-
Content Count
214,299 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa ku warramaya in Ciidamada Puntland ay weerar ku yihiin deegaanka Af Urur ee gobolkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay qabsadeen dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab. Ciidanka Puntland ayaa haatan isku urursanaya degmada Carmo, waxaana la sheegay in ay dib ugu laabanayaan deegaankaasi oo ay shalay soo baneeyeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhankooda Al-Shabaab ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay doonayaan in ay kaga hortagaan Ciidamadaasi. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi. Af Urur oo ah deegaan istaraatiji ah ayaa ku yaalla Buuraha Golis, waxuuna in ka yar 70 KM u jiraa magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka fulisay deegaankan, kuwaas oo waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Dawladda boqortooyada Ingiriiska ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamul-gobolleedka Koonfur Galbeed ka furtay Xarun lagu tababbari doono Ciidammada Soomaaliya. Xaruntan ayaa waxa loogu talo-galay in Tababbarro lagu siiyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya si ay Mustaqbalka ula wareegaan Amniga guud ee Dalka, qaadaana Masuuliyadda Xasiloonida. Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa sheegtay ujeeddada Xaruntan loo hirgeliyey tahay in lagu horumariyo Ciidammada Amniga oo la doonayo inay mustaqbalka si buuxda u Xasiliyaan Dalka. Soomaaliya waxa awood ku leh Kooxo Islaamiyiin ah tobannaan sanadood, kuwaasi oo ay ka mid tahay Kooxda xulafada la ah Al-qaacida ee Al-shabaab. Kooxdan argagixisada ahi waxay dishay Kumanaan Dad ah, Malaayiina way barakicisay. Bulshada Caalamka ayaa Soomaaliya Ciidammo, si ay uga caawiyaan la dagaalanka argagixisada, UK, Maraykanka iyo Midowga Afrika ayaa qayb ka ah kooxaha hawl-gallada ka wada Soomaaliya. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July. Xubnaha Guddiga 1 Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye 2 C/Raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Xubin 3 Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashaan-dhigga Xubin 4 Maxamed Abuukar Islaaw Wasiirka Amniga Gudaha Xubin 5 Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Xubin 6 Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Sadiiq Xirsi Warfaa Xubin 7 Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Xubin 8 Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka Xubin Xilka Guddiga Guddiga ayey shaqadoodu tahay in ay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July, in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha shaqada ku leh maalmaha xorriyadda iyo midnimada, in ay jaan gooyaan qarashaadka ku baxaya xuska, in ay magacaabaan guddi hoosaadyada farsamo ee xuska iyo in ay kormeeraan hannaanka ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya. Guddigan uu magacaabay ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xorriyadda,midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,kaasi oo ka kooban 9 xubnood. Halkan hoose ka akhriso magacyada guddiga: 1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye. 2: C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin 3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin. 4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin. 5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin. 6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin. 7: Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xubin. 8-Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin 9-Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirada iyo xiriirka Baarlamaanka Xubin Shaqada ay qabanayaan ayaa ah:- 1: In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo. 2: In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda. 3: in ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda. 4: In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda. 5: In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019. 6:In ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran. View the full article
-
Dhuusomarbee (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta beeniyay in uu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay isaga iyo madaxa Xukuumadda maamulkaasi Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan. War qoraal ah oo lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah. “Waxba kama jiraan wararka lagu baahiyey Baraha Bulshada ee la xiriira kala aragti-duwanaan u dhexeysa Madaxda Galmudug”. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Warbaahinta qaar saacadihii la soo dhaafay ay warisay in uu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhex galay Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo ku aadan arrimaha doorashada maamulkaasi. View the full article
-
The president of the Galmudug State of Somalia, Ahmed Duale Gelle Haaf, today dismissed from office the governor of Mudug region, central Somalia, and appointed a new governor. In a decree, President Haaf appointed Abdirahman Ali Diriye as the new governor of Mudug region after dismissing his predecessor, Abdirashid Hashi Artan. Artan has not yet commentated on the matter. However, the decree said the step was taken in order to better undertake services in the region. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka. Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska. Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababari karaa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysa tayada tababarada ciidamada. Saraakiil Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed tan iyo ilaa 2017-dii,iyagoo bixinayay tababarro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha. Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in UK ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay kamid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro Dagaalyahannada Al Shabaab. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta dhagax dhigay wajiga labaad dib u dayactir lagu sameynayo waddada Janaraal daa’uud ee magaalada Muqdisho. Waddadan ayaa isku xirta degmooyinka Yaaqshiid, Boondheere iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Waxaa munaasabadda dhagax dhigga goob joog ahaa guddoomiyeyaasha degmooyinkaasi iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiye Yariisow oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa sheegay in ay tahay waddadani tii 8-aad oo Laami ah oo uu hirgalinayo maamukiisa. Dhinaca kale Duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay xubno ka socday hay’adda horumarinta mashaariicda QM ee UNDP. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan horumarinta Caasimadda, sida uu Warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Jowhar (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Gaari Hoomey ah uu labo Caruur ahaa ku jiiray duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Gaariga oo siday Caano ayaa la sheegay in Caruurtan uu ku jiiray deegaanka Moorogubad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Aabaha dhalay Caruurtaasi oo 12 jir 8 jir kala ahaan ayaa Shabelle uga warramay dhacdadaasi, waxaana uu sheegay in labaduba ay Geeriyoodeen. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in la aqoonsaday wadaha Gaariga shilka geystay. Darawallada oo si xawli u kaxeeya gaadiidka ayaa loo sababeeyaa shilalka nuucaan oo inta badan ka dhaca gudaha dalka. View the full article
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Dowladda UK ayaa shalay xarigga ka jartay saldhig lagu tababarayo Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada. Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa shaacisay in shalay oo Sabti ahayd Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay laga furay Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya lagu tababaro. Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa sheegtay in ujeedada saldhiggaasi yahay sidii dowladda Federaalka ah looga caawin lahaa in amniga dalka ay kala wareegto AMISOM islamarkaana Ciidamadii ay kula wareegi lahayd qeyb ka mid ah lagu tababaro saldhigga. Saldhiggan waxa uu ku dhex yaalaa gudaha gareoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, kaasoo garoon Milatari ah xiligii dowladdii dhexe ay ka jirtay dalka bur burkii ka hor. Sababta ay u hirgaliyeen Saldhiggan waxa ay Safaarada ku sheegtay iney qeyb ka tahay qorshaha la doonayo in dalka looga saaro Ciidamada AMISOM, waxaana Saldhiggan lagu tababari doonaa qeyb kamid ah askarta la doonayo iney amniga dalka la wareegto. Dowladda Ingiriiska waxa ay sheegtay in Saldhiggeedan cusub uu u dhameystiran yahay qalabkiisii, kaasoo si casri ah loo dhisay, waxaana durba la geeyay Saraakiil tababar siisa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada. Waxa uu noqonayaa Saldhiggii 4-aad ee dalalka shisheeye ay ka dhistaan wadanka, waxaana Saldhiggii u horeeyay uu Mareykanka ka sameystay deegaanka Bali-Doogle ee gobolka Sh?Hoose, waxaa ku xigay midka Turkiga ee ku yaala deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho iyo kan Imaaraatka Carabta uu ka sameystay Magaalada Berbera ee Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Slightly three months after take over of strategic Busar town in Gedo region, notorious Al-Shabaab militants on Sunday morning recaptured Bosaso region after the exit of Puntland soldiers. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-090619.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qabanqaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya. Guddigan uu magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qabanqaabada sanadguurada 59-aad ee kasoo wareegtay xorriyadda, midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, kaasi oo ka kooban 7 xubin. Waxayna kala yihiin: 1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye. 2: C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin 3: Xasan Cali Maxamed, Wasiirka Gaashaandhigga xubin. 4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin. 5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin. 6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin. 7: Dadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaaha xubin. Shaqada ay qaban doonaan 1: in ay qabanqaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26-ka June iyo 1-da Luulyo. 2: in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qabanqaabada maalmaha xorriyyadda. 3: in ay jaan gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda. 4: in ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda. 5: in ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka June iyo 1-da Luulyo ee 2019. 6:in ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran. Source: goobjoog.com
-
Shirkadda dispatch logistics waa shirkad ay leeyihiin ganacsato reer Puntland ah oo xafiiskeeda ugu weyn ku yaal magaalada Salalah ee dalka Oman. Shirkadda Dispatch Logistics waxay macaamiisheeda la wadaagaysaa adeegyada kala duwan ee ay qabato:- Sea Cargo Forwarding: Adeega gudbinta badeecadaha kala duwan dhinaca Badda iyada oo isticmaaleysa nidaamka Transit-ka dekedda Salalah oo ah nidaam wadamadu badeecadaha isugu gudbiyaan oo canshuur dhaaf ah una gudbinaysa dekedda Bosaso. Waana adeegii ugu horeeyey oo ay shirkaddu u bilowday macaamiisheeda. Inland Cargo Forwarding: Adeega gudbinta badeecadaha kala duwan dhinaca barriga iyada oo isticmaaleysa nidaamka Transit-ka dekedda Berbera, shirkadda oo noqotey shirkaddii ugu horeysay oo ka hirgalisa nidaamkan dhulka badeecadaha la marinayo dekedda Berbera laguna dajinayo xerooyinka Containers-ka shirkadda ee ku yaala Garowe Agagaarka Puntland Petrolium Station, iyo Gaalkacyo agagaarka Kantaroolka magaalada. Export Forwarding: Adeegan oo ah mid alaabta dibada dalka looga dhoofinayo sida badeecadaha u baahan Qaboojiyaasha, sida Kaluunka, Argoosatada iyo Hilibka. Sidoo kale badeecadaha aan ubaahnayn qaboojiyaasha. Air freight Forwarding: Waa adeeg ay shirkaddu qorsheynayso in ay hirgaliso mustaqbalka dhow si ay u daboosho baahiyaha macaamiisheeda ku sugan Puntland ee dhinaca Cargo-da yar yar. Faahfaahin” Shirkadda Dispatch Logistics waxay idin faahfaahinaysaa sababta soo dedejisay bilaabidda adeega badeecadaha ee Berriga. Badeecadaha qaarkood oo aan doon la soo saari karin sida badeecadaha Qaboojiyaha u baahan. Badeecadaha qaarkood oo aan Container-ka laga bixin karin sida qalabka warshadaha oo u badan biro iyo boolal iyo qalabyo la isku xirxirayo oo hadii Doon lasoo saaro ay halis u tahay in qaar kala lumaan hadhowna ay suura gali waydo in sidii la rabay qalabkaa loo xirxiro. Badeecadaha doomaha ku burbura sida muraayadaha, electronics ka, gawaarida, solars ka iyo machineries ka qaarkood. Waqtiyada qaarkood oo aysan doomuhu safri karin sida waqtiyada bad xiranka loo yaqaan oo ah waqti dheer oo dabaylo xoogani badda ka dhacaan lagana yaabo in ay ku burburto hantida shacabka Puntland. Shirkaddu waxay ku guulaysatay in ay meesha ka saarto labadii canshuurood ee fuuli jiray badeecadaha. Shirkaddu waxa ay xalisay dhibaatooyin fara badan oo ay ka caban jireen shacabka Puntland waxa ayna suuro galisay in ay siiso qof kasta oo degen Puntland kalsooni uu kaga soo dagsan karo badeecadiisa Bad iyo Barri, sidoo kale mustaqbalka dhowna ay ku dari doonto adeegeeda Cirka. Shirkadda Dispatch Logistics waxa qorshaheedu yahay in ay meesha ka saarto khasaaraha sanadlaha ah ee ganacsatada Puntland soo gaara, kaas oo lagu qiyaaso 20-30% kana yimaada alaabo jajabtay, alaab luntay iyo magdhow looga soo dalaco dekedaha Carbeed. Wixii su’aalo ah oo la xiriira adeegyada shirkadda iyo meelaha ay ka howl gasho fadlan kala soo xiriir.. Dispatch Logistics Freight Forwarding Services Salalah, Garowe, Berbera E-mail: info@dispatchls.com Tel: 0096891205156 (Salalah). The post Shirkadda Dispatch Logistics oo adeegyadeeda gaarsiisay Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maalin ka hor xilka guddoomiye-nimo looga qaaday wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in la qorsheeyey in isaga xabsiga la dhigo. Wuxuu tilmaamay Dabageed in madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle uu soo amray ciidanka DFS ee ku sugan B/weyne, in isaga xabsiga ay dhigaan, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Cali Guudlaawe wuxuu lasoo hadlay ciidanka DFS ee milatariga, Booliiska iyo NISA oo uu leeyahay Dabageed hala soo qabto, aniga sharci ayaa i qaban kara ee ima qaban karo rabitaanka Waare iyo Guudlaawe, sharcigiina iyagaa diiday” ayuu yiri Dabageed. Dhanka kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in reer Hiiraan ay ka war sugayaan dowladda federaalka ah, islamarkaana wixii ay ku taliso diyaar u yihiin. “Reer Hiiraan waxay isku raaceen in dowladda Soomaaliyeed ay ka war sugaan, dowladda sidey wax u dhigtana ay qaataan, waxay dhibsanaayaanna wax laga weydiiyo, arrintaanna dowladda Soomaaliya soo farageliso” Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa iska diiday xil ka qaadistii lagu sameeyey, isaga oo sheegay in sifo aan sharci ahayn loo soo maray arrintaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusama-Mareeb (Caasimadda Onine) – Maamulka Galmudug ayaa war kasoo saaray warar dhowaanahaanba la isla dhexmarayay, kuwaas oo sheegayey in khilaaf uu soo kala dhex galay hoggaanka ugu sarteeya Ahlusunna Waljameeca iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxweyne Xaaf ayaa lagu yiri, “Waxba kama jiraan wararka lagu baahiyey Baraha Bulshada ee la xiriira kala aragti-duwanaan u dhexeysa Madaxda Galmudug”. Waxaana jiray warar ay baahiyeen warbaahinada qaar kuwaas oo lagu sheegay in hoggaanka Ahlusunna iyo Madaxweyne Xaaf uu soo kala dhex khilaaf salka ku haya doorashada maamulkaas oo Madaxweyne Xaaf uu doonayo in la qabto sanadka 2020-ka halka madaxda Dowladda dhexe ay dooneyso in doorashada maamulkaas la qabto horaanta bisha Julaay ee nasoo aadan. Dhanka kale waxaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug u diyaar garowga shir lagu wado in Todobaadka soosocda ay magaalada Dhuusamareeb ku yeeshaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo dhowaan uu isugu yeeray Madaxweyne Xaaf. Kulan looga arinsanayo qaban qaabada shirkaas ayaa waxa uu xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Gudoomiyaha guud Culumada Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan waxaana la sheegay in kulankaas uu kusoo dhamaaday is afgarad. Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu Isniinta u amba bixi doono Magaalada Neyrobi ee dalka Kenya, halkaas oo kulan hor dhac ah ay ku yeelanayaa qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kadibna ay kulan koodii uu is kugu yeeray Madaxweyne Xaaf ay Todobaadka nasoo aadan is kugu tagi doonaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
