-
Content Count
215,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sawirro: Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Xuska 1-da Luulyo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xorriyaddooda la soo laabteen, isla markaasna ay is-raaceen Koonfur iyo Waqooyi. Madaxweynaha oo munaasabadda 1-da Luulyo khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku boorriyay inay ku fara-adaygaan midnimada, wadajirka iyo walaaltinnimada dhexdooda ah, kana qayb-qaataan dadaallada ay dowladdu ugu jirto dhisidda Qaran Soomaaliyeed oo maqaam sare ku dhex leh caalamka. “Waxaan u dabbaal-dagaynaa sannad-guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii gobollada Koonfureed ay xorriyaddii ka qaateen Talyaaniga, Waqooyi iyo Koonfurna ay ku midoobeen hal dowlad, hal qaran iyo hal calan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ka sheekeeyay doorkii ay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka Soomaaliyeed ka qaateen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya isaga oo u duceeyay halgamaayaashii naftooda u huray xorriyadda iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed. Madaxwenaha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalintii la gurtay miraha halgankii gobonnimo doonka ee ay ka qaybqaateen halyeeyada Soomaaliyeed kuwaas oo ku midaysnaa aragtida ah inay diidaan guumaysiga, gunnimada iyo quursiga isla markaana aanay oggolaan in cid kale ka sarrayso. “Halgamayaashii gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi waxay ka midaysnaayeen guumaysi diid, waxay ka midaysnaayeen gunnimo diid, waxay ka midaysnaayeen quursi diid iyo in qofka Soomaaliyeed aanu oggolaan in laga sarreeyo.” Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda ay midnimadu leedahay horumarka dalka isaga oo shacabka Somaliland ku ammaanay sidii ay wakhtigii israaca ugu tanaasuleen wadajirka ummadda, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay ka qanciso tabashooyinkooda si meesha looga saaro kala qaybsanaanta. “Waxaan qabaa rajo fiican. Waxaan qabaa in Soomaali ay midoobi doonto, waxaana gacmaha u furaynaa walaalaheenna reer Somaliland ee ay aabbayaashood dhaliyeen midnimada.” Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banaadir. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Tens of thousands walk through the streets of Khartoum and other cities in ongoing protests against military rule. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxa xukuumadda Galmudug ayaa xalay ku dhawaaqay go’aan lama filaan ah, isaga oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda 1-da luulyo oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sheekh Shaakir ayaa sheegay inay diyaar u yihiib in n hay’adaha ammaanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay si wadajir ay uga howlgalaan magaaladaasi. Sidoo kale waxa uu xusay in loo baahan yahay Galmudug oo mid ah iyo xasilooni ka hirgasha deegaanadeeda. Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa intaasi ku daray in go’aankan uu ku soo aaday munaasabada qiimaha badan ee 1-da Luulyo, islamarkaana ay si dhab ah u dhaqnb doonaan, si loo xoojiyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Galmudug. Hadalkan ayaa waxa uu si aad u soo jiitay dhammaan shacabkii iyo madaxdii ku sugnaa madasha, kuwaas oo uu ka mid ahaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Jawiga xafladda ayaa waxaa mar qura is wada qabsaday dabaal dag iyo Sacab, kadib go’aanka cusub ee uu ku dhuwaaqay Shaakir. Tan iyo markii ay kala boodeen Xaaf iyo Ahlu-Sunna ayaa waxaa jiray isku soo dhawaasho u dhexeysay dowlada federaalka iyo Galmudug. Ahlu-Sunna iyo garabka Cadaado ayaa haatan si aad ugu xifaal tamaya siyaasadda cusub Galmudug iyo arrimaha doorashada la filayo in la qabo bisha July ee soo socota. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Labada garab ee ugu awooda badan Siyaasadda Soomaaliya waa Nabad iyo Nolol oo hadda hayo talada dalka iyo Damul Jadiid oo hadda sameystay xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Nabadda iyo Horumarka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Labadaan garab ayaa waxaa u dhaxeeyo loolan adag oo dhanka Doorashooyinka maamul Goboleedyada oo ah aasaaska koowaad ee loolanka doorashada guud ee dalka ka dhici doonto marka uu dhamaado waqti xilliyeedka Dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi oo ay hadda u harsan tahay hal sano iyo bar. Loolanka u dhaxeeyo labadaan garab ayaa hadda ah mid barbaro ah marka loo fiiriyo tartankii ay ku galeen doorashooyinkii ka kala dhacay Koonfur Galbeed oo ay Nabad iyo Nolol ku guuleysatay iyo Puntland oo larumeyan yahay inay ku guuleystay Damul Jadiid oo hadda waji cusub siyaasadda kusoo geli doono maadaama Deni uu Damul Jadiid ka tirsanaa. Loolanka ugu adag ayaa wuxuu labadaan dhinac ku dhex marayaa doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo deegaanada Galmudug halkaas oo uu maalmihii dambe booqasho ku joogo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkeeda ugu dambeeyo ku bixineyso sidii uu Galmudug ugu guuleysan lahaa shakhsi ay iyada wadato si ay iyada usoo xusho xildhibaanada Federaalka kasoo galayo Maamulkaas, maadaama xubnaha mucaaradka dowladda intooda badan ay Baarlamaanka kasoo galaan maamulkaas. Halka Xisbiga uu hoggaamiye Xasan Shiikh Maxamuud ay culeys weyn dareemayaan maadaama Nabad iyo Nolol laga yaabo inay halkaas kaga guuleysato, waxayna wadaan dadaalkooda ugu dambeeyo oo ay ku doonayaan inaysan Galmudug gacanta u gelin Nabad iyo Nolol taasoo sabibi karto inaysan saameyn ku yeelan Doorashada dalka ka dhici doonto. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa socdaal dheer kusoo maray deegaanada Galmudug sida Dhuusamareeb, Guriceel, Cabudwaaq, Xiraale iyo Cadaado, wuxuunau jeedka ugu weyn yahay sidii ay dowladda Soomaaliya uga hirgelin laheyd qorshaha ay la damacsan tahay Galmudug oo ah inay gacant ku dhigto maamul ahaan iyo soo xulista Xildhibaanada Federaalka marka la gaaro waqtiga Doorashada. Xildhibaano ka tirsan Kooxda Damul Jadiid ayaa dhankooda wado olole xooggan, waxayna Cadaado kula kulmeyn odayaal dhaqameedyada, iyagoo kala hadlay inaan gacanta loo gelin Galmudug Dowladda Federaalka isla markaasna ay doorashada noqoto mid aan mugdi ku jirin. Galmudug ayaa noqon doonto meesha ugu badan oo uu ka dhici doono loolanka u dhaxeeyo Damul Jadiid iyo Nabad iyo Nolol, maadaama Xildhibaanada saameynta leh ay halkaas kasoo jeedaan. Marka la fiiriyo Doorashada ka dhici doonto Jubbaland waqtigaan la joogo wax saameyn ah kuma lahan Nabad iyo Nolol waxaana xiriir ahaan Axmed Madoobe kaga dhow Damul Jadiid, waxaana macquul ah inuu labadaan dhinac dhex maro wada shaqeyn ku aadan in Dowladda Soomaaliya loo diido inay Jubbaland kasoo saarato xildhibaano daacad u ah. Haddii aysan wax is badalin, lama rajeenayo inay dowladda gacanta ku dhigto jubbaland, maadaama uu Axmed Madoobe diiday inay wax lug ah dowladda ku yeelato doorashada isagoo ka shaqeenayo sidii uu usoo xuli lahaa XIldhibaano isaga dib usoo doorto marka la fiiriyo qaabka ay hadda wax u socdaan iyo Guddiga doorashada oo daacad u ah Axmed Madoobe. Doorashooyinka Galumudug iyo Jubbalanad aya go’aamin doono cidda yeelan doonto awooda doorashada soo socoto maadaama ay hadda dowladda gacanta ku heysato Kaliya Koonfur Galbeed halka Hirshabellana aysan weli meel u dhicin iyadoo ay isku dhaceyn Waare iyo Nabad iyo Nolol lagana yaabo inay bilowdaan mooshin meesha looga saarayo Waare markaasoo Hirshabeelana ay ka dhici doonto hardan culus. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
CAIRO — For hundreds of African migrants, dreams of a new life in Europe have instead ended in a detention center in the remote desert of war-torn Libya, where they say they have been held for months amid raw sewage, piles of garbage, disease, maggots and barely enough food to survive. Source: Hiiraan Online
-
We walked through the shaded outdoor seating area of the Nibble and Nosh café. We climbed a few steps to the upper floor of the Camp Cotton accommodation block and Casper told me the code for the buttons that would get me through the outer door. Source: Hiiraan Online
-
The cold was bitter but the sky was blue and there was no dampening the joy of eight Ethiopian children as they touched the ocean for the first time. Source: Hiiraan Online
-
Xudur (Caasimada Online) – Degaan qiyaastii 30 KM u jira degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka oo ah mid aad u qaraar ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay oo wali isku hor-fadhiya aagga dagaalka. Caasimada Online ayaa ogaatay in dagaalka ay ka qayb qaadanayaan Ciidamo katirsan Maleeshiyaadkii Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku sugan degaan u dhaw halka lagu dagaalamayo. Ciidamada Abuu Mansuur ayaa dagaalka galay galabtii Sabtida ee todobaadkaan markii ay Ciidamada dowladda culees kala kulmeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab. Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in la jebiyay Al-shabaab markii ay dagaalka soo galeen Ciidamada Abuu-mansuur. Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobalka Bakool Maxamed Macalim ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada Abuu-mansuur ay dagaalka qayb ka yihiin islamarkaana ay ku yimaadeyn dalab ay sameeyeen Saraakiisha Ciidanka dowladda ee dagaalkaasi hogaamineysay. “Waa dhab Ciidamada Abuu Mansuur waa nagu wehliyaan dagaalka waxayna ku yimaadeyn dalab ay soo dirsadeen Saraakiisha howlgalka qaaday” ayuu yiri Maxamed Macali Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobalka Bakool. Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Xudur ayaa sheegay in ay ka rajo dhigeyn hogaanka dowladda Soomaaliya ee xiligaan shaqeeya islamarkaana ay isku tashanayaan inta laga helaayo dowlad cusub oo dalka samata-biixsa sida uu hadalka u dhigay. “Muddo 6 sano ah ayaa go’doon ku jirnaa, hubkii waa naga dhamaaday iyo dhamaan saanaddii, markii aan la xiriirnay DF-ka Soomaaliya nooma jawaabin waana ku daalnay” ayuu yiri Maxamed Macalim Guddoomiyaha degmada Xudur. Al-Shabaab ayaa qiyaastii muddo 7 sano ah go’doon geliyay degmooyin katirsan gobalka Bakool waxaana degmooyinkaas kamid ah magaalo madaxda gobalka ee Xudur kadib markii ay gacanta u gashay Ciidamada Soomaaliya dhowr sano ka hor. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ee maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayaa shaaciyay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in magaaladu ay soo buuxisay shuruuddii ku xirnaya in magaaladu marti geliso gogoshaan muhiimka ah. Hadalka Kheyre ayaa imanaya xilli qaar ka mid ah odayaasha beelaha Galmudug iyo Xaaf ay isku raaceen in shirka dib u heshiisiinta lagu qabto magaalada Hobyo, mana cadda sababta uu Kheyre isbeddelka u sameeyey iyo in lagu raacsan yahay. Dhinaca kale, Khayre ayaa uga mahadceliyay madaxa fulinta Galmudug aqbalaadiisa ku aaddan in ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka howl galaan magaalada Dhuusamareeb si ay awood ugu yeelato marti gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa deegaannada Galmudug mudda toddobaad ah ku joogay safar shaqo oo uu ku doonayay in uu ku caawiyo reer Galmudug dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeeya danaha bulshada Galmudug iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa farriin ku aadan munaasabadda maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo usoo diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Boqor Salmaan ayaa madaxweyne Farmaajo u rajeeyey caafimaad wanaagsan iyo farxad joogto ah, halka uu dowladda iyo dadka Soomaaliya u rajeeyey horumar wanaagsan iyo baraare. Waxaa sidoo kale farriin taas la mid ah ah madaxweynaha usoo diray, dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo wasiirka difaaca dalkaas Maxamed Bin Salmaan. Maxamed Bin Salmaan ayaa farriinta wuxuu madaxweyne Farmaajo, dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugu rajeeyey wanaag iyo horumar wanaagsan. Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo mar ku kala tagay xiisaddii Khaliijka kadib markii Soomaaliya ay diidan inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa waxaa muuqatay inay isu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maalmahaan waxaa socda xuski todobaadka xurriyadda oo ka bilawday 26 Juun markii gobollada woqooyi ay Ingiriiska ka qaateen xurriyadi oo ahayd mid halgan dheer loo soo maray naqatayna riyo rumowday. Nasiib darro, daedka reer Somaliland waxay isillawsiiyeen qiimaha ay leedahay maalintaas waxayna ku beddesheen bishi maajo oo ah markey ka go’een Koofurta. Taas ayaa kala weynaatay xurriyadi ay ka qaateen gumeysigi aan weligii ku tala gelin inuu horumar gaarsiiyo gobolladaas. Haddaba, waxyaabaha la yaabka leh waa inay Somaliland awoodoodi iyo caqligoodi ku koobeen gooni isu-taag aan ku saleysneyn barnaamij horumarin iyo nabad ku noolaasho.. Hadafka qoraalkaan waa mid ku saleysan sababta ka dambeysa mar kasta reer Somaliland inay weligood ka sheekeeyaan dhibaatadi ay soo mareen xilligii Kacaanki oo ay ka mid ahaayeen howl-wadeenadi dhibaatada ay ka cabanayan qayb weyn ku lahaa!!!. Waxay ahayd dhibaato ay la wadaagaan Somalida inteeda kale, taasoo horseeday in dalki gebigiisiba uu burburo, shacabkiina noqdo mid haaday iyo mid heybsha,mid hayaamay iyo mid hoogay, cid ka badbaadayna aan la arag. WAA WAAJIB IN LA QIRO in Somaliland ay dhibato gaar ah ku dhacday waana mid Somali oo dhan ay qirayaan, looguna garaabay, waa haddii ay garashadooda la kaashadaan. Addunka waxaa ka dhacay dagaalo badan ow ugu dambeeyay DAGAALKII LABAAD oo aad loogu hoobtay, tiro aan la koobi karina ay ku dhinteen. Intaas oo dhibaato ah waxaa horsed ka ahaa kaligii-taliyihii Hitler oo qaarada Yurub oo dhan cagta mariyay ilaa dowladi Ruushka oo sheegtay inay dagaalkaa uga dhinteen LANAATAN MALYAN. Waxaa intaas sii dheer in timihi hablahooda laga sameeyay jodariyaal Jarmalka oo dhan ku faafay. Intaas oo dhibaato ah ee ka dhacday adduunka siiba Yurub WAA IS CAFIYEEN.. Jarmalka waa la canaantay waana qaatay canaanti iyo eedeynti, wixi lagu ganaaxayna waa oggolaadeen waxayna taasi horseeday in la si-cafiyo. Haddaba, waxaa jirtay sheeko gaaban oo ka dhacday degmo ka mid ah kuwa Xamar ugu qadiimsan, kaddib markii wiilal dhallinyaro ah ay marada ka feydeen geber suuqa mareysay. Waxaysan ogeyn in gebertu ka dhalatay jufo magac leh oon quursi iyo gardarro weligood qaadan. Marki arrinti ay soo shaac baxday ayaa waxaa kulmay odayaashi hogaanka u ahaa labada jufo ee geberta iyo wiilasha ka kala socday. Arrinti ayaa aad loo falanqeeyay lagana yeeshay doodo badan oo dhinac walba taabatay iyadoo ugu dambeyntii jufadi wiilasha ay ka dhasheen isku kaxuntay inay bixiyaan wax alla wixi lagu baajin karo dhibaato intaa ka weyn inay dhacdo. Waana la isfahmay, markaasaa la yiri aan duceysano oo faataxada aan maranno. Jufadi geberta ayaa yiri in la duceysto waa fiican tahay laakin geberta maxaa loo feyday? Doodi halkii ay ka sii socotay ilaa qoladi gefka gashay ay oggolaadeen inay bixiyaan gebdha diyadeeda oo konton halaad oo geela!!! …waa laga oggolaaday…Markaasaa la yiri aan duceysanno..inti aan ducadi la dhammeyn ayey qoladi gebedha ka socotay soo celiyeen su’aashi geberta maxaa loo feyday!!! Marki arrinti ay halkaa mareyso ayey akhyaarti ka socotay wiilasha ay soo jeediyeen inay bixinayaan diyo laba wiil si mar uun la isku afgarto. Waa laga oggolaaday waxaana la yiri aan duceysanno si aysan arrimahaan oo kale noogu soo naqan…odayaashi waa oggolaadeen laakin waxay soo jeediyeen su’aashi GEBERTA MAXAA LOO FEYDAY? U maley maayo in arrinta IS-CAFINTA ay u baahan tahay in lagu dheeraadoo waayo waa mid laga wada dsheregsan yahay. Soddon sano ayaa ka soo wareegtay dhibki ka dhacay Somaliya, laakin Somaliland weli waxay taagan yihiin MAXAA GEBERTA LOO FEYDAY? Arrinta wada hadalka iyo midnimada Somaliland laga raadinaayo halkaa ayey mareysaa? Goormaa Somaliland ay GARAWSAN DOONTAA INAY ISKA CAFIYAAN WIXI KU DHACAY IYAGANA LAGA CAFIYO WIXI AY GEYSTEEN? Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxda ugu sareyso Ahlu Sunna Wal Jameeca iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wadahadalo badan kadib ka heshiiyey qodobadii uu muranka ka taagnaa. Ra;isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa labaduba ka dhawaajiyey in Ciidamada Amniga wixi Berri ka dambeeyo ay la wareeegayaan Amniga Dhuusamareb. Ra’isulwasaaraha oo khudbad ka jeedinayey Munaasabada 1-da Luulyo ee 59-sano guurada ka soo wareegatay markii Gobolada Koofureed Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo is raacii waqooyi iyo Koofur ayaa sheegay in Dhuusamareb ay u furan tahay gogoshada dib u heshiisiinta ayna ka dhici doonto Doorashada Galmudug. Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in Berri wixii ka dambeeyo ay Amniga Dhuusamareeb la wareegayaan Hey’addaha Amniga dowladda Federaalka. “”Hay’adaha Amniga Dowladda Federalka ah waa in laga bilaabo beri u diyaar garoobaan sugida Amniga Caasimadda Galmudug, Ciidama Ahlusuna ee aan ognahay kana dharagsanahay Juhdigii aay galiyeen nabadda ka jirta deegaanadaan, waa ineey u diyaar garoobaan laga bilaabo bari in la qarameeyo oo tababar loo furo” Ra’iisul Wasaare Kheyre. Dhinaca kale Sheekh Shaakir oo ka mid ah Madaxda Ahlusuna ayaa dhankiisa aqbalay in hey’addaha Amniga dowladda Federaalka ay la wareegaan amniga magaalada Dhuusamareeb. Labada qodob oo ay Caawa si wadajir ah uga dhawaajiyeen Ra’isulwasaare Kheyre iyo Shiikh Shaakir ayaa ahaa labadii qodob ee ugu adkaa wadahadalada Dowladda iyo Ahlu Sunna. Labadaas qodob oo kala ahaa inay Ahlu Sunna dowladda ku wareejiso Amniga Dhuusamareeb iyo in doorashada ka dhacdo Magaaladaas ayaa ugu dambeyntii heshiis laga gaaray kaddib wada hadalo aan kala joogsi laheyd oo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha kula jireen Madaxda Ahlusuna. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Bar___-Qumanaha-30062019-OK.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxdweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaafo oo galabta gelinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay madaxweyne Farmaajo. Xaaf oo ay garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyeen xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka ayaa si toos ah loogu gudbiyey Xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaas oo uu kulan qorsheysan kula qaatay Farmaajo. Inkastoo aan la shaacin qodobada kulanka looga hadlay, haddana xogt ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeysa inay labada Mas’uul kawada hadleyn xaaladihii ugu dambeeyey Galmudug. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay doorashada ka dhici doonto Galmudug iyo inuu Xaaf dowladda kala shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorashada ay mabda’ ahaan isku raaceyn dowladda iyo madaxda Galmudug. Xubin ku dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inay dowladda Soomaaliya Xaaf kala hadashay inuu ka tanaasulo ka qeybgalka doorashada soo socoto ee Galmudug maadaama uu qrosheenayo inuu qeyb ka noqdo isla markaasna uu mar kale isku soo taago xilkaas. Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Xaaf iyo Ra’isulwasaare kulan ku yeesheen Magaalada Cadaado, waxaana heshiiskii labadaas mas’uul kamid ahaa inuu Xaaf tago Muqdisho si ay labada dhinac u kala saxiixdaan heshiis ku aadan doorashada Galmudug. Booqashadan ayaa timid kadib markii khilaafkii ka dhexeeyay dowlada federalka iyo Maamulka Galmudug lagu soo xaliyay magaalada Cadaado oo uu booqasho ku tegey Ra’iisul Wasaare Kheyre. Madaxweyne Xaaf ayaa muddo badan hal sano ka badan aan imaan magaalada Muqdisho, waxaana jiray Khilaaf kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyntii heshiis laga gaaray. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
-
Kenya has lifted the ban on fishing activities off the coast near the Somalia border following improved security. Source: Hiiraan Online
-
Balanbal (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo safaro nabadeed kusoo kala bixinayey deegaanada Galmudug ayaa la filayaa inuu safarkiisa kusoo gabagabeeyo Magaalada Dhuusaamreeb oo uu Xalay kusoo noqday. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa safaro dhulka ah kusoo kala bixiyey deegaano badan oo ka tirsan Galmudug sida: Dhuusamareeb, Cadaado, Cabudwaaq iyo Xeraale. Qaar ka tirsan Beelaha dago deegaanada Galmudug ayaa Ra’isulwasaare Khere ku eedeeyey inuusan u cadaalad falin booqashada uu ku sameenayey deegaanada Galmudug isla markaasna ay jiraan deegaano uu iska indha tiray inuu tago. Qaar ka tirsan Odayaasha Degmada Balanbal oo lasoo xiriiray Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegay inuu Ra’isulwasaaraha iska indha tiray inuu booqasho ku yimaado Degmada Balanbal oo ay hoos tagaan Xiraale iyo Guriceel. Odayaasha ayaa Ra’isulwasaaraha ku eedeeyey inuu booqday Xeraale isla markaasna uu si ula kac ah uga soo gudbay Degmada Balanbal oo qiyaastii 10km u jirto Xeraale. Odayaasha ayaa sheegay inuu safarka Ra’isulwasaaruhu ahaa mid lagu doonayey inu lagu soo dhiso Galmudug lagu wada qanacsan yahay balse uu arrintaas si cad u garab maray markii uu isku qalday Cabudwaaq iyo Balanbal sida ay hadalka u dhigeen odaayasha dhaqanka ee la hadlay Caasimadda Online. Ra’isulwasaaraha ayaa lagu eedeeyey inuu soo garab maray Balanbal iyo Guriceel isla markaasna ay arrintaas tahay mid aan la aqbali karin sida ay sheegeyn odayaasha oo qabo inay markii horeba dowladda Soomaaliya godob ka gashay Degmadaas oo u muuqato inay qariirad ahaan xataa mugdi sii galeyso oo ku darsoomi rabto Itoobiya. Odayaasha ayaa ku doodayo in Degmadaan ay tahay mid qadiimo ah oo la sameeyey sanadkii 1978 ayna aheyd inuu Ra’isulwasaaraha ahmiyad siiyo uuna booqasho ku imaado halkaas. Odayaasha ayaa tilmaamay in Balanbal iyo deegaanada hoostago ay ka taagnaayeen colaado soo dhex maray Beelaha ayna aheyd inuu Ra’isulwasaaraha safar ku tago si la isugu soo dhaweeyo Beelaha isla markaasna ay qeyb weyn ka qaataan dhismaha Galmudug dhameystiran. Magaalada Guriceel ayaa qorshaha ugu jirtay inuu Ra’isuwlasaaraha booqasho ku tago inkastoo aan la ogeyn sababta keentay inuusan tagin balse marnaba qorshaha Kheyre ee Safarka Galmudug kuma jirin Balanbal iyadoo aan la ogeyn sababta uu Kheyre isaga indha tiray inuu halkaas booqasho ku tago. Ugu dambeyntii waxaa jiro deegaano badan oo ka tirsan Galmudug oo uusan Ra’isulwasaare Kheyre tagin sida Hobyo, Gaalkacyo iyo qaar kale oo ku jiro gacanta Al-Shabaab sida deegaanada uu Ra’isulwasaaraha kasoo jeedo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Shir ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Harti Waqooyi oo maanta, 30/06/2019, ku qabsoomay Hudheelka Cali Jirde, Hargeysa, ayaa looga dhawaaqay Baaqa Harti Waqooyi kaasoo ka tarjumaya tabashada Beesha ee sida ay sheegeen soo jiitamaysay muddo aad u dheer oo ay kala dhaxleen xukuumadahii kala danbeeyay ee JSL. Shirka oo ay ka soo qaybgaleen wasiirro hore, xubno door ah oo ka socday Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, odayaal dhaqan, ganacsato iyo aqoonyahanno, waxaa hoggaaminayay Dr. Cali Khaliif Galaydh, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo iyo Mudane Axmed Xaaji Cali Cadane Wasiirkii Gashaandhigga ee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ahaana Guddoomiyaha ugu horreeyay ee Komishanka Doorashooyinka ee suurta-geliyay doorashooyinkii ugu horreeyay ee ka qabsoomay Somaliland. Baaqa Beesha Harti Waqooyi, isagoo dhammaystiran waxaa uu u dhignaa sidatan; ” Mudada u dhexeysay 24/03/2019 ilaa 26/6/2019, Beesha Harti Waqooyi waxaa ay ku kulantay shirar teel teel ah. Haddaba, Guddiga Farsamo ee Harti Waqooyi iyagoo la kaashaday waxgaradka Beesha, dal iyo dibedba, waxaa ay si qotto dheer u lafo-gureen danahooda guud, duruufaha ku gedaaman Goboladooda, iyo masiirka Beeshooda. Guddigu, waxaa uu si cad u qiimeeyay siyaasadda xukuumaadda Madaxweeyne Muuse Biixi Cabdi. Waxaana uu si adag uga dooday dabaylaha ka dhacaya Geeska Afrika iyo saamaynta ay yeelan karaan. Sidoo kale, waxaa uu is kor taagay isbedellada siyaasadaha degaamaysan (Geopolitics) ee ka aloosan Geeska kuwaasoo horseedi kara in ay dhalan-rogaan dhaqan-dhaqaalaha, nabadda iyo siyaasadda Geeska Afrika. Haddaba; Guddiga Farsamo ee Beesha Harti Waqooyi; · Markii ay aqoonsadeen khayraadka badan ee ceegaaga degaanadooda, sida tamarta shidaalka, macdnaha kala duwan, cimilada degaanadooda ee ku habboon xoolaha nool, kalluunka, beeraha, duurjoogta iyo dalxiiska; Guddidu waxaa ay garowsadeen in ay Beeshu ka gaabisay saami ku qaadashada tirada dadkeeda, bedka degaamadeeda, istaratajiydda dhulkeeda, iyo khayraadka goboladeeda taasoo la gaadhay xilliggii lagu xisaabtami lahaa, laguna intifaaci lahaa iyagoo Beesha ku la taliye in laga hawl galo maalgashiga iyo horumarintii dhulkooda; · Markii ay arkeen sida shacabka Bariga Sanaag, Buhoodle iyo Sool uga gows qabsaday gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo ka biyo-diiday saamiga looga qoondeeyay qaranka, duudsiga ragaaday, iyo sida ula kaca ah ee xukuumadahii kala danbeeyay u dhalan rogeen sooyaalkii, miisaankii iyo astaamahii Somaaliland; · Markii ay ogaadeen sida ay u adag tahay helitaanka Somaaliland dhammaystiran iyadoo aan la soo sugin xuduudaha dalka taasoo aan suurtagal ahayn haddii aan la helin cadaalad, saami qaybsi iyo xaqsoor ay ku qancaan shacabka Harti Waqooyi ee ku teedsan soohdimaha Bari ee Somaaliland; Sidaa Awgeed, Guddigu waxaa uu soo gudbinaynaa aragtida iyo baaqa Beesha Harti Waqooyi annagoo ku rajo weyn in uu ka tarjumo tabashada Beesha, danta Somaaliland iyo hanashada xukuumad iyo maamul loo dhan yahay oo lagu heli karo dal nabad ah, dad walaalo ah, sinnaan, horumar iyo Qaran la jaan qaada waa’ga cusub. BAAQA HARTI WAQOOYI 1) Si loo xaqiijiyo cadaalad iyo awood qaybsi sugan, waxaa aan u soo jeedinaynaa Xukuumadda in ay fuliso heshiiskii distuuriga ahaa ee Xukuumadda JSL iyo Maamulka Khaatumo, Caynabo, October 2017. Heshiisku waxaa uu xal dhab ah u yahay daaweynta tabashada ka jirta Gobolada iyo Beelaha Darfaha. 2) In la soo dedejiyo saami qaybsi ay ku qancaan Beelahu. Runtii, meelmarinta qoddobada masiiriga ah, waxaa ay saldhig u noqon doonaan dhismaha qaran iyo xukuumad hanata kalsoonida shacabka. Fulinta qoddobadaas waxaa ay sahli doonaan in si toos ah maamulka hoos loogu daadejiyo Gobolada iyo Degmooyinka Beesha Harti Waqooyi, taasoo suurtogelin doonta isdiiwaan gelin dhammaystiran iyo hirgelinta doorashooyin xalaal ah oo ka qabsooma dalka. 3) Si loo taabbo-geliyo maamul daadejin dhab ah, waxaa shardi ah in loo cuskado tiirarka bud-dhigga u ah sida, 1. Go’aan Daadejin (Political devolution), iyo 2. Maamul Daadejin, (Administrative decentralization). Degma kasta waa in ay hesho maamul-daadejin buuxda, isku-tashi, iyo saamiga uga qorshaysan Miisaaniyadda Qaranka sida ku cad Qorshaha 2aad ee Qaranka (2017-2022) ee qorsheynta, odoroska iyo diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka. 4) Inta laga gaadhayo meelmarinta qoddobada kor ku xusan, Madaxweynaha JSL waxaa aan u soo jeedinaynaa in uu si degdeg ah ugu dhiirrato fulinta saami ay Beeshu ku qanacdo ee dhinacyada Golaha Xukuumadda, Maamulka, Hay’adaha, Horumarka, Safaaradaha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Qaranka. 5) Waxaa aan ku talinaynaa in dib loo soo nooleeyo wada-hadalada iyo kullamada Odayaasha Dhaqan, Culimada iyo Aqoonyahannada Gobolada Bari ee dib u dhaco ka jiro, taasoo keeni doonta xoojinta iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada nabadgelyada, horumarinta, ganacsiga iyo siyaasadda. 6) In la abuuro hay’ad ama hay’addo ay ku dhan yahay shacabka Gobolada Bari si looga wada shaqeeyo samofalka iyo horumarinta Gobolada Bari. Hay’addu waxaa ay ka qayb qaadan doontaa nabadaynta, diyaarinta iyo fulinta mashaariicda gurmad, kuwa horumarineed, soo jiidashada maalgashi, fududaynta ganacsi iyo sidii goboladaas looga samato-bixin lahaa go’doominta caalami ee xilligan saaran. 7) Waxaa aan walaac ka muujinaynaa duruufaha cusub ee ku soo kordhay Bariga Sanaag taasoo loo aanaynayo siyaasadaha gurracan ee xukuumaddu ku maamulayso Gobolka, sidaa awgeed waxaa aan kula talinaynaa xukuumadda in ay la tashato waayeelka iyo waxgarada degaankaa. 8) Waxaa muuqata baahi weyn oo loo qabo shirweyne waxgaradka Beesha Harti Waqooyi kaga tashadaan aayahooda. Sidaa darteed, iyadoo lala kaashanayo Isimada, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha, waxaa aan soo sheegi doonaa muddaynta iyo madasha Shirka Beesha Harti Waqooyi oo ku qabsoomi doona degaamada Bariga Sanaag, Buhoodle iyo Sool. 9) Waxaa aan ugu baaqaynaa Beelaha Somaaliland iyo Xukuumadda JSL in laga wada shaqeeyo Nabadda, Isxurmaynta, Wada-tashiga, Wax-wada-lahaanshaha, iyo Horumarka taasoo ah tubta keliya oo aan ku wada gaadhi karno QARAN taabbagal ah oo ka mid noqdo Bulshada Caalamka. Allah Ha innagu Toosiyo Tawfiiqda “ Qaran News
