Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kenya has closed its border with Somalia in Lamu indefinitely as security operations against Al Shabaab militants intensify. Source: Hiiraan Online
  2. Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xirtay xadka ay la wadaagto wadanka Soomaaliya xilli ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidamada dalkaasi ay ka fulinayaan gobolka waqooyi bari. Mudo aan la cayimin ayuu xirnaan doonaa xadka, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Kenya, iyadoo intaasi ku dartay inay u furnaan doonto oo kaliya ciidamada howlgalka wada. Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Lamu, ee dalka Kenya Muchangi Kioi ayaa xusay in qofkii jebiya amarkan uu lumin doono ruqsadiisa ganacsi sidoo kalena uu muteysan doono xarig. Xeritaankan xadka ayaa yimid todobaad kadib markii dowladda Kenya ay joojisay howlihii kalluumeysiga ee xeebaha ku dhaw Soomaaliya, sababo la xiriira dhinac amaanka. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Kenya wadaan howlgallo roondo ah oo ay ku xaqiijinayaan inuu dhaqan galay amarka lagu xiray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya. Booliska ayaa uga digay ganacsatada inay ku xad-gudbaan go’aanka lagau xiray xadka, iyo inay kala gudbiyaan alaabaha ganacsiga ee isaga kala gooshi jiray magaalooyinka dhaca labada dhinaca ee xadka. Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro tan iyo markii ciidamadeeda u soo tallaabeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii. View the full article
  3. Luanda (SMN) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola uga qayb galaya shirkii 5-aad Golaha Sare ee Garsoorka Afrika oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay. Madaxwaynaha Jamhuuriyada Angola, H.E Joã Manuel Gonçalves Lourenceç, ayaa furay shirkaan oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin ka socota garsoorka wadamada qaaradda Afrika. Shirka oo shalay furmay maantana soo xirmaya ayaa looga hadlay dhawrista dastuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee Aadamaha iyo kaalinta Garsoorka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  4. kooxda ciidan xooga dalka ee Horseed ayaa guul muhiim ka gaartay dhigeeda Muqdisho City Club,iyagoo labada dhinac ay wada ciyaareen kulamadoodii 12-aad horyaalka Somalia Premier League 2018-2019. Qeybta 1aad labada koox ayaa taageerayaashooda u soo bandhigay ciyaar ku dheehan weerar iyo weerar celis waxaana nasiida laga kala maray barbaro goolal la’aan ah ama (0-0). “Allah ayaa mahad iska leh kulankan waxa uu inoo ahaa mid muhiim ah waayo waxaan ku dhawaanaynay kaalinta 2aad iyo in yareeno farqiga xaga dhibcaha” waxaa Goobjoog Sports ugu swaramay Macallinka kooxda kubbadda cagta Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon). Markii laysku soo laabtay dheesha labada koox ayaa sameeyay fursado badan,basle daqiiqadii u danbeesay ciyaarta kooxda Horseed ayaa dhalisay gool cajiib ah oo madax ah waxaana u dhaliyay laacib Farxaan Maxamed Axmed (Farxaan Duqow),isagoo kulanka badal ku soo galay. “Waxaan soo bandhigay ciyaar cajiib ah,balse guusha waxa ay raacday dhigeena Horseed waan u hambalyaynaa waxaanse usoo diyaar garoobaynaa kulamada kale ee horyaalka”Waxaa Goobjoog Sports u sheegy tababaraha kooxda kubbadda cagta dowladda hoose ee Muqdisho City Club Xuseen Balangu. Kulanka waxaa dhex dhexaadiye ka ahaa Garsoore Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Calanhayaha 1aad waxa uu ahaa Axmed Cabdullahi Faarax (Baroodo),Calanhayaha 2aad waxa uu ahaa garsoore Nuur Cabdi Maxamed,halka garsooraha keydka uu ahaa Najiib Cawil Ismaaciil,waxaase xer ilaaliyaha ciyaarta kulanka uu ahaa Guddoomiyaha garsoorka xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish. Halkan Ka Daawo Warbixin ku saabsan kulankii dhaxmaray kooxaha Horseed & Muqdisho City Club Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidamada Xoogda Soomaaliya Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe) ayaa sheegay in ay isa soo tarayaan tirada xubnaha ka soo goosanaya Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Indho Qarshe ayaa xusay in ay gobolo kala duwan ay ku soo dhaweeyeen Rag ka tirsanaa Al Shabaab oo is iskood ah ugu soo biiray dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa uu sheegay Taliyuhu in Ciidamada milatariga Soomaaliya ay guulo ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay ee la fuliyay. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo kordhiyay howlgalladooda ayaa la wareeegay deegaano ka tirsan gobollada Gedo iyo Sh/Hoose. View the full article
  6. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-11062019.mp3 View the full article
  7. Lamu (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku dhowaaqday inay xirtay xuduuddii Soomaaliya, islamarkaana joojisay gebi ahanba ganacsigii kaga iman jiray Soomaaliya. Goobta xuduudda ee sida gaaaka ah loo xiray ayaa ah dhanka Lamu, oo ah mid ka mid ah afarta marin xuduudeed ee Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya, ayada oo saddexda kale ay yihiin Mandera, Wajir, iyo Gaarisa. Madaxa booliska Lamu, Mr Muchangi Kioi ayaa sheegay in hadda iyo wixii ka dambeeya ay xuduudda u furnaan doonto oo kaliya saraakiisha amniga. Dadka ku nool Lamu ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay waxa ganacsi ah la sameeyaan Soomaaliya. Muchangi Kioi ayaa sheegay in cid kasta oo sidaas sameysay ay lumin doonto shatiyada ganacsiga, islamarkaana xabsiga loo taxaabi doono. Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay inay qabteen “10 jawaan oo sokor sharci-darro ah oo ka timid Soomaaliya iyo xirmooyin caano geel ah.” Dadka dukaamada ganacsi ku leh dhanka xuduudda ee Kenya ayaa lagu amray inaysan iibin karin wax badeeco ah oo ka timid Soomaaliya, islamarkaana ay badeecadaha Kenya ka iibin karin Soomaalida xadka degan. Xiriitaanka xuduudda ayaa ah cutubkii ugu dambeeyey muranka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee salka ku haya badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegtay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  8. Dowladda Puntlad ayaa beenisay warar lagu faafiyay saxaafada koonfurta Soomaaliya, wararkaas oo ku saabsan in Puntlan ay musaafurisay labo sarkaal oo madax ka ahaa hay’addo [...] Source
  9. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Karaash ayaa tagay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, halkaasi oo saakay sideedii subaxnimo ay ciidamada difaaca Puntland dib ula [...] Source
  10. Waxa la soo gabo gabeeyay oo heshiis sadex goosood ah lagu gaadhay in la hirgaliyo wado isku xidhi doonta magaalooyinka Lawyacado iyo Borama una sii gudbi doonta magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya. Heshiiskani waxa wada gaadhay dawlada Muqdisho, Djibouti iyo Itoobiya oo laga soo qayb galiyay, waxna mashruucani sidoo kale goob joog ka ahaa oo maal galin doona World Bank-ka, EU Commission iyo sdoo kale African Development Bank. Goobta heshiiskaasi ka dhacay wax aan waxba laga ogaysiin xukumadda Somaliland oo aan la’aanteed aanu mashruucani fuli karin sidoo kale ayna dawlada Somaliya ee heshiiskani ka dhex muuqataa ayaan haba yaraatee deegaanada Somaliland wax talo iyo saamayn ah ku lahayn. Ilaa hada mashruucaasi xukumadda Somaliland kama ay hadlin waxana ay u eegtahay marka la soo gaba gabeeyo in loola iman doono saxeexa ugu danbeeya. Dhanka kalena warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaaya in maalgaliyayaashu ay arinkaasi walaac weyn ka muujiyeen dhaqaajintiisa iyada oo aanay Somaliland wax ka ogayn ama ayna qayb ka ahayn, waxase wararku sheegayaan in arintaasi ay dawlada Djibouti ku qancisay in ay gabo gabada mashruucani ka soo dhamayn doonto xukumadda Muuse Biixi, oo bilowgii mashruucani ay ka doorbiday xukumadda taagta daran ee Muqdisho lagu ilaaliyo Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir looga hadlayay ammaanka iyo howlgallada ka socda caasimada ayaa xalay lagu qabtay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, waxaana guddoomiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) . Shirka waxaa ka qeyb galay saraakiisha qaabilsan dhanka ammaanka, iyadoona diirada lagu saaray amniga iyo qiimeyn guud oo lagu sameeyay, sida ay u socdaan howlgallada Caasimada. Sidoo kale shirkani ayaa lagu go’aamiyay in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha sugida amniga gobolka Banaadir. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in muddo dheer ay wadeen dabagal xoogan, islamarkaana loo baahan yahay in la sameeyo is bedal dhab ah. “Shirka Amniga Caasimadda ayaan ku qiimeynay xaalada Guud ka dib kormeer iyo dabagal joogta ah oo aan wadnay muddo, isla markaasna go’aaminey dib u eegis in lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimada”ayuu yiri Eng, Yariisow. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday shacabka Muqdisho in ay si dhow ula shaqeeyaana Ciidanka ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada. Maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ammaanka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay joogteeyay kulamada looga hadlayo amniga, iyaga oo soo saaray go’aanno wax looga qabanayo dhibaatooyinka weli ka jira magaalada Muqdisho. Heyeeshee waxaan weli is bedal dhab ah lagu sameynnin qorshaha sugida amniga oo dhibaato ay ku qabaan rayidka, waxaana haatan kala xiran degmooyinka gobolka Banaadir oo uu ka jiro wax loo yaqaano kala wareeg oo ah in aan la’isku gudbi karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. The troops of Somalia’s Puntland state were reported to have launched a large-scale of operation in Bari region after Al-Shabaab captured a key base this week. The local authorities say the state troops are hunting Al-Shabaab and the ISIL-linked militants in the mountainous areas, where the US military is carrying out drone strikes. The move came days after Al-Shabaab fighters retook Af-Urur base near Bosaso city after Puntland soldiers withdrew from the area over unknown reasons before the capture. For years, Puntland has been facing security threats from Al-Shabaab and Islamic State-affiliated faction based in Bari region. View the full article
  13. The US led International Community (IC) played an influential role for the adoption of 2012 democratic Provisional Federal Constitution that established the Federal Republic State of Somalia (FRSS). The 2012 federal government had the awesome responsibility of establishing State institutions able to administer the rule of law and to provide the public services and goods necessary for peace, freedom, development, and better standard of living for all Somali citizens. Immediately, the IC and the federal government entered into “new deal” later morphed into “partnership” agreement underpinned by collaborative and accountability principles to accelerate the pace for peace and state building in Somalia. In addition, the UN Security Council issued resolutions that supported the implementation of the partnership agreements in cooperation with the United Nations Assistance Mission for Somalia (UNSOM). The administration of President Hassan Sheikh bore the heavy burden of building federal member states (FMS) within the constraints of democratic system of governance. It is undeniable fact that the establishment of the federal member states was difficult, acrimonious, and time consuming for many reasons. The 2016/2017 federal parliamentary and presidential elections were also messy and contentious. Between 2012 and 2016, President Hassan has been under constant pressure by the IC that held series of international partnership conferences and enforced the establishment of National Leadership Council. The US, EU, and UN representatives continued to issue joint statements on any issues seen as threat to democratic norms, political reconciliation, construction of federalism, human rights protection, and FMS. There were approximately 24 Joint statements only in 2016. Nevertheless, President Hassan maintained certain level of tolerance and respect in the face of the international pressure and of the relentless criticisms and insults labelled against his government by opposition forces, and local and international media for security and political failures. The story is different for President Mohamed Abdullahi Farmajo. As soon as he accessed to power, President Farmajo thwarted all efforts critical for the establishment of democratic governance in Somalia like the completion of the federal constitution and judicial independence; he replaced the Federal Republic with political movement Peace and Life; he practically undercut the separation of powers between the three branches of federal government-legislative, executive, and judiciary – required for accountability and transparency; He curtailed the constitutional oversight responsibilities of both houses of the federal parliament and other federal independent institutions. He concocted plans to remove quickly all Presidents of the FMS from office by all means necessary for his political advantage; he demobilized and reformed the security forces contrary to 2017 London security agreement and to the National Security Architecture; he failed to act against the worst human rights violations against Somali citizens by security forces with impunity; he resisted to an investigation of the bloodbath of civilians committed by security forces in Baidoa for the installation of his ally as Southwest state President; he inspired distrust and conflict among communities; he marginalized the civil society and business community. He boldly practices favoritism, patronage, and unfair distribution of public plum jobs; He continues to ignore the public protest against the lockdowns and restriction of free public movement in Mogadishu; he sustains the year-long standoff between the federal government and FMS with no end in sight; he pays no attention to the pain and suffering of the Somali refugees and Internally displaced people for illegal evictions and other abuses and to the 2 million Somalis facing death and malnutrition by the end of this summer for severe drought ; he obstructed political inclusivity and neglected the timely preparation of 2020/2021 election; and finally he ignored all UNSC resolutions calling for the implementation of high priority political, security, human rights, humanitarian, and national reconciliation tasks. The Public euphoria and high hope for better governance and respect of the rule of law displayed on president Farmajo’s election evaporated and have been replaced by the preponderant consensus that Somalia is today close to the eruption of political violence unless a miracle event prevents such dreadful eventuality. The return to political violence is victory for Al Shabab. Researcher Brendon J. Cannon carried an analysis on Somalia’s 2017 Presidential Election and Foreign State Influence in which he exposed the foreign influence in Somali election and the lessons for free and fair election in 2020/2021. Brendon identified two factors that helped the election of President of Mohamed Farmajo. First, he noted that President Farmajo’s populist rhetoric (now rejected everywhere), sprinkled with anti-Ethiopian invectives and promises for jobs and peace in Somalia resonated with a number of Somali citizens. Second, he confirmed the infamous factor he described – structural factor less welcomed- which is foreign money that President Farmajo and his allies have been influenced by and were able to exploit. It is not secret that Qatar Government provided the funds for political campaign and parliamentary vote buying of President Farmajo through Fahad Yassin. Brendon underscores that the external financial support limits President Farmajo’s ability to chart a truly independent policy agenda for Somalia. The trimestral reports of the UN Secretary General on Somalia have been continuously updating the members of the UN Security Council about the deteriorating political, security, and humanitarian situation in Somalia as recapped for example in the UNSC Resolutions like S/RES/2431 of July 30, 2018. Nevertheless, for two years, the US, EU, and UN have been witnessing the autocratic and violent actions and failures of President Farmajo listed above and remained aloof, passive about the worsening situation of Somalia, abandoning the usual timely joint support to democratic governance in Somalia. That damaged the credibility of all IC, particularly the US, EU, and UN. It is also disappointing that IMF and World Bank have become enablers of misleading claims of economic progress, fiscal improvement, and debt relief that are far from truth. People in Benadir Region are suffering extortion, double taxation, and corruption with lack of accountability and transparency. Every new tax causes more extortion and corruption. The oil and gas banditry is a brewing crisis. The violent and abusive actions of President Farmajo hit home when President Farmajo ordered the expulsion of the Special Representative of the UN Secretary General Nicholas Haysom from the country as “Persona Non Grata.” That action shocked the IC, particularly the Secretary General and members of the UN Security Council, but it was too late to convince President Farmajo and his team to reverse their unwise decision. Followers of Somali politics expected that the US would express its highest indignation to force President Farmajo to back down, but it didn’t happen. Three explanations were put forward for the silence and indifference of the IC in the face of the relentless attack on the rule of law and democratic governance, and of the human rights violations and widespread corruption under President Farmajo leadership. First explanation is the political malaise that engulfed the global politics like the political tensions and confusions that undermined the global cooperation and global institutions and the US apathy for global and African democracy. The second explanation is that President Farmajo hired American lobbyists linked to the US Republican Administration of President Donald Trump for unconditional support in exchange for payment and complete loyalty. The third explanation is the substantial financial support of Qatar Government through dark channels that encouraged the disregard of the rule of law and democratic system of governance and use of Al Shabab governance tactics. No explanation justifies the disregard of the Somali constitution that mandates democratic governance in Somalia and the predominance of Somali interest. The appointment of the Special Representative of the UNSG James Swan and the new UN Security Council Resolution 2472 (2019) of May 31, 2019 restart the relation between the IC and the Federal Government of President Mohamed Farmajo. The UNSC speaks equally to FG, FMS, and International donors, but there are no encouraging signs for change. All indications are that President Farmajo will maintain his intransigent position and modus operandi as said by Brendon J. Cannon. The Somali political forces face the challenge of choosing between freedom and rule of law on one hand and oppression, corruption, and autocracy on the other. The choice is clear. The US, EU, and UN should ally with the democratic voices against autocracy and corruption in Somalia. By: Dr. Mohamud M Uluso Mohamuduluso@gmail.com Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
  14. The president of Somalia’s Southwest State, Abdulaziz Hassan Mohamed who is known as [Lafta-Gareen] has warned his regional forces against harming the civilians in Bay, Lower Shabelle, and Bakool regions. The leader said that his administration will not tolerate the killing of the unarmed people or harassment against them, vowing tough punishment for any soldier found guilty of mistreatment. Lafta Gareen has, on the other hand, condemned the latest murder of a Rickshaw driver in the outskirts of Mogadishu over extortion money by a soldier who fled the scene following the shooting. Southwest state has been stable in the past few months as the regional troops, along with SNA and AMISOM increased routine operations against Al-Shabaab militants. View the full article
  15. Siciid Maxamed Libaax oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaa Ka Hadlay Shirka Uu Ku Dhawaaqay Boqor Buurmadow Iyo Hadalladii Ka Soo yeedhay Cabdikariin Xinif, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Benadir regional governor Abdirahman Omar Osman Yarisow has chaired a meeting discussed on way to address security challenges in the capital, Mogadishu. The meeting which took place at the headquarters of Mogadishu municipality was attended by officials from the Somali government security agencies. The mayor of Mogadishu said that his administration had been trying to ensure security in the country’s capital and reiterated his commitment to continue the effort to restore peace and stability. Somali government forces have recently stepped up their operations across the city to beef up security and set up checkpoints in main roads where they search the public vehicles to avert Al-Shabaab attacks. The efforts reduced the frequent Al-Shabab car bombings and assignations in Mogadishu, the seat of the Federal Government of Somalia and African Union Mission [AMISOM]. View the full article
  17. Dhuusa-Mareeb (Caasimadda Online) – 24–kii saac ee la soo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegaya in maamulka Galmudug gaar ahaan caasimadda Dhuusamareeb ay hey’adaha amniga si gaar ah ugu yeereen dadka ka soo-jeeda beesha Digil iyo Mirifle ee maamul goboleedka koonfur galbeed, iyaga oo ka dalbaday iney guuraan ama xoog lagu tarxiili-doonno. Arrintaas ayaa waxa iminka jawaabay maamulka Galmudug iyo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir, waxayna ku tilmaameen daacayd waxbo kama jiraan ah. Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Ibraahim Jeekey oo wareysi siiyey saxaafadda ayaa sheegay “Waa jirtaa in shalay Dhuusamareeb loogu wacay dadka ka soo jeeda deegaanka Koonfur Galbeed, waxaa lagala hadlay waa sugidda amniga, kaalinta ay ku leeyihiin, iney soo wargeliyaan qofkii iyaga ku soo dega, oo dammiin ka noqdaan ama kan kale ee magaalada iska jooga ee ka tirsan. Sababtana waa in hey’adaha amniga ka war hayaan waxa socda, lana sugo amnigooda shakhsiga ah iyo hantiodooda”. Waxaan kale oo aan weydiinney dadka loo yeeray“Dadka loo yeeray waa dadka deegaankaas ka soo jeeda, haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato, timo-jarayaal, waratada iyo dhamaan qofka kasta oo jooga Dhuusamareeb, waana yimaadeen, oo waxaa ay ballanqaadeen iney la shaqeynayaan hey’adaha amniga” . Ibraahim Jeekey mar uu ka jawaabayey, sow arrintaas takoor ma aha waxaa uu yiri “Maya, qofka oo halkan yimaado waa lala socdaa, dammiin waa la weydiiyaa, xataa dadka gobolladaas ka soojeeda ee deggan Guriceel horay ayaa arrinkaas loogu sheegay, oo ay dhaqan-geliyeen, wax cusub ma aha, oo iyaga ayaa raali ka ah, waad hubsan kartaa”. Waxaa kale oo la weydiiysey sida dadkaasi looga arko deegaanka “Walaal dad ajnabi kama aha halkan, Guriceel ganacsiyada ugu badan haatan iyaga ayaa ku leh, keliya ganacasato ma ahee rixim ayey noqdeen iyo qaraabo, arrintan laga dalbaday ee ah in qofkii ku soo dega ama, kii kalana amniga ku wargeliyaan waa wax caadi ah, ee cid guura dhahday ama takoortay ma jirto, waa dad Soomaaliyeed, oo xuquuq leh”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay dib ula wareegeen deegaanka Af-urur ee gobolkaasi, halkaa oo Labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab. Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa saakay ku baxay deegaankaasi, waxaana isaga baxay kuwa Al-shabaab, iyadoo aan lasoo sheegin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay. Saraakiisha ciidanka Puntland hoggaamineysa ayaa sheegay in haatan ay halkaasi ka wadaan howlgallo baaritaanno ah. Ciidamada Puntland ayaa sabab aan la shaacin uga soo baxay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, waxaana markii ay halkaa kasoo baxeen la wareegay ciidamada Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dowlada Kenya ayaa xirtay Xuduud xeebeedka ay la wadaagto Soomaaliya Bada iyo dhulkaba Gobolka Lamu. Taliyaha Booliska Gobolka Lamu ee Dalka Kenya Mr Muchangi Kioi ayaa [...] Source
  20. (SLT-London)-Guddi ka socota jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay dacwad ka dhan ah dhexdhexaadnimo la’aanta laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo ay u gudbinayaan dawladda Ingiriiska. Guddidan oo magaalada London ugu warramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay go’aansadeen inay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ka dacweeyaan dawladda Ingiriiska, waxaanay soo bandhigeen qoraal dacwadeed furan oo ay ilaa hadda saxeexeen dad ku dhow saddex kun oo qof oo reer Somaliland ahi. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) isla markaana ahaan jiray Guddoomiyihii labaad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in dacwadda ay wadaan ka dhallatay markii laanta afsoomaaliga ee BBC-du isu beddeshay mid u furan dacaayadaha ka dhanka ah Somaliland isla markaana ay ka leexatay dhexdhexaadnimadii laga doonayey inay ugu warranto Soomaalida. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) wuxuu tilmaamay in dhowaan laanta Afsoomaaliga ee BBC-du ay sii deysay war ka dhan ah siyaasiga Nigel Farage oo ku xisbigiisu ku guulaystay doorashadii Baarlamaanka Yurub oo ay sifeeyeen in xagjiriinta Yurub ay taageereen Somaliland, kaasi oo cadaawad lagaga dhex dhalinayo Somaliland iyo bulshada reer Yurub. Mustafe Shiine Wuxuu tilmaamay inay BBC-du siyaasigaas Ingiriiska ah ay BBC-du u cambaareysay inuu taageeray qaddiyadda Somaliland sannadkii 2015kii oo uu madax ka ahaa xisbigii la odhan jiray UKIP. Waxa kaloo uu jaaliyadda Somaliland ee UK ugu baaqay inay saxeexaan galdac-wadeedka ay diyaariyeen ee lagu difaacayo danaha Somaliland. Sidoo kalena, La-taliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u qaabilsanaa Saxaafadda Khadar Cali Gaas iyo Cabdalla Saalim oo ka mid madaxda Ururrada Jaaliyadaha Somaliland ayaa ka warramay dhexdhexaad la’aanta Idaacadda BBC-da iyo Dacwadda ay gudbinayaan. Source
  21. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta oo Taariikhdu tahay 11/06/2019 loogu oggaaladay in uu kamid noqdo Hoballada Waaberi , Nimcaan C/raxmaan Xasan, (Hillaac). Warqaddan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa Nimcaan C/raxmaan Xasan, loogu Magacaabay in uu noqdo, Agaasimaha wax soo saarka iyo howlgelinta Hoballada Waaberi. Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasinnimo uga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi , Maxamed Xasan Barrow. Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran. Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u magacaabay fanaanka caanka ah Nimcaan Cabdirahmaan Hassan (Hilaac) Agaasimaha wax soo-saarka iyo Howl-galinta Hobolada Qaranka Waabari. Nimcaan Cabdirahmaan Hassan (Hilaac) ayaa deegaan ahaan wuxuu kasoo jeeda Somaliland gaar ahaan magaalada Boorame ee Gobolka Awdal, waxaana xusid mudan inuu dhowr mar cadaadis kala kulmay xukuumadda Somaliland, iyadoona xitaa gurigiisa magaalada Boorama lagu weeraray. Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasinnimo kaga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, Maxamed Xasan Barrow. Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran. Source
  23. Maamulka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan dib u dayactirka buundada weyn ee degmadaasi, taa oo burbur uu ka muuqdo. Xasan Maxamed Cali, guddoomiyaha degmadaasi oo u warammay Goobjoog News, ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Buurdhuubo iyo maamulkooda ay si iskaa wax u qabso ah ku dhisi doonaan buundadaasi. Wuxuu sheegay guddoomiyaha in buundadan burburka ay soo gaarsiiyeen gaadiidka waaweyn ee ciidamada , taasina ay keentay in hadda marka la marayo aysan dadku ku qabin dhiiranaan. Dhinaca kale, guddoomiye Xasan Maxamed Cali ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed ee dadka ku nool degmada Buurdhuubo, isaga oo hay’adaha samafalka ah ka dalbaday iney u gurmadaan barakacayaasha ku nool degmadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/gudoomiyaha-degmada-buurdhuubo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka weyn Nimcaan C/raxmaan Hillaac ayaa maanta loo magacaabay xil cusub, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye. Wareegtada ayaa Nimcaan C/raxmaan loogu magacaabay Agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, waxaana xilkaasi laga qaaday Maxamed Xasan Barrow. Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta oo xilka looga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi , ayaa sidoo kale Maxamed Xasan Barroow loogu magacaabay lataliyaha Wasiirka ee arrimaha horumarinta Fanka. Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa kamid ah fanaaniinta da’da yar ee soo caan baxii sanadihii ugu dambeeyay, waxa uuna fanaankan isaga soo tagay magaalada Hargeysa uu kunoolaa kadib cadaadis xoogan uu kala kulmay maamulka Somaliland. Wuxuu kamid yahay fanaaniinta loogu taageerada badan yahay dalka, isagoo leh dabeecad wanaagsan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/Welli Sheikh Ibraahim Muudeey ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku aaday dalka Turkey. Intii uu ku maqnaa dalka Turkey waxaa soo shaac baxay mooshin ka dhan ah oo ay wadeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, walow mooshinkaasi uusan noqon mid sii socda. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka, isaga oo muujiyay taageerayaasha uu ku dhex leeyahay baarlamaanka. Xubnaha guddoomiye Muudeey kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku jira wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaano so dhow loogu xagliyo inuu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo madaxtooyada Soomaaliya. Soo dhaweynta nuucan ah ayaa u muuqatay mid dhoolo tus ahaan loo sameeyay, Gudoomiye kuxigeenada Golaha Shacabka ayaan waagii hore sidan loo soo dhaweyn jirin, mana loo soo bandhigi jirin warbaahinta soo dhaweyntooda marka ay dalka kusoo laabtaan