Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay madasha horumarinta Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, wasiirro, xildhibaanno iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gudaha iyo dibadda. Madashan oo sanadkaan looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dayn cafinta kadib ayaa socon dootno muddo labo cisho ah, waxaana soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage. Madashan oo sanadle ah ayaa waxay Heritage sanadihii dambe ku qaban jirtay dalka Jabuuti, waxaana hadda loo soo wareejiyay gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Madaxda qeybta ka ah shirkaan ayaa bogaadiyay madasha, iyadoo aqoonyahanka loo jeediyay inay soo saaran cilmbaarisyo, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka. “Qaran jabkii waxaa ka dhaxalnay in Qarankii uu Qaaraamooway. Waxa aan ka dhaxalnay in aynu luminno mataaladdii iyo maamuuskii aynu lahay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya Bixi Iimaan Cige. Agaasimaha Machadka Heritage Mursal Saney oo madasha ka hadlay ayaa isna waxa uu sheegay inta uu socdo shirka lasoo jeedin doono illaa 20 cilmi baaris, uuna hadafka yahay in wax lagu biirinayo horu socodka dalkeenna. “Waxaa la soo jeedin doonaa 20 Cilmibaaris, hadafka laga leeyahay waa in la helo dadka aqoonta u leh dhaqaalaha in ay iswareystaan, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka,” ayuu yiri Mr. Saney. Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo isna ka hadlay madasha ayaa yiri “Waa in aan ka faa’ideysannaa fursadaha, mas’uuliyiinta waxa ay abuuraan fursadaha, ka culimo ahaan aad ayaan u xiiseeneynaa waxyaabaha nagu soo biiraya.” The post Maxay tahay madasha laga soo weeciyay Jabuuti ee maanta laga furay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay magacaabay afar agaasime guud oo wasaaradeed kadib wareegto uu soo saaray, waxaana ku jiray ragga la magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo loo magacaabay agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Ibraahim Nadaara oo ah nin dhalinyaro ah ayaa Al-Shabaab kasoo goostay bishii August 2016-kii, waxaana magacaabistiisa kala dhalatay falcelin aadan caadi ahayn. Dad badan ayaa ka horyimid magacaabista ninkan, waxayna su’aalo ka keeneen wasaaradda loo magacaabay oo uu hadda wasiir ka yahay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo isna ahaa hoggaamiye hore oo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab. Haddaba sidee looga falceliyay magacaabista Ibraahim Nadaar? Cabdullahi Adan Xerow “Ibraahim Aadan Ibraahim from Al-Shabaab to agaasime dowladeed wasaaradihii dhan Al-Shabaaba ayaa agaasime ka ah”. Cabdirisaaq Mowliid “Wasaaraddii Awqaafta iyo arrimaha Diinta waxay ka dhigeen halaq galeen subxaanallah”. Abuukar Xasan ” =Ninkaan markuu Al-Shabaab ka imaanayay waxaan joognay Xamar waxbarasho ayaan ku jirnay hadda asiga waa masuul sare annagana waxaan magaalka ku nahay shaqa la’aan bal is qabadsii hee adba?”. Cabdullahi Naxar “Waxaan sugnaaba waa xukunka Roobow iyo fulinta Ibrahim Nadaara wallee waxaa ii sawiran iyadoo la kala garan la yahay kumaa dilaya yaase soo fatwooday qoladii duurjoogta ahayd shaqadoodii hadday gudaha ka bilaabmatay”. Muriidi Siraaji ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Wasaaradii arrimaha Diinta Iyo Awqaafta Al-Shabaab ayaa la wareegay”. Shariif Maxamed Jimcaale “Waa in aan Al-Shabaab ku biiro kadibne kaso goosto si aan xil sare u helo”. The post Falcelin caadi ahayn oo ka dhalatay xil uu Xamza u magacaabay nin kasoo goostay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  3. Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujinaya xaaladda bariga dhexe oo hadda taagan heerkii ugu sarreeyay ee khatarta sida laga soo xigtay xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin. Xoghayaha difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in uu ku wajahanyahay bariga dhexe gujiska xambaaraha gantaalada nukliyeerka ee USS GEORGIA , iyadoo ay markabkan saaranyihiin in ka badan 154 gantaalaha Tomahawk cruise missiles iyo madaxyo nukliyeer ah. Austin, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in markabka burburiyaha ah ee diyaaradaha xambaaraha , Abraham Lincoln isna inuu tagi doono bariga dhexe , wuxuuna ku hubeysan yahay diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad ee F-35C, oo ay weheliyaan diyaradaha kale ee F/A-18E/F Super Hornet, EA-18G Grawler. Tallaabooyinkan aan horey loogu arag bariga dhexe tobannaan sanno, wuxuu Mareykanka u sameynayaan si loo difaaco Israa’iil hoosna loo dhigo weerarro baaxad leh oo Iran iyo kooxaha ay taageerto ay ku qaadi karaan Israa’iil, iyadoo markii u horreysay ay soo baxday inay Iran weerarkan u adeegsan karto gantaallada riddada dheer ee Ruushka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Bariga dhexe u dhaqaajiyay Gujiska xambaaraha gantaalada nukliyeerka ee USS GEORGIA appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ka daah-furay talaalka caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee aan horay loo talaalin ama dhamaystiran Talaalka. Madaxweynaha Puntland ayaa faray dhamaan Guddoommiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka in lala shaqeeyo Howlwadeennada hirgelinaya tallaalka iyo waceygelinta si looga hortago xanuunada, waxa uu ugu baaqay dadka reer Puntland inay qaataan talaalka. Tallaalka caruurta oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 100 kun oo caruur ah, ayaa 177 xarumood ka socon doona muddo 7 cisho ah, waxaana ka shaqeyn doona 20 kooxood oo isugu jira dhakhaatiir iyo howlwadeeno caafimaad. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumada oo ay ugu horeyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiinta Caafimaadka ee heer degmo iyo Gobol iyo Hay’adaha Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha Caafimaadka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta Gaalkacyo ka daah-furay barnaamij lagu tallaalayo 100 kun oo Carruur ah appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa baaqday, kadib markii ay xaadiri waayeen xildhibaannada kasoo jeedo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Sababta uu u baaqday kulankan oo kamid ahaa kalfadhigga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa la xiriirtO kooram la’aan, kadib markii ay maqnaadeen inta badan xildhibaannada. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlaamka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray kulanka ayaa shaca ka qaaday in xildhibaannada aaday HirShabelle dartood uu u baaqday kulankooda, kuwaas oo aanan saxiixin kooramka, wuxuuna tilmaamay inay aadeen xaflad caawa ka dhaceysa magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe. “Xildhibaanno aad ayaad u mahadsan tihiin, inta maanta soo xaadirtay kooramka intaan waxaa gaarsiiyay xildhibaannadii HirShabelle maanta aaday, sidoo kale guddigii maaliyadda ayaa Nairobi ku maqan siminaar ayuu jiraa” ayuu yiri Abshirow. Sidoo kale wuxuu ku daray “Shalay waxaan isku ogeyn xildhibaannada HirShabelle aadaayo inay saaka kooramka saxiixaan qayb oo kaliya ayaa ka saxiixday, qaybna ma saxiixin”. Abshirow oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inay baaqato shaqadii baarlamaanka, xildhibaannaduna ay iska aadeen xaflado iyo dabaal-deg. “Aad ayaa uga xunahay inay socon wayso shaqadii baarlamaanka oo xildhibaannadii ay maqan yihiin shaqadiina naga baaqatay” ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenku. Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco waayadii dambe, ayada oo dhowr jeer arrintaan looga digay xildhibaanada. The post Xildhibaannada kasoo jeeda HirShabelle oo baajiyay kulankii maanta ee BF + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  6. Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka mida waftiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wajiga labaad ee dadaallada Turkey ku doonayo inuu xal ugu raadiyo xasaradda ka oogan gobolka. “Dabcan dadaaallo dheeriya ayaa jira oo Turkigu sameeyey, waana ugu mahad-celinaynaa madaxweynaha Turkiga dadaalladaas dheeraadkaa ee uu sameeyey” ayuu yiri Daa’uud Aweys. Bishii Luuliyo ee sanadkan oo labada dhinac wadahadalladoodu ka bilowdeen Ankara ayaa is araga xiga loo balamay bisha Semtember wallow waqtigaas laga soo hormariyey. “Waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii arrimaha dibadda uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay mumiin inay tahay in wajiga labaad uu deg deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’ud Aweys. Wuxuu sheegay wasiirku in madaxweynaha Turkigu uu teleefoonka kula hadlay xalay madaxweyne Xasan Sheekh iyagoo ka wada hadlay dadaallada iyo sidii horrey loogu sii ambaqaadi lahaa. Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys, shirka ayaa ka sii anba qaadaya halkii horrey loo taagnaa, balse wuxuu ku adkaystay inaysan Soomaaliya marna ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbaannida iyo Qaranimada Soomaaliya. Itoobiya ayaa horrey u sheegtay inay doonayso inay boos ka hesho badda cas balsse dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celcelisay in Itoobiya ay martay dariiq an ahay kii saxda ahaa sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal u jeedinayey labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya. Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo booqday Addis Ababa uu sheegay in Itoobiy loo ogolaan doonno marin baddd ah. The post Maxay tahay sababta loo soo hormariyay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
  7. Booliska Soomaaliya ayaa amarro culus dul dhigey iyo milkiileyaasha iyo wadayaasha gaadiidka gaar ahaan kuwa gobolka Benaadir, wuxuuna amarkaasi la xariiraa waxyaabo laga mamnuucay, islamarkaana ciddii ku kacdaahi ay sharci ahaan xarig iyo ganaax adag mutaysan karto. Qoraal ka soo Baxay Taliska guud ee Booliska Soomaaliyeed ayaa dhammaan milkiileyaasha iyo darawallada Baabuurta iyo Mootooyinka lagu faray inay ka fogaadaan 7 todobo qodob oo aan la oggolayn, islamarkaasna sharci ahaan iyo Nabad-gelyo ahaanba dhitaabo horseedi kara. Qodobadaas waxaa kamid ah: In Macnuucay in La kaxeeyo ama la wato Gaari aan wadan Taargo iyo Buuga la haanshaha. in ay islahaadaan Buuga gaariga, Jes-nambarka iyo Taargada, hadii ay is lahaan waayaana waxaa ka dhallin kara faldambiyeed inqaab adag leh. in Gaariga kastaahi uu ka diiwaan gashan yahay Wasaaradda Gaadiidka, islamarkaana uu wadto Dukumintiga xaqiijinaaya in uu bixiyey canshuurta. ayadoo La raacaayo Qaraarkii ka soo baxay Golaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Waxaa markale la cadeynayaaa in aan la keeni Karin, lana buufin Karin Mooto Bajaaj Cusub . Waxaa Mamnuuc ah in macluumaadka Mooto bajaaj Noqotey Howlgal Sida (Xafarka A ama B ) Jesnambarka ,Taargad Iyo iwm loo guuriyo Mooto Kale oo aan laheyn xogtaas. Waxaa si gaar ah Loogu Wargaliyay Milkiilashaada iyo Howl wadeennada Ku Shaqeysta Mooto Bajaajta in aan Xuduudaha Caasimadda laga soo gelin Karin Mooto Bajaaj laga keenay Gobolada Kale. Waxaa ugu dambeyn la xusuusinayaa cidkasta oo ku Guuldareysata u hoggaan Samida Awaamiirta Sare ku Xusan in ay la kulmidoonto Talaabooyin adag Oo waafaqsan Sharciga. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  8. Mogadishu (HOL) — The Paris 2024 Olympics provided a stage for Somali-born athletes to demonstrate their immense talent and resilience. As the large diaspora competed under various national flags, these athletes carried the hopes of their communities while representing their adopted countries. Below is a detailed look at their backgrounds and how they performed in Paris. Source: Hiiraan Online
  9. Baydhaba Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi, waxayna is arkeen dhiggiisa Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah. Qoor Qoor ayaa casuumaad uu ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed ku tegay halkaasi, waxaana shalay si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud oo ku yaalla magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. “Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kaddib casuumaad oo ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Galmudug. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xalay labada madaxweyne ay yeesheen kulan saacado badan qaatay oo looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Laftagareen iyo Qoor Qoor ayaa si gaar ah uga arrinsaday doorashooyinka kusoo wajahan maamulladooda, uuna dhammaaday muddo xileedkooda, ayna kusoo wajahan tahay doorasho ay tartan adag ku wajihi doonaan, maadaama musharixiin badan ay isku soo taageen xilalka ay hadda ku fadhiyaan. Xog ay heshay caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in Qoor Qoor uu Laftagareen kala hadlay qorshaha dowladda ee ku aadan in dib loo dhigo doorashooyinka maamul goboleedyada, maadaama ay Koonfur Galbeed hadda u diyaar garowday qabashada doorashadeeda oo horay dib uha dhacday waqtigeeda, waxaana lasoo wariyay in madaxweyne Cabdicasiis uu ku adkeystay go’aankiisa qabashada doorashada, waxaase weli wada-hadallada ay sii socdaan. Sidoo kale ka ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiisyada labada madaxweyne ee ku aadan kulanka ay xalay ku yeesheen madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo. Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana xubnaha mucaaradka dalka ay dalbanayaan in la qabto doorashooyinka maamul goboleedyada, maadaama inta badan madaxda hadda joogto uu ka dhamaaday muddo xileedkooda. Si kastaba, todoobaadkii hore ayay sii laba kaclesay xiisadda doorashada, kadib markii golaha wasiirada ay ansixiyeen sharci doorashooyin qof iyo cod ah iyo kan xisbiyada dalka, kaas oo ay durbo ka horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ee ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Xogta kulan xasaasi ah oo Baydhaba ku dhex-maray Laftagareen iyo Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
  10. Wareegga labaad ee wada hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkigu garwadeenka ka yahay ayaa lagu wadaa inay maanta ka furmaan Magaalada Ankara ee dalkaas, waxaana hadalkaas ku sugan wasiirrada arrimaha dibedda labada dowladood iyo masuuliyiin kale oo heer sare ah. Ka sokow doodda iyo wada xaajoodka miiska wada hadalka ka dhici doonaa, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa gooni gooni ula hadlay hoggaamiyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Abii Axmed Cali, waxaana la sheegay inuu la gaaray is faham laga yaabo inuu war murtiyeedka hadallada qeyb ka noqan doono ama uu isku soo dhowaansho horseedi karo. Itoobiya dhankeeda waxaa suurta-gal ah inay miiska la timaaddo qorshe cusub oo uu ku jiro codsiga deked la siiyo, taa badelkeedana ay ka laaban doonto dameceedii muranka weyn dhaliyay ee ay ku hunguriyaysay qeyb ka yimida badda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ka dib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Soomaaliland. Soomaaliya ayadu waxay ku dheggantahay mowqifkeeda ah in Xukuumadda Abii Axmed ay ka laabato is afgaradka Soomaaliland, balse lama oga waxay ka yeeli doonto haddii laga codsado inay deked kale Itoobiya siiso, inkastoo madaxweyne Xasan Shiikh hore u sheegay in haddii Addis Ababa ay waddada sharciga ah soo marto wax waliba ay fududaan doonaan. Sidoo kale xeeldheereyaasha ayaa qaba in haddii Itoobiya loo oggolaado in dekadaha Soomaaliya mid kamida ay isticmaasho oo ay wax kala soo degto aan wax dhib ahi ka imaanayn, dhaqaalaha labada dalna ay arrintaasi kor u qaadayso, balse saldhig militari iyo lahaansho dhul aan la siin karin sida mida tillaabadii Soomaaliland. Source: goobjoog.com
  11. Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay agagaarka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya. Weerarka oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Naani ayaa waxaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada booliska dalka Kenya, kaas oo goobta lagu dilay. Magaca sarkaalka ayaa waxaa lagu sheegay Deeqow Isaaq Aadan, wuxuuna amniga kala shaqeynayay ciidamada Kenya ee ka howlgala gobolka Waqooyi Bari, gaat ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la dilayay uu waday howlgal amni xaqiijin ah, waxaana weerar gaadmo ah kusoo qaaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo goobta ku dilay, kadibna baxsaday. Dhinaca kale ciidamada Kenya ayaa saaka howlgallo ka wada aagga magaalada Gaarisa, waxayna baadi goobayaan xubnaha Al-Shabaab weerarka ka fuliyay halkaasi. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa aad u xumaa amniga gobolkan, waxaana weerar joogta ah ka fulinayay xoogaga Al-Shabaab, kuwaas oo beegsada xarumaha ciidamada iyo gaadiidka dadweynaha, iyaga oo mararka qaar afduub ka gaysta deegaanada u dhow xadka Soomaaliya. Si kastaba, Kenya oo ka hortageysa dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ayaa iyadana ciidamo badan soo dhoobtay halkaasi, si ay u xoojiyaan amniga, ugana hortaam weerarada Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo DILAY sarkaal sare oo Kenyaan ah kadib markii.. appeared first on Caasimada Online.
  12. Ciyaaraha Olombikada Adduunka 2024 ee lagu qabtay Paris ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay iyada oo si heer sare ah xafladdii xidhitaanku u qabsoontay. Calanka Olombikada ayaa lagu wareejiyay duqa magaalada Los Angeles, halkaasoo ciyaaraha lagu qaban doono afar sano kadib. Xiddiga Hollywood Tom Cruise ayaa soo galay garooonka qaranka ee Faransiiska oo xaflada xidhitaanku ka dhacaysay isagoo wata mooto korna u sida calanka olombikada si ugu qaado Los angeles. Hadalkiisii xidhitaanka xaflada madaxweynaha guddiga caalamiga ah ee Olombikada addduunka Thomas Bach ayaa sheegay in ciyaarahu ay ahaayeen kuwa sanadkan xamaasad leh, isaga si gaar ah carrabka ugu adkeeyey in ay dhaceen xilli adduuku kala qaybsanaa. ayna Olombikadu dhiirigelisay dhaqanka nabadda. Qaran News
  13. In AIPAC’s absence, a Samuels campaign staffer and pro-Israel super PAC donors strategize to oust another Squad member. Source: Hiiraan Online
  14. GARISSA, Kenya (HOL) — A government driver was shot dead on Saturday afternoon in Mandera County, northeastern Kenya, by suspected al-Shabaab militants who then hijacked his vehicle and fled towards the Somalia border, local officials reported. Source: Hiiraan Online
  15. Jalalaqsi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxyada oo ahaa nooc miinada ee dhulka lagu aaso ayaa midka koowaad wuxuu ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka galaya magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada dadk deegaanka. Sidoo kale qaraxa labaad ayaa loo dhigay ciidamo gurmad ah oo u socday bartilmaameedka koowaad, waxaana la kacday miino kale, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhowaad 10 askari oo kamid ahaa ciidamada Macawiisleyda ee ka howlgala degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Xaaladda ayaa maanta ah mid deggan, waxaana haatan degmadaas howlgallo ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo baadi goobaya xubnihii Al-Shabaab ee ee ka dambeeyay weeraradaasi. Hiiraan ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana degmooyinka gobolkaasi dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada huwanta. Al-Shabaab ayaa sidoo kale beegsi ku hayso xarumaha ciidamadaasi, waxaana mararka qaarkood ay ku qaadaa weeraro gaadmo ah oo dhaliya khasaare dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba, Hiiraan oo ay joogaan ciidamo badan oo Macawiisley ah ayaa ah halka uu kasoo bilowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana sababta ay markasta kooxda qaraxyo ula beegsato magaalooyinka waa wayn ee gobolkaas oo hoostaga HirShabelle. The post Wararki ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay JALALAQSI + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu (HOL) – Prime Minister Hamza Abdi Barre has appointed four new Director Generals to head key ministries in the Somali government, according to a decree issued on Sunday. Source: Hiiraan Online
  17. Kigali, Rwanda (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud, along with several other African leaders and delegates, attended Rwandan President Paul's inauguration ceremony on Sunday. Source: Hiiraan Online
  18. Turkish President Recep Tayyip Erdogan spoke over the phone on Sunday with his Somali counterpart Hassan Sheikh Mohamud, discussing tensions between the African country and its neighbor Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  19. Kigali — Rwanda's all-powerful President Paul Kagame was sworn in on Sunday for a fourth term after sweeping to victory in elections last month with more than 99% of the vote. Source: Hiiraan Online
  20. Somalia's National Communication Authority (NCA) has achieved significant milestones by obtaining several prestigious International Organization for Standardization (ISO) certifications. Source: Hiiraan Online
  21. Delegations from Ethiopia and Somalia will meet in Türkiye on Monday as part of efforts, dubbed the Ankara Process, to ease tensions between the two Horn of Africa nations. Source: Hiiraan Online
  22. Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xalay sii balaarisay amar ay Axaddii soo saartay oo ay ku fartay dadka ku nool magaalada Khan Younis ee koonfurta Marinka Qaza, in ay xaafadahooda isaga baxaan. Amarkaasi ayaa ku qasbay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan qoysas in ay xalay saqdi dhexe ay mugdiga ku dhex barakacaan, xilli ay hareerahooda ka dhacayeen madaafiicda taangiyada. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadayaan maleeshiyaad ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegtay in ay ku dhuumaaleysanayaan Khan Younus. Amarka cusub ee daadgureynta dadka ku nool koofyrta Gaza ayaa yimid, maalin kaddib marki ay duqeyn ay ciidamada Isra’il ku beegsadeen xarun iskuul oo ay ku noolaayeen qoysas barakac ah lagu dilay ku dhawaad 100 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza. Magaalada Khan Younis ee ku taal koonfurta marinka Gaza, tilmaamaha Isra’il ee amraya in dadka ay halkaasi isaga baxaan ayaa dhigeysa, in laga baxo dhammaan degmooyinka, bartamaha, bari iyo galbeedka Khan Younis, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah amaradii ugu weynaa ee Khan Younis dadka looga barakiciyo tan iyo marki uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo 10 bilood. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in inta badan shacabka Gaza oo ka kooban 2.3 milyan ay ka barakaceen guryahooda, halka inta badan guryahoodii dhulka lala simay. Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan jirin goobo ammaan ah oo ku taalla Marinka Gaza. Deegaano horay loogu asteeyay in ay yihiin aag ka caaggan madaafiicda Isra’il, sida Al-Mawasi oo ku taalla galbeedka Khan Younis ayay ciidamada Isra’il dhowr jeer madaafiic ku garaaceen, halkaas oo lagu dilay dad badan oo rayid ahaa. VOA + Reuters The post Dadka ku nool Khan Younis oo mar kale lagu amray in ay guuraan appeared first on Caasimada Online.
  23. Shirkadda McDonald’s ayaa go’aansatay in uu dib uga fikirto istaraatijiyadeeda qiimaha iibka, kadib markii ay hoos u dhacday tirada macaamiisha taas oo keentay hoos u dhac ku yimid iibka weyn ee cuntada iyo baaqyadii qaadacaada ahaa ee ka dhashay dagaalka Qasa. Xarumihii furnaa ugu yaraan muddo hal sano ah ayaa la kulmay hoos u dhac xagga iibka ah 1% bilihii Abriil ilaa Juun marka la barbar dhigo sannadkii hore, waana hoos u dhicii ugu horreeyay ee tan iyo xilligii cudurkii Safmarka ee Coronavirus. Hoos u dhaca ayaa yimid inkasta oo shirkadda Hamburger ay bixiso heshiisyo lacag celin ah si ay isugu dayaan inay dib u kasbadaan macaamiisha, iyo sidoo kale in dadka qaar ay qaadaceen McDonald’s dagaalka Israa’iil ee Gaza awgii. Qaadacaadda ayaa bilaabatay kadib markii waddamada Carabta iyo kuwa Muslimka sida Kuwait, Malaysia iyo Pakistan ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen inay ku qaadaceen shirkadaasi sababo la xiriira waxa ay u arkaan in shirkadu ay si cad u taageerto Israa’iil Shirkaddan ayaa la kulantay dhaleecayn kadib markii ay cunno lacag la’aan ah siisay ciidamada Israa’iil bilowgii dagaalka Gaza. Jawaabaha hooseeya ee dalabka ayaa ku qasbay shirkadda inay “si buuxda uga fikirto” qiimaha, ayuu yiri madaxweyne Chris Kempczinski. Kempczinski wuxuu u sheegay maalgashadayaasha shirkadu inay ku tiirsanaan doonaan qiimo dhimis si ay isugu dayaan inay joojiyaan hoos u dhaca iibka. Xigashada Sawirka,EPA Maamulayaashu waxay tilmaameen xayeesiinadii dhawaa, sida $5 ku iibso Cunto ku farax geliso dalka Maraykanka iyo olole kale oo ka socda UK in uu u ogolaanayo macaamiisha inay doortaan saddex shay oo cunto ah oo £3 ah. Dalabaadkaas ayaa la filayaa in la kordhiyo bilaha soo socda. Shirkaddu waxay sheegtay inay kala shaqaynayso shirkadaheeda ganacsi arrimaha ku saabsan dadaallada kale ee “qiimaha. Saamiyada shirkadda ayaa kor u kacay in ka badan 3 boqolkiiba kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay, iyadoo Kempczinski uu sheegay in McDonald’s uu awood u leeyahay in uu ka dhigo istaraatiijiyadiisa mid shaqeyso. “Waynu naqaan sida loo sameeyo taas. Waanu qornay istaraatiijiyadda, waxaanan kala shaqaynaynaa shaqaalaheenna si aan u samayno isbeddellada lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha McDonald Chris Kempczinski. Celcelis ahaan qiimaha Big Mac-ka ee Mareykanka, oo hadda ah $5.29 ayaa kor u kacay 21% tan iyo sanadkii 2019kii, taas oo la jaanqaadaysa xawliga sicir bararka, iyada oo badeecooyin badana ay sare u kaceen wax ka yar intaas. McDonald’s ayaa la kulantay jawaabo ka yimid macaamiisha ka dib markii ay sare u qaadeen qiimaha intii lagu jiray cudurkii Safmarka ahaa ee Coronavirus. Bishii hore, madaxa hawlgallada ee Mareykanka ayaa si rasmi ah uga jawaabay cabashooyinka warqad furan oo macaamiisha ah, isagoo sheegay in baraha bulshada ay bixiyaan sawir aan sax ahayn. Xigashada Sawirka,Reuters Si kastaba ha noqotee, baaq loo jeediyay maalgashadayaasha, Kempczinski wuxuu qiray in shirkaddu ay leedahay shaqo ay ku soo celiso sumcadeeda sida soo jeedinta qiimaha. Kempczinski wuxuu qiray in sare u kaca qiimaha looga jawaabayey sicir bararka, “waxay ku kalliftay macaamiisha inay dib u eegaan caadooyinkooda wax iibsiga “ . Waxa uu sheegay in iyadoo suuqyada qaar ay awoodeen inay la qabsadaan, kuwa kalena, “in ay dib uga fakaraan ay lagama maarmaan ahayd.” McDonald’s ayaa si degdeg ah u kordhiyay qiimaha cuntooyinka muhiimka ah marka loo eego macaamiishiisa, ayay tiri, falanqeeyaha Bank of America, Sara Senatore, iyada intaasi raacisay, “Macaamiishu waa caqli badan yihiin, wayna ogyihiin.” “Cuntada 5ta doolar ah ee ay bilaabeen waxay noqon kartaa bilawga isbeddelka aragtida, laakiin weli ma aynu arag isbeddel dhinaca dhaqdhaqaaqa ah, taasina waa waxa ay u baahan yihiin macamiishu inay arkaan,” ayay tiri. McDonald’s waa shirkaddii ugu dambeysay ee ka digto hoos u dhaca ku yimid kharashaadka macaamiisha, kaas oo laga dareemayo dhaqaalaha dalalka waaweyn sida Shiinaha. Bbcsomali Qaran News