-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaantay si adagna uga hadashay hadalo ka soo kala yeedhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Cawad oo sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay xafiis ka furato Hargeysa. Warbixin uu dhawaan qoray Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegay inay dawladda Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.“Waa dawladda Soomaaliya cidda Kenya siisay ogolaanshaha inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, Kenyana waxay annagana noo ogolaatay inaanu qunsuliyad ka furano Mombasa haddii aanu doonayno.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo uu Wargeyska Geeska Afrika weydiiyay doodda dhiggiisa Soomaaliya, wuxuu sheegay inay dawladda Soomaaliya isku dayday inay hor istaagto xafiiska ay Kenya ka furanayso Somaliland balse ay u suurtogeli wayday, waxaanu Wasiir Faratoon yidhi “Soomaaliya waa u cadaw Somaliland, Xafiiska Kenya ay ka furanayso Somaliland-na aad bay uga cadhootay, marar badana waxay isku dayeen inay hor istaagan, taasina way suurtagali wayday, xiitaa horumar kasta oo Somaliland u soo kordha aad bay uga xumaadan, markaas Somaliya qaab ay kula heshiiso ayey garan weyday Kenya, waxayna qiil ka dhigatay Xafiiskan oo aanay shaqo ku lahayn fududayntiisa, Somaliland wadamada iyo cid kasta oo ay la macaamilayso uma sii marto Somaliya, wakiilna inagama aha Somaliya, laakiin Maamulka Muqdisho waxay ka xumaadeen xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyo khilaafka soo kala dhex galay Kenya, markaas haddii Maamulka Muqdisho uu garan waayeen qaab ay kula heshiiyaan Kenya, maaha inay Somaliland qiil ka dhigtaan”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay in ay dekedaheeda iyo baddeeda mamnuuc ka yihiin maraakiibta dawladda Iiraan. Danjiraha Jabuuti u fadhiya Sucuudiga ayaa sheegay in aanay aaggooda ka hawl gali Karin guud ahaan maraakiibta Iiraan. Waxa uu hoosta ka xariiqay in aanu jirin wax xidhiidh ah ama iskaashi ah oo ka dhexeeya Jabuuti iyo Iiraan tan iyo markii ay xidhiidhka u jartay. Waxa uu sheegay in ay Jabuuti ka go’an tahay mabda’a ah in aanay Iiraan faro gelin ku yeelan dalalka Carabta, islamarkaana ay taabacsan yihiin isku duubnida xulufada Sucuudiga kadib markii ay isbahaysiga taabaceen sanadkii 2016. Source: Saudi Gazette Source
-
Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaantay si adagna uga hadashay hadalo ka soo kala yeedhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Cawad oo sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay xafiis ka furato Hargeysa. Warbixin uu dhawaan qoray Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegay inay dawladda Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.“Waa dawladda Soomaaliya cidda Kenya siisay ogolaanshaha inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, Kenyana waxay annagana noo ogolaatay inaanu qunsuliyad ka furano Mombasa haddii aanu doonayno.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo uu Wargeyska Geeska Afrika weydiiyay doodda dhiggiisa Soomaaliya, wuxuu sheegay inay dawladda Soomaaliya isku dayday inay hor istaagto xafiiska ay Kenya ka furanayso Somaliland balse ay u suurtogeli wayday, waxaanu Wasiir Faratoon yidhi “Soomaaliya waa u cadaw Somaliland, Xafiiska Kenya ay ka furanayso Somaliland-na aad bay uga cadhootay, marar badana waxay isku dayeen inay hor istaagan, taasina way suurtagali wayday, xiitaa horumar kasta oo Somaliland u soo kordha aad bay uga xumaadan, markaas Somaliya qaab ay kula heshiiso ayey garan weyday Kenya, waxayna qiil ka dhigatay Xafiiskan oo aanay shaqo ku lahayn fududayntiisa, Somaliland wadamada iyo cid kasta oo ay la macaamilayso uma sii marto Somaliya, wakiilna inagama aha Somaliya, laakiin Maamulka Muqdisho waxay ka xumaadeen xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyo khilaafka soo kala dhex galay Kenya, markaas haddii Maamulka Muqdisho uu garan waayeen qaab ay kula heshiiyaan Kenya, maaha inay Somaliland qiil ka dhigtaan”. Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay caqabadaha wali hortaagan maamulka Galmudug ee sababay inay horumar gaari waayaan. Madaxweyne Xaaf ayaa shaaciyay in dadka uu ku tilmaamay inay ka horjeedaan maamulkiisa aysan horumar la dooneyn Galmudug, islamarkaana ay doonayaan dib u dhac maamulkaasi uu ku jiro. Wuxuu soo hadal qaaday in muddo sanad ah uusan tagin guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho, walow uusan sheegin cidda u diiday inuu yimaado, laakiin waxaa halkaasi ka muuqaneyso inuu saameeyay khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in muddo sanad ku dhow diyaarad uu ku dulmarayo marka uu doonayo inuu tago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug., agaalada Cadaado oo ah halkii lagu doortay. “Culees badan ayaa ina heysta waad og tihiin, waana iska caabineynaa, dadka naga soo horjeedo walaahi inaysan dooneyn wanaageena, markaan halkaan imaaneynay mashaariic badan ayaa la dhagax dhigay, aaway wax nagu soo laabtay ma aragteen” “Hal sano aniga xitaa gurigeyga ma tagin, Cadaadana Diyaarad ayaan ku dul marayay, cidina naguma gumeysaneyso Galmudug, waan ka shaqeysaneynaa, waana joogeynaa, awal waxbaan daneynaynay, laakiin hadda dalka yaga ayaan ka shaqeysaneynaa”.ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. Sidoo kae wuxuu sheegay inay dhismo ku wadaan ciidamada kala duwan ee Galmudug, islamarkaana loo diyaarinayo inay difaacaan Galmudug. “Wax badan oo aan loo jeedin ayaa inoo imaanaya, warshado ayaan dhisaneynaa, wax badan oo aan dhisan karno ayaa jira, wax walbaana waan heleynaa, ciddii nasoo weerartana gaashaanka u daruureynaa, ciidamada waan dhiseynaa, Gaalkacyo waan dhisnay, magaaloyinka kalana waan dhiseynaa”ayuu yiri Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
(SLT- Ukrain)-Ciyaaryahanka Oleksandr Zinchenko oo safta Kooxda Manchester City ayaa dhunkaday Gabadh Weriye ah oo si toos ah u tabinaysay Ciyaar dhex martay Xulalka Ukrain iyo Serbia, ciyaartaasi oo ku tirsan Is-reeb-reebka tartamada Yurub ee 2020-ka isla-markaana dhacday Jimcihii la soo dhaafay. Ciyaaryahanka Oleksandr Zinchenko oo Qarankiisa Ukrain ku hoggaamiyey inay 5 Gool iyo Eber kaga badiso Xulka Serbia, ayaa isagoo Faraxsan waxa Makarafoonka hor qabatay Gabadh Weriye ah oo si toos ah Ciyaarta u tebinaysay iyadoo doonaysay in Oleksandr uu tartanka wax ka yidhaahdo, laakiin si kedis ah ayuu dhabanka Midig uga dhunkaday. 22 Jirkan oo 29 jeer Ciyaaray dhammaan Tartammada Premier League ee Xilli Ciyaareedkii u dambeeyay, ayaa dhabanka ka Dhunkaday Gabadha Weriyaha ah oo Magaceedu yahay Vlada Sedan, ka hor intii aanu Kamaradda ka hor dhoolla-caddaynin. Ficilka Zinchenko oo meel dheer ku dhacay ayaa ku soo beegmaya xilli Ninka Bulgaria u dhashay ee Kubrat Pulev oo Ciyaara Feedhka Miisaanka Culus uu Ciyaartiisii u dambaysay dhunkaday Gabadh Weriye ah oo Waraysaneysay. Si kastaba ha ahaatee, ficilka Ciyaaryahan Zinchenko oo Dadka qaar ka cadhoodeen, haddana waxa jira Dad difaacay, kuwaasi oo sheegay in isaga iyo Weriye Sedan yihiin Saaxiibbo aad isugu dhow, dhowr jeer oo horena ay Sawirro wada galeen. City ayaa diyaarisay inay ciyaaryahan Zinchenko iibiso Xagaagii u dambeeyay, waxayna kooxda Wolves kula heshiisay inay ka siiso £16m. Source
-
Tacsi ku socota dhamaan Reer Abokor Xaaji Faarax Cali, geeridii, Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax. Dhamaan qoyskii, ehelkii iyo qaraabadiiba, waxaanu leenahay Samir iyo Iimaan. Waxa aanu si gaar ah halkan tacsi ugu sii gudbinaynaa Cali Maxamed Ali Abokor, oo aanu ka tacsiyadaynayo geeridaasi Ku timid aabahii Maxamed Abokor Xaaji Faarax oo Ku geeriyooday dalka Canada Aamiin, Aamiin. Qarannews Qaran News
-
safiirka Djibouti Ziauddin Said Bamhermeh Safiirka dalka Djibouti u fadhiya magaalada Riyadh ee caasimadda Saudi Arabia oo lagu magacaabo Ziauddin Said Bamhermeh ayaa beeniyay warar ay saxaafaddu qortay oo sheegaya in maraakiib dagaal oo laga leeyahay Iran ay ku soo xirteen dekedda magaalada jibouti. Mr Bamhermeh oo wareysi gaar ah siinayay wargeeska Middle East ee ka soo baxa dalka Masar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in maraakiib dagaal oo Iran leedahay ay ku soo xirteen dekedda magaalada jibouti ee caasimadda waddanka Djibouti. Safiirka ayaa sheegay in xitaa aysan jirin maraakiib dagaal ay Iran leedahay oo soo galay biyaha waddankiisa (the territorial waters of the Republic of Djibouti) islamarkaana aan wax xiriir ah ka dhexayn Djibouti iyo Iran. Sidoo kale wuxuu sheegay in wararkaasi la faafiyay ujeedkoodu yahay in lagu curyaamiyo Isbahaysiga Carabta ee ka horjeeda dowladda Iran oo dalkiisu xubin ka yahay .Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu caddeeyay in dowladdiisu ay hore xiriirkii deblomaasiyadeed u jartay waddanka Iran kadib markii ay fara-gelin ka dayn wayday arrimaha gudaha dalalka Carbeed. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in dowladda Iran Maraakiib dagaal soo gelisay dalka Djibouti ? appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Iran)-Gantaalkaasi oo lagu farsameeyey gudaha Iiraan ayaa waxaa loogu magac daray Khordad 15, wuxuuna awoodi karaa inuu hal mar hawada ku burburiyo 6 Gantaalladda caddowga soo tuuraan. Wasiirka Difaaca Iiraan, Jeneral Amiir Hamtimi ayaana waxa uu maanta goobjoog ka ahaa Munaasabadda lagu tijaabinayey Gantaalkaas Cusub, sida ay sheegtay Wakaalladda waraka Iiraan ee IRNA. Wasiirka oo ka hadlay Munaasbaadaasi waxa uu sheegay in Gantaalkaasi ogaan karo Diyaaradaha Dagaalka iyo Darooniska, isla markaana uu wax ka duqeyn karo masaafo dhan 120 KM. Nidaamka Diffaaca ee Khordad 15 waxaa la sheegay inuu adeegsan karo Gantaalladda Sayad 3 ee lagu farsameeyey gudaha dalka Iiraan. Source
-
(SLT-Oullam)-Gaadhi ay leeyihiin ciidammada Maraykanka ayay miino la qaraxday isaga oo sii galaya goob tababar uu ka socday oo u dhaw magaalada Oullam ee koonfurta galbeed ee dalka Niger, sida uu milatarigu sheegay. Dhimasho ma jirto balse xaaladda askarta “ayay qiimayn ku socotaa” sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay ciidammada. Ciidammada ayaa ku safrayay gaardhi ayna miinadu karin marka uu qaraxu dhacay. Ciidammada Maraykanka ayaa dalka Niger ka caawinaya dagaalka uu kula jiro kooxaha jihaaddoonka ah ee gobolka. Sannadkii 2017 afar askari oo Maraykan ah iyo afar askari oo reer Niger ah ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel u dhaw xadka Mali. Source
-
(SLT-Doha)-Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar ayaa ku baaqay dadaal albaabada loogu furayo wadahadalo u dhaxeeya dalalka Iiraan iyo Mareykanka. Sheekh Maxammed binu Abdulraxmaan Al-Thani ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada London in Qadar iyo dalal kale ay labada dhinacba xirir la sameeyeen si xal loogu helo xiisadda sii sii xoogeysaneysa ee gobalka Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo toddobaadkaan lagu wado in ay booqosho ku tagaan magaalada Tehraan Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka Heiko Maas iyo raisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe iyaga oo isku dayeya xal u helidda xaaladda ka dhex aloosan labada dal. Sheekh Maxammed ayaa sheegay in Qadar oo ay wehliyaan dalal kale ay isku dayayaan inay kala dhexgalaan si meesha looga saaro xiisadda labada dhinac. Waxaa uu farta ku fiiqay in dhinac kasta uu leeyahay dagaal ma rabo, balse waxaa uu sheegay in loo baahanyahay dadaal dheeri oo albaabada loogu furayo wadahadal dhex mara labada dal. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu rabo in uu Iraan wada hadal la yeesho, balse Iiraan ayaa sheegtay in aysan taasi dhici karin iyada oo Mareykanku uu ka baxay heshiiskii hubka nuclear-ka sanadkii la soo dhaafay isla markaana uu sii wado cunnaqabteynta cuuryaamineysa howlaha Iiraan. Mareykanka iyo xulufadiisa oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Israel, ayaa isku dayaya in ay Iraan saaraan cadaadis dhaqaale. Sheek Maxammed ayaa sheegay in Qadar ay xushmeeynayso siyaasadda Mareykanka, balse waxuu sheegay in gobolku ay tahay in arrinta ay dhinaca kale ka eegaan,wuxuuna sheegay in qofkii Jecel iyo qofkiii aan jecleynba ay Iraan gobalka qayb ka tahay Wadamada Carabta oo ay Qadar ka mid tahay ayaa dhawaan kulan ku yeeshay Magaalada barakeysan ee Makkah ee dalka Sacuudiga waxaana ay ka wada hadleen xiisadda gobalka . Balse Sheekh Maxammed ayaa sheegay in shirka kaliya diiradda lagu saarayay cambaareynta Iraan badalkii laga hadli lahaa sidii loo wajihi lahaa dalka Iiraan. Source
-
(SLT-Khartoum)-Ciidamada Sudan ayaa isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaal isugu soo baxay badhtamaha magaalada Khartuum. Afar qof ayaa ku dhimatay maalinkii kowaad ee shaqa joojinta, sida ay sheegeen dhakhaatiirta gacan-saarka la leh mucaaradka. Ururada hogaaminaya dibadbaxyada Sudan ayaa waxay shalay ku baaqeen in shaqa joojin guud si militariga loogu cadaadiyo in ay xukunka ku wareejiyaan rayidka. Qaar ka mid ah shaqaalaha bangiyada,garoomada iyo waaxda korantada ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen kooxaha dibadbaxa soo qabanqaabiyay. Ururka ay ku bahoobeen xirfadlayaasha Sudan ayaa waxay sheegeen in shaqaalaha sidoo kale ay xukuuumadda hanjabaad kala kulmeen si looga cabsi galiyo in shaqa joojinta ka qayb qaataan. Golaha militariga ee haya talada dalkaasi ayaan wali ka hadlin xaaladihii ugu dambeeyay. Tan iyo intii ay militariga xukunka la wareegay waxa sii xoogaystay dibadbaxyada iyo isku dhacyada ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha. Ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa isku dayaya in uu u kala dabqaado labada dhinac si xiisadda loo dajiyo. Golaha militariga Sudan ayaa waxay horey u sheegeen in ay joojiyeen wadahadaladii ay la lahaayeen mucaaradka,waxayna militariga billaabeen in ay xoog uga hortagaan dibadbaxayaasha. Ururka Midowga Afrika ayaa joojiyay xubinimadii Sudan tan iyo inta xukunka lagu wareejinayo dowlad rayid ah. Ha’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhankooda ka digay gacanta adag ee ay laamaha ammaanka kula dhaqmayaan dibadbaxayasha Source
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Puntland Axmed Karaash ayaa safar deg deg ah ku tagay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Safarka oo xili habeen ahaa ayaanan horey loosii shaacin, waxaana uu xalay gaaray magaalada Boosaaso isaga oo sii maray deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bari. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in safarka Axmed Karaash ee Boosaaso uu ku saleysan yahay seddex ujeedo, waxaana uu muddo kooban joogi doonaa magaalada Boosaaso. Isaga oo saxaafada la hadlayay xalay ayuu sheegy in safarkiisa uu yahay mid shaqo, islamarkaana muddo kooban ay ku sugnaan doonaan magaalada Boosaaso, kadibna ay ku laaban doonaan magaalada Garowe. “Waxaan halkaan u nimid safar gaaban oo Shaqo, oo ku beegmay goor habeen ah, waxaana soo maray degmooyin kale, ujeedada waxay tahay inaan waqti yar joogi doonaa, halkaan”ayuu yiri Axmed Karaash. Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedada koowaad ee safarkiisa tahay wax ka badalida laamaha amaanka magaalada Boosaaso, si loo adkeeyo amaanka magaalada Boosaaso, oo maalmihii ugu dambeeyay xaalado amni daro ay ka dhacayeen. Ujeedada labaad ee safarkiisa ayaa ah arinta kasoo cusboonaatay deegaanka Af Urur oo Al Shabaab ay la wareegeen, kadib markii ay kasoo baxeen ciidamada Daraawiishta Puntland, waxaana deegaankaasi uu 90 KM u jiraa magaalada Boosaaso. Arinta seddexaad ayaa ah inuu kulamo deg deg ah halkaasi kula qaato wasiirka amniga Puntland C/samad Maxamed Galan iyo taliyaha ciidamada Booliska Puntland oo maalmahaan xiisad ay kala dhaxeysay madaxweyne ku xigeenka Puntland. Shirar gaar gaar ah ayaa ka socdo xarunta gobolka oo ku taala magaalada Boosaaso, waxaana kulamada ugu badan wada qaatay saraakiisha amaanka, wasiirka amniga iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland. Magaalada Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland waxaa ka socdo abaabulka ciidamada Puntland si ay dib ugu qabsadaan deegaanka Af Urur oo si nabad galyo ah kula wareegeen ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Sawirro:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray Boosaaso
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Boosaaso (SMN) – Axmed Cilimi Cismaan (Karaash) Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray M/Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Booqashadan oo aheyd mid deg deg ah ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in socdaalkan uu la xariiro daadadkii ku duftay Boosaaso, waxaana la sheegay madaxdani ay u guur gali doonaan xaaladda magaaladaasi. Daadadkii ka dhashay Roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Boosaaso ayaa burburiyay waddooyinkii magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article -
Dowladda Soomaaliya ayaa bilaabeysa ololaha talaalka cudurka dabeysha, ololahan ayaa caruurta la siin-doonaa talaal afka ugu dhibcinaya ilmaha yar gaar ahaan nooca 2aad. Ololahan looga hortagayo dabeysha, lana dhisayo difaaca jirka ee caruurta Soomaaliyeed ayaa waxaa uu marayaa labo weji. Wejiga 1-aad waxaa uu soconayaa June 23 ilaa 26 halka wejiga 2-aad uu socon-doono min July 21 ilaa 24, ee sanadkan. Ololahan sida la sheegayo waxaa lagu bartimaameedsan-doonaa ilaa 20 degmo oo ka Somaliland iyo Puntland. March, waxaa cudurkan laga talaalay in ka badan 3.1 million oo da’doodu ka yartahay 5 sano, waxaa laga talaalay noocyada 1 iyo 3. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sarkaal hore uga tirsanaa boliiska magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo Maxamed Nuur ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah kaddib markii uu toogasho ku dilay haweeney caddaan ah taasoo Maxamed soo wacday si ay ugu sheegto weerar xagga jinsiga ah oo ka dhacay meel u dhaw gurigeeda sannadkii 2017. Maxamed Nuur, oo jawaab ka bixinayey sida arrintaan u dhacday ayaa sheegay inuu ka shakiyey Justine Ruszczyk markii ay u soo dhawaatay gaarigii ay wateen wuxuuna intaas ku daray inuu naftiisa u cabsaday maaddaama gaariga uu yaallay meel cidlo ah. Guddi ay ka mid yihiin xeer ilaalin ayaa bishii April ku helay 33 jirkaan lagu magacaabo Maxamed Nuur eedeymo la xiriira dilka gabadhan laakiin waxay intaas ku dareen in Maxamed uusan dilka u geysan si ula-kac ah. Xeer ilaalintu waxay sheegeen maaddaama dilku u dhacay si aan ku-tala-gal ahayn in Maxamed uusan dambi lahayn. Saraakiisha magaalada Minneapolis ayaa horey ugu dabbaal-degay guushii uu gaaray Maxamed Nuur markii uu noqday muwaaddinkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey kaasoo boliis ka noqda Minneapolis xilli ay la hadlayeen dadweyne Soomaaliyeed. Maxamed ayaa hadda noqonaya sarkaalkii ugu horreeyey ee Minneapolis oo lagu helo dambi dil ah isagoo shaqadiisa gudanaya. Intii lagu guda-jiray maxkamadeyntiisa, Maxamed wuxuu ka hadlay sidii xaaladdu ahayd markii uu dilayey gabadhan afartan jirka ah oo laba bil kaddib guursan rabtay markii la dilay. “Haddii aan ogahay in arrintan dhaceyso, Marnaba ma noqon lahayn boliis,” Nuur ayaa ka hor sheegay xeer ilaalinta. Isagoo raaligelin ka bixiyey dhacdada ay ku dhimatay Justine Ruszczyk. “Aniga ayaa sabab u ah masiibadan waana mid culeys igu haysa,” ayaa u sheegay maxkamadda. “Waxaan rajeynayaa inaan ka nafisi doono culeyskaas oo dad kalena ila dareemayaan qasaaraha aan sababta u ahay. Waa mid aad ii xanuujineysa dhab ahaantii,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Nuur. Maxamed Nuur wuxuu sheegay in waqtiga uu dilka geysanayey uu aamminsanaa inuu iska difaacayey Qatar kusoo socotay oo ujeedkiisu ahaa inuu ka hortago qatartaas sida uu ka hor sheegay maxkamadda. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu qiray inkastoo uusan u jeedin wax hub ah oo gacanta gabadha ku jira laakiin ay dhici kartay inay gacanta ku wadatay hub oo ay u geysan kartay Qatar ay u dhiman kareen taasina ay keentay inuu xabbad ku rido Justine Ruszczyk. Aabbaha dhalay Justine Ruszczyk ayaa ku sheegay dilka gabadhiisa ficil aad u xun oo uu geystay nin wakiil uga ah qaranka. Don Damond, oo ah wiilkii ay isjeclaayeen Justine oo isna ka hor hadlay maxkamadda ayaa ku celceliyey sida uu u waayey gabadhii uu jeclaa. Markii Maxamed lagu helay dambiga bishii April qoyska iyo qaraabada Justine aad ayey u soo dhaweeyeen sida dacwaddu u dhacday laakiin qoyska Maxamed ayaa aad uga xumaaday sida loola dhaqmay wiilkooda dilka kaddib iyo intii ay socotay maxkamadda. “Waxaan la ilmeynayaa sida dacwadda loo maareeyey. Waxa dhacay waa caddaalad darro. Waa arrin laga naxo Ina-adeerkey ma uusan helin maxkamad caddaalad ah.” ayuu yiri qof ka tirsan qoyska Maxamed. Sarkaalkan lagu magacaabo Maxamed Nuur ee ka tirsanaa boliiska Minnesota ayaa noqonaya boliiskii ugu horreeyey ee taariikhda lagu helo fal dil ah. Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Meelaha ugu daran ee Wabiga uu ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah deegaannada Lebiga iyo Xaanshooley oo wax ka yar 3-km u jira magaalada Jowhar. Dhanka kale, biyaha kasoo fatahay Wabiga ayaa jaray gabi ahaanba wadada isku xirta Jowhar iyo Mahadaay. Dadka qaar ee ku dhaqan deegaannada uu Wabiga ku fatahay ayaa billaabay in halkaasi ay isaga barakacaan. Marka la gaaro xilli roobaadka, sanad walbo sidan oo kale ayuu Wabiga Shabelle ugu fatahaa deegaannada uu dalka ka maro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wanlaweyne (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax ka dhacay agagaarka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxa ay Al Shabaab sheegeen in ay la egteen Booyado ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay in qaraxaasi ay waxyeelo ku gaarsiiyeen Askar ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Gudoomiyihii maamulka gobolka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka horyimid xil ka qaadis uu ka sameeyay madaxaweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Cartan oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in waxtashi ah aan laga lagala sameyn xilka qaadista lagu sameeyay, waxaana uu ku tilmaamay in ay tahay mid sharci darro ah. Sidoo kale waxa tilmaamay in kulamo wada tashi ah uu la qaatay waxgradka gobolka, islamarkaana ay isla garteen in uu xilka sii hayo. ‘’Markii aan la tashi la sameeyay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaan isla garannay in xiligan aysan jiri karin wax xil ka qaadis ah’’ ayuu yiri Cartan. Maalin ka hor ayey aheyd markii wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug xil kii looga qaaday C/rashiid Xaashi Cartan, waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdiraxhaam Cali Diiriye (Isxal) sida lagu shaaciyay wareegtadaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN)-Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira. Guddoomiyaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Al Shabaab. “Waxaan qiraya in ciidanka AMISOM ay dadaal ku bixinayaan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan dalka iyo sidii Al Shabaab looga guuleysan lahaa, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinku garab istaago shaqooyinka adag ee aad heysaan” ayuu yiri guddoomiye Mursal. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-100619.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa markale baahisay in Cali Ibraahim Shaameey oo dhawaan xilka laga qaaday inuu jawaab adag ka bixiyay qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya. Cali Ibraahim ayaa sheegay inuu arkay qoraalka kasoo baxay wasiirka xafiiskiisa, wuxuuna sheegay in gabi ahaanba aysan aheyn mid sax ah, xil ka qaadista lagu sameeyay, maadaama uu kamid yahay guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta Qaranka. “Waxaan si buuxda u aqristay ugana baaraan dagay warqadaadii aad soo qortay, waxaan fursad u helay inaan si degan uga baaraan dago, waxaan fursad u helay inaan kala tashado sharci yaqaano kala duwan” “Haddana wasiir waxay warqadaan ka dhigeysaa go’aanka aad qaadatay mid Sharci daro ah, marka loo eego sharciga guddiga isgaarsiinta qaranka oo soo baxay 2017 iyo dastuurka KMG ah” “Waxaan arintaan u bandhigayaa xubnahaa guddiga, waxaana horgeyn donaa maxkamadda, maadaama si qaldan loo adeegsaday sharciga guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta”ayaa lagu yiri qoraalka uu ku jawaabay Cali Ibraahim. Cali Shaameey, ayaa la sheegayaa inuusan kamid aheyn shaqaalaha rayidka, sababtoo ah hadduu kamid yahay shaqaalaha rayidka kama mid noqon karo xisbi siyaasadeed sida xeerka guddiga shaqaalaha rayidka uu dhigayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Madeira oo kulan la qaaday madaxda DF ayaa u sameeyay ballaan-qaad ah in AMISOM ay sii wadi doonto wada-shaqeyntii kala dhexeys DF, ayna kasoo bixi doonaan hawlaha loo igmaday. Danjiraha Madeira ayaa kulammo kala gooni-gooni ah shalay kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Dowladda Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulamadan ayaa waxay imaanayaan iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay bishii kasoo dhaafay muddo kordhin u sameeyeen hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], si ay horay ugu dhaqaajiyaan sugida amniga guud ee Somalia. “Waxaa naga go’an inaan ka shaqeynno sidii Somalia ay u noqon lahayd dal daggan oo nabad ah. Waxaana sii wadi doonaa dagaalka aan kula jiro ururka Al-shabaab oo caqabad ku ah nabadda Somalia,” ayuu yiri Danjire Madeira oo hadal kooban ka jeediyay kulanka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa waxay si gaar ah uga doodeen xaaladaha deegaannada Sabiid iyo bariire oo dhawaan laga qabsday Al-shabaab, iyagoo isla gartay in amniga deegaannadaas la xoojiyo si aysan Al-shabaab ugu soo laaban mar kale. “Aniga iyo madaxweynaha waxaan isla garannay in amniga deegaannadii laga saaray Al-shabaab, gaar ahaan Bariire iyo Sabiid ay sugaan ciidamada Dowladda Somalia, isla markaana aan shacaba ku noool halkaas laga qaadin wax canshuuro ah oo baal-marsan sharciga iyo inaan cadaadisyo dheeri ah la saarin,” ayuu hadalkiisa ku daray ergayga Midowga Afrika ee Somalia. Dhanka kale, Danjire Francisco Madeira ayaa kulan kan oo kale ah la qaatay guddoomiyaha barlamaanka Somalia, Maxamed Mursal iyagoo kaga hadlay amniga dalka iyo xoojinta sidoo dalka uu u noqon lahaa mid xasilloon, isla markaana la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Ergayga Midowga Afrika iyo Gudodomiye Mursal ayaa waxay si gaar ah uga hadleen doorshooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadaha soo socda, iyagoo isla gartay in inta aysan doorashooyinku dhicin la xasiliyo inta badan deegaannada Soomaalida ee ay doorashooyinku ka dhici karaan. Ugu dambeyn, War-murtiyeed ay dhinacyadu soo saareen ayay ku sheegeen in kulammadoodii ay iskula garteen xoojinta amniga, ka hortagga wax walba oo sababi kara xasillooni-darro iyo in dagaalka Al-shabaab la xoojiyo. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo ballan-qaad u sameeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisad dagaal oo aad xoogan ayaa ka taagan inta badan xaafadaha magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan taas oo u dhaxeysa ciidamo ka amar qaata Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” iyo ciidamo kale oo ka amar qaata Maxamed Cabdi Waare. Inta badan xiisadda dagaalka ayaa waxay ka taagan tahay kastamka Canshuuraha, xarunta gobalka iyo kontaroolada laga soo galo magaalada Beladweyne oo dhamaantood ay ku sugan yihiin ciidamada Yuusuf Dabageed. Kulan uu la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayey ku heshiiyeen in uu iska difaaco weerar kasta oo kaga yimaada HirShabeelle iyagoo u ballan qaaday taageero dhan walba ah. Taageerada odayaasha ayaa la sheegay inay lama filaan ku noqotay Dabageed, kuna dhiiri-gelisay inuusan is-dhiibin. Arintaasi ayaa abuurtay walaac xoogan oo ka bilaawday guud ahaan magaalada Beladweyne. Warar kale oo ay heshya Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in ay dhanka HirShabeelle ay u diyaar garoobeyn in ay xoog ku qasbadaan dhamaan xarumaha muhiimka ah ee Beladweyne. Madaxweyne Waare iyo Cali Guudlaawe ayaa amray ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Beladweyne in ay soo qabtaan Yuusuf Dabageed. Dabageed ayaa shalay si cad u sheegay in warbixintaasi uu helay islamarkaana uu diyaar u yahay is difaac weerar kasta oo uga yimaada dhanka Hirshabeelle. Hadda magaalada Beladweyne waa dagaal u joog waana fududahay in lagu dagaalamo daqiiqad kasta. Yuusuf Dabageed waxa uu heestaa ciidamo aad u qalabeysan iyo gaadiid dagaal, halka HirShabeelle oo heysata ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ay doonayaan in ay magaalada ka saaraan Dabageed ilihii dhaqaalaha iyo xaruntii gobalka ka daggan. Ma jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku aadan qaboojinta xiisadda ka taagan gobalka Hiiraan. Hadii dagaal ka dhaco Beladweyne waa halis geli doonto nolasha kumanaan shacab oo hadda la daala dhacaya daruufo nolaleed oo aad u dag. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com