Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The death of the only democratically elected president of Egypt, Dr Mohamed Morsi in tragic but predictable circumstances under the strain and effects of sustained torture from the dictatorship regime of Abdulfatah El Sisi marks a watershed moment... Source: Hiiraan Online
  2. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ansixiyey maanta Sharciga maareeynta maaliyadda dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda,kaasoo horey laba Akhrin usoo maray. Kooramka Mudanayaasha golaha shacabka ee BFJS waxaa uu ahaa 141-Xildhibaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waxaa Codka Haa ku ogolaatay 135 xildhibaan, 6-Xildhibaan mudane ayaa diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay,sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa xildhibaanada golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan. Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maadaamaa maalmihii lasoo dhaafay joogta noqotay xildhibaanada kulamada golaha ka maqan aan marnaba loo dul qaadan doonin Xildhibaan ka maqnaada kulamada golaha, islamarkaana Xildhibaankii sabab la’aan maqnaada kulamada golaha ay la tiigsan doonaan xeer hoosaadka golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Washington)-Warbixin ay soo saareen khubaro Qaramada Midoobay ka tirsan oo baadhitaan gaar ah ku sameeyay Dilka Wariyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khashooqji, ayaa lagu sheegay in dhaxal Sugaha dalka sucuudigu uu ka dambeeya dilkiisa. “Waxaa jira cadaymo dhab ah oo muujinaya in dhaxal sugaha sucuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo saraakiil sare oo kale ay Masuul ka yihiin Dilkii Jamaal khashooqji” Sidaasi waxaa yidhi Agnes Callamard, oo soo bandhigay warbixinta Khubarada Qaramada Midoobay ee Sameeyay Baadhitaanka madaxabanaan ee gaarka ah. Masuuliyiinta dawladda Sucuudiga ayaa iska fogeeyay dilka wariyaha basle waxay sheegeen in si khaladan ay u dileen xubno ka tirsan sirdoonkooda oo maxkamad qarsoodi ah lasoo taagay, qaarkoodna lagu xukumay dil toogasho ah. Balse qaramada midoobay ayaa ku eedaysay dawladda sucuudiga in aan lagu kalsoonaan karin xukunka maxkamaddaasi dilka xukuntay maadaama aan loola socon si daahfuran waxaana ay ugu baaqday in sucuudigu hakiyo fulinta xukunkaasi dilka ah. Source
  4. Qaahira (Caasimadda Online) – Saacado ka hor inta aan la shaacin dhimashada madaxweynihii la riday ee Dalka Masar Maxamed Mursi ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al Nahyan wuxuu dalka Masar kula kulmay Madaxweyne Cabdil Fatah Al-Sisi si looga hortago siyaasadda kooxdii uu hoggaamiyaha u ahaa madaxweynihii geeriyooday. Kulanka dhex maray imaaraadka iyo Masar wax yar ka hor dhimashada Mursi ayaa waxaa looga hadlay sidii ay labada Dowladood isku caawin lahaayeen. Dowladda Imaaraadka ayaa Masar u ballan qaaday inay ka caawin doonto horumarka dhaqaale, sidoo kalana waxay Masar ka codsatay inay garab istaagto Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo wajahayo xaalado siyaasadeed oo adag sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo labada dhinac ah. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddo badan qarsaneysay cadaawadda daran oo ay u qabtay Nidaamkii Mursi, waxayna warbixino iyo shakhsiyaad badan xaqiijiyeen inay Abu Dubai taagero maaliyadeed ku taageertay afgambigii uu hoggaaminayey Al-Sisis ee xilka looga tuuray Allaha u naxariistee Maxamed Mursi. Isla markii uu Al-Sisi ku dhawaaqay inuu afgambiyey Mursi 3 July 2013 Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa soo qoray ” Hambalyo hooyada Adduunyada” oo uu ula jeeday halmbalyo uu u dirayey Al-Sisi oo xukunka xoog kula wareegay iyo Shacabka Masar. Wargeyska laga leeyahay dalka Mareykanka ee The Economist ayaa Bishii April sanadkii 2018 xaqiijiyey inay Imaaraadka Carabta Malaayiin Dollar ku bixisay afgambigii ka dhanka ahaa madaxweynihii la doortay ee dalka Masar Maxamed Mursi. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Kulan ay maanta wada yeesheen guddida doorashooyinka Somaliland iyo xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa lagaga wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa Arrimaha doorashooyinka golayaasha Wakiillada iyo deegaanka oo dabayaaqada sannadkan u qoondaysan inay dalka ka qabsoomaan. Kulankan ay wada yeesheen gudida doorashooyinka qaranka iyo xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Ugu horaynba waxa halkaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo sheegay inay gudida doorashooyinku qabteen hawl muhiim ah oo daah furaaya halkii ugu dambaysay ee ay maraysay diiwaangalintii indhaha ee dadka laga qaadayey isla markaana dib u habayn iyo casriyayn ay ku sameeyeen sawirkii indhaha ee doorashada lagu galayey. Wasiirku wuxuu ka codsaday inay u diyaar garoobaan diiwaangalinta doorashooyinka golayaasha wakiiladda iyo deegaanada ee dalka ka qabsoomaya, isagoo xusay inay ka xisbiyo ahaan ku qanceen gudida doorashooyinka hawlaha ay qabteen una soo bandhigeen. Dhankiisna guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in galdaloolooyinkii la xidhiidhay arrimaha doorashada wax badan laga qabtay, wuxuuna guddoomiye Faysal xusay in doorashooyinka Somaliland ay marxalado kala duwan soo mareen, imikana ay soo gaadhay meel lagu kalsoonaan karo, wuxuuna guddomiye Faysal u mahad celiyey cidkasta oo gacan ka gaysatay doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan dawlada Ingiriiska oo uu tilmaamat inay door laxaad leh ka qaadatay. Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay golayaasha wakiilada iyo deegaanku muddo dhaaf yihiin isla maraakana loo baahan yahay in la bedelo wuxuuna cadeeyey in xisbiga UCID qabanayo codsiyada murashixiinta doonaya inay ka qayb galaan doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomaysa dhamaadka sannadkan. Source
  6. Ciidamada PSFta Puntland ayaa magaalada Bosaaso waxa ay caawa ku fashileen qarax miino oo lagu aasay baratamaha suuqa Bosaaso. Qaraxan ayaa waxaa lagu aasay meel [...] Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa gacanta ku dhiggay Doon iyo saddex Laash oo ay sheegeen inay si sharci-darro ah uga Kalluumaysanayeen xeebaha Saylac. Sidoo kale 12 qof oo watay gaadiidkaa ayaa la qabtay, Kalluumaysatadan ayaa u dhashay waddanka Yemen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Norway)-Jasiirad xilliga xagaaga loo dalxiis tago oo ku Taalla waddanka Norway, oo lagu magcaabo Sammaroy, ayaa dadka halkaasi ku nooli waxay Doonayaan inay iska dhaafaan tirsiga wakhtiga Caalamiga ah. MAALIN DHEER. Magaaladan Jasiiradda ah oo ku taalla Cidhifka waqooyi ee dunida ayaa Sanad walba waxaa soo mara 69 Maalmood oo xidhiidh ah oo aanay qorraxdu libdhin. waana inta u dhaxaysa 18-ka May ilaa July 26-keeda (69 maalmood). dadka deegaankan ayaa sidoo kale sanad walba waxay arkaan habeen dheer oo inta u dhaxaysa bilaha November ilaa January oo aan mar qudha aanay arkin nuurka cadceedda. sidaasi darteed dadka deegaanku waxay bilaabeen olale ay kaga tashanayaan ku dhaqanka tirsiga wakhtiga caalamiga ah maadaama ay jirto duruufo gaar ah oo aanay dunidu aanay la qabin. Town hall meeting MEEL KA CAAGGAN WAKHTIGA. Shacabka jasiiradani ayaa isugu yimi xarunta kulanka ee magaalada si ay u saxiixaan olalaha ay arrintani ku doonayaan waxaana loo gudbiyay xildhibaanada baarlamanka ee halkaasi lagasoo doorto si ay u hubiyaan waxa uu sharcigu ka qabo baarlamankana loo horgeeyo rabitaanka shacabkan doonaya inay magaaladani ahaato meel ka caaggan Tirsiga wakhtiga Caalamiga ah. “waxaa jira maalin dheer oo xidhiidh ah, balse waxaanu ula dhaqanna sida ay tahay” sidaas waxaa yidhi Kjell Ove Hveding oo ka mid ah dadka ku nool jasiiradda xagaaga ee waqooyi kaga beegan magaalada Tromso. ” habeen badhka marka ay noobiyadda magaaladu dhawaaqdo ‘2. A.m’ waxaad u qorshaysan kartaa xiliga caruurtu ciyaarto ama dabaasha u baxdo. waxaa kale oo loo qorshaysan karaa shaqooyinka caadiga ha ee dadka deegaanku ay qabtaan inkasta oo mugdiga habeenku jiro” ayuu yidhi Hvedingl. ” Qaar badan oo naga Mid ah, waxay qoraalkan u samaynayaan inay sharciyeeyaan arrin ay ku soo dhaqmayeen jiilal kala duwan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa dadwaynaha jasiiraddani oo tiradoodu ay dhan tahay 300 oo qof, ayaa rajaynaya in ay heli sharci u ogolaanaya inay iska dhaafaan isticmaalka saacadaha uu aduunku tirsado Watches on bridge2_Photographer Jøran Mikkelsen.jpgPerson behind the initiative Kjell Ove Hveding ISKA ILAW SAACADDA. inta badan magaalooyinka Marka lasoo galayo waxaa suuro gal ah inaad ku aragto calaamado ama qoraallo soo dhawayn ah balse jidka laga galo jasiiraddani waxaa ku Taalla Buundo ama biriij ay ku xidhan yihiin saacado badan taasoo Micnaheedu yahay “iska ilaw inaad ku tirsiga saacadaha”. Source
  9. Somaliland: Kulmiye & UCID Eager To Hold 2 Party Elections The Somaliland National Elections Commission (NEC) held a meeting in Hargeisa with all the stakeholders and donor nations to update the state of readiness for the prospective parliamentary and local elections slated for December 12th, 2019. The Commission gave a presentation on the current state of readiness and the tools to be used with regard to voter registration, ballots, election security and voter fraud. The NEC hopes to hold a mock voter registration drive in the coming weeks. Meanwhile, two of Somaliland’s political parties Kulmiye and UCID appeared to be ever more ready to hold a two party elections in Somaliland. This would be in-contravention of the constitution and would not be a legal or a binding election. UCID chair Faisal Ali Warabe and Kulmiye deputy-chair, Mohamed Kahin Ahmed, spoke to the media after their meeting with the NEC and stressed their believe that a two party election in Somaliland, in their opinion, is eminently feasible. Somaliland’s main opposition party, Waddani, has previously decried any attempts to try and hold a two party elections in the country. The party is still standing firm in it’s position pertaining to the current elections commission, and appear to be unwilling to compromise on their opposition to the current NEC holding any further elections in Somaliland. There seems to be a case of brinkmanship going on between the Somaliland political parties, which is not in the interest of the nation and it’s democratic stature. It would seem that the need for dialogue between all the parties and institutions, with free and frank discussions and a consensus that puts the interest of the country above political considerations is paramount. Qarannews.com Qaran News
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Telefishannada Ay Xukuumaddu Xidhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. The Right Honorable Justin Trudeau House of Commons Parliament Buildings Ottawa, Ontario K1A 0A6 June,17 2019 Dear Prime Minister Trudeau, I write to you on behalf of Roadmap to Recognition. We are a group of twenty Somaliland Canadians residing in Canada from coast to coast. We would like to draw your attention to the concerns of Somalilanders in Canada. We strongly feel that Canada has more to do for Somaliland’s plea for the recognition of Somaliland as a sovereign state. The current 5th government was elected by one person one vote. Somaliland has fulfilled all prerequisites and requirements to be recognized as a sovereign country. Canada ought to be a champion and rally for “The Best Kept Secret in Africa” as one of the most renown academic leaders, Iqbal Jhazbhay, described Somaliland in his 2009 book. Peter Pham, a current undersecretary of the Trump administration in the United States, has written extended books and articles on Somaliland’s achievements. The time for Somaliland to be brought into the tent of the global communities is long overdue. We believe we deserve that recognition and the world must pay attention to us. The Canadian Government has recognized Eritrea that seceded from Ethiopia (1993) and South Sudan that seceded from Sudan (2011). Somaliland has a more compelling case in comparison to Eritrea and South Sudan. Our request is for the Canadian Government to give us a chance to demonstrate how Somaliland is a leader in the peace, security and stability in the Horn of Africa, one of the most volatile regions in the world. Simply ignoring Somaliland will not serve any purpose. Almost 60% of Somaliland’s population are under the age of thirty-four. Due to high unemployment, frequent droughts and a lack of global recognition, young people are especially vulnerable. Often, they are compelled to risk their lives by traveling to North Africa. Many will take a make-shift boat from Libya across the Mediterranean to Europe for greater opportunity. They risk their safety and their lives. In addition, a vast majority could become radicalized by the lawless tribes in Libya. Somaliland is more democratic and peaceful than the majority of our neighboring countries in the Horn of Africa. Somaliland has thus far conducted five democratic, free and fair elections the last of which was the 2017 Presidential election. On a one person, one vote system. Somaliland is not separating from Somalia, it’s merely reclaiming it’s independence from the illegal and ill-fated union with Italian-Somaliland . Prior to 1960, Somaliland was a separate entity called Somaliland Protectorate under the British rule. It had it’s own boundaries demarcated by the two colonial European powers, Somaliland under Britain, likewise Somalia under Italy. On June 26th, 1960, Somaliland gained it’s independence from Britain, five days before the Italian trusteeship of Italian-Somaliland gained it’s own independence from Italy. At that time, thirty-five countries in the United Nations recognized Somaliland as an independent country and made Somaliland a member of the general assembly of the United Nations for the 5 days as a sovereign state. Unfortunately, the misguided fervor of “pan-Somalism” forced Somaliland into an ill-considered and hasty union Italian-Somaliland in the search of a “greater Somalia” , consisting of the Somali regions including , the Northern Frontier District, Djibouti and the Hawd/Ogaden, in East Africa. Ironically, there’s no ratification agreement for the defunct union signed by either party. For this reason, Somaliland was able to withdraw from the union with Somalia unilaterally and is still advocating for countries like Canada to recognize its sovereignty. Somaliland withdrew from the union with Somalia in 1991 after the dictatorial Siyad Barre regime collapsed and completely disintegrated. On that day, the “Somali Republic” formed by the union of Somaliland and Somalia, become null and void. Somaliland has continually claimed it’s independence from a failed state of Somalia. Somaliland has an enormous expectations from Canada to lead the way for full de-jure recognition of our independence. Canada must do more for Somaliland. Canada has been historically known as an international champion in safeguarding human rights, democratic values and justice. Again, Canada ought to take Somaliland’s ultimate ambition into consideration. Somaliland held a referendum in 2001-2002 to test public opinion on how to best move forward. The outcome was overwhelmingly against reviving the defunct union with Somalia. That was seventeen years ago. The youngest eligible voters back then now are in the mid-thirties and we have not yet gained global recognition. There will always be social, economic and cultural ties with Somalia, as with all the countries in the region, but there will never be another political union. The people of Somaliland have made that abundantly clear, and democracy is the voice and the will of the people. If Canada is reluctant to recognize Somaliland as an independent sovereign nation, we recommend Canada’s foreign affairs minister, The Honorable Chrystia Freeland consider the following: A) Send a fact-finding mission to Somaliland to understand the sociopolitical situation on the ground. B) Initiate an international conference on Somaliland issues and invite all stakeholders to Ottawa. C) Allow participants to present their case to assist you in arriving at an unbiased decision. In the meantime, we as a group are willing to work with the Canadian Government in every way we can. We trust that as a fair-minded leader, you will reach a fair decision by taking the necessary steps to recognize the Somaliland Republic as a sovereign nation. Ultimately, this will allow Somaliland to be a permanent member of the United Nations. Somaliland will be a great ally to Canada and all the democratic nations of the world. Somaliland made several attempts to present its case at the African Union and the Arab League without success. Most African and Arab League countries are not democratic nations. Consequently, they are inherently non-supportive of Somaliland’s democratic system and the rule of law. Somaliland has made great progress since 1991. It has its own currency, secure borders with immigration control, well monitored coastline, police force, military capabilities, banking system and accepts refugees from around the world, including Syria and Yemen. Just like Canada has. We have been able to negotiate international treaties with DP World and recently signed an agreement, between Ethiopia, United Arab Emirates and Somaliland worth a half billion dollars US. Seven countries have permanent consulates in Hargeisa, the capital city of Somaliland, and more to follow. Several major energy companies are planning to explore off-shore gas with the goal of pumping commercial grade gas. The People’s Republic of China is currently having talks with the Somaliland Government to be a commercial and economical partner. A company from the Singapore is constructing a refinery near Berbera on the Gulf of Aden. Somaliland is situated in a very strategic location in the Horn of Africa. Ethiopia relies heavily on the “Berbera corridor” to transport goods from the hinterland to the port of Berbera and vice-versa. There are a lot of opportunities for Canadian companies in the technology sector. Most of Somaliland’s natural resources remained untapped. Canadian companies would benefit if and when Canada makes it’s presence felt in Somaliland. We appreciate your consideration and look forward to continuing the discussion. Please contact us at 1 780 399 5214. Sincerely, Somaliland Advocacy Group Canada Qaran News
  12. Garoowe Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo ka hadlay kulankii Agaasimayaasha Wasaaradaha Dawladda ayaa yiri "hay'adii aanu ka wayno lacagta Cashuurta dacwad [...] Source
  13. Madaxweynaya Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda UNICEF oo uu hogaaminayo Madaxa Soomaaliya ee Hay’addaasi [...] Source
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya ayaa warbixin ka qoray wax u muuqda bahdil ay dowladda federaalka Soomaaliya ku sameeneyso dowladda Kenya. Wargeyska The Standard ayaa qoray in Kenya ay muddo laba bil ku dhow ay Soomaaliya ka sugeyso jawaab balse ilaa iyo hadda aan wax war ah lasoo siin, taasi oo Kenya ay ka carrootay. Jawaabta Kenya ay Soomaaliya ka sugeyso ayaa la xiriirta kulan saddexdii bishii April magaalada Nairobi ku dhex-maray wasiirada arrimaha dibedda Kenya iyo Soomaaliya, Monica Juma iyo Axmed Ciise Cawad. Kulankaas ayaa sida la sheegay labada dhinac ay isku raaceen dhowr qodob oo la diiwaan geliyey, hase yeeshee Kenya ayaa kadib qodobadii kulanka lagu diiwaan geliyey u dirtay Soomaaliya, si ay usoo xaqiijiso una soo ogolaato, si markaas kadib loo shaaciyo. Si kastaba, Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda wax jawaab ah laga hayn, sida ay Kenya sheegtay, waxaana Kenya ay ku eedeeneysaa Soomaaliya inaysan dooneyn xiriir wanaagsna iyo wada-hadal. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Soomaaliya aysan usoo ansixin qodobada kulanka, balse waxaa la rumeysan yahay inaysan ku qancin habka Kenya ay u dhigtay, oo ay ku jireen waxyaabo aan laga wada-hadlin. Sidoo kale, dowladda federaalka ayaan marnaba ogoleyn in wax gor-gorton ah ay ka gasho muranka biyaha, taas oo ay horay u sheegtay in ay war sugi doonto kaliya go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Kenya ayaa wal wal xoogan ka qabta kiiskan, waxaana Khuburo dhinaca Badda iyo Diblomaasiyadda ah ay horay u sheegeen in ay u badan tahay in Kenya looga guuleysto dacwadda haatan ka furan Hague. Dhinaca kale Aqooyahan Cabdullaahi Nuur Xaashi oo dagan magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa carabka ku dhuftay in Kenya ay ogaatay, kadib sahmin ay sameysay, Kheyraadka faraha badan ee ku jira biyaha lagu muranan yahay, sidaasina ay ku damaacineyso Badda Soomaalia. Aqooyahankan oo la hadlay mid ka mid Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Shidaalka dabiiciga ah ee ku jira Biyaha uu ka fudud yahay marka la soo saarayo kan bariga, taasina ay qeyb ka tahay waxa Kenya ku riixaya sheegashada biyaha Soomaaliya. ICJ ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ay ka soo saarto kiiskan dhammaadka sanadkan 2019-ka, si ay ugu kala baxaan dacwaddaasi Soomaaliya iyo Kenya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  15. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-27 ee Juun, 19, 2019, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeenka ku meel gaarka ah ee [...] Source
  16. Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa Ansixiyey maanta Sharciga maareeynta maaliyadda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda,kaasoo horey laba Akhrin usoo maray. Kooramka Mudanayaasha golaha shacabka ee BFJS waxaa uu ahaa 141-Xildhibaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waxaa Codka Haa ku ogolaatay 135 xildhibaan, 6-Xildhibaan mudane ayaa diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay,sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa xildhibaanada golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan. Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maadaamaa maalmihii lasoo dhaafay joogta noqotay xildhibaanada kulamada golaha ka maqan aan marnaba loo dul qaadan doonin Xildhibaan ka maqnaada kulamada golaha, islamarkaana Xildhibaankii sabab la’aan maqnaada kulamada golaha ay la tiigsan doonaan xeer hoosaadka golaha shacabka. View the full article
  17. Bonn (SMN) – Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa oo ku sugan magaalada Bonn ee dalka Jarmalka ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Federaalka Jarmalka oo u hoggaaminayay Madaxa Bariga Africa ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka,Niels Breyer. Wasiir Sadiiq Warfaa iyo mas’uuliyiinta wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka oo uu qeyb ka ahaa u qeybsanaha Soomaaliya ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka ayaa ka wada-hadlay sidii Jarmalka uu uga caawin lahaa Soomaaliya dib u howlgallinta iskuulladii farsamada gacanta iyo machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha, waxaa intaa dheer oo wasiirka uu kala hadlay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loogu heli lahaa shaqo abuur. ” Waxaan mas’uuliyiinta Jarmalka u sheegnay dadaallada socda iyo sida ay noogu go’antahay dhallinyarada inay shaqooyin helaan, waxaan u bandhiggay inay gacan naga siiyaan dugsiyada farsamada sidii dib loogu howlgalin lahaa arrinta oo Jarmalku uu horay uga caawin jiray Soomaaliya.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. ” Waxaa kalo aan u sheegnay shaqo abuurka inay u baahantahay shaqaalo xirfad leh si taas loo gaarana inay gacan naga siiyaan dib u howlgalinta machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha.” ayuu ku daray. Madaxa Bariga Africa ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Federaalka Jarmalka,Niels Breyer ayaa soo dhaweeyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta bulshada, isagoo marka ballanqaaday si dhow inay ula shaqeyn doonaan xukuumadda Soomaaliya. Waxaa kalo uu rajo ka muujiyay si dhaqso ah inuu Jarmalka usoo celiyo doorkiisii ku aaddanaa taageerada uu dowladda Soomaaliya ka siin jiray horumarinta farsamada gacanta. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa toddobaadkii u dambeeyay kullamo ku qaadanayey dalalka Switzerland iyo Jarmalka, isagoo magaalada Geneva kaga qaybgalay shir-weynaha shaqaalaha adduunka, waxaana muddo 33 sanno kaddib ay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay dib ula soo laabato codeyntii ururka shaqaalaha adduunka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  18. With the aim of easing its import-export trade logistics, Ethiopia today officially inaugurates 220 kilometers toll road that links eastern part of Ethiopia’s city – Dire Dawa with Dewale city bordering Djibouti. Source: Hiiraan Online
  19. The crown prince of Saudi Arabia should be investigated over the murder of the dissident journalist Jamal Khashoggi because there is “credible evidence” that he and other senior officials are liable for the killing, according to a damning and forensic UN report. Source: Hiiraan Online