiisay ciidamada dowladda, balse ma shaacin tiro rasmi ah. Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana deegaanka Ceelasha Biyaha iyo nawaaxigiisa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgallo ka wada halkaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla bannaanka magaalada, halkaas oo ay koontaroolo laga sugo amniga ku leeyihiin ciidamada xasilinta iyo kuwa milatariga Soomaaliya. The post Dagaal duleedka Muqdisho ku dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidanka DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Baidoa (HOL) — Somali forces have launched an offensive against Al-Shabaab militants in the Bakool region, targeting a strategic road that has long been under insurgent control. The operation is part of a campaign to reclaim key territories across the South West State of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muuse Biixi nin isleh wax qabo oo ay bas ka tahay waa nin geedkii uu kor is yidhaaba uu la soo dha aayo ama geedkii uu is yodhaa hagaajiba uu aakhirka dhulka dhigaya. Waa shaqsi ina geeyay halkii ugu hoosayaysay ee aynu abid gaadhno. Nasiib wanaag waxa aynu maanta taaganahay meel la iska badh qabto, wxana arinkaasi aaminsan dhamaan shicibka Somaliland oo dhan oo ay ku jiraan qoyska madaxweynaha oo doraad ku dhawaaqay in uu Muuse Biixi magacoodii uu dilay iyada oo dhamaan Somaliland sumcadeedii uu dhulka la galay. Qofkii in uun Somaliland wada jirkeeda iyo walaalaynteeda jecel waa in uu taageeraa isbedalka maanta dalka ka socda. Dalkani dagaal maanta uma baahna waxa uu u baahanyahay midayn iyo walaalayn waarta iyo in dhabada lagu soo celiyo sumcadeenii iyo awoodwenii. Inta umadeenu qaybsantahay dagaal waxba inooguma jiraan ha la tooso oo ha la doortay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ah shaqsi naftiisa u hibeeyay in uu soo celiyobmar labaad sumcadii Somaliland La soco qaybaha kale ee taxanahani oo joogto noqon kldoona Qaran News
-
NAIROBI, Aug. 16 (Xinhua) -- The number of people who are food insecure and in need of humanitarian assistance in Kenya stands at 1 million, Kenya's National Drought Management Authority (NDMA) said Friday. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Uganda’s Chief of Defense Forces, Gen. Muhoozi Kainerugaba, has made a bold demand for $100 billion in compensation from the United States, citing Uganda’s military contributions and losses in Somalia as justification. The demand was made in a series of posts on social media platform X. Source: Hiiraan Online
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo horay loogu riday xukuno dil ah. Ragga la toogtay ayaa ahaa shabakado isku xirn oo ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab, kuwaas oo ay horay gacanta ugu soo dhigeen ciidamada ammaanka Puntland. “Maanta magaalada Gaalkacayo waxaa lagu fuliyey xukun dil ah 10 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo horey maxkamadda sare ee ciidamada ay ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay inay geysteen dilal magaalada Gaalkacayo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Puntland. Toogashada oo dhacday abaare sideedii subaxnimo ee saaka ayaa ka dhacday waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayada oo warbaahinta loo soo bandhigay sawirrada xubnaha la toogtay oo ku xiran tiirka toogashada. Dhammaan ragga la toogtay ayaa lag helay Al-Shabaabnimo iyo inay weeraro ka gaysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa waxaa si aad ah u baahiyay warbaahinta, ayada oo laga hadal hayo baraha bulshada, maadaama ay hal mar toogashada lagu fuliyay 10 nin oo ka wada tirsanaa kooxda Al-Shabaab, inkastoo horay sidaan oo kale Puntland toogasho wadareed ugu fulisay xubno ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Toogashadan waxa ay kusoo aaday maalmo uun kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay maamushu Puntland, waxaana ku jiray xubnaha baxsaday kuwo ku xukunaa toogasho. The post Puntland oo toogasho ku fulisay 10 Al-Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Waxay ahayd 48 saacadood oo xamaasad leh wareeg cusub oo wadahadal ah oo ay martigelisay Doxa si heshiis xabad joojin ah ay u gaaraan Israel iyo Xamas. War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen dalalka Qatar, Masar iyo Maraykanka, ayay ku sheegeen in labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Doxa ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday dowladaha dhinacyadaasi oo ay dhexdhexaadin ahaan u socdeen wada-hadallo xooggan oo looga gol leeyahay in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah. Waxaa sidoo kale dadaaladan la doonayaa in lagu xaqiijiyo sii daynta la haystayaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta. Wadahadalladan ayaa ahaa “kuwa halis ah, wax dhisaya kuna dhacay jawi wanaagsan,” sida lagu sheegay war-murtiyeedka wadajirka ah. Warku waxa uu intaa ku daray in goor hore oo maanta ah magaalada Doxa, dalka Maraykanka oo taageero ka helaya dawladaha Qatar iyo Masar ay labada dhinac u bandhigeen hindise lagu soo koobayo farqiga u dhexeeya labada dhinac isla markaana waafaqsan mabaadii’da heshiisyadii hore. “Soojeedintani waxay ku dhisan tahay qodobbadii lagu heshiiyey ee la gaaray usbuucii la soo dhaafay, waxayna soo afjaraysaa dulduleelada harsan si ay u suurtogeliso in si degdeg ah loo dhaqangeliyo heshiiska.” Wadahadaladan ayaa ah kuwa leh muhiimad gaar ah xilli ay sii kordheyso xiisadda gobolka gaar ahaan Xisbulahi iyo Iran oo iyagu ku hanjabay in ay israa’iil ku qaadi doonaan weeraro ay kaga jawabayan dilalkii taliyihii ciidamada xisbiga Fowad Shukr iyo dilkii Haniyeh. Wafdiga Israa’iil ayaa go’aansaday, cadaadis uga yimid dhexdhexaadiyeyaasha, inay sii joogaan Doxa habeen kale, iyada oo wax lagu sheegay “horumar la taaban karo oo laga gaaray khilaafyadii hore” taasi oo looga gol leeyahay heshiis kama dambeys ah oo dhexmara Israel iyo Xamaas. Wafdiga Israel ayaa waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaasha heerka koowaad ee sirdoonka Israel, kuwaas oo kala ah madaxa Mossad David Barnea iyo taliyaha guud ee amniga guud Ronen Bar. Telefoonka ay Qatar u dirtay Iran Xigashada Sawirka,Getty Images Sida laga soo xigtay warbaahinta Israel iyo reer galbeedka, Ra’iisul wasaaraha Qatar Maxamed bin Cabbdulrahman Al Thani ayaa khadka taleefanka kula hadlay madaxda Iran, wuxuuna ugu baaqay inay u dulqaataan oo aysan wax weerar ah ku qaadin Israa’iil, sababtoo ah “horumarada laga sameynayo wadaxaajoodyada . Yedioth Ahronoth ayaa aaminsan in baaqan uu saameyn ku yeeshay dib u dhigista go’aan kasta oo Xisbullah ama Iran ay ku beegsanayaan Israa’iil ilaa ay ka soo baxayaan natiijada wareega gorgortanka iyo wadaxaajoodyada xabad joojinta. Israa’iil ayaa horey isugu diyaarisay weeraro uga yimaadda xisbulah iyo Iran. Xigashada Sawirka,Getty Images “Horumar cajiib ah” “Horumar la taaban karo” waa orhaah si joogto ah u soo noqnoqonaysay intii ay socdeen wada xaajoodyadii dadbanaa ee ay garwadeenka ka ahaayeen Qatar iyo Masar oo socday bilo badan, waxaana ku dhawaad wareeg kasta oo gorgortan ah la sheegayay in horumar laga sameeyay, balse markii dambe ku dhamaaday fashil. Dad badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa aaminsan in qaar badan aysan ku rejo waynayn warkan sababtoo ah farqiga weyn ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil. Ciidamada Israa’iil ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay cirib tireen boqolkiiba 75 awoodooda ciidan ee Xamaas, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay BBC-da, waxa laga yaabaa in ay dhawaan ku dhawaaqaan in la soo afjaray hawlgalladii milatari ee xoogganaa ee ay ka wadeen Marinka. Bbcsomali Qaran News
-
Maanta magaalada Gaalkacayo waxaa lagu fuliyey xukun dil ah 10 qof ka tirsanaa Al-Shabaab. Dadkaan ayaa horey maxkamadda sare ee ciidamada ee Puntland ay ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay inay ka geysteen dilal magaalada Gaalkacyo. Waxa ay dileen ragga maanta la toogtay inta badan dadkii muhiimka u ahaa bulshada magaalada Gaalkacyo. Dilka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo Banaankeeda ayaa si wadajir ah waxaa u fuliyay Ciidanka kala duwan ee gobolka Mudug ka howlgalla. Toogashadaan ayaa timid ka dib markii dhawaan xubno ka mid ahaa raggii dilka ku xukunnaa ay ka baxsadeen xabsiga Gaalkacyo hal mid oo ka mid ah ayay Ciidanka gacanta kusoo dhigeen. Madaxweynaha Puntland ayaa si deg deg ah u saxiixay toogashada raggaan si aysan xabsiga uga baxsan. In ka badan Sanad ayay ku jireen xabsiga iyagoo ku xukuman dil. Source: goobjoog.com
-
For Somalia to truly thrive—with security, a decent standard of living for all, and good governance—we must address a fundamental requirement: understanding our population. Achieving national goals requires careful planning and reliable data, beginning with a comprehensive census. Although Somalia has faced formidable challenges, including war, famine, and political instability, a well-conducted census could be the transformative step the nation desperately needs. Source: Hiiraan Online
-
Khilaaf xooggan ayaa ka dhex taagan Madaxweyne Deni iyo wasiirka Qorshaynta Puntland Daa’uud Bisinle sida ay wararku sheegayaan. Khilaafkani oo lagu soo warranayo in uu meel sare marayo ayaa soo bilowday kadib markii Madaxweynuhu uu Maxamed Dhabancad u dhiibtay qeyb kamid ah Shaqadii wasaaradda Qorshaynta Puntland. Maxamed Dhabancad oo ku magacaaban wakiilka Arrimaha Xiriirka Caalamiga ah ayaa tan iyo markaasi la wareegay Shaqadii Wasaaradda ee La-macaamilka Xirirka hay’adaha iyo deeq-bixiyaasha Caalamiga ah. Wasiir Daa’uud Bisinle ayaa la sheegay in uu xilligaasi aad uga carooday fara-gelinta Madaxweynuhu ku sameeyay Wasaaradda, taasi oo cirka ku shareertay khilaafkooda oo hadda maraya halkii u sarreeyay. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in wasiir Bisinle uu qorshaynayo in uu iska casilo xilka Wasaaradda Qorshaynta Puntland. PUNTLAND POST The post Khilaaf xooggan oo ka dhex taagan Madaxweyne Deni iyo Wasiirka Qorshaynta Puntland Daa’uud Bisinle appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Victims and families affected by the August 2 al-Shabaab terrorist attack at Liido Beach in Mogadishu, which left close to 40 dead and over 200 injured, are now eligible for compensation under the UK's Victims of Overseas Terrorism Compensation Scheme. The attack, one of the deadliest in recent Somali history, has drawn international condemnation and exposed critical security lapses within the Somali government. Source: Hiiraan Online
