Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,078
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cadaado (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xalay iyo maanta waxa uu magaalada Cadaado kulamo wadatashi ah kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Waxa uu ballan qaaday in talooyinka odayaasha iyo wadatashigooda uu aasaas u yahay tallaabooyinka xiga ee la qaadayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka ee ku aaddan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Odayaasha Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid, wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Galmudug iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo. Kulamada uu Ra’iisul la yeeshay odayaasha dhaqanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaannada iyo Seneterada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. View the full article
  2. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa tilmaamay inuu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan. Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahad-celiyey DF soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka. Ergaygan ayaa wuxuu bedelayaa ergaygii ka horreeyay oo billowgii sannadkan 2019-ka ay eriday Dowladda Somalia, kaasoo lagu magacaabi jiray, Nicholas Haysom, kaddib markii lagu eedeeyay inuu soo fara-geliyay arrimaha gudaha Somalia. Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman. Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). PUNTLAND POST The post Kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray Farmaajo iyo Ergayga cusub ee Q/Midoobay appeared first on Puntland Post.
  3. Sawirka Sare waa shalay oo ahayd 26 June, Kan hoosana waa Isla maalintaas maalinteedii ,26 June 1960’kii. Waa maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay dalka Ingriiska, ee ay heshay aqoonsi caalami ah, kadibna uu dhacay qaladkii weynaa ee lagula midoobay Somaaliya oo midowgaasi uu la dhashay ama dhaxlay halaag, wax dhaqanbiis,dulinimo Iyo dhimashadii Iyo duqayntii Abid ugu xumay ee ka dhacda Africa. Midowgii waxa uu dhalay in duqayntii magaalloyinka Somaliland loo soo kiraysto colooshooda u shaqystayaal Midnimadii waa lagu hoobtay ninka reer Somaaliya ee Ku soo hamiyaaya midnimo danbe waa qof aan naftooda run u sheegin Qaran News
  4. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somamlia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 42-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalka Jabuuti u diray shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay doorkii geesiyaasha Soomaaliyeed ay ku lahaayeen halgankii xornimo doonka walaalaheen Jabuuti, isaga oo xusay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal oo ku dhisan walaalnimo, is-taageerid iyo is-garabsiin. “Waxaan la qaybsaneynaa walaalaheenna reer Jabuuti dabbaaldegga xuska iyo farxadda sannadguurada 42-aad ee xornimadooda. Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabaddan, waxa aanna idiiin rajaynayaa horumar, wadajir iyo sannado badan oo barwaaqo leh”. Madaxweynaha DF ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen xilliyadii adkaa, taas oo muhiim u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta dalkeenna. “Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti si hagar la’aaneed ayay walaalahooda Soomaaliya uga warqabeen xilliyadii adkaa oo waxa ay muujiyeen hal-adayg iyo geesinnimo aan la illoobi karin, abaal ayaana mar walba uga haynaa hiilkaas walaalnimo.” Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa xuska sannad-guurada 42-aad ee xorriyadda u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo Dowladda iyo Shacabka Jabuuti ugu hambalyeeyay Maalintooda Xorriyadda appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (SMN) – Milatariga Mareykanka ayaa shaaciyey in uu duqeyn ka fuliyey koonfurta Soomaaliya, isbuucan. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu shaaciyey in weerarka ay cirka ay ku dileen hal dagaalame Al-Shabaab ka tirsanaa. AFRICOM ayaa xustay in duqeynta ay ka geysteen degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose aysan waxyeelo kasoo gaarin wax shacab ah. Dhanka kale, Al-Shabaab oo war kasoo saartey howlgalkan ayaa tilmaamtay in ruuxa ku dhintay uu ahaa ganacsade. View the full article
  6. Wanlaweyn (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Isku dhaca oo socday in ka badan Shan saac ayaa la sheegayaa in uu u dhaxeeyay laba maleyshiyaad oo hubeysan. Iska hor-imaad ayaa la tilmaamay in uu salka ku hayo is-qabqabsi ku aadan Jidgooyo ku taala duleedka degmaddan. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo illaa iyo haatan la xaqiijiyey saddex ruux oo geeriyootay ayaa lasoo wariyey. Xaaladda ayaa degmada ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan ah mid deganm isla markaana aysan jirin wax saan-saan colaadeed. View the full article
  7. Paris (Caasimadda Online) – Laba qof ayaa lagu toogtay banaanka Masaajid ku yaal Brest oo ku taal Galbeedka Faransiiska sida ay xaqiijiyeen Booliska. Xeer ilaaliyaha Guud ee Brest Jean-Philippe Recappe ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay dad kasoo baxay Masaajid ku yaal Magaaadaan oo daris la ah Pontanezen taasoo keentay inay dhaawacmaan illaa laba qof. Jean-Philippe Recappe ayaa Reuters u sheegay inaysan weli kala caddeyn in toogashadaan ay tahay mid ku saleysan Arrimo diimeed iyo inay jiraan waxyaabo kale oo sababay. Talefishinka France 3 ayaa baahiyey inuu baxsaday ninkii rasaasta ku furay dadkii kasoo baxay Masaajidka. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Paris caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacada Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-27062019.mp3 View the full article
  9. The president of Somalia’s Federal Government, Mohamed Abdullahi Farmajo held his first meeting with the newly appointed United Nations envoy, James Swan. According to a statement released by the presidency, both sides discussed the current situation in the country, military and politically as well as the humanitarian crisis. Swan looks forward to working closely together with the Federal Government and the Somali people to further strengthen ties between the UN & Somalia on shared priorities. The new envoy conveyed a message of support from UN secretary general to the government and the people of Somalia. James Swan, arrived in Mogadishu this week to take up his duties. A career diplomat, he brings extensive experience working in sub-Saharan Africa. View the full article
  10. Cadaado (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa maanta si wada jir ah xariga uga jaray Xarunta Qeybta 21aad ee Ciidamada Xooga Soomaaliya. Xaruntan oo ah mid Is-xilqaan ay ku dhiseen dadweynaha ayaa waxay ku taalaa magaaladda Cadaado. Dhanka kale, madaxweynaha iyo Ra’iisu Wasaaraha ayaa booqday Taliska Guud ee Ciidamada Nabad-sugida Galmudug oo uu dhisme ku socdo. Dhismaha Xarunta Nabad-sugida ayaa qeyb ka ahaa Barnaamijka Is-xilqaan oo ay bulshada reer Cadaado ku dayac-tirayaan xarumaha danta guud. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan. Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman. Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Intii u dhaxaysay 17-kii April iyo 1-da bisha May ee Sannadkan, waxay Masuuliyiinta Somaliland Xidh-xidheen Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon, Hoggaamiyaha dhallinyarada xisbi Mucaarad ah Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Jamaal Cabdi Muxumed oo shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Saddexdoodaba waxa Xadhiggooda loo cuskaday inay Baraha Bulshada ku baahiyeen Qoraallo loo arko inay khatar ku yihiin Dawladda Somaliland iyo Masuuliyiinteeda, sida ay sheegtay Hay’adda u doodda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International. Amnesty International oo si toos ah Qoraal ugu dirtay Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegtay in Cabdimaalik Muuse Coldoon oo 17-dii Aprill laga soo xidhay Magaalada Burco, laguna eedeeyay inuu Facebook-ga ku dhaleeceeyay Madaxweynaha, sidoo kalena Borobagaando lid ku ah Somaliland iyo Warar been ah oo ku saabsan Dugsiga Abaarso uu ku baahiyey, xilligana uu ku xidhan yahay Jeelka dhexe ee Hargeysa. Amnesty International, waxay sheegtay Jamaal Cabdi Muxumed oo shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xafiiskiisa laga soo xidhay 24-kii Aprill, iyadoo lagu eedeeyay inuu Facebook-giisa ku dhaleeceeyay habacsanaanta shaqada Ciidammada Booliska, sidoo kalena eedaha Amnesty International sheegtay in loo haysto Jamaal waxa ka mid ah inuu Aflagaadeeyay Sarkaal Booliska ka mid ah. Jamaal hadda wuxuu ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, sida hay’addu sheegtay. Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Gurigiisa Hargeysa laga xidhay 1-dii Bishii May ee sannadkan, 2019. Dhamme oo Facebook-giisa ku Cambaareeyay Xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay Degmooyin Gobolka Sanaag ka mid ah, ayaa 8-dii June lagu eedeeyay inuu meel kaga dhacay sharafta Madaxweynaha. 27-kii June ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxay ku heshay dambi ah inuu gefay sharafta Madaxweynaha, waxaana lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah. Hay’addu waxay sheegtay in saddexda Xubnood ee xidhan dhammaantood qabashadooda aan loo soo qaadan Waaran qabasho ah, Maaddaama oo qodobka 25-aad ee Dastuurku uu amrayo in Qofka boolisku xidhayo uu u soo qaado Waaran Qabasho ah oo Maxkamad ka soo baxday, ka hor inta aan la xidhin. Hay’adda Amnesty International waxay ku baaqday in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo soo daayo Cabdimaalik Muuse Coldoon, Jamaal Cabdi Muxumed iyo Maxamed Sidiiq Dhamme. Source
  13. (SLT-Nairobi)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Maanta Magaalada Nairobi kula kulmay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, Ambassador Peter Macharia. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya ayaa ka wada-hadlay arrimo la xidhiidha Danaha labada Dal, sida lagu sheegay Qoraal uu Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya ku baahiyey Twitter-ka. Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya oo Adeegsanaya Kalmadda ah ‘Labada Dal’ ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibedda ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii loo soo xoojin lahaa Xidiidhka wada-shaqayneed. Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland waxa kulankaa ku wehelinyey Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar. Source
  14. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa magaala Djabuuti ee dalka Jabuuti kaga qayb galay munaasibadda xuska sanadguuradii 42-aad ee kasoo wareegtey maalintii xornimada dalkaasi Juun, 27, 1977. Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la kulmay Madaxweynaha wadanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaasi, Safiirka Ingiriiska ee Jabuuti, masuuliyiin kale oo ka tirsan Goleyaasha Dowladda dalka Jabuuti, siyaasiyiin, waxgarad iyo masuuliyiin kale oo ka socda beesha caalamka, kuwaasi oo ka qayb galay munaasibadda xuska maallinta xuriyadda dalkaasi. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sannad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Jabuuti gaarsiiyay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka aan walaalaha nahay ee wadankaasi, taasi oo uu uga sidey Shacabka iyo Madaxda dowladda Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Karaash oo ka qayb galay xuska maalintan ku wayn shacabka Jabuubti ayaa Dowladda iyo shacabka dalkaasi ku amaanay horumarka, nabadda, xasiloonida, wadaniyadda iyo isku-tashiga taabagalay ee ay guusha ku gaadheen xornimadooda kadib. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hoggaanka iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyey horumar, nabad, wadajir iyo barwaaqo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb-galay xuska munaasabadda Xornimada DJabuuti appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Hargeysa)-Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah darawallada Gaadiidka Guddida Abaaraha Somaliland ayaa sheegay in uu isku qarxin doono gaadhiga Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ka dib markii uu ku eedeeyay in uu siin waayay mushaharkiisii muddo uu ka shaqeynayay Gaadiidka Guddiga Abaaraha. Hase ahaatee Wasiir Khaliil ayaa beeniyay eedaha uu u jeediyay ninkani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelay munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika. Halku-dhigga shirka daah-furka ayaa ahaa guul ka gaaridda wada-shaqaynta dhaw ee Shiinaha iyo Afrika ay ka yeelanayaan dhaqaalaha iyo bah-wadaagnimada ganacsiga. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda daah-furka waxa uu ku sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga uu muhiim u yahay Shiinaha iyo qaaradda Afrika. Munaasabadda shaacinta dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay 800 oo ruux oo ay ku jiraan madaxda Shiinaha iyo Afrika, saraakiil metelaysa hey’ado caalami ah, hal abuurayaal ganacsi, khuburo iyo aqoon-yahanno. Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga iyo sare u qaadidda heerka wax dhoofinta dalka, waxaana ay xubna ka noqtay suuqyo iyo madallo caalami ah kuwaas oo qayb ka qaadanaya ka guul gaaridda himilada ummaadda Soomaaliyeed. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. Mudane James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan. Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman. Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ayaa 6 bilood oo Xabsi ah ku xukuntay gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq Dhamme, oo xabsiga ku jiray in ka badan 50 maalmood. Masuuliyiinta xisbiga waddani ayaa si adag uga hadlay xukunka lagu riday Maxamed Siddiiq Dhamme, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Cadaado (Caasimadda Online) – Ayada oo loolankii u dhaxeeyay dowladda iyo Xaaf ee Galmudug uu u muuqdo inuu soo dhammaaday ayaa waxaa hadda billowday loolan cusub oo laga yaabo inuu kasii adkaado kii hore. Loolanka cusub ayaa noqon doona mid laba weji leh oo qeyb ay u dhaxeyso Ahlu-Sunna iyo Xaaf, halka qeybta labaadna ay u dhaxeyso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo kala jeeda labada magaalo ee Cadadao iyo Dhuusomareeb. Waxaa soo dhamaaday kulan Xalay illaa Maanta u socday Ra’isulwasaare Kheyre iyo Odayaasha dhaqanka Deegaanada Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, Odayaasha ayaa waxay Kheyre u gudbiyeen tallooyin ku aadan dhismaha Maamulka Galmudug, wuxuuna Kheyre u sheegay inuu talooyinkooda maqlay uuna u gudbin doono madaxda ugu sareeyo dalka. Odayaasha Deegaanka Cadaado ayaa Ra’isulwasaaraha hor dhigay illaa 4 qodob oo xasaasi ah oo ay sheegeyn inay dowladda ka rabeen fulinteeda. Qodobadaas oo ay Caasimadda Online u suurtagashay inay hesho ayaa waxay kala yihiin sida soo socot: 1: Hirgelinta in Cadaado tahay xarunta Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug go’aankaas oo uu oo horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo. 2: In Dowladdu fuliso mashruucyadii Madaxweyne Farmaajo uu ka dhagax-dhigay Gudaha iyo deegaanada hoostaga Magalada Cadaado. 3: In si Cadaalad ah loo maro hab dhismeedka Maamulka Galmudug ,isla markaana habka xulida Xildhibaanada lagu saleeyo awood qeybsiga Beelaha deegaanada Galmudug. 4: In doorashada tan ka horeysa ee soo socota ay dadka reer Cadaado xaq u leeyihiin xilka madaxweynaha Galmdug laguna tixgeliyo. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay Cadaado kula kulmay xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud Qoor Qoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare oo labaduba taabacsan Xukuumadda. Sida aan xogta ku helnay waxyaabaha uu kala hadlay waxaa ka mid ah magaaladii la isku raaci lahaa inay doorashada marti-geliso, hase yeeshee wax is-afgarad ah lagama gaarin arrintaas. Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay kasii dartay cadaadiska ay ku hayso dowladda federaalka ah ee Soomalaiya, ayada oo soo bandhigtay qoraal u muuqda inay ku muujineyso inay Somaliland u aqoosantay dal. Wasaaradda arrimaha diebdda Kenya ayaa qoraalkan oo ay goordhow soo dhigtay barta twitter waxa ay si cad ugu yeeray Somaliland inay tahay “dal.” Qoraalkan ayaa ku saabsanaa kulan dhex maray xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Macharia Kamau iyo wasiirka warrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon. Qoraalka ayaa u dhignaa sidan “Ambassador Macharia Kamau ayaa galabta wada-hadallo la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon. Labada dhinac ayaa ka xaajooday danta guud ee LABADA DAL iyo sida ay ku xoojin karaan wada-shaqeyntooda”. Kenya ayaa bilihii dhowaa aad u kordhineysay wada-shaqeynta iyo soo dhoweysashada Somaliland, ayada oo ujeedku yahay in lagu cadaadiyo dowladda Soomaaliya. Kenya waxa ay sidoo kale dhowaan sheegtay inay wakiil u direyso magaalada Hargeysa ee Somaliland si uu halkaas uga furo xafiis diblomaasiyadeed. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka bixiso qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ee dalka ugu yeeray Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  21. Duqa degmada Garoowe Axmed Bare ayaa maanra magaalada Garoowe waxa uu tababar ugu soo xiray shaqaalaha Dab damiska ee ee dowaldda hoose ee Garoowe , [...] Source