-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war-saxaafaddeed ay soo saartay uga hadashay go’aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, go’aankaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeysan, xiriirna lala sameyn doono hey’adaha ay khuseyso arrintaan. Halkaan ka Akhrisoo war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo baxay. ” Dowlada Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay aad uga xuntahay go’aanka ay gaartay dowladdaKenyaeeahinduullimaadyadiitooskaahaaeeMuqdishoiyoNayroobimaanta loo leexiyay magaalada Wajeer, talaabadaas oo ay dowladdu u aragto mid culeys lagu saarayodhaqdhaqaaqamuwaadiniintaSoomaaliyeed. DFS waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirkaderisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isusocodkalabadashacab. DFS waxay u taagan tahay dhawrista sharafta iyo karaamada ummadeeda iyo qaranannimadeeda,waxaynaugubaaqaysaa dowladdaKenya in aydibufiirisotallaabadan culeyskakuahganacsigaiyoisusocodkalabadashacabeewalaalahaah. DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan, iyadoo qiimeyneysa tallaabadakuhabooneeayqaadeyso. Mog-Nairobi-Press-Release-1 View the full article
-
Garowe (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.” “Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, ku loo lamay degmooyinka Warta Nabadda iyo Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Labada degmo ayaa waxaa dhex maray tartan adag, kuwaas oo u dambeeyey Group B ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Warta Nabada ayaa la timid 12 buundo, halka Xamar Weyne oo ay guushu raacday ay keensatay dhibco gaaraya 14 . Xamar Weyne ayaa noqoneysa degmadii afaraad oo badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka. Caawa tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku baratami doona degmada Shangaani ee G/ Banaadir iyo deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
-
Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa saaka oo Sabtiya mar kale u fadhiisatay dhegaysiga dacwadda loo haysto, 10 nin oo ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan oo 25-kii Febraayo ee sannadkan kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Maxkamadda oo furantay 8:00am ee saaka oo sabtiya, ayaa la horkeenay 10 eedaysane oo loo haysto kiiska Caa’isha, waxaana hadda maxkamaddu dhegaysanaysa ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud dowladda Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo akhrinaya dacwadda loo haysto eedaysanayaasha. Sidoo kale, qareennada u doodaya 10-ka eedaysane, ayaa mid-mid looga dhegaysan doonaa doodda ay ku difaacayaan eedaysanayaasha, ka ka hor inta aan maxkamaddu go’aan ka gaarin kiiska. Goobta maxkamaddu ka dhacayso, waxa haatan ku sugan mas’uuliyiin ka wasaaraaha Haweenka iyo Caddaalada dowladda Puntland, xubno ka socda laamaha garsoorka, qareenno, ehelada eedaysanayaasha, xubno ka socda qoyska marxuumad Caa’isha iyo dadweyne kale. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Garoowe: Rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas oo saaka mar kale maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka warbixisay weeraro saacadihii la soo dhaafay ka dhacay M/Muqdisho. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in bac yar oo lagu soo shubay baaruud ay ku qaraxday agagaarka xarunta CID-da. “Qofne waxaba kuma noqon isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa caadi ah” ayey tiri taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa ka dalbatay shacabka Soomaaliyeed in ay ku soo wargaliyaan laamaha amniga wax kasto oo ay ka shakiyaan. Dhanka kale Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday xarun ay shirkadda Hormuud ku leedahay xaafadda Seybiyaano ee dgemnada Hodan. Rag buracd ah ayey tilmaamtay in ay fuliyeen weerrajkaasi, islamarkaana ay Toogteen, halka nin sidoo kale ay dhacawen Gabar kale oo shacab ah. Sidoo kale waxa uu intaasi ku dartay in Ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen 2 ka mid ah Raggaasi iyo Hubkooda. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maalmihii dambe waday howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo ay qaadayso dowladda Soomaaliya, 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah. Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka. “Goobaha lagu qabanayo imtixaankaasi ayaa kala ah 71,goobood magalaada Muqdisho ah iyo 34 goobood oo ah dowlad goboleedyada,waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan caruurtooda,tan kale ciidamada amniga waxaan ku ammaanayna dadaalkoodi,iyo in ay sii xoojiyaan ardayduna ay u fududeeyaan howshooda”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka. View the full article
-
Muqdisho ( SMN)- Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-11052019.mp3 View the full article
-
Muqdsho (Caasimadda Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cajiib ah kaga hadlay amarka dowladda Kenya ee ku aadan in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho lagu baaro magaalada Wajeer. Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in diyaaradaha Nairobi tagaya lagu baarayo magaalada Wajeer, isaga oo sheegay in arintaasi looga jawaabi karo in diyaaradaha ka yimaada lagu baaro meel ka baxsan magaalada Muqdisho. Wuxuu su’aal ka keenay in haddii Kenya ay dooneyso in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ku baarto magaalada Wajeer, Maxaa ku jaban in diyaaradaha ka yimaada magaalada Nairobi lagu baaro gobolka Baay. Wuxuu sidoo kale sheegay in lagu baari karo garoonka diyaaradaha ee Bali doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. “Maxey idinla tahay, haddii Dayaaradaha Nairobi tagaya lagu baaro Wajeer, kuwa Kenya ka imaanayana Bay ama Bali-doogle lagu soo baaro.?”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo baarlamaanka kamid ah. Dowladda Kenya ayaa ka baxday heshiis ay horey ula jiray dowladda Soomaaliya kaasi oo ahaa in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ay si toos ah u tagayaan magaalada Nairobi. Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay arintaan ayaa sheegtay inay tahay mid siyaasadeysan, islamarkaana ay baarayaan waxyaabaha keenay in Kenya go’aankaasi ay qaadato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
SIOUX FALLS, SD (KELO) -- A Lincoln High School student has already finished writing the speech she'll deliver before her classmates during graduation later this month. That's quite an academic achievement considering just a few years ago, she didn't know a word of English. Source: Hiiraan Online
-
Turkish charity Diyanet Foundation put a smile on the faces of needy local families and Yemeni refugees in Djibouti when they delivered food aid on the occasion of the Muslim holy month of Ramadan Source: Hiiraan Online
-
Security agencies on Friday destroyed contraband goods valued at Sh5 million in Mandera. Source: Hiiraan Online
-
Washington (CNN)After President Donald Trump publicly appealed to Iran to call him amid heightened tensions with Tehran, the White House contacted the Swiss on Thursday to share a phone number the Iranians could call the President on, according to a diplomatic source familiar with the move. Source: Hiiraan Online
-
U.S. airstrikes in Somalia have killed 17 Islamic State fighters this week, according to the U.S. military. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii Wadatashiga ee ka socday magaalada Garoowe ayaa fashil ku soo dhamaaday kaddib markii la isku mari waayey arrimaha Galmudug iyo Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hor dhigay Dowladda Federaalka ah qorshe uu ku doonayey in aan lasoo fara gelin doorashada ka dhici doonta maamulka Jubbaland dhamaadka sanadka, halka Dowladda Federaalka ah oo dooneysa in ay meesha ka saarto Axmed Madoobe ku adkeysatay in la raaco habraac ka duwan kan uu soo jeediyay oo galangal muuqda siinaya beesha caalamka iyo wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka. Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu dadaal ku bixiyey sidii uu ugu qancin lahaa Madaxweynaha Jubbaland in uu ka tanaasulo qodobkaas, maadama go’aanka u danbeeya ee doorashadaas ay leeyihiin dadka deegaanadaas, isagoona tusaale u soo qaatay doorashadii ka dhacday Puntland ee isaga lagu doortay. Mowqifka Madaxweynaha Puntland uu ka istaagay aragtidii iyo soo jeedinta Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhalisay dood kulul oo sababtay in shirka lagu kala kaco, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland uu ka gaabsaday in uu dib ugu soo laabto mar kale shirka. Axmed Madoobe oo markii hore ka carraysnaa faro-gelin uu rumeysan yahay in dowladda ku sameeneyso doorashada Jubaland, ayaa waxa uu shirka ka baxay markii ilaalada musharax Cabdi Naasir Seeraar iyo ciidamada Jublanad ay isku rasaaseeyeen garoonka Kismaayo, isaga oo dowladda ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay arrintaas. Masuuliyiin lagu kalsoonaan karo oo u dhuundaloolay wadahadallada socday ayaa tilmaamay in mowqifkaas oo ay ka mideysanaayeen madaxweyneyaasha uu xilka kasii dhammaanayo ee Galmudug iyo Jubbaland uu carqalad ku noqday heshiisyada lagu doonayey in lagu xoojiyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, amniga, dib u eegista sharciyada doorashooyinka iyo qaybsiga khayraadka. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna istaagay mowqif kale oo aad u adag markuu soo jeediyay in muddo xileedkiisa looga hadlo shirkan, halka Federaalkuna ay ku jawaabeen in ay tahay inuu wadahadal la furo guddoomiyaha baarlamanaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, si arrintaan xal looga gaaro. Xaaf ayaa sidoo kale diiday muddo kordhin hal sano ah oo dowladda u ogolaatay si xal loo gaaro, hase yeeshee wuu diiday wuxuuna dalbaday in la xitiraamo heshiiskii Jabuuti ee Galmudug iyo Ahlu-Sunna, kaasi oo haddii la raaco u ogolaanaya inuu kursiga ku fadhiyo ilaa 2021. Sir ma aha in baarlamaanka ku sugan Cadaado ee ka soo horjeeda madaxweyne Xaaf ay taageero ka helaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, isla markaana dhowr jeer la isku dayay in madaxweyne Xaaf xilka laga tuuro. Waxaa hadda billaaban doonaa dagaal adag oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada Jubaland iyo Galmudug, waxaana wararku sheegayaan in madaxda federaalka ay ka go’an tahay inay meesha ka saaraan Axmed Madoobe iyo Xaaf, ayaga oo u maraya hab kasta oo macquul ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan madaxtooyada Puntland ayaa shaaciyey in khilaaf hor leh uu ka dhex aloosan yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani iyo Madaxweyanaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Khilaafkan oo shalay gaaray heer aan la filanayn ayaa salka ku hayo falcelin uu ka muujiyey Madaxweyne Dani go’aano dhowr ah oo uu Madaxweyne Axmed Madoobe ku adkeystay, taas oo carqalad ku noqotay hab-sami u socodka shirka, maalmihii la soo dhaafay. Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in kadib kulankii xalay, ay si kulul khadka taleefanka ugu wada hadleen Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, kaddib markii ay madasha shirka imaan waayeen madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Galmudug. Axmed Madoobe ayaa diiday in dowladda Soomaaliya ama beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan doorashada Jubaland, waxaana Madaxweynaha Puntland uu dadaal ku bixiyey sidii uu ugu qancin lahaa Madaxweynaha Jubbaland in uu ka tanaasulo qodobkaas, maadama go’aanka u danbeeya ee doorashadaas ay leeyihiin dadka deegaanadaas, isagoona tusaale u soo qaatay doorashadii ka dhacday Puntland ee isaga lagu doortay. Si kastaba Axmed Madoobe ayaa Deni ku diiday arrintaas. Sioo kale, Axmed Madoobe ayaa dhowr mar dalbaday in la helo damaanad-qaad dhanka beesha caalamka ah oo goobjoog ka noqda qodobada lagu heshiinayo, taas oo ay isku maan-dhaafeen madaxweyne Deni oo u aaminsan inuu asagu damaanad ka noqon karo wax walba oo shirkan ka soo baxa maadaama uu isagu gogoshan fidiyay, inkasta oo aanba wax heshiis ah la gaarin. Wararka gaarka ah ee aan helayno ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu maanta gelinka hore ka amba-bixi doono magaalada Garoowe, waxaana la filaya in uusan saagootin wanaagsan ka heli doonin maamul Goboleedyada iyo dowladda federaalka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun, kuli nafsin Daa,iqatal mowd. Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh Uga soo gudbinayaa dhamaan uma Afsomaliga ku Hadasha, gaar ahaana umada reer Somaliland iyo Eheladii iyo qaraabi, Geeridu waa xaq Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo tii alle u timid maanta ah 5tii bisha Barakeysan ee rabadaan oo ku began 10.05.2019. Tixdani waa baroordiiq Geeriyada X. Cabdikarim. Tacsi/baroordiiq Dire: Omar Ali Abd Stavanger, Norway Doon baynu wada saaranahay ruuxba goordiye Damal baa ka baxay geliyaday debec ku noolayde Dirka magaca soomaaliyeed daaqad baa maqane Xigmag duuga ah baa naga luntiyo deris walaaleyne Diirdiiranaan iyo go’aan ereyo dug weyn leh Alleylee wuxuu daah u go’ay daacadnimo guude Dermo nabad u taal buu ahaa maalintii darane Ee ma Cabdaa daliilkii u yimid daa’iqatal mowd? Mar hadaanay daartani ahayn degel la joogaayo Oo uu Rasuul (SCW) dooranaa daayin uga yeedhay Ama aan baroor laysku daro la isku deyneynin Oo malag diyaar ahi wakhtiga qalin ku duugaayo Waa inaan daryeelaha ilaah duco su’aalaaye Naxariis ku deeq oo alloow aan qabrigu diiqin Degdegna uu jawaab sugan u helo dalab malaa’iigta. ….Ameen jaa rabi ilaahow su’aasha u fududee… bilde.png Qaran News
-
Saudi Arabia’s Shoura Council on Wednesday approved a special residency permit for entrepreneurs, investors, and skilled expatriates. The new Green Card-style “Privileged Iqama” (residency permit) law will see foreigners benefit from the new residency scheme, which will not require a Saudi sponsor or employer. According to the law, the residency permits will be offered to highly skilled expatriates who will benefit from added advantages including the ability to recruit workers, own property and transport, and enter and exit the Kingdom without a sponsor. The permits will also include a family status so that a holder can issue visit visas for relatives. There will be two types of systems under the permit, one which can be used for an unlimited period and the other valid on a yearly basis and subject to renewal. Requirements for foreigners to obtain the new Privileged Iqama permit include having a valid passport, a good credit report, a health report, and a clean criminal record. This new law was approved by 76 members of the Shoura Council while 55 opposed. Al Arabiya Qaran News
-
Dowlad goboleedka Soonaaliyeed ee Galmudug ayaa ku dhawaaqday in uu fashilmay shirkii wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee ka socday magaalada Garoowe. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa lagu sheegay in uu fashilmay shirka Garoowe waxaana fashilka shirkaasi Galmudug ku eedaysay xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida war-saxaafadeedka ku xusan. Halkaan hoose ka akhriso PUNTLAND POST The post Galmudug oo ku dhawaaqday in shirkii Garoowe fashilmay appeared first on Puntland Post.