-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex oogan dowlada Qatar iyo Villa Somalia Dawladda Qatar iyo dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay soo kala dhex gashay xiisad diblomaasiyadeed, kadib markii Qatar ay diiday codsi ka yimid dowladda Soomaaliya. Qatar ayaa diiday dalabka dowladda Soomaaliya ee ku saabsanaa inay shirkadda Talyaaniga ah ee ENI ay joojiso qodis shidaal oo ay ka bilowday dhul badeedka ay Kenya iyo Soomaaliya isku hayaan, iyadoo ay Kenya shirkadan Talyaaniga ah ogolaansho u siisay inay dhulkan muranku ka taaganyahay ka bilowdo qodis. Shirkadda Qatar Petroleum ayaa saami ku leh shirkadan Talyaaniga ah, waxaanay saamiyada Qatar ee shirkadani u badantahay hawlgalo shidaal baadhis ah oo ay shirkadan Talyaaniga ka wado dalal ka tirsan qaaradda Afrika. Soomaaliya ayaa Qatar ka dalbatay inay ENI kala hadasho joojinta badhista shidaal ama Qatar ay kala baxdo saamiga ay ku leedahay shirkadda, haddii aysan sidaas sameyn karin. Dawladda Soomaaliya ayaa wakhti hore ku eedaysay shirkadan Talyaaniga ah ee ENI inay Kenya ka iibsatay aagag (Blocks) shidaal oo ku yaala dhul badeedka ay ku muransanyihiin Soomaaliya iyo Kenya. Dawladda Soomaaliya ayaa u aragta dawladda Qatar inay muranka xuduudka badda ee Kenya iyo Soomaaliya ay la safatay Kenya maadaama oo ay shirkadda ENI ee ay Qatar saamiga ku leedahay ka bilowday dhulka lagu muransan yahay qodis, islamarkaana Qatar aysan arrintaas waxba ka qabin. Sidoo kale, Qatar oo isku dayday inay wada-hadlaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku fashilantay kadib markii Soomaaliya ay ku adkeysatay in maxkamad lagu kala baxo oo aysan arrinta badda wada-hadal ka galeyn. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa khilaafka wadamada gacanka Carabta wuxuu la saftay dawladda Qatar, waxaanu ka diiday isbahaysiga Sucuudiga ee UAE ay ka mid tahay inuu xiriirka u jaro dawladda Qatar. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii uhoreysay shaaca ka qaaday in Hay’adaha ajaanibka ah ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ay u kala qeybiyeen nabadgelyada deegaanadooda saddex qeybood. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka ay Hay’adaha ajaanibku Somaliland ugu kala qeybiyeen Saddex qeybood, wuxuuna yiri: “Qolada Ajaanibka ah markaan ku idhaahdo waxa loo baahana yahay inaad tagtaan Ceerigaab, Laascaanood, waxay ka hadlaan nabadgalyo darro, subaxdii Hargeysa ayay ka shaqo tagayaan oo Boorama ayay u shaqo tagaan, way seexdaan oo markay shaqadooda dhamaystaan ayay ka yimaaddaan”. “Saddex qaybood ayay dalka u kala qaybiyeen, Waa Cagaar, Cassaan iyo Huruud, Cagaarka waxay u yaqaanaan nabadgalyo, waad tagi kartaa waadna seexan kartaa oo Maalgelin baad ku samayn kartaa, Huruudda waxay u yaqaanaan waad tagi kartaa, waad ka shaqayn kartaa, laakiin ma seexan kartid, Casaanka waxay u yaqaanaan ma tagi kartid, waxba kama samayn kartid”. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Tusaale, Caynabo illaa Sanaag bari Biyahoodu waa qadhaadh, Ceel Af-weyn baa Ceelal badan laga qoday, laakiin waxa loo doonay in Ceel af-weyn biyaha looga soo qaado meel la yidhaahdo ilad oo Ceel Af-weyn 42KM u jirta, mashruucii markii la sahamiyey ee la dhameeyay, biyihii la qiyaasay in deegaanka Ilad iyo illaa Ceel Af-weyn ku filan yihiin, Beebkiina halkii la soo dhigayey ay keeneen ayaa Ceel Af-weyn la isku dilay” “Saddex jeer ayuu Mashruucaasi gubtay, Waayo? Mashruuc walba xilligiisa hadduu socon waayo wuu gubanayaa, waayo? Waa qaadhaan ay dawlado bixiyeen oo ay eegtaan, markaa waxa keliya ee aynu u baahan nahay waa nabadgalyo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa talooyin muhiima usoo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna ugu baaqay Biixi inuu bulshada reer Somaliland ugu adeego cadaalad. Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka ay wada gaaren xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, wuxuuna yiri “Go’aankan la gaaray maaha mid cadaalada oo soconaya, go’aan xisbiyadu ku wada socdaan in la gaaro ayaa loo baahan yahay, laakiin maaha inay kala socdaan oo kala fogaadan, Komishanka laftiisa ayaan cadaalad ku dhisnayn, maxaa yeelay shan xubnood waa Kulmiye, aniguna waligayba Komishanka waan ku kacsan-nahay ee ha la simo oo xisbiyadu ha u sinaadan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Golaha Guurtida laftoodu muddo dhaaf weeye, in la kala diro oo la soo doorto Guurti cusub weeyi, cidda soo xulaysaana waa Salaadiinta, maxaa yeelay Salaadiintu ninka wanaagsan iyaga ayaa garanaya, Guurtidu nabadna wey keentaa, fidnana wey keeni karta, markaas Guurti cusub baynu u baahan nahay”. Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay Madaxtooyada Cusub ee Xukuumada Muuse Biixi ka dhisaneyso, wuxuuna yiri “Madaxweynayaashii hore waxba wey qaban kari waayeen, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu keenay kalsooni iyo firfircooni, Madaxtooyadana suuqa dhexdiisi ayey noqotay, laakiin anigu waxaan u arkaa inay haboon tahay inay meel gaar ah deganaato, oo Madaxtooyadu ka baxsanaanto Magaalada dhexdeeda, oo meelaha u dhaw oo dhan Madaxtooyada aan laga dhisin wax dhismo ah”. “Dad ayaana deganaa dhulkan loo asteeyey in Madaxtooyada laga dhiso, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay si fiican dadka ula macaamil, madaama tahay Madaxweynihii Somaliland, dadku waxay leeyihiin Muuse Biixi waxaad mooda inuu taliskii Ciidanka afraad la odhan jiray inuu wali xukumayo, ee anigu waxaan leeyahay Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Somaliland cod shacab baa lagu doortay, ee ha la tixgaliyo”. “Markii uu Madaxweynuhu taliska afraad uu joogay halgan baa lagu jiray, waxkasta oo yimaadana inuu garabka ku dhufto waa loo baahnaa, laakiin hadda waa inuu mar walba danta qaranka eega, dadkaas degana halka laga dhisayo Madaxtooyadana waa in dhulkooda loo qiimeeyaa, oo waxay xaqa u yeeshan la siiya, si fiicana loo baashira, laakiin maaha xadhig iyo cadaadis in lagula kaco”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
The UAE will consolidate its position as a key transit point for Chinese exports to African and European countries under the Belt and Road Initiative (BRI) as billions of dollars in trade will pass through the region. Due to its strong potential, the China-Africa Belt and Road Initiative through the Gulf region is termed as the 21st century Silk Road, benefitting all the countries in terms of fresh investments, job creation, GDP growth and human capital development. Led by the UAE, Gulf states have already recognised the importance of African countries and invested in agriculture, ports, infrastructure, mining and other strategic sectors. Similarly, China also pumped in billions of dollars in aid, loans and investments in diverse sectors. This will further strengthen the trade on the 21st Century Silk Road. Latest figures show that bilateral trade between the Gulf and Africa increased more than nine-fold over the last two decades and in 2018 it stood at over $65 billion. The UAE-China trade reached $53 billion last year, an increase of 17 per cent. His Highness Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Vice-President and Prime Minister of the UAE and Ruler of Dubai, is currently visiting China to participate in Belt and Road Forum. Highlighting the strong trade ties between the Gulf countries and Africa, Knight Frank stated that the UAE has been a key contributor to the trade growth with bilateral trade growing almost 4,000 per cent over the last decade. Currently, the UAE accounts for over 50 per cent – $34 billion – of the Middle East’s trade with the African continent. The UAE is followed by Saudi Arabia with $16 billion, Kuwait with $1.7 billion, Oman with $1.5 billion and Bahrain with $700 million worth of trade. Dubai-based global ports operator DP World is a leading investor in Africa with presence in Egypt, Djibouti, Algiers, Algeria, Somaliland, Rwanda, Mozambique and Senegal. Similarly, UAE’s largest telecom operator etisalat has international operations in Morocco, Egypt, Mauritania, Mali, Gabon, Burkina Faso, Benin, Cote d’Ivoire, Togo, Niger and Central African Republic. According to fDi Markets data, the Middle East has 33 foreign direct investment (FDI) projects accounting for five per cent of total FDI into Africa, but the UAE is leading the way by a considerable distance and is the ninth largest investor in Africa with 19 FDI projects in 2017. These projects have created an estimated 74,000 jobs. Vijay Valecha, chief market analyst at Century Financial, said BRI is primarily aimed at increasing trade and stimulate the economic growth. “From the Middle East’s perspective, proposed sea route connecting China’s coastal regions to Europe via Mena region is all set to benefit this part of the world. With proposed investments of about $1 trillion, the major sectors that would benefit include ports, transportation, roads, railways, airports, and telecommunication,” he said. During last year’s Ministerial Meeting of the China-Arab States Cooperation Forum, Valecha said, China had pledged $23 billion in loans and aid to Arab states. “This would envision money flowing into building of new oil and gas pipelines, railroads, ports and other infrastructure facilities.” “The UAE is set to play a big role in China’s Silk Road initiative due to its world-class infrastructure. With over 20 per cent of Arab-China trade already coming to the UAE and more than 25 per cent Chinese exports to Arab world going through it, the UAE is naturally positioned to reap rich dividends from this initiative,” he said. “Egypt is another country that is set to benefit considering the strategic location of the Suez Canal along the maritime routes. Furthermore, cluster of projects have been announced from Chinese side which would see industrial parks being developed in Oman, Saudi Arabia, Egypt, the UAE along with other major African nations like Djibouti, Kenya and Ethiopia,” he added. Taimur Khan, research manager for Middle East at Knight Frank, said the UAE-based airlines also fly to 20 African countries facilitating commerce with the rest of the world. “A third of the world is accessible within four hours and two-thirds within eight hours of flights from Dubai International airport. Infrastructure investments and transport links not only strengthen the historic ties between Africa and the Gulf states but are crucial for the potential of Africa to be fully realised,” he said. – waheedabbas@khaleejtimes.com Qaran News
-
A US air strike killed three fighters from the Islamic State in the Somalia’s semi-autonomous Puntland region on Friday, a US military official said, two weeks after the group’s deputy leader was killed in a strike. A witness said missiles struck two wells on the outskirts of Timirshe village, some 60km southeast of Puntland’s commercial capital Bosaso. The US military has sharply stepped up its campaign of air strikes in Somalia since President Donald Trump took office, saying it has killed more than 800 militants in two years. “This air strike eliminated ISIS-Somalia members staged in a remote location in northern Somalia,” Maj. Gen. Gregg Olson, US Africa Command (AFRICOM) director of operations, said in an emailed statement on Saturday. AFRICOM also claimed responsibility for the killing of IS deputy Abdulhakim Dhuqub on April 14. Somalia has been riven by civil war and Islamist militancy since 1991 when clan warlords overthrew a dictator before turning on each other. “We heard the crash of four missiles on the outskirts of Timirshe village,” resident Ahmed Nur told Reuters by telephone. He said the wells were used by militants from both IS and their more powerful Islamist rivals al Shabaab, an al Qaeda affiliate who have been fighting Somalia’s UN-backed government for years. Al Shabaab was pushed out of the capital Mogadishu in 2011, but retains a strong presence in parts of southern and central Somalia. It has frequently clashed with the much smaller IS force in the north who are thought to number fewer than 200 fighters. A Puntland intelligence official said the air strike targeted both groups. “There are casualties and we are investigating. In recent battles al Shabaab captured three bases from IS,” he told Reuters by telephone, requesting anonymity. Source: Reuters
-
Go’aanka dowladda Kenya ee ah inay xafiis diblomaasiyadeed oo aan hoos iman safaaraddeeda Muqdisho ka furaneyso magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waa astaan kale oo muujineysa fashilka siyaasadda arrimaha dibedda dowladda federaalka.. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu soo jeediyey in Githiora Philip Mundia uu aas-aaso howlgalka diblomaasiyeed ee Kenya uga wakiil noqon doona Somaliland. Githiora Philip Mundia ayaa hadda sugaya aqbalaadda madaxweyne Uhuru Kenyatta, si uu u tago Hargeysa. Wargeyska The Standard ee Kenya waxa uu tani ku macneeyey inay astaan u tahay in Nairobi ay ugu dambeyn aqoonsan doonto jamhuuriyadda iskeed isku magacwoday ee Somaliland. Dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ayaan wax war ah weli kasoo saarin arirntan, oo muuqata gef ay Kenya ku sameeneyso qarannimada Soomaaliya, xilli xiisad ay u dhaxeyso labada dhinac. Waxaa sidoo kale yaab leh, in dowladda federaalka ay isha un ka daawaneysay dadaal maamulka Somaliland uu waday 10 bilood oo ahaa inuu dowladda Kenya ku qanciyo inay safaarad ku yeelato Hargeysa, kaasi oo hadda miro dhalay. Kenya iyo Soomaaliya ayaa xiriirkoodu xumaaday wixii ka dambeeyey murankii ka dhashay badda Soomaaliya, waxaana tallaabadan ay u muuqataa cadaadis aargudasho oo xukuumadda Nairobi ay saareyso Muqdisho. Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tan iyo markii ay xukunka la wareegtay waxay siyaasaddeeda arrimaha dibedda ahayd fashil uu mar walba mid kale kasii dambeeyo. Sanaddii 2017, waxay sameysay gef weyn oo ay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax ay ugu gacan gelisay dowladda Ethiopia kadib cadaadis kaga yimid Addis-Ababa. Isla sanadkaas, waxay dowladaha Carabta ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo saaxiibo dhow la ah Soomaaliya, islamarkaana xiriir ganacsi oo weyn uu kala dhaxeeyo ay kala safatay dowladda Qatar, oo wax dan ah aysan ku qabin Soomaaliya. Dhammaadkii 2018, waxay dalka ka cayrisay ergeyga QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom kadib markii uu ka hadlay shacabkii ay ciidamada dowladda ku xasuuqeen magaalada Baydhaba. Cayrinta Haysom, ayaa waxay dhaawac dhaqaale oo culus gaarsiisay dowladda, kadib markii dalalka Yurub ay dhaqaalaha ka jarteen, taasi oo horseeday in ciidamada ay shan bilood mushahar la’aan noqdaan. La-yaab ma lahan iminka, in 10 bilood ay Somaliland dadaal ugu jirtay in Kenya ay xafiis ka furato Hargeysa, dowladdana aysan marnaba ku baraarugin, ama ay wax ka qaban weysay, welina aysan ka hadal xitaa kadib go’aankii Kenya. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweyne Deni Madaxweynaha Puntland Siciidd Cabdullaahi Deni ayaa caawa shir jaraa’id oo ku qabtay madaxtooda Garowe ka warbixiyey safarkisii dibada we dalalka Imaaraadka iyo Kenya. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, nidaamka loo wado dastuurka KMG ah ee dalka, qaybsiga khayraadka iyo shir wada-tashir ah oo uu sheegay in 2-da bisha soo socota ee May lagu qaban doono Garowe. Hoos ka daawo Deni oo ka hadlaya arimahaas. PUNTLAND POST The post Deni oo faahfaahiyay safarkii dibada appeared first on Puntland Post.
-
Kulanka madaxweynaha iyo senetarada Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Garoowe qaar ka mid ah sanatarada Puntland ku metela Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Kulankan oo ujeedadiisa iyo gun-dhiggiisu ahaa is xogwaraysi guud ee xaaladda dhan-walba ee Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland, arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, hirgelinta nidaamka federaaliisamka, dhammaystirka nidaamka loo marayo dastuurka KMG ee DFS iyo arrimo kale oo muhiim ah. Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulankan muhiim ka ah ee uu la qaatay sanatarada. ” Waxaan Caawa Kulan la yeelanay aniga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku xubno Aqalka sare ku metela Puntland, dood dheer iyo isla-falanqayn ayaan ka yeelanay xaaladda dalka, meesha uu marayo, Puntland iyo waxa la gudboon, sidaas darteed ayaan doonaynaa in aan la wadaagno bulshada Puntland welwelka aan ka qabno habka siyaasadeed iyo dalka sida loo maamulayo”. “Khataraha ugu badan ee Puntland dareemayso waxaa ka mid ah in nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyey la gacan bidixaynaayo oo uusan wadadii loo baahnaa uusan ku socon, waxaa halkaas marka kasoo baxaysa in habka dalka hadda lagu wado uusan ahayn habkii lagu heshiiyey”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale xusay in Puntland diyaar u tahay sida tariikhda ku xusan dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo taama, taasi oo ku salaysan nidaamka Federaaliisamka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Kulan La qaatay xubnaha Puntland Ku Metela Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa banaanka keenay balan ka bax uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sameeyay Xasan Sheikh Maxamuud oo doorasho uu kaga guuleystay sanadkii 2017. Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in balantaasi Madaxweyne Farmaajo uu qaaday kadib markii ay ku kulmeen magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasi oo ay ka dhaceysay xafladii Caleemo saarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Arinta kulanka ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud lagu eedeeyay inuu waday olole xoogan oo lagu duminayo dowladda Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo. Sheikh Shariif ayaa sheegay inuu ka shaqeeyay in magaalada Garowe uu ku kulansiiyo Farmaajo iyo Xasan Sheikh, islamarkaana halkaasi madaxweyne Farmaajo uu ku balanqaaday inuu kulan gaar ah la yeelan doono Xasan Sheikh. “Waxaa Rabaa inaan idinkaga sheekeeyo arrin dhacday aniga iyo Madaxweyne Xasan sheekh-na na dhex martay waagii aan joognay Garowe, waxaa lagu xaman jiray inuu rabo inuu dowladda rido, gaar ayaan ula baxay waxaan ku iri: sidee wax u jireen.., wuxuu i yiri: waxba kama jiraan, gacanta ka qabtay waxaana u geeyay Madaxweyne Farmaajo” “Waxaa iri Madaxweyne ninkaan wixii lagu xamanayay waa beeniyey, wuxuu ogol yahay in labadaada sano dhammeysto… laakiin wuxuu rabaa cabashadiisa inaad dhageysato, waa yahay ayuu yiri, waana balameen, laakiin ilaa iyo hadda la isma arkin…” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Markale Sheikh Shariif ayaa weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo, isaga oo sidoo kale dhaliilay dadka marka hogaanka ay qabtaan iska fogeeya inay dadka kale la kulmaan. “Marka qofka Soomaaliga la doorto, jini ayaa ku dhaca, jinnigaas waxaa la yiraahda, anaa la i doortaye maxay rabaan dadka..? War fariista. Aaamusa, laakiin muddo haddaa joogto waxaad ogaaneysaa inaad tahay qofka ugu daciifsan, maxaa yeelay culeys kasta adiga ku saaran yahay..” ayuu yiri Shariifka oo xaaladda dowladda hadda jirta ku tilmaamay in waxqabadkeedu liito. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Unidentified gunmen opened fire on a bus heading to Mekele City of north Ethiopia carrying football players and killed one wounding several, the state broadcaster said. The car carrying Tigray Police Walta Football Club players was attacked yesterday in Afar Region of Ethiopia around Gewane town, according to ETV Sport news aired this afternoon. Football player Amanuel Berhane was killed while other wounded by the attack are taken to a hospital for treatment So far, no detail is released about motive of the gunmen. The report stated that the Afar Regional State is carrying out investigations to bring to justice those who attacked the footballers. The Afar Regional State is one of the nine regional states of Ethiopia, and is the homeland of the Afar people. Source NBE Qaran News
-
Akhiristayaal waxaad qaybtii koowaad ku soo aragteen dhacdooyin badan oo yaableh oo xaqiiqo ah oo dul hoganaya Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, musuq maasuqii kala duwanaa ee uu sameeyay xiliyaddii uu Xilalka kala duwan kasoo qabtay Maamulka Dekeda Berbera, lacagtii Taagga lagu soo iibinayay ee uu cunay iyo hantida badan ee uu ka dhaqday Xoolihii Umadda ee lagu aaminay, waxa kale oo aad ku soo aragteen markii uu Siilaanyo xadhiga u diyaariyay cidda ka hawlgashay ee Siilaanyo ka ladqabaysay,taasi oo ay kuusii Xaqiijinayso xilkan isagoo tuugga ah lagu abaal mariyay ee mar kale Xoolihii u madda loogu loogay. Waa Kuma Mar Kale Axmed Yuusuf Dirir?, Hantiisu intay leeg tahay? Maanta Hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu ka mid yahay dadka ugu tujaarsan Magaalooyinka Berbera & Hargeysa, waxa uu ku leeyahay Dhismayaal aad u badan oo iskugu jira huteelo waa weyn iyo goobo ganacsi magaalooyinka Berbera & Hargaysa umaduna ay wada ogtahay, oo aan cidna ka qarsoonayn, waxaana uu hantidaasi ka dhaqday Xoolihii umadda ee lagu aaminay. Musuqa ugu badan waxa uu gaystay wakhtigii kala wareegga Dekeda Berbera ee ay Shirkadda Dp-World la wareegtay isagoo hanti badan oo iskugu jirtay Lacag cadaan ah iyo gaadiid iyo hanti kale oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay afka iska mariyay, meel ay jaan iyo cidhib dhigeenna aanay ciddi garanayn, markii ay Xukuumaddii hore ku ogaatay ee ay damacday in Xabsiga loo taxaabana waxaa difaacay Madaxweynaha Maanta oo wakhtigaasi ahaa Gudoomiyaha Kulmiye kaasi oo dano badan ku qabay islamarkaana sida uu sheegay Axmed Dirir, ay qaybsadeen Lacagtii Malaayiinka ahayd ee Taagga ee la waayay ee uu Axmed Dirir sida badheedhka ah AKAWNKA Dekedda ugala baxay. Sidoo kale Waxa uu Axmed Dirir ku leeyahay dhismeyaal dhaadheer Magaalada Dubai. Axmed Dirir waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka intay xoolihii umada boobeen hadana umadii kala xishoon waayay ee xaaraantii ku furtay goobo ganacsi, iyo dhul, dhismayaal maalin walba la iibsado. Magacaabistii Xilkan Uu Hadda Haye Ee Hanti Dhawrka Iyo Dareenadda Ku Gadaanaa!!! Markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilka Madaxtinimadda Dalka ku guulaystay, ee uu Xilka la wareegay waxa uu xilka Hanti dhawrka Qaranka u magacaabay Axmed Yuusuf Dirir oo illaa imika haya. Dad badan ayaa aad ula yaabay Madaxweyne Muuse Biixi sababta uu tuuggii uu Xukuumaddii hore ka ladqabeeyay uu xilkan culus ugu abaal guday, waxaase dadka intaasi ka sii xog ogaalsane ay iyana jawaabteeda ku siinayaa jawaabteeda oo uu nuxurkeedu noqonayo inay Ninkani Madaxweyne Muuse Wax baddan isku qarsanayaan. Markii Uu Xilka Hanti Dhawrka La Wareegay Iyo Baadhisihii Uu Bilaabay + Fadeexadaha. Haddaba Markii uu Axmed Yuusuf Dirir la wareegay xafiiska hanti-dhawrka ee Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay, in yar kadib waxa uu baadhis ku bilaabay dawladaha hoose ee wadanka dhamaantood. Baadhitaanadaasi waxa ay Hanti Dhawrku ka bilaabeen Xafiisyadda Dawladdaha hoose ee Magaalooyinka Boorama Gebiley, Hargaysa, Berbera & Burco. Waxa dhamaantood wada baadhay hal Tiim oo uu si gaar ah ugu xil qarsanayay Axmed Yuusuf Dirir, waxaana tiimamkaasi haystay oo uu Madax uga dhigay Cali Bilyan. Dhamaan magaalooyinkaasi meel kaliya oo wax laga qabtay may jirin marka laga reebo Boorama oo la soo eedeeyey Maayarkii, xilkiina lagaga qaaday?. Akhri Dareenada Iyo Fadeexadaha Ka Soo Ifbaxay Baadhisahaasi? Waxaynu ku dul istaagaynaa oo aan ku hakanaynaa Baadhisahan oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee uu Sameeyay Axmed Yuusuf bilawgii Muddo Xileedkiisa iyo fadeexadihii kasoo noqday. Dabo-gal iyo faham gaar ah oo aan galiyay sida uu hantidhawruhu uu shaqada baadhistaa Hay’addahaasi u bilaabay iyo halka wax ka khaldameen ayaa waxa noo soo baxay qodobadan: 1. In Dhamaan Maayirada Magaalooyinka Hargaysa, Gebiley & Berbera Laga Qaatay Laaluush. 2. In Heshiis Joogto Ah Lala Galay Oo Bil Walba Ay Lacag Bixin Doonaan. 3. Iyo In Aan Culays Danbe La Saarin Ee Siday Doonayaan Ay Sameeyaan Oo Ay U Icticmaalaan Kharashka Mar Hadii Heshiis La Yahay. Bulshooy ilaahaybaan idinku dhaarshee ma waxaasi ayaa baadhitaan ah? In la yidhaa mayarkii boorama oo kaliya ayaa la qabtay oo dhamaan maayiradii kale waa wada nadiif inaga oo og maanta hargaysa waxa ka taagan ma waxaan aqbali karnaa?.Waxaan ognahay markii la baadhayey dawlada hoose ee Berbera toban cisho intaaynay gaadhin mudadii la hayey faylashooda ayaa habeen madaw inta hargaysa laga qaaday la geeyey Berbera inta qalinkii akhtarka ahaa loogu saxay. Ma waxaas ayaa baadhis ah? Muxuu Ku Badeshay Baadhisahaasi? Waxaanu ogaanay in dhamaanba dawladahaasi hoose ee uu baadhay uu Axmed Dirir ka qaatay laaluush iskugu jira lacag iyo dhul, meesha kaliya ee uu ka waayay waxaasina ay ahayd Boorama isagiina la eedeeyey, waana tii uu Xilka ku waayay maayarkii Boorama. Ma waxaas ayaa cadaalada ama baadhis aan odhan karnaa ? waa ninkaa hantidhawraheena guud ee maantu bulshooy. 6. Kooxo Uu Ku Shaqaysto Oo Uu Samaystay & Haykalkii Xafiiska Oo Uu Baabiiyey. Axmed dirir mudadii uu joogay hantidhawrka waxa uu sameeyey in uu shaqaalihii hantidhawrka kala qaybiyo, oo dadkii khibrada lahaa ee mudad dheer soo shaqaynay uu waxba u dirsan waayo ama ka qaado goobihii ay joogeen. Waxa uu samaystay laba kooxood oo beeshiisa ah oo uu u dirsado meeshii uu doonayo in la baadho si ay ugu soo ururiyaan laaluushka uguna fudaydiyaan musuqa uu doonayo, waxaad arkaysaa mar meel koox baadhis ah loo diro in 5 ama 6 qof ee goobtaa loo diro ay isku beel wada yihiin oo dawladnimadii meesha laga saaray, sobabta ugu waynina ay tahay musuqa uu doonayo si aan loo fahmin. Waxa kale oo dhacday in uu baabiiyay hawkalkii dawladnimo oo dhamaanba waaxyihii kala duwanaa ee xafiiska hantidhawrka uu ka dhigay wada beeshiisa dadkii kale oo dhana uu meesha ka saaray. 7. Miisaaniyadii Xafiiska Hantidhawrka Iyo Sida Uu Ugu Tagrifalo!!! Waxa uu sameeyey in uu musuqay miisaaniyadii xafiiska ee loogu talo galay in la siiyo shaqaalaha Hantidhawrka si meesha looga saaro in aanu ninka hantidhawrha ah ee wax baadhayaa aanu waxba waydiisan Masuulka uu baadhayo. Lacagtaasi Axmed Dirir wuu ka duudsiyey shaqaalihiisa, lacagtaasi oo dhan milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar sanadkii waxa uu ku shubtaa akoon gaar ah oo sadexdii biloodba loogu shubo lacag gaadhaysaa 3 boqol oo kun oo dollar. Taasi haddii aad rabto waxa aad boqataa Xafiiska Hanti dhawrka, waxaanad ka ogaan kartaa Shaqaalaha laftooda iyo masuuliyiinta halkaasi ku sugan ee dulman. Halkan U Fiirso Oo Fahan Buuxa Ka Qaado?. Lacagtaasi ma laha wax xisaab celin ah ee waxa uu ula baxaa sida uu doono, shaqaale waxba kama siiyo marka laga reebo kooxaha uu samaystay oo uu waxyar ka siiiyo iyaga. Madaxweyne ma dawladnimadaa in hantidhawrihii wax sixi lahaa uu isagii boobayo lacagtii shaqaalaha lagu tayayn lahaa? Wasaaradaada maaliyaduna ay si toosa ugu fudayso musuq oo akoon ugu shubto inaga oo ogsoon in hay’adihii kale iyo wasaaradihii dawladu ay foojar isticmaalan? Gebo-gebadii Madaxwayne waxay umadu kaa sugaysaa in aad si degdeg ah talaabo u qaado oo aad keento qof nadiifa oo umadu ay ku kalsoonan karto, musuqna aan hore u soo samayn oo baadhitaankii lagu qanci karo. Mudane Madaxweyne ma tuuganimadii ayaad ku abaalmarisay? Ma xoolihii umada ee uu sifaha khaldan uu adeegsaday ayaad abaal gud uga dhigtay goobtii la doonayey in aad gayso nin nadiifa oo umadu aamini karno, waxa uu soo qabtana lagu qanci karo? Madaxweyne, Ilaahaybaan kugu dhaarinee miyaanad umada Somaliland ka xishoonayn markaad ninkaa tuugaa ee aad ogtahay aad aad u magacaabayso meeshi musuqa lagala dagaalami lahaa?!!! Maxaad madaxweyne umada caqligooda u caayaysaa?!!! Somaalidu waxay ku maahmaahdaa: Hal xaaraani nirig xalaala ma dhaso! Oo macanaheedu maanta noqonayo nin tuug ahi baadhitaan sax ah ma samayn karo. Shacab Somaliland-na waxaan leeyahay waa ninkaa hantidhowraha maanta ina leh waxbaan saxayaa. Waa kii la horgayn lahaa cadaalada ee xoolihii umada ee uu dhacay laga soo celin lahaa. Ilaahow cadaalad ayaan ku waydiisanay iyo dad sharaf iyo karaamo leh oo hantida umada lagu aamini karo. Lasoco Qaybo Dambe …. Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London. Virus-free. www.avast.com Qaran News
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeyska The Star, ee ah kan saddexaad ee loogu akhris badan yahay Kenya, ayaa qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay “Kenya waa inay si qoto-dheer ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada Soomaaliya”. Wargeyska ayaa ku baaqey in Kenya ay ka digtoonaato ciidammada Danab ee loo sameynayo Soomaaliya iyo iskaashiyada kale ee Soomaaliya ay ku tallaabsanayso. The Star ayaa sheegay in ay dhacday booqasho heerkeedu sarreeyo oo ay Soomaaliya ku tageen mas’uuliyiin sare sare oo Maraykan ah, kuwaas oo kala ahaa Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, iyo hoggaamiyaha ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) General Thomas Waldhauser. Waxay labada mas’uul kulamo la yeesheen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya. Wargeyska wuxuu sheegay in wadahadalladaasi diiradda lagu saaray iskaashi amni oo dhexmaro labada dhinac, siiba in la sii hormariyo ciidammada Soomaaliya ee Danab oo tayadoodu sarreeyso. Danab, ayuu Wargeyska sheegay in lagu tilmaami karo ciidammada ugu tayada sarreeyo Soomaaliya, kuwaas oo yeelan doono ilaa shan guuto. Wargeyska waxaa uu sidoo kale soo qaatay shirkii Maraykanka ku dhexmaray Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo la taliyaha arrimaha amniga ee madaxweyne Donald Trump, John Bolton. Waxaa shirkaasi sidoo kale ka qeyb-galay Wasiirka arrimaha horumarka ee Norway, Dag Inge Ulstein, taas oo loo baahan yahay, sida wargeysaka sheegay in Kenya aysan u deymo la’aanin maadaamma ay arrintu la xiriirto shidaalka laga helay badweynta Hindiya. Wargeyska ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo in ciidammadiisa kala soo baxo waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyadoo ciidammada Maraykanka ay haatan ku dhex-jiraan ciidammada Danab, oo loo diyaarinayo inay Al-Shabaab la dagaallamaan. Wargeyska waxaa uu is weydiiyay sababta ay Kenya dhibbane ugu tahay “argegixisada”. Waxaa kale oo is weydiiyay cidda ay tahay inay difaacdo madaxbanaanida Kenya, iyadoo dalalka kale ay arrintaas ka fakarayaan. Wargeyka wuxuu is weydiinayaa sababta ay Soomaaliya xilligan u dardargelisay inay waddamo kale u raadsato dhaqaale. Waxaa kale oo uu Waregsyka is weydiinayaa sababta ay Kenya uga hadli la’dahay kiiska maxkamadda cadaaladda ee dunida ee la xiriira muranka badda Soomaaliya iyo Kenya, maadaama bisha September ay soo dhawdahay, xiligaas oo uu wargeyska sheegayo in la filayo inuu soo baxo go’aanka maxkamadaasi. Wargeyska ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in danaha Kenya ay iska indha-tiraan madaxda dalka iyo waddamada kaleba, wuxuuna inta raaciyay waxa ku dhacay go’aankii ahaa in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, iyo in waaxda socdaalka ay diyaar u tahay in shacabka ay la wadaagto dadka ajnebiga ah ee ku sugan gudaha Kenya. Waxaa uu wargeyska warkiiska ku gaba-gabeeyay su’aal ah sida ay dowladda Kenya u kormeerto goobaha xuduudda ah ee dalka laga soo galo, si loo ilaaliyo danaha shacabka reer Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
(SLT-Canada)-Idiris iyo Sabrina Dhoorre ayaa is aroosay. Iyada oo heshiiskooda guurka uu dhacay sanadkii 2018-kii, 26-ka April ee sanadkaasina ku iclaamiyey huteelka Ksar Char Bagh ee ku yaalla Marrakesh iney isguursanayaan. Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhowre waxay soo xidhatay dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadaha xidhaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska. Xafladdooda arooska oo soconeysa seddex maalmood waxaa ka soo qayb galay saaxibbada iyo ehelada caruuska iyo caruusadda, xafladda arooska habeenka ka horreyeyna waxaa dhacday casha sharaf lagu qabtay Amanjena oo qayb ka ahayd xafladda arooskooda. Maantana wuxuu arooskooda ka dhacay Mandarin Oriental oo looga diyaariyey xaflad aad loo soo agaasimay. Haddaan dib u milicsanno waayaha Saabiriin iyo Idiris Saabriin Dhoorre (Sabrina Dhowre) waa 29 jir asalkeedu Soomaali yahay, laakinse ku dhalatay, kuna barbaartay waqooyiga Ameerika. Waxay muddo wada noolaayeen, una alkuman tahay jilaaga caanka ag ee Britain u dhashay Idiris Elba. Mihnadda Saabriin waa jilaa iyo xayeysiinta dharka. Waxay 2014 ku guulaysatay tartanka quruxda gobolka Vancouver ee dalka Canada. Source
-
Cabdirisaaq Maxamed Warsame Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka oo aan saxaafadda lala wadaagin ayaa guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland lagu magacaabay Cabdirasaaq Maxamed Warsame oo ah nin dhalinyara. Dikreetada ayaa soo baxday laba maalmood ka hor oo ku beegan Khamiistii xilligaasi oo madaxweynaha Puntland uu safar ku joogay magaalada Nairobi islamarkaana uu ku simaha madaxweynaha ahaa mudane Axmed Karaash. Gudoomiyahan cusub ayaa la magacaabay 5 bilood kadib markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee gobolka Sool Abukar Cabdi Geelle oo xilka hayay mudda 6 bilood ah. Tan iyo markii la doortay madaxweyne Deni waxaa la magacaabay mas’uuliyiin kala duwan oo aan shacabka iyo warbaahinta midna lala wadaagin macaabistooda iyadoo maalmo kadib la arko xafiis qof joogay oo qof kale fadhiyo. PUNTLAND POST The post Puntland: Gobolka Sool oo guddoomiye cusub loo magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Xaafadda cagaaran ee Boosaaso waa xaafad dhowaan la qorsheeyey in laga hirgeliyo dhanka galbeed ee magaalada Boosaaso. Waxaa mashruuca lagu dhisayo xaafadaan cusub iska kaashanaya qurbajoog soomaaliyeed oo maalkooda ku bixinaya horumarinta dalkooda. Dhulkan ayaa loo qaabeeyay in mustaqbalka dhow laga dhiso ilaa 2500 Guri iyo Goobo danta guud ah. Munaasibadda lagu dhagax dhigayey xaafadan cusub waxaa ka soo qayb-galay xubno katirsan golaha xukuumadda Puntlan , maamulka Gobalka bari kan degmada Boosaaso , isimo , siyaasiyiin xilal kala duwan soomaaliya ka soo qabtay ,waxgarad iyo dadweyne kala duwan. Dadkaasi oo ay aaad u soo jiidatay nidaamka cusub ee loo qorsheeyey in xaafadda cagaaran ee Boosaaso loo dhiso. Gudoomiyaha Degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam , Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado , Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee Puntland Axmed Cirro iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa soo dhaweeyey xaafaddan cusub. Mas’uuliyiinta ayaa qurbajoogta soomaaliyeed ee mashruucaan hirgelinaya u balan qaaday wadashaqayn joogto ah Eng Cabdimahad Siciid Cali kawir oo ah injineerka xaafadan cusub dhismeheeda gacanta ku haya ayaa isna ka hadlay habka dhismayaasha xaafadaan noqon doonaan iyadoo aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo madaxa mashruuca uu si lamid ah uga hadlay sidoo kalena Cabdisalaam Cismaan Yuusuf oo kamid ah aasaasayaasha mashruucaa xaafadda cagaaran ee boosaaso . Dhegayso codadka Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Xaafad cusub oo laga dhagax-dhigay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn kulul u jeediyay maanta dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Farmaajo, iyagoo sheegay inaysan waxba qaban hawlihii loo igmaday. Sheekh Sharif, Xasan Sheekh iyo Jawaari Hadalkan ayay ka sheegeen labada madaxweyne munaasabad uu Muqdisho ku qabtay xisbiga Himilo Qaran oo uu aasaasay Sheekh Shariif, kaasoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda hadda jirta. Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah inaysan waxba ka qaban amniga dalka, sidoo kalena ay ka gaabisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay in halkii ay uga tagtay dowladdii midan ka horreysay uu weli taagan yahay. “Al-shabaabkii aan shalay Muqdisho iyo gobolo badan oo wadanka ka mid ah aan ka xoreynay in maanta nala yiraahdo dekedda Mogadishu ayay canshuur ka qaataan looma dulqaadan karo, annagu dowladda diyaar baan ula nahay inaan ku garab-istaagno hawlaha looga igmaday haddii ay doonayso inay wax ka qabato,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale, Wuxuu dowladda hadda jirta ee uu hoggaamiyo Farmaajo ka dalbaday inay wax ka qabato saddex arrimood oo kala ah; Wax-ka qabashada Amniga oo meel fog laga keenay, dhameystirka Dastuurka KMG ah ee dalka iyo inay xilli hore caddeyso nooca doorashada dhacaysa 2020-ka si loogu diyaar garoobo. Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa isagana ka hadlay goobta wuxuuna sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta mareyso meel xun oo loo baahan yahay in si deg-deg ah loo badbaadiyo. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ah ay caburin ku hayso siyaasiyiinta dalka ku sugan qaarkood, isagoo xusay in awood sheegashada dowaldda ay dalka burburin karto haddii madaxda sare ee hoggaanka haysa aysan muujin tanaasul siyaasadeed. “Waddanka hoggaamiye xoog badan iyo shacabka oo lagu qabto gacan bir ah – afkana la qabto waa tan maanta soddon sano na dhigtay meesha aan maanta aalno, fidnadii ka dhalatayna weli way socotaa,” ayuu Xasan Sh. Maxamuud ku yiri hadalkiisa. Ugu dambeyn, wuxuu hadalkiisa ku yiri. “Dadka waa hadlayaan, haddii laga hor istaagana si walbo ahaado waa isu tagayaan, haddii Qaranka wax kasoo hor-jeedo laga hadlana Qaran dumis in la yiraahdo waa afqabasho iyo wax aan raalli laga noqonayn, dhaqan suubanna ma ahan.” PUNTLAND POST The post Eedeymo kulul oo loo jeediyay madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacdey xafladda daah-furka xisbiga Himilo Qaran, waxaana ka soo qeyb galay xisbiyada siyaasadda iyo mas’uuliyiin ka socotay beesha caalamka. Aden Madoobe oo horay u soo noqdey guddoomiyaha golaha shacabka kana tirsan golaha dhexe ee xisbiga Himilo Qaran Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan madaxda xisbiga Himilo Qaran oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xisbigan uu ku yimid baahida loo qabo xisbi siyaasadeed oo hano karo talada dalka, kana saari kara xaaladda lagu jiro. Mudane Shariif ayaa soo qaatey in maanta qaranka u baahanyahay “Yac” “Shalay annaga oo joogna ayuu korkaanna ku dumay, waqti ayaa lagu baxshay, dad badan oo qaali ah ayaan ku weynay, abaalmarintooda waxaa waaye in aan qarannimada ilaalinno” ayuu intaa raaciyey. Madaxweyne Shariif ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Arrin dhacdey ayaan rabaa in aan idiinkaga sheeko oo aniga iyo madaxweyne Xasan Sheekh na dhex martay waagii aan joogney Garoowe, xooga madaxweynaha waxaa lagu xaman jiray inuu rabo inuu dowladda dumiyo, war heedhe adiga waxaa la rabay in aad dowladda dhisto ee maxaa jira ii sheeg? Wuxuu dhahay Xashaa lilaah, cabbaar ayaa sheekeysaney, gacabtaan ka qabtey, madaxweyne Farmaajo ayaan u geeyey waxaan iri, madaxweyne ninkan wixii lagu xamanaayey been waaye, 2-badaada sano in aan dhameysato ayuu ogol yahay, laakin waxuu rabaa wuxuu qoonsadey in aad dhageysto? Wuxuu dhahay waa aqbaley, waa ballameen la isma arkin ilaa hadda”. Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyihii hore golaha shacabka ayaa hambalyeeyey xisbigan, isaga oo ku dheeraaday heerarkii axsaabtii siyaasadda laga soo bilaabo 1945-1969 oo 60 xisbi ay jireen iyo dhaqan dimoqoraadi ah, 1969-1979 xisbi ma jirin, 1979 hal xisbi oo kacaanka ahaa ilaa 1990-2015 sidoo kale xisbi ma jirin ilaa laga ansixiyo xeerka xisbiyaga July 2015-kii. Mr. Jawaari waxaa uu soo-jeediyey in axsaabta ay ku midoobaan aragti iyo ajende mideysan, waxaa kale uu ammaaney sida xilalka isugu wareejiyeen kaas oo ah dhaqan ay soo bilaabeen Aden Cabdulle iyo Cabdirashiid Sharma’arke, waxaa uuna ku dar-daarmay in la digtoonaado in asxaabta la takooro iyo in awoodaha dowladnimada ee 3-da ah ay hal gacan gasho. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xafladda xisbiga Himilo ayaa sheegay in dadka hoggaanka u haya ay waayo-aragnimo u leeyihiin dowladnimada. Mudane Xasan Sheekh oo arrimo badan ka hadley waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Dowladdu waa iney ogolaataa, raalli ka noqotaa, fududeysaa, dhiirigelisaa, ilaalisaa siyaasiyiinta marka ay hadalayaan, dadka waa mucaarad iyo waa qaran dumis yaan lagu dhihin ee gurigaaga iska gal qofna ma dhahayo, dadku waa dadlayaan, waa isu tagayaan, sida ugu haboon ay isugu tagi lahaayeen haddii laga hor istaago xataa si aan habooneyn ayey isugu tagayaan, marka marna iney isu tagaan, lama celin karo, dowladda iyo hogaankeeda waxaan ku dhiirigelineynaa in saaxada siyaasadda in la furo, annaguna diyaar ayaan u nahay in aan ku taageerno wax kasta oo qaanuunka waafaqsan, oo dastuurka waafaqsan, oo dowladdu ay wado in aan ku taageerno, wax kasta oo dastuurka dhinac marsan, qanuunka dhinac marsan in aan diidno ayaan diyaar u nahay, isku darnaa xaajada, haddii dastuurka wax ka soo horjeedo maya dhaho, qaran dumis ma ahi, dowlad diid ma ahi”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com