Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq. Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah. Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qoto dheer oo muddo ku dhow qarni soo jiray, sidoo kale waxay labada dal wadaagaan dano badan iyo duruufo iskaashi u baahan xilligaan adag oo labada wadan ay ku jiraan soo kabasho dhanka amniga ah. Source: goobjoog.com
  2. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq. Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah. Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qoto dheer oo muddo ku dhow qarni soo jiray, sidoo kale waxay labada dal wadaagaan dano badan iyo duruufo iskaashi u baahan xilligaan adag oo labada wadan ay ku jiraan soo kabasho dhanka amniga ah. Source: goobjoog.com
  3. Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wareysi siiyay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddada labada sano ah ee u harsan ku qaban karto doorasho kuwii hore ka duwan oo macneheedu yahay qof iyo cod. “Waxaan aaminsahay in haddii la hagaajiyo nabad-galyada, Alshabaabna laga saaro deegaannada ay weli gacanta ku hayaan in la qaban karo doorasho” ayuu Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe, asagoo ka warcelinayay weydiin ahayd ma ballan-qaadi kartaan in doorashado dhacayso. Sidoo kale wuxuu ka hadlay muranka ka taagan isbedelka dastuurka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen, wuxuuna sheegay in ciddii loo xilsaaray dhammaystirankiisu ay wax ka badeshay, howl kastoo la qabanayona ay weligeedba dad dhaliilsani jiri jireen. Doorasho qof iyo cod oo illaa 2015-kii lagu taamayay, Xukuumad walboo timaaddaahina ay ballanqaadka koobaad ka dhiganaysay ayaa ku hirgeli karta dastuurkoo la dhammaystiro, arrinta Soomaaliland oo la xalliyo, iyo dagaalka Alshabaab oo la soo gabagabeeyo. Source: goobjoog.com
  4. Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wareysi siiyay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddada labada sano ah ee u harsan ku qaban karto doorasho kuwii hore ka duwan oo macneheedu yahay qof iyo cod. “Waxaan aaminsahay in haddii la hagaajiyo nabad-galyada, Alshabaabna laga saaro deegaannada ay weli gacanta ku hayaan in la qaban karo doorasho” ayuu Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe, asagoo ka warcelinayay weydiin ahayd ma ballan-qaadi kartaan in doorashado dhacayso. Sidoo kale wuxuu ka hadlay muranka ka taagan isbedelka dastuurka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen, wuxuuna sheegay in ciddii loo xilsaaray dhammaystirankiisu ay wax ka badeshay, howl kastoo la qabanayona ay weligeedba dad dhaliilsani jiri jireen. Doorasho qof iyo cod oo illaa 2015-kii lagu taamayay, Xukuumad walboo timaaddaahina ay ballanqaadka koobaad ka dhiganaysay ayaa ku hirgeli karta dastuurkoo la dhammaystiro, arrinta Soomaaliland oo la xalliyo, iyo dagaalka Alshabaab oo la soo gabagabeeyo. Source: goobjoog.com
  5. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Mudane Dr. Badr Cabdilcaati, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Jamhuuriyadda Masar, kaddib markii uu xilka la wareegay. Axmed Fiqi ayaa muujiyay rajadiisa iyo go’aankiisa ah in uu si wadajir ah ula shaqeeyo si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku dubbaridka arrimaha danaha guud ee labada dal iyo labadooda shacab ee walaalaha ah. Wasiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay habka iskaashiga ah ee lagu wajahayo caqabadaha gobolka iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida ee danaha labada dal. Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah iyo kan dhaqan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isaga oo tilmaamay in iskaashiga iyo wada shaqayntu ay tahay furaha horumarinta danaha guud ee labada dal. Source: goobjoog.com
  6. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Mudane Dr. Badr Cabdilcaati, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Jamhuuriyadda Masar, kaddib markii uu xilka la wareegay. Axmed Fiqi ayaa muujiyay rajadiisa iyo go’aankiisa ah in uu si wadajir ah ula shaqeeyo si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku dubbaridka arrimaha danaha guud ee labada dal iyo labadooda shacab ee walaalaha ah. Wasiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay habka iskaashiga ah ee lagu wajahayo caqabadaha gobolka iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida ee danaha labada dal. Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah iyo kan dhaqan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isaga oo tilmaamay in iskaashiga iyo wada shaqayntu ay tahay furaha horumarinta danaha guud ee labada dal. Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha dowladdaFederaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Masar mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa wada-hadal gaar ah ku yeeshay Khadka Taleefonka. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar sida uu muujinayo Qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wada-hadleen xoojinta Iskaashiga labada dal iyo mideynta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka. “Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay Xaaladda Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  8. Waa kuma Sir Keir Starmer, ninka noqoya Ra’iisul Wasaarah cusub ee UK XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Ninka noqonaya Ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, Sir Keir Starmer, oo 14 sano ka dib xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyey guul taariikhiya 37 Daqiiqadood ka hor Xisbiga Shaqaalaha ee UK, ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday khamiistii taas oo uu helay codadka ugu badan ee barlamaanka aqalka hoose oo ka kooban 650 kursi. Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn. Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo. Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka Noloshisii ka hor siyaasadda Qoraalka sawirka,Sir Keir iyo waayihiisii ​​jaamacadda Sir Keir Starmer, waxa uu ku dhashay magaalada London sanadkii 1962-kii. Waa mid ka mid ah afar carruur ah qoyska Rodney Starmer iyo Josephine. Aabihii wuxuu ahaa qalab-sameeyaha warshad, hooyadiisna waxay ahayd kalkaaliso. Wuxuu ku soo koray degmada Surrey koonfur-bari England, Qoysku waxay ahaayeen taageerayaasha xisbiga shaqaalaha. Hooyadii waxaa inteeda badan nolosheeda la soo daristya xaalad caafimaad darro gaar ahaan xanuunka lagu magacaabo Still’s disease, kaas oo markii danbe ay awooddi wayday inay socoto ayna hadasho. Ninkan wuxuu siyaasadda xisbiga shaqaalaha ku biiray isagoo da’diisu tahay 16sano jar, wuxuuna ku biiray laanta dhalinyarada ee xisbiga. In muddo ah, waxa uu sidoo kale tafatiray majaladda garabka bidix ee xagjirka ah, Socialist Alternatives. Sir Keir, waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee qoyskiisa ah ee taga jaamacad. Waxa uu sharciga ka bartay Leeds iyo Oxford, ka dibna waxa uu ku shaqeeyay qareen ku takhasusay xuquuqda aadanaha. Inta lagu jiro wakhtigan, wuxuu ka shaqeeyay in ciqaabta dilka ah laga saaro wadamo ku yaalla Caribbean iyo Afrika. 2008dii, Sir Keir waxaa laga dhigay Agaasimaha Xeer Ilaalinta Guud iyo madaxa Adeegga Xeer Ilaalinta, taasoo la micno ah inuu ahaa dacwad oogaha ugu sareeya England iyo Wales. Wuxuu shaqadaa hayey 2013-kii. Sanadkii 2014-kii, wuxuu helay abaalmarinta ‘Sir’ oo ay bixiso boqortooyada Ingiriiska taas lagu mutaysto waxqabadka qofka iyo u adeegida dalkiisa. Qoraalka sawirka,Sir Keir Starmer, oo la saaray seefta darajadda ‘Sir’ oo lagu abaalmariyey shaqadii uu qabtay Inuu noqdo hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Qoraalka sawirka,Sir Keir waxa uu hoggaanka xisbiga Labour-ka kala wareegay Jeremy Corbyn Sanadkii 2015-kii, Sir Keir, wuxuu galay barlamaanka isagoo noqday xildhibaan laga soo doortay Holborn iyo St Pancras ee London. Labour-ku wuxuu xilligaas ahaa mucaarad, uu hoggaaminayay siyaasiga garabka bidix Jeremy Corbyn. Waxa uu Sir Keir ka dhigay xil sugaha awasiirka wasaaradda arrimaha gudaha. Ka dib markii UK ay u codeysay inay ka baxdo Midowga Yurub, Sir Keir waxaa laga dhigay xoghayaha hadhka ee Brexit isagoo horseedey afti labaad. Sir Keir, waxa uu fursad u helay in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ka dib doorashadii guud ee 2019-kii taas oo musiibo ku ahayd xisbiga noqotayna guuldaradii ugu xumayd tan iyo 1935 -kii. Arrintaas oo ku qasabtay Jeremy Corbyn inuu iscasilo. Markii uu qabtay hogaanka xisbiga, Labour-ka wuxuu ku ololaynayey qaramaynta shirkadaha tamarta iyo biyaha, iyo in ardayda jaamacadaha wax lagu baro lacag la’aan. Jeremy Corbyn waxa uu Labour u kala qaybiyay kuwa bidix iyo kuwa dhexdhexaadka ah. Sir Keir, waxa uu sheegay in uu doonayo in uu mideeyo xisbiga, balse uu sidoo kale doonayo in uu sii haysto Mr Corbyn. Markii denbe wuxuu saaxiibkiis , Jeremy Corbyn ka joojiyey xubinnimada xisbiga shaqaalaha ee baarlamaanka kadib khilaaf ka dhashay nacaybka kaas oo soo shaac baxay markii Mr Corbyn uu hoggaaminayey xisbiga. Meshii uu Sir Keir ka taagnaa qodobadan Inkastoo uu sheegay ololihiisii hogaaminta, Sir Keir waxa uu xisbiga u jiheeyay dhanka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo. Waxa uu ka tagay siyaasaddo badan oo qaali ah, isaga oo tixraacaya xaaladda liidata ee dhaqaalaha guud ee UK, isaga oo ilaalinaya dhowr qorsheyaal ah. Qaramaynta Sir Keir, waxa uu meesha ka saaray soo jeedintiisii hore ee ahayd in la qarameeyo shirkadaha tamarta iyo biyaha. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ballan qaaday in uu ku dhawaad dhammaan adeegyada tareenada rakaabka uu dib ugu soo celin doono lahaanshaha dadweynaha shan sano gudahood, iyada oo hoos imanaysa shirkad cusub oo lagu magacaabo Great British Railways. Waxbarasho Sir Keir, ayaa ka tanaasulay ballan qaadkiisii hore ee ahaa in uu meesha ka saarayo kharashka waxbarashada ardayda kulliyaddaha, isaga oo sheegay in dawladdu aanay awoodi doonin in ay bixiso. Wuxuu u sheegay BBC bishii May: “Waxay u badan tahay inaan ka gudubno ballanqaadkaas sababtoo ah waxaan ku jirnaa xaalad dhaqaale oo ka duwan.” Qoraalka sawirka,Sir Keir iyo xaaskiisa Victoria oo dhinac taagan xilli ay ku sugnaayeen xaflad Deegaanka Xisbiga Shaqaaluhu waxay dib u dhigeen ballan qaad ay sameeyeen 2021-kii si ay ugu kharash gareeyaan £28bn ($35bn) sannadkii mashaariicda tamarta cagaaran, laakiin waxay ku adkaysan doontaa ballanqaadyada ay ka midka yihiin dhismaha beeraha dabaysha iyo horumarinta warshadaha baytariga ee baabuurta korontada. Tani waxay keentay in xisbiga Konserfatifka uu ku dhaleeceeyo inuu isku dayayo inuu “ka leexdo” go’aan siyaasadeed muhiim ah. Dhawaan, Sir Keir waxa uu ballan qaaday in uu ku maalgashan doono £8bn tamarta cagaaran iyada oo loo marayo shirkad cusub oo lagu magacaabo GB Energy. Waxa kale oo uu ballan qaaday in uu gebi ahaanba shidaalka ka saari doono korontada UK marka la gaadho 2030. Khubaro badan ayaa aaminsan in aan taas la samayn karin. Israa’iil iyo Gaza Kadib weerarkii Xamaas ee Israa’iil bishii Oktoobar 2023, Sir Keir waxa uu taageeray hawlgalladaIsraa’iil ka wado Qasa iyo xaqa ay u leedahay in ay is-difaacdo. Tani waxay ka caraysiisay codbixiyeyaal badan oo taageersan Falastiin, wuxuuna la kulmay kacdoon ka yimid tobaneeyo xildhibaan oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha oo ku baaqay xabbad joojin degdeg ah. Ninkan wuxu kale oo taageeray duqeynta UK ay ku hayso Xuutiyiinta Yemen, taasoo jawaab u ah weerarrada ay kooxdan ku qaaday maraakiibta lagu xiririnayo Israa’iil. Yurub Sanadkii 2019, Sir Keir wuxuu riixay afti labaad oo ku saabsan in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub iyo in kale. Hadda waxa uu sheegay in aanay jirin su’aal ah in dib loogu noqdo Brexit, laakiin waxa uu sheegay in uu kala hadli doono Midowga Yurub heshiisyada iskaashiga ee waxyaabaha ay ka midka yihiin cuntada, heerarka deegaanka iyo shaqada. ‘Waan necbahay guuldarada’ Qoraalka sawirka,Sir Keir waa taageere kubbadda cagta jecel Sir Keir Starmer, oo hadda noqonya Ra’iisul wasaaraha Uk, ayaa marar badan oo hore sheegay inuu neceb yahay guuldarrada. Waxa uu mar u sheegay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa UK: “Waan necbahay guuldarada.” Mararka uu bixinayo waraysiyada, Sir Keir, wuxuu wax yar ka bixiyaa shaqsiyadiisa Sir Keir, wuxuu guursaday xaaskiisa, Victoria Alexander, sanadkii 2007-dii, xaaskisa ayaa u shaqaysa haya’adda NHS. Waa qoys leh labo carruur ah. Ninkan noqonaya Ra’iisul wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, ayaa taageer u ah kooxda kubada cagta ee Arsenal. Qaran News
  9. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markale ku celiyay muhiimada ay Itoobiyaanka u leedahay helitaanka bad, isaggoo xusay in xitaa Soomaaliya ay badda kaga beddelan karto wax soo saarkooda khudaarta. Abiy ayaa si cad u sheegay in is-afgaradka Somaliland uusan aheyn xad-gudub ka dhan ah midnimada, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu ixtiraamayo madax-banaanida Soomaaliya. “Waxaad imaan kartaan Addis Ababa, diyaar ayaa u nahay in aan idinla hadalno, mana rabno in Soomaaliya burburto ama kala qeybsanto,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya diyaar u tahay wax isdhaafsi, ayna ogoshahay in wax soo saarkeeda gudaha ay ku dhaafsato marin baddeedka ay rabto, si buu yiri kor loogu qaado wada noolaanshaha. “Baahida ay Itoobiya qabto waa adeeg baddeed, taasina waxaan u mareynaa waddo nabad-galyo iyo wada-hadal. Soomaaliya iyo dalalka deriska waxay leeyihiin adege baddeed laakiin sida Itoobiya wax ma u beeran karaan, anagu waxaan nahay dhul caro-san iyo biyo badan leh,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Haddii Khudaarta noogu beddelaan biyaha badda waxba kuma jabna waa arrin ganacsi, waa mid faa’iido u ah guud ahaan gobolka iyo mustaqbalka caruurteenna. Haddii naloo diido tabashadayada in la dhageysto waxay noqon doonta mid xilligeeda sugto.” Sidoo kale waxa uu ku dooday in Itoobiyaanka ay ka shaqeynayaan nabadeynta Soomaaliya, oo aysan ku howlaneyn taas bedelkeed, “Itoobiya ma rabto kala tega Soomaaliya; uma hurteen caruurteedii hadday taas rabto.” Ugu dambeyntiina wuxuu ku taliyay “in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka.” The post Abiy Ahmed oo shaaciyay arrin ay Soomaaliya uga beddelan karto badda appeared first on Caasimada Online.
  10. Dawooyinku waa laf dhabarta daryeelka caafimaadka casriga ah. Haseyeeshee kiimikooyinkan awoodda weyn lihi waa sidii seefo laba af leh oo wax bogsiin kara waxyeelo badanna keeni kara haddii aan si taxadar leh loo isticmaalin. Maxamed Cismaan oo dawayaqaan ahi wuxuu faaqidayaa halisahaas ku lammaan iyo jidka bulshada u furan Nidaamka maaraynta silsiladda sahayda daawooyinka ee waddanka ayaa ah mid aan shaqaynayn oo badanaa sababta in dawooyin lagamamaarmaan u ah goobaha caafimaadka oo waaweyn si kedis ah looga waayo. La’aanta nidaam isku dhafan oo sahayda farmashiyaha ah, oo ay weheliso maqnaanshaha nidaam xoog leh oo macluumaadka, qiyaasta, iyo soo iibsiga ah, ayaa horseed u ah carqaladahan, sida ku cad isla siyaasadda caafimaadka ee qaranka ee 2022. Maxay Qaban Kartaa Bulshadu? Bulshada Somaliland waxaa ka maqan ma aha dawayaqaanno keliya, balse waa nidaam sharci oo dhammaystiran kaas oo kormeera dhammaan qaybaha kala duwan ee dawooyinka. Shaqsiyaadkan soo dejiya dawooyinka tayadoodu hooseyso, iibiya dadkana si toos ah iyo si dadbanba ugu waxyeeleeyaa waa isla dad ka mid ah bulshada. Haddaba arintan waxaa hirgelin kara oo keliya dawladda. Markaa waxaad is weydiinaysaa, marka dawladdu waxqabad wax-ku-ool ah aanay ka qaban arrintan iyadoo haddana ku iftiimisay khataraha mushkiladahan siyaasaddeeda qaran ee caafimaadka ee 2011 iyo 2022, bulshadu maxay samayn karaan? Waxay samayn karaan dhawrkan arrimood: Waxa loo baahan yahay horta bulshadu inay fahanto baaxadda ballaadhan ee arrimahan iyo raadka sii jiitamaya ee ay ku yeelanayaan bulshada. Dhibaatooyinkan ayaa ah kuwo saamaynaya dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, yar iyo weyn, miyi (in kastoo miyiyada Somaliland ay ka sii daran tahay sidan oo daryeel caafimaadba aanay helin) ilaa magaalo, iyada oo keenta bogsashada cudurrada oo waqti dheer qaadata, kharashka daryeelka caafimaadka oo kordha, iyo guud ahaanba tayada nolosha oo hoos u dhacda. Bulshadu cid walba oo ka mid ahi waa inay ogaataa masuuliyadda ugu horreysaa in ay tahay ta nafahooda oo waa inay iska ilaaliyaan dawooyinkan ay iska soo iibsanayaan iyagoon dhakhtar dhab ah (kama hadlayo ganacsadayaasha dukaannada farmasiiga ah ku haysta xaafadaha dhexdooda) u tagin oo aan caadi loo shaybaadhin dabadeed ay iska liqayaan. Bulshadu waa inay codkooda maqashiiyaan dawladda iyagoo isticmaalaya baraha bulshada, warbaahinta, telefishannada, iyo habab kale oo silmi ah si kor loogu qaado wacyiga bulshada isla markaana loogu ololeeyo isbeddel wax-ku-ool ah. Sheekhyadu waa inay kaga hadlaan arrintan khudbadahooda, iyagoo adeegsanaya saameyntooda si ay kor ugu qaadaan wacyiga dadka iyagoo u iftiiminaya muhiimadda caafimaadka, xasuusinaya dawladda in masuuliyadda bulshadu ay saaran tahay dushooda gaar ahaan kuwa masuulka ka ah qaybaha caafimaadka, aakhirana la waydiin doono. Maadaama ay soo dhowdahay doorasha madaxweynaha ee dalku bulshadu waa inay ka dhigataa halbeeg ay codka ku bixinayso arrimahan la xidhiidha dawooyinka iyo weliba arrimo kale oo ay bulshada u baahan tahay si ay ugu codeeyaan musharaxiinta kana feejignaadaan cod bixinta ku salaysan reer, qabyaalad iyo ina adeernimo aan waxba u soo wadin horena aan waxba ugu soo tarin.. In lala shaqeeyo lana dhiirrigeliyo ururka dawayaqaannada Somalailand oo maalamahan dambe laga arkayo dhaqdhaaqyo uu ku doonayo isbeddel. Qaran News
  11. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay sagaal sano jir in ay ahayd isla markaana la la’aa nolol iyo geeri muddo bil ka badan ayaa meydkeeda laga helay meel miyi ah oo u dhow degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Gabadha oo ehelkeedu sheegeen in ay habowday ayaa muddo laga baadi goobayay dhulka howdka ah, iyado raadinteedana ay ka qayb qaateen boqollaal dad iyo gaadiid ah oo isugu jira ehelo iyo laamaha ammaanka ee deegaanka. Gabadha yar oo lagu magacaabayay Nasro Cabdillaahi Aadan ayaa xilliga ay habaabeysay sidatay jeeg ay caano ku jiran oo loogu dhiibay guri ehelada ah oo aan aqalka ay joogtay ka fogeyn balse ay hareer martay. Ugu dambeyn waxaa soo helay ama arkay nin geel- baadigoobayay kaas oo ugu dambeyn dhawaaqa geerida ee Nasra soo gaarsiiyay ehelada iyo maamulka deegaanka. Dadkii halkaa tagay waxaa ka mid ahaa Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) oo ah taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland waxaana uu markii horeba kamid ah dadkii raadinayay Nasra muddada ay maqneyd isaga oo BBC-da uga warramay wixii ay soo arkeen. “Hawdka lagasoo helay meydka gabadha waa meeshii ugu dambeysay raadkeeda, anaguna waan ka raadinnay ilaa shan boqol oo qof wey galeen hawdkaas balse cid Meesha ay taallay weli tiri waan maray ma jirin, agagaarradeeda oo dhan waalla maray oo laga raadiyay oo ugu dambeyn geel-jirahan ayaa soo arkay”, ayuu yiri taliye Dhiidhaco. Taliyuhu waxa uu sheegay in uu kusoo war geliyay laamaha ammaanka iyo ehelada intii uu yaqaannay maadaama ninku uu ahaa qof deggeen deegaanka isla markaana ogaa gabadha maqan ee la baadi goobayay. “Meesha waxa aan ugu tagnay meydkii gabadha oo kala daatay iyada oo qalfoof noqotay waxa ay Meesha taallay in kabadan bil, waxa saarnaa dharkeediiwaxa saarnaa dharkeedii waxaana ag yaallay jeeggii caanaha ee ay la habowday”, ayuu sii raaciyay Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland. Waxa uu tilmaamay in meeshu ay tahay hawd ciriiri ah isla markaana ay gawaarida dhigteen meel ka yara durugsan halka uu yaallay meydka Nasra Cabdillaahi oo ay gudaha hawdka ku lugeeyeen taas oo ay adkeyd in si caadi ah loogu dhex socdo. Aabbaha dhalay Nasra oo BBC-da la hadlay ayaa laftiisu sheegay in baadi goobka gabadhu uu in muddo ah socday balse ugu dambeyn ay heleen warka ah in lasoo arkay meydkii gabadhiisa. Waxa uu sidoo kale faah-faahin ka bixiyay sababta keentay geerida gabadha iyo haddii ay jiraan baaritaanno arrinkaa ku saabsan oo la smaeeyay. “Gabadha yar waxa ay ku nooleyd meel miyi ah, kadib markii caanaha loogu dhiibtay guri kale oo eheladu ay deggenyihiin ayey habowday oo hareer martay gurigii uma maleyneyno in ay jirto sabab kale laakiin kaliya waxa ay u dhimatay harraad iyo gaajo”, ayuu yiri aabbe Cabdillaahi Aadan. “Laamaha ammaanku waxa ay sameeyeen baaritaanno marka lagu daro wixii lasoo arkay iyo halka uu ku dambeeyay raadka gabadha ma jirto sabab kale oo inoo muuqata”, ayuu sii raaciyay. Sidoo kale waalidka Nasra waxa ay sheegeen in aysan jirin wax xanuun ah ama mid jireed ama mid dhimirka ahba oo ay ku ogaayeen in aysan jirin isla markaana ay caafimaad qabtay. Dhinaca kale Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland waxa laftiisu sharraxay baaritaannada ay ku sameeyeen il aiyo haatan geerida Nasra Cabdillahi Aadan oo sagaal jir ahayd. “Gabadhu waxa ay ahayd ilmo habaabay wadankuna hadda dhibaato amni kuma ogin, laakiin Meesha ay ku habowday ayaa ahayd hawd ciriiri ah oo aysan sahlaneyn in si fudud looga helo, Bacaadweyn Burtinle Galkacyo iyo meelo badan ayaa lagasoo gurmaday oo lawada raadiyay laakiin waxaa qorneyd in hadda lahelo”, ayuu yiri Taliye Dhiidhaco. Nasra sida uu sheegay aabbihii dhalay waxa ay ahayd gabadh yar oo ku dhalatay kuna kortay miyiga isla markaana aan helin waxbarasho iyo fursadaha kale ee nolosha magaalada walow ay da’deedu aad u yareyd. Isha: BBC The post Dhacdo argagax leh: Nasra oo muddo la weysnaa oo meydkeeda laga dhex helay… appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) - A delegation led by Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre arrived in Baghdad, the capital of Iraq, on Thursday for an official visit. Source: Hiiraan Online
  13. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku dhowaaqday inay diyaar u tahay dhex-dhexaadinta Ruushka iyo Ukraine, si loo soo afjaro colaadda daba dheeraatay, xilli maalmo kahor ay Ankara ku marti-gelisay wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha dowladda Turkiga, Racep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in Ankara ay diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato dhameynta colaadda Ruushka iyo Ukraine. Hase ahaatee dalabka Erdogan ayaa waxaa ku gacan-seyray Ruushka, kadib markii afhayeen u hadlay Putin uu sheegay in Erdogan uusan dowr dhex-dhexaadineed ka ciyaari karin soo afjaridda dagaalka 28-ka bil socda. Erdogan oo la hadlayay Putin mar ay ka wada qeyb-galeyeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo. Laakin afhayeenka Putin, Dmitry Peskov ayaa arrintaasi meesha ka saaray. Mar uu la hadlayay TV laga leeyahay Ruushka, ayuu sarkaalkan ku gaabsaday “Maya” suurtaga ma ahan. Ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku aaddan sababta Ruushka uu ku diidayo in Turkiga uu dhex dhexaadiyo labada dhinac waa Kyiv iyo Mosco. Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada-hadleen dagaalka Gaza iyo sida ugu habboon ee loo soo gaba gabeyn karo colaadda Siiriya. The post Kadib dhex-dhexaadintii Somalia iyo Itoobiya, Turkiga oo qaaday tallaabo cusub appeared first on Caasimada Online.
  14. As Kenya reels from deadly anti-tax riots that have rocked east Africa’s most advanced economy, the target of protesters’ anger remains starkly clear in murals on the walls of central Nairobi — and it is not just the government. Source: Hiiraan Online
  15. A team staff from Mogadishu University is currently in Poland seeking collaboration with EU universities. Source: Hiiraan Online
  16. Somalia on Wednesday launched a special week to showcase its marine resources potential, demonstrating the government's commitment to foster a vibrant blue economy. Source: Hiiraan Online
  17. Egypt’s President Abdel Fattah al Sisi received, Thursday a phone call from President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud. Source: Hiiraan Online
  18. Prime Minister Abiy Ahmed told lawmakers today that it was not necessary for the government neighboring Somalia to go around other countries to accuse Ethiopia when issues between Ethiopia and Somalia due to the former’s attempts to secure direct access to the Red Sea, can be settled with “one hour flight and one our discussion with us. Source: Hiiraan Online
  19. Canada head coach Jesse Marsch said Thursday he was unperturbed by his team's misfiring attack ahead of the Copa America quarterfinal against Venezuela. Source: Hiiraan Online
  20. Minneapolis (Caasimada Online) – Gudaha Mareykanka ayaa waxaa laga hadal hayaa khudbad uu jeediyay raysal wasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, xilli uu ka qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Minneapolis. Khayre ayaa ka hadlay ammaanna ujeediyay bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ku dhaqan, gaar ahaanna xildhibaannada asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda. Baaqyo ayuu usoo jeediyay dhalinyarada wax ku baratay halkaas, isagoo ku boorriyay inay dalkooda wax u bartaan. Hase yeeshee, warbaahinta Mareykanka ayaa aad wax uga qoray qeyb ka mid ah khudbadda Khayre, taasoo uu ku ammaanay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka. “Xildhibaan Ilhaan Cumar oo magaca Soomaaliya qalin dahab ah ku qortay. Qaddiyadda Ilhaan ma aha mid Ilhaan, maha mid Minnesota, maaha mid reer Mareykan, qaddiyadda Ilhaan waa qaddiyad Soomaaliyeed. Guusha Ilhaan waa guusha Soomaaliyeed waxayna noo xambaarsan tahay macno weyn,” ayuu yiri Khayre. “Waxaan idinka codsanayaa inaad hiil iyo hoo la garab istaagtaan, ku taageertaan codkiinna, deriskiinna, saaxiibbadiin iyo cid walboo aad taqaannaan u sheegtaan inay u codeeyaan Ilhaan,” ayuu intaa ku daray. Maxaa loo hadal hayaa hadalka Khayre? Koox korjoogteyn ah ayaa shalay cabasho ka gudbisay Ilhaan Cumar iyagoo ku eedeeyay inay anshaxa meel uga dhacday. Ururka Isla xisaabtanka Mareykanka ee AAF ayaa sheegay in hadalka Khayre uu meel uga dhacayo sharciga ololaha doorashada heer federaal. “Waxaan aad uga walaacsannahay isu soo baxa ololaha doorashada sharci-darrada ah ee Ilhaan ay la sameysay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya. Ilhaan waxay leedahay taariikh dheer oo ah hadalladeeda muujinaya ku qanacsanaan la’aanta Mareykanka iyo u janjeeridda Soomaaliya, balse tan way ka shisheysaa hadallo,” ayay AAF ku sheegeen warkooda. “Haatan ololaheeda waxaa ka dhacay in hoggaamiye ajnabi ah uu ku lug yeeshay doorasho Mareykan. Waa inay is casishaa si degdeg ah ayna soo celisaaa doollar walba oo loogu ururiyay isu soo baxeedan ceebta ah,” ayaa intaas la sii raaciyay. Muxuu xafiiska Ilhaan ka yiri arrintan? La taliyaha dhanka ololaha ee Ilhaan Cumar, David Mitrani ayaa hadalkaasi degdeg uga jawaabay, isagoo yiri, “Cabashadan anshaxa waa isku day kale oo kooxaha midig-fog ay ku waxyeeleynayaan haweeneyda Kongareeska.” “Ololaha Ilhaan wax lug ah kuma laha codsashada, isku xirka, amaba ka shaqeynta ka qeybgalka Khayre amaba hadalladiisa, mana jirin in sharciga meel looga dhacay,” ayuu yiri. AAF ayaa xafiiska anshaxa ee Kongareeska ka codsaday inuu baaritaan ku sameeyo Ilhaan. Waxay ku eedeeyeen in Ilhaan ay “ku talogal u aqbashay kaoso muuqashada Khayre ee ololaheeda”. Sidoo kalena inuu cod u raadiyay Ilhaan. Horraantii sanadkn, xildhibaan sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar oo Congress-ka ku matasha gobolka Minnesota inay is casisho kadib khudbad ay ka jeedisay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis. Ilhaan Cumar oo 27-kii January hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri: “Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.” Arrintan ayaa dood ka dhalisay gudaha Mareykanka, iyadoo dadka cambaareeyay hadalkeeda ay ku tilmaameen inay danaha Soomaaliya ka hormarisay kuwa Mareykanka. “Hadallada carada leh ee Ilhaan Cumar ee Soomaaliya ay muhiimadda ku siisay waxay dharbaaxo wejiga looga dhuftay ku yihiin dadka Minnesota ee iyada loogu doortay inay u adeegto waxayna carqaladeyn toos ah ku yihiin dhaarteeda xafiiska,” ayuu yiri xildhibaan Tom Emmer oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X. “Waa inay ceeb darteed isu casishaa,” ayuu sii raaciyay. Ilhaan oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee Congress-ka loo doorto, ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”. Muuqaalkeeda oo lasoo dhigay barta X ayaa waxaa daawaday malaayiin qof, waxaana aad loo hadal hayay gaar ahaan hadal loo tarjumay sidan: “Soomaali ahaan, mar baan ka daba tegi doonnaa dhulalka naga maqan.” Ilhaan ayaa jawaab ay arrintaas uga bixisay barteeda X waxay ku tiri “Keliya maaha mid hal dhinac ah balse gebi ahaanba waa mid ujeeddada ka baxsan,” ayay tiri Ilhaan. Isha: BBC The post Hadal Kheyre uu ku sheegay Minneapolis oo hadal hayn ka abuuray Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  21. Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guuleystay aqlabiyadda doorashada guud dalka UK si uu u soo dhiso dowlad cusub kaddib 14 sanno oo ay Ingiriiska hoggaaminayeen xisbiga Conservative-ka. Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn. Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo. Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Xisbiga Shaqaalaha oo ku guulaystay doorashada dalka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  22. 449145226_859757119510728_1558639176184845458_n Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka. Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar. Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah. Xasan Sheekh iyo Cabdulfataax Al-siis wadahadalkooda ku muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya. Madaxweyne Cabdulfataax Al-siis ayaa u rajeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo amni. Masar iyo Soomaaliya ayaa ah saaxiib dhow, waxayna labada dowladood ka mideysan yihiin dagaalka Itoobiya, mar kastana madaxweynayaasha labada dal waxay ka wadahadlaan sidii ay u samey lahaayeen iskaashi ka dhan ah Itoobiya. Wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Masar ayaa ku soo aadaya xili maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka hadlay xiisada kala dhaceysa Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ka dalbaday inay wadahadal ogolaadaan, isla markaana ay qudaartooda uga bedeshaan badda. The post Xasan Sheekh iyo Cabdulfataax Al-siis oo ka wadahadlay arrimo xasaasi ah, xili maanta Abiy… appeared first on Caasimada Online.
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar. Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyey horumar iyo amni. Source: goobjoog.com
  25. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka qayb galay shirka Madasha Dadaallada Xasilinta & soo kabashada deg-degga ah ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, isagoo ka hadlay qorshaha Galmudug uga degsan xoreynta deegaanada ku haray gacanta kooxda. Madaxweynaha ayaa sheegay in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab loo diyaar garoobay, dhowaana ay geli doonaan, isla markaana la xorey doono deegaano cusub. “Galmudug waxay hoggaami doontaa wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, deegaano badan oo la xoreeyey ayaa la gaarsiiyey adeegyadii bulshada, deegaanada maqana waxaan isugu dari doonaa xoreyn iyo gurmad aan gaarsii doono shacabka ku dhibaateysan,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Wuxuu sheegay in Galmudug ay ka faa’iideysatay wajigii koowaad ee dagaalka oo lagu xoreeyey dhul badan, deegaanada xortaha wuxuu sheegay Madaxweynuhu inay gaartay dabeyl caafimaad, “inta aan xorta aheyn waxaa naga go’an inaan cadowga ka dulqaado, si ay bulshadooda uga mid noqdaan oo nolol u helaan,” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa dowladda federaalka ku amaanay sida ay uga go’antahay in Shabaab laga ciribtiro dalka, isagoo balan ku qaaday in Galmudug ay ka faa’iideysa doonto fursadda ay siineyso dowladda federaalka ee dalka looga xoreynayo argagixisada. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayuu madaxweynuhu kaga mahadceliyay howshii wanaagsaneed ee laga qabtay deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaatijta ah, isagoo sheegay in dagaalku socon doono, kuwa kalana laga xoreyn doono argagixisada. Shirka uu maanta Qoor Qoor hadalkaan ka jeediyey waxaa ka qayb galay wafdi ka socday Beesha Caalamka, gaar ahaan UK, US-AiD, UNSOM, UNDP, IOM iyo ATMIS, waxaana shirkaan lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Hoos ka daawo The post Daawo: Qoor Qoor oo war culus ka soo saaray wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.