Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la shaaciyey in si hordhac ah xal looga gaaray khilaafkii soo kala dhex galay dowladda iyo dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha Muqdisho, kadib shir jaraa’id oo lagu qabtay bartamaha wadada weyn ee Maka Al-mukarama. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa tegay goobtii ay ku banana-baxayeen wadayaasha Mooto Bajaaj-ta. Guddoomiye Yabooh iyo Taliye Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa balan-qaaday in madaxda qaranka ay u gudbinayaan cabashada dhalinyaradaan. Sidoo kale waxay sheegeen in Bajaaj-leyda ay kula heshiiyeen in banaanbaxyada la joojiyo oo ay shaqeystaan, iyadoo aan waxaba sharci ah la weydii doonin ilaa inta laga xalinayo cabashadooda. Ciidamadii Taraafikada ayaa laga qaday jidadka Muqdisho, kuwaas oo Bajaaj-leyda weydii jiray Leesinka hadda laga cabanayo qiimihiisa. Dhalinyarada ayaa ka cabaneysa in qiimaha Leesinka ay dowladu gaarsiisay 300 oo dollar, sidoo kale waxay ka cabteen ganaax ay ka qaadaan ciidamada Taraafikada ah ee jidadka jooga. Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta oo iska soo saaray guddi gaar ah ayaa balan-qaaday inay u hoggaansami doonaan go’aankii lagu gaaray kulamadii ay la yeesheen madaxda gobolka Banaadir. Sidoo kale Bajaaj-leyda ayaa shaacisay inay soo gabagabeeyeen banaanbaxyadii socday muddo 3 maalmood ah, isla markaana ay hadda kadib shaqeysa doonaan si nabad ah, xalka cabashadoodana ay ka sugayaan dowladda. Hoos ka daawo The post Daawo: Sida loo xaliyey banaan-bixii Bajaaj-leyda ee Muqdisho ka socday appeared first on Caasimada Online.
  2. Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mudane Kamaal Guutaale , ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo loogu diyaar garoobayo shirweynaha wadatashiga Tiirka Adkeysiga Cimilada ee Qorshaha Isbedelka Qaran. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo gorfeyn lahaa qorshaha lagu wajahayo isbedelka cimilada ee dalka, iyada oo la isku diyaarinayo shirweyne wadatashi oo lagu falanqeyn doono arrintan muhiimka ah. Sidoo kale waxaa lagu lafa-guray aragtiyo iyo talooyin muhiim ah oo la xiriira sidii loo horumarin lahaa qorshaha qaran ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada, iyadoo laga duulayo baahiyaha iyo caqabadaha jira. Shirweynaha wadatashiga ee la qorsheynayo ayaa ah mid muhiim u ah mustaqbalka deegaanka iyo horumarka waara ee dalka. Source: goobjoog.com
  3. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo marin la isku haleyn karo oo dhanka badda, taas oo ay kala jeedo wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara. Itoobiya ayaa weli ku adkeysaneysa in Soomaaliya ay bixiso wax u dhigma is-afgaradkii Somaliland ay la gashay, si ay meesha uga saarto heshiiskaasi, oo dowladda federaalka Soomaaliya ay meel adag iska taagtay. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Danjire Nebiyu Tedla oo shir jaraa’id qabtay ayaa carabka ku adkeeyay dadaalka ay Itoobiya waddo ee lagu xaqiijinayo marin badeed la isku haleyn karo, isaggoo dowladda Turkiga uga mahad-celiyay fududeynta wada-hadallada labada dal. Wuxuu tilmaamay in labada dal ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkooda wareega saddexaad ee wada-hadallada, wuxuuna tilmaamay sida ay Itoobiya uga go’an tahay dadaaladda diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo in Itoobiya ay soo gaarto badda caalamiga ah. Wada-hadallada Ankara ee kusoo idlaaday natiijo la’aanta ayaa la doonayay in lagu xaliyo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana markale loo baahday in la aado wareeg saddexaad oo wada-hadal ah, si xal kama dambeys ah looga gaaro arrintaan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda. Dowladda Soomaaliya ayaa intii uu socday wada-hadalka dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo heshiis beenaadkii badda lagu bixinayey ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen. Halka Itoobiya ay dooneysay in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan is-afgaradkaas iyo waxa loogu bedelayo, si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo madaxneynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo. Labada dhinac oo sida muuqata aad u kala fog ayaa markale wuxuu Turkiga ka shaqeynayaa sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa, si bisha soo socota ee September ay markale u wada-hadlaan. The post ITOOBIYA oo ku adkeysaneysa arrin yaab leh oo la xiriirta wada-hadalladii ANKARA appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho tababar heer sare ah looga furay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo si gaar ah loo soo xulay. Tababarkan oo ay fureen wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamed Xagaa iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska S/guuto Cusmaan Kaniif ayaa waxa uu socon doono muddo. Saraakiisha ayaa qaadan doona tababar ku saabsan barashada heerarka kala duwan ee hoggaaminta iyo maamulka ciidanka, waxaana tababarku inta uu socdo bixin doona macalimiin ka tirsan booliska iyo bahda cadalaadda. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si weyn loo tayeynayay, ayada oo dhowrkii bilood ee u dambeysay ay soo baxeen dafcado cuusb, oo qaarkood ay tababarka ku qaateen dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye. Ciidankaas ayaa hadda qeyb ka ah booliska Soomaaliyeed, iyagoona ka qeyb qaadanaya dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan. Si kastaba, ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo dowladda sheegtay inuu qorshuhu yahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda. The post Muxuu yahay tababarka heer sare ee maanta laga furay Muqdisho? +Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen caqabado ay sheegeen in ay ka haystaan dowladda federaalka Soomaaliya. Ganacsatadaan oo badeecadaha kala duwan ee dalka yimaada ay uga soo degaan dekedda Muqdisho ayaa sheegtay in lagu soo rogay canshuuro xad-dhaaf ah. Sidoo kale ganacsatada maanta isugu timid kulankaas ayaa ka cabatay lacagaha iibka oo wasaaradda maaliyadda XFS ay sheegtay in la bilaabayo 18-ka bishaan Agoosto. Canshuurta cusub ee iibka ayaa noqoneysa %5, waxayna ku waajibeysa oo laga jaranayaa qof kasta oo wax iibsaneysa. Ganacsatada ayaa tilmaamay in ay la kulmeen wasiirka maaliyadda Soomaaliya, balse aysan kala soo kulmin wax natiijo ah. Sidoo kale ganacsatada ayaa sheegay in Wasiirku ku adkeystay in la qaadayo lacagaha iibka, ayna bilaaban doonto 18-ka bishaan Agoosto, waxaana laga diiday in xitaa dib loo dhigo ilaa inta heshiis laga gaarayo. Qaar ka mid ganacsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa baaq u diray madaxda sare ee dalka, iyagoo codsaday in arrinkooda lasoo faragaliyo. Kulanka ganacsatada ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed, waxayna ka cabanayaan labo arrin oo ah canshuurta iibka ee lagu soo rogayo iyo canshuuro lagu soo rogay badeecadaha uga soo dega dekedda Muqdisho. The post Sawirro: Ganacsatada Muqdisho oo qabatay shir jaraa’id oo DF ay uga cabanayaan appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) - The Deputy Governor of Security and Political Affairs of Banadir Region, Mohamed Ahmed Diriye Yabooh, along with police officials, has pledged that the government will address the concerns of auto-rickshaw drivers in Mogadishu who have been protesting against a recent increase in license taxes. Source: Hiiraan Online
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa shaaciyay inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah. Waxa uu sheegay in shacabka ay xaq u leeyihiin inay soo doortaan madaxdooda, isaggoo ku dooday in Galmudug ay kasoo gudubtay xilligii awoodda wax lagu raadinayay, uuna maamulkiisa qabanayo doorasho dadweyne, ayna shacabka soo dooran doonaan madaxweynaha Galmudug illaa xubnaha ka hooseeya. Qoor-Qoor oo raadinaya waddo uu markale ugu soo laabto kursiga ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabadda xuska sanad guurada 18-aad ee Galmudug, isaggoo weerarna ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee ay is-hayaan. Dagaalka labada dhinac oo salka ku hayo is riixa doorashada kusoo foodka leh Galmudug ayaa sii laba jibaarmay, wuxuuna Qoor-Qoor sheegay in aan laga aqbli doonin inay hub lasoo galaan Galmudug iyo inay sameeyeen kicin bulsho ama wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada deegaanka. “Dadka daneynaya doorashada ololaahaga ku soo bandhigo baratan iyo waxaa aad qaban karto, laakiin yaan la isku dayin wax ka dhan ah amniga dalka iyo waxaa ka reeban hub iyo saasaan hore loogu soo daalay,” ayuu yiri Qoor-Qoor. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan leeyahay damacaaga loolan iyo baratan iyo inaad waxaad qabaneyso sheegato kusoo bandhigo.” Dhawaaqa kasoo yeeray madaxweyne Qoor-Qoor ayaa qeyb ka ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashooyinka dalka. Xasan ayaa ku adkeysanaya in dalka uu ka hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, ayada oo golaha wasiirada ay dhawaan ansixiyeen sharciga doorashooyinka iyo kan xisbiyada. Mucaaradka ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshahan oo muddo kororsi siiyay madaxda dowlad-goboleedyada, oo iyagu laftigooda ku howlan sidii ay markale u boobi lahaayeen doorashooyinka, si ay ugu soo laabtan xukunka. The post Qoor-Qoor oo ku dhowaaqay nooca doorasho ee uu qabanayo xilli ay is-hayaan mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  8. 455149717_797614289247590_7887847391826581909_n Qaran News
  9. Guddiga joogtada ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa sideedaad ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa guddiga joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha golaha shacabka gaar ahaan shaqooyinkii ugu dambeeyay ee qabsoomay ,howlaha baaxada leh ee golaha horyaala iyo sido ay muhiim u tahay in goluhu dardargeliyo waajibaadka qaran ee ay Shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan. Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa ka dooday ajendayasha golaha ee todobaadka soo socda iyo ay sida horutebinta u kala leeyihiin,waxa ay ugu dameyn isku raaceen in la xoojiyo shaqada golaha shacabka si uu goluhu uga howlgalo ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee Dalka. Source: goobjoog.com
  10. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markale dib uga guratay inay ka laabato is-afgaradkii ay 1-dii bishii Janaayo ee sanadkaan ay la gaareen hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Shir hal maalin loo qorsheeyay ayaa laba maalin qaatay, iyada oo dood adag ay ka dhacday magaalada Ankara ee waddanka Turkiga. Labada wafdi ee Soomaaliya iyo Itoobiya isma soo horfadhiisan, waxaana u kala dab-qaadeysay wasaaradda arrimaha dibadda ee waddanka Turkiga. Itoobiya waxay ku dhaganeyd ballan uu Turkiga qaaday oo aheyd in Soomaaliya ogolaan doonto inay Itoobiya siiso qaab ay kusoo gaari karto biyaha caalamiga ah ganacsi ahaan. Waxay dalbadeen Itoobiyaanka in nuqulka soo baxaya lagu caddeeyo inay illaa gudaha biyaha Soomaaliya fasax buuxa u haystaan inay shaqooyinkooda ku qabsadaan, taas oo xitaa mustaqbalka ka badan karta ganacsi. Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi, kaas oo la xasuusto inuu wareegii hore ee wada-hadallada wax badan dhinac iskaga riixay, haatana si taas lamid waxaa la xaqiijiyay inuu wasiirka diiday in la isku lifaaqo ka noqoshada Itoobiya ee is-afgaradka iyo ogolaanshaha ah inay Soomaaliya bixiso go’aan ay Itoobiya kusoo gaareyso badda. Qoraal uu faafiyay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Fiqi waxa uu ku sheegay in Soomaaliya aanay ogolaan doonin qorshaha Itoobiya ee ah “ku qabso ku qadi meyside”. Xogaha dheeriga ah ee shirka waxay sheegayaan inay Itoobiya aad ugu dhagan tahay inuu is-afgaradkii Muuse Biixi wax u dhalo, kadibna ay bixiyaan cudur daar, kuna dhawaaqan ka noqosho, laakiin iyada oo aan waxba loogu beddelin uma socdaan jidka ka noqoshada iyo cudur-daarka. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa haysta cadaadis xoog leh oo ka imaanaya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo dalbanaya in is-afgaradka lagu beddelan bad bixin. Soomaaliya waxay ku dooday in Itoobiya marka hore sameyso ka noqosho iyo cudur daar kadibna lasoo celiyo cilaaqadkii labada waddan oo waayadan xumaa, kadibna ay labada waddan sii amba-qaadan sida lagu gaari karo in ganacsi ahaan loo kala faa’iideysto. Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in xooga ka carootay sida ay labada waddan usoo aqbaleen wareeg labaad oo wada-hadal ah, iyada oo midkoodna uusan kasoo dabcin halkii uu taagna wareegi hore. Wada-hadallada ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, laakiin waxaa lagu ballamay in la isku soo laabto wareeg saddexaad bisha soo aadan ee September, kaas oo ka dhici doona waddanka Turkiga. Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo xileedkiisi hore si fiican u wajahay Kenya oo isku deyday inay qaadato qeyb kamid biyaha Soomaaliya ayaa haddana markale u muuqda inuu mowqifyo ad-adag ku wajahayo Itoobiya, oo iyaduna soo damaacisay qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. Albaab aan badda ka galno hana la siiyo, waa damac labaad oo ay curisay Itoobiya, inay Soomaaliya diidayna waxaa loo arkaa is-difaacid muuqata. The post Sababta rasmiga ah ee loogu kala kacay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) - Galmudug State President Ahmed Abdi Kariye Qor Qor has announced that his administration will hold a one-person, one-vote election and urged politicians to avoid actions that could lead to conflict and war. Source: Hiiraan Online
  12. Xamaas ayaa warbixin ka soo saartay dilkii maxbuus Israa’iili ah oo uu toogtay mid ka mid ah ciidanka Xamaas ee ilaalinayay. Bayaan rasmi ah oo uu soo saaray afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xamaas ayuu ku xaqiijiyay in askariga ilaalinayay maxaabiista uu dilkan u geystay hab aargoosi ah. Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Qasa ay ku dhinteen labaka mid ah carruurta askariga toogtay maxbuuska, taasi oo ku dhalisay inuu markiiba ka aargoosto maxaabiista uu hayay. “ Waxaan cadeyneynaa in dhacdadu aysan matalin anshaxa iyo manhajkeena diineed ee la macaamilka maxaabiista, waxaana adkayn doonaa ilaalinta maxaabiista”. “Israa’iil ayaa iska leh mas’uuliyada waxa ay la kulmayaan maxaabiista, taasi oo ka dhalatay ku xad-gudbida dhammaan xeerarka bini’aadantinimo iyo ku dhaqanka xuquuqda aadanaha”ayaaa lagu yiri bayaanka Xamaas. PUNTLAND POST The post Xamaas oo warbixin ka soo saartay maxbuus Israa’iili ah oo xabsigooda lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18/08/2024 ay bilaabaneyso inay dowladda si toos ah u jarato canshuurta iibka. Canshuurtan oo dhan 5% ayey sheegtay dowladda inay kala baxeyso koontooyinka ganacsi, isla marka uu macluumka uu bixiyo adeega uu iibsanayo, ayada oo lacagta canshuurta iibka lagu dalacayo muwaadiniinta. “Wasaaradda ayaa ku guuleysatay in nidaamyadda badeecootinka iyo adeegyadda lagu kala gato ee loo yaqaano koontooyinka ganacsiyadda (Merchant Accounts) si toos ah uga jarato canshuurga wakhtiga ay dhaceyso kala gadasho kasto oo ay sameynayaan ganacsiyadda iyo macaamiishoodu,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya. Wasaaradda maaliyadda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in lacagaha canshuurta ah ee sida tooska ah uga jaraneyso ay ku dhaceyso khasnadda dhexe ee dowladda. “Wasaaradda waxay ku wargelinaysaa dhamaan ganacsiyadda kala gedisan in laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 18-ka Agoosto, 2024 ay qaan-sheegad kasto oo ay macaamiishoodu alaa ku gadanayaan ay ku dadaan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadida, si looga baaqsado in ganacsadaha lacagtii uu amaabta ku gatay ay uga go’do canshuur ahaan.” Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka “Si taas lamid ah waxaa la ogeysiinayaa macaamiisha ganacsiyadda iyo muwaadiniinta in wasaaraddu si toos ah u dhaqan-gelin doonto qaadida canshuurta gadida.” Maalmo kahor unbeyd aheyd markii ganacsatada caasimadda iyo wasiirka maaliyadda ay ku kala kaceen kulan looga hadlayay jarista canshuurta iibka. Kulankaas oo looga hadlay cabashooyin ay mudooyinkan qabeen suuqleyda oo ay ugu danbeysay canshuurta iibka 5% ee dhawaan la so kordhiyay, ayuu wasiirka maaliyadda ku gacan sayray in dib loo dhigo waqtiga loo qorsheeyay bilaabidda canshuurta iibka ee laga jarayo iibkasta oo la sameeyo ilaa inta natiijo laga gaarayo wada-hadallada. Si kastaba, tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay weli dowladda iyo ganacsatada isku fahmi la’yihiin canshuurtan jarashadeeda loo marayo koontooyinkooda ganacsi, taas oo dhinaca kalena culeys horleh ku ah bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed. The post DF oo shaacisay maalinta ay bilaabaneyso inay jarato canshuurta iibka ee laga qeyliyay appeared first on Caasimada Online.
  14. 455629044_2147820792271927_8383468731543824934_n Qaran News
  15. Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war cusub oo ku saabsan hannaanka canshuuraha dalka, gaar ahaan kuwa laga qaado ganacsiyada kala duwan. Wasaaradda ayaa ugu horrayn dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada uga mahadcelisay si muwadinnada iyo xilkasnimada leh ee ay ugu heellanyihiin bixinta canshuurta, ayadoo xustay in dowladdu ay ku guulaysatay inay gaarto isku filnaasho dakhliga gudaha iyo mushaaraadka shaqaalaha ah Warka Wasaaraddu ay soo saartay ayaa sidoo kale in ayadoo la xoojinayo dhaqaalaha dalka dhowaan lagu dhawaaqay hannaan casri ah oo lagu qaadayo canshuuraha iibka, taas oo ay bixinayaan dadka iibsanaya adeegyada iyo badeecadaha kala duwan, ayadoo hadda ay si toos ah loo jari doono xilliga wax kala iibsiga, ayna ku dhacayso khasnadda dowladda. Ugu dambeyn Wasaaradda ayaa ku wargelisay ganacsatada in laga billaabo 18 bishan ay boqolkiiba 5 ku daraan qeymaha ay shay walba iibinayaan, taas oo ah canshuur, lamana oga qorshahani sida uu u dhaqan-geli doono, ayadoo dadweynuhu ay cabasho xoog leh ka muujinayaan. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo si adag uga hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho, gaar ahaan cabashada dhalinyarada Bajaajleyda. Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradaas oo banaanbaxyo ka dhigeysay magaalada Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay mudan yihiin in la garab istaago. “Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan,” ayuu yiri Maxamed C/laahi Farmaajo. Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada Farmaajo? Maxamed Jaamac “Siyaasiga Soomaaliga ah wuxuu u heysta shacabka Soomaaliyed kuwo halmaam badan, waxna kala ogeyn kuwii shalay kabahoodii ku duugtay dhalinyaro Soomaaliyed maaheyn miyaa? Luqmaan Cusmaan “Mahadsanid madaxwayne waxaan kuu rajeneynaa soo laabasho 2026, insha allah”. Hanad Cabdisalaan “Adi maa dhalinyaro nolol iyo wanaag u ogol Alle naguma kaa soo celiyo sidaad noo dhaaftay ahow, Xasana qaati bilaah ka taaganahay adigase waba kasii liidatay waaba xasuuqday adiga dhalinyarada” Nasteex Xamdi Maxamuud “Madaxwayne xaqiiq weeye in la garab istaago weeye dhalinyarada Soomaaliyeed”. Cabdiraxmaan Axmed Muuse “Adiga Daljirka Dahsoon isbaarada kuu tiilay miyaa saas u hadlaa? Maxamed Ibraahim “Mahadsanid madaxweyne dalka adiga ayuu kuu baahanyahay ee soo noqo, Insha allaah adoo nabad ah”. Nuur Axmed “Madaxweyne waad ku mahadsantahay garab istaagga aad innoo sameeysay, dhalinyarada Soomaaliyeed wey kuu ogsoonyihiin hiilkaaga”. The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabadii uu xalay qaaday FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa ka qabsoomay shir u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo isugu yimaadeen wasiirka dowladda dhexe iyo wasiirada beeraha maamullada dalka. Shrka ayaa waxaa guddoomyay madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), waxaana lagu gorfeynayay Tacbashada Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada. Cali Guudlaawe oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa soo jeediyay in xal loo helo caqabadaha ay wajahaan beeraleyda Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso fatahaadaha. “Waa in xal-waaro loo helo fatahaada webiga si uu u badbaado wax-soo-saarka Beeraleyda. Waxaan rajeynayaa dhammaan arrimahan inuu meesha ka saaro mashruuca Sabbuun.” Madaxweyne Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Sidoo kale inta oo socday shirka ayaa waxaa looga hadlay xal u helida fatahaaddaha soo laa laabtay Webiga Shabeelle, ka hortaga cayayaank, iyo in sare loo qaado iibgeynta dalagyada ka baxo dalka. Wasiirka Beeraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay safarkiisa Jowhar wuxuuna yiri “Anigoo weli wada socdaalkii xoojinta Tacbashada Beeraha iyo la qabsiga Isbedelka Cimilada waxaan galabta tegay Jowhar, Xarunta Dawlad Goboleedka Hirshabele, Magaalo ku suntay dib-u-dhiska Dawladnimada Soomaaliya” Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Beeraha HirShabeelle ayaa ka hadlay caqabadaha ay wajahaan Beeraleeyda gobolka Shabeelaha Dhexe, oo la daala dhacaya xaalado adag. Gabagabadii wasiirada beeraha ee isugu tegay Jowhar ayaa la kulmay iskaashatooyinka beeraleyda gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka dhageysteen cabashooyinkooda ku aadan wax soo saarka beeraha, maadaama u jiro gaabis xagga tacbashada ah. The post Maxaa kasoo baxay shirkii u socday DF iyo dowlad goboleedyada? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  18. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa maanta oo khamiis ah 15 Ogoosto 2024, waxay ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Puntland, sanad dugsiyeedka 2023/24. STirada ardayda imtixaanka u fariistay ayaa ahaa 7,562 arday, waxaa gudbay 6,950 arday, waxaa dhacay 499 arday, waxaa maqnaa 113 arday sida ay shaacisay wasaaradda Waxbarashada Puntland. Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa sidoo kale shaacisay liiska magacyada ardayda galay 10-ka kaalmood ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee Puntland. PUNTLAND POST The post Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare ee Puntland oo maanta la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee kala dhexeysa Itoobiya kadib fashilkii dhowaan ku yimid wada-hadallo ay labada dhinac ku yeesheen dalka Turkiga. Wasiirka gaadiidka duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in go’aanka dowladda Soomaaliya aanu wax iska beddali doonin, ayna rabto Soomaaliya in Itoobiya ay ka laabato qaladkeeda, ayna bixiso raaligelin, iyada oo kadib soo mareyso waddada sharciga ah. “Soomaaliya waxay rabtaa Itoobiya oo ka noqota wixii ay qaribtay, Soomaaliya waxay rabtaa Itoobiya oo raaligelin bixisa waddada sharciga ahna soo marta” ayay tiri. Sidoo kale waxa ay tilmaamay in cidda qaladka iyo xadgudubka sameysay ay tahay Itoobiya, balse ay rajaneyso inay dib u sixi doonto wixii horay u dhacay. “Sidaad ogtihiin qaladaadka ay sameysay Itoobiya iyo xagdudubkii ay ku kacday Soomaali waa wada ogtahay waxaan rajeynayaa inay maskaxooda soo noqoto oo ay dambiyada ay galeen dib u tirtiraan” ayay mar kale tiri wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal. Waxaa kale oo ay sii raaciysay “Iyadaa dagaalka soo qaatay, iyadaa jabisay shuruucda caalamiga ah annaga dhankeena wax qalad ah oo ka yimid malaha, waxaana rajeyneynaa inay kasoo baxaan waxaan rabno”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay lagu kala tegay shirkii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo soo idlaaday natiijo la’aan, waxaase lagu ballamay in mar kale lagu isugu yimaado wareeg 3-aad oo dhacaya bisha soo socota. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan. The post Soomaaliya oo go’aan culus ku dhowaaqday kadib fashilkii ku yimid wada-hadalladii Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  20. Maamulka Talibanka ee dalka Afgaanistaan ​​ayaa u dabaaldegay seddex sano oo ay xukunka hayeen, ayagoo dhoolatus militari oo layaab leh soo bandhigey, waxayna muujiyeen awooda djinaca ciidanka ah iyo qalabka ay ku hubaysanyihiin. Dabaaldegga ayaa lagu qabtay xaruntii hore ee ciidamada cirka Mareykanku ay dalkaas ku lahaayeen, muddadii ay la dagaalamayeen kooxdan mayalka adag ee hadda maamula dalkan ku yaalla koonfurta qaarad weynta Aasiya. diblomaasiyiin Shiinaha iyo Iran ka kala socda ayaa ka mid ahaa boqollaal qof oo isugu soo baxay dhoola-tuska iyo khudbadihii hoggaanka Taalibaan ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda seddaxdii sanoo la soo dhaafay. Taliban ayaa dagaal adag oo ay Mareykanka, xulufadiisa iyo maamulkii dalkaasi in ka badan sano kula jireen ka dib waxay xukunka Afgaanistaan qabsadeen sanadkii 2021, xilligaas oo ciimada Ameerikaanku ay ka baxeen Caasimadda Kaabuul. Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in uu maanta u safro magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Madaxweyne Siciid Deni oo mudda Todobaad ah ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sida wararku sheegayaan maanta diyaarad khaas ah ugu safri doona caasimadda Kenya ee Nairobi. Madaxweynaha ayaa mudadii uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, waxa uu magacaabay guddiyo qiimayn ku sameeya xaaladda Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, kuwaasi oo uu warbixino kala duwan ka dhegeystay. Waxa uu sidoo kale shirar la yeeshay mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo sidoo kale bulshada oo ay ku jiraan odayaasha iyo waxgaradka. Dhinaca kale, waxa uu shir gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin ka socday Galmudug oo isugu jiray Wasiiro, Saraakiil Ciidan, guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug Iyo guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug iyo xubno kale. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
  22. 455695898_518061087554682_5094353028514334028_n Qaran News
  23. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo heerkeedu sarreeyo kadib markii Furuqa daanyeerka oo si xawliya ku faafaya uu ka dillaacay qaar kamid ah dalalka Afrika. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in cudurkaasi oo kasoo billowday Congo ayaa hadda ku faafay inta badan dalalka deriska la ah iyo kuwa u dhaw sida Burundi, Kenya, Rwanda iyo Uganda. Furuqa daabyeerka ee Mpox waxa uu gaaray 16 dal oo ka tirsan Afrika , tan iyo 4 bishan Agoosto, waxaa Afrika laga diiwaangeliyay 38,465 ee furuqaasi ah iyo dhimashada 517 tan iyo bishii Jannaayo. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah. PUNTLAND POST The post Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo la xiriirta Cudurka Furuqa daanyeerka appeared first on Puntland Post.