Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imanaaya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo diyaar garow xooggan, kaasi oo ku aaddan shir looga hadli doono aayaha gobolkaasi, kana dhan ah Somaliland. Shirkan waxaa ka qeybgali doona wasiirro, xildhibaanno Puntland ah iyo sidoo kale qeybaha kala duwan bulshada ee gobolka Sanaag. Waxaa shirkan loogu magacdaray midinimad iyo aaya ka talinta gobolka Sanaag, xilli maalmahan dambe gobolkaasi laga soo sheegayey xiisado u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland. Waxaradka leh abaabulka shirkan ayaa sheegay in ay ka tashan doonaan aayahooda, kana fogaanayaan kala geynta umadda Soomaaliyeed. Dhowaan ayeey ahayd markii ciidamo Somaliland ah ay dhanka Puntland kusoo biireen, kuwaasi oo kasoo jeeda gobolka Sanaag. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka laga helayo deegaano kale tirsan Galmudug ayaa sheegaya in madaxa xukuumada Galmudug uu amar kasoo saaray dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed. Sida ay baahisay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, madaxa xukuumadda ayaa dadkaasi ku amray inay muddo labo maalin ah isaga baxaan deegaanada Galmudug, gaar ahaana deegaanada ay ka taliso Ahlu Sunna. Dadka kasoo jeeda Koofur Galbeed ee ku nool Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa la sheegay in amarkaan uu saameyn doono, waxaana laga doonayaa inay muddo 48 saacadood kaga baxaan deegaanada Galmudug. Xogaha la helayo ayaa sheegaya in ujeedada ka dambeysay arintaani ay tahay, kadib markii lagu eedeeyay inay caqabad ku yihiin amaanka deegaanada Galmudug, gaar ahaan Dhuusomareeb iyo Guriceel. Ahlu sunna ayaa dagaal adag kula jirta Al Shabaab, waxaana dadkaasi lagu tuhmayaa inay xiriir la leeyihiin ururka Al Shabaab. Lama oga ujeedada dahsoon ee ka dambeysay amarka kasoo baxay Galmudug, balse waxay caqabad ku noqon doontaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ee ku abtirsada beesha Raxanweyn. Ma jiro jawaab maamulka Koofur Galbeed uu arintaani ka bixiyay, sidaan oo kale waxaa horey shacabka kasoo jeeda Koofur Galbeed looga soo masaafuriyay deegaanada Puntland, walow markii dambe ay yaraadeen takoorka dadkaasi lagu hayay. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  3. Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa uga digay Askarta maamulkaasi in ay dhibaateeyaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in maamulkiisu uusan u dulqdaan doonin in la dilo ama waxyeelo kale loo geysto rayidka. Sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii ugu dambeeyay ee loo geystay nin Darawaal ahaa, kaas oo uu xusay in loo dilay oo kaliya 5 kun Shilinka Soomaaliga ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xillii muddooyinkii dambe deegaanada Koonfur Galbeed ay ku sii kordhayeen dilal iyo dhibaatooyin kale oo ay askartu u geysanayeen dadka dhacabka ah ee ku dhaqan magaalooyinka maamulkaasi. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa xalay guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Caasimadda. Shirka oo lagu qabtay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha dhanka laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga iyo qiimeyn lagu sameeyay,howlgallada ka socda magaalada Muqdisho. Duqa Muqisho oo ka hadlay madasha sayaa sheegay in muddo maamulkiisu dabagal waday, islamarkaana dib u eegis lagu sameynayo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda. “Shirka Amniga Caasimadda ayaan ku qiimeynay xaalada Guud ka dib kormeer iyo dabagal joogta ah oo aan wadnay muddo, isla markaasna go’aaminey dib u eegis in lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimada”ayuu yiri Eng, Yariisow. Muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay amniga gobolka Banaadir, waxaana howlgallo ka wada Ciidamada Booliska Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  5. Mandheera (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanada u dhaxeeya Mandheera iyo Ceelwaaq ayaa sheegaya in qarax uu haleelay gaari dadweyne saarnaayeen, waxaana qaraxa ka dhashay waxyeelo kala duwan. Saraakiisha ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa markale ku dhawaaqay in hakad la geliyay gaadiidkii isaga kala gudbi jiray magaalooyinka Mandheere iyo Nairobi, waxaana qaraxii ugu dambeeyay uu sababay dhaawac soo gaaray dad shacab ahaa. Saraakiisha ayaa sheegay in gaadiidka gabi ahaanba aysan ka sii shaqeyn doonin deegaanada u dhaxeeya Ceelwaaq iyo Mandheere, waxaana halkaasi ka bilaaban doono baaritaano lagu saarayo waxyaabaha qarxa oo Al Shabaab la sheegay inay ku aaseen wadada. Saraakiisha ayaa sidoo kale ku amray wadayaasha gaadiidka inaysan ku safri karin wadadaasi xitaa haddii ay la socdaan ciidamada loo xilsaaray amaanka wadadaasi, ilaa ay amar ka helaan hay’adaha booliska dalkaasi. Dhinaca Mandheera sidoo kale ayaa la amray Gaadiidka waaweyn iyo kuwa kaleba in aysan dhaq dhaqaaq sameyn ilaa laga nadiifinayo jidka. Axaddii ayaa la joojiyay Gaadiidka Nairobi iyo Mandheera markii xubno ka mid ah AL-shabaab lagu arkay jidka u dhaxeeya labada Magaalo. Shalay ayaa dib loo furay haddana isla gelinkii dambe ee shalay ayuu amarka dambe soo baxay Markii Gaari Bas ay ay Miino la kacday inkasta oo uusan jirin khasaare nafeed marka laga reebo dhaawacyada iyo bur burka Gaariga. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-11062019.mp3 View the full article
  7. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka oo halkaa maanta ka furmay. In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madaxda dowladaha ayaa sidoo kale shirka ka qeygalaya, kaas oo ku soo aadday sannad-guurradii boqollaad ee hey’adda shaqaalaha adduunka. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa muddada uu shirka socdo waxaa uu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo shaqo la’aanta ka jirta dalka , sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaadiniinta iyo shaqo abuuro loo helo dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiir, Sadiiq ayaa sidoo kale dedaal ugu jira sidii ay Soomaaliya dib ugu soo ceshan lahayd xubnimada ururka shaqaalaha adduunka loogana cafin lahaa deyn lagu leeyahay dalka muddo dheer taas oo ah dhaqaalo ay ururka ku taageeran sannad walba dowladaha xubnaha ka ah, waxaa kalo uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda dalalka caalamka iyo wakiillada kale ee shirka ka qeybgalaya. Shir weynaha shaqada caalamka ee shalay Geneva ka furmay ayaa socon doona illaa 21-da bishan June. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shir weynaha Shaqada Adduunka ee Geneva appeared first on Puntland Post.
  8. Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa ku sii qulqulaya wafuud kala duwan oo ka qaybgeli doonta shir looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed, midnimada iyo [...] Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho 15-kii Ramadaan kuna beegneed 21-kii bishii la soo dhaafay ee May kadib markii uu xanuunsaday, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caaismada Online, Abuu Mansuur ayaa ka xanuunsaday Kiliyaha waxa uuna Isbitaalka ku jiray muddo 3 maalmood ah. Waxaa la dhigay qayb gaar ah oo loo diiday inta badan shaqaalaha iyo guud ahaan dadweynaha waxaana arintiisa gacanta ku haayay dhaqtar-ka ugu sarreeya Digfeer kaas oo u dhashay Turkiga. Sheekh Mukhtaar Roobow oo hadda wanaagsan oo ay xaaladiisa soo hagaagtay ayaa la sheegay in xanuunkaan Kiliyaha ah uu hore u qabay islamarkaana uu mar mar ku soo kaco. Markii uu ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale waxaa hore loo dhigay Isbitaal, waxaana sababihii uu ugu soo biiray Dowladda la sheegaa in ay qeyb ka aheyd arrintaan caafimaad. Dhaqaatiirta Caafimaad ee Abuu Mansuur ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay waxayna u qoreen dawo iyo dhaqaatiir gaar ah oo la sheegay in ay siin doonaan dawadaasi sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Isbitaalka Digfeer. Sidoo kale arintaan waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay Nabadoono iyo Saraakiil kale oo ku dhow Abuu Mansuur. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Saraakiil katirsan hey’adda NISA oo aan weydiinay ayaa sheegay in aysan xog badan ka heynin arrinta Abuu Mansuur islamarkaana aysan ogaan karin qof kasta balse ay gacanta ku haayaan mas’uuliyiin sar sare oo kaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. UNITED NATIONS, June 6 (Xinhua) — The UN humanitarian chief has allocated 45 million U.S. dollars from the Central Emergency Response Fund (CERF) to help people in Somalia, Ethiopia and Kenya facing food shortages due to low rainfall and drought, a UN spokesman said Thursday. Source: Hiiraan Online
  11. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa beenisay warar soo baxay oo sheegaya inay biyaheeda u ogolaatay maraakiib dagaal oo ay leedahay Iran. Safiirka Jabuuti ee dalka Sacuudiga, Dhiauddin Bamakhrama ayaa si kulul u beeniyey in maraakiib dagaal oo Iran leedahay ay ku sugan yihiin xuduud badeedka dalkiisa, wuxuuna ku adkeystay in Jabuuti ay weli xiriirkii ay u jartay Iran uu sidiisa yahay. “Ma jiro wax maraakiib dagaal oo Iran ay leedahay oo soo galay biyaha Jabuuti ama dekadaheeda” ayuu Dhiauddin Bamakhrama ku yiri bayaan uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray in wax xiriir ah uusan ka dhaxeyan labada dal. Bishii Janaayo ee 2016, Jabuuti ayaa la safatay Sacuudiga, xiriirkana u jartay Iran kadib markii dibad-baxayaal ay galeen safaaradda Sacuudiga ee Tehran, iyo qunsuliyadeeda magaalada Mashahd taasi oo ka dambeysay markii Sacuudiga ay dileen wadaado shiico oo caan ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. At least five people are admitted to the Takaba Sub-County Hospital in Mandera after sustaining injuries during clan clashes in Burmayo along the Mandera-Wajir border. Source: Hiiraan Online
  13. Hospitals in Khartoum record more than 70 cases of rape in aftermath of attack on protest Source: Hiiraan Online
  14. In Augsburg speech, ambassador says skilled workers and investment are needed for country's "rebirth." Source: Hiiraan Online
  15. The Toronto Raptors came one agonizing point short on Monday of claiming their first NBA championship in club history. Now they must wait a few more excruciating days to take another shot at it. Source: Hiiraan Online
  16. Somali forces on Sunday killed three al-Shabab militants in the country's southern region of Gedo, officials said Monday. Source: Hiiraan Online
  17. Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalaha ololihii doorashadii Mareykanka u adeegsatay si gaar ah. Guddiga maamula dhaqaalaha ee Minnesota ayaa sheegay in lagu helay dambi ah inay jebisay xeerka gobolka, waxayna saareen ganaax lacageed. Guddiga ayaa sheegay in Ilhaan ay isticmaashay lacag gaareysa $3,500 oo dollar oo ay ku bixisay safar ay ku aaday Florida iyo qeyb ay ku bixisay canshuur celintii ay sameysay. Waxay guddiga sheegayaan in ay heleen cadeyn ah in Ilhaan Cumar kooxdii ololaha u qaabilsanayd ay u iibiyeen tikit diyaarad oo Boston ay ku tagtay, “halkaas oo ay uga qeybgashay kullan siyaasadeed”. Sidoo kale, qeyb waxaa “lagu bixiyay hoteel ay ka degtay Washington D.C” oo ay uga qeybgashay wareysiga shirka UN ee Girl UP. Sida uu ku warramay raadiyaha Shacabka ee Minnesota, Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale lagu helay in lacagta ay u adeegsatay safarkeedii Chicago, si ay u aqbasho abaalmarin la siiyay iyo dhaqaale uruurin ay sameysay. Sida uu qabo sharciga Gobolka, “safarrada waa in ay noqdaan kuwo la xiriira arrimaha xafiiska”. Sida guddiga uu sheegay, Ilhaan Cumar, waxay ahayd wakiilka Gobolka markii “xeerka lagu xudgudbay.” Sidoo kale, waxaan Ilhaan lagu helay in $1,500 oo dollar, lagu bixiyay arrimo la xiriiray sixidda cashuur celinteeda, taas oo aan la xiriirin ololihii doorashada. Waxayna dalbadeen in la soo celiyo. Waxaana la saaray ganaax gaaraya $500 oo dollar. Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed. Qoraal ka soo baxay kooxdeedii ololaha waxay ku sheegeen in ay “ku faraxsan tahay in baaritaankan uu dhammaaday” ayna ka go’an tahay in ay u hoggaansanto guddiga waxa uu soo saaray. Xigasho: BBC Somali
  18. Badhan (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in jabhad hubaysan oo ka horjeedda maamulka Somaliland ay u soo tallaabtay dhinaca Puntland kadib markii ay maalmahan taba-barro ku qaadanaysay degaanka Garabcad oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. Dadka magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa laga soo xigtay in jabhadda hubaysan oo taageersan boqor Buurmadow ay haatan ku sugan yihiin nawaaxiga degmada Xiingalool kadib markii ay ogolaansho ka heleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Puntland ee degmadaasi. Jabhadda cusub ee ka soo baxday Somaliland ayaa sida la sheegayo doonaysa in ay dagaal ku qaaddo ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka balse weli lama xaqiijin in ay ku biirayaan jabhaddii iyaga ka soo horraysay ee Col. Caarre oo dagaal kala horjeedda Somaliland. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa xaqiijiyay jiritaanka ciidamada jabhadda ee u soo tallaabay dhinaca Puntland. Hoos ka daawo hadalka guddoomiyaha
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shalay kulan la qaatay dhamaan shaqaalaha Wasaaradda iyo madax-waaxeedyada Wasaaradda. Kulanka oo u badnaa is xog wareysi iyo wargelin amarro soo baxay ayaa shaqaalaha oo dhan loo sheegay in ay u hogaasamaan amarka cusub ee lagu soo rogay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Amarka soo baxay ayaa ah in dhamaan shaqaalaha Wasaaradda ay mamnuuc ka tahay in ay u shaqeeyaan meelo kale oo ka madaxbanaan hey’adaha dowladda. Arintaan ayaa si gaar ah waxaa loogu digay Kooxda Waabari iyo wariyaasha Wasaaradda. Fanaaniinta, Abwaanada, iyo Majaajileestiyaasha Hobalada Qaranka ee Waabari ayaa lagu amray in aysan ka soo muuqan karin Warbaahin kale oo si gaar ah loo leeyahay (Private Media), halka Wariyaasha la siiyay digniin midaas lamid ah. Koox Waabari ayaa inta badan majaajilees-tiyaashooda waxay ka qeyb qaataan Ruwaayado ka baxa Tv-yada qaar iyo Idaacadaha si gaarka ah loo leeyahay. Sidoo kale fanaaniinta ayaa qeyb ka ah xubnaha ka shaqeeya hey’adaha kale ee gaarka loo leeyahay. Wasiirka ayaa sheegay in la ruqseyn doono qofkii jebiya amarkaan. Sidoo kale waxaa shaqaalaha laga mamnuucay in Facebook-gooda aysan ku aflagaadeyn karin qof dowladda Soomaaliya katirsan. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in aysan Shaqaalaha aragti dowladda looga soo horjeedo ama lagu dhaliilayo wax ay sameysay aysan ku soo daabici karin baraha Bulshada. Arintaan ayaa waxay fajac iyo layaab ku noqotay dhamaan shaqaalaha Wasaaradda. Qaarkood ayaa ku tilmaamay gumeyso iyo awood sheegasho ama ku takari-fal awoodeed oo uu sameeyay Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayey safar la sheegayo in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, uu ku tagi doono caasimada dalka Sweden ee Stockholm. Wararkaasi ayaa waxa si cad u beeniyay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalka Sweden oo war-saxaafadeed kasoo saaray. Xafiiska Somaliland ee Sweden ayaa sheegay inaysan jirin safar qorsheysan oo uu Madaxweyne Muuse Biixi ku imanayo Stockholm, oo ay ka arkeen warkaasi oo baraha bulshada wareegaya. Wakiilka Somaliland ee Sweden, Sekeriye Xasan Wacays ayaa wararkaasi ku tilmaamey kuwa aan sal iyo raad toona laheyn oo xaqiiqda ka fog. Danjire Sekeriye Wacays ayaa sidoo kale waxa uu ugu dambeyntiina jaaliyada Somaliland ee ku sugan Sweden uga mahad celiyay sida ay ugu xiiso qabeen in Madaxweynahoogu uu safar ugu imaado. War-saxafadeedkan kasoo baxay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalka Sweden, ayaa waxa uu u qornaa sidan: “Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaan bulshada Sweden in aanay jirin wax safar ah oo madaxweynuhu ku imanyo dalka Sweden. Sidoo kalena aanu wararkan ku aragnay uun baraha bulshada, Aniga ka wakiil Ahaan (Zakariye Xasan Wacays) aanuu jirin wax xidhiidh ah oo aan arintan kala yeeshay madaxtooyada Somaliland , ka wakiil ahaana waxaan la xidhiidhay wasaarada arimaha dibada & Wasiirka waxayna ii sheegeen in aanuu jirin wax safar ah oo qorsheysan ama kedis ah oo madaxweynaha Somaliland uu ku imanayo dalka Sweden, Isla markaana wararka dhex wareegaya baraha bulshada aanay waxba ka jirin oo aanay run ahayn. Ugu danbeyntii Safaarada Somaliland ee Sweden & Wakiilku waxay bulshada reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalka Sweden ay ugu mahadqanaysaa sida ay u xiiseynayaan imaanshiyaha madaxweynaha ee dalkan Sweden ee ay aadka ugu faraxsan yihiin in madaxweynahoodu uu ugu yimaado dalkan Sweden”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya waxaa yaraanaya qulqulka Kaashka iyo waxgadashada , sidaas oo kale socodka ganacsiga ayaa u muuqda mid tabardhigaya. sida ay sheegeen dhaqaaleyahan kaladuwan iyo ganacsatada qaarkeed hoos u dhaca awoodda wax iibsugu waxa ay keentay in labada dhinac ee ugu waaweyn ganacsiga ee waxsoosaarka iyo adeegguba ay hoos u dhacaan kaddib taagdarro kutimid qulqulka lacagta ee Suuqyada ganacsiga. Baahida ama dalabka waxsoosaarka iyo adeegyada ee Shirkadaha waaweyn ee tusaale ahaan ganacsiga Muqdisho ayaa aad uga yar sidii u uhaa sanadkii hore si gaar ah wixii kadambeeyey qarixii kadhacay jidka Maka Almukarama 28-Febraury-2019. Tusaaleyaasha ugu dhow ganacsatada gaadiidku waxa ay iibin jireen bishii inta u dhexeysa 20-30 gaari oo isugu jira yaryar iyo waaweyn balse laga soo billaabo bartamaha sanadkii hore waxaa hoos u dhacayey tirada gaadiidka ee ay iibiyaan iyada oo billowgii 2019 si xoog ah hoos ugu dhacday iyada oo gaartay in la iibiya bisha oo dhan 6-10, Cabdirashiid Axmed oo kamid ah ganacsatada soo dejisa gaadiidka ayaa yiri:- “Dhibaatada hoos u dhaca ganacsigu waxa ay nagu soo billaabatay bartamaha snaadkii 2018, si tartartiib ah ayay u soo xoogeysatay illaa ay gaartay in ay saameyso soo dejinta iyo dalabka gaadiidka ee dibadda! Halkii aan iibin jirnay 20-30 gaari lagana faa’iidi jiray lacag u dhexeysa $500-600 (Shan boqol ilaa Lix boqol oo dollar) hadda xaalku waa ka sii daray geerashka ugu fiican ayaa iibiya bisha dhan 2 gaari oo lagayaabo in ay deyn yihiin, faa’iidaduna aad ayay uga hooseysaa oo hadda lafaha ayaa laga caynsadaa gaadiidka ee faa’iido lagama raadiyo, kirada haddii uu iska bixiyo ayaan buro joognaa, qaarkoodna taargada ayaa ku dhacda oo waxa qasan nagu noqota in la soo cashuuro” Haddaba sida ay ay sheegeen aqoonyahanka dhaqaalaha iyo siyaasaddu waxa jira 5 sababood oo horseedday dhibaatada hoos u dhaca qulqulka lacagta iyo awoodda wax iibsiga ee suuqyada dalka si gaar ah Muqdisho, sababahaas ayaa qaarkood waxa ay kadhasheen go’aanno ay qaadatay xukuumadda Soomaaliya, waxaana kamid ah Go’aankii eryidda ergaygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom Deeq-bixiyeyaasha iyo xukuumadda Barnaamijka SMP (Staff Monitoring program) Qarashka socodsiinta wasaaradaha oo aan jirin guud ahaan Dhaqaalaha taageerada howlgalka C XDS oo hoos u dhacday Go’aankii xukuumaddu ku eriday ergaygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom Go’aankii adeegsiga PNG (Persona non grata) ee xukuumadda Soomaaliya dalka uga erisay waxa uu sababay in ay istaagaan dhammaan lacagihii yaryaraa ee mashaariicda QM lagu bixin jiray taas oo ay qaadan jireen islamarkaana fulin jireen ururada aan dowliga ahayn kuwaas oo kashaqeynayey dhinacyo kaladuwan oo kusaabsan horumarinta, tayeynta iyo tababarka, lacagtaasi waxa ay si dadban iyo si toos ah qayb uga ahayd dhaqaalaha socda ee dalka, Eryidda Haysom-na waxa ay hakad iyo kala fogaansho gelisay wadashaqeynta xukuumadda Soomaaliya iyo QM Deeq-bixiyeyaasha iyo xukuumadda Dowladaha deeqbixiyeyaasha waxa ay iskuhayaan habka iyo waxyaabaha la maalgelinayo iyo cidda yeelaneysa go’aanka soojeedinta waxyaabaha lagu bixinayo deeqda ay Soomaaliya hesho, deeqbixiyeyaashu waxa ay doonayaan in ay go’aansadaan barnaamijyada lagu isticmaalayo deeqaha adduunku siiyo Soomaaliya iyo hay’adaha fulinaya ama la marsiinayo dhaqaalahaas deeqda halka xukuumadda Soomaaliya dooneyso in dhaqaalaha deeqda ah ee ay Soomaliya hesho si toos ah loogu isticmaalo ama loo weeciyo dhinaca Barnaamij layiraahdo Tubaha xukuumadda Soomaaliya oo ka kooban 4 tubood kaas oo ay xukuumaddu dooneyso in ciddii deeq siineysa Soomaaliya ay marsiiso barnaamijkaa. Muranka u dhexeeya deedbixiyeyaasha iyo xukuumaddu waxa uu sababay in mashaariicda horumarinta ee tusaale ahaan hay’adda QM oo loo isticmaalo dhaqaalaha deeqda la siiyo Soomaaliya uu istaago sidaas awgeedna waxaa taagan qayb weyn oo kamid ah dhaqaalaha soo gala dadka caadiga ah si toos ah iyo si dadban labadaba. Barnaamijka SMP (Staff Monitoring program) Xukuumadda Soomaaliya waxa ay codsatay in deymaha lagu leeyahay Soomaaliya la cafiyo iyada oo la marayo hannaanka deyn cafinta ee waddamada soo koroya, sidaas awgeed xukuumadda Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay horumar la taaban karo kasameyso dhinacyada Maaliyadda, Maamulka, Dhaqaalaha iyo Bulshada. Barnaamijkan SMP wuxuu soo bilowday May-2016, wuuna soconayaa ilaa inta laga gaarayo July- 2020, taas oo ku eg soo gebagebaynta wejigiisa afaraad. Wuxuu barnaamijkani dhiirrigelinayaa in isbeddel lagu sameeyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya, maamulidda iyo la socodka lacagaha Moobaylka la iskugu diro, ka hortagga lacagaha been abuurka ah iyo taageeridda kooxaha kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya. Qarashka socodsiinta wasaaradaha oo aan jirin guud ahaan Wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya muddo kudhow 2 sano iyo dheeraad ma haystaan dhaqaalaha socodsiinta howlaha wasaaradda (running cost Budget), taasina waxa sababay xukuumadda oo iskudeyeysa in ay bixiso mushaarka shaqaalaha rayidka,ciidanka iyo dhammaan qarashka howlgalka ee ciidamada. Dhaqaalaha taageerada howlgalka C XDS oo hoos u dhacday Mareykanka iyo Imaaraadka oo kamid ahaa dowladaha sida toos ah u taageeri jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxa ay joojiyeen lacagtii ay ku bixin jireen ciidanka Soomaaliya, tusaale ahaan Imaaraadka oo bixin jiray $10 Milyan oo dollar waxa uu joojiyey guud ahaan lacagtaas iyada oo Mareykankuna uu qayab ahana joojiyey lacagtii uu ku kaalmeyn jiray ciidanka Soomaaliya, isaga oo hadda bixiya oo keli ah dhaqaalaha qayb kamid ah ciidanka. Joojinta lacagahaas iyo hoos u dhigidda cadadkii geli jiray Suuqyada iyo daqliga dadka caadiga ah waxa ay si toos ah iyo si dadban u saameysay dhammaan suuqyada iyo awoodda wax iibsiga ee dadweynaha. Xigasho: Mustaqbral Radio
  22. Maxamed Abokor Xaaji Faarax wuxuu ku dhashay magaaladda Burco, 1929. Allah Ha U Naxariistee aabihii iyo hooyaddii, Xaaji Abokor Xaaji Faarax iyo Kaaha Haashi waxay ka mid ahaayeen shaqsiyaadkii rukunadda u ahaa magaaladda Burco. Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax markuu dhamaystay malcaamada Quraanka wuxuu ku biiray ardiydii ugu horeysay ee uu macallin u noqdo, AUN Maxamuud Axmed Cali. Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu ka dib waxbarasho u tagay Cadan iyo dalka Ingiriiska. Waxbarasho ka dib marxuumku wuxuu ka mid noqday tebayayaashii ugu horreeyey ee laanta af-Soomaaliga ee BBC World Service. Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu dalka ku soo noqday markii xorriyaadii laga qataay isticmaarkii Ingiriisiga , wakhtigaa oo uu ku biiray wasaaradda Arrimaha Gudaha, halkaas uu ka gaadhay badhaasabka Gobolka Sanaag. Marxuumku oo tababarkiisu ahaa saxaafinimadda wuxuu ku wareegay wasaaradda Warfaafinta ee dalkii lo odhan Jamhuuriyadda Soomaaliya, halkaas oo uu ka soo qabtay xilal kale duwan. Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu muddo ka dib ku biiray wasaaradda Arrimaha Dibedda, halkaas oo uu ka soo shaqeeyey dalalka Ingiriiska iyo Nigeria. Intii aanu hawl-gab noqon, wuxuu marxuumku, in muddo dheer ah, ka shaqeynayey dalka Cimaraadka. Allah Ha u Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu ifka kaga tagay shan carruur ah iyo ubadkay sii dhaleen. Cali Maxamed Qaran News
  23. Mahadnaqii Ramadaanta Mahadnaqa Koowaad waxa iska leh Allah oo caafimaad iyo cimri dherer noogu dhammeeyay Bishii Ramadaan, intaa ka dib Alle ha barakeeyo oo ha dhawro Marwadayda Nolosha ee waxkasta Fahiima Hassan Ali oo bishii Ramadaan si gaara iigu diyaarinaysay Afurka, Cashadda iyo Suxuurtaba, iyadoon marna aan daaleyn ama aan ka caajiseyn saddexda wakhti iyo in ka badanba ee ay kijada gallayso anigoo ogaa innay ku jirto xaalad tii hore ka culus, Xaalad tii hore ka kulul oo xeeba kana kulul tii ay ku soo kortay ee Hargeysa oo Qabaw , iyadoo Ila qaybsanaysay Kuleelka Xeebta Berbera iyadoo awgay uga dooratay Meel qabaw inay ku noolaato oo Berbera ila dooratay. Bisha Ramadaan waa bisha Billada Dumarka waxay shaqaysteen laba Kheyr oo waaweyn mar waa Soonka Bisha Ramadaan marna waa Diyaarinta Afuradda, Cashooyinka iyo Suxuurtaba iyadoo ay u dheer tahay Hawlaha kale ee guriga ee soo dhaweyn, diyaarin, qaabeynta iyo qurxinba leh. Wakhtiyada qaarkoodna ay hormood u tahay wanaaga iyo Kheyrka xusuusintiisa iyo ku dedaalkiisaba. Waxaan bilad Sharaf siiyey Marwadayda Qaaliga ah Fahiim Xasan Cali sidii Qiimaha badnayd ee Naf hurnimadda lahayd ee ay noogu dedaashay wakhtigii Barakeysnaa ee Bisha Ramadaan billadu maaha wax aan Abaalgud uga dhigayo se waa dhiirrigalin iyo innay dedaalkeedu noqdo mid sii labanlaabma ana aan u qirsan ahay waxqabadkeeddii iyo dedaalkeediiba. Anigu ma qiyaasi karo dareenka aan ku cabirayo waxaan ugu abaalguddi lahaa, Qoraal maaha, Maal maaha, se waa Garasho iyo innaan la dareen noqdo, kuna idhaahdo ku mahadsanid dedaalkaagii iyo Dhabar adaygaagii bishii Kheyrka badnayd waanan ogahay Abaalka hooyo inaan Qoraal lagu soo koobi karin waan ogahay in Marwo kasta oo guri joogtaa ay tahay Nuurka guriga maalinta la arki waayana nuurkaasi uu damo!. Mahadnaqu waa mid furan se kani waa mid aan idinku xasuusinayo in haweenku yihiin Lafdhabar adag oo Alle guryaheenna ku qurxiyey una baahan in loo mahadnaqo lana dareensiiyo halka laga taagan yahay si bulshadda inta aan ogeyni u ogaato. Dumarku waa Lafdhabarta iyo quruxda nolosha Ibnu Aadanka, Dumarku waxaanay ragu qaban karin bay qabtaa waxaannay qurxin karin bay qurxiyaan, waxaannay sammayn karin bay sammeeyaan, waa Laylatulqadar Alle u soo diray Ragga innay Nolosha ku kaalmeeyaan oo ka caawiyaa si ay iskugu dheelli tirmaan. Haddana iyagoo sidaas innoogu dedaala ayaynu oo nolosha innoogu qurxiya abaalkooda waxaynu ka dhignaa Kubsi, Dil, furniin iyo Faraxumeynba, Rag iskuma jiree rag aan dumar waxba ka aragnaa sidaa sammeeya. Dumaraw abaalkiina Alle unbaa Guddi kara ana Abaalka marwadayda Alle ayaan janno fardawsa u waydiinayaa insha Allah, waxaanan ugu duceynayaa Caafimaad, Camal wanaagsan iyo Nolol Farxad badan in Alle siiyo , ana aan ogahay abaalkaaga Nololeed idinkana sidoo kale intiinna Hooyonimo isku diyaarinaysanna waxaan leeyahay hawlbaa idin sugaysaa Intaad Gurigiina joogtaan Casharo badan waalidkiin ka soo barta oo hawlaha guryaha ka socda marna ha ku sii deynina Hablaha kale ee idiin adeegga la shaqeeya inta ugu muhiimsanna Qabta. Si mustaqbalka aad si fiican ugu adeegtaan Odaygiina. Dumarbaa Rag is dhaafshay. Facebook: Rakad Mxd Sultan Farxaanmxd@gmail.com Qaran News