-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
20ka Feberweri waxa Somaliland looga yaqaannaa maalinta dhallinyarada Somaliland waxaanay ka dhalatay xadhig, cadaadis iyo dil loo geystay macallimiin, aqoonyahanno iyo arday ka mudaharaadday xukun la saarayay dhallinyaro samafaleyaal ah. Waxa xadhigga raggaas kaalin ku lahaa Injineer Faysal Cali Waraabe, waxaanu qayb ka yahay murugada sannad walba laga xusayo halkii lagu dilay ardaygii diiddanaa in makamad la saaro macallimiintiisa oo Barre la odhan jiray. Waxa xuskan taallo looga sameeyay dhinaca Woqooyi ee Maxkamadda Gobolka Maroodijeex. Maadaama oo ay Somaliland cafis qaadatay, arrinkan maxkamad laguma saarin Faysal Cali Waraabe. Faysal waxa Muqdisho ugu xidhnaa xatooyo xoolo ummadeed, waxaana xeerku ahaa in la dilo qofkii lubsada 100,000 oo hantida ummadda ah. Waxa loo dilay Jibriil Aamiin oo ay ilmaabti ahaayeen Alxaaji Xasan Guuleed Abtidoon oo xitaa Muqdisho u yimi si uga ergeeyo dilka ilmaabtigii. Walaw uu Maxamed Siyaad Barre aqbalay, markii uu sidaas u laabtay Xasan Guuleed ayaa qudha laga jaray Jibriil Aamin. Faysalw axa taas ka badbaadiyay General Gaanni. Mujaahid Maxamed Baaruud Cali Guddoomiyaha Guddida Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland oo ka mid ahaa dhallinyaradii ururkii Ufo ee sanadkii 1981kii uu xabsiga ku guray taliskii Siyaad Barre , ayaa soo bandhigay qaabkii loo qab-qabtay iyo doorkii uu kulaa Faysal Cali Waraabebe xadhiggii uu taliskii kacaanku kula kacay wakhtigaas dhallinyaradii UFO. Mujaahid Maxamed Baaruud Cali oo ka qayb-galay dood uu Tv-ga saab 20 bishii Feeberweri u qabtay xubno kamid ahaa ururkii Ufo, ayaa mar waxa laga weydiiyey qaabkii loo qabtay iyo cidii basaastay wakhtigasi wuxuu sheegay sidan:-“Qabashadayadii wuxuu warku ka baxay horena waan u sheegay oo in kastoo la igu qabsaday oo la yidhi dadku tuugtoodaba ma sheegaana adigu tuuggaaga maxaad u sheegaysaa, haddana waan u celinayaa. Ninka la yidhaahdo Faysal Cali waraabe ee Guddoomiyaha ka ah Xisbiga UCID, isagoo u xidhan lacag berigaa la isku dili jiray boqol kun oo halka Xisbiga ku xidhan Xamar, ayaa ninkii la odhan jiray Gaanni ee Siyaad barre adeerka u ahaa ayaa loo soo bedelayey Waqooyiga. Markaa Gaani ayaa doonay cid uu la kaashado oo barta dadkii Waqooyiga, markaa wuxuu yidhi ‘Faysal Cali Waraabe yaa arkay oo Faysal oo odhan jiray anniga ayaa ka madax ah xaggaas oo wax-walba waan kula qabanayaa haddii Ilaahay waqooyi ku keeno” markaa waxa lagu yidhi wuu xidhan yahay Gaani ayaad adeerkii ku noqday, markaana waxa joogay odayaal badan oo uu Aabbihii kamid yahay Faysal oo Xamar joogay in badan oo arki kari waayey lix bilood oo dhow-dhow xitaa Siyaad Barre. Markaa Gaani ayaa adeerkii ku noqday oo wuxuu ku yidhi “ninkii ila shaqayn lahaa, meel adagna waad igeysay hawl adagna waad ii dhiibtay ninkii ila shaqayn lahaana jeelka ayuu ku jiraa”. ‘Kaxayso’ ayuu ku yidhi ninka intaas oo qof uu ka diiday oo lixdaa bilood sugayey, markaa wuu soo kaxeeyey,wakhtigaas oo annagu aanu ka shaqaynaynay dhakhtarka ayuu keenay “ayuu yidhi Maxamed Baaruud Cali Dhanka kalene waxa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe markii uu Gaanni xabsiga ka soo daayey ee uu Hargeysa keenay inuu Faysal casuumay Maxamed Baaruud iyo rag kale oo ka mid ahaa Uffo, isla markaana uu ka dalbaday inay la shaqeeyeen Dowladdii Siyaad Barre, balse ay ka diideen, isagoo intaasi ka dib Faysal is baran Gaanni rag kale oo la qayili jiray dhalinta uffo, kuwaas soo xaday xogtii la doonayey “annaga wuuna casuumay Faysal Ramadaan ayey ahayd guriga Axmed Xuseen Caabbi meeshan shidhka la yidhaah-do ee Sheekh Bashiir agtiisa ahayd ayuu nagu casuumay. Wuxuuna yidhi “ninka caynkaasi (Gaanni) saaxiib ayaanu nahay Isaaqa cadow uma aha. Saaxiib muddo is-yaqaannay baanu nahay. Noloshayda ayuu badbaadiyay, haddii aad aqoon u leedihiin, waad qiri lahaydeen waxa aan sheegayo. Dowladdani ee waxay cadow u tahay majeerteenka, markaa waxaan doonayaa in aad la shaqaysaan. Horumar ayeynu gaadhaynnaa. Gaashaanbuur aynu ka dhiganno, yaynaan cadaw ka dhigan” Dadkayagii meesha joogay waxaanu isku raacnay intayadii meesha fadhiday, waxaanu ku nidhi “odayaasheenii waxay joogaan Hargeysa, Burco, Berbera iyo dhulkaas oo dhan ayey wada joogaan Waqooyi ayey wada joogaan siyaasiyiinteeniina waata Xamar joogta annagu rag cusub ayaanu nahay oo iminka uun waddanka yimi. Markaa annagu rag kaala xaali kara siyaasadda Waqooyiga ma nihin” Sidaa awgeed wuxuu is baray marka taa aanu ka diidnay rag kale ayuu Faysal isbaray Gaanni, rag nala qayili jiray ayaa loo diroo guri kamid ah gur-yahayadii ayey ka soo qadeen Joornaalkan, lacag yar oo markaa gaadhaysa maxakamaddii ayaa laga sheegee waxana laga bixiyey laba iyo afartan kun oo Soomaali ah, waxaanay noqotay afar kun oo dollar, afar kun oo dollar ayaannu ku dhimannay 28-kayagaa nin aanu ku dhiman gaadhnay giddigayo .” Ayuu yidhi Maxamed Baaruud. Faysal Cali Waraabe waxa uu ku laabtay Muqdisho, waxaanu Gaanni siiyay magacyada laba qof oo la shaqayn doona, sidoo kale wuxuu labadaas qof u sheegay General Maxamed Cali Samatar. Waxa magacyadaas loo soo gudbiyay Ibraahin Cid oo ahaa madaxii HANGASH ee Hargetsa, kaas oo maxkamaddii UFO ka sheegay in uu siiyay afartan kun oo lacagtii Soomaaliya ah una dhigmaysa $d4000. Waa kuwa ay HANGASH sheegeen in ay u keeneen warbixinta UFO ee lagu maxkamadeeyay 28ka dhallinyarada ah ee UFO. Xilliga ay maxkamaddu dhacayso, labada qof ee HANGASH sheegtay in ay soo gudbiyeen joornaalkii iyo xogta UFO, ma ay joogin gudaha. Waxaanay u tallaabeen halganka SNM. Waxa ay kala ahaayeen Marxuun Mujaahid Aadan Cali Guhaad oo ka mid ahaa raggii la shahiiday Maxamed Mooge Liibaan 6dii Juun 1984kii iyo Xaji Cabdi Aw Cadde (Cabdi-Laangadhe) oo ah madax-dhaqameed xurmo leh oo ku nool maanta Hargeysa. Xaaji Cabdi wuu nool yahay waanu iska difaaci karaa eeddaas ay HANGASH ka sheegtay Maxkamaddii Badbaadada. Faysal Cali Waraabe oo aan abtirsiinta adeer ugu ahay, waxa aan weydiin lahaa: Muxuu ahaa horumarka aad sheegaysay ee Gaanni inna gaadhsiin lahaa? Ma xasuuqa iyo xadhigga ayaa ahaa horu-socod? Ma in uu kaa badbaadiyay “xatooyo xoolo dadweyne” ayaad kaga abaal-celisay in gudaha la dhigo 28 aan waxba galabsan? Halkee ayaad joogtay 1988-1991 oo aanu annaga oo afarjir ah garaamkayagii qamaddida ahaa ugu deeqnay SNM? Halkeed ku sugnayd markii dalku la soo noqday madax-bannaanida 18kii Mey 1991? Haddii uu Gaanni sidan kuu badbaadiyay, waa maxay nacaybka aad Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre u muujisaa? Ma u diyaar tahay madal furan oo aad kaga jawaabto doorkii aad ku lahayd xadhigga UFO? Xigasho: Buugga: The Mourning Tree (An Autobiography and a prison memoir) Author Mohamed Barud Ali, 2010 printed by Ponte Ivisible, Italy pages 34-35 2. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr Source
-
Soomaaliya waxay dhibane u yihiin argagaxiso gudaheeda ka jirto iyo beesha caalamka oo dhibaato joogto ah ku heyso hormarka nololeed ee dalkan taagta daran sameyn lahaa waxayna beesha caalamka Soomaaliya gudaheeda kaga dhawaaqeen dagaal argagaxisada loogu jiro laakiin shacabka dhibaatadiisa dib ugu soo laabaneyso. Dagaalka Argagaxisada ka dhanka ah ee beesha caalamka Soomaaliya ka wado wuxuu galaaftay nolosha Soomaali badan oo aan wax dambi ah galin. Argagaxisada waxay shacabka ka dhigtaan gabaad, wey dilaan sidoo kalena il dhaqaale ayay ka dhigtan si la mid ah beesha caalamka ee Dagaal Argagaxisada kula jirto dhibaatada ay shacabka Soomaalida ah u geestaan ma yaro ayagoo ujeedkooda yahay inay argagaxisada bartilmaamed ka dhigtaan ayay naf iyo maalba cagta mariyaan, cidna ma weydiiso waxayna u arkaan shacabkaas inay yihiin kuwo argagaxisada garab siiyaan. Sidaa darteed bulshada Soomaaliyeed waa dhari labada dhinac ka gubtay Argagaxisada uma axsaan falaan sidoo kalena kuwa dhahaan Argagaxisada ayaan dagaal kula jirnaa iyagana naftooda iyo maalkooda shacabka Soomaalida qiimo uma lahan waana sababta ugu weyn shacabka Soomaalida noloshooda u maareysan la’yihiin. Weerarkii 9/11 iyo Burburintii Al Barakaat: Shirkaddii xaawaladda ahayd Al Barakaat waxaa la sameeyay markii Dowladdii Dhexe burburtay sanadii 1991 kadib markii diyaasbaro dalka ka carartay walaac badan ka muujiyeen kuna adkaatay sidii eheladooda lacag ugu diri lahaayeen ee dalka ku sugnaa. Mudo labo bilood gudaheeda Al Barakaat waxaa u suura gashay in dhammaan Gobolada Koonfurta Soomaaliya xarumo ka sameysato si hufnaan ku dheehana qoysaska lacagta ay usoo diraan eheladooda dibada ku sugan ku helaan. Laakiin qaraxyadii 11 September 2001 dhaceyn wax walbo ayay badaleen waxayna madaxda Mareykanka la yaabeyn qoladii weerarka kusoo qaaday si ay dhaqaale ahaan isugu filnaayeen dhaq dhaqaaq kala duwana u sameeyeen xiligaas waxayna baadi goob u galeyn cid walbo oo Al-Qaacida dhaqaale ahaan si hoose iyo si sare u siisay. Qolooyinka baarista Mareykanka u qaabilsan oo horeyba ula dhacsaneyn hanaanka Al-Barakaat u shaqeyso oo lacagaha USA looga diro una gaarto UAE oo xaruntooda dhexe ku taalay ayaa baaritaanka sare usii qaadeyn. Cadaadis siyaasadeysan ee dhanka Aqalka cad kaga yimid qolyihii baarista wadeyn ayaa ku qasbay inay baarista soo idleeyaan kuna dhawaaqaan in Al Barakaat ay ahayd shirkad Al-Qaacidda dhaqaale ahaan taageerto sidoo kalena aas aasaha Al- Barakat lagu tilmaamo inuu Osama Bin Laden saaxiib la ahaa. Xafiiskii Al-Barakat waa lagu duulay waana la dhacay waxaana la fariisiyay ra’sumaalkii ay shirkadaan laheyd sidoo kalena aas aasaha shirkadda waxaa lagu daray liiska kuwa aan sameyn karin duulimaadyada caalamiga ah. Sanado kadib guddoonkii qaabilsanaa baaritaanka weerarkii 9/11 ayaa ku dhawaaqay in Al Barakaat aysan wax qalad ah galin sidoo kalena aysan wax xiriir ah Al-Qaacidda la laheyn. Laakiin nasiib daro ra’sumaalkii Al Barakat laga fariisiyay iyo dhacii loo geystay cidna si sharci ah ma aysan uga hadlin sidoo kalena aas aasaheeda ilaa sanadii 2016 looma ogoleyn inuu duulimaad caalami ah sameeyo. Al-Barakaat burburkii loo geystay ee marmarsiiyaha beenta ah hugsanaa wuxuu noqday hananaan ay Beesha Caalamka Arrimaha Soomaaliya u wajahaan: Qofkaan waa Dambiile sidii la rabo halaga yeelo ilaa laga cadeynayo inuusan wax Dambi ah galin! Qaladkii Laga Fahmay Maxkamadihii Iyo Soo Shaac Bixidii Al Shabaab: Mareykanka markii labaad oo ay Soomaaliya dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan aafeeyeen waxay dhacday sanadii 2006 kadib markii Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa Muqdisho ka xureeyeen hoggaamiyo kooxeedyadii gacanta ku heyn jiray, waxay Mareykanka la yaabeyn awoodda maxkamadaha iyo sida ay Koonfurta Soomaaliya u qabsadeyn ayadoo meesha ka saareen awoodii hoggaamiye kooxeedyadii. Sidaa darteed Mareykanka iyo Itoobiya waxay bilaabeyn inay adduunka ka gadaan in Maxkamadaha ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacidda, waxaana dhacday in ciidamada Itoobiya gudaha usoo galeen Soomaaliya ayadoo Mareykanka dhaqaale ahaan iyo military ahaan taageerayo waxayna qabsadeyn Muqdisho sidoo kalena Maxkamidihii meesha ayaa laga saaray awoodii ay lahaayeen. Balse iska caabinta iyo madax adeegga ay la imaadeyn qaar ka mid ah dhalinyarada maxkamadihii waxay sababtay garab cusub inuu soo baxo oo ah Al-Shabaab kaasi oo qasaaro ku sababay Itoobiyaanka madaama dagaalka uu waji kale yeeshay. Waxaa dhacday in Mareykanka uu kala dilay maxkamadihii wuxuuna sameeyay in kuwa qunyar socodka ah ee midowgii maxaakiimta ka tirsanaa Muqdisho loogu yeeray ugu dambeyntiina dalka Madaxweyne waxaa ka noqday mid ka mid ah kuwii uu Mareykanka ugu yeeray Muslimiinta Qunyar socodka ah. Dhinaca kalena Mareykanka wuxuu Al-Shabaab ku daray liiska argagaxisada caalamiga ah kuna tilmaamay Muslimiin Xagjiriin ah oo aan wax wada hadal ah lala gali karin. Dhuun Qabashadii Xawaaladaha Iyo Halis hor Leh: Qeybta lacag bixinta Mareykanka ayaa gabi ahaanba dhuunta qabteyn Soomaalidii reer Ameerika ee shacabka Soomaaliyeed lacagaha xawaaladaha ugu soo diri jireyn. Kadib markii Al-Barakaat meesha ka baxday xawaaladaha shaqeynayeen waxaa la sheegay in $1.5 billion lacago ah gudaha Soomaaliya usoo direen. Xawaaladaha waxaa laga diiwaan galiyay bangiyada Mareykanka oo ay lacagta dhigtaan kadibna UAE ayaa loo soo diri jiray sidaas ayay gudaha Soomaaliya kusoo gaartaa. Laakiin dagaalka beesha caalamka ku heyso argagaxisada waxaa dhacday in qasnajiga Mareykanka ku wargaliyay bangiyada halista kaga imaan karto in la marsiiyo lacagaha Soomaaliya loo diraayo oo aan aqoonsi iyo dabagal laheyn. Sidaa darteed inta badan bangiyada gudaha Mareykanka ku yaalo waxay gabi ahaanba joojiyeen adeegii ay xawaaladaha u qaban jireen. Waxaana dhacday in xawaalado badan lacagahooda boorso ku qaadaan oo ay sidaas UAE ku geeyaan ayagoo halis aad u weyn la kulmi kareen dhanka amaan ahaan. Waa gardaro lagu qaaday xawaaladaha Soomaalida ee gudaha Soomaaliya lacago usoo diraan ayadoon wax caddeyn ah loo heynin inay argagaxisada xiriir la leeyihiin. Curyaaminta Shirkadaha madaxa soo qaadayo ee gudaha soomaaliya ka hawl galaan: Dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed inay nolol maalmeedkooda hormariyaan dibadaha kaliya kuma ekeyn ee xitaa waa la cuuryaamiyaa shirkadaha u istaagaan caawinta dadkooda ee gudaha Soomaaliya ka hawl galaan. Hagar daamintaan waxaa ku xeel dheer Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eriteria qaabilsan ee UN-ka hoos imaado Monitoring Group for Somalia and Eritrea (SEMG). Hay’adan waxay marar badan soo saartay warbixino ay ku dhaawaceyso kuna cuna qabateeneyso shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah. Tusaale ahaan SEMG waxay soo saareen 2006 in Maxkamadihii Islaamiga ah gudaha Lubnan u direyn ciidan Xisbulaah ka garab dagaalamo waxayna ahayd warbixin been ah oo aan waxba ka jirin. Sidoo kale SEMG waxay eedeyn usoo jeedisay sidoo kalena ay hay’adaha Qaramada mIdoobey ku dacweysay shacqsiyaad iyo shirkado Soomaali ganacsado ah oo diideyn inay warbixin ka siiyaan qandaraasyada UN-ka siiyaan, waxayna SEMG soo saartay warbixin been ah in raashiinka ay WFP deeq ahaan Soomaaliya u keento suuqa maddow lagu kala iibsado waxayna midaas sababtay in WFP qandaraasyada kala laabato ganacsatadii Soomaalida ahayd ayadoo warbixin been ah la adeegsanayo. SEMG kaliya Soomaaliya dhibaato kuma heyso sidoo kale labo la taliye oo Bangiga Aduunka ka tirsan ayaa soo saareyn warbixin ah in Soomaaliya halis dhaqaale oo weyn ku jirto adeegsiga dhanka lacagaha mashiinka la isugu diro ama hawo ahaan la isugu diro sidoo kalena macaamiil badan hantidooda halis ku jirto halka xaqiiqada ay tahay shirkadaha adeega lacagaha hawada loo adeegsado hayaan kaash ku filan oo magdhow ahaan 100% macaamiisha Soomaaliyeed u balan qaadayo in hantidooda marnaba lumeyn. Ugu dambeyntii SEMG iyo hay’adaha kale ee Soomaaliya dhibaatada ku hayaan waxay u badaleyn dhibaatada mid siyaasadeysan waxaana midaas caddeyn u ah ciidamada Kenya inay bur buriyeen sidoo kalena rakaateeyaan qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu weyn Koonfurta Soomaaliya. Kenya arinkaan wey beenisay, laakiin shaqaalahooda dhanka ammaanka ayaa xaqiijiyeen bur burka ay u geysteen shirkadaha isgaarsiinta. Kenya si awood ku dheyhan waxay ku bur buriyeen 11 xarumood ama Tower sanadii 2011 marka ay Soomaaliya ciidankooda xoog kusoo galeyn. Sidoo kalena 7 xarumood ayay bur buriyeen 2018 halka labo xarumo is gaarsiin ay bur buriyeen 2019. Si kasto ay Kenya u beeniso burburinta ay isgaariinta Soomaaliya ku heyso haddana waxaa la yaab ah in saraakiisha dhanka ammaanka Kenya qaabilsan ay xaqiiyeen inay burburiyeen xarumaha shirkadda Hormuud iyo qalabkooda ayagoo uga fal celinayaan aar gudasho ahaan in Al-Shabaab ay burburisay xarumo ay leedahay SAFARICOM oo ah shirkad isgaarsiin oo Kenya gudaheeda ka shaqeyso. Markii saraakiisha Kenya la weydiiyay waxa iska galay weerarka Al Shabaab gudaha Kenya ka geysatay iyo burburinta xarumaha Hormuud waxay madaxda Kenya ku jawaabeyn “Dhamaantood waa Soomaali isku mid ayey noo yihiin!” Soomaaliya waa diidan tahay inay is dhiibto dhibaato walbo oo lagu haayo: 20-sano ka hor dadka aqoonyahanada Soomaalida ah waxay Soomaaliya u heysteen dal dadkiisa aysan hooy heysan madaama ay u nugul yihiin dhibaato walbo dowlad la’aanta dhacday awgeed. Dhibaato kasto oo lasoo arkay Soomaaliya uma hakaneyso waxayna la imaadeyn hal abuur ganacsi iyo aragti dhaqaale oo ka dhigay kuwa ku adkeysan karo dhibaato walba. Midda ugu cajiibka badan ee ah tusaale iftiimayo ayaa ah sida Soomaaliya dhanka Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada hormartay kaga gaartay guul ayadoo Afrika badankeeda shirkado ajaanib ah dhanka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada u maamulaan. Bal qiyaas Soomaaliya ganacsi ahaan iyo hormarka isgaarsiinta/tiknoolajiyada ka gaari laheyd haddii aysan jiri laheyn dhibaatada joogtada ah ee ku saleysan Argagaxisada gudaha ka jirto, fashilka dhanka hoggaanka dalka iyo Reer Galbeedka dagaalka ay argagaxisada kula jiraan oo ay shacabka Soomaalida naftooda iyo maalkooda ku aafeeyaan. Akhriso: Qoraalka rasmiga ah Waxaa Tarjumay: Cabaas Cali Xasan Filimside@gmail.com Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
“Markii Wasiirka Arrimaha Gudahu Ila Soo Hadlay Ee Aan U Sheegay Inaanay Lacagtii Isoo Gaadhin Ayaa Badhasaabkii Oo Xanaaqsani Ila Soo Hadlay Oo Igu Yidhi; ‘Waan Ku Eryayaa!’ Wuxu Iigu Hanjabay Awood Aanu Lahayn” Cabdiraxmaan Nuur Sugaal, Badhasaab ku-xigeenka gobolka Awdal (SLT-Hargeysa)- Badhasaab ku-xigeenka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Nuur Sugaal ayaa guddoomiyaha goblkaasi ku eedeeyay inuu Hargeysa la fadhiistay lacagtii kharashaadka xuska 18-may ee loogu dhiibay golka Awdal. Cabdiraxmaan Nuur Sugaal oo shalay warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan magaalada Boorama ayaa sheegay in isaga iyo badhasaabka gobolku uu ka dhexeeyo khilaaf uu sheegay inuu ka dhashay kharashaadkii loogu talo galay xuska munaasibadda 18-may ee gobolka Awdal. “Arrintan maalmahan dambe taagan ee laygu dhaleecaynayay, waxay nagga dhaxaysaa aniga iyo maamulka gobolka, halkaas ayuu arrinkayagu ka bilaabmay. Badhasaabku wuxu sheegay inuu lacag ii soo diray oo maayirka aanu isku dirno, aniguna waxan idhi, lacagta aniga ayaa ka masuul ah oo ah maamulkii gobolka ee ii soo dir. Wasiirka arrimaha gudaha ayaan u sheegay, waxay ahayd maalin khamiis ah oo jimce uuni u dhexeeyay maalinta xuska 18-may, wuxu wasiirku Igu yidhi; lacagtii miyaanay ku soo gaadhin? Waxaxan ugu jawaabay, maya ima soo gaadhin, markaas buu igu yidhi, imika ayay kusoo gaadhaysaa oo uu la hadlay. Kadib, badhasaabkii oo xanaaqsan ayaa ila soo hadlay oo iigu hanjabay inuu I eryayo, halkuu awoodaa ku leeyahay isagaa sheegi doonee, waan ku eryayaa, waxaad igu ashkataysay wasiirka arrimaha gudaha, intaas kadib, waxan la hadlay madaxweyne lu-xigeenka waxan u sheegay lacagtii 18-may inaanay isoo gaadhin, kadib madaxweyne ku-xigeenku wuxu la hadlay badhasaabkii, wuxu ku yidhi dir lacagta, lacagtiina way isoo gaadhay. Hawshii ugu quruxda badnayd iyo sidii ugu quruxda badnayd ayayna noogu qabsoontay munaasibadda xuska.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Nuur Sugaal Waxa uu u mahadnaqay isu duweyaasha gobolka iyo sidoo kale golaa deegaanka degmada Boorama Source
-
Mowjado daadad ah oo ku rogmaday tuulada Sinujiif oo qiyaastii 60 km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ayaa laamiga ka gooyay meel u dhexaysa buundada weyn ee Middigar iyo tuulada Sinujiif. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in gebi ahaanba laamiga xiriiraya Garoowe iyo Qardho uu ka go’ay tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal. Balse guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in aysan go’in buundada Middigar oo hore si isku tashiya loo dhisay kadib markii ay daadad gooyeen 11-kii November sannadkii 2013. Dhinaca kale wararka laga helayo tuulada Xaaji Khayr ee isla gobolka Nugaal ayaa sheegaya in 3 carruur ah lagu la’yahay daadad xooggan oo ku rogmaday tuulada halka 5 carruur ah oo kalena laga soo badbaadiyay daadadka iyagoo loola cararay isbitaalka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Roobab mahiiggaan ah oo weli ka da’aya degaanno ka tirsan bariga gobolka Nugaal ayaa daadad xooggan ku celiyay tuulooyin badan oo hoostaga degmada Dangoroyo iyo caasimadda Puntland ee Garoowe. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay daadad ku rogmaday degaanno ka tirsan gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Beijing)-Puntland ayaa heshiis lagu dhisayo deked cusub oo laga hirgelinayo degmada Eyl la saxeexatay shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC). Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Faarax Cawaash iyo madaxa shirkadda CCECC ayaa kala sixeexday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal. Dhismaha dekedda ayaa lagu sheegay inay horumarinayso ka faa’iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, iyadoo saxiixa heshiiskan uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga caasimada dalka Shiinaha ee Beijing. Shirkada CCECC oo hirgelinaysa dhismaha dekeda Eyl ayaa waxaa xarunteeda weyn ay ku taalla magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxayna hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horreeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal. Source
-
Afgooye (Caasimada Online) – Kooxo Bistoolado ku hubeysnaa ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ku dishay nin lagu magacaabi jiray Qaasim Xaaji oo kamid ahaa dadka degmada isla markaana si weyn looga yaqaano. Xiligii la dilayay waxa uu ku sugnaa Xaafadda Sagaalaad ee Degmada Afgooye, waxaana dilka kadib baxsatay kooxdii ka dambeysay. Ciidamada ammaanka Dowladda oo goobta tagay waxa ay sameeyeen howlgalo ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan ama ay la xiriirinayaan kiiskan, mana jiro war kasoo baxay Maamulka Degmada Afgooye Dilalka qorsheysan ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale uga dhacay magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lala beegsadaa odayaasha lala xiriiriyo soo xulista xildhibaanada Koonfur Galbeed. Al-Shabaab ayaa shalay Muqdisho ku dilay saddex qof oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen dadkii soo xulay xildhibaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala ah. War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Maxamed Sheekh Maxamed lagu dilay degmada Dharkeynleey, halka sidoo kale rag hubeysan ay Cabdalla Maxamed Maax ay ku dileen xaafadda KPP ee degmada Hodon. Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay inay degmada Madiina ku dileen Nuur Isxaaq Ileey oo isna ka mid ahaa sida ay sheegeen Ergadii ka qeyb galay shirarkii xildhibaannada lagusoo xulayay ee ka dhacay magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Khartoum)-Dowlada Suudaan ayaa ruqsaddii shaqada kala laabatay shaqaalihii u shaqaynayay warbaahinta Al Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar, waxayna albaabada u laabtay xafiiskii ay Khartuum ku lahayd, sida ay warbaahintaasi sheegtay. Ma jirto wax sabab ah oo naloo sheegay ayay intaas ku sii dartay Al Jazeera. Al Jaziira ayaa si joogto ah u baahin jirtay muuqaallada dibad baxayaasha Suudaan. Xidhitaankan ayaa yimid ka dib markii madaxa golaha millatariga Cabdelfatax al-Burhan uu u safray Sacuudiga Khamiistii, isaga oo ka qaybgalaya shir halkaas ka dhacaya. Sannadkii 2017 Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa calaaqaadkii dublamaasi u jaray Qadar, iyaga oo ku eedeeyay argagixisanimo, arrintaas oo Qadar beenisay. Maamulka cusub ee dalka Sudan ayaa dhiirigelin ka helay boqortooyada Sacudi Carabiya iyadoo malaayiin lacago ah ay ugu deeqday Boqortooyada Sacudi Carabiya maamulka millatariga ee dalka Sudan. Source
-
Ciidanka booliiska gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in qof cadheysan oo ka tirsanayaa shaqaalaha wakaalada korontada uu toogasho ku dilay 11 qof oo ku sugnaa dawladda hoose magaalada Virginia Beach ee gobolka Virginia, ka hor intii aanu booliisku toogasho ku dilin qofkii weerarkaas geystay. Taliyaha booliiska James Cervera ayaa sheegay in qofkii toogashada geystay uu si degdeg ah oo aan kala sooc lahayn xabbad ula dhacay dhibanayaashiisii, isaga oo dhismaha dawladda galay saacaddu markii ay in yar dhaaftay 4tii galabnimo ee shalay. Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay lix qof oo kale. Taliyaha booliiska Cervera oo qofkii weerarka geystay ku sheegay shaqaale cadheysan oo muddo dheer u shaqeynayey wakaaladda korontada, ayaanan bixin faahfaahin ku saabsan magaciisa iyo sababta uu weerarka u geystay. Source
-
(SLT-Gaalkacyo)-Koox hubaysan ayaa xalay fiidkii magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ku dilay wakiilkii dhinaca amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Khayre, kuna magac dheeraa Fiimto. Marxuumka ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masjid uu saaladda Taraawiixda kusoo tukaday waxaana dad goobjoog ahaa ay sheegeen in labo oo dhalinyaro ah oo kuhubaysan bastoolado ay ka toogteen madaxa. Laamaha aniga Iyo masuuliyiinta maamulka Gobalka iyo Degmada Galkacyo ee Galmudug kama aysan hadlin dilka sarkaalka, sidoo kalana lama aqoonsan ciddii ka dambeysay dilka sargaalka, hayeeshee ciidamda amniga Galmudug ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilkaas xalay ka dhacay daanta koonfureed ee galkacyo. Waa dilkii labaad ee Galkacyo ka dhaca inta lagu guda jiro bisha Ramadaan waxaana dilkii hore loogaysay Taliyihii Howlgaladda Ciidanka Xasilinta Gobalka mudug kaasi oo isagana la toogtay xilli uu ka soobaxay masjid uu Taraawiix kusoo tukaday, hase ahaatee Laamaha amniga oo howlgallo bilaabay ayaa tiro dad ah u qab-qabtay dilkaasi kuwaas oo aan wali warbaahinta loo soo ban dhigin Dhinaca kale, wararka laga helayo Gobalka Gal-gaduud ayaa kusoo waramaya in saddax qof aano qabiil loogu dilay deegaan hoostaga degmada Dhuusamreeb ee Gobalka Gal-gaduud waxaana wax garad ku sugan Dhuusamreeb ay VOA u sheegeen inay socdaan dadaal lagu baajinayo colaad halkaa ka dhacda. Source
-
(SLT-Pyongyang)-Guud ahaan warbaahinta caalamka ayaa ku warramaysa in Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ay khaarijisay ergaygeedii u qaabilsanaa wada xaajoodyada hubka nuclear-ka, arrintaas oo qayb ka ah khaarijinta lagu hayo saraakiishii ka qayb gashay shir madaxeedkii fashilmay ee dhex maray Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi. Hase ahaatee aad ayay u adag tahay in la xaqiijiyo inta bandanna wararkaas waxa ay noqdaan kuwo aan sax ahayn. Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed iyo xukuumadda Seoul labaduba waxay marar badan oo hore ku warrameen in la khaarajiyey saraakiil sar sare, balse dhowr toddobaad dabadeed waxaa la arkay raggaas oo nool oo waliba garab taaagan hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un. Arrinta khaarijinta sarkaalkan, ayaa laga soo xigtay hal il oo kaliya oo ah wargays kasoo baxa magaalada Seoul kaas oo ku warramay in garoonka diyaaradaha ee Pyongyang lagu dilay Kim Hyok-chol, oo ahaa ergaygii hore ee Kuuriyada waqooyi u joogay Maraykanka kana mid ahaa xubnihii ka qayb galay shir madaxeedkii magaalada Hanoi ku dhex maray Kim Jong-un iyo Donald Trump. Ilo wareed kaas ayaa sheegaya in ninkaas iyo afar sarkaal oo kale oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda la dilay. Waxaana lagu eedeeyey in ay baasaas u ahaayeen Maraykanka iyo in ay wada xaajoodka gacan bidixeeyeen. Waxaa sidoo kale la sheegay in Kim Yong-chol, oo ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi loona diray Washington si uu u fududeeyo shir madaxeedkii Hanoi, in haatan loo diray xero dhaqan celin ah oo kutaal xadka dalka Shiinaha. Wararkaas ayaa ah kuwo suurto gal ah. Saraakiishaas ayaan lagu arag meel fagaare ah tan iyo bishii feberaayo oo shir madaxeedkaasi uu dhacay. Kim Jong-un ayaa si cad uga cadhaysan natiijadii kasoo baxday wadahadalkii uu la yeeshay Donald Trump, waxaana laga yaabaa in uu raadinayo cid uu arrintaas eeddeeda dusha u saaro. Tanaasulaadkiisa diblumaasiyaadeed ee uu u sameeyey Maraykanka ayaa guuldarraystay kuna dhammaaday natiijo la’aan, arrintaas oo ku keentay in cadaadis uu fuulo. Cunaqabatayntii dhaqaale ayaa wali saaran. Waxaana la hakiyey wadaxaajoodyadii u dhexeeyey xukuumadaha Washington iyo Pyongyang. Waxayna u badan tahay in xukuumadda Pyongyang ay arrintaas eeddeeda cid uun dusha u saarto. Kim Jong-un ayaa horay u fuliyey dilal khaarijin ah. Sanadkii 2013, Mr Kim adeerkiis oo ahaa nin aad u awood badan laguna magacaabi jiray, Jang Song-thaek, ayaa la khaarijiyey asagoo lagu eedeeyey khayaano qaran. Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqay geeridiisa maalmo uun kahor inta aanay ku dhawaaqin Kuuriyada Waqooyi. Hay’adaha sirdoonka ee Seoul iyo Maraykanka ayaa isku dayaya in ay ogaadaan halka uu ku dambeeyey Kim Hyok-chol, oo haatan la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse haddii aanay xukuumadda Pyongyang sheegin halka uu ku dambeeyey, way adag tahay in la ogaado. Source
-
The Ministry of Health of Somalia has announced 55 new suspected cases of cholera, with no deaths, for epidemiological week 20 (13 to 19 May) in 2019. No suspected cholera cases were reported between epidemiological weeks 1 and 7 due to closure of main cholera treatment center, from which the data is collected. The cumulative total number of suspected cholera cases since the beginning of this outbreak in December 2017 is 7290, including 46 associated deaths. During this reporting period from February 19 May 2019, all of the cases were reported from 16 districts in Banadir region. Of the 55 cases reported during week 20, 65% of the cases (24) are children below 5 years of age. The cholera outbreak has been contained in the districts of Jubaland, Hirshabelle and South West States following implementation of oral cholera vaccination (OCV) campaigns and other health interventions in these areas. However, active transmission is still being reported in Banadir region (Darkenly, Daynile, Hodan, Madina, Hamarjabjab, HamarWeine, Howlwadag, Bondere, Kahda, Waberi, and Warta nabada). Since the beginning of 2019, 153 stool samples have been collected and tested in the National Public Health Laboratory in Mogadishu. During this reporting period, 11 cases were confirmed for Vibrio cholerae, serotype O1 Ogawa by culture. WHO and the Ministry of Health continue to monitor outbreak trends through the EWARN system and promptly investigate and respond to all alerts. View the full article
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns multi-pronged attacks by Jubbaland authorities in Kismayo against journalists reporting on sensitive issues, threatening freedom of expression ahead of elections slated for August 2019. Journalists reporting on campaign activities of individuals who declared their intent to run for the presidency in Jubbaland, political disputes between Federal Government and Jubbaland administration and counterterrorism/security operations, among other sensitive issues, have faced intimidation, discrimination and job loss. On 17 May 2019, Jubbaland attorney general Mohamed Sheikh Osman Said summoned specifically identified journalists who were believed to be critical to the current administration in an effort to restrain criticism of the Jubbaland administration. The journalists, who anonymously spoke to NUSOJ in fear of reprisal, affirmed that Jubbaland attorney general warned them that they “cannot report anything that will damage the operations of the administration or any negative comments about security forces, and if they do so the office (attorney general office) will be responsible for punishing any disobeying journalist without any hesitation”. On 24 May 2019, Jubbaland police briefly detained journalist Mohamed Sahal Omar, aka Ga’ma Dhere, reporter of Somali Broadcasting Corporation (SBC) in Kismayo. The reporter was apparently accused of organizing demonstration by women and children against disappearance and murder of 8 years old girl. But local journalists believe Mohamed Omar is one of the journalists identified by the administration as “critiquing” journalist. NUSOJ has documented cases of two journalists who were recently expelled from their home town of Kismayo after they reported “unpleasant” stories about the regional administration and the upcoming elections. Independent journalists who sought to cover the arrival of Jubbaland presidential aspirants were denied access to the Kismayo airport to cover how candidates are received by their supporters. Some journalists feel pressure on media owners by the administration to censor or drop stories filed by their reporters or even told to tone down criticism of Jubbaland administration. Other threats to local journalists are subtler and more covert, such as police or intelligence officers phoning or visiting journalists and hinting violence if a particular news report is chased or reported. In some examples, the officers warned journalists to fear the life of their families. To be practicing journalist in Kismayo, the administration obligates local journalists to go through vetting process and obtain press card whereby any journalist will be first screened by intelligence and security agency after the journalist pays a fee of $25, followed by approval letter from the Ministry of Information upon payment of $10 to $15 to the ministry, and finally the journalist will have to pay another $10 to $15 to cards printing company, Smart technology. “Journalists in Kismayo have borne the brunt of administration abuse and the local media have also faced retaliation for critical reporting. These attacks and intimidation against journalists are not random incidents but appear as part of a larger plan to gag independent journalists,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. “Obviously, Jubbaland administration has stepped up multi-pronged attacks on the media aimed at shaping coverage of the upcoming elections and curbing criticism of the administration. This must stop. One of the foundations of free expression is the right to criticize those in positions of power,” added Osman. NUSOJ urges the Jubbaland authorities to cease forthwith attacks against journalists and unwarranted pressures on media houses and to tolerate open reporting and commentaries on any issue of public concern, such as the ongoing elections campaigns. ENDS View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Beijing ayaa heshiis lagu dhisayo dekad la saxiixday shirkad Shiinees ah oo lagu magacaabo iyo wafti balaaran oo CCECC, arrintan ayaa imaaneysa sanad kadib markii uu baarlamaanka ansixiyey ”Xeerka Dhowridda gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya” ee lagu ceyriyey DP World. Waftiga Madaxweynaha oo uu ku jiraan wasiiradda wasaaraddaha duulista hawada iyo, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Ganacsiga, iyo Tamarta, biyaha iyo macanta ayaa waxaa ay shir la qaateen Madaxda ugu sareeysa Shirkada CCECC, kulankaas oo lagu kala saxiixday fulinta mashaariic horumarineed oo ay shirkaddu ka fulin doonto Puntland Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal, taasi oo horumarinaysa ka faa’iidaysiga khayaraadda badda. Shirkada CCECC oo xarunteeda weyn ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal. Waxaa xusid mudan in Puntland ay horay heshiis dekad ula gashay shirkad Imaaraad ah ee shirkadda DP World, heshiiskaas uu baa’biyey baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The United Nations unanimously approved a resolution Friday to cut the number of peacekeeping troops under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) by 1,000. The move is part of a longer-term transition plan to allow the creation and growth of a Somali security force. UN troops in Somalia will be reduced to a maximum level of 19,626 by Feb. 28, 2020, and during that process will mentor Somali soldiers and police in “combat readiness”. The transition was initiated in 2017 and plans to fully hand over control to Somali forces in 2021. The African Union has raised concerns, however, as Somalia heads to elections next year. The resolution states that the UN and African Union will work to determine whether a much larger police presence will be needed for the upcoming elections. AMISOM was established in 2007 with the goal of establishing peacekeeping operations during the latest phase of the country’s civil war. It includes troops from Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Uganda who are deployed in south and central Somalia. “AMISOM shall be authorized to take all necessary measures in full compliance with participating states’ obligations under international law, including international humanitarian law and international human rights law, and in full respect for the sovereignty, territorial integrity, political independence, and unity of Somalia, to carry out its mandate,” the resolution said. The UN has been working to create stability in the country, fighting against al-Qaeda affiliate al-Shabaab, which has been working to overthrow the government in the capital, Mogadishu. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warqad lagu dhex arkay Baraha Bulshada taas oo sheegeysay in dowladda Federaalka ah ay Cabasho ka tahay heshiis Maamulka Puntland iyo Ganacsato ka socda Sharikadda CCECC ay ku kala saxiixdeen China. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa boggeeda Baraha Bulshada dhigtay qoraal kooban oo lagu sheegay in warqaddaasi tahay been abuur iyo ka badbadin aan sal lahayn. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda. Baraha Bulshada ayaa aad looga hadal hayay qoraal loo maleeynayay inay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda, balse wasaaradda arrimaha dibadda ayaa beenisay arintaasi. Dhawaan waxaa jiray heshiis dhexmaray Puntland iyo shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, iyadoo baraha bulshada kadib lagu faafiyay qoraal ka hor imaanaya heshiiskaasi. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa safar ku tagay dalka shiinaha isaga oo madaxda dalkaasi kala hadlay arimaha horumarinta deegaanka iyo maalgalinta deegaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warqad lagu dhex arkay Baraha Bulshada taas oo sheegeysay in dowladda Federaalka ah ay Cabasho ka tahay heshiis Maamulka Puntland iyo Ganacsato ka socda Sharikadda CCECC ay ku kala saxiixdeen China. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa boggeeda Baraha Bulshada dhigtay qoraal kooban oo lagu sheegay in warqaddaasi tahay been abuur iyo ka badbadin aan sal lahayn. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda. Baraha Bulshada ayaa aad looga hadal hayay qoraal loo maleeynayay inay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda, balse wasaaradda arrimaha dibadda ayaa beenisay arintaasi. Dhawaan waxaa jiray heshiis dhexmaray Puntland iyo shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, iyadoo baraha bulshada kadib lagu faafiyay qoraal ka hor imaanaya heshiiskaasi. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa safar ku tagay dalka shiinaha isaga oo madaxda dalkaasi kala hadlay arimaha horumarinta deegaanka iyo maalgalinta deegaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in shil gaari oo khasaare geystay oo uu goor dhow ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb. Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug gaadiidka rogmaday ayaa waxaa saarnaa Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladda Wasiirka. Wasiirka ayaa la sheegay inay xaaladiisa wanaagsan balse wexyeelada ay soo gaartay ciidamada ilaalada u aheyd kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Dhuusomareeb. Masuuliyiinta Galmudug ayaa sheegay inay la tacaalayaan caafimaadka ciidamada waxyeelada kasoo gaartay shilka ka dhacay magaalada Dhuusomareeb. Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in shil gaari oo khasaare geystay oo uu goor dhow ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb. Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug gaadiidka rogmaday ayaa waxaa saarnaa Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladda Wasiirka. Wasiirka ayaa la sheegay inay xaaladiisa wanaagsan balse wexyeelada ay soo gaartay ciidamada ilaalada u aheyd kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Dhuusomareeb. Masuuliyiinta Galmudug ayaa sheegay inay la tacaalayaan caafimaadka ciidamada waxyeelada kasoo gaartay shilka ka dhacay magaalada Dhuusomareeb. Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
War-murtiyeedka shir madaxdeedka ururka iskaashiga Islaamka ee jimcihii ka dhacay magaalada barakeysan ee Maka ayaa looga hadlay faragelinta Iran, duqeynta Xuutiyiinta, Falastiin iyo arrimo kale. Shirka waxaa lagu dheeraaday faragelinta Iran ay ku heyso dalalka badan oo Carab ah sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn, waxaa kale oo la dhaleeceeyey duqeynta ay Xuutiyiinta u geysteen goobo shidaal oo ku yaala dalka Sacuudiga. Suuriya, waxaa uu shirka isku raacay in aaney aqoonsaneyn wax walbo oo ka hor imaanaya go’aannada caalamiga, isla markaana badalaya jirintaanka dhulka iyo dad meel ku nool. Shirka waxaa uu dhaleeceeyey aqoonsiga Qudus ay Mareykanka ugu aqoonsadeen caasimadda Israel iyaga oo ku celiyey xaqa Falastiiniyiinta u leeyihiin dowlad Kooxda ayaa sidoo kale waxaa ay ka digeen Islamophobia iyaga oo ugu baaqay dalalka ay ku nool yihiin muslimiinta tirada yar iney ixtiraamaan dadkaasi, kana hortagaan dhibka loo geysanayo. Dhinaca kale, shir madaxdeedka iskaashiga Islaamka ee Maka waxaa ka maqnaa hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Iran, waxaa sidoo kale dhaleeceynta Iran ka gaabsaday dalka Ciraaq. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Sh/Hoose ayaa ku warramaya in xalay dabley hubeysan nin Oday ahaa ay ku dileen degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dilka ayaa ka dhacay tuulada sagaalaad ee degmadaasi, waxaana la sheegay in loo geystay Marxuum Cismaan Xaaji Qaasim oo ka tirsanaa dadka deegaanka. Ragii ka dambeeyay dilkan ayaa goobta isaga baxsaday, sida ay inoo xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka Afgooye oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa dilal iyo falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Degmada Xamar Weyne ayaa xalay guul ka gaartay dhiggeeda Xamar Jajab oo ay ka wada tirsan yihiin gobolka Banaadir. Labada degmo oo u dambeeyay wareega 8 dhamaadka ee tartanka ayaa muujiyay karti, hayeeshii waxa ay guushu raacday degmada Xamar Weyne ee M/ Muqdisho. Xamar Jajajb ayaa keensatay 10 buundo, halka Xamar Weyne ay la timid dhibco gaaraya 14, sidaasina waxa ay ugu gudubtay wareega 4 dhammaadka ee tartanka Shabelle. Wareega Sama-finalka ee tartanka waxa haatan isugu soo haray illaa 4 degmo oo kala ah Howlwadaag, Dharkenley , Shibis iyo Xamar Weyne. Tartanka u dhexeeya degmooyinkan ayaa waxaa si wadajir ah la qaban doona Habeen dambe, si ay uga soo baxaan labada degmo ee nasiibka u yeelan doona Finalka. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa shirkadaha ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bastoolada ayaa ka dhacay koonfurta magaaladaasi, waxaana la sheegay in loo geystay mid ka mid ahaa shaqaalaha QM ee ka howlgala deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Kheyre (Fiinto), waxaana la toogtay xilli uu ka soo baxay Salaada Taraawiixda. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Lama oga illaa iyo hadda waxa ay ahayeen ragga ka dambeeyay dilkaasi, balse dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa falal amni oo darrI oo maalmahan dambe ka dhacayay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka. Shirkan ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo loogu magac daray ‘Baaqa Makka’ kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, lagagana soo horjeestay ururrada argagixisada iyo fikirka xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dadka Muslimiinta ah. Madaxweynaha ayaa inta uu shirka socday waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha uu la kulmay dhibaatooyinka ku gadaaman Muslimiinta ku nool daafaha dunida oo shirkani u arkayey fursad wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkooda, haddii la muujiyo midnimo, wadashaqeyn iyo iskaashi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis martigelinta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa tan iyo markii ay soo gaareen dhulka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeeybgalay shirka wadamada iskaashiga islaamka ee Makka appeared first on Puntland Post.