Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Bam Gacmeed lagu weeraray xarun lagu tababaro Ciidamada dowladda oo ku taalla magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Weerarkan oo dhacay Xalay Fiidkii hore ayaa waxaa ku dhintay Askari ka tirsanaa Ciidankii ku tababaranayay halkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo Shabelle ay la xariirtay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi. Sidoo kale waxaa weerarka kadib xaafado ka tirsan degmada Jowhar Ciidamada ammaanku ay ka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kuwaas oo illaa saaka Ciidamadu ka wadaan magaaladaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo madaxda HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Jowhar ayaa aheyd mid dagan, iyadoo Ciidamada amnigu ay muujinayeen feejignaan dheeri ah. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Al Shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen M/Muqdisho. Howlgalka oo ka dhacay degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu soo qabtay ninkan oo lagu eedeeyay dilal ka dhacay caasimadda. Sidoo kale NISA ayaa shaacisay in ninkani Al Shabaab uu uga howlgali jiray degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee magaalada Muqdisho. “Ciidanka amniga ayaa gacanta kusoo dhigay Xubin Amniyaatka Al Shabaab ah oo ku sugnaa degmada Shibis. Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka danbeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaystay ayuu lagu yiri War kasoo baxay NISA. Qoraalka ay soo saartay hay’adda nabad sugida Soomaaliya, laguma shaacin magaca eedeysanaha la soo qabtay. Howlgalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe Ciidamada dowladdu baaritaano lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadeen guud ahaan G/Banaadir. View the full article
  3. Qaahira (SMN) – Mudane Abdi Fattah El-Sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudanayaasha, Madaxweyneyshaasha, iyo Madaxda hoggaaminaysa wufuudda; Mudane Musa Faqi, Madaxa Koomishinka Midowga Afrika, Ugu horrayn, waxaan rabaa fursaddan inaan uga faa’idaysto inaan Madaxweyne Abdi Fattah El-Sisi uga mahadceliyo soo dhawayntii diiranayd iyo martisoorkii qurxoonaa ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyey markii aan nimi magaaladan qurxoon ee Qaahira. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan Madaxweyne El-Sissi uga mahadceliyo qabanqaabada kulankan muhiimka ah ee ku saabsan dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Suudaan. Maanta waxaan halkan u wada joognaa shir-madaxeedkan wadatashiga ah ee ay isugu yimaaddeen saaxiibbada gobolka kuna saabsan xaaladda Dalka Suudaan oo dhammaanteen, daris ahaan iyo guud ahaan Qaaradda Afrika, muhiim inoo ah. Xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada Suudaan waxay lagama maarmaan u tahay nabadda iyo amniga qaaradda. Suudaan waxay si gaar ah ugu taallaa quluubta iyo maanka dadka Soomaaliyeed oo waxay taageero la garabtaagnayd nabadda iyo xasilloonida dalkayga. Aniga oo dareensan doorka ay Jamhuuriyadda Suudaan ku leedahay qaaraddeenna, dowladda Soomaaliyeed waxay taageersan tahay himilooyinka iyo doonista shacabka Suudaan ee ku aaddan nabadda, amniga iyo inay si buuxda u adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed. Waxaan ku kalsoonahay qaangaarnimada siyaasadeed iyo xikmadda dadka reer Suudaan, waxaannu aaminsannahay inay heshiis ka gaari doonaan wanaagga dalkooda. Waxaan tixgelinayaa hadalkii uu jeediyay u qaabbilsanaha Suudaan. Waxaan sidoo kale soo dhawaynayaa warbixintii uu inoo jeediyay Madaxa Midowga Afirka, taasi oo ahayd mid dhammaystiran oo xog rasmi ah xambaarsan kuna saabsan xaaladda haatan ee Suudaan. View the full article
  4. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-24042019.mp3 View the full article
  5. Waxaa Muqdisho talaadadii lagu soo gabagabeeyey Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ku saabasanaa (Kaalinta Culimada Ee adkaynta Amniga & Dhab-U-Heshiinta Dalka). Halkan Ka Akhriso, Bayaankii Ka Soo Baxay? Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxa ay si weyn ugu faraxsan tahay in si habsami leh uu ugu qabsoomay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ku saabasanaa (Kaalinta Culimada Ee adkaynta Amniga & Dhab-U-Heshiinta Dalka) “دور العلماء في مسيرة الأمن والمصالحة في الصومال” Shirweynahaan waa kii 2-aad ee noociisa ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, intii u dhaxeysay 21 – 23 ka April 2019. Wasaaraddu waxa ay bogaadinaysaa kasoo qayb galka dhammaan Culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobollada dalka iyo dibeddiisaba si ay kaalintooda uga qaataan adkaynta ammaanka iyo Dhab-u-heshiinta dalka, Wasaaraddu waxaa kale oo ay u mahad celinaysaa xarunta ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka ee Rabshadaha Wata – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Shirweynahaan ka socday muddoda seddexda maalmood ah magaalada Muqdisho, waxaa ka soo baxay qodobadan hoos ku qoran: 1- Waxaa la isku raacay in Shirweynaha culimada Soomaaliyeed uu noqdo shir sanadle ah. 2- Waxay Culimadu isku raacsan yihiin in Soomaliya ay tahay Dal Muslim ah, Sunni ah, mad-habkeeda Fiqhiga ahina yahay mad-habka shaaficiga. 3- Waxay Culimada Soomaaliyeed isku raaceen in shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdiisuba ay yihiin dad Muslimiin ah, sidaa daraaddeed kooxaha bannaystay gaalaysiinta iyo dilkoodaba ay yihiin kuwa baal marsan Diinta Islaamka, waajibna ay tahay in meel looga soo wada jeesto. 4- Waxay sidoo kale culimadu isku raaceen in ay xaaraam tahay in la maal-geliyo, la taageero, gabbaad lasiiyo ama la gacan-siiyo ururrada/kooxaha xagjirka ah ee hubaysan. 5-Waxaan ugu baaqaynaa Kooxaha aaminsan caqiidada gaalaysiinta dadka muslimiinta ah in ay Allah u towbad keenaan joojiyaanna gaaleysiinta ummada Soomaaliyeed. 6-Culimadu ayagoo gudanaya dawrkooda diiniga ah waxa ay dardar galin doonaan in ay kala shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed ka hortagga iyo daweynta xagjirnimada. 7- Shirweynaha Culimada waxaa uu adkeynayaa in la hirgaliyo qorshaha Dhab u heshiinta umadda Soomaaliyeed iyo in laga shaqeeyo siyaasadeed dhab u heshiisiin oo hirgasha. 8-Waxaan adkaynayaa in si deg deg ah loo ansixiyo Xeerka Dhismaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Soomaaliya, lana dhiso Golaha Sare ee Arrimah Islaamka si culumada soomaaliyeed u gutaan kaalintooda sida ugu habboon; 9- Waxaan ku baaqaynaa in la adkeeyo midnimada iyo dhaxalka sooyaalka diimeed ee ummadda soomaliyeed ay leedahay. 10-Waa in si deg deg ah loo dhameystiro dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si nidaam garsoor oo huffan loo helo; 11- Waxaan ku baaqaynaa in la xoojiyo wadajirka iyo midnimada Culimada Soomaaliyeed ayna meel ugasoo wada jeestaan wacyigelinta bulshada ee ku aadan baal marsanaanta dinnta ee kooxaha dhiiga ummadda banaystay. 12- Waxaan adkaynaynaa in Wasaaradda awqaafta iyo Arrimaha Diinta & Culimada Soomaliyeed ay hubiyaan xeerarka iyo Dastuurka Dalka, si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta shareecada Islaamka. 13- Culimadu waxay ku baaqayaan in la adkeeyo ilaalinta anshaxa & aadaabta islaamka iyo ka foogaanshaha wararka been abuurka ah ee bulshada lagu marin habaabinayo. 14- Waxaan sidoo kale si cod dheer ah ugu baaqaynaa in la dhiso hay’adda wanaag-faridda iyo xumaan reebista. 15- Culimadu waxay adkaynayaan n la xoojiyo kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan Horumarinta Bulshada, nabadeynta iyo barbaarinta 16- Culimada Soomaaliyeed waxay ugu baaqayaan beelaha Soomaliyeed ee iska hor imaadyadu ka jira in ay joojiyaan colaadaha iyo dhiigga walaal ee ay sida xaqdarrada ah isaga daadinayaan. 17-Waxay culimada soomaaliyeed ugu baaqayaan madaxda dawlad gobolleedyada dalka in ay ka fogaadaan khilaafaadka dib u dhac ku samayn kara, ilaaliyaan midnimada dalka iyo dadka, ismaandhaafka siyaasiga ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal, is aqbalaad iyo isu tanaasul. 18- Waxay Culimadu soo dhawaynayaan dadaallada wacyigalineed ee ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada ee ay wadaan ha’adaha dawladda. 19- Culumadu waxay ugu baaqayaan Dowladda in ay dedejiso meel marinta hindise sharciyeedka la dagaalanka xagjirnimada iyadoo lagala tashanayo culumada. 20- Waxaan ku baaqaynaa in la meelmariyo baaqii, fatwadii iyo dardaarannadii kasoo baxay shirkii kan ka horreeyay ee magaalada Muqdisho lagu qabtay sanadkii 2013. 21- Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa tawbad keen iyo Alle u laabasho loo dhan yahay iyo in la sameeyo roob-doon dalka oo dhan ah. Waxaan Allaah weydiisanaynaa in uu ummadda Soomaaliyeed siiyo Nabad waarta iyo Nolol wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada NISA ayaa shaaciyay inay qabteen ruux ka tirsan Amniyaatka Al Shabaab, kaasi oo la sheegay inuu ku sugnaa degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Ruuxa la qabtay walow aan la shaacin magaciisa, haddana qoraal kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inuu kamid ahaa xubno Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka ka dhici jiray Yaaqshiid, Shibis iyo Heliwaa. Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu shaaciyay in ruuxaasi lagu qabtay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay xaafado ka tirsan degmada Shibis ee gobolka Banaadir. “Ciidanka amniga ayaa gacanta kusoo dhigay Xubin Amniyaatka Alshabaab ah oo ku sugnaa degmada Shibis. Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka danbeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaystay ayuu lagu yiri War kasoo baxay NISA. Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa bilihii u dambeysay howlgallada ay ka fuliso Magalada Muqdisho iyo gobolada dalka soomaaliya waxa ay kusoo bandhigtaa Baraha Bulshada, iyada oo ilaa iyo hadda aysan jirin wax Warbaahinta loo soo bandhigay. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al shabaab oo ku aadan sarkaalka NISA ay shaacisay in lagu qabtay degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Taliyaha ciidanka badda dalka Yemen S/Gaas Khaalid Al-Qamli, ayaa sheegay in muhaajiriinta ka imaanayaa Geeska Afrika ee gelaya waddanka Yemen ay sal u yihiin, xasilooni la’aanta iyo dagaallada joogtada ah ee ka socda dalkaasi. Bayaan uu shalay soo saaray oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha gudaha yemen, ayuu ku sheegay in tahriibayaasha u badan qowmiyadda Oromada ee ka imaanaya Ethiopia soona mara gudaha Soomaaliya , ay askar ahaan u adeegsadan malayshiyaadka Xuutiyiinta ee la’dagaallama ciidamada Yemen iyo xulafadooda. Sarreeye Gaas Al-Qamli ayaa intaasi raaciyay, in soogalooti aad u badan oo markii hore tahriib ahaan ku yimid dalka Yemen, ay haatan cudud adag u yihiin malayshiyaadka Xuutiyiinta, isagoo ka digay in kooxda ay sii xoogaysanayso markii tahriibtu xoogaysataba. Sidoo kale, waxaa uu dalbaday in ciidankiisa laga taageero dhinacyada agabka iyo gaadiidka badda, si ay ula tacaalan qul-qulka muhaajiriinta ka imaanaya waddanka Ethiopia ee ku biiraya kooxaha Xuutiyiinta, ka hor inta aysan noqon guutooyin ka horjeeda ciidamada Yemen. PUNTLAND POST The post Yemen: Cududda ugu adag Xuutiyiintu waxay soo martaa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. Qaahira (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee dalka C/qaasim Salaad Xasan oo muddooyinii ugu dambeeyay ku noolaa dalka Masar. Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka. Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaageen dowladooda, isagoo mar uu ka hadlayey dhibaatada Al Shabaab ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay mid caqabad ku ah hormar iyo amni Soomaaliya ka hana qaada. Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo mudooyinkii danbe ku noolaa Dalka Masar. Sidaan oo kale markii hore markii ay ku kulmeen magaalada Qaahira, waxaa qeybaha kala duwan ee warbaahinta la hadlay C/qaasim Salaad Xasan oo ku baaqayay xiligaasi in laga wada shaqeeyo danta ummadda Soomaaliyeed. Kulanka labada madaxweyne ayaa kusoo aadaya iyadoo culees badan uu heysto dowladda madaxweyne Farmaajo oo aad mucaaradka ay ku dhaliilayaan habka dhaqanka siyaasadeed ee xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay. Caasimada Online Xafiiska Masar Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Aabe Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in cadaaladda la horkeeno askari dhaawac halis ah u geystay wiilkiisa, oo markii la xiray kadib lagala baxay xabsiga. Mukhtaar Ciid Miiney, oo la xiriiray idaacadda Goobjoog wuxuu sheegay in wiilkiisa oo wadey Mooto Bajaaj Lixdii bisha March lagu dhaawacay degmada Shibis, balse askarigii dhibka geystay laga sii daayey saldhiggii lagu hayey iyadoo aan cadaaladda la marin. Wuxuu tilmaamay in sidoo kale, askarigaasi uu dhaawacay maalintaasi Labo qof kale, balse shaqsi uu sheegay in xil sare uu ka hayo Booliiska uu sii daayey askarigaas oo ku xirnaa saldhigga degmada Yaaqshiid, islamarkaana shaqadiisa uu hadda si caadi ah u wato. Madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo taliska Booliiska ayuu ka dalbaday in cadaalad uu helo wiilkiisa. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/WAREYSI-AABE-SOOMAALIYEED-OO-CADAALAD-U-BAAHAN.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Professor Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ahaa siyaasiyiin shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo laga doonayo iney caddeyso maqaamka magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay Gaandi in shirkii Carte ee Jabuuti illaa hadda la sheegayey un maqaamka caasimadda, balse aanay jirin dowlad si rasmi ah uga hadasha. Sidoo kale, Gaandi ayaa sheegay in dowladda ay dayacday dalka, islamarkaana bedalkii Al-shabaab ay dalka ka saari lahayd lasoo faarujiyey deegaanno kale, waa sida uu hadalka u dhigaye. Gaandi ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay in fasiraad laga siiyo sababta loo diidan yahay in xal laga gaaro maqaamka Muqdisho, oo dowlad kasta ay arrintaas isku hor-taageyso. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/PROFSOR-GAANDI-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Hawlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga iyo la’dagaallanka burcad-beedda Soomaalida, ayaa sheegay in Axaddii la soo dhaafay laba doonyood oo kalluumaysi ay burcad-beed ku weerartay xeebaha Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaan (EUNAVFOR), ayaa lagu sheegay in labada weerarba ay fashiliyeen ilaalo hubaysan oo saarnaa doonyaha kalluumaysi ee la weeraray. Doonyaha oo magacyadooda lagu sheegay; Adria iyo Txori Argi, ayaa burcad-beedu ku weerartay, meel 280 Nautical miles u jirta xeebaha Soomaaliya, sida ku xusan qoraalka EUNAVFOR. Hawlgalka Midowga Yurub, ayaa sidoo kale sheegay in labada doonyoodba ay saarnaayeen, ilaalo hubaysan oo ka difaacday, isku’ dayga kooxda burcadda ah ku doonayeen in ay af-duubtan. Kooxda weerarka qaadday, ayaa laga shaki qabaa in ay wateen, doonni la sheegay in jimcihii hore laga qafaashay xeebaha ku beegan bartamaha Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay hawgalka Midowga Yurub, ayaa digniin lagu siiyay maraakiibta iyo doonyaha gooshaya xeebaha Soomaaliya, in ay xoojiyaan ilaaladooda hubaysan, si ay isaga difaacan weerarada noocaan oo kale. Burcad-beedda Soomaalida oo mar halis weyn gelisay amniga maraakiibta iyo doonyaha ka goosha xeebaha Soomaaliya, ayaa hoos u dhac ballaaran ku yimid, tan iyo sannadkii 2012, kadib hawlgallada joogtada ah ee ciidamada NATO ka ka wadaan halkaasi. Sidoo kale, maraakiibta iyo doonyaha oo samaystay ilaalo hubaysan, ayaa qeyb ka ah hoos u dhaca burcad-beedda, sida ay rumaysan yihiin khubarada wax ka yaqaan amniga badaha. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Burcad-beed doonyo ku weerartay xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diyaariyey Ciidamo gaar ah oo loogu talo galay Sugida amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan. Ciidamadaan oo Maanta la soo bandhigay ayaa qorshohoodu yahay in amniga Magalada Muqdisho ay xaqiijiyaan Maalmaha Bisha Ramaadaan oo maqalma qura inaga xigaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahana duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in ciidamadaas ay gaarayaan ilaa Saddex kun oo askari oo aan wax balwad ah laheyn kuwaas oo dhawaan tababar soo dhameystay. Bishii ramadaan ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho wadooyinkeeda la dhigay Ciidamo farabadan oo ka qeyb qaatay sugida amniga,iyada oo dowladda ku dhawaaqday Nabad ku afur,waxaana amniga Magalada uu ahaa mid wanaagsan oo aysan ka dhicin falal amnidarro. Hoos ka dhageyso guddoomiye Yariisow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Yariisow-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. In less than a year since the two countries made peace, Eritrea has shut all border crossings with neighbouring Ethiopia, according to reports. The final route to be blocked according to the DW Amharic service was the Bure – Assab crossing which was opened only last December. The Afar region communication bureau confirmed the report adding that the closure was only on the Eritrean side. “After closing Serha-Zalambesa border crossing in December and Om Hajer-Humera last week, Ethiopia officials saying Eritrea shut Assab-Bure this morning – meaning all border points are now closed,” a Reuters journalist, Aaron Maasho said in a tweet of April 2 Thelast time a border closure was reported was in December 2018 with the particular crossing point located in the Tigray regional state. A regional spokesperson said at the time, “The restrictions have only been imposed on the Eritrean side. We did not receive any prior notice.” The Serha-Zalambesa crossing was opened in September 2018, coinciding with the Ethiopian New Year, after the countries agreed to remove their troops as part of a reconciliation process. Thousands of people have crossed since. Trade has flourished and families separated since war broke out between Ethiopia and Eritrea in 1998 have reunited. A spokesman for Ethiopia’s Foreign Ministry at the time told reporters that he had no information about any border restrictions. Eritrea government has routinely not responded to reports. Africa news Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dhaliil kulul u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Xildhibaan Axmed Cabdi Cali oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay ka dambeeyaan dhibaatada heysata deegaanada Hirshabeelle. Xildhibaan Axmed Cabdi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhuun qabatay maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, islamarkaana ay horumar ka sameyn waayeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka. SIdoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay yareysay dhaqaalaha loogu talo mashaariicda dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanka taasi badalkeeda Jubbaland iyo Puntland la siiyay dhaqaalo dheeraad ah. “Dhibaatada Hirshabeelle heysata waa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre, waxaad og tihiin in lacag dib u heshiisiin loogu talo galay in lagu hagraday Galmudug iyo Hirshabeelle halka maamulada kale loo kordhiyay” “Galmudug iyo Hirshabeelle ayay diidan yihiin inay horumar gaaraan, Hirshabeelle waad og tihiin dad magac leh ayaa ka dhashay, waxaa la diidan yahay horumarkooda iyo xadaarada ay gaareen”ayuu yiri xildhibaanka. Hoos ka daawo Muuqaalka Xildhibaan Axmed Cabdi Cali. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Xildhibaan-Ahmed-Abdi-Ali-Hirshabeelle-Dhibaatada-Haysataa-Waa-Raiisul-Wasaa.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. A jubilant Ruqia Wehliye was at the Saint John Airport surrounded by family for the first time since she fled Mogadishu, alone and scared, in 2009. “One person gets 10 people? God is great!” the Somali refugee said after she first laid eyes on her nephew, his wife and their eight children, ranging in age from 20 to a toddler. They’d been torn apart for at least 16 years, a consequence of the civil war and violence that has displaced more than two million Somalis over the past two decades. Wehliye, now 30, escaped to India as a teenager, after her father died. She said she has never seen her mother and presumes she is dead. She learned to speak English, working as a housekeeper, and had hoped to stay in New Delhi. But as an undocumented person, her bid was denied. “The smugglers took away my passport,” she said. Eventually, she made her way to a United Nations High Commissioner for Refugees office and applied for refugee status. Abdallah Muhammed Hassan’s children were the family Wehliye never expected to find in Saint John. (Rachel Cave/CBC) Ultimately, she was accepted and assigned to come to Saint John in November 2017, where she said she’s been living with no connection to any surviving relatives. Wehliye’s nephew, 37-year-old Abdallah Muhammed Hassan, was also separated from his wife and children after a 2008 attack on their family compound that killed Hassan’s father, mother and brother. “When I came back home, I couldn’t find anyone,” he said. The story of his journey to find his own children in the sprawling Nakivale refugee camp west of Kampala would have taken hours to unspool, but Hassan was happy to focus on his discovery of his aunt in a city where he can sleep at night. Their shockingly coincidental assignments to Saint John, by Immigration, Refugee and Citizenship Canada, were utterly random, they later learned from settlement workers at the YSomali Ruqia Wehliye had not seen her family in more than a decade. They reunited by chance in the Saint John Airport. 0:48 “The gate when it opened, I saw Ruqia in front of me, coming. I said, ‘Is it true … true … true … true,” said Hassan, recalling his airport arrival. “I said, ‘Are you the real Ruqia? Are you the one?’” “She said, ‘Yeah, it’s me.’” “I started touching her face. It was so amazing to see her.” Wehliye said she got a feeling that something wonderful was going to happen when she was asked by the YMCA to help interpret for a family of 10. She asked to go to the airport to greet them and in the car on the way there, she asked a Y employee for a name. She said she was told she’d be meeting Abdallah Muhammed Hassan. Wehliye and the Hassans’ assignments to Saint John, by Immigration, Refugee and Citizenship Canada, were utterly random. (Mike Heenan/CBC) “And Muhammed Hassan is my eldest brother — my father’s eldest son,” said Wehliye. Wehliye screamed in the car and started to feel real hope, she said. Then when she saw Abdallah, the oldest son of her oldest brother, she recognized him and his wife, Fardowsa, even though she hadn’t seen them since she was about 14. “I jumped up and I was hugging everyone,” she said. More Somalis coming In a pile-on of coincidences, Shilo Boucher, president and CEO of the YMCA of Greater Saint John, happened to be on the same flight that brought the Hassans to Saint John from Toronto. She said refugee families always get off the airplane last because their arrival, after an arduous journey, can be overwhelming. “And as soon as they walked through the doors, Ruqia really got quite emotional and just ran to them, and I think everybody in the airport was crying,” said Boucher. The Y helps settle government-sponsored refugees and also tracks where they go. Ruqia Wehliye holding Hassan’s daughter in their Saint John house. (Mike Heenan/CBC) Boucher said she started seeing Somalis come to Saint John about four years ago, but she doesn’t know why. Another eight families are due to arrive within the next six months. “They’re not quite as big as the [Hassan family] but we do know we’re getting 47 people,” said Boucher. Asked why Saint John, Boucher speculated that it may have to do with the city’s success when it comes to making refugees feel welcome and at home. 88 per cent retention rate Boucher said there are now 493 refugees in Saint John and many are choosing to stay. According to their records, the retention rate has increased from 85 per cent in 2016 to 88 per cent last year. Boucher said anyone who wants to help the refugee community might consider donating to the furniture bank at the Lancaster Baptist Church. She said volunteers are also welcome to join the First Friends program. “That’s really where a volunteer can come and meet the family and have a cup of tea with them and just be their Canadian friend and introduce them to their friends and build a network for them.” The 37-year-old Hassan was also separated from his wife and children after a 2008 attack on their family compound that killed his father, mother and brother. (Mike Heenan/CBC) Wehliye and Hassan said they plan to stay in Saint John. The Hassans live in a five-bedroom house in the north end of the city, which is rented from Habitat for Humanity. Hassan’s wife opens the fridge to show off the food inside, while the children put on boots to go play in the yard. Hassan said it’s the happiest life he could ever imagine. “I want to say thank you to all Saint John people,” he said. Qaran News
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq nabadeed u direy dowladda Puntland, xili uu shalay qudbad u jeedinayay Aqoonyahan iyo Madax-dhaqameed kasoo jeeda beesha Warsangali oo uu ku qaabilay Madaxtooyada. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay iney Xukuumadiisu diyaar u tahay inay Puntland si nabada u wada macaamilaan, iyagoo aan ku xad-gudbeyn xuduudaha u dhaxeeya, wuxuuna yiri: “Soomaaliya waxaanu xad kala leenahay waa intaa Puntland, intaa in Nabad kuwada noolaano oo wada baayac-mushtareyno, oo si wacan oo walaaltinima udhaqano, oo xadkuna kaa noo dhaxeeyo yahay baanu anagu diyaar unahay”. Wuxuuna intaas kusii daray Madaxweyne Biixi “Bilaahi-caleykum bal uyara fiirsada meeshan yar ee carabta ee Abu Dubai, waa todoba imaaradood, waxaad mareysa meel yar oo ah meesha uu gaarigu ku wareego oo kale, dhinac mid baa canshuurta qaada, dhinaca kalena midbaa qaata canshuurta, waana walaalo oo wey wada noolyihiin, waana kala xad, maxaa noo diiday inaga iyo Puntland inaan sidaas iskula noolaano, anagana nabad baa naga go’an”. Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa qudbadiisa kaga hadlay ciidamada Somaliland ay dhowaan geysay degmada Yube, wuxuuna yiri “Ciidamada Yubbe joogaa gobolka aad odayaasha ka tihiin bay nabadgelyadiisa u joogaan, nabadgelyada dadka ayey sugayaan iyo inay dadkana kala ilaaliyaan, cadowgana idinka ilaaliyaan, innaguna iskuma soo duuli karno oo xoog iskuma muquunin karno”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Bulsho-weynta ku nool deegaanada Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhaqano arxan-daro ah oo muddooyinkii udambeeyay Ciidamada Boolisku kula kacayeen Shacabka reer Somaliland. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxay ku kacayeen hab-dhaqano layaab leh oo hoos u dhac weyn ku keenay kalsoonidii ay umadda reer Somaliland ku dhex lahaayeen. Waxaana muddo badan isa-soo tarayay cabashada culus ee ay qabaan dadka danta-yar ee suuqyada ku ganacsada dhibaatada ay kala kulmaan Ciidamada ammaanka, sida rarista dadkaasi ku ganacsada jidadka hareerahooda oo marar badan la arko qaabka arxan darrada ah ee Boolisku u jiidjiidaan dadka una galalafaan hantida qorax-yaalka ah. Sidoo kale Saxaafadda ayaa iyadana muddo dheer ka cabaneysay habka dhibka badan ee Ciidamada Boolisku ula dhaqmaan marka ay howlagalo ka dhan ah Saxaafada fulinayaan, waxaana aad loo wada xasuustaa qaabkii uu dhowaan Askari katirsan Ciidamada Boolisku uu ku waxyeeleeyay gabadh wariye ah iyo sawir qaadaheedii. Dhinaca kale, falkii loogu hadal haynta badnaa 48-kii saacadood ee ugu dambeeyey ee ay geystaan Ciidamadu ayaa waxa uu qabsaday Baraha Bulshada, kaasi oo ahaa muuqaal muujinaya qaabka argagaxa leh ee labo askari oo katirsan ciidamada Boolisku ula dhaqmayeen haweenay ummul ah oo kamid aheyd dadkii khasabka lagaga rarayay dhulka laga dhisayo Madaxtooyada cusub ee galbeedka Hargeysa. Falkan argagax leh ee Labada askari, ayaa soo if-bixiyey sida shacabku khaati uga taagan-yihiin soo laab-laabashada falalka arxan-darada ah ee ciidamada ammaanku kula dhaqmaan muddooyinkan ugu dambeeyey. Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa sanadkii hore soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadlayaan duruufaha ka jira xabsiyada Somaliland ee ay gacanta ku hayaan Boolisku iyaga oo ku tala-bixiyay in Ciidamada booliska Somaliland u baahan yihiin dib u habayn. Waxa sidoo kale xusid mudan in dhowaan Golayaasha sharci dejinta ay ansixiyeen wax ka baddal lagu sameeyey xeerka Booliska Somaliland oo ay shacabku filayeen inuu xeerkaasi noqon doono mid dammaanad qaada inay kaga badbaadaan dhibaatada ka soo gaadha Booliska, balse xeerkaasi ayaa dib loo soo celiyey isagoo wax ka baddalna lagu sameeyay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Deni iyo Nasar Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa shalay galab magaalada Nairobi ee dalkaasi kulan kula qaatay safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Ambasador Maxamed Ibraahim Nasar. Kulanka madaxweynaha Puntland iyo safiirka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin adkaynta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Puntland iyo dalka Masar ee dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Garsoorka iyo Tayaynta Hay’addaha Amniga Puntland. Danjiraha dalka Masar ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Nasar oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay kulanka madaxweyne Deni iyo weftigiisa ayaa xaqiijiyey inay dhankooda diyaar u yihiin adkaynta, dardargelinta iyo ka *****nta wadashaynta muhiim ka ah ee ka dhexaysa Puntland iyo dalkiisa, waxa uu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo dalka Masar lahayeen, haddana leeyihiin xidhiidh wada-shaqayneed oo ay bud-dhig u yihiin ganacsiga iyo waxbarashada. Madaxweyne Deni ayaa isna kulankani xoogga ku saaray arrimaha kor ku xusan, kuwaasi oo muhiim u ah dhan-walba shacabka Puntland iyo dowladdoodaba. Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Deni ayaa xusay in safiirka dalka Masar ay ka wada-hadleen, sidii gacan buuxda Puntland uga siinlahaayeen, tayaynta garsoorka Puntland iyo tababarka hay’addaha amniga, maadaama siyaasadda koowaad iyo labaadba ee dowladdu tahay arrimaha Amniga. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo Puntland ka caawinaysa tababarka hay’adaha amniga appeared first on Puntland Post.
  19. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Fariimo nagu beeray murugo iyo calool xumo ayaa Caawa naga soo gaaray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, Warbixintaas oo ah in ay Soomaaliya ka baxeen Qoyska Caasho Ilyaas oo aheyd Gabar 12 sano jir ah oo dil iyo kufsi loogu geestay Gaalkacyo. Qoysaskii dariska la ahaa ayaa Caasimada Online u sheegay in Qoyska Caasho markii ay ka quusteen helitaanka Cadaalad sidoo kalane loo hanjabay ay ka baxeen Soomaaliya waxayna galabta faarujiyeen Gurigii ay daganaayeen. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Qoyska Caasho ay u safreen dalka Itoobiya, halkaas oo ku sii nagaan doonaan ilaa bilooyin sida ay u sheegeen dad daris la ah. Gaari nuuca Xamuulka qaada ayaa galabta ka raray dhamaan xubnihii qoyska iyo wixii agab ah oo ay heesteen waxayna ka gudbeen Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya. Arintaan ayaa murugo ku abuurtay dadka reer Gaalkacyo. Dadka ku nool Waqooyiga Gaalkacyo ayaa Caasimada Online u sheegay in qoyskaan ay ka niyad jabeen markii Madaxweyne Deni uu sii daayay dalkana ka dhoofiyay laba nin oo kufsiga ku eedeesnaa laba kalane xabsiga lagu sii haayay. Sidoo kale qoyskaan ayaa waxaa soo wajahay Cabsi kadib markii dhowr jeer loo hanjabay. Lama oga cidda u hanjabtay sidoo kalane ma jirto cid ka caawisay baaritaanka arintaan. Waxay Soomaaliya uga baxeen sidii ay ku badbaadin lahaayeen nafta dhallaanka kale ee u harsan iyo sidii ay ilaabi lahaayeen Uur ku taalada xanuunka badan oo ay dhibkii loo geestay Gabadhooda Caasho Ilyaas.
  20. The Editor, The Globe & Mail, Toronto, Ontario, Canada Subject: Somaliland & detention of two Canadian women Sir/Madam, In a recent article on the detention of two women with Canadian nationality, your newspaper had mentioned that according to the Canadian government ” foreigners are at risk of being kidnapped in Somalia, including Somaliland, and several workers have already being kidnapped for ransom” First of all, I am glad to hear that both women have been released after serving their sentence. Secondly, Somaliland is a Muslim country and the consumption of alcohol is not permitted due to religious strictures. Thirdly, no foreigner has ever been kidnapped or held for ransom in Somaliland. Somaliland is not Somalia. It is a peaceful, stable and democratic country. There are many people with Canadian citizenship living and working in Somaliland. In fact, recently, a Canadian couple held a wedding in Hargeisa, the Somaliland capital, in full traditional dress that was the toast of the town. (Photo attached) Somalilanders are a welcoming and hospitable folks, and as long as one follows the rules and regulations of the country, then one should not have any problems at all. Sincerely, Ahmed Kheyre ruraledcomm44@gmail.com Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay waxay u aheyd habeen ay qal qal gashay Madaxtooyada Soomaaliya waxaana aad looga dooday War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Mucaaradka ee ku soo gaba-gaboobay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Koox Saraakiil ah oo katirsan Villa Somalia oo heshay War-Murtiyeedka ayaa la sheegay in ay daabacdeen kadibna ay ka doodeen qodobadii la soo saaray, iyadoo ay qireen in Shirka uu ahaa mid Qarax wayn oo siyaasadeed, kaas oo ka dhan ahaa Dowladda Soomaaliya laguna soo aadiyay waqti aad u adag. Xubnahaan oo ay ku jiraan Siyaasiin hore oo xilal soo qabtay ayaa isla qiray in Beesha Caalamka ay shirkaan wax ka abaabushay aadna ay uga warqabtay. Sidoo kale waxay ku tilmaameen Olalo waqtigoodii laga soo hormariyay oo lagu duminayo Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xubnahaan ay cadeeyeen in uu jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayna taasi fududeysay in ay ka faa’ideestaan Siyaasiinta Mucaaradka ah. Arinta ayaa u muuqata in labada dhinac oo Siyaasadeed oo waliba aad u adag ay ku furantay Dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay Saqdii dhexe kulan deg deg ah arintaan ka yeeshay waxaana kulankaasi ka qayb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiin kale iyadoo la isku raacay in la soo saaro Guddi ka shaqeeya sidii loo soo bandhigi lahaa wax ka duwan qayla dhaantii ka soo baxday Shirkaasi. Wali ma jirto wax go’aan ah oo la isku raacay hayeeshee waxaa wali socda doodo Shirkaan ku saabsan. Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee Xukuumadda taageersan ayaa shirkaan u arka weerarkii ugu adkaa oo ay mucaaradka ku soo qaadaan bilooyinkii la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com